Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government: Aabe guuleed oo ku guul daraystay inuu wiilkiisa abdiqasab u daadihiyo shirkii dalalka africa ee afka faransiiska ku hadla
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nin-yaaban

Thursday, January 18, 2001 - 07:44 pm
C/qaasim iyo…
Muqdisho: [Xiddigta Banaadir]

Madaxweynaha KMG ah ee Soomaaliya Dr. C/qaasim Salaad Xasan oo lagu waday inuu shalay u anbabaxo dalka Kameruun si uu uga qeybgalo shirka wadamada Afrikaanka ee ku hadla Afka Faransiiska oo la filayo inuu dhowaan ka furmo magaalada Younde ee dalka Kamiruun ayaa baaqday.

Baaqashada wafdiga Mad-axweynaha ayaa warar xog-ogaal ahi sheegeen inay ka timid dhina-ca qabanqaabada safarkaasi oo la sheegay inaan la helin martiqaad-kii rasmiga ahaa ee wafdiga Mad-axweynaha, wararkii ugu danbee-yayna waxay sheegayaan in Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cu-mar Geelle uu dadaal xoog leh u galay sidii wafdiga Soomaalida ee uu hoggaaminayo C/qaasim Sala-ad Xasan ay martiqaad rasmi ah u heli lahaayeen ama ugu yaraan ay goob joogayaal uga noqon lahaay-een shirka, iyadoo dadaalkaas uu socday ilaa xalayto.

Shirkan oo ah shir madaxeed ahmiyad weyn leh ayaa la filayaa in dadaalka Madaxweynaha Jabuuti uu keeno in wafdiga dowladda KMG ah loo ogolaado ka qeybgalka shirka oo ay maanta anbabaxaan haddii ay suuragal u noqoto

Dr. C/qaasim ayaa Arbacadii u anbabaxay halkaas kadib markii ay martiqaad ka heleen isagoo sii maray dalka Suudaan, waana markii ugu horeysay ee Soomaaliya ay shirkas ka qeybgasho mudo toban sanadood ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaabane kale

Friday, January 19, 2001 - 10:14 am
Maaanaa waalan mase cadan ayaa laga heesayaa?

"Madaxweynaha KMG ah ee Soomaaliya Dr. C/qaasim Salaad Xasan oo lagu waday inuu shalay u anbabaxo dalka Kameruun si uu uga qeybgalo shirka wadamada Afrikaanka ee ku hadla Afka Faransiiska oo la filayo inuu dhowaan ka furmo magaalada Younde ee dalka Kamiruun ayaa baaqday"

iyo

"Dr. C/qaasim ayaa Arbacadii u anbabaxay halkaas kadib markii ay martiqaad ka heleen isagoo sii maray dalka Suudaan, waana markii ugu horeysay ee Soomaaliya ay shirkas ka qeybgasho mudo toban sanadood ah"

Labada jumlo ma isku qof ayey ka hadlayaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nin aan yaabaneyn

Saturday, January 20, 2001 - 06:20 am
Somali President well received in Yaounde as he attends the summit.
Yaounde – The President of the Somali Republic, Dr. Abdikasim Salad Hassan and a high level delegation he led were warmly welcomed as they arrived in Yaounde yesterday.

The president and his delegation were met at the airport by the Cameron president and was saluted with presidential honor.

President Kasim who is currently attending the Franco-phone summit has met the president of Sudan, Algeria, Chad, Benin, Burundi, Senegal, Djibouti, and Mali, and raised with them the bilateral relations between the two sides.

President Kasim also met the foreign ministers of Eritrea, Tanzania and Tunis as well as the Secretary Generals the UN and the OAU, Kofi Annan and Salim Ahmed Salim and other dignitaries