    Cismaan Maxamuud | Friday, January 19, 2001 - 06:45 pm WAR MURTIYEED KA SOO BAXAY SHIR AY YEESHEEN BEESHA CISMAAN MAXAMUUD Shir wadatashi ah oo soconayey muddo dhan todobo casho 01 – 08/01/2001, laguna qabtey degmada Qardho, ayna yeesheen beesha Cismaan Maxamuud oo ay ka soo qayb galeen waxgarad ka kooban nabadoono, culimaa’udiin, samadoono, aqoonyahano, iyo dhalinyaro. Waxaa si qoto dheer loogu lafagurey qodobada ay ka mid yihiin. 1. Danaha degmada qardho Wax qabadka iyo wax ka tabashadda maamulka Puntland xiligii uu dhisnaa. Filashada waaga cusub ee siyaasadeed ee inagu soo fool leh. Hanaanka geedi socodka nabada iyo dibu-heshiisiinta ee ay wado dwladda kumeel gaarka ahi. Haddaba dood dheer kadib iyo ka baaraandeg wuxuu shirku soo saarey baaqyada iyo talooyinka war-murtiyeedkani xambaarsan yahay. A. Danaha degmada qardho Degmada Qardho waxay ka mid tahay degmooyinka Puntland ee Soomaaliya, kuwa ugu da`da wayn, waxayna caan ku tahay daaqa wanaagsan oo ay ku wada dhaqmi karaan dhamaan noocyada xoolaha la dhaqdo dalkeena. Waxay leedahay kaymo dabiici ah oo alla ku manaystay, laguna qurxiyey duur joog iyo ugaar kala gedisan, waxay si siman xad ula leedahay goboladda Sool, Sanaag iyo Nugaal, waxayna xiriirisaa gobolka Bari iyo goboladaas. Waxaase ayaan darro noqotay in tobankii sano ee la soo dhaafey lagu qaadey weerar naxariisdarro ah wax alla wixii astaan dabiici ahaa ee deegaankaasu lahaa, laysna oran karo waxba kama jiraan maanta. Waxaa dhibaatooyinka la geystey kamid ah: · Waxaa si cadowtinimo ah loo gubay dhamaan kaymihii dabiiciga ahaa iyadoo la soo siisanayo wax aan u dhigmin Waxaa si aan loo meeldeyin loo degey dhammaan dooxooyinkii iyo balliyadii aftinka ahaa iyadoo si qiyaas la`aan ah looga qodey barkado qaarkood isaga dhow yihiin 3Km taas oo fududeysay nabaad guur rasmi ah. Waxaa si sharci darro ah loo seeraystey dhulkii caanka ku ahaa daaqa xoolaha Waxaa dhammaan la dabargooyey oo la dhoofiyey ugaartii iyo duurjoogtii, waxaana halkaa ku dhintay bilicdii kaymaha deegaanka Qardho. Haddaba markey arimahaasu cadaadeen waxaa shirku soo jeedinayaa: 1. In dhaqanka u nixid la’aanta deegaanka laga waantoobo laguna bedelo mid ah u hiilinta iyo daryeelka bay`adda, laguna wacyi geliyo dhammaan dadweynaha ku nool deegaankas, sidii ay uga hortegi lahaayeen cid alla cidii waxyeelaynaysa deegaanka 2. In gacan buuxda la siiyo ciidanka daraawiishta ee ku hawlan ka hortaga xaalufinta deegaanka 3. In la sooceliyo seerayaashii xilliilaha ahaa ee waqtigii dowladii hore si daaqa dhulku u soo noolaado. 4. In la soo celiyo sharcigii ka qornaa ilaalinta deegaanka, dadkana loo baahiyo. B. Waxqabqadka iyo tabashada Maamulka Puntland xiligii ay dhisnayd i. Waxqabadka Maamulka Puntland Inkastoo dhismihii iyo ku dhawaaqidii maamul goboleedka puntland soo celiyey haybadii iyo karaamadii shacabka Puntland lahaa, haddana ay dhammaanayso mudadii sadexda sano ahayd ee la doortay, waxaa muuqata in baahidii loo dhisay iyo balanqaadyadii ku caddaa axdigii la wada qortey aan wax weyn laga qaban marka laga reebo arrimaha soo socda. 1. Qaadida isbaarooyinnkii dadka socdaalka ah lagu dhibi jirey 2.Wax ka qabashada dadkii tahriibta ku dhoofi jirey ee badda ku le’an jirey. 3.Wax ka qabashda dhoofinta xad-dhaafka ahayd ee dhuxusha. 4.Meelaynta qaybo ka mid ah dhalinyaradii dalka oo la qorey ciidanka daraawiishta iyo booliska 5.Asaaska habka garsoorka sida maxkamadaha degmooyinka qaarkood, inkastoo wax fulintu yar tahay. ii. Wax ka tabashada Maamulka Puntland Tabashada shacabka Puntland ee xagga maamulka aad ayey u badan tahay, waxaana ugu horeeya in aan haba yaraatee maamulku gacan ka geysan dhinacyada kala ah: 1. Waxbarashada 2. Caafimaadka dadka iyo xoolahaba 3. Horumarinta biyaha 4. Baahinta korontada 5. Dibu dejinta iyo daryeelka dadka soo barakacay Waxaa aad looga dhawaaqayaa arrimaha mamulku ku talaabsaday oo ay ka mid yihiin a. Soo daabicidda lacagaha been abuurka ah ee khalkhalka geliyey dhaqaalihii yaraa ee dadku haystay, taas oo keentay in wax badan oo dadku isugu filaa in ay qabsadaan sicir barar awgiis aan maanta la qabsan karin. b. Waxaa aad la isu weydiinayaa meelaha la mariyo cashuuraha xad-dhaafka ah ee aan cidna ku baaqan ee kala gedisan. c. Waxaa aad looga ciil qabaa heshiisyada dahsoon ee lala galay shirkadaha shisheeye kuwaas oo daldalanaya khayraadkii badda ee loo sinaa oo kooxda xukunka haysaa iyo in yar oo ay uga maarmi waayeen ay si gaar ahaaneed u manaafacaadsadaan. d. Waxaa dhaawac dhaqaale loo geystay kalluumaysatadii yar yaryarayd ee deegaanka Puntland, ka dib markii qalabkoodii iyo bay’addiiba ay burburiyeen, baddiina xaalufiyeen maraakiibta doolka ah ee heshiisyada xaaraanta ah lala soo galay e. Waxaa shaki laga qabaa in shirkadahaasi ay haraaga sunta halista ah ee nugliyeerka (neuclear waste) ku aasaan xeebaha deegaanka Puntland. f. Waxaa aad looga caraysan yahay sida bareerka ah ee loogu galda’ay ama loo barbar maray axdigii Puntland ee midnimada iyo baadi goob qaran Soomaaliyeed asaaskiisa iyo saldhiggiisu ahaa, ka dib markii ay kooxda xukunka haysaa diiday in ay ka qayb qaadato madashii dibu-heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed dadkana iska hortaagtay iyadoo adeegsanaysa muquunin iyo farsamooyin kale. C. Filashada waaga cusub ee siyaasadeed Haddaba, si loo daweeyo khaladaadkaas waxaa laga filanayaa waaga cusub ee siyaasadeed ee Puntland in uu noqdo sidan: 1. Mid siyaasaddiisu ku wajahan tahay wax ka qabashada adeegyada arrimaha bulshada, sida Ammaanka, waxbarashada, caafimaadka dadka iyo xoolaha. 2. Kor u qaadidda dhaqaalaha bulshada ee lagu khalkhaliyey maamul xumada iyo lacagaha been abuurka ah. 3. In cashuuraha layska qaado wax qabadkoodu dib ugu soo noqdo bulshada. 4. In heshiisyada lala gelayo shirkadaha shisheeye ay noqdaan kuwo cad oo aan mugdi ku jirin (transparancy). 5. In aan meel looga dhicin midnimada gobolada Puntland. 6. In la dhaqan geliyo axdigii Puntland ee lagu heshiiyey shirkii Garoowe kaas oo qorayey baadi goobka qaran Soomaliyeed iyo ka mid noqoshadiisa. Haddaba, beesha Cismaan Maxamuud waxay ku dhiiri gelinaysaa shacbiga Puntland in la ilaaliyo xasiloonidii iyo nabadda ay goboladani hiddaha u lahaayeen, waxaana sina loo aqbali karin go’aankii doorashada ee kooxda maamulka haysaa ku soo qortay wargeyska Kaaha Bari cadadkiisii 507 ee 05/01/2001. Waxayna beeshu ku baraarujinaysaa beelaha kale ee Puntland in aan sina loo aqbalin wax yaalahaas oo kale. Maadaama kooxda xukunka haysaa gabtay soo diyaarinta hannaan doorasho loo simanyahay aanna hadda laga aqbali karin mid yeeris, waxaan ugu baaqaynaa guurtida iyo salaadiinta beelaha Puntland in ay ayagu qaadaan xilka soo diyaarinta hannaankii doorashada Puntland si laysu raaco ee aan loo ka dhantaalmin. Waxaa shirka layskaga raacay in la taageero gacan buuxdana la siiyo musharaxii ama kooxdii loo arko in ay fulinayaa arrimaha kor ku xusan. Waxaan ku baraarujinaynaa dadweynaha reer Puntland in ay gacan siiyaan cid alla ciddi ogol ka mid noqoshada qaran Soomaaliyeed diyaarna u ah in ay gogol wada xaajood la furato dawladda ku meel gaarka ah. D. Hanaanka geedi socodka nabadda iyo dibu-heshiisiinta Waxaan la qarin karin dhibaatada ummadda Soomaaliyeed ka dhaxashay nadaamkii keli taliska ahaa ee burburay, waxaana xusid mudan xanuunkii iyo halaagii lagala kulmay dagaaladii sokeeye ee looga gol lahaa in laysku muquuniyo awoodduna koox gacanta u gasho. Maadaama qorshaha iyo talada Dawladda KMG ahi ka duwan yahay kuwaas hore, kuna salaysan yahay nabad, dibu-heshiisiin iyo talo wadaag waxaa ka go’an beesha Cismaan Maxamuud in ay gacan siiyaan qorshaha iyo siyaasadda dawladda KMG ahi ku hawlan tahay in ay Soomaali isugu keento. Waxaan soo dhoweynaynaa waraysigii Ra’iisul wasaare Dr. Cali Khaliif Gallayr ka siidaayey idaacadda BBCda safarkiisii uu Talyaaniga ku tegey guud ahaan iyo gaar ahaanba warka uu ku muujiyey wax ka qabka dawladda ee ku wajahan gobolada Puntland iyo Somaliland. Waxaan ug baaqaynaa dawladda KMG ah: 1) In dhaqaalaha, mashaariicda horumarineed, shaqada si siman loogu baahiyo dhammaan gobolada dalka ee aan hal meel lagu tuuntuunsan arrinkaas oo horseedi kara in burbur dambe dalka soo food saaro. 2) In aan meel lagaga dhicin ee la ilaaliyo axdi qarameedkii lagu dhigtay CARTA. 3) In dawladdu gacan buuxda siiso sidii loo wada xallin lahaa deegaamada khilaafaadku ka taagan yahay ee laysku hayo, annaga oo u soo jeedinayna dhinacyada is haya in wax kasta loo wadaago loogana wada hadlo si walaalnimo ah. Waxaan hambalyo iyo bogaadin u soo jeedinaynaa guud ahaan shacabka reer Muqdisho gaar ahaan hogaamiye kooxeedyada taageeray hannaanka geedi socodka nabadda isla markaasna wada shaqaynta nabadeed la leh dawladda KMG ah. Waxaan ugu baaqaynaa hogaamiye kooxeedyada weli qaadacsan baadigoobka qaranimada Soomaaliyeed in ay dib u eegaan halgankii adkaa ee lagu dhaliyey gobonimadeenii soo hoyatay 1960kii. Wa billaahi tawfiiq. Saxiixayaasha Baaqaqn: 1) Nabaddoon Cismaan Ismaacill Cali Faahiye 2) Axmad Faarax Dall’aan 3) Maxamad Aadan cali 4) Cabdi Diiriye Jaamac 5) Abshir Ismaaciil Guray 6) Cali Maxamuud Ildab 7) Axmad Maxamuud Yuusuf 8) Cumar Maxamuud Xasan 9) Cabdisamad Timir Diiriye 10) Maxamuud Ducaale Faarax 11) Samaddoon Cali Cartan Jaamac 12) Cali Shire Cali 13) Cabdi Caarshe cali 14) Ismaacill Aw-Cali 15) Maxamuud Xasan Diric 16) Cabdi cali Xundhur 17) Cali Xaaji Yuusuf 18) Yusuf Aw-Muuse Maxamud 19) Dr.Xirsi Magan Ciise 20) Dr.Axmad Muusa Cali 21) Avv.Maxamad Firin Yuusf 22) Eng.Axmad Xaaji Nuur 23) Eng.Cabdullahi Axmad Cabdi 24) Dr. Yaasiin cabdi xaaji 25) Dr.Cali Cabdi Seed 26) Cabdullaahi cali Qood 27) Cusman Moxamad Barre 28) Cusman Buux Cali 29) Xirsi Shire Cali 30) Issa CumarMuusa Dhuxul 31) Cabdi Shukuur Siciid Muusa 32) Maxamad Yuusuf Dhaanto 33) Col. Cabdi Nuur Axmad (luuq) 34) Cali Aadan Ciiraale 35) Cabdirisaaq Faarax Bootaan 36) Abdullahi Khaalid Aw-Muuse 37) Jaamac Cismaan Cabdi 38) Cabdi-risaaq Warsame Maxamad 39) Maxamuud Yuusuf Xuseen 40) Carab Abshir Xuseen Nuur 41) Ciisa Xuseen Nuur Dhegey 42) Maxamuud Hiirad Kaatun 43) Xsan Muusa Cisman 44) Cabdirisaaq Ciisa Nuux 45 Axmad Maxamad Ducaale 46) Maxamuud X. Cali Cisman 47) Cabdi Shire Maxamad 48) Axmad Shire Guure 49) Abdullahi Maxamad Guuleed 50) Cabdullahi Nuux 51 ) Siciid Caabdi Seed 52) Siciid Xareed Samatar 53) Maxamd Salad Ciisa 54) Cali-Baashi Siciid Aw-Muuse 55) Caqbdillahi Ismaacill Yuusf 56) Siciid dall’aan Axmad 57) Abshir Faarax Xasan 58) Mire Barre Yuusuf 59) Khaliif Shabeele Cabdi 60) Liibaan cabdillahi Deni 61) Maxamuud Muusa Maxamad 62) Huruuse Maxamd Cali 63) Maxamuud Muusa Maxamad 64) Mire Maxamuud Shirdoon 65) Shabeel Siciid Xuseen 66) Cabdirisaaq Maxamuud Joome. |
    Anonymous | Saturday, January 20, 2001 - 12:19 pm well done EYL xaqiiqa baad ka hadashay, dadku si wax uma wada arkaan waxaa ka buuxa maangaab badan oo u arka a constructive criticism as daacadnimo daro iyo wax la mid ah.CISMAAN MAXAMUD kama duwana walaalahooda kale ee dawladooda dhaliilaha u soo jeediyey, Garoowe, Galkacayo, BOOSAASO, QARDHO ETC. |