Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Puntland Politics: Puntland Politics: GAAGAAB IYO PUNTLNAD
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Keyse

Monday, January 22, 2001 - 04:18 am
Salaan kadib.
Walaal mawduucaan uma furin in aan ku afla gaadeeyo
Mudane Max,ed Cali Yuusuf(gagaab) laakiin waxaan ufaray taariikh la soomaray inaan ku xasuusto:

Xukunkii afweyne ayaa waxaa jiray nin layiraahdo Ali..... wuxuu ahaa askari sadex alifla ah una dhashay beesha reer diini waxa uu ka shaqayn jiray dhuusa mareeb waxaan loo soo badalay Qardho 1982,
Hadaba Cali tarafiko wuxuu qaban jiray shaqo aan tiisa ahayn gawaarida kuudoono ayuu xiran jiray baadi jiray sidoo kale shacabka qofkuu doono ayuu xiran jiray, ganaaxi jiray.

hadaba ninkaas iyo Xildhibaan Gaagaab muxuu yahay farqiga u dhexeya
Gaagaab waa ninkii ku kacay isaga oo xildhibaan keliya ahinuu casilo 20 nin oo ka shaqaynaysay dekada boosaaso labaatankaas oo 18 isku jifi tahay

Gaagaab waa ninkii casilay Qaadi oo ka shaqaynaayay mudo 10 sano ah Wakaalada xooga korontada ee boosaaso.

Gaagaab waa ninka keliya ee ku hadli kara magaca DGPL
Gaagaab waa ninka ku qaada qandaraasyada marka ay dawladu wax iibinayso.

Ugu danbaytii gaagaab waa ninka keliya ee laga waraysankaro musharaxa madaxweynha Puntland sifada uu yeelan karo.

Hadaba xalay maxaa caawa uga eg waa wax lagu yaqaan askari meel kataliya iyo xigtada hoose guurka dhexmara.

nabadeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wax xun diid

Monday, January 22, 2001 - 06:01 am
war Kayse inkastoo aad war badan tahay mar mar ayaad runta asiibtaa halkaa ka sii wad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil-Qardhood

Tuesday, January 23, 2001 - 01:33 am
To: Keyse

Warninyohow Keyse waxii aad meesha ku qori jirtay marakan baad ugu liidatay, waayo marakan waxaad dhexgashay wax aadan waxba ka ogayn isala markaan been ah oo dadka kala kaxaynaya.

1- Waxaad ku maahmaahday askari reer diini ah oo waxyaabo xun ka sameeyay magaalada Qardho adigoo barbar dhigaya Gaagaab, Taas waxaan u arkaa in aad ka wadid Gaagaab waa Cumar Mohamud oo wuxuu doonuu ka sameeyaa Puntland waayo Ina Yey baa Cumar Mohamud ah oo sidaas darteed ayaad Ina Yey eex ku eedaysay. waana eedayn wayn ee ogow.

Haddii aan kaaga jawaabo eedayntaas ah Gaagaab wuxuu Casilay dad shaqaale ka ahaa Boosaaso.
Taas boowe way jirtaa, laakiin Boosaaso oo kaliya maahayn meesha wax laga casilay ee meelo badan oo PL ah baa isbadal ka dhacay mana Ahayn Gaagaab ninka wax casilay ee wuxuu ahaa wasiirka arimaha gudaha ee Puntland mudane C/qaadir Islaan Maxamed, waxyna ahayd markii Ina Abshir Waraabe uu u Cararay Carta markaas oo ay soo bexeen xisaabo xun oo meel ay aadeen lagaran waayay taas ayaa waxay keentay in dad badan oo joogay ilo dhaqaale ay waayeen shaqadoodii, Gaagaab waxuu ahaa MID kamid ah gudigii xisaabinta PL ee sanadkaas ee maahayn ninkii goàanka casilidda gaaray. marka walaale Keyse sidaas darteed ayaa ay khalad tahay in aad Somalinet.com ku qortid wax dadka kala dilaya oo aad makhaayadaha ka soo maqashid adigoo aan hubsan. Waxaadna ogaataa in Gaagaab yahay ninka kaliya ee Cummar maxamuud ah ee Dawladda Xil ka qabtay (ina yey kasaar) isaguna uu xisaabiye noqday. haddaba walaale Keyse soo Xumaan maaha waxaad isu barbar dhigtid reer Diini iyo Cummar maxamuud iyagoo Cummar Maxamuud aysan xattaa wax wasiir ah lahayn (G.Mudug oo dhal hal wasiir bay leeyihiin oo Leelkase ah). Haddiise Gaagaab uu yahay nin le awooddaad sheegaysid laguma uleeyeen dariiqyada Garawe taas oo dhacaday ayaan dhexdeer ah.

marka walaale Keyse waxa aad meesha ku qorta xaqiiqona maaha fitnona way abuuryaan.

Walaale keyse haddii aan maanta been ka sheegno ninka xukunka haya qoladiisa soo iyaguna bari nagu been abuuranmaayaan, marka walaale Keyse markastana waan ku iraahaa ee ilaali danta guud ee Reer Pl, hadii kale waligeen meel magaarayo.
S/C

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Keyse

Tuesday, January 23, 2001 - 03:02 am
Salaan kadib:
Wiil-qardhood waad mahadsantahay, Walaal waxaa ku haya ficilo waxay tahay aan la aqoon waxaan filayaa gaagaab inaan kaa xigo laakiin igama aha waxun raadis laakiin waa iaga toosin.

Walaal Gaagaab waa nin ka awood badan inta wasiir oo ay leedahay puntlnad.
Sheekada oo dhan ayaa kaa qaldan Marka uu wax casilaayayna Boosaaso ayaan joogay ee walaal ha igu gefin nin maqaaxiyadahga soo dhega dhegeeya,ha iga dhigin

taariikhdu waxay ahayd 30-03-99
Bal saad wax isgu khaldaysid fiiri waxaa waqtigaa wasiirka arimaha gudaha ahaa XASAN ABSHIR WARAABE
Marka uu casilaayona wuxuu ahaa Gaagaab Xildhibaan waxaana ku weheliayay Ibraahim generaal oo siguna ahaa Xildhibaan.

Ninkii markaa ahaa wasiirka kaluumaysiga MAX,ED MUUSE KAYNAAN ayaa arintaan ka dacwooday isga oo sheeganaya in dekedu hoostimaado wasaaradiisa isguna xaq uleeyahay wixii ku saabsan shaqaala dhimideeda iyop kordhinteeda laakiin GAAGAAB WUXUU ku hanjabay isga laftiisa inuu shaqada ka cayrinaayo, kadib gartii waxay gaartey madaxweynaha waxayna isu bedahsay qabiil wuxuuna balan qaaday inuu wax ka qabanaayo laakiin wareegtadii uu soo saaray waxay noqotay midaan waxba tarin.

Hadaba walaal meeshaani waa xor maaha waqtigii afweyne waxaan doonaynaa in wixii lasoo maray oo dhib ahayd ee uu noogaysatay afweyne aanay soo noqon,
aragtidaydana xor ayaan la ahay.

C/qaadir islaan wuxuu noqday Wasiirka Markii uu socday shirka carta ee balfiiri sidaad wax isugu khaladay.

Nabadeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gaalkacyo

Tuesday, January 23, 2001 - 09:36 am
Sida wiilqardhood sheegay, keyse dharka ayaad soo dhigatay, waxaad ku hadlaysid waa gef aad u geysanaysid ummad dhan oo masaakiin ah oo degen mudug shalay daraad Afweyne dulmiyey, shalay Caydiid dulmiyey maanta C/qaasim rabo in uu dulmiyo oo naftooda difaac ugu jira, ayaad waxaad ku tilmaamtay in ay yihiin reer Diini. sida wiilqardhood kuu sheegay Cumar maxamuud waxa kaliya uu u dugsanayaa Puntland, waa mooryaantu yeysan qabsan Gaalkacyo marlabaad. wax awood reer diininimo ah oo ay leeyihiin ma jirto, reer diini soo ma ahayn raggii land crusierska watay saw maahn raggii jidadka xamar ula baxay kooshin fagax, saw ma ahayn raggii xiniiyaha ka saaray hannadadii majeerteen, saw ma ahayn raggii gaydhooyinkii majeerteen xoogga ku ka xaystay. sidee noogu tilmaantay reer diini annagoo daraadna gacan ku gabad ahayn, shalayna nala laayey, maantana weerar nalaku soo yahay. arrintaasi waa gef iyo meel ka dhac weyn. ee nin yahow hadaladaada ka fiirso. haddii aad shakhsi wax ka tirsanaysid u bandhigay isimada, waxgaradka reer puntland si arrintaas wax looga qabto laakiin internetka arrinta aad ku soo qortay waa weear cad.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Keyse

Tuesday, January 23, 2001 - 09:35 pm
Salaan kadib,
TO:Gaalkacyo u malaynmaayo inaad shuqul ku ledahay Cumar maxamuud bal iska dhaafe inaad meel iska soo gahsaan , war khabiir ayaan ku ahay dadku siday uhadlaan.

Marka kowaad mareexaan waxay u dhigmaan Kablalax fac ahaan reer diinina Majeerteen waa marka aan ka eegno dhinaca da,da iyo faca ee maaha tirada,

hadaba anigu hadaan la shaqayn lahaa C/laahi Yuusuf waa wixii laygu eedayn lahaa maxaayeelay isku jufi ayaan nahay ee caaqyohow sida la soco.

nabadeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XARFOBOY

Wednesday, January 24, 2001 - 12:05 am
To: Wiil qardhood

Keyse waa kaa sax sanyahay arintaa goorta aydhacday maaheen mar la isku heestay Carta iyo wax lamid ah Siduu kuu sheegay weeye Kaynaan baa wasiirka Kaluumeesiga ahaa waxyna aheed intaan la casilin, Wasiirka arimaha dibadana wuxuu ahaa Xassan marka walaal hadaadan lasocon sheekada maxaa waxaan jirin usheegaysaa hadii aad lasoco tay kahadal hadii kalena iskadaa.

To: Gaalkacyo
walaal maaha hadii GAAGAAB wax lagasheego In Cumar Maxamuud wax laga sheegay taasna waa khalad ninkii ladhaliilo maaha in dhaliilshiisii dusha laga saaro reerka uu kasoo jeedo aniga nin Cumar Maxamuud ah baan ahay mana laga yaabo inaan Gaagaab daafaco sababtoo ah intuu khalad galay baan lasocdaa kumana daafacaayi.


TO: PUNTLANDERS
Teeda labaada hada arinta kataagan Gaalkacyo iyo Mudug iyo Xiisada waxaan dusha kasaaraayaa Maamulka Puntland oo ilaa iyo Hada waxaan Hanjaabda ahay heen meeshii laga rabay Ficil. Waxaan lasocoonaa inay maanta diyaar aan unahay sidii mooryaantaan halamar meesha looga saari laha aanu iskadayno odayaasha Habargidir oo markii loo tago caadaystay inay ARINTA dusha kasaaraan Mooryaan Xamar katimid, oo maxaa odayaasha karabanaa maala raadsado Mooryaanta Gaalkacyona 6 kun oo ciidan ah baa fadhiya maxay qabtaan??? maxaase SACAD JARIIBAN GEEYAY waayaabee waa inaysan soo dhaafin Baraxlay maxaa keenay inay Jariiban iyo Gaalkacyo meelka shishaysa ay dad masaakiin ah kulaayaan waxaan waa wax aan loo adkaysan karin sheekadaan waa in halmar lasoo xiraa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil-Qardhood

Wednesday, January 24, 2001 - 12:22 am
To: Keyse
walaale Keyse isma oran Keyse wixii bilawgii 1999kii dhacay ayuu maanta qiil kadhiganayaa ee sidaas darteed ayaan mooday in aad sheegaysid isbadalkii danbe ee dhacay 2000 markaas oo C/qaadir uu Wasiirka arimaha gudaha ahaa.

Walaale Keyse intii SSDF jirtay oo Ina Abshir Haamaan madaxda u ahaa ayaa Gaagaab wuxuu lahaa awood kabaddan midda uu maanta haytso ee maaha mid C/laahi siiyay markaas oo uu ahaa ninka sadexaad ee SSDF ugu awooda badnaa(m Abshir & Abshir muuse kaliya Ayaa ka awood badnaa) waxaana uu masùul ka ahaa dakada Boosaaso. Marka walaale Keyse intii aad Reer Diini ugu maahmaahilahayd waxaa wanaagsan in aad ogaatid xaalku siduu ahaa 30-03-99 bal ufiirso muddo intee le´eg ayuu maamulku jiray.

"Far bugta iyo meel bays og baa layiri" ileen Gaagaab waxa aad haatan u raad raacaysid wuxuu madax uyahay gudiga dastuurka doorashada ee PL "maanaan garan geela ciinku laayay", waxaa wanaagsan in aadan reer Diini ugu maahmaahin ee aad tiraahdiid ninkaas waxbaan ka tabanayaa markaas waxaa laga yaabi lahaa in aan isfahmi lahayn marka walaale khalad bay ahayd in aad Cumar Maxamuud hafartid oo aad reer diini ugu maahmaadid.

Midda kale walaale hanna habaarin oo reer diini iyo majeerteen ha is barbar dhigin oo waan kabadanahay e (kaftan)
S/c

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Keyse

Wednesday, January 24, 2001 - 04:50 am
TO:Wiil-Qardhood, Walaal waayeel kaftan buu wax ku dhamaystaa, anigu hadaan ahay nin Maamuud saleebaana miyaad Cumar Max,uud iga xigtaa mida kale Gaa-gaab waqtigii Mae,ed Abshir haduu awoodlahaa maxay ku kala duwan yihiin isga iyo waa max,ed abshir iyo C/laahi sow niman isku jufi ah maaha waana khalad in lagu eegto gaa-gaab inuu dadka ka awood bato ha ahaato mar hore iyo mardanbe.

Mida kale Sanad in ku dhaw ayuu jiray maamulku markuu sidaa samaynaayo.
Marka haadadan qirsanayn inuu khalad ayahay mawaxaad leedahay war ninka iyo baawarkiisa maxaad dadka u tusaysaa.

walaal malaha maadan akhrin markaan leeyahay reer diini dhinaca tirada maaha ee waa faca ee bal dib ugu laabo waxba kaftanadaadi ha ii qarine.
Nabdeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gaalkacyo

Wednesday, January 24, 2001 - 09:37 am
Xarfoboy- walaale dagaal dagaal arrintaas waan ka gudbnay dagaal waxaa ku orda nin aan aqoo. Sacadka iyo Saleebaanka Gaalkacyo degen, waxay marti u yihiin reer puntland, martidaadana lama laayo waa la xaqdhawraa waa la sharfaa, meekhaan fiican ayaa la fariisiyaa. Gaalkacyana waa sii
fidaysaa sii weynaanaysaa oo noqon doontaa caasimadaha mustaqbilka lagu faanidoono ilaahay baana mahadaas leh iyo our great leader president Abdullahi yusuf Ahmed.

Keyse- Saaxiib maxaad ii cayday waan kula gardhiganayey aniguba nin walaalkaa ah baan ahay. mar labaad dharka soo dhigatay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hamar

Wednesday, January 24, 2001 - 11:38 am
Dhageysta nimankiinaan Cumar max'ud ee meesha isugu yimid aduunkii waxaa ku dhameyseen war waxna iskama celisaan. "Sacad iyo saleebaan waa marti, martina waa la xaq dhooraa". Xaq dhoor iyaguna ha ku gumaadeen, walee mar danbeydan Galkacyo iyo dagaalkeeda nagu sirin, idinka difaacda inaga uma soo socano. C/laahi iyo gaagaab iyo wixii la mid ah ma rabano, Puntland futada iska gasha. Adduunkii oo dhan ayaad nagu dirteen qaati bilaahi ayaan idinka taaganahay Hawie qurmuunena kama daba hartaan. Mana sireysaan mar danbe. waa ninku sidii sheegayee dhulkiina raga ka kacsada ama Garoowe ku soo carara walee intaan idin qaadi karno waa ilaa iyo waqti, haddey Hawie marti idiin yihiin maxay maalin walba idiin laayaan, meel walba waxaad la taagan tihiin waa dad wanaagsan waa isnaaqaanaa. wa ragu haday idin baqsadeen waa na baqsadeen dhaha oo ha faanina ha la idiin hiiliyee. Mise sixir ayey idinku heystaan sidani waa layaabee. Mida kale waa adinka intaas yiraahda dadkaan ka hor joognaa yaad ka horjoogtaan hala idin weydiiyee ma Hawiyaa nagu dhaca oo dhulkeena lug soo dhigi kara, waa horaan adduunka ka ceyrin laheynee idinkaa futuda ku wata.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WIIL-DHULBAHANTE

Wednesday, January 24, 2001 - 05:33 pm
TO: GAALKACAYO
WALAAL WAAX MACNA SAMAYNAYA KUMAAD HADLIN EE DIB ISUGU NOQO HADDAAD TIRI SACAD IYO SALEEBAAN MARTI AYAY PUNTLAND U YIHIIN BEEN BAAD SHEEGTA. HADDAY MARTI YIHIIN MAXAY JARIIBAN WAX UGU DILAYAAN? MAXAY GAALKACAYO IYO BACAADWAYN DHEXDOODA BAABUURTA UGU XABADAYNAYAAN?
MARTIDU SOW TAY EDEBTA LAHAAN JIRTAY WAA MAXAY MARTIDAN KUU DEHHAFAYSA GURIGAAGII?
SIDA NINKAA HORE SHEEGAY CIIDAMADA PUNTLAND WAA INAY CAGTA MARIYAAN MOORYAANTA KANA SIFEEYAAN AGAGAARKA GAALKACAYO OO AAN LA ARAG MAQAL MOOYEE MOORYAAN KA SOKAYSA CADAADO.
MAANTAYNA UGU LIITAANE YAAN LASUGIN INTAY WAX URURSANAYAAN.
HALA CIDHIB TIRO DOOFAARTA URTA BADAN EE DADKA XOOLIHIISA KU MAMAY. "HADDAAD NABAD DOONAYSO CADAWGAAGA XOOG TUS", WAA MAAHMAAH JIRTA HABAR-GIDIRNA MATAQAAN XISHOOD IYO XUSHMO TOONA EE YAAN BEEN LA ISU SHEEGIN.
SALAAMA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gaalkacyo

Wednesday, January 24, 2001 - 11:23 pm
Galkacyo waxaa dega qabiilo badan oo Soomaaliyeed
oo kala duwan, qabiil walbana xaq buu u leeyahay in la dhawro, sharaftiisa, wadaniyadiisa, qaranimadiisa. arrinta aan lahaa Sacad iyo Saleebaan marti bay ku yihiin Gaalkacyo gaf bayba igu ahayd ee waa magaaladoodii waxayna weligood ka degi jireen dhinaca Baraxlay, Cadan yar. Baar jarafle. qoodhay iyo xeraday dad aan wada degno oo gob ah bay ahaayeen. ee waxa gadaal ka dhacay waa musiibo uu abuuray Afweyne, Caydiidna sii waday. ee maanta maamulka Puntland wuxuu ku dadaalayaa wax kasta ha ku qaadatee in shacabku nabadii iyo sharaftii uu ku wada degenaan jiray dib loo soo celiyo. wax baryo ah maahan waa khasab bay nagu tahay in qof kasta danihiisa ilaashado oo aan loo danayn koox yar oo hubaysan oo yeesha sidii ay rabaan. Gaalkacyana qof walba oo magaalada degen iyo maamulka puntland waa in ay ka shaqeeyaan nabadgalyada magaalada Gaalkacyo.
marabno in mar dambe Gaalkacyo laga qaxo. markii ugu horaysay dadkii beesaaniga ahaa ee reer Gaalkacyoodka waxay ka qexeen magaaladda waqtigii Siyaad Barre, Generationkii ku xigay waxay ka qexeen waqtigii Caydiid soo weeraray. wax
kasta oo dhacay waxaa nagala weyn nabadgalyada Magaaladda taasoo dan u ah dhammaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Puntland, ragga la gariiraya hawiye ha lalaayo, dagaal hawiye uma baahnin, waxaan u baahanahay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in la is fahmo oo la is dhexmaro. Xoogaga Cayrka oo Kismaayo jooga, markii Jubaland la dhiso, iyadoo cidna weerarin, iyagaa dan isaga soo bixi doona. wiil dhulbahante abtirsi ahaan cid aan isaga dhaw nahay ma jiro. laakiin isku dhaqan ma nihin waa adag tahay sidii aan isku fahano. laakiin Sacad iyo Saleebaan isku dhalasho manihin laakiin muddo dheer baan wada degi jirnay.
waa dad aan isla dhaqanay, sida aad u wada dhaqanteen Isaaq. marka qabiilku wuu dhamaanayaa waxayna Soomaaliya dhawaan isku badalaysa States,
ninka hartiga ah oo degen, wuxuu ku faani doonaa in uu yahay nin reer Baydhabood. ninka Sacad oo degenna Gaalkacyo wuxuu ku faani doona in uu yahay nin reer Gaalkacyood ah. waa gobolkii laga badiyo Banooniga. yaan lagaa badin heeleey.
Xabad waa dhammaatay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil-Qardhood

Thursday, January 25, 2001 - 01:35 am
To: Gaalkayo
walaale waxaad tiri Dhulbahante Isaaq bay isxigaan waxaan ku oronlahaa waad ku khaldantahay waayo dhulbahante maaha reer Somaliland ee waa reer PL sidaas darteed waa khalad in aad tiraahdid marka states lanoqdo isaaqa ayaad is xigtaan waayo hadda ayayba nala State yihiin ee maxaad barri qolo kale ugu daraysaa. Arimaha kale ee aad ka hadashay walaale waad ku mahadsantahay sida fiirada dheer ee aad u hadlayso.

To: Keyse
walaale Keyse Cumar Maxamuud kaama xigo oo waan u simannahay ee waxaa idhibtay in aad reer Diini ugu maahmahdid, ee aniga iyo adigu waan u simanahay. Haddii iyadoo Pl bilow tahay aan bilowno kuwaasaa reer diini ah iyo kuwaasaa reer hebel ah waxaa dhici doonta in aannaa meel fog gaarin. Sidaas darteed Ina adeer Keyse raali iga noqo haddii aad mooday in ficilo gaar ah iqaaday.

sidaas darteed anigu halkaas baan doodaan kaga haray, waxaanse kuleeyahay Keysow markasta ilaali danta guud ee reer Pl Haddii kale Hotel Ramadan!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faarax

Thursday, January 25, 2001 - 03:46 am
To Gaalkacyo

Al Salaamu Calaykum,

Walaalle aad baad u mahadsan tahay. Xaqiiqadu waxay tahay sida aad markii dambe sheegtay, waxba uma arko wixii aad ku hadashay markii hore. Walaalle ogow meeshatan inay tahay goob fagaare ah oo nin waliba fiirsanaayo, markaad hadal daawo ah soo qorto sidaad markii danbe samaysoo kale waa loo riyaaqayaa ajri-na waad ka heleysaa maxaa yeelay waxaan og nahay in duul malaa'ig ah oo Rabbi na dul keenay afka waxaan kaga hadalno iyo addimmadeennu waxay falaan ay diiwaan gashaan, waxaan kugu bogaadinayaa sida ragannimada leh ee aad u hadashay runtana u abbaartay.

Wiil Qardhood

Al Salamu Calaykum, war ma adigii baa?! Walaalle waa ku salaamay. Nin kaadir ah oo belo ah oo PL iyo Majeerteen meel Alle og yahay kaga yaalliin baad tahay. War heedhe haddaan forum-ka oo dhan jeedaaliyay meel adan ka lagdameyn sowtaan ka waayay maaha!! (kaftan).

Walaalle HOTEL RAMADAAN jahannamo maaha, waa meel dad islaama joogaan, waxay ila tahay inay joogaan rag odayaal ah oo Majeerteen ah oo aan is leeyahay Wiil Qardhood siyaasad hadday noqoto ama tol jaceyl ama waddaniyad ama maslaxadda shacabka Puntland iyo Majeerteenba waa kaga horreeyaan ayaa meeshaas jooga oo ay ka mid yihiin Jen Maxamed Abshir, Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse, Xasan Abshir iyo rag kaleba, marka walaalle hotelka ha baaseysan waxba kuu dhibi mayee! in khayr ka soo fulaa la arkaa...

XarfoBoy, Wiil Dhulbahante, Hamar,

Annaga Habargidir ah, qabiil gaan ah baannu nahay oo soomaalidu taqaanno, dhulkaan degnona waad taqaannaan, mar haddaad wax qori kartaan iska soo qora waxaad doontaan oo ama colaad ah ama cay ah kolley annagu waa idin aragnaa mar walbood waxaas soo qortaan idiinmana jawaabno maxaa yeelay jawaab ma mudnidiin, laga yaabee mid sidiinnaasoo kale ah inuu idiin jawaabo...

Maadaama howshiinnii idiin gaarka aheyd ee mowduuca ninka furtay ku magacaabay GAAGAAB IYO PUNTLAD aad ka leexateen oo aad Habargidir, Sacad iyo Saleebaan ku soo luga baxsateen baan mowduuca u soo galay, haddana waan ka baxay..Al Salaamu Calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XARFOBOY

Thursday, January 25, 2001 - 03:48 am
To: Gaalkacyo

walaal waan fahamay waxaad kawado laakiin aniga kuma oron dhamaan Hawiye cagta mari wax kaliya oo lasmeenkaraa in loodiido inay qoryo lasoo galaan dhulka Puntland sababtoo ah maamul baa jira loomana baahana inay dad kulaayaan Balibusle waxa kaliya aan layaabanahay waxaa weeye wax tilaabada cad looga qaadi la ayahay MOORYAANTA aniga kuuma dirin Haweye masaakiin ah oo Baraxlay dagan ee waxaan ka hadlayaa Moortaanya dadka laynaysa makuwaas baad ka sugaysaa Inay FICIL la'aan iska tagi doonaa??? wale waayaab waxaa moodaa inaan dhaxso u ilownay sidii hada kahor lanoo khiyaananay.

Ayaan tii dhaweeyde June 2000 oo dagaalka kadhici jiray magaalda Gaalkacyo waxaa kujiray dadkii dhintay NAAG SACAD ah mataqaan sabata loo dilay???? waxa sameynaysay wax WAXASHNIMO ah oo wiil dhalinyaro ah oo u dhashay beesha reer biciidyahan oo ay xabad ku dhufteen Moryaantii ku jirtay GURYAHA XAAFADA BARAXLAY asaga oo xaafdiisa usocda ayay xabad kudhacday wiilkii markuu dhulka kudhacay bay islaantaas MINDI intay soo qaadatay rabtay inay GOWRACDO wiilkaas oo halkaa iska maryayay oo xabada ku dhacday oo marka dhulka Yaala, xabada waxay uga dhacday luga wuxuuna isku dayay inay naagtaan SACAD aysan gooracin laakiin waa ay kaxoog badisay oo wiil yar buu ahaa markaa baa ninkatirsan Policeka GAALKACYO XABAD KU FURAY NAAGTAAS. magaalada oo dhan waxay kanoqotay sheeko yaableh MARAKA MAKUWAAS BAA YAQAAN MARTI IYO XUSHMAD???
ANIGA WAXAAN DHILILAHAA INTA FIICAN YAAN LATAABAN LAAKIIN INTA MOORYAANTA AH HALASIFEEYO.

bari haday tii JUNE 2000 oo kale dhacado sidaas bay kuu gowracaayaan hadan waaba kuwaan oo dadka kuleenaaya Balibusle iyo Jariiban waayaab!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Badhan

Thursday, January 25, 2001 - 06:14 am
To: Keyse;

Faqash xun oo mother f'er baad tahay kac oo Iidoorka , Hawiyaha iyo qadhmuunkii Afweyne ka hadhay midba mar dhanka dambe ha kaa darsado.

Daba leef xun oo qayrkaaga oo kala ah oo la soo dirsady Puntiland waxna uma dhimi karo waxna kama dhimi karo.
Yaa miskiin yaa dalas. malaha weelfeerkii baa ku deeqi waayay oo dee iminka kaba qaadnimada ka rajayn wax shilimaad ah.

Make sure that you don't write this kind of trash or else your uuuuuuf qaar dambe is going to be mine.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Galkacyo

Thursday, January 25, 2001 - 10:23 am
Xarofobey- Walaale sharciga in aan lala soo
galin magaaladda Gaalkacyo hub maahan in lagu fuliyo sacad iyo saleebaan kaliya, waa in qabiiladda kale oo daaroodka ah, iyaguna la soo gelin. sharcigu waa in uu ummadda u dhexeeyaa. mida kale naagta ninka dishay. walaale saw ma ogid in maslax gaalkacyo tagay waqtigii dawladdii aabihiis sii dhacaysay oo ka xaystay rag badan oo Daarood ah weliba majeerteen u badan, weerarna ay ku qaadeen ilaa iyo carfuuda, wasil oo ay soo laayeen masaakiin faro badan, naagihii soo fuuleen, weliba ragga qaarkiis la qaawiyey. iyagoo qaawan la yiri gaardiya. waagii annaga majeerteenna aan Gaalkacyo ka qaxnay oo Siyaad Barre na cayrsaday. ma taqaana ragga xoolaheenna iyo darisnimadeenna ilaalin jiray waa sacad iyo saleebaan. markii aan soo noqonay yaa madaxa isku kaaya galiyey Siyaad Barre. maanta jaaniska yaa haysta waa in aan tusnaa walaalaheen Sacad iyo Saleebaan. Islaanimada iyo Soomaalinimada macaankeeda iyo naxariista naga dhaxayn karta. dagaaladaan nin jaflaha ah, weligeed Soomaali waa taqaanay. marykanka maalin kasta dad baa lagu laayaa, waxaaba laga yaabaa tirakoob ahaan in puntland ka nabadgalyo fiican tahay meelaha qaarkood ee dalka maraykanaka. marka waxaa loo baahan yahay si aan u gaarno nabadgalyadda aan tiigsanayno dulqaad. weligaa ha fududaan. Gaalkacyo heerka ay marayso weligeed ma gaarin. maxaad u malaynaysaa Soomaaliya oo dawlad cadaalad ah ka dhalato.

Faarax- Calaykuma Salaam. waxaaba i qancisay salaanta qaaliga ah oo aad dadka ku salaamaysid.

Wiilqardhood- waxaan iri Isaaq iyo dhulbahante waa dad wada dega oo isguursada xiriir dheer oo qoto dheerna leh.
isku lahjadna way ku hadlaan.
laakiin dhalasho qabiil Dhulbahante iyo Majeerteen= waa harti.

Dhinaca kale Habargidir iyo majeerteen iyo daaroodka kaleba waa isla degaan, taariikh dheer baa ka dhaxaysa, waa is dagaali jireen, waa isguursan jireen, deris bay ahaayeen. waagii aduunku aduun ahaa.

wa bilaahi tawfiiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BALI-BUSLE

Thursday, January 25, 2001 - 05:49 pm
TO GAALKACAYO;
WAXAAN FILAYAA INAAD TAHAY MOORYAAN SACAD AH OO ISKU QARINAYA BOGGAN. HADDII KALE WAXAAD TAHAY MID AY WASEEN WAAYO NIN DAMIIR LEH OO MAJEERTEEN AH SIDAA UMA HADLEEN.
CAQLI XUMADA MEESHA KALA BAX DOQON YAHAW AFKA QADHMUUN EE DABA DHILIFKA AH.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Tiinle

Thursday, January 25, 2001 - 09:11 pm
Mr Badhan
akhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhh!!!!
waa maxay waxaad ku hadashay.waar sidii raggii u hadal,magacaagana ha dilin.
i bet u r not from there(Badhan).
faqash? who is faqash?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

halabookhad

Friday, January 26, 2001 - 02:30 am
waryaa jayse beenlow ayaad ee dadka been ha kasheegin...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

waa sidee

Friday, January 26, 2001 - 07:02 am
waxaan maqlay Gaagaab arin gogoldhaaf baa looga haystay Garoowe ma sidaas baa lagu uleeyey mise Ciise ayaa isaga dhirfay xildhibaanka xaalku waa sidee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Badhan

Friday, January 26, 2001 - 08:04 am
Tiinle:
Sxb waad ku mahadsantahay waanada, laakiin waxaa iga cadhaysiiyey midkaan yar ee isku sheegaya Keyse oon shaqada kale ka dhicin in uu isku diro dadweynaha reer Puntiland maahine. Naftaas yar ee caqliga injirta leh in uu kolba ciiro isku qariyo oo kolba dhan naga soo galo baa i gubaysa waana in runta loo sheego raabishkaas oo kale.

Faqashkana ama faqasho macnihiisii hore waxuu aha doofarka dhasha ah .Iminkase waxaa Idoorku u yaqaan waa hadhaagii ka haray ina Siyaad Bare waxaan yar ee Keyse isugu yeerayna waan ku dhaaran karaa ama in uu yahay dhuusadii Siyaad ama Mooryaan xun ee is qarinaya ama Iidoorkan cidaydii raba in uu aduunka aqoosi kaga helo.
Nin muwaadin run ah oo reer Puntiland ah iskagama khaldanteen Cabdilahi Yusuf iyo qawmiyada iyo qadiyada reer Puntiland.

Haduu Cabdilahi mucaaradayo dee xaq buu u leeyhay laakin in uu iska horkeeno shicibka reer Puntiland waxay cadaynaysaa in uu san u dhalan wdanka uu sheeganayao.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil-Qardhood

Saturday, January 27, 2001 - 12:46 am
To: faarax

Boowe Faarax mawaxaad tahay ninkii dhihi jiray maxaad Wiil-Qardhood ula baxday adoo iga dhigaaya in aan qabiiliiste ahay?

Boowe Faarax waa runtaa in aan PL iyo Harti meel fog iiga yaalaan laakiin maaha Puntland iyo Harti oo kaliya in ay meel fog iiga yaalaan ee walaale waxaan aaminsanahay in marka hore aan is habayno markaas kadib aan soomaali inteeda kale isu nimaadno waayo marka guri ladhisaayo waxaa laga bilaabaa aasaaska sidaas darteed ayaaan u aamin sanhay PL ee manebci.

Midda ah Hotel Ramadaan, boowe Hotel Ramadaan waxa uu iila mid yahay bohol layiraahdo Warqabto oo kutaal dhulka Sacadku dago ee koonfurta mudug bohoshaas wixii ku dhaca oo ama xoolo ah ama dad laysma waydiiyo sidaas darteed ayaana loogu bixiyay Warqabto ( =waray Qabto badnaa baa laga wadaa) marka sidaas oo kale ayaa Hotel Ramadan dadkii naga aaday aan uga war lànahay oo ay u soo noqon làyihiin.

Waxaan kugula talin lahaa in awooda aad ku luminaysid Hotel Ramadaan aad ku dhistid Cadaado Iyo Dhuusamareeb iyagaa kuu baahane.
S/C

Midda kale boowe waxaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faarax

Monday, January 29, 2001 - 08:31 am
Wiil qardhood, Assalamu Calaykum

Nin nabad doon ahaa oo la oran jiray Sh. Maxamed Iimaan kana mid ahaa raggii Habar-gidir ee Maraykanku laayay goortii Ciidammada Rangerska ee Ameerikaanku Jen Caydiid Allaha u naxariistee inay soo qabtaan ku howlanaayeen, baa waxaa dhacday in Maxamed Siyaad Barre intaan la ridin Sh. Maxamed Iimaan u yeeray, markaasuu Ina Siyaad yiri: War Sh. Maxamed Iimaanoow dadku nin aad u qabyaalad badan bay kugu sheegeen ee maad qabyaaladda iska dhaaftid, markaasuu Sh. Maxamed Iimaan wuxuu yiri: War dadku belo badanaa! oo adiga ruuxaagaba taas waa kugu sheegeene waxaysan dadku kala aqoon qabyaaladda iyo tol jaceylka ee aniga iyo adigaba waa toljaceyl waxay nagu arkeen ee qabyaalad maaha!!.

Marka hadda wixii ka danbeeya qabiiliisteha dad badan kugu eedeeyeen waa lagaa dhaafay oo waxaan ku leenahay waxay dadku kugu arkeen waa toljaceyl meel fog kaaga yaalla sidaad adiguba sheegtay.

Intaa kaddib, war ninyahow miyaadan nin Islaama aheyn maxaad culimmadii muslimiinta u cayday ee Shariif Cabdi Nuur, Sh. Cabdulqaadir Nuur Faarax iyo Sh. Cumar Faaruuq X. Cabdi Suldaan, waxaan la cajabay waxa kugu xambaaray arrinkaas oo aan aheyn inay yiraahdeen Dowladda Carta lagu soo dhisay waa Dowlad Soomaaliyeed waana in la taageero?!

Assalamu Calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Badhan

Monday, January 29, 2001 - 09:10 am
Maxaad tiri genaral Caydiid allaha u naxariisto???.
Ilaah adiga hooyadaa midna uma naxariisto. Waan hubaa in uu iminka ka qaylinayo naartii waa haday naari jirto.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil-Qardhood

Monday, January 29, 2001 - 10:40 pm
To: Faarax
Boowe Faarax waan kanoqday arinkaas anoo og in aanan khaldanayn sababtoo ah waa khalad in dad lagu ixtraamo diinta Islaamka aan ka mucaarado Somalinet.com. laakiin wali waxaan qabaa in "dawladda" Carta lagu dhisay aysan ahayn DAWLA ISLAAMIYA(wabi akmali macaaniihaa)sidaas darteed ayaan waxaan kuleeyahay iga raali ahow haddii aad dhibsatay hadalka aan ka iri culimadaada.
S/C

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LIBAAX

Tuesday, January 30, 2001 - 12:04 am
wiilqardood waa wacal ee hala doodina