Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government: ISAAQ HA LOO GARAABO
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DEEQ

Wednesday, January 24, 2001 - 11:40 am
Anigoo aan jeclayn marna inaan arrin qa\biil ka hadlo, haddana waxa ay tahay mid Soomaaali ayna xal kale hayn. Waxaana taas abuuray taliskii Siyaad oo Somali ka dhigay qabiil qabiil gumeysta. Haddaba haddaynu doonaynu inaynu dib u noolalynu Somaalinimo, waxa habboon in si gaar ah loo eego arrinta Isaaq. Waayo waa reerka keliya ee iyadoo dawladi jiro loo adeegsaday awoodii Xooga dalka oo loo wado dhan yahay. Iyadoo dalkooda loo gacan kaliyey gacan ku dhiiglayaal doonaayhkey inay qabiil ahaan ku addoonsadaan.

Waxa jirta in Majeerteen hore tan oo ka yar logu sameeyey. Mase aha wax qiyaas ahaan isu dhow. Waayo Isaaq sida uu u dhan yahy wuu ka baro kacay dalkiisii.

Haddaba, iyadoon la caytamin, taariikhdan aan laga been sheegin. Bal aynu furno dhacdada dhalisay Somaliland. Haddii taas ayn leyskala garaabin, ma dhacayso in la bogsiiyo dhawaca ay tirsanayaan. Waxaan eeg DMK iyo cidda kale ee danaynaysaa inay arrintan ka hadlaan, oo sida ay tahy ay u qalaan. Haddii kale waa inaan waqti leyskaga lumin, waxaan dariiq toosan loo mareen. Ee waain dalkooda iyo dadkooda loo daayaa.

Fadlan si hufan oo deuga soo qaybgal doodan. Hana u qaadan wax gaar loogu doonaayu Isaaq. Waa xal aan u arko inay dan u tahay inta Somaalinimadu ka dhab tahay.Ogow xadiiska rasuulkeena Maxaamed SCW" U gargaar walaalkaa kold uu dulman yahy iyo kolka uu dulmiga wado,ka qabo kolka uu dulmiga wado, oo ka badbaadi holac naareed.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

warfaa

Wednesday, January 24, 2001 - 12:57 pm
ma aneexo ayaa halkana furtay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, January 24, 2001 - 03:46 pm
Waa talo aad u fiican in la isu garaabo oo si gaar ah isaaqa loogu garaabo.Isla mar ahaantaa waa in la kala saaraa isaaq iyo somaliland, waayo somaliland sida ay ku samaysantaya waa insi daacad ah loo eegaa waayo isaaq oo keliya ma ahayn samaynta somaliland mise dad baa qaba inta kale xoog ayaa lagu muquuniyey,waxay ila tahay in ay qudhoodu garaabaan oo bal dhinacyo badan xi xaqiiqa ah eegaan.