Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Soomaalinimo - Nationalism : Qalinku waa Amaano
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xariri

Monday, January 22, 2001 - 01:27 am
Saxaafada ama warbaahintu waxay ka mida tahay meelaha laga eego ee laga ogaado heerka wacyiga iyo ilbaxnimda ummadaha, waxaan hadii si hagaagsan loo adeegsado lagu tilmaamaa inay tahay “Sultah Rabicah” awooda afraad taaso ah inay ku soo xigto awoodaha sadexda ah ee wadan walba xukuma oo kala ah (Hay ada xeerdejinta, Haya’ada Garsoorka iyo Hayaada Fulinta).

Hadaba si saxaafadu ay u noqoto mid guulaysta waxaa lama huraan ah inay buuxiso dhowr shuruudood oo ay ka mid yihiin “Dhexdhexaadnimo, Runsheegnimo iyo inaan ra’yiga shakhsiga ah ee uu shaxafigu ka qabo dhacdo aan dadku ka dhex fahmin sida uu wariyihu hadalka u dhigayo waana inay dadka u muuqataa in saxafigu dhexdhexaad ka yahay dhacdada uu ka waramay.

Hadaba markaan u soo noqdo, warbaahinta wadankeena oo aad moodo inay heshay xoriya balaaran ayna samaysa xoogaa horumar ah dalka gudihiisa iyo dibadiisaba, ayaad hadana mooda in saxafiyiinta qaarkood ay dhinac qura ku fogaadeen oo aad moodaa inay dhex-dhexaadnimadii ka yara durkeen. Waxaana tusaale us oo qaadan karnaa Jariidada Jamhuuriya oo lagu tilmaamo inay tahay jariidad caan ah loona suureeyo inay inta badan khaldaadka dowlada ina Cigaal ka waranto ayaad moodaa inay mararka qaarkood shaadhka la baxdo oo ay u xaydato inay si toos ah u aflagaadayso qaarka mida madaxda somaliland, Punland, ama dowlada ku meel gaarka ah iyadoo laga yaabo inay ka been abuuraan oo ay ku eedeeyaan waxa aanay samayn una bixiyaan magacyo aanay lahayn. Waxaa kaloo jirta in Jaraaidka Muqdisho ka soo baxo qaarkood ay iyaga qudhoodu isku hawlaan raadinta wararka beelaha iyo jilibada kuwaaso inta badan ay haboon tahay in weriyuhu ka fogaado intii macquul ah uusana war ka dhigin wixii arin qabiil la xariira.


Mahad Badan


xariri