    SNM | Saturday, January 20, 2001 - 09:41 am Salaamu calaykum dhamaan, Halkan waxad ka haysaan gabayadii ama loo mariyay faqashta (Darood) ama ay soo mariyeen. Qaar badan oo ayaga ah aya gabayao badan u soo triyay, heesna u sameeyay Isaaqa(Saado Cali) (sangub) markaas taariikhdaas waa in l xuso. Faqashtu waa inay habeen iyo maalin la xasuusiyo munaafiqanamdoodii. maantana soomaali yaanan idiin sheegan..eyada eyadu dhashay, kan Sangub la yidhaado saw ma aha kii shalay durbaanka u qaraaxayay Afweyne..maantana iska dhigaayay nin somaalinimo jecel, Darood munaafiq dhe. Gabaygan waxa mariyay nin Ciidagale ah Bashiir Ismaaciil mire. 1985kii dagaalkii Habar Yoonis iyo Ogaadeen ka dib. waa laba tixood , tixda kwoobaad waa tan G. ta labaadna hadaan wakhti u helo waan soo gudbin. enjoy. Xasnaw baryahan gabay ma tiring gocoshadiisiiye Qalbigaygu wuu gaxsanaa dhowr gu’yu hore Gaajo iyo haraad ban u qabay gaydha maansad’e Godka laga higaadhsiyo naxwaha waan ? jiraye Waxa dhagaha loo galinyaa been ma guud maro’e Runa kama gabado cayna waa garab martyaaye Warka se xalay gudood iyo ku yimi g’amaha ii diiye Geel jiraha Hawd bay niyadu gaadhay labadiiye Goortaan hubsaday oon ka imi seexday gogoshiiye Warka iga gur caawana txidan galiyay taariikhe Afartaa g’ada iyo miimka iyo galalaw maw yeelay Sidii roob guguday galab d’a maw sheegay Gaagaabsi iiguma baxee gaban kalaan baanay Gaban waxan ka idhi sheekadii qarnka guul joogtay Iyo nimanka dib u soo gambiyay gawrac marinteeda Midna gaar ahaan waxan u diray gabiga Haaruune Gabana kalana waa reer Calaw diifta idin gaadhay Gaban kalana waa go’aanka iyo tixdaan gabagabaynaayay Gaban waxan ka idhi sheekadi qaranka guul joogtay Waatii xornimo loo guntaday gabi ahaanteene Somaliweyn gaadha nidhi loona wada guuxye Calankuna gargaar weeye iyo guul Ilaahiya’e Garashada aqoonta iyo naftuu raaxo galiyaaye Goorti la helay loo riyeed magacan guurayne La gar qaadyoo waayo badan loo garaac sacabe Kolkay labada geesood kulmeen laysku gacan qaadye Ogaadeen geeskaad naga jirteen goobti maad imane Gobolada maqnaa baad ahayd loona hawl galaye Gacan qabasho taageer le iyo guunyo lagu siiye Godolkiina soo doonta iyo caanihii gudhaye Markanse idhi waa u gudboone gogosha soo qaado Miyaad mahada gayseen rag waa kii abaal gud’e Jabahda la guray tababarkii gooni lagu siiyay Hubka geeshku qaatiyo rasaas gacanta loo buuxshay Bal gobonimo inaad raadisaan golaha loo xaadhye Idina geestaad ula kacdeen waa mid gooniyah’e Googoynta Somali iyo kala gur mooyaane Halkan sahanka gayn lahaa maad u geediyine Haday se wacadka inad gees martaan kula guul roonaatay Haka gubanin waa inoo dagaal waanad garateene Afartaa g’ada iyo miimka iyo galalaw maw yeelay Sidii roob guguday galab d’a maw sheegay Gaagaabsi iiguma baxee gaban kalaan baanay Midna gaar ahaan waxan u diray gabiga Haaruune Ninka geela kala raacaye gogolka qoondaystay Ee garab dhigiisi taal godinu suufaystay Isna ramad candhada giijiyay iyo goodir kama laabaaye Ee aan garanahayn kaaga lumay bahalku yuu goynin Ama baadi doon iyo u galin raacda lagu goobo Wuxu uga gol leeyahay qasdiga waanan garanahayne Gurmadka iyo hiilkii shalay waa guduunyahaye Ganataalada ragii kula dhace goyaya madaxdiina Ee googol dhigiini fadhidya uga guclayseene Ganuuntii Bulaale iyo sootii gees laga mariyay Niman baa gudoomaye cidlaad galalafaysaane Galbaa laga diree malaa waanad garanahayne Huwan oo wadaan galinin baa loo galaabsadaye Wuxii galbeed igu xiga joogta goob madhane Maantana garbidan hore furaan geela tuhusaane Ee magac gooniya la baxay kuna gumoodeene Oo gabiga Haaruun la biday kuna gulgushaane Meel kale nimaan gabadhi wadin gorofna loo diidye Galaana kama dartaan reer Calaw talo la gaadhsiine Waatay ka guureen bahii gaadhka ahaan jiraye Gaashaan dhigii reer Cismaan gaydh ma soo celine Naaleeye gabangaabsigii bari u guureeye Laandheerihii kuma godlaan Gaarde iyo Laane Iyagoo haraad go’ayabay dib ugu giigaane Sidii Cali Garaad looga dahay gaabshe hootade Isna hiilka wuxu gaylamaa waran magaysteene Ka gadoome Doolaal markii loga dhaar galaye Xasana gabiaahntii dhag xumo guudka laga saarye Adoon saynta kugu gooniya iyo cebta wali goynin Gurmadka iyo hiilkaad gasheen uunku garan waaye Waar goormaad ilawdeen libtii waydinkaa gudane Afartaa g’ada iyo miimka iyo galaw maw yeelay Sidii roob guguday galab d’a maw sheegay Gaagaabsi iiguma baxee gaban kalaan baanay Intaa soo gadafaa hadaan gees iskaga laabo Gooshkii dhawaytana marbaad ceeb gulguliseene Guubaabo ma ahe warkaan ku galbinayaaye Bal inad gigilataan runtaan sii gun dhabyaaye Hadaan se goob sumad iyo tilmaan gaar idin siiye Goofartiinkii Haradgieed gocosho ku keenye Inkastay ka guureen biyihii ooda lagu gooyay God daloola ka eege iyo geedi baylaha’e Idinkoo hayaan soo galoo diif la gubayaysane Oo nugulka waa raac ku dhacay adhina gaagaabshay Gacanaha iyo irmaankaiyo qooltida dhaqanya guunkiisa Geeli hinganayay ee biyihiisa looga gogo siinin Goob joogu waa dhaadayaa caynka loo galaye Gilgilada wadada waa kuwii galiyay maadhiine Adigoon garnayd filanahayn gudub lagoo laaye Sida gool baar kugu dhugtamay goor karaahiye Kolku maydku goonyaha wadhnaa laga galiilyoodye Guudkooda laga qaad hubkii garabka saarnaaaye Ragi see malintaa idin ka g’oy aaska lama gayne Waatii dhurwaagii ku gigay gaga habaasweyne Dibnaha u goo daadiseen gobi ma yeesheene Adoon saynta kugu gooniya iyo ceebta wali goynin Gurmadka iyo hiilkaad gasheen uunku garan waaye Waar goormaad ilawdeen libtii waydinkaa gudane Anuu se aan kala guree goblo weeyaane Gafurka niman baa is bida goobta xaajada’e Kuwii kibirka gooni ula baxay loona garnaayay Amba tuhinka gaarnimo u qabay waayo gooniya Goornama ma eegayn inay gacal la aadaane Inaan se dhalasho geedna lala tagayn gobina iimawday Cukrooy gambadu saarantaa manta hiil galaye Waxbase hadalku yaanu ila gudbine waxan ku soo gooyay Agoontii gargaarkii ma helin guulna maad dhaline Adoon saynta kugu gooniya iyo cebta wali goynin Gurmadka iyo hiilkaad gasheen uunku garan waaye Waar goormaad ilawdeen libtii waydinkaa gudane Afartaa g’ada iyo miimka iyo galalaw maw yeelay Sidii roob guguda galab d’a maw sheegay Gaagaabsi iiguma baxee gaban kalaan baanay Gaban kalana waa reer Calaw diifta idin gaadhaye Garab saar rag waa yeelanaa kii garwasde Nabad labada geesooda waanu gaaxina samane Garta toosan geedkiyo shirkiyo godol la waageeray Gudi qaybsha baanisha gaadha xubintiisa Ama guluc u yeelanin iyo?……………………. Odayaal tusmida loo guray iyo gurtii talinaysa Iyo magankaad gawracdaan gogosha loo xaadho Ama sooiyo gaar iyo xarago guriga loo seexsho Iyo gool martida loo qalo iyo gawaha iyo xoorka Boqornimo g’u weyn le iyo tilmaan uunku garanaayo Iyo haybad aan guurahayn nala gudoonsiiye Waxa inan gumeed yeeli karo waanu ka gubanaaye Mana geyno sheekada guracan gocorku ku haasaawye Gobna caaddeed waan naqaan waanan gudanaaye Goortay dil iyo dhiilo iyo geesanimo joogto Colna waa galnaa libna waan goosanaa culuse Labadeena geesoodna weys gedo yaqaanaane Saw dhaabadaan gaysan jiray manta lama gaadhin Geedha maxaad uga qaxdeen waa g’u doog badane Iyogoon gabaabsayn miyaa laysu garan waayay Afartaa g’ada iyo miimka iyo galalaw maw yeelay Sidii roob guguda galab d’a maw sheegay Gaagaabsi iiguma baxee gaban kalaan baanay Waar guuto nacasta uma qaadan iyo gawris dabineede Gurada iyo huruufkuna marbay ciil ku galiyaane Adigoon ridada gaysanayn looma gees baxo’e Gocondhada markaad qaadateen myadin garanayne Gaagaabsi baa idin eegaa galin horaadkiiye Hanjabaad gun dhaw le iyo af xumo kama gabawdaane Gardarada intad yeelataan guul ma dhalisaane Maanatan gadiidkii horaad gudub u saydheene Garoonkii dhexdeenana dibbaad uga gadoodeene Mar se hadii gamuunada la rido gaato laga roone Geedha maxaad uga qaxdeen waa g’u doog badane Iyogaoo gabaasayn miyaa laysu garan waayay Afartaa g’ada iyo miimka iyo galalaw maw yeelay Sidii roob guguda galab d’a maw sheegay Gaagaabsi iiguma baxee gaban kalaan baanay Nin dhufays shiihiak u galay weys gedo yaqaanaane Waligayba gaadh baan ahaa g’u iyo jilaale Gudcur iyo cadaba Ciidagale guluf buu taagnaaye Ogaadeen gashiga noo taxnaa waa midaan gudhine Mana gabawdo hirtaanyadii loo g’u tiriyaye Gayigay wax badan nooga tageen goor barwaaqo ahe Kuwii guri dhigoodii fogaa guuyada iyo maalku Ee webiga geesaha ka maray galinay duulaalne Fardo Galgul iyo maalintii geenyo lagu weeray Maahmaahdiin baa geel u hadhay gaajo lagu reebye Ramadkii guryaha buuxin jiray galab la xaydaanshe Gadaal urursi mooye baryahan neef ma soo galine Gaawuhii ilaw caanihii loo gudayn jiraye Garab rarato waataan ka dhigay gabiga Jeerare Iyaba waydin gaabshaan faraa kumana gaadhaane Goobtiinay ahaayeen kuwii caydhkan doodsadye Gagadii tilmaanyad markay gaydhu ololaysay Goortay Subeeraw lahayd gadhka maad qabane Bilo iyo gogo baan soo wado gudubuu taagnaaye Waad gaadhi lahadyeen hadad guul ka filataane Gaashaan dhigaa laga baqay iyo goobta hiirta lehe Gurinkiisii waakaa xeryaha buuxiyoo galaye Taariikhda guubka ah nimaan aad u garanahayn Iyo gaban yaroo kacay miyaa talo idiin gooyay Afartaa g’ada iyo miimka iyo galalaw maw yeelay Sidii roob guguda galab d’a maw sheegay Gaagaabsi iiguma baxee gaban kalaan baanay Gabagabo iyo gaas weerariyo guuto la habeeyo Dhaliinyaro gariga loo tumo saanada u gurta Duhur galay gufaha colka iyo guunyo la xambraao Gurmadkiyo koorgogiyo dagel gaadhka lagu meersho Cir guduudka waayo d’ay geela lala joogo Burxankiyo waakan hubkii oo lala guclaynaayo Dar ay goysay oo faasir iyo dhaawac g’amdooda Galaabsi maydkoo u yaal guusha lagu dhaarto Gaga laysku hoobtay iyo dagaal galin dambe jooga Cir godladay sidiisii rasaas gumuco luuqeeyo Kama gubano goob halisa iyo geeri iyo mawde Waanay garanayaan reerahii godobtu noo tiile Hidana lagama guuro iyo waxad gaar u leedahaye Gobanimo u darer waa geda nagu tiqiineene Hadaad se gocotay tii hore maxaa loo il gabadhleeyay Geedaha maxaad uga qaxadeen waa gu doog badane Iyogoo gabaabsyn miyaa laysu garan waayay Afartaa g’ada iyo miimka iyo galalaw maw yeelay Sidii roob guguda galab d’a maw sheegay Gaagaabsi iiguma baxee gaban kalaan baanay Midna waa gooaankiyo tixdaan gabagabaynaayay Gaalifta adigaa is baday goyasay muruqiiye Aduun baa dhibaatada u guntaday guudka ku sudhane Halkay gogoshu kuu tiil adigaa galiyay baaruude Maantana maxaa kula gudboon galinba waa cayne nabadeey |
    Munafiiq-diid | Saturday, January 20, 2001 - 05:39 pm Keep up the good work my brother!!! More poems please!!! Halka ka si waad shaqada muhiimka ah!!!1 SNM ha nolato !!!!! |
    Lixle | Friday, February 02, 2001 - 06:07 pm salaan, Kana ku dar sxb waxa aw abaawnku mariyay 1988kii ilahay haw naxariistee. Ka naxaw nafta waaa . Waxuu Cabdi ku bilaabay: Waayadanba doolaalo gabay daar isma lahayne Dabarkiisa goo baan lahaa oo dib haw tirine Mar se hadduu tolkay iga dalbaday waysku dayayaaye Aan daliilsho caawana halkaan uga dudaynaayo Dabuub waxaanu nahay Ina Barre iyo duulkuu adeegtaaye Dabuub kalena waa mid reer Isaaq aan dareensiine Dabuub kalena waa aniga iyo dololo hadalkaya Adigoo daayeer ah ayuu Ilaah daaqad kuu furaye Uu dawlad madax kaaga dhigay adioo diif qaba' e Halkaad mahad ku dagi layd adigaa daa'in caasiyay Durbaayadaad beenisay iyo khayrki soo dagaye Dabka ninkii ku ridaad ahayd culimaaw diinkiiye Adigaa dambaabidheeyay kuwii duubka kuu xidhaye Dilacii Salaad iyo markaad dubatay Caynaanshe Ee dilacyadii kale xabsiga daa'im kaga yeeshay Markuu tuhunku run i noqday buu dumay ninkaagiiye Somali dakharda ku yaal duul yar baa falaye Dawo looma waayeen markaan dayay hareeraha'e Dagaalkaa Waqooyiga adiga daawo ku lahaaye Kuwii labada doonyood yaqaanay dabaca loo fuulay Dalku naga dhaxeeyo iyo kuwaan dariska moodaayay Dadka intay qaniinaan kuwii dib u afuufaayay Haddii aad Dhulabante u dirtaan lama dareemeene Dufkii Gaani waatuu Burco iyo Herer ku daashooday Dabandaabyo iyo kibir markuu daanka kor u taagay Duq iyo wiil yar goortuu afku kala qiiqi waayay Ayuu daadku kugu soo jabay uu kiciyay duufaane Lagu diirsay kolkuu daaray ololkii gogoshaadiiye Darwiishkii ba muu jabin intuu ????? qaa qaa lahaa wax badanbuu ???? laysku galay dooxana aan dhigaye ???kufrita buu qabaa intay xaruntu duubnayde Goortii dilaal laga dhex furay ducana loo qaybshay nabadeey |
    HAGAR AADAN | Friday, February 02, 2001 - 06:37 pm Gow War Nimankii Isaaq hadayba gabayo aanaan maqal soo qoreen, War kana muxuu ahaa. Angu Gabaydaanu hayno waxaba ku faani maynee, bal cagta u dhig. Hadii aad doonayso gabay wuxuu fadhyaa Dhulbahante. Miyaad Ilowday ragan. 1)Ali dhuux aadan 2)Ismaaciil Mire 3)Samatar Baxnaan 4)Aadan Arab 5)Cumar Gigaal Raggaasaanu Gabayadooda haynaa markaasaad local keenaysaa. |
    Oday | Saturday, February 03, 2001 - 09:17 am Allalaylehe waa local, ogow dhowdhowda dhulbahante marbay runta taabataaye!. |
    Xirsi Cismaan | Sunday, February 04, 2001 - 11:01 am Salaan, Sxb SNM aad baan ula dhacay gabaydan sxb. Halkaas ka wad. Waa taariikh la xuso raggi halgankii faqashta ka gabyay. To: Hagar Adan sxb mid aan kuu saxo horta Samatar Baxnaan wuxu ku magac hdeeryahay, Samatar Baxnaan Ilaw , oo isha ayaa Habar Jeclo ka soo riday. Cali Dhuuxna waxan ugu jecelahay gabaygiisii ugu dambeeyay ee aw lahaa, halay guursado..lol wax miyaa iga dambayay sxb, ila soo socodsii. Wax aynu laynay iyo wax aanu indha ka ridnay weeye Dhulose ee wax kale keen adeer, Caynba waa taase, ragaad sheegaysid may xoraystaan ayagoo nool baa laga qaade..waar raga ciil baa dilee iska daa hayska aasnaadaane. Ilay rer Dhilo fadhiso ma karaan..lol bye |
    Badhan | Sunday, February 04, 2001 - 03:18 pm Iidoor maxaa gabyaa ka wada dhigay? Jawaab:Waa mida hore e waxaa talactalacda macnaha yar ugu wacan jaadka iyo fadhiga badan oo laysinimda ah. Nin Iidoor isaga oon shakhraan sanayn kalmatayn ma sheegi karo oo taa anaa caalim ku ah. Waxaa kaloo ayagoo dhan loo sameeyey in ay u raaxeeyaan Somaliada inteeda kale khaasatan masterkooda waa Daaroode.Ragooduna liilalowday noo wadaan dumarkooduna aygoo aan nigis lahayn bay sidaas bigaysak iyo casamaliga noogu soo daadiyaan. Waa mihnad wacane halkiina ka wada dalacaadna naga filo yaa majnuun. Puntilander Daarood oo aad idiin yaqaan. |