Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government: AAQIRO SAMANKA MARKII LA GAARO WAXAA DHICI DOONA IN NIN MAJIYO GAAGAABAN OO XABASHI AH UU DUMIN DOONO KACBADA WAXAA CAD IN XABASHI KA GUULEYSAN DOONTO SOOMAALIDA IYO CARABTA OO DHAN WAASE GOORMA???????
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KUNI-KUNI

Monday, January 22, 2001 - 10:37 am
KACBADA INTA ISLAAM NOOL YAHAY LAMA DUMIN DOONO LAAKIIN WAXAAN HALKAAN KAAGA CADAAN DOONTA IN XABASHIDU XOOGEEDU KOBCI DOONO ALLAH BAA INAGA YAQAAN.

Waxuu Nebigu nabad badani korkiisa ha gaadhee laga weyiyey isagoo qaybka uu ALLAAH wax ka tusay inooga sheekaynaaya yiri: Aakhiru sabanka waxaa KACBADAAN sharafka badan dumin doona niman manjo gaagaaban oo ka soo duulaya Ardul Xabasha waa Ethopia e.

INNAA LILLAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN

Walaalayaal dagaalkii ABRAHA uu KACBADA kusoo qaaday 1500 ka hor ma dhamaan wuxuuna hir geli doonaa Aakhiru sabanka, anigu ma aqaan meesha maalintaas Muslimiintu ama Soomaalidu jirto, waayo hadalka Nebigu waa xaq waana dhici doontaa arintaasi.

Waxaan is weydiiyey ma Missionka ama qorshaha maanta socda baa lagu guulaystay oo waa layna qabsan doonaa kadibna inagaaba u shaqayn doona Amxaarada Mise waa waqtigii nebigu nabadi korkiisa ha ahaatee yiri "Muslimiinta baa Aduunka ka dhamaan doonta oo Gaalo keliya baa isu soo hari doonta" waxaan is iri markaas bay KACBADII oo aan cidina ka celinayn burburin doonaan taas oo ay ku hamiyi jireen illaa waqtigii ABRAHA.

Walaahi baan ku dhaartaye inaan inaga iyo Ethopian nabadi noo dhex marayn illaa ay ka wada Islaamayaan ama aan inagu ka wada Gaaloobayno, maxaa yeelay dad Diinteenu inoo sheegtay inaysan Cadawtinimo ka suulayn illaa iyo maalinta Qiyaamaha see nabad uga sugaa, taasi waa anoo Diintayda ka shakiyey.

Haddaba waxaan hadalka ku soo koobayaa kuwa AMXAARO saaxiibtinimo ka raadiyey waa kuwo ka qayb qaatay Qorshihii KACBADA lagu dumin lahaa, waana dadaan Allaah agtiisa dheef iyo nasiib toona aan ku lahayn maadaama ay raaceen kuwo ama CADAW Allaah iyo Rasuulkiisuba inooga digeen nabad gelyo korkiisa ha ahaatee.

Walaalayaal ALLAAH aan ka dhawrsano iskana ilaalino wixii Diinteena wax u dhimaya, yaynaana gacan ka gaysan doonista la rabo in XABASHI gacanta loo geliyo Diinta, Dhulka iyo Dadka Soomaaliyeed, duulaanka Soomaaliya lagu hayaana waa duulaan Diinta Islaamka lagu hayyo, ciddii duulaankaas iyo qorshaha Ummadan lagu burburinaayo ka qayb qaadataana waxay ka qayb qaateen duulaan Islaamka lagu soo qaaday si loogu burburiyo.

Waxaan mahad u celinayaa Allihii Islaamka inoo soo hadiyeeyey intaanay Diintu Madiina gaarin, waxaan ku Salinayaa nebigeenii suubanaa nabad gelyo iyo naxariis faro badan korkiisa ha ahaato e.

Wallaahu Aclam!
Islaam@usa.com
http://Ibn-Islaam.homepage.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jeylaani

Monday, January 22, 2001 - 11:47 am
waxan ku iri ninkaagan ka hadlaya Soomaali iyo duulaanka Ethiopia xageed jirtey markii Mooryaantii reer Ceydiid ayy dadka ku gubayeen koonfurta Soomaaliya mise raali ayaadba ka aheyd tan kale jameecada Cabdiqaasin ee markii Baydhabo xooga looga soo saaray sameysatay maxkamado been been ah si ey u sii joogaan shabeelada hoose miyaad hada leedahay etiopia ayaa soomaaliya dhib ku haysa walaalow diinta islaamka waa mid soomaaliyoo dhana waa muslin balse inta aanan ka hadlin ehtiopia iyo waxa aad sheegeyso habargidir ha joojiso dulmiga ay ku heyso dadka koonfurta soomaaliya ka dibna anagoo is jecel aan isla noolaano xusuusana inta aad dulmiga wadaan in aysan Soomaali idinka yeeleyn ethiopia ayaa nagu soo duuleysa maxaa yeelay idinkii baa biyihii webiga ka gadaya dadka kolka dulmiga dhaafa hadii kale waxay tegi hadalkii ninkii isaaq ee ahaa .
"Nin aan muslinimo kugu dhowreyn iyo muuminimo gaar ah gaal maxasta kuu dhowrayood magansataa dhaama" nabadeey. islaamkuna hada ma dhalan soomaaliyana dhibka maanta ma bilaaban ee hadii aad dar ilaah u hadleyso xaqa u kaalmee nimankan dhibka nagu hayana u sheeg iney dhowrsadaan