    Shariiff | Saturday, January 20, 2001 - 02:01 pm Salaamu caleeykum soomaaliyeey dhamaantiin rag iyo dumarba.Waxaan kaacod sanayaa waleel keeyga soomaliyeed in uu ka dhiibto rayigiisa arimaha Somaliya iyo Ethiopia waad mahad san tihiin |
    Kaahin | Sunday, January 21, 2001 - 01:28 am Shariif. Marka hore waxaad is weydiisaa inay soomaalinimo jirto,taa marka garashadeeda aad hesho waxaa naftaada weydiisaa cadaawada inoo dhaxeysa itoobia tobankii sano ee uu jiray burburku maxaa loo xasuusan waayay? Walaal cadowga umadda soomaaliyeed ay leedahay waa qabyaalada,cadowga labaad ee ay umaddeenu leedahay waa carab,hadii nimankii dhibaatada muuqata geliyay umadda soomaaliyeed ay doonayaan iney soo celiyaan midnimadii ay burburinayeen 21 sano ee uu maamulkii milatariga ahaa jiray,ma kula tahay in maanta midnimada umadda ay ku soo celin karaan itoobiya ayaa dhulkeenii soo weerareysa iyo waxaa la doonayaa in soomaaliya itoobiya lagu daro,waxaan ku xasuusinayaa in liibaya ay ahayd tii taageerada dhaqaale iyo mida milatariba la daba taagneyd itoobiya yamentii koonfureed sidoo kale,dhibaatada sacuudiga ku hayo umaddeena ma aha mid daah kaa saaran yahay maxay tahay danta ay masar ka yeelan karto soomaaliya maxay tahay?qof kasta oo soomaali ah wuu garan karaa in ujeedada u weyn ee ay masar ka leedahay geeska afrika in ay tahay webiga niil ee bilowgiisu yahay itoobiya,maadaama uu masar dhaqaaleheedu saldhig u yahay webigaa ma dooneyso masar in geeska afrika noqdo dagaan nabadgelyo sugan leh waayo hadii nabadgelyada gobolku noqoto mid degan waxaa soo baxaya mashaariic badan oo ay dowlada iyo umadda itoobiya ay ku isticmaalayaan webiga niil,hadaba si ay masar u curyaamiso itoobiya oo aan xuduud la lahayn waa inay hesho shakhsiyaad aaminsan mabda'a masar una fuliya danaheeda,waxba yaanun hadalka ila tegin anigu waxaan aaminsanahay in soomaalinimo la raadiyo marka hore marka aanu taa helana xiriir adag lala sameysto dhamaan dowladaha aynu deriska nahay. |
    shariff | Monday, January 22, 2001 - 01:35 am TO:KAAHIN sxb mar kahore waan ku salaamay,waxaad kahadashay waa wax jira run ahaan sxb laakin hada arin ta taagan wax kadheh sxb itoobiya weey cadeey satey danteeda . taas mexeey kula muuqataa rayi ahaan waalaal |
    Kaahin | Monday, January 22, 2001 - 01:09 pm Shariff Runtii Waxaa kuu muuqda itoobiya, danta aad itoobiya ka leedahayna waa mid aan ii cadeyn aniga, waayo xaalada siyaasadeed ee soomaaliya ka jirta ma tahid qof daah ka saaran yahay.hadiise ay dhacdo inaad ku jaahwareertay is dhex yaaca siyaasadeed ee muuqda maanta,ma waxaad garan weyday noloshii ay ku jirtay toban sano ka hor umadda soomaaliyeed iyo burburkii ka danbeeyay. Walaal hadaan jawaabtaada u soo laabto waxaa ku leeyahay inta ay dowladaha carabtu wadaan qalaalsaha siyaasadeed ee itoobiya iyo soomaaliya itoobiya waxay ilaashaneysaa kaalinteeda si ay u adkeyso nabadgelyada iyo xiriika siyaasadeed ee wadamada deriska la ah.hadalka iyo gunaanadkii danta ay soomaaliya itoobiya ka leedahay waa inay soomaaliya noqotaa dowlad dhex dhexaad ka ah arimaha siyaasadeed ee u dhaxeeya ito/mas. |
    GARAAD | Monday, January 22, 2001 - 09:00 pm TO KAAHIN Waxaa kuu haboon inaad iska aamusti doqontii ku dhashey wasee.carab waa nahay la'aanteedna ma noolaan karno.ma waxaad meesha la timid dabadhilifnimadii gumeysiga iyo yuhuudu rabtay in umada soomaaliyeed ee carabta ah ku diraan walaalahood. xiligii dagaalkii xoreynta soomaaligalbeed socotey ee aduunweynaha oo idil kaa jeestay sow ma aheyn wadamada carabta kuwii taageerijirey soomaaliya.qabyaalada aad sheegeysid dhib naguma heyso ee adiga ayeey heer xun ku gaarsiisey carabna waa umada rabta iney maanta ilaaliso burbur dawlad islaama oo laga baqayo in sahnuuniyada yahuuda gacanta ku dhigto iyadoo isticmaaleysa xabashida .iyadoo maanta cadaadey in soomaaliya ay jiraan kuwa badan oo gaalo ah aadna ka mid tahay adiga waxaan taageernaa dad SHAQSIYAD LIITA AAMINSANEYN DIINTA ISLAAMKA REERO BALWADEED AH OGNA IN MARNABA ITOOBIYA RABIN QARANIMO SOOMAALIYEED LAAYNEEYSANA UMADA SOOMAALIYEED.BAASTARYAHOOW AFKAADA HUURADA LEH KA DHAAF CARABTA OROD YUHUUDA HA KU WASAANE QANIISYAHOOW MUJRIMKA AH.QABIILBAA KAA BUUXA CARABTU WEY TAQAAN DABADHILIFYADA AAD QABIILKA KU TAAGEEREYSID ADIGA IYO KUWA KULA MIDKA AHBA NAARTA GALA QANIISYAHOW KAFAARKA AH CARAB RASUULKEENII MAXAMED AHAA AYAA KA DHASHEY NINKII NACANA CARABTA WAA NIN QANIIS AH . GARACYAHOOW MARDANBE CARAB WAX HAKA SHEEGIN. |
    cali | Monday, January 22, 2001 - 09:11 pm TO KAAHINiyo GARAAD. FREEER STOP. Waxaad u baahantihiin in la idiin garnaqo. Kaahin. walaal soomaaliya iyada ayeey jirtaa iney xalisato arimaha siyaasadeed ee iyada quseeya markaad tiri itoobiya waxey dooneeysaa sidaa iyo sidaa waxaa ii muuqada inaad tahay wali nin hurda soomaaliya waxey rabto ineey noqoto iyadeey jirtaa ee ma aha inaan itoobiya u yeelnaa sideey rabto ha qanacdee.itoobiya waxeey rabto waa waxeey yuhuud iyo gaalo rabaan soomaaliya oo maanta la oronkaro group aqoon iyo siyaasda fiican ayaa hor kacayo waxaan rabnaa wixii ay umadeena rabaan |
    SOOMALI | Monday, January 22, 2001 - 10:07 pm GARASHO LAAWE KAAHIN. WALI WAXAA KAA DHEX GUUXAYA 21KI SANO EE MAXAMED SIYAAD BARE.10 SANO KAHOR AYAA LA RIDEY WAX MAANTA IYADII DHAAMANA LAMA HAYO.WAXAANA HABOON INAAN KA HADALNO WAXA MAANTA SOOMALIY KA TAAGAN EE MAHA INAAN NIRAAHNO 21KII SANO EE MILTARIGA AYAA SAA SAMEYSAY IYO SAA.CARABAANA NAGU TAAGEERI JIRTEY WALAAL TALADU WAA MID INAGA NA SAARAN CARABNA CIDWALBA OO UTAGTA TIRAAHDANA WALAALANAHAY WEY CAAWINAYAAN SI DAR ALE AH TII KAHOREYSA XUKUUMADII MAXAMED SIYAAD IYO TAN MAANTA IYO TAN BARITABA DIYAAR AYEY CARAB U TAHAY IN EY GUDATO WAAJIBAATKEEDA KU AADAN .ADUUNKANA MAANTA DAGAALKII QABOOBAA WUU DHAMAADEY WAXAANA ABUURMEY DAGAALO CUSUB OO AH MUSLIN IYO GAAL.MAXAAD UGA HADLI WEYDEY XAALADA MAANTA IYO HORKACAYAASHA GUMEYSTAHA?MAXAAD U ARKI weydey maatada soomaaliyeed ee si macna daro ah loo laynayo?MAXAAD U ARKI WEYDEY GARDARADA GUMEYSIGA IYO RABITAANKA BAABA'A SOOMAALIDA ?NACASTU WAXAA LA YIRI WAX LA SOO DHAAFEY AYEY KU MEERMEERTAA.BAL ARAG MUJRIMIINTA MAANTA JOOGA ITOOBIYA EE RABA INEY SOOMAALIYA GACANTA U GALIYAAN GUMEYSTE.MUXUU YAHAY RABITAANKA ITOOBIYA ?MAXAMED SIYAAD WUXUU AHAA NIN MAANTA BAAL DAHAB AH KA GALEY TAARIIQDA SOOMAALIYEED . NOOLOOW SIYAAD NOOLOOW MAADAAMA UU XABASHIDA LA DAGAALAMEY AHAANA GUMEYSI DIID .HALKANINKA C/LAAHI YUUSUF UU WALIGIIS AHAA MUJRIM FATAAL AH OO AMXAARKU KU ADEEGTO. |
    shariff | Wednesday, January 24, 2001 - 06:19 am To:Garaad. sxb waxaattahay nin rag ah waxaana ka had leeynaa waa arin muhiim ah,<<kaahan<<wuxuu dhiibtay ra yigiisa,adna waad ladoodigartaa laakin halacaaytamin taaswacodsi..... |
    shariff | Wednesday, January 24, 2001 - 06:21 am To:Soomali Sxb waadkumahad santahay ra yigaaga mahasanid |
    Kaahin | Wednesday, January 24, 2001 - 05:36 pm TO Garaad. Walaal anigu cidna ma cayn danta guud ee aan umad ahaan leenahayna waxaan aaminsanahay in aan kaaga waaya aragsanahay,teeda kale waxaynu nahay laba qof oo aan is garaneyn,xiriirkeenu waxa uu ahaa mid ka soo jeeday,su'aal furan oo uu inoo soo jeediyay walaal soomaali ah.kaahin ahaana waxaan ka dhiibtay sida aan u arko arimaha siyaasadeed ee jira,hadii aan taa ku qaldanahay iyo hadii aan ku saxsanahayba,ma ii muuqato iney jirto arin aynu isku caayi karo,marka waxaan ku oran lahaa sida ay arini kula tahay hadii aad noo sheegto adiga oo aan shakhsi ku xadgudbin sow ma ogid anoo xitaa qaldanaa inaad i qancin karto oo aan la dhici karo sida ay arintu kula tahay. Hadal kalena waxaan oran lahaa qofka la baxay SOOMAALI walaal baro taariikhdaada nololeed intaanad baran taariikhda umadda soomaaliyeed,walaalkey calina walow uu ku mahadsan yahay sida quruxda badan ee uu dhiibtay aragtidiisa HADANA WAXAAN IDIN LEEYAHAY MA AHAYN INAAD ARAGTIDEYDA RAACDAAN EE WAXAY AHAYD SIDA AY IDINLA TAHAY INAAD U SHEEGTAAN WALAALKIINA IDIN SOO WEYDIIYAY SUAASHA KOR KU XUSAN,WAXAAN IDIN ORAN LAHAA OO TALO AH ISKUUL KU LAABTA MAHADSANIDIIN. |
    Carabdiid | Thursday, January 25, 2001 - 04:14 pm Walaayaal waad salaaman tihiin, tan xigta waxan jeclan laha inaan anna afkarteyda ka dhiibto doodan, Danta Ethiopia ay ka leedahy Somaliya, Aniga waxaa aaminsanahy, hadey Ethiopia rabto iney Soamliya qabsato ay qabsan lahey mudadii tobanka sano ee hore iyo gadaal loo orddaayey, oo somaliyana inta ka tabar iyo caqli xumeyd, marka waxxaan la yanahy in Ehtiopia danteda ay soo baxdo markii RRA ay ka baxeen dowlad ku sheegi Carta lagu soo dhoodhoobey, runtii arintu Ethiopia mahan ee waa Somalida dhexdeda oo aan is aamineynin xigsiga qabiil oo laabtooda ku aasan, 1999 markii RRa gacanta ku dhigtey Baydahbo Ceydid wuxu yiri Ethiopian naga qabsatey, marka hadii Cabdiqashina uu tabta uu Ceydiid u furey uu maro si cawimaad uu carabta uga helo runtii taas wax soconeyso ma ahan, soamliya waxay u baahan tahy siyaasad feejigan oo qofkasta wax laga dhaadhacin karo, taasna jidkeeda kuma soo toosin Cabdiqashin, Runtii Markii ninka la doortey si kastaba halagu soo doortee Soamlida badankeedi yidiidilo fiican ayaa soo gashey warlords xamar joogan xitaa diyaar ayay ahayen iney si dhiiban, Ileyn Xaq iyo badil meel islama galaane Cabdiqashin wuxuu bilaabey intuu Djibouti joogey oo ay NEw York uu ka soo noqdey inuu sheeko hoosaad uula galo familkiisa uuna jebiyey sharcigii la siku raacey in lagu dhaqmo,markii muqdisho lagu noqdeyna meehii la rabey inuu dardar galiyo nabadenta ayuu wuxuu ka bixi wayey safar dibadeed oo maicna daro ah oo an wax guul ah soo hoynin si labada kumi loo soo wadey Somaliya uu meel u jiheeyo, iyo inuu dantiisa qabiil ka hor amriyey danta guud ee shacabka. We don't need you anymore and we don't need timewasters. Illaahey dawlad iyo nabad waarta noo dhaliyo. |
    shariiff | Thursday, January 25, 2001 - 09:42 pm To: Garabdii Sxb waxaad tahay nin aad urayi iyo qoraal wanaag san laakin mid ogaaw doodenu kumasaleeysna doowlada Abdiqaasim iyo in shaqsi lacaayo ee waa ciwaan ka kor kuxusan ee raali noqo oo diibo rayi kaas ku saleey san ......dhibna ha ii arkin sxb |