Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Puntland Politics: Puntland Politics: KU DHAMAAN SHACABKA REER PUNTLAND EE KUNOOL WADANKA DIBADIISA IYO GUDIHIISA
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ANON

Wednesday, January 24, 2001 - 10:03 pm
Aniga oo ah Maxamed
Cabdirashiid Cali Sharmaarke,
waxaan wargelinayaa dhamaan
Dadweynaha , Isimada,
Culumada,Golaha Shacbiga,
Waxgaradka, Ganacsatada,
Shaqaalaha, iyo Haweenka
Puntland,inaan isu sharaxayo
kursiga Madaxweyninamda
Puntland.
Hadal uu uga jeediyey dadka reer Puntland
Somalia Inter 23-01-2001

Aniga oo aaminsan in aan ka soo bixi karo xilka
Madaxnimada Puntland. Waxaan u balan qaadayaa
shacabka reer Puntland in aan hirgeliyo:

Ilaalinta dastuurka Puntland.
Ilaalinta sharafka diinta Islaamka.
Xuriyada hadalka, qoraalka, warfaafinta
iyo socdaalka.
Sinaanta dadweynaha reer Puntland.
Dawladdu waa iney u hogaansanaantaa
rabitaanka shacbiga.
Horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga.
Dhiirigellin maalqabeenada adduun-
weynaha inay Puntland maalgeliyaan.
Dekadda Boosaaso oo laga dhigo mid
casri ah.
Baaritaanka batroolka oo laga wado.
Garowe,Laas-caanood, Eyl,Bayla iyo
Xaafuun.
Dib udhiska warshaddahi kalluunka ee
Puntland.
Horumarinta Gaalkacyo, siday u noqon
lahayd xaruntakeydka,isweeydaarsiga,
bedelaada badeecada iyoganacsiga
gudaha iyo Beriga Itoobiya.
Golaha Shacbiga waa inuu xor ka yahay
madaxtooyada iyo dawladda, oo
maamulkiisu gaar u yahay.
Dib udhisida Caafimaadka iyo
waxbarashada waa muhiim, oo waa in
aynu u helaa Mucaawino si aanu u dhisno
Isbitaalada iyo Dugsiyada la dayac tiray.
Nabadgelyada Puntland waa lama
hurraan.
Isukeenida Soomaaliya waxaan qabaa
sida ku dhigan dastuurka Puntland,
ineyan Puntland ka go’i karin Soomaaliya,
gaarna ka tahay Soomaaliya, qeyb weyn
aanu ka qaadaneynaa isu keenida iyo dib
u dhiska qaranimada Soomaaliya.

Haddii aan ku guuleysto doorashadaan waxaan
balan qaadayaa inaan gogol weyn ka fidin doono
Garoowe, si Soomaali isugu timaado oo danta dadka
iyo israaca Soomaaliyeed lagu gudoonsho.

Waxaan Ilaah ka rajeynayaa in aan ku guuleysano
hawshaan,noqonnaana kuwii Puntland u horseeda
horumar iyo Barwaaqo.

Puntland ha noolaato,
Soomaaliya noolato.

Maxamed Cabdirashid Cali Sharmarke

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

yuusuf

Wednesday, January 24, 2001 - 11:42 pm
Walaal maxamed Siyaasadaadu weli macada, qofka la dooranayo waa in siyaasadiisu cadahay.
1. arrintii lagaa weydiiyey groupka Carta ma taageersan tahay. si mugdi ku jiro ayaad uga jawaabtay. meel ma taageersani baad ku leedahay meelna dib baan wax uga habaynaynaa baa leedahay.
dhankee laguu raacaa.
1. Cigaal oo aad uga soo horjeeda wax wada qabsiga shacabka reer puntland iyo shacabka Soomaaliland. waa adigii Hargaysa ugu tagaye ilaa intee le!eg baad xiriir leedihiin.
please si tifatiran uga soo jawaab su!aalahaan.