    mataaan-ciideed | Wednesday, January 24, 2001 - 10:02 am Reer puntland danteena waa in aan garanno. Abdullahi Yusuf meel nooma wado. Waxaa cad inuu dantiisa iyo dano shisheeye naga doortay. Waa inaan taageernaa ina C/rashid Sharmarke oo aanan ka yeelin Abdullahi Yusuf inuu xoog nagu haysto sida warlords-ku xooga ugu haystaan shacabka koofurta somalia. somaliintel.com ka akhri campaign-ka iyo balamaha Maxamed C/rashiid. |
    Anonymous | Wednesday, January 24, 2001 - 02:01 pm riyo been ah. |
    xeenwade | Thursday, January 25, 2001 - 04:37 am salamu alykum war mataan waxaa ku helay ood aad Somalia u kala gooysay. ma Puntland baa kuu dhaanta xamar, mise adiguna waxaa ku helay aaydhirka haasta dadka Somali-eed ileen kama baxsanide: |
    mataan ciideed | Thursday, January 25, 2001 - 06:06 pm xeenwade sxb somalia inay kala go'do ma aaminsani,waana kasoo horjeedaa wixii midnimada qaranka wax u dhimaya.Sharciga puntland-na waxaa ku qoran in midnimada soomalia la ilaaliyo. Laakin since aysan somalia dawlad ka jirin(ama dawlad xoogle)gobolkayga dantiisa inaan raadsho soo maaha? anonymous: yaad u hadashay yaadse ka hadashay. abdullahi yusuf waa nin naga dhashay laakiin ethiopian agent ayuu noqday. |
    Somali-runa2 | Friday, January 26, 2001 - 12:50 am Anigu Cabdullahi Yusuf waxaan ka filayey, intuu Addis-ababa aadayo inuu xamar aado oo uu Warlordska kale iyo DKMG ahba la hadlo sidii danaha Somaliyeed la isugu raadin lahaa, loo midayn lahaa, wuxuuse noqday Cabdullahi Cisman Caato, Cabdullahi Xuseen Caydiid, Cabdullahi Shaatigaduud and the mother of all brutal and bloody warlords and he knows that his time is numbered. |
    Wiil Qardhood | Friday, January 26, 2001 - 12:58 pm sheeko aan loo joogin baad meesha ku haysaan waxaanse idiin sheegayaa ninka maqaalka soo geliyey netka inuu bal uu barto dastuurka puntland mida kale ina c/rashiid waa nin ajnabi ka ah goboladan, marka aynu xaqiiqda ka hadleyno arimaha soomaaliya ka jira iyo danta dadweynahaha goboladana ma aha nin xogogaal u ah. |
    Wiil-Qardhoodkii hore | Saturday, January 27, 2001 - 07:10 am To: wiil Qardhood walaale ma waxaad wayday magac kale. haddii aad reer qardho tahay magac kale raadso. Fikradaaduse waa mid macquul ah. Inkastoo aanan qabin |
    afka | Sunday, January 28, 2001 - 11:21 pm umalayn maayo in c/laahi yuusuf p.land wax ku soo siyaadinayo wax uu udhimo maahee , waayo hadda wax laga joogaa muddo intii uu meesha fadhiyey, wax uu uqabtaya ma arag dadka beelahaas kii aad wax ka waydiisaana inta waxyeelo uu geystay ayuu sheegaa , marka waxaan umalaynayaa katagistii syaad barre iyo c/laahi oo u ciilqabay xukun ayuu waxa u helay meel banaan oo halkaas ayuu dreems kiisii ku hirgaliyey marka dhib mooyee waxkale inoo horseedi maayee aan meesha ka saarno oo hawdkiisii inagaga celiya ,. dadkale oo mutacalimiin ah ,macquulah, wax garad ahi way buuxaane,, eee halga tashado sidii beelaha p.land horumar ugaari lahaayeen wassalaamu calaykum,, |
    punt. | Sunday, February 04, 2001 - 11:05 am war heedhe wax ma idiin sheegaa. annagaa mar walba puntland garoomadeeda ka degna oo soo aragney meesha ha la fadhinina hadal, iyo wax ka sheeg ragga hadaad wax haysaan la kaalaya oo wax sameeya . habaraha fadhiya legdinta way la fududahay. raashin bilaash ah iyo hurdo ayaad haysaan iyo qayilaad xoolo aydaan shaqeysan inaad cuntaan . reer puntland gaarahaan waxaan idiin sheegayaa in ina yusuf waxa uu sameeyey oo uu ka qabtey puntland aydaan ka qaban karin. xan iyo afxumo ayaad meesha la fadhidaan. hadalkiina waa batey hadaa xagee ku socotaan ma muqdishaad u socotaan, aha cajiib, war ileen, ma waxaad maqasheen casimadii baa mar labaad loo doortey, weli ma waxaad ku fekereysaan inaad magaaladaas maal gashataan. aha ka jawaab dib isugu noqo, orodoo eeg badda iyo cirka iyo beraha waxa ay ka qabatey dawladaas ka taagan puntland annagaa soo aragney 20 sano kale muqdisho ma gaari doonto, ciidamada marinka badda imisey mushaharo u qaataan iyo sida ay baddooda u ilaashaan, airporada amaankaooda dhinac walba ka eeg waa 100% dawladaas puntland . ka feker muqdisho goormey puntland soo gaari doontaa, ina cabdirashiid aan u sheego odayga sumcadiisa ilaali awalba qurbaad ku nooleed halkaagaas iska joog. kuma baahnin, waayo meeshaan hadal iyo khudbado loogama baahna, waxaa loo bahanyahay gacan adag, amaanka sugta, waxna horumarisa looma bahna hadal iyo khudbad iyo professoor baan ahay, iyo waxbaan soo bartey etc,etc,etc. gacan adag ma haysaa kaalay isa sharrax. laakin hadal ha la imaanin, ha is cebeynin waqtiga waa isbedeley dadkaana ina yuusuf iyo mid la mid ah ayey u baahan yihiin looma bahna nin jilicsan. lana socda puntland iney noqotey xudunta daaroodka, . cawska jiilaalka waa lama huraan what ever you do, where ever you go home sweet home. caytanka iska joojiya bal dib u fiiri kelmadaas xudunta daarood. ogowna inaan reerka cabdullahi yusufna aanan ka dhalanin laakin aan soo arkey xaqiiqda. the man is doing a great job. puntland is past. puntland is present. puntland is future. cabdillahi is not puntland and puntland is not cabdillahi it is home. when you hear the word puntland you should know its home, have a nice day. |
    Aweys | Wednesday, February 14, 2001 - 08:48 am Puntland ayaad nagu wareeriseene maa naga deysaan. Boosaaso ayaan garanayaa magaalo nabadeed ah. Sidii reer Gaalkacayo yimaadeen, Xataa waxa lagu leeyahay, bacaadkii xeebta ayay waxay Cabdullaahi ayaa na siiyey, oo Gaalkacayo ayaan y rareynaa. Maxaa dhacay waxa la sheegay in niman Jayniis ah caro doonayaa Gaalkacayo kasoo degayaan. Sidaas darteed ma rabno in naloo ka horayo. Waxanuna rabnaa inaan tusno in Gaalkacayo laga helo carada u fiican. Intaa ka dib Boosaaso waxay dheheen meel kasta anaga ayaa leh oo Cabdullahi 20x20 ninkasta oo Gaalkacayo ka yimi siiyey. Marka hadda dadkii reer Boosaaso way yaaban yihiin. Qaarkood waxay yiraahdeen dadkani xagge ku noolaan jireen. Waxa u jawaabey kuwo masaakiin ah, oo qaxootigii Xamar ah. Waxay yiraahdeen waa kuwii Xamar soo gubey, oo annagaba halkan na keeney....dadka Gaalkacayo ka yimi. |
    Garoowe | Wednesday, February 14, 2001 - 02:51 pm Cata catleeya, walee Puntland iyadaa u danbeen soomalia. Daba dhilifkiinana waydan arki wixii la idinka sameeyo. C/laahi waa aamin sanahay, waxuu qabtayna wali nin qabtay ma jiro. Puntland waligeed burburimeyso ilaahay idinkiis. Kii aan dooranana hadii uu Xamar iyo sheeko sheeko noola yimaado isga uun baa aadi, oo futadan ka haraatineynaa. Ma Ceyr iyo xamar ayaan wax u dhiibana, waa dhurwaa hilbo ku raro. |