Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government: Xaggee ayey ku dambaysay warshaddii sifaynta Petrol-ka
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dulmi-diid

Thursday, February 01, 2001 - 01:47 am
Saw wax lala yaabo maaha in nin intuu qaato xoolihii dawladda ama shacabkiiba laayo inuu haddana ka hadlo soomaalinnimo. Waxaan uga jeedaa warshaddii sifaynta betroolka waxaa qaatey oo ka iibsadet Eriteria Cusman Caato markaasuu intuu BBC-da ka hadlo ayuu yidhaahdaa ma yelaynayno wax uusan shacabku rabin, tuug no: 1.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ANON

Thursday, February 01, 2001 - 03:41 am
Dulmi diid

SXB ARINTAAS WAA WAX JIRA INUU NINKAASI WARSHADII
PETROLKA IIBSADAY, LAAKIN KLIGII LAMA EEDAN KARO
WAAYO MADAXWENAHABA WUXUU DAGAN YAHAY GURI BILIQA
AH EE UU LAHAAN JIRAY NIN WASIIR REER XAMAR AHAA
OO HABARGIDIR DISHAY.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qaran-doon

Thursday, February 01, 2001 - 05:05 am
Inaad Soomaalida dishid, haddana aad magaceeda ku ugaarsatid meesha kuma jirto aniga siday ila tahay taa waxaa la mid ah ninka MUUNYE la yiraahdo ee maraakiibtii waddanka gacanta ku haya oo siduu doono ugu tagri falaya oo haddan odhanaya marka dawladi timaaddo ayaan u celinayaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BOOTEEYE

Thursday, February 01, 2001 - 11:58 pm
ANON
Cabdiqaasim, waa la mucaaradi karaa, laakiin beentu ma fiicna, guri biliqo ah ayuu cabdiqaasim ku jiraa, caruurta 6 jirka ah kaa aqrisan mayso.
ninkaasu waxa uu dagan yahay gurigiisii ku yaalay no:4 ama km 4, hadii aad xamar kala taqaano hadii aad reer koraad reer gobol tahay oo aadan kala aqoon xamarna dadka kale waydii.