Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Puntland Politics: Puntland Politics: How far Abdilahi yussuf ( ina yey) can go to destory harti(putland) ?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

garowe

Thursday, January 18, 2001 - 09:46 pm
as we all know Abdilaahi yussuf leaded majeerteen people against darood regime( siyaad bare) all most ten years to come a president of somalia. again he came allay with aidid to be his vice president and Aidid kick him out.now he call himself president of putland.the topic is how far he can go?

Garowe

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

faarax

Thursday, January 18, 2001 - 09:53 pm
waxaan u arkaa nin dhiig yacaba oo kaligii daneysta ah oo aan cidna dan ka lahayn doonayana inuu helo wuxuu doonayo. waana kii rogi lahaa harti waliba reerka la yidhaahdo majeerteen

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cadaani

Thursday, January 18, 2001 - 09:57 pm
war yaaney ku maqlin cumar maxamuud wiilow ee is jir,,wacadee wadan aqoonine ,,,war ma hawiye baad tahay sheeganaya garoowe?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil-Qardhood

Friday, January 19, 2001 - 12:33 am
To: qofka sedexda magac labaxay

"been haddii lasheegayo mid run u eg baa lasheegaa"

waxaa ceeb kugu ah ( waa haddii ay wax kuu dhinto)in aad saacadu markay ahyd 02:46 aad labaxdid Garawe, daqiiqado kadibna aad Faarax labaxdid waa markay saacadu ahayd 02:53,waxyar kadibna aad labaxdid Canaadi. marka ninyohown beenlowga ah waa lagu ogaaday ee dood qiimo leh fur haddii aad rabtid in ladoodo, Haddii kale habaartan sida Ina Salaad Boy iyo kooxdiisa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, January 19, 2001 - 03:09 am
WAR-MURTIYEED KA SOO BAXAY SHIR AY YEESHEEN BEESHA CISMAAN MAXAMUUD

Shir wadatashi ah oo soconayey muddo dhan todobo casho 01 – 08/01/2001, laguna qabtey degmada Qardho, ayna yeesheen beesha Cismaan Maxamuud oo ay ka soo qayb galeen waxgarad ka kooban nabadoono, culimaa’udiin, samadoono, aqoonyahano, iyo dhalinyaro. Waxaa si qoto dheer loogu lafagurey qodobada ay ka mid yihiin.

1. Danaha degmada qardho

Wax qabadka iyo wax ka tabashadda maamulka Puntland xiligii uu dhisnaa.

Filashada waaga cusub ee siyaasadeed ee inagu soo fool leh.
Hanaanka geedi socodka nabada iyo dibu-heshiisiinta ee ay wado dwladda kumeel gaarka ahi.
Haddaba dood dheer kadib iyo ka baaraandeg wuxuu shirku soo saarey baaqyada iyo talooyinka war-murtiyeedkani xambaarsan yahay.

A. Danaha degmada qardho

Degmada Qardho waxay ka mid tahay degmooyinka Puntland ee Soomaaliya, kuwa ugu da`da wayn, waxayna caan ku tahay daaqa wanaagsan oo ay ku wada dhaqmi karaan dhamaan noocyada xoolaha la dhaqdo dalkeena. Waxay leedahay kaymo dabiici ah oo alla ku manaystay, laguna qurxiyey duur joog iyo ugaar kala gedisan, waxay si siman xad ula leedahay goboladda Sool, Sanaag iyo Nugaal, waxayna xiriirisaa gobolka Bari iyo goboladaas.

Waxaase ayaan darro noqotay in tobankii sano ee la soo dhaafey lagu qaadey weerar naxariisdarro ah wax alla wixii astaan dabiici ahaa ee deegaankaasu lahaa, laysna oran karo waxba kama jiraan maanta. Waxaa dhibaatooyinka la geystey kamid ah:

· Waxaa si cadowtinimo ah loo gubay dhamaan kaymihii dabiiciga ahaa iyadoo la soo siisanayo wax aan u dhigmin

Waxaa si aan loo meeldeyin loo degey dhammaan dooxooyinkii iyo balliyadii aftinka ahaa iyadoo si qiyaas la`aan ah looga qodey barkado qaarkood isaga dhow yihiin 3Km taas oo fududeysay nabaad guur rasmi ah.
Waxaa si sharci darro ah loo seeraystey dhulkii caanka ku ahaa daaqa xoolaha
Waxaa dhammaan la dabargooyey oo la dhoofiyey ugaartii iyo duurjoogtii, waxaana halkaa ku dhintay bilicdii kaymaha deegaanka Qardho.
Haddaba markey arimahaasu cadaadeen waxaa shirku soo jeedinayaa:

1. In dhaqanka u nixid la’aanta deegaanka laga waantoobo laguna bedelo mid ah u hiilinta iyo daryeelka bay`adda, laguna wacyi geliyo dhammaan dadweynaha ku nool deegaankas, sidii ay uga hortegi lahaayeen cid alla cidii waxyeelaynaysa deegaanka

In gacan buuxda la siiyo ciidanka daraawiishta ee ku hawlan ka hortaga xaalufinta deegaanka

In la sooceliyo seerayaashii xilliilaha ahaa ee waqtigii dowladii hore si daaqa dhulku u soo noolaado.

In la soo celiyo sharcigii ka qornaa ilaalinta deegaanka, dadkana loo baahiyo.





B. Waxqabqadka iyo tabashada Maamulka Puntland xiligii ay dhisnayd

i. Waxqabadka Maamulka Puntland

Inkastoo dhismihii iyo ku dhawaaqidii maamul goboleedka puntland soo celiyey haybadii iyo karaamadii shacabka Puntland lahaa, haddana ay dhammaanayso mudadii sadexda sano ahayd ee la doortay, waxaa muuqata in baahidii loo dhisay iyo balanqaadyadii ku caddaa axdigii la wada qortey aan wax weyn laga qaban marka laga reebo arrimaha soo socda.

1. Qaadida isbaarooyinnkii dadka socdaalka ah lagu dhibi jirey

Wax ka qabashada dadkii tahriibta ku dhoofi jirey ee badda ku le’an jirey.
Wax ka qabashda dhoofinta xad-dhaafka ahayd ee dhuxusha.
Meelaynta qaybo ka mid ah dhalinyaradii dalka oo la qorey ciidanka daraawiishta iyo booliska
Asaaska habka garsoorka sida maxkamadaha degmooyinka qaarkood, inkastoo wax fulintu yar tahay.
ii. Wax ka tabashada Maamulka Puntland

Tabashada shacabka Puntland ee xagga maamulka aad ayey u badan tahay, waxaana ugu horeeya in aan haba yaraatee maamulku gacan ka geysan dhinacyada kala ah:

1. Waxbarashada

Caafimaadka dadka iyo xoolahaba
Horumarinta biyaha
Baahinta korontada
Dibu dejinta iyo daryeelka dadka soo barakacay
Waxaa aad looga dhawaaqayaa arrimaha mamulku ku talaabsaday oo ay ka mid yihiin
a. Soo daabicidda lacagaha been abuurka ah ee khalkhalka geliyey dhaqaalihii yaraa ee dadku haystay, taas oo keentay in wax badan oo dadku isugu filaa in ay qabsadaan sicir barar awgiis aan maanta la qabsan karin.

Waxaa aad la isu weydiinayaa meelaha la mariyo cashuuraha xad-dhaafka ah ee aan cidna ku baaqan ee kala gedisan.
Waxaa aad looga ciil qabaa heshiisyada dahsoon ee lala galay shirkadaha shisheeye kuwaas oo daldalanaya khayraadkii badda ee loo sinaa oo kooxda xukunka haysaa iyo in yar oo ay uga maarmi waayeen ay si gaar ahaaneed u manaafacaadsadaan.
Waxaa dhaawac dhaqaale loo geystay kalluumaysatadii yar yaryarayd ee deegaanka Puntland, ka dib markii qalabkoodii iyo bay’addiiba ay burburiyeen, baddiina xaalufiyeen maraakiibta doolka ah ee heshiisyada xaaraanta ah lala soo galay
Waxaa shaki laga qabaa in shirkadahaasi ay haraaga sunta halista ah ee nugliyeerka (neuclear waste) ku aasaan xeebaha deegaanka Puntland.
1. Waxaa aad looga caraysan yahay sida bareerka ah ee loogu galda’ay ama loo barbar maray axdigii Puntland ee midnimada iyo baadi goob qaran Soomaaliyeed asaaskiisa iyo saldhiggiisu ahaa, ka dib markii ay kooxda xukunka haysaa diiday in ay ka qayb qaadato madashii dibu-heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed dadkana iska hortaagtay iyadoo adeegsanaysa muquunin iyo farsamooyin kale.



C. Filashada waaga cusub ee siyaasadeed

Haddaba, si loo daweeyo khaladaadkaas waxaa laga filanayaa waaga cusub ee siyaasadeed ee Puntland in uu noqdo sidan:

1. Mid siyaasaddiisu ku wajahan tahay wax ka qabashada adeegyada arrimaha bulshada, sida Ammaanka, waxbarashada, caafimaadka dadka iyo xoolaha.

Kor u qaadidda dhaqaalaha bulshada ee lagu khalkhaliyey maamul xumada iyo lacagaha been abuurka ah.
In cashuuraha layska qaado wax qabadkoodu dib ugu soo noqdo bulshada.
In heshiisyada lala gelayo shirkadaha shisheeye ay noqdaan kuwo cad oo aan mugdi ku jirin (transparancy).
In aan meel looga dhicin midnimada gobolada Puntland.
In la dhaqan geliyo axdigii Puntland ee lagu heshiiyey shirkii Garoowe kaas oo qorayey baadi goobka qaran Soomaliyeed iyo ka mid noqoshadiisa.
Haddaba, beesha Cismaan Maxamuud waxay ku dhiiri gelinaysaa shacbiga Puntland in la ilaaliyo xasiloonidii iyo nabadda ay goboladani hiddaha u lahaayeen, waxaana sina loo aqbali karin go’aankii doorashada ee kooxda maamulka haysaa ku soo qortay wargeyska Kaaha Bari cadadkiisii 507 ee 05/01/2001. Waxayna beeshu ku baraarujinaysaa beelaha kale ee Puntland in aan sina loo aqbalin wax yaalahaas oo kale.

Maadaama kooxda xukunka haysaa gabtay soo diyaarinta hannaan doorasho loo simanyahay aanna hadda laga aqbali karin mid yeeris, waxaan ugu baaqaynaa guurtida iyo salaadiinta beelaha Puntland in ay ayagu qaadaan xilka soo diyaarinta hannaankii doorashada Puntland si laysu raaco ee aan loo ka dhantaalmin.

Waxaa shirka layskaga raacay in la taageero gacan buuxdana la siiyo musharaxii ama kooxdii loo arko in ay fulinayaa arrimaha kor ku xusan. Waxaan ku baraarujinaynaa dadweynaha reer Puntland in ay gacan siiyaan cid alla ciddi ogol ka mid noqoshada qaran Soomaaliyeed diyaarna u ah in ay gogol wada xaajood la furato dawladda ku meel gaarka ah.

D. Hanaanka geedi socodka nabadda iyo dibu-heshiisiinta

Waxaan la qarin karin dhibaatada ummadda Soomaaliyeed ka dhaxashay nadaamkii keli taliska ahaa ee burburay, waxaana xusid mudan xanuunkii iyo halaagii lagala kulmay dagaaladii sokeeye ee looga gol lahaa in laysku muquuniyo awoodduna koox gacanta u gasho. Maadaama qorshaha iyo talada Dawladda KMG ahi ka duwan yahay kuwaas hore, kuna salaysan yahay nabad, dibu-heshiisiin iyo talo wadaag waxaa ka go’an beesha Cismaan Maxamuud in ay gacan siiyaan qorshaha iyo siyaasadda dawladda KMG ahi ku hawlan tahay in ay Soomaali isugu keento.

Waxaan soo dhoweynaynaa waraysigii Ra’iisul wasaare Dr. Cali Khaliif Gallayr ka siidaayey idaacadda BBCda safarkiisii uu Talyaaniga ku tegey guud ahaan iyo gaar ahaanba warka uu ku muujiyey wax ka qabka dawladda ee ku wajahan gobolada Puntland iyo Somaliland.

Waxaan ug baaqaynaa dawladda KMG ah:

1. In dhaqaalaha, mashaariicda horumarineed, shaqada si siman loogu baahiyo dhammaan gobolada dalka ee aan hal meel lagu tuuntuunsan arrinkaas oo horseedi kara in burbur dambe dalka soo food saaro.

In aan meel lagaga dhicin ee la ilaaliyo axdi qarameedkii lagu dhigtay CARTA.
In dawladdu gacan buuxda siiso sidii loo wada xallin lahaa deegaamada khilaafaadku ka taagan yahay ee laysku hayo, annaga oo u soo jeedinayna dhinacyada is haya in wax kasta loo wadaago loogana wada hadlo si walaalnimo ah.
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u soo jeedinaynaa guud ahaan shacabka reer Muqdisho gaar ahaan hogaamiye kooxeedyada taageeray hannaanka geedi socodka nabadda isla markaasna wada shaqaynta nabadeed la leh dawladda KMG ah. Waxaan ugu baaqaynaa hogaamiye kooxeedyada weli qaadacsan baadigoobka qaranimada Soomaaliyeed in ay dib u eegaan halgankii adkaa ee lagu dhaliyey gobonimadeenii soo hoyatay 1960kii.


Wa billaahi tawfiiq.

Saxiixayaasha Baaqaqn:

Nabaddoon Cismaan Ismaacill Cali Faahiye
= Axmad Faarax Dall’aan
= Maxamad Aadan cali
= Cabdi Diiriye Jaamac
= Abshir Ismaaciil Guray
= Cali Maxamuud Ildab
= Axmad Maxamuud Yuusuf
= Cumar Maxamuud Xasan
= Cabdisamad Timir Diiriye
= Maxamuud Ducaale Faarax
Samaddoon Cali Cartan Jaamac
= Cali Shire Cali
= Cabdi Caarshe cali
Ismaacill Aw-Cali
Maxamuud Xasan Diric
Cabdi cali Xundhur
Cali Xaaji Yuusuf
Yusuf Aw-Muuse Maxamud
Dr.Xirsi Magan Ciise
Dr.Axmad Muusa Cali
Avv.Maxamad Firin Yuusf
Eng.Axmad Xaaji Nuur
Eng.Cabdullahi Axmad Cabdi
Dr. Yaasiin cabdi xaaji
Dr.Cali Cabdi Seed
Cabdullaahi cali Qood
Cusman Moxamad Barre
Cusman Buux Cali
Xirsi Shire Cali
Issa CumarMuusa Dhuxul
Cabdi Shukuur Siciid Muusa
Maxamad Yuusuf Dhaanto
Col. Cabdi Nuur Axmad (luuq)
Cali Aadan Ciiraale
Cabdirisaaq Faarax Bootaan
Abdullahi Khaalid Aw-Muuse
Jaamac Cismaan Cabdi
Cabdi-risaaq Warsame Maxamad
Maxamuud Yuusuf Xuseen
Carab Abshir Xuseen Nuur
Ciisa Xuseen Nuur Dhegey
Maxamuud Hiirad Kaatun
Xsan Muusa Cisman
Cabdirisaaq Ciisa Nuux
Axmad Maxamad Ducaale
Maxamuud X. Cali Cisman
Cabdi Shire Maxamad
Axmad Shire Guure
Abdullahi Maxamad Guuleed
Cabdullahi Nuux
Siciid Caabdi Seed
Siciid Xareed Samatar
Maxamd Salad Ciisa
Cali-Baashi Siciid Aw-Muuse
Caqbdillahi Ismaacill Yuusf
Siciid dall’aan Axmad
Abshir Faarax Xasan
Mire Barre Yuusuf
Khaliif Shabeele Cabdi
Liibaan cabdillahi Deni
Maxamuud Muusa Maxamad
Huruuse Maxamd Cali
Maxamuud Muusa Maxamad
Mire Maxamuud Shirdoon
Shabeel Siciid Xuseen
Cabdirisaaq Maxamuud Joome.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

darood

Friday, January 19, 2001 - 04:44 am
Hadii aad bowe wax kashegto adaa cirka roob ku og

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil-Qardhood

Saturday, January 20, 2001 - 05:19 am
YAXYAX BADANAA!

Runtii waan naxay markaan maqalay warkaan oo waxaan ka naxay talo xumida reer tolkay haysata( kuwa baaqaan qoray ee u ololaynaya Ina Salaad boy).

Waayo waxaa meesha ka cadaatay arimo badan oo muujinaya in dadkaan aysan garanayn danta GUUD ee dadka reer Puntland.

-Horta dhaliilaha ay sheegeen qaarkood waa run oo waa jiraan, laakiin waa wax haddii uu Ina Yey masuul ka yahay la sixi karo oo doorasho ayaa soo dhaw sidaas darteed qiil taasi manoqonayso.

-Dihibaatooyinka ay sheegayaan ma aha kuwo ku kooban oo kaliya Magaalada Qardho ee waa mid ay nala qabaan Guud ahaan reer Puntland waxaana rajaynayaa in dadka nidaamka haya iyo kuwa imaan doona (haddii la doorto kuwo kale) ay wax ka qabtaan dhibka jira ALLENA ha u sahlo, marka wax takoor ah oo nala ku sameeyay oo aan Cayr & Ina Salaad Boy u magansano majiraan, Marka dadka baaqaan soo jeediyay waxaysan ogayn in ay dadkoodii ay dhibaato aan jirin ay kadhex abuurayaan iyagoo Ina Salaad Boy u danaynaaya.

- Baroortu orgiga kaweyn: Qofku marka uu wax garad yahay waxaa lagu yaqaanaa in uu kataliyo danta guud ee dadkiisa marka haddii ay rabaan in reer Puntland wax wada qabsadaan maxaa keenay in iyadoo doorashadii ay dhawr bilood ka hartay ay hadalkaan soo saaraan taas waxaan u fasiran karaa in ay fitno wadaan dadka waxaan qoray iyagoo Ina Salaad Boy u danaynaaya(oo aan ogayn??) soomaalidaa waxay ku maahmaahdaa "hal bil qaday bari kuma dari waydo" marka haddii aan 30 bilood dhib ku soo jiray( waa siday qoreene) ma dhawr bilood baan u adkaysan waynay, maxayse wakhtigaan qaabka daran ula doorteen haddii ay danta guud ee reer Puntland ka talinayaan.

-Haddii lafkasta, jilibkasta, magaalkasta iyo tuulo kasta ay dhibkooda inta sheegtaan ay yiraahdaan saas iyo saas baa naloo xumeeyay oo sidaas darteed ayaan Ina Salaad Boy u magansanaynaa waxaan filaayaa in reer Puntland oo dhan aan Ina Sallad Boy calanka u lulilahayn- taasna ILAAHOW hanabadin.

- Haddii nimanka baaqaan qoray ay yihiin dad damiir puntlandnimo leh Ina Salaad Boy uma aqoonsadeen dawladnimo waayo isaguba nooguma uu yeero MAGICII aan isu bixinay ee Puntland iska dhaaf in uu noo aqoonsado dawlad goboleed, in magicii aan isu bixinay aan nalooku yeerinna waa bahdilnimo aad iyo aad u xun sidaas darteen nimanka baaqaan qoray waxaad mooddaa in ay iska dhaga tirayaan bahdilnimadaas xun ee Ina Salaad Boy ku samaynaayo reer Punland!

Nimaka baaqaan qoray waxaan oranlahaa waxaa wanaagsan in ay danta guud ee reer Puntland ay ka fakaraan ee aysan caqligooda ku soo koobin Qardho oo kaliya, waayo marka aad dhaliilaysid dadka maamulka haya waxaa wanaagsan in laga fiiriyo siguud ee aan loo eegin si gaar ah.
s/c

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GANTAAL

Saturday, January 20, 2001 - 05:54 am
WAR WAXNA HA ISWAREERINA WARMURTIYEEDKAAN KUMA SAXIIXNA BOQORKA OO AH NIKA KALIYA OO MAGACA KU HADLIKARA IYO KAN MAJEERTEENBA IYO HARTI IYO DAAROOD TAAS AYAA KUU MUU JINAYSA INAY TAN TAHAY MID UGAAR AH RAGA KU SAXIIXAN, MARKA ARINTAA YAA LOO QAADAN ARIN AY BEESHU UDHANTAHAY.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hamar

Thursday, January 25, 2001 - 07:27 pm
Maqaalka rag aan yareyn ayaa ku saxiixan, boqorka kaliyana wax ma qabto. Ragu dantooday ka hadleenee, idinku maxaad C/laahi Yuusuf intaa u difaacdaan? waa idinka intaas leh waa tagayaayee goormuu tagi dadku qaati bilaahi ayey ka taagan yihiinee. haddii uu mid tagaaya yahay isaga oo beerka ka qalan Soomaliya dib uguma soo noqdeen. Mida kale ninna u carari maayo ina Salaad Boy. Dawlada KMG waa lala xisaabtami C/laahi haddii uu sameyn lahaa ina qardhood iyo kuwo la mid ah durbaankay u tumi lahaayeen maxaa yeelay C/laahi waa halyeey wax garad ah oo siyaasi ah(sidey qabaan).