Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Soomaalinimo - Nationalism : NINKA FARSAMADDA XUN KIYAWIHIISA AYUU EEDEYAA!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

A.B.Farah

Saturday, January 20, 2001 - 03:33 pm
NINKA FARSAMADDA XUN KIYAWIHIISA AYUU EEDEYAA!!

Haddii aan somaliyeey halkaan ka dhiibto fakradeyda ku aaden Itoobiya iyo somaliya,waxaan u arkaa in Itoobiya tahey dal aan daris nahey oo dad soomali ahna wax ku leeyihiin kuna jiraan maamulka dhexe ee dalka Itoobiya gobolka somaliduna uu leeyahey madaxweyne iyo maamul hoosad u goni ah.Taas waxey ii turjumeysaa itoobiyadan hadda jirta in aysan cadaw u aheyn dadka iyo dalka somaaliyeed,Taas waxaa daliil u ah markii dawladii dhexe ee somaliya burburtey oo dadka somaliyeed qaxeen waxaan u kala qaxney wadamada aan dariska nahey sida Kenya Itoobiya iyo Yemen,waxaan ognahey in xerada ku taal yemen looguyero aljaxiima oo macnaheedu yahey Naar(caddaab)Allahu maanajeynaa,dadkii kenya yimid waxey lakulmeen boolis baada dadka qaxootiga oo baarta jeebabkoda haddii ay lacag kawayana xabsiga utaxaaba oo kuhaya dadka ilaa ay lacag kahelaan.Haddaba waxaan ogsoonahey in dawlada Itoobiya soo dhaweysey Shacabka somaliyeed wakhtigii ay u bahdeen taasna waxaa garankara qofkii asagu soomarey Itoobiya ama yaqaana dad soomarey oo uga sgeekeya sidii wanaagsaneyd ee loogu soodhaweyey wadanka Itoobiya dadkii soomaliyeed ee ka soobarakacey dagaalkii sokeye.
Xigmad oraneysa baajirta saxiibkaaga dhabta ah waxaad barataa wakhtiga adag,marka Itoobiya in aytahey saxiibka dhabta ah ee somaliya wakhtiga ayaa ka markhati ah.Cabdiqasim markii shaqadiisi siyasadeed xumaatey ayu rabaa shacabka somaliyeed intiisa aan wax garadka aheyn in uu ku jaheyo Itoobiya oo uu dib u abuuro colaad aan dan ugu jirin shacabka Itoobiya iyo kan Somaliya,islamarkasna uu dooneyo in uu iyaamo ku baryo tago in Itoobiya faragelin ku heyso dalka somaliya.Waxaa hubaal ah in uu san xataa
Cabdiqaasin ku guleysan karin in uu wax ladhisto hogamiye kooxedyada Muqdisho,maxaa yeley ninkii wax ah ama wax heysta ayaa dad wax laqabsada marka taas waxey cadeyn u tahey in uu san waxba meesha ku heyn ee ladhoob dhoobey.
Marka waxaa iga talo iyo wargelin iga ah in aanan dib ugu laaban wakhtiyadii mugdiga ahaa ee aan u soojeesano in aan wax wada qabsano haddii aan somali nahey kadibna aan wax laqabsano dalalka dariska nala ah,taas ayuu horumarka dalku ku jiraa haddii kale waa wali geen aan dagaal ku jirno,marka Cabdiqasim iyo mamulkiisa siyasadooda ayaa xun marka waxey ku eedeynayan dalka Itoobiya oo tixgalin walnimo ugu dhex jira arrimaha Somaliya.

Wabilaahi towfiiq!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

adiib

Monday, January 22, 2001 - 08:15 am
horta xaqbaad uleeday inaad kahadashid sida ay kula tahay,waxaase hubaal ah in caddaalada aad uga fogtahay,hadalkaada caadifad iyo aqoon la aan labaduba wey ka dhadhamayaan, anigu ethiopia 3sanadood baan ku noolaa addis ababa,raxmadda aad sheygeysana kuma arag, inta aan lagaarin c/qaasim iyo somaliyana ethiopia iyo kenya labaduba dhul soomaliyeedbey gumeystaan, laakiin kan ethiopia ayaa aad usii liita,waayo waa mid cadaawad dil dhac iyo kufsi kudhisan, ma isweydiisay ethiopiyaankan cusub eed sheegeysid sida uu ula dhaqmo somalida uu gumeysto,waxaadan ogeyn indhulka somalida ee ethioiya uu illaa 91 yeeshay 9madaxweyne midkasta oo kamid ahna uu xabsiga kudanbeeyey, kan hadda hayaan uu sugayo,
sow ma ogid in markii abaaruhu ku habsadeen gobolka soomalida ethiopia sanadkii lasoo dhaafay deeqdii dunidu ugu soodeeqday ey ciidamadeeda siisay oo kumanaan somali ahina ku dhinteen,oo jarmal oo reer yurub ahi cara dartrrd cilaaqaadkii ujaray,
kenyada aad leedahay bolis baa loogu tegey hantida waddanka taalla 3markii loodhigo meel somali baa iska ganacsiga bariga afrika ugu weynbey somalidu kuleedahay, ma ii sheegi kartaa maqaayadna alaha kadhigee wax addis ababa somalida uga furan mana dafirayo in poliska kenya somalida dhib ugeysto, laakiin waa mid ay furdaamin karaan had iyo goor, oo solution leh,oo cadaawadda axmaarada oo kale nooma qabaa,
marka walaalow qilaafaadka somalida udhexeeya iyo cadawka dibadda yeysan isaga kaa darsamin,
adiib sheikh, lodon