    Keyse | Tuesday, January 16, 2001 - 04:05 am Sida la inoo sheegay, Madaxweynaha hadda la doortay ee dalka maraykan ku, wuxuu Wasiirka Arrimihiisa dibadda u doortay Jananka madow ee la yiraahdo Koolin Bowl…. Isagoo ah janankii hoggaam-inayay dagaalkii adduunkoo dhammi Ciraq ku hujuuntay sannadkii 1991…. Sidee ayuu u arkaa arrimaha Soomaaliya guud ahaan iyo kuwa Puntland gaar ahaan??? Waxaynnu ku bilaabaynnaa horta siduu u fekeraa janankaasi??? Markii uu ka soo jeestay dagaalkii Ciraaq, saaxiibkiis oo la yiraahdo Josef Brisco ayaa inoo soo faafiyay oo ka dhigay buug, waraaqihii Janankaasi lafihiisa kaga xog-warramay (Biography)…. Buuggaas oo magaciisu yahay:- Xusuus-Qorkii Koolin Bowl…. Bal aan erayo ka soo qaadanno:- 1. Fasalka 9aad, Bogga:- 277:- <<Aragti saafi ah oo aad leedahay, kaligeed wax kuma fulinkartid…. Aragtidaas waxaa dhab la taaban karo u beddeli kara, rag ad-adag keliya…. Adiga iyo iyagu raq badan wara…. Ka dibna iskaga dhaqaaq, wadaaddada iyo kuwa samafalka ka shaqeeyaa lafaha ha ururiyeene u daa>> 2. <<Waxaynnu ku noolnnahay nolol hoosta ka maran oo aynnu aad ugu cidllooneynno… cadowyo dhab ah si sahlan ayaynnu ku helikarnaa…. Laakiin way adagtahay inaynnu helnno saaxiibbo run ah>> 3. Fasalka 14aad:- <<Anigu maamulka aan jeclahay waxaa weeye:- arrimaha oo lagu fuliyo naxaariis la’aan kor qabow>> bogga 452 4. <<Anigu ragga ila shaqeeya marwalba waxaan ka rabaa:- caqli soofeysan, daacadnnimo buuxda, dhega nuglaan ebyan, dareen sarreeya, arrimaha dhicidoona oo la sii arko, qofnnimo isu-miisaaman iyo howlfulin lagu mintido>> Bogga 452. 5. <<Madaxweynahayagu (Reagan) wuxuu ahaa nin caqligiisu kala daadsanyahay oo maskaxdiisu kala quban tahay>> Bogga 462 6. <<uur-ku-jirta qofku, caafimaadka ugu sarreeya waxay ka heshaa faras guudkii>> waxaa yiri Madaxweyne Reegan Bogga 496. 7. <<Hoggaamiyeyaasha waaweyne, kibir ma laha, dooddana ma nacaan, wayna shaki-badan yihiin, xalka ay keenaanna waa mid dadweynuhu fahmi-karo>> Bogga 501. 8. Fasalka 17aad:- << Inta aad leedahay cadow heer sare ah ayaa adigana arrimahaagu kor u soconkaraan>> Bogga 505 9. Fasalka 18aad:- <<Millateriga Amerika oo hoggaanka loo dhuftay, inkaaraha dunida waa ka mid>> Bogga 589 10. <<Panama ayaannu ku qaadannay tababbar nuxurkiisu yahay:- Adigoo baallaweyn sii hadaaf, arrintana dhakhso u soo afjar>> Bogga 615. 11. << Carabtu dhan ayay ka ahaayeen walaalkooda habowsan, laakiin diyaar uma ahayn inay Israa’il saf la soo galaan>> Bogga 616 12. Ciraaq-dii aan ku luqluqday waxay ahayd xoogga 4aad ee dunida>> Bogga 622. 13. waxaanu Ciraaq u maggaabinnay, inaanu indhaha Iran wax tusno>> Bogga 668 lASOCO......... |