Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Puntland Politics: Puntland Politics: DOORASHADA PUNTLAND IYO DIBINDAABYADA LAGU HAYO!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Keyse

Thursday, January 25, 2001 - 02:14 am
Salaan kadib.
Waxaa sadexsano u buuxsami rabtaa DGPL taas oo macneheedu yahay in dhawaan laqaban qaabinato doorshada madaxweynaha iyo baarlamaanka ama gudugaga sharci dejinta.

Hadaba Doorashada Puntland aad ayay xiiso u leedahay waxaan aad u danaynaaya dawlado badan maamul goboleedyo kuwaas oo dano faro badan kaga xiran tahay.

Hadaba maanta waxaan faaladayda ku eegaynaa waxa lala damacsanyahay inay ku danbayso Puntland.

Waxaa danaynaya
1-Djabuuti
2-itoobiya
2-Somaliland
4-Dawlada Carta
Intaas ayaa ugu muhumsan

hadaba danta ay ka leeyihiin ma mid wanaag u ah baa reer puntland mise waa mid lagu hoojinaayo

A-Jabuuti waxay ka leedahay dan weyn taas oo ay doonayso in ay rido maamulka hada ka jira uuna magucu ku soolaabto W/bari oo aan wax maamul ah ka jirin. taas oo ay ku xaqiijinayaan ahdaaf gaara oo ay leeyihiin.

Waxayna wataan musharax lacagtiisana labalan qaaday.

B-Somaliland waxaa ka soo gashay dan weyn dhisidii Puntland waxay cuntay in aduunku aqoonsdo
waxay wataan musharax iyaga u gaara laakiin qarsoon kaas oo huwan magaca dadka dega goboladaas,waxaan laga dhameeyay in uu saxiixi doono sool&sanaag maamulkuna uu gaar kunoqdo W/bari,iayaga ayaana ugu fir-fircoon siday arinkaas ku xaqiijin lahaayeen.

C-guruubka carta iyagana arintoodu mayara waxayana wataan musharax lacag badan loo balan qaaday kaas oo raba in arintu kudanbayso BARASAAB AYAA IDIINKA AHAY W/BARI!!.


D-Ethiopia iyada arinteeda iyo hadafkeedu waa uu ka baalaran ayahay intaas waana balaan dheer oo gaaraya ilaa 10 sano oo danbe qorshihii ay ugu talagaleen Soomaaliaya waxayan wataan musharaxoodi,kaas o dhawaan laga sugaayo inuu tago Adis-ababa.

Hadaba waxaad moodaa maanta in lasoowada dhar dhigat layskuna haysto hoygeeni maxay kula tahay inaan shirqooladaas kaga bad-baadi karno

1-Ma duqeeni ayaan sii caleemo saaranaa inagoo ku dhawaaqayna (cimrigi jiriyow jiriyow caynaanka hay haay weligaa haay)oo shansano oo kale oo bilaa horumara ayaan sugnaa

2-Arinta ma Isimadii ayaan u celinaa si ay talo inoo ku gorfeeyaan.
Waa inoo isniinta
Nabdeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mahad

Thursday, January 25, 2001 - 04:45 am
Dear Keyse;
Thanks for pointing out that the establishment of Puntland has done a significant set back to Somaliland independence.

But as the old somali saying goes "geel caruuri qaaday ma foga" so the real question is, will Puntland exist tomorrow?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Badhan

Thursday, January 25, 2001 - 05:59 am
Yes, it will exist tomorrow and the day after.

It had existed long before sakhraan land and it will exist long after the disapearance of Sakhraanland.

You don't like it? Too bad go and checke it out yourself.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil-Qardhood

Saturday, January 27, 2001 - 02:12 am
To: Keyse

Walaale Kayse waxaa Alle mahadii ah in aad tiri Kooxda Carta ee aadan oran "Dawladda Carta" taas oo aan u arko in ad ogaatay xaqiiqadeedii.

Walaale ma aaminsani in la doorto nin kooxda Carta wakiil uga noqda PL iyo nin Itobian danahooda u adeega , midda kale walaale Keyse goboladda sool iyoi sanaag cidna kuma darikarto meel aysan rabin.

Marka waxaa soo haray in odayaasha loo celiyo talada marlabaad iyo in aan Ina Yey doorano markale.
Walaale anigu ma qabo in marlabaad talada lagu celiyo odayaasha (waa aniga qof ahaan taan qabo)
waayo waxaa ay nagu noqonaysaa sharaf daro oo baarlamaanka ayay meel kadhac ku tahay mana arko baahi jirta oo keeni kartay in odayaasha Daarood marlbaad meel laysugu keeno. Waayo Parlaman baa jira isaga ayaana la rabaa in ay arintaas ookale xaliyaan ee maaha in kow laga soo bilaabo oo odayaal meesha soo galaan.

Walaale Keyse Aniga waxay ila tahay in dadka haatan maamulka haya ay hawl aad uwanaagsan qabteen marka laga eego siyaasda gudaha PL iyo midda soomaaliyeedba.

Walaale waxaan gallay Af bahal oo waxaan ku siganay in aan Hotel Ramadan gabrano sidii ari goosan ah. In aysan saas dhicina waxaa sabab u ahaa dadka maamulka haya,Waana ku mahadsanyihiin. Marka walaale waxay ahaan lahayd abaal daro in aan markay 3dii sano oo ugu dhibka badnay aan soo maray oo iyadoo waliba waxbadani qabyo kayihiin aan cidkale oo aan la aqoon waxa ay galaan iyo waxa ay gudaan talada gacanta u galino. Marka walaale Keyse wax ama sabab lagu badalo Ina Yey & saaxiibdiis ma arko laakiin ma qabo in loo heeso (sidaad adigu tiri) way fiicantahay in lahelo dad aad ula loolama si ay wax qabadkooda u siyaadiyaan.

Midda kale walaale dadka maamulka haya hawl wayn oo soomaalinimo ah bay wadaan oo ah in qoladii diyaar u ah in ay maamul goboleed dhisato ay caawiyaan sida Digil & Mirifta iyo meelo kale oo soomaaliya kamid ah. Marka haddii aan dadka maamulka PL haya baddalo sida ay wax noqon doonaan lama yaqaan.

Waxaa layiri "nin Xil qaaday eed qaad" marka walaale ogow in dadka maamulka haya ay markasta iska eedaysanyihiin waxkasta oo ay qabtaan.

Midda kale waad kumahadsanthay sida aad u sheegatay muhimadda siyaasadeed ee doorashada Puntland ay u leedahay soomaaliya oo dhan waayo waxaad sheegtay sida looga xiisaynaayo soomaaliyoo dhan.
S/C

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wadani

Sunday, January 28, 2001 - 12:48 am
to keyse,yes brother you raise very good topic, ihope we will elect again the old man or abdi abdille jinni boqorwho really can be very strong leader or mahamed hashi who iscurrently the vice presedent.......

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Keyse

Monday, January 29, 2001 - 08:05 am
Salaan kadib:
Waalalada mawduucaan ka qayqaatay waad mahadsantihiin marka laga reebo "Badhan".

Walaal wiil qardhood hadaan udego dulucda sheekada:
Marka kowaad shakhsiyan wax xamar iga yaala waqtigaan majiraan ninkii tiisa soo xaliya ayaa tu kale kudara,Reer xamar tooda hasoo xalisteen kadibna wax soomaali u cuntaba oo lagula heshiin karo ha ula yimaadeen,Anigoon waxba mucaarad ku ahayn Maamulkooda saa wax iiga gidhiisha ayaan jirin waqtigaan, Dantaydu waxay taala Puntland Soomaaliya oo dhana iyadaan ka jeclahay.

Wiil qardhoodoow dib u joogso waan kula dacwiyin doodna waan oran(bal kaftankeeni intaa iga qabo)

Walaal Maamulka Puntland wuxuu ahaa ku meelgaar mudo sadex sano ah sidaas ayaana ku qoran axdigooda sidaa darteed hadaan dastuurka lagarabmarin kolba intii badnaydba garab mara,e xaq uma laha inay iyagu sii dheeraystaan.

Walaal waxaan filayaa aqoonta dunida waxbaa kaaga bilaaban ,
Baarlamaanku shacabka ayaa soo doortay waqti ayuuna ku egyahay shaqdiisuna waa dejinta iyo ansixinta sharciga ee maaha inuu soo doorto madaxweyne walaa wasiiro sidaas ayaan ku naqaanaa baarlamaanka,wixii carta ka dhacay waa wax lal yaabo ee yaanay ku khaldin.


Dawlad sidee lagu doortaa
1-xisbiyo siyaasadeed inay jiraan oo shacabku ukala codeeyo, markaasna xisbigii guulaystaa uu la wareego hanaanka wadankaas.

Madaxweyne sidee lagu doortaa

2-Asxaabta wadankaas ka jirtaa in mid kasta uu samaysto musharax u loolama jagada madaxweynaha kadibna shacabku kala rajxaaan, qof aan xisbi ka socona waa isa sharixi karaa hadii uu shacab
haysto.
3-Inuu xoog kaga qalqaalsado.

Ok marka maxaa lagudboon DGPL
1-waqtigoodi waa dhamaaday
2-Kumeel gaar ayay ahaayeen
3-intii ay talada haayeen waxay iska indha saabeen inay wax ka qabtaan doorashada maanta imaanaysa iyaga oo aan wax ku talo gala ama horumar dimoqraadiyadeed samyn si loo helo asxaab kale oo kula loolanta jagada (Opistion)
Marka mawaxaa lagudboon inay yiraahdaan anaga ayaa dhexdeena iska dooranayna!!!

Waxaan arkaa arinkaasi inaanu caqli saliim ah ahayn,qof isgaba doorasho lagu geeyey isma dooran karo(habaka dawladu wax u wado hada waa in dhiinsiyada barasaabyada iyo baarlamaanku doorto madaxweynaha ka dibna shacaku soo doorto baarlamaanka!!)


Somaliland doorashadoodi labaad ee ka dhacday BOORAME waxaa lagu saleeyay habka guurtida maxaayeelay sida puntland ayay ahayd oo wax horumara dhinacaas kama samayn sidaas ayay dib ugu laabteen habkii hore(laakiin maanta waa ka gudbeen waxayna leeyihiin axsaab)

Marka waxaan arkaa inaan Dawlada jid u furnayn ilaa in arinka loo celiyo Isimada oo ay iyagu soo diyaariyaan hanaan doorasho oo cadaalad ku dhisan.

Nabadeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Badhan

Monday, January 29, 2001 - 09:31 am
Sakhraanland anaa ku dhashay aqoona u leh malaha adigu internetka baad ku aragtee waxa ay tahay iyo waxa ay salka ku hayso waanu ognahay. hadan xikmad ku ogahayna kama soo hijroodeen kolka sxb hadii sida Iidoor wax u wado ay kula wacantahay kac oo qabo iminkaba anagu kaama horjoogno.

Hadii kale sheekada jilicsan meesha kala tag. Erayga ugu horeeya ood qorto ba noo sheegaya danta qadhsoon eed leedahay iyo in aad tahay basaas xun ee uraya oo doonaya in uu shicibka reer Puntiland oo iminka cadawgiisii batay isku dira.
Guul Puntiland. Mooryaan Faqshtii, Siyaad iyo gabi ahaan cadawga reer Puntiland ha dhacdo.