Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Soomaalinimo - Nationalism : CODSI IYO WARSASHO SOMALIDA USA.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ali

Tuesday, January 30, 2001 - 10:24 am
Walaal, madaggantahay gabolada USA ama tuulooyinka gabolada hoos yimaada? Hadday jawaabtu haah,igasii talo iyo aqoon magaalada ama State-ka aad ku nooshahay ama aad taqaanid.

Waxaan saas u leeyahay, aniga naftaydu waxaan ku noolahay (Minneapolis Mn) waxaana kanoolahay dhawr bilood,hayeeshee way ii noqon wayday, in kastoo la ii shiigay inay shaqada uga fiicantahay meelo badan hadana waxaa i gashay inaan isaga tago oo meelaha kale ee State yada USA bal meel ii dhaanta ka daydaydo.

Walaalayaal,waxaa yaalaha aan uga socdo waxaa ka mid ah, 1-qabow badan. 2-dadka Soomaaliyeed ee jooga oo u badan dad dhaqankii ka tagay 3-muuqaal la'aan diineed.

Marka walaal, waxaan kaa cod sanayaa inaad iiga warrantid magaalada aad daggan tahay ama aad taqaanid waxa ay ku fiican tahay iyo waxa ay ku xuntahay,gaar ahaan iiga warran xagga shaqada iyo cimilada, maadaama aan ahay nin waddanka ku cusub waxaan kaa sugaaba waa war bixintaada.

Waxaan rajaynayaa inaad si fiican iiga soo jawaabtaan.
Wa bilaahi towfiiq.