    MJ-4-LYFE | Sunday, January 21, 2001 - 12:08 pm SomaliNet) By Ahmed Osman - SomaliNet waxaa u suurto gashay inay wareysi layeelato Maxamed Cabdirshiid Cali Sharmaarke oo kamida dadka isu soo sharaxay hogaaminta Puntland. Maxamed hadda wuxuu socdaal ku marayaa qaarada Yurub wuxuuna Somalinet kala soo xiriiray waddanka Denmark isagoo ku hawlan isu diyaarinta doorashada. Mohamed wuxuu ku dhashay magaalada Xamar sanadku markuu ahaa 1946kii. wuxuu tacliintiisa sare ku dhamaystay wadanka Maraykanka, wuxuuna waqti badan deganaa waddanka Canada. Maxamed aabihiis Cabdirashid Cali Sharmaarke wuxuu ahaa madaxweynihii dawladii ugu danbaysay oo dimuquradi ahayd. Su'aalihii aan waydiiyay waxaa ka mid ahaa: SN: Sidaan la socono Puntland waxay soo martay marxalado ad-adag oo kala duwan sidee ayaad uga qayb qaadatay? Mohamed: waa isku dayay in badan inaan ka qayb qaato, waxaana isku daynay inaan ka fulino gobolka mashaariic badan oo dadka faa’iido u leh, sida kuwo caafimaad iyo kuwo dhaqaalaha gobolka kor u qaadaya, waxaana haya'daha caalamiga ha ka dhaadhicinay inuu yahay gobol aamin ah oo la maalgalin karo, caawimadna la gaarsiin karo, waxaana jirta in haya'daha wax cawiyaa ay ku fakarayaan inay wax caawiyaan oo ma yaqaaniin musuqmaasuq. Howlahaas intaan ku hawlanaa ayaa waxaa ii soo baxaday in loo baahan yahay dawlad daacad ah, Dimuquraadi ah, xuquuqu insaanka dhawrta, anigu dawlada hadda Puntland ka jirta waxbaan ka soo dhisay ilaa lix bilood ayaana ku mashquulsanaa sidii loo dhisi lahaa dawlada. SN: Waxaa Jaraa'idka Puntland ka soo baxa qaarkood qoreen inaan qof Passport ajnabi ah wata ama waqti badan dibada ku noolaa uusan doorashada isu soo sharaxi karin, arintaas see u aragtaa haday run noqoto? Mohamed: Arintaasi kuma qorna Dastuurka Puntland, siyaasiyiin badan oo Somaali ah ayaa haysta Passport ajnabi ah. SN: Nidaamka Puntland wax yaalo badan oo wanaagsan ayuu qabtay, isla markaasna nidaam kasta oo meel ka jira wuxuu leeyahay dhaliilo, haddii lagu doorto ma jiraan wax yaalo aad is leedahay si deg-deg ah in wax looga qabto ama looga badalo ayay u baahan yihiin.? Mohamed: waa jiraan , waxaan wax ka badali lahaa qaab dhismeedka dawlada, awooda ayaan qaybin lahaa, sida Baarlamaanku inuu madax banaanaado oo uu yeesho miisaaniyad u gaar ah, sidoo kale maxakmadu waa inay madax banaanaataa. Waxaa jira mashaariic badan oo hadda u xayiran maamul xumo loona baahan yahay in la fuliyo sida dekada Boosaaso, waxaa kaloo loo baahan yahay xoriyad ganacsi, xagga tacliinta iyo caafimaadka sidoo kale waxay u baahan yihiin in si deg-deg ah wax looga qabto. SN: Sidaan la socono waxaad waqti badan joogtay qurbaha, somaliyana waxaa in badan looga dhaqmaa xeerar ku salaysan dhaqanka iyo degaanka, ma dhici kartaa in is fahan waa idin dhex maro adiga iyo odayaasha? Mohamed: arintaani waxay leedahay laba waji, mid waa in wixii dhaqnka ku salaysan ay ka taliyaan Isimadu siday horayba uga talin jireen , mida kale wixii nidaam dawladeed ah waxaa fulinaya dadka loo xil saaray. SN: Door noocee ah ayaad aaminsan tahay inay Puntland ka cayaari karto arimaha Somaliya.?. Mohamed: Dastuurka Puntland waxaa ku qoran in Puntland tahay qayb ka mid ah Somaliya, waxaana rajaynaynaa inay somalida inteeda kale u horseedo sidii loo heli lahaa dawlad dimuquraadi ah oo xuquqda insaanka ilaalisa, dadkoo dhana ay sharciga u siman yihiin, si taasi u suuro gashana waa lagama maarmaan in Puntland laga suuro galiyaa nidaam cadaalad ku salaysan oo dadku xor u yihiin arimohooda kuwa dhaqaale, diimeed iwm. SN:Waxaa idaacaduhu sheegaan inay jiraan haamo sun ah oo lagu soo daadiyay xeebaha somaliya gaar ahaan kuwa Puntland, sidee ayaad arintaas u aragtaa in wax looga qaban karo? Mohamed: Waa dhibaato aad u weyn, waxaana la xiriiray ururo badan sida Green Peace-ka, waxaana haddii Ilaahay idmo rajaynayaa in si dhakhso ah wax looga qabto SN: Arinta Kismaayo see u aragtaa? Mohamed; Waxaan u arkaan in Kismaayo tahay dhul Somaliyeed oo uu qof kasta oo Somali ahi ku noolaan karo, isla markaas waa in aayeheeda wax laga waydiiyo ayna ka taliyaan dadkii lahaa, waxayna ka mid tahay arimaha u baahan in si deg-deg ah xal loogu helo. SN: Dowlada ku meel gaarka ah ee Carta lagu dhisay ma u aragtaa inay tahay mid Somali oo idil u dhan tahay? Mohamed: Uma arko in loo dhan yahay, Somaliland waa ka maqan tahay, Puntland waa ka maqan tahay, sidoo kale Baay, Bakool iyo Gado iyo kuwo kale, marka si xal loo gaaro waa in la dhagaystaa kuligood, waxaa jira dhulal xaq daro lagu haysto,fikrada Carta waa fiicnayd oo waxay ahayd bilow fiican laakiin waxaa loo bahan yahay in si sax ah loo sii wado, waxaana anigu xal u arkaa in gobolaysi wax lagu qaysado iyadoo waliba la fiirinayo tirada dadka gobol walba ku nool, sida ay bilowga u garteen ayaana rajaynayaa inay u gartaan in dhamaystir loo baahan yahay. SN: Hogaamiyaha wax yaalaha lagu doorto waxaa ka mid ah xiriirka uu la leeyahay umadaha kale, xiriir sidee ah ayaad la leedahay caalamka guud ahaan iyo dawladaha dariska ina la ah gaar ahaan? Mohamed: Xiriir wanaagsan ayaa naga dhexeeya wadamo badan, sidoo kale dawaladaha aynu dariska la nahay. SN: Somaliya waa qaybo, kuwo ka mid ah waxaa looga dhawaaqay dawlad madax banaan, gobolada qaarna waxaa ka jira dhawr hogaamiye oo dadka qaarba wax ugu yeeraan,, kuwo kale nidaam goboleed ayaa ka jira, kuwana hadda ayay damacsan yihiin inay ku dhawaqaan, waxaa kale oo koofurta qayb ka mid ah ka jira dawlad ku meel gaar ah, sidee ayaad u waajahaysaa xaaladahaas kala duwan si loo helo Somali weyn? Mohamed: Waxaan anigu aamin sanahay in gobol walba dadka u dhashay ay aayihiisa ka taliyaan, diyaar ayaana u ahay inaan qof walba oo nabad ama xal somaliyeed raadinaya aan hor fariisto. SN: Dad badan oo Somali ah ayaa qurabaha ku nool, waxaa wadankii ka soo saaray shuuciyad, askar iyo qabiil, dad badan ayaana ku fakara haddii nidaam fiican la helo inay ku noqdaan wadankii, ma jiraan wax rajo ah oo aad siinaysid dadkaas? Mohamed: Waa ogsoonahay dhibaatooyinka soo wajaha dadka dibada ku nool, waxaan ku talo jirnaa inaan tas-hiilaad badan u samayno si dadku ay ugu soo noqdaan dhulkooda hooyo oo qofkii doonayaa uu u maalgashado, waxaan kaloo ku talo jirnaa inaan xiriir la samayno wadamada ay somalidu ku nooshahay si loo xaliyo dhibaatooyinka dadka soo food saara. SN: Ugu danabytii Mohamed sidee isku tihiin gababyada iyo Maah-maahyada? Mohamed: Aad ayuu u qoslay, wuxuu yiri, "markay sheekadu gabay noqoto dhagayste wacan ayaan noqonayaa, iga soo qaad nin Xamar ku dhashay, maah-maahayda iyaga waxbaan ka aqaan kuwo aan marar badan adeegsado ayaana jira". |
    cabdulrashid | Monday, January 22, 2001 - 06:06 am any politician when asked about his agenda he tells you what you want to hear, I can't beleive lasqoray that you fell in to the trap. ina cabdirashiid c, shararke. waa nin aad hadaad aragto la yaabayso. waa nin aan wadan dhaqankii lagu yaqiin reer bariga, waa nin 50 jir ah oo aan wali xaas yeelan, calool wayn ood moodo inuu uur leeyahay, dadkii kula dhaqnaa wadanka uu ka yimi waxay noo sheegeen in aan waligii lagu arag masaajidka iyo goobaha ilaah lagu caabudo, waa nin aan murti uu rag la hor istaago lahayn, waa nin aan xeelad dagaal iyo mid diin iyo mid dhaqanba waxba ka aqoon. waa yaabe boowyaal aan ninka dooranee ma wax dhaama ayaan ka waynay hartiga iyo umadaha kale ee kuwada nool beesha puntland. aniga hadii la i waraysto waxaan oran lahaa waxu dad maahane dadkale aan cabdilaahi ku badelo miyaan wayney, hadiise ay taasu dhacdo hadee odayga aynu u dhaafno meeshiisa ilaa wax dhaama aynu ka helayno. |