    Anonymous | Sunday, January 28, 2001 - 06:27 am MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO U DUCO DOONTAY SHEEKH ABBA 28 Jan 2001 at 09:23 (SomaliNet) Madaxweynaha Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan ayaa 25-kii bishan u duco doontay sheekha weyn ee aadka looga yaqaan koonfurta Soomaaliya, Sheekh Maxamed Sheekh Axmed (Sheekh Abba ) oo deggan degmada Xamar Weyne ee gobolka Benaadir. Madaxweynaha iyo Sheekh Abba waxaa la sheegay inay ka wada hadleen arrimo badan oo ku saabsan doorka culimada ee dhismaha dowladda KMG ah,waxay kaloo isla soo qaadeen wax ka qabashada muran sii xoogeysanaya oo ku saabsan shaqsiga loo magacaabay guddoomiyanimada degmada Xamar Weyne ee gobolka Benaadir,iyadoo degmada Xamar Weyne dadka deggan ee asal ahaan loo yiqiin aan loo magacaabin jagadaas,taasoo keentay in dadka deegaankaas ay ka fiirsadaan kalsoonida ay u hayaan dowladda ku meel gaarka ah. Maxamed Muxiyaddiin Cali - Muqdisho |
    wadani | Sunday, January 28, 2001 - 07:38 am waxaan xasuustaa maalin magaalada xamar lagu sameenayay waxa ay dawladii la riday ugu yeedhay maalinta ay shacabku ayideen dawladooda, waxaa lagu qabtay daljirka dahsoon waxay ahayd dhamaadkii sanadkii 1989, waxaa ka soo qeyb galay shacab si qasab ah banaanka loogu soo bixiyay, culumaa'udiinka taageerta dawlada, aqoonyahano taageerta dawlada iyo dad badan oo ka socda diferent walks of life, waxaa goob joog ahaa sida lagu bartay wasiiradii dawlada, iyo mas'uuliyiin kale oo sar sare iyadoo laga soo baahiyay televisionka habeenkii iyo si live ah raadiyaha,waxay qudbadii noqotay wareegto iyadoo laga soo xulay xubno in ay ku hadlaan magaca, culumaa'udiinka, haweenka, aqoonyahanada,odoyaal dhaqameedyada. sheikh abba wuxuu ku hadlaayay magaca culimada hadaladiisa waxaa ka mid ahaa isagoo garabkiisa uu taagan yahay mohamed siyaad barre. anii meeqa mar aa iin sheegay kuwaan laqdabayaal waaye dawladiina ayida madexweynihiina ayida, burcadaaneeto iska jira, asagoo mar walba uu hadal sheegaba uu fiirinaayo maxamed siyaad barre si uu arko in madexweynaha uu raali ka noqonaayo hadalkiisa. taas ka dib markii dawlada dhacday, sanadihii 1993 waxaa tiribuunka isugu yimid taageerayaashii ceydiid isagoo uu halkaas qudbad uga jeedinayay general ceydiid, waxaa garabkiisa taagnaa sheikh abba oo hadda ah taageere ceydiid. maanta inaan maqlo sheikh abba ayaa ah taageere cabdiqaasim wax aan la yaabo ma ahan. berina qabqable kale ama tuug kale ayaad arkaysaan isagoo daba socda. sheikh abba waxaan ogaa asagoo tahliil guduud ah dadka ka gado oo gurigiisa loogu tagi jiray, waxaan u maleenayaa in cabdiqaasim quraafaadkii sheikh abba uu doontay. |