Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Puntland Politics: Puntland Politics: Dhoohanaanta Reer Puntland iyo Dibindaabyada BBCda--Sahanpress
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jplander

Monday, January 29, 2001 - 03:13 am
BBC-da laanteeda afka Soomaaligu waxa ay waayadan danbe kaalinta ugu weyn kaga jirtaa marin habaabinta xaqiiqda dhabta ah ee Soomaaliya, waxayna u muuqataa koox ka mid ah kooxaha ku loolamaya siyaasadda Soomaaliya, dano siyaasadeed oo qabiil salka ku haya ayayna u adeegsatay hanti door ah oo ay midowga Yurub ugu talo gashay in lagu horumariyo saxaafadda Soomaaliya, waxa ay ku sifowday afhayeenka kooxda sababta u ah burburka iyo dhibaatada Soomaaliya.
Buntilaan waxaa ka furan Jaamacad weyn oo haatan maraysa sanadkii labaad waxaana socda dhismaha laba Jaamacadood oo kale, dugsiyada sare, kuwa hoose iyo kuwa dhexe ayaa hawshoodu waxa ay u socotaa si wanaagsan, waxaana heerka waxbarasho ee dugsiyadan iyo shahaadooyinkoodaba laga aqoonsaday dalal dhawr ah; sida Masar iyo Suudaan. BBC-duna maalin qura sooma hadal qaadin halka ay Jaamacadaha iyo dugsiyada kale ee dalka ka faalooto dhagaxdhigga, dhismaha illaa iyo…
Waxa ay idaacadani dagaal cad ku qaadaa cid kasta oo ka hadasha in Soomaaliya cid waliba degaankeeda ku ekaato inta nabad buuxda laga helayo iyo in dadka degaamada aysan lahayn xooga ku qabsaday ay ka baxaan inta aan dawlad loo dhan yahay la dhisin haddii nabad daacad ah la doonayo. BBC-da laanteeda af Soomaaligu waxa ay Dadka iyo maamulka Buntilaan marar badan ku eedaysaa in ay waxba ka qaban waayeen dadka sida sharci darada ah uga dhoofaya ee badda ku dhibaatooba, iyagoo og in dawladda in giriiska oo dal ahaan Buntilaan le’eg ay u maara la’dahay in ay iska celiso dadka sida sharcidarada ah ku soo galaya, iayadoo aan waligeed Caydiid iyo taageerayaashiisa ku eedayn in dadka barakacaya ay iyagu sabab u yihiin beerihii iyo degaankoodiina xoog ku haystaan.
Laanatan ayaa aad u buun buunisay markii Cumar Xaaji Kismaayo ku laabtay isagoo Muqdisho bil iyo bar ka sii maqnaa oo Nairobi joogay Cartana ka huleelay iyadoo muujinaysa in uu yahay xubin weyn, taas badalkeedana waxa ay Cumar waraysi ah ku qaaday markii uu ka qayb galay shirkii Ceel barde, oo waliba kama aysan harine waxa ay waraysatay nin Hogaamiye dhaqameed ah oo Cumar ka soo hor jeeda waan hubaa in haddii ninkaasi canbaarayn lahaa wasiirka degaamada SNF dawladda ku meelgaarka ahi u dirtay in BBC-du ugaaska waydiin lahayd oo adigu hogaamiye dhaqameed baad tahaye maxaa kaa galay arimaha siyaasadda.
Dhanka kale adeegga Internetka Bosaaso waxa ay kaga horaysay dhamaan qaybaha kale ee dalka ugu yaraan 6 bilood, mar kaliyana ma baahin idaacadda BBC-du, halka Muqdisho oo dhawr bilood ka hor laga furay ay siyaabo kala duwan u baahisay ugu yaraan shan jeer bil gudaheed.
Idaacaddani waxa ay Deagaanka Buntilaan bixisaa sawir aad u fool xun oo hal dhinac ah 98% been ah iyadoo ku gabanaysa dhaliilaha maamulka BL si ay isku muuqaal uga dhigto degaan dab ka holcayo iyo degaan nabad ah, oo u baahan in la saxo.
Si kastaba ha ahaatee waxa is weydiintu tahay cadaawadani ma mid dawladda Ingiriisku u qabo qayb Soomaalida ka mid ah baa mise waa mid ka imaanaysa cuqdado qabiil oo ay qabaan xubno awood ku leh waxa ka baxaya idaacadda, kuwa maanta soo dhaweynaya shaqsiyaadka baadi goobaya dad ay u adeegsadaan cadaawaddaas iyo barabagaandadda ay London ka soo dawinayaan iyagoo adeegsanaya dhaqaalle lagu tilmaamayo in Soomaalida Buntilaan wax loogu qabanayo oo ay leeyihiin Gumaystayaashii sababay dhibaatada hari la’a ee ay Soomaalidu wali la luufluufayso, miyaanay tani u ekayn Juxaagii geedka uu fuushan yahay salka ka gooyay.!!! Maxayse tani kaga duwan tahay ninka Carte diidan ee dadkiisii u aryaya Carte ama kuwa ka imaan lahaa u diidaya in ay yimaadaan,
Miyaanay sheekadii Juxaa u ekayn in mashaariic Boqolaal qof ka shaqo ka heli lahayd oo aan midna ka shaqo galin. Madaxda Buntilaan waa Juxaa Juxaana malaha

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Warsame

Monday, January 29, 2001 - 03:33 am
AAd baan ula dhacay Sida uu wargeyskan ugu sheegayo dadka reer Puntland, Propogandada iyo weerarka bahalnimada ah ee ay idaacada BBC da laanteeda af somaligu ku heyso dadka iyo reer Puntland iyo Somalida nabada jecelba. Waxaa cad in Laanta af somaliga BBCdu ay noqotay meel waayadan dambe loo isticmaalo arimo qabiil salka ku haya oo qatar galin kara jiritaanka Putland iyo dadkeedaba hadii aan laga hortagin oo aan daka Puntland loo sheegin inay BBCdu tahay Cadowgooda Koowaad. Waxaan soo jeedin lahaa in dhamaan Dhalinyarada iyo Waxgaradka Putland iyo Jubada Hoose ay u howlgalaan sidii looga hortagi lahaa probogandada Cadowga cusub.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

warfaa

Monday, January 29, 2001 - 05:29 am
Berigii hore waxaa ubadnaa dadka kahadla harti iyo isaaq. waxaase yimi wiil yar oo habargidira oo , dabadeedna odayaashii oo aan waxshahaado haysan waalaga eryey, ama waycadhoodeen. By the way c/laahi yusuf and cumar xaaji are losers. daarood do not need them and puntland do not need them. where have they been when Aydiid was chasing us? we need new generation leaders.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

warfaa

Monday, January 29, 2001 - 05:31 am
intey dowlada 6 gobol dhisayaan. maxay nabad ugadhalinwaayeen kismaanyo? danahoodey wataan, iyagoo kaladana

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Badhan

Monday, January 29, 2001 - 07:41 am
Puntiland Hanoolaaaato......Moooryaan ha dhacdo iyo faqashba...........

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Booteeye

Tuesday, January 30, 2001 - 01:08 am
Puntland ninkii uga soo hadli jiray bbc-da , sow tii laga soo cayriyay, xamar ayuu shaqo la,aan ku yahay, waa NUUR SHIRE CISMAANE, waxaa ka soo cayriyay cabdulaahi yuusuf, , maxaad uga hadli wayseen taas, sababaha looga cayriyay ayaa la ii sheegay inuu ka dhashay laf yar oo laga tiro badan yahay, waxaa lagu badalay nin u dhashay MAXAMUD SALEEBAAN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BARJA KUDILIWAA

Thursday, February 01, 2001 - 07:26 am
Booteeye

ileen beenta sida biyaha baad u cabtaa!!! ileen magaacaadaba BOOTEEYE buu ahaa ma anaanan garan war heedhe yaa kugu yiri NUUR SHIRE CISMAAN baa laf yar kadhashay ma ogtahay NUUR SHIRE inuu yahay nin MAXAMUUD SALEEBAAN ah, mise waxaa isleedahay dadka madax isku gali walee jar baad kadhicin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HHHHH

Thursday, February 01, 2001 - 08:27 am
HHHHHHHH

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BOOTEEYE

Thursday, February 01, 2001 - 11:49 pm
BARJE KUDILIWAA
Hade nin yahow been ayay ii sheegeen, ninka maxaa boosaaso loogaga cayriyay.
Saxiib waxaan kaloo ku waydiiyay, anigu waxaan aamin sanahay in PUNTILAND dhismaheeda u nuur shire cusmaan qayb wayn ka qaatay,
BBC-da maalinta uu ka hadlo, waxa uu u faanin jiray si EXTRA-ORDINARY ah.
Waxaan xasuustaa maalin uu yiri geedaha boosaaso hoostooda ayaaa barafka dadku ku cabayaan,
waan qoslay, boosaaso miyaa geedba ku yaalaaa, anigu mar aan tegay, boosaaso meel lagu nasto waxaa ugu roonaa hotel daarasalam, iyo geedaha dekeda agtooda ku yaal,
Maalinbaan damcay inaan fariisto, markaas ayaa la igu yiri BOOWE ma reer baribaa tahay?, waxan iri maya reer muqdisho!, inta la qoslay ayaa la iyiri "Hada harka geedka isaga bax",
Waxaan soo xasuustay murtidii ahayd, "NIN QARIIBA OO QARDHO JOOGA OO QOSLAYA , QALBI JILICSANAA"
geedkii ayaan isaga tegay, markaasaan hoos ka iri" BARIYOOW BELO KU DEGTAY ILEYN WAA DHUL SHISHEEYE".

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ma koobayn

Friday, February 02, 2001 - 04:00 am
qaskii hooyadaa booteeye iyo dhiladii ku dhashay was viva reer bari iyo punt laand

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Badhan

Friday, February 02, 2001 - 05:32 am
Booteeye
Malaha waxay ka baqeen in aad geedka ku xaarto.
Boosaaso anaa kol dhaw ka imi waxaana daganaa Hudhel Hurese oo five star ah. Dhirtiina iminka way baxday oo meesha adiaga caqligaagu ku siiyey in aad dhirtaadii oo dhan gubto baa reer boosaaso siiyey in ay kuwa cusub beeraan yaa ibnu sinaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BOOTEEYE

Monday, February 05, 2001 - 01:20 am
Badhan. ma nin aan xaarinbaa jira?
Adiga baribaan wax ka sheegaya, ma aniga ayaa somaliland wax ka sheegay?.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BARJA KUDILIWAA

Monday, February 05, 2001 - 02:19 am
Booteeye

waa bootay say Boosaaso cidna kaama sheekeynaysa hadaa rabtid orodoo soo arag hadii kale jaqjaqda iskadaa, beenta aad quraaftayna waan arkay, reer bari waax kusheegatay maba kasuurtoobaan oo ha umalayn inay kala jecleyihiin ninka Xamarkayimaada, Waxaa tiri Bosaaso Geed kumayaal hade hadii aad adiga taa iska dhaadhicisay aday kujirtaa adigoo kalena muran ma mudna.

waxaa Badhan ku tiri Puntland baa caayay laakiin somaliland macay oo BADHAN intay bay katirsantahay ?????? taas baa ku tu saysa inaad dhulkaas waxna aadan ka aqoon oo ciil uun aad udhimatay kana xuntahay horumarka ay gaareen umada soomaaliyeed oo shaqaysatay, ogowna reer Puntland weligood bay yiqiineen sida wax loo dhison ee ha umalay ragiin kuxeeldheereeya JAJABINTA iyo BILILIQADA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Booteeye

Monday, February 05, 2001 - 03:07 am
BARJEKUDILIWAA

Bililiqo iyo isbaaro, yaa idinkaga horeeyay, ma taqaanaa HABAR SEDEXAN,
Waa islaantii ugu horeeysay ee isbaaro dhigata.
waxayna ahayd reer bari

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

´´Wixii Caydiid Xabad ku Waayay Af laguma helayo

Monday, February 05, 2001 - 06:29 am
Shir muhiim ah oo shalay barqanimadii lagaga wada hadlayay xarunta maamulka gobolka bari siminaar gaaban oo ay xubin ka socoday BBC-da laanteeda tababaradda iyo nin tababare ah oo Soomaali ah oo wehliyay ayaa gudoomiyaha iyo ku xigeenka Gobolka Bari Cali Ciise iyo Ibraahin Carte oo Xaaji Bakiin loo yaqaanaa ku eedeeyeen in BBC-du noqotay afhayeenka Beel ka Mid ah beelaha ku loolamaya siyaasadda Soomaaliya ayna lumisay kaalintii dhexdhexaadnimo ee laga filayay.
Gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa oo arintan uga waramay wargeyska sahan ayaa sheegay in aan tababarka BBC-du u muuqdo mid ay doonayaan in ay ku wacyigashadaan dad u adeega danahooda, wuxuuna gudoomiyuhu intaas ku daray in ay ururka midowga yurub aydiisan doonaan in la siiyo qaybtii ay ku lahaayeen lacagta nidawga Yurub ugu talo galay in lagu horumariyo saxaafadda soomaaliya oo ah lacag ka badan hal milyan oo doolar.
Halka dhanka kalana kulankii Axadda ay Haweenayda BBC-du soo dirsatay ka sheegtay in aysan iyadu wax awood ah ku lahayn waxka badalka mashruucan oo sida muuqata maalgalintiisu 90% ay ku baxayso Muqdisho iyo safaradeeda.
Masuuliyiinta Gobolka Bari ayaa waxa ay ku adkaysteen in aysan aqbali doonin haddii aan mashruucan looga qorshayn qayb u dhiganta inta ay ka heleen qaybaha kale ee Soomaaliya, iyadoo arinta ugu muhiimsan ee ahmiyadda mashruucan looga gol lahaa dhanka siyaasadda EU-du ahaa in kor loo qaado tayada saxaafadda Soomaaliya lana abuuro urur ka dhexeeya saxaafadda Soomaaliya oo leh qalab iyo xarun ku xiriirisa caalamka saxaafadda ee kale ayaa waxa haatan qorshaha BBC-ku ku soo ururay in la alabeeyo laba xarumood oo ku kala yaal Muqdisho iyo hargeysa, kuwaasoo la geyn doono laba madbacadood ee casri ah iyo ugu yaraan middiiba 6 kumbiyuutar sida ay xaqiijinayaan warar xog ogaal ah.
Mushruucan oo BBC-du qandaraas ku qaadatay in ay ku soo gabagabayn doonto muddo sideed bilood ah ayaa waxa haatan ka haray muddo ka yar sideed bilood oo qura iyadoo ay Muqdisho ka hirgaliyeen ugu yaraan afar tababar oo qaarkood yihiin in ka badan saddex todobaad halka Buntilaan illaa iyo hadda lagu qabtay oo kaliya tababar dufantiryo ah oo lix casho ah.
Dooda la xiriirta tababarkan ayaa ah mid masuuliyadeedu isku tuurtuur ku jirto, haweenay u qaabilsanayd dhanka midawga Yurub arimaha saxaafadda ayaa u sheegtay sahan bartamihii sanadkii hore in aysan midawga Yurub wax masuuliyad ah ku lahayn sida Mashruucan loo maamulayo waxayna qeexday in EU xilka mashruucan ku wareejisay BBC-da sida ay u maamushana dib laga eegi doono, sidoo kale wakiilka midawga yurub ee Buntilaan ayaa ku celceliya in amar lagu soo siiyo in uusan fara gashan hawlaha mashruuca ee BBC-du wado, halka dhanka kalana waaxda tababarka ee BBC-du ay masuuliyadda ku riixdo laanta afka Soomaaliga, oo laga qaato talada ugu danbaysa ee arimaha midawga yurub ee la xiriira Soomaaliya, gaar ahaan dhanka wararka iyo wareer galinta.
Haweenayda Jarmalka ah ee laanta Tababarada BBC-da ee qaybta Soomaaligu usoo xilsaaratay Arimaha Soomaaliya ayaa waxa ay Sabtidii u timid magaalada Bosaaso in ay Buntilaan ka fuliso laba qorshe oo midka muhiimka ahi qarsoodi yahay, kan kalana yahay tababar nuxurkiisu yahay waxa ay Soomaalidu u taqaan “Dawacoy af ku dufanleey”
Danta kale ee dahsoon ee muhiimka ah ee la tuhunsan yahay in ay qorshahan ku qarsoon tahay ayaa ah in la helo, shaqsiyaad si gaar ah loogu adeegto oo u hiiliya qadiyadda caydiid ka dhintay, isagana biilkiisa loo qoro., warar kale oo runta u dhawna waxa ay sheegayaan in qaar ka mid ah masuuliyiinta Buntlaan loo soo dhiibay xoogaa sooryo ah si ay u meel mariyaan mashruucan oo haddii uu Buntilaan ka fashilo BBC-du ku waayayso kalsooni fara badan oo ay wadamada deeqda bixiya kaga heli lahayd mashaariic kale oo kuwan oo kale ah oo la ay ka faa’iidayso Boqolaal kun oo Doolar.
Waayadan danbe inta badan ee dalka aad ayaa loo dhaliilsan yahay habka caadifadda qabiil ka dhex muuqato ee ay BBC-du uga faalooto ama uga waranto arrimaha Soomaaliya. mid ka mid ah dhageystayaasha BBC-da oo galab galbaha ka mid ah ka carooday laba war oo ku saabsanaa Buntilaan iyo Kismaayo ayaa yiri “Wixii janaraal caydiid xabad ku waayay Nina af kuma heli doono””
kulankii Goobolka Bari ee Axadda 4tii bishan ayaa haweenaydu kaga dooday in la kala qaado war baahinta BBC-da iyo tababarkan ay wado waxayna intaas raacisay in aan tababarkani wax lug ah ku lahayn hawlaha laanta af Soomaaligu baahiso. Hase ahaatee sida ku cad waraysi ay haweenaydani siisay wargeys ka soo baxa muqdisho oo ka faalooda arimaha qoyska oo waraysi lala yeeshay waxa ay u sheegtay in shaqada hadda ay hayso uu Yuusuf garaad ugu yeeray iyada oo UNDP u shaqaysa, waxa kale oo ay isla waraysigaas oo uu la yeeshay nin dhalinyaro ah oo aad u firfircoon oo la yiraahdo Ingiriis haatana u warama shabakadda internetka ee Hiiraan ay aad ugu amaantay Yuusuf Garaad in uu yahay nin suxufiyiinta kale baro dheer. Waxa kale oo intaas dheer in idaacaddu noqotay meel lagu colaadiyo ciddii runta sheegta ama tiraahda cadaalad ayaa loo baahan yahay.
Qormooyin danbe ayaa kaga hadli doonaa xogga badan oo la xiriira hannaanka shaqo ee BB-da haddii aan wa iska badalin, waxayse tahay mida ugu danbeysa ee aan jeclahay in aan iraahdo sadexda dhinac ee ay arintani khusayso ayaa ah; ugu horayn Ummadda Soomaaliyeed ayaan oranayaa Idaacadda BBC-da ma laha Soomaalidu, mana laha cid Soomaalida jecel, ee waxaa leh dalka Ingiriiska oo ugu talo galay in uu ku ilaashado danihiisa waxtarka u leh dadkiisa, in dano qabiil oo heerar hoose ah ay inta markaas ka shaqaysaa ku kala fushadaana waxa ay keenaysaa in ay kala fogeyso dhinacyada Soomaalidu cuqdadaha u kala qabto, iyadoo dhinac farxad ka helayo war eex loogu sameeyay oo dhinac kalana ka gubanayo, taasoo laga yaabo in ay tahay danta hab gumaysiga cusub.
Midawga Yurub waxa la gudboon in aysan lacagtooda ku bixinin wax cadaawad aan dhamaan mustaqbalka dhex dhiga Soomaalida iyo dadka cadcad oo reer Yurubku ugu horeeyaan.
Ugu danbayntiina waxa aan reer Buntilaan leeyahay waxaa idinla gudboon in aad qaadataan xigmadda ah “xaabo aan ninka soo guray aqaan ninka sida waxba igama galin si aan cudur iyo nacayb fog na idiin kala dhex dhigin idinka iyo walaalihiina kale ee Soomaaliyeed.