    Samatar | Saturday, January 20, 2001 - 06:32 pm waxaan idiin soo gudbinayaa maqaal runtii xaqiiqda ka hadlaya ee uu qoray walaalkeen C/risaaq Tahliil Samatar Waxaa wax aad loola yaabo ah sida degdega uu ku jiro ee durba loo iloobay dhacdooyinkii kharaaraa ee Soomaaliya soo maray muddadii uu talada dalka soo hayay Maxamad Siyaad & tobankii sano ee xukunkiisa ka dambaysay ee ay dagaalada sokeeya sida aadka ah u shidnaayeen! Dawladda lagu dhisay Carta marka dhan laga eego waxaa la oran karaa qabaa’ilku ilaa xad waa ay u dhamaayeen. Waxaa shirka joogay duqay & odayaal aan tiro yarayn oo ka kala socday Qabaa’ilka Soomaaliyeed. Taasina waa sida ay ku doodaan dadka sida buuxda u taageersan dawladda uu madaxda ka yahay Cabdiqaasim Salaad . Laakiin marka dhan kale laga eego waxaa la oran karaa dadka ka qayb galay shirka Jabuuti waxa ay u badan yihiin dad iyagu meesha is geeyay oo aan wax kalsooni ah haba yaraatee ka haysan dadka ay matalayaan oo magacooda ay kuraasta ku qaateen. Arrinkan dambe waa xaqiiqo jirta oo ay ku doodayaan dadka aan la dhacsanayan dawladda cusub ee Jabuuti looga dhawaaqay. Waxa ay Soomaalidu ku maah maahdaa “Nin qorax ku dhigay har kuuma jiido” Haddaba waa la yaab’e ma waxaan dalkii in ay badbaadiyaan ka sugaynaa raggii bohosha ku riday? Ma waxaan door bidnay: Gaanni, Galaal & Jilicow. Ma la waayay rag aan ahayn: Taliyayaashii ciidamadii dalka burburiyay oo sida aan hubno ka badan wax hebel, hebel, & hebel aan ugu yeerno. Ninba waa garashadiise waxaa dhici karta in garaad laawayaashu ay ku doodaan: Soomaali baan ahay maxaa ku jaban haddii aan dawlad jirtay u soo shaqeeyay? Waa runtood waxba kuma jabna haddii dawlad jirtay loo qabto shaqooyinka aan ummadda lagu dulaysan ama aan shacabka lagu gumaadin. Waxba kuma jabna hadii aadan ka mid noqon xooggaga mujtamaca loo adeegsaday ama aadan noqon dubbe dadka lala dhacay. Laakiin haddii aad wax badan soo fariisatay meel umadda taladeeda lagu goynayo oo aadan ka dhiidhiyin xumaha dadka Soomaaliyeed loo maleegayo. Haddii aad aalad u noqotay nidaamkii markaas jiray oo aad shacabka taagta daran wax ka garaacday waxaad tahay mid ayaan daran oo qarankiisa dambi ka galay! Waxaa intaas ka sii nasiib xun, kana rajo liita midkii maamulkii hore si aan kala har lahayn ula soo shaqeeyay oo ka qayb qaatay u gogol xaarkii burburkii ka dambeeyay, haddana intuu qoriga qaatay dagaalka qabaliga ah safka hore ka galay. Ama sida uu isleeyahay xagga dambe iyo meel aanu ka muuqan iska taagat dagaalada sokeeye ee Soomaaliya ka dhacay. Turxaan bixin hor leh: Haddaba xaalku si kastaba ha ahaadee markkii aan qof ahaan u kuur galay waxyaabaha Jabuuti ka dhacay waxaan ku gunnaanaday in biyo dhaca arrinku uu yahay: Kacaankii milatari ee Soomaaliya ka bilaabmay 21kii October, 1969kii in uu maanta saddex kacleeyay oo la doonayo in mar kale macalinkii oo ka maqan dib loo turxaan bixiyo. Xaalka jabuuti waxa uu u muuqdaa ceel dawlis dheer oo la doonayo in gacmaha la soo daro oo aayar laga biyo cabbo! Laab la kac iyo Soomaalinimo la isla soo taago iyadoo aan run ahaan la dhayin boogihii dalku la curyaamay, waxaa xaqiiqo ah in aanay socon karin. Haddii ay socoto oo kufaa dhacdana waxaa lama huraan ah in haddana la is galo marka xusul duubka jagooyinka loogu jiro soo af jarmo, xiisuhu dhammaado, xusuustuna ay soo maaxato. Markaas ka dibna waxaa lama huraan ah in gadaal loo laabto oo raadkii shalay dib loo qaado. Waxaa is xusuusin mudan oo lama huraan ah in aan ogaano in raggii shalay qaranimada Soomaaliyeed bohosha ay dhex taal u qoday iyo kuwii ku riday midna ayan ka samata bixin karin. Waxaa xubnaha dawladda cusub ku jira shakhsiyaad cambaar leh oo dhiig faraha la galay, shacabka Soomaaliyeedna dakano lama ilaawaan ah ka galay. Waxaa dawladda lagu dhisay Carta waa la yaab’e ka mid ah niman garaadihii ay dadka ku xasuuqeen wali garbaha ku wata oo ku faanaya oo loogu yeerayo Janeral hebel & Jeneral hebel. Waxaa dawladda lagu dhisaya Carta ka mid ah dhawr iyo toban wasiir oo wali ku nool hantidii ay qaranka ka dhaceen. Waxaa dawlad ku sheegga ka mid ah kuwo si cad u boobay hantidii qaranka oo dadka badankiis ay farta ku fiiqi karaan oo muran la’aan la la wada og yahay. Isku soo duube waxaa xubnaha dawladda cusub isugu miirmay raggii ka soo shaqeeyay maamuladii tagay. Kuwaas oo waliba dulmi geystay, waxaa hubal ah haddii laga yeelo in ay durba soo bandhigi doonaan tabihii ay ka bartaan nidaamkii qallafsanaa ee ay ka soo hoos shaqeeyeen. Sidoo kale waxaa lama huraan ah in ay adeegsadaan xeeladihii iyo dibindaabyooyinkii ay kororsadeen muddadii uu dagaalka sokeeye socday. Haddii aan jaleecno waxqabadka dawladda cusub waxaa durba noo muuqanaya dhaliilo soo hor maray oo oo wakhtigoodii ka soo dheereeyay oo waa yaab’e ka soo ifay xukuumadda cusub. Waxaa dhaliilahaas ka mid ah in Cabdilqaasim Salaad & dhawr ka mid ah xubnihiisa baarlamaanku ay dhawr jeer ku celceliyeen in shirka Jabuuti loo dhan yahay oo gobollda Waqooyi Bari, Waqooyi Galbeed iyo guud ahaan dalka oo dhan in ay taageero buuxda ka haystaan! Laakiin runtu waxa ay tahay in maamulada labada gobol ay si cad u diidan yihiin go’aamada ka soo baxay shirka Carta. Waxa ay labada maamul ku dhawaaqeen in ayan aqoonsanayn dawladda Cabdiqaasim. Waxaa hubaal ah in ay jiraan dad badan oo Soomaali ah oo aan ku qanacsanayn habka loo agaasimay guud ahaan shirka Carta oo waxaa dadkaas la qumanaa in hab degaan iyo gobol gobol ummadda marka hore ay u soo heshiiso dabadeedna tiro kooban oo matalaya gobollada in ay isu yimaadaan oo ka tashadaan aayaha Soomaaliya. Arrinkaas waxaa fududaynaya in maanta ay dalka ka jiraan dhawr gobol oo xasilooni iyo kala dambayn ilaa xad ahi ay ka jirto. Nasiib darro taas ma dhicin oo shirku waxa uu mar dhexe bilaabay muquunin iyo in la isku dayo in mujtamaca la marin habaabiyo. Waxaa la bilaabay dicaayad xad dhaaf ah, xoolana waa la fatahay. Taasina waxa ay sababtay in dawlad aan sal xoog leh ku lahayn mujtamaca lagu soo dhiso magaalada Carta. Halka runtii dhanka kale aan ognahay in taageerada ay haystaan intii ay doonto ha le’ekaatee ay mamulada labadaas gobol ay nabadda iyo socodsiinta hawl maalmeedka degaamadooda ku guulaysteen. Sidaas darteed si kasta oo la isga indho tiro, waxaa xaqiiqo ah in dawlad Soomaaliyeed si kasta oo loo buun buuniyo in aanay dhismayn mar haddii ayan haysan taageerada maamulada dalka ka jira. Taasina waa sida kaliya ee lagu soo celin karo dawladnimadii Soomaaliya, isla markaana midnimada Soomaaliya lagu sugi karo. Xaalku si kastaba ha ahaadee, inkasta oo aan wada ogsoonahay sida ay maanta Soomaaliya dawlad qaran ugu baahan tahay, haddana sida ay ila tahay tani ma aha mid loo soo hiran karo. Maxaa yeelay habka wax loo agaasimay ma aha mid la qaadan karo. Tan labaadna laga fili maayo shakhsiyaadka taariikhda xun ee shalay kala daadiyay in ay maanta dib isugu ururiyaan oo ay isu dumaan. |
    Anonymous | Sunday, January 21, 2001 - 11:36 am aragtideyda waxaad halkaan kusoo qortay ugama jeedo muufo amaankeeda. marka waa in aan muufo amaanaa. qofna haddii uu mucaarad laheyn waxba masaxmaan mana isdagaaleyno. marka dagaal ayaa waxaa loo galay xukunkaan hal qabiil ayaa isku koobay-xaqii umadda ayaa ladhacay.waxaan keeneynaa cadaalad iyo sinaan. 11 sano ayeey qaadatay. maantana wadanka soomaaliya aniga oo xor ah isagama gudbi karo. dowladdi hore haddii la ridey maxaa dhaama oo yimid.diyaaradna ninkii kicin kara ayaa lala sugaaye furaha siiya dadkii wadi jirey. islamarkaana isku hayey RAAS KAMBOONI-R/CASEYR iyaga wax hadilaan waxna hadaayaan oo hadana waaba yar yareysan jireen. laakiin kuwan hadda yimid 10 sano wixii uu dilo maalmo ayeey ku dilayaan. marka hala kala doorto kuwii hore iyo kuwan. balan qaadkuu isbedel cadaalad xaguu ku dambeeyay. yaana lacaaytamine fikradaada dhiibo. |
    DARWIIISH | Sunday, January 21, 2001 - 01:59 pm NINKA MAQAALKAA QORAYOOW WAXAAD ISKA DHIGAYSAA NIN KA HADLAYA SOOMAALI WANAAGEED BALSE INTAAN MAQAALKAAGA AKHRINAYEY HAL EREY OO AAN ORAN KARO WAA LAGAALA DOODI KARAA KUMA ARAG,MARKAAN DHUUXAY MAQAALKAAD QORTAYNA WAXAAN GAROOWSADAY INAAD TAHAY NIN QABIILIISTA AH OO TAAGEERSAN NIMANKA SOOMAALIDA KU HAYSTA XAARAANTA SIDA NIMANKA MAAMULA PUNTLAND IYO SOMALILAND. MARKAA SAAXIIB WAXAAN HUBAA HADII NIMANKAA AAD TAAGEERSAN TAHAY AY MADAXDAA AAD MAGACOOWDAY BOOSKOODA HAYSAN LAHAAYEEN INAAD DAWLADAAS TAAGEERI LAHAYD,MARKAAA KA WARAN HADAAN KU BEDELNO C/LLAAHI YUUSUF CALI KHALIIF BOOSKIISA,C/QAASINA KU BEDELO INA-CAYDID,WAXAN FILAYAA INAAD HADA QANACDAY. MARKAA SAAXIIB ILAAHAY INTAAD KA BAQDO WIXII DAN AH EE UMADA DAN AH,EE MUSLIMIINTA DAN AH ,EE ADIGA DAN KUU AH WAA ISKA MUUQATAAYE NIN JECLAYSIGA ISKA DAA OO KA QAYB QAADA LA DAGAALANKA GAALADA IYO CADOWGA SOOMLIYEED,HADII AAD SIDAA SAMAYN WEYDO WAXAAN KUU HUBAA INAAD ADUUN IYO AAKHIRABA AADAN LIIBAANEYN |
    Cawaale | Sunday, January 21, 2001 - 05:41 pm ninkaan maqaalkan qoray waxaan leeyahay, walaal aad iyo aad ugu mahadsan tahay xaqiiqda aad ka hadashay waana mid loo baahan, waxaan u maleenayaa in haddii qof uu cudur haayo uu tago usbitaalka waxaa la sameeyaa analysis oo taa ayaa laga ogaadaa cudurka qofka haya waxa sababay ka dibna waxaa la siiyaa talooyin ah in uu sameeyo prevention si mar kale uusan u asiibin cudurkaas. soomaaliya sidaan la socono ka hor dawladii afweyne ummadeena waxay ahaayeen dad is leh oo wixii dhib yimaadana iskood u xalin jiray, xukunkii foosha xumaa ee afweyne iyo asxaabtiisa sida salaad boy iyo galaydh wuxuu ina baday in la burburiyo nidaamkii iyo kala danbayntii bulshadii soomaaliyeed iyadoo la abuuray odeyaal dhaqameed aan la aqoon meel ay ka yimaadeen, odoyaal dhaqameedkii la xushmayn jirayna qaarna daaqada laga saaray qaarna la caburiyay, in la isku diro beelihii wada deganaa ee waligood is guursan jiray isna ixtiraami jiray, in la dilo la dhaco shacabkii soomaaliyeed in la boobo awoodii ummada oo post-gii dawlada loo magacaabo shaqsiyaad aan u qalmin iyadoo loo fiirinayo ma yahay kacaan ama ma yaqaan sida amarka uu u qaato iyadoo darshada si tartiib ah looga saaray intii aqoon iyo wadaninimo lahayd. taas ayaan na dhaxalsiisay dhibka maanta soomaaliya haysta ee ma ahan mid hal mar cirka ka yimid oo bilaawday sanadkii 1990, aaway dhibkii lagu haayay shacabkii mudug iyo nugaal, aaway dhibkii loo gaystay shacabkii waqooyi galbeed iyo togdheer, dulmigii diinta lagula kacay ee hal maalin lagu toogtay 10 wadaad, markaa abdulqaasim waxaan u maleenayaa islaam ma ahayn oo hadduu soo islaamay? ma sidaa baa! mise markii ali khaliif galaydh uu hantida wadanka dhacayay wadani muusan ahayn oo hadda ayuu soo galay aqalkii wadaniyiinta!. soomaali uma baahna in maanta ay ka wada hadlaan soo celintii dadkii dulmigii ugu foosha xumaa ee soomaali taariikhdeeda lagu hayo gaystay.markay noqoto waad arki doontaan in maxkamad la saaro oo laga gudo intay qaranka u gaysteen time will come. soomaaliya isku imaan mayso inta dulmiga socdo, waxaana u maleenayaa inay wali waqti u harsan yahay, ha la bislaado inta miyirka qabto horay u socda inta kale ee wali wax u harsan yihiina(taageerayaasha abdulqaasim iyo ali khaliif galaydh) iyagaa isa soo garan doonee. |
    Wiil-Qardhood | Monday, January 22, 2001 - 01:11 am To: Samatar Walaale aad iyo aad ayaad u mahadsantahay. Mawduucan waa kii igula wanaagsanaa ee aan forumkan ka akhriyo sidaas darteed marlabaad ayaan kuleeyahay mahadsanid. Dadka soomaaliyeed ee waxa Carta lagu soo dhoobdhoobay wax ka sugayayna waxaan rajaynayaa in ay waano u noqoto. S/C |
    Mursal | Monday, January 22, 2001 - 01:44 am Inkastoo loo baaqo oo loo sheego barwaaqo Dadbay meeli bugtaa! Taa waxaan uga jeedaa oo aan heestan usoo qabsadey cidkale oo soomaali ka danqanaysa oo aan reer carta ahyni ma jirto, mana jiri doonto. Maxaa wax laga sugaa kuwa etiopianku ku uruuriyey baydhabo si ay u wiiqaan midnimadooda, hadday fikraddooda ahaan lahayd ma ciilbaan qabi lahaa. Ethiopianka ayaa xitaa waxa laga doodayo soo bandhigaya si ay wax oogasoo degsadaan Boosaaso iyo Kismaayo taasina waa: Sacabkoo timayeeshiyo saabuun xoor laga waayey iyo dameer san madow oo waanay suurta gelaynin Waligaaba isdaali oo fikrad naaqus ah la imow wallee aakhirka waxay noqon doontaa midda soomaalida caafimaadka qabta. |
    Guuleed S. | Monday, January 22, 2001 - 06:13 am Somaliland iyo Puntland maamuladooda, in ey diidan yihiin maamulkaan lagu soo dhisay Carta ma ahan mid cusub, xaqna waa u leeyihiin aragtideeyda, laakiin kuma raacsani qof ahaan. Samatar, waa iga qoslisiisay markaad aad indhaha ka laabatay ragga dhisay Puntland iyo Soomaliland oo Kacaankii Barkeeysnaa horseedka u ahaa: Dhinaca Soomaliland -Siilaany -Saleebaan Gaal -Jaamac Gaas Mucaawiye -iyo Cigaal from 1982-1990 markii uu xabsiga ka soo baxay -Abdirahmaan Tuur Puntland -Xasan Abshir Faarax -KingKong oo boqornimadda u magacaabay qasab magaclinka weyn ee Afweyne -Aden Maxamed Cali -iyo Maariyihii shirkadda Fiyaat 1975-1977; iyo taliyihii ciidamdii ka qeyb gashay aaga Siidamo ee dagaalkii Ethopia ama dhina gobaladda Gedo oo uu shaqeynaayey Kacaankii Barakeeysnaa oo maanta ah laf dhabarka Puntland Galeyr iyo C/Qaasim kacaanka Barakeysnaa laf dhabarkiisa bay ka noqdeen laakiin beelkasta iyo deegaankasta ee Soomaaliyeed waa wada qasteen ragga maamulaha danbina waa loowada geystay ummadda soomaaliyeed nooc kastooy kala ahaayeen , waana sidaas kuli hogaamiyaasha maanta jooga ee maxaa xal noo ah , HADDA la joogo Samataroow. D-kmg, hadeey wanaag ku socotana waa raacsanahay maalintey xumaan la imaantana waan kala noqon codkeyga ayadaan dan guud ee Soomaaliyeed wada baan u arkaa ilaa hadda. Qaaradda Afrikana, gaar ahaan geeska Africa inta dhiig qabta ama gardarro cad dadkooda ku laayey ciidaas ka badan waana ku caan baxnay arimahaa ayada ah ee xalka kale ma noo sheegtay , maandhoow Samatar. |
    Anonymous | Monday, January 22, 2001 - 07:34 am uuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuhy |
    fariid | Friday, January 26, 2001 - 12:10 am s/c malin wanaagsan. samatar marka aad qoraysay qoraalka waxbadan horay iyo gadaal toona uma aadan fiirin.. waqtiga lajoogo iyo meesha ay waxmaraayaana maadan fiirin. waxaad tiri ragii wax burburiyay marabno. waxaad tiri dadcusub manaloo waayay.. jawaabo badan oo aad u qiimo badan yaa iigakaa soo hormaray ma aqaan sida aad wax ugu qaadanayso.. lakiin aniga waxaan ku dhihi lahaa waxyar.. waqtigaan maanta lajoogo meesha aad fiirinayso wax badan yaaka sukeeyo rabi mooye cidxal u haysana ma jirto.. wadankeenii hooyo waxaad moodaa askar ma ahane in aysan cidkale xaq u lahayn in ay wax xukumaan.. hadii meel wax lagu dhiso oo askartii laga tago halkaas intuu u dhaqaaqo yuu dagaal u istaagayaa. Barfasoorka iyo Engeneerka waxaad moodaa in sargaalka aan wax qorin uuka qiima badan yahay.. iskadaa korneylka iyo genralka. marka sxb inta aadan hunguri kaa galin booska ay fadhiyaan nimankan dowlada ku meelgaarka ah bal fiiri askarta iyo waxa ayka damacsan yihiin wadanka.. fiiri amxaarada iyo waxa ayka damacsan tahay dalka. fiiri shacabka iyo dantooda iyo meesha daryeelkooda ku jiro.. qiirada ku hayso iyo sawirka aad istusayso inaad waxka badasho iskuday marka dambe eed figradaada wax cabirayso. malin wanaagsan. |