Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government: SHAQAALAHA BBC OO DACAW KU OOGAY YUFUG GARAAD
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DHARAAR

Thursday, February 01, 2001 - 02:03 am
WARGEYSAKA MIDNIMO.
WWW.MIDNIMO.COM, OR WWW.HIIRAAN.COM


Dacwad Loo Heysto Madaxa Barnaamijyada Laanta Af-Soomaliga ee BBCda
Yusuf Garaad Cumar

-MID- 29-01-2001 London,sida wararka ay ku soo garayaan midnimo waxaa soo shaac baxday dacwad loo heystay Yusuf Garaad Cumar oo ah madaxa barnaamijyada laanta Af-Soomaliga ee BBCda,waxaana dacwadaas ku soo oogay qaar ka mid ah shaqaalaha uu madaxda u yahay ee BBCda, waxeyna ku dacweeyeen Wilson Company oo ah Qareeno shisheeye, isla markaasna ah hey'ad u dooda xuquuqda Soomalida oo fadhigeedu yahay London, qaar ka mid ah qareenadaas Wilson Company waxey ka qeeb galeen Shirkii Jabuuti.

Yusuf Garaad waxaa lagu heystaa inuu awooda uu leeyay si qaldan u isticmaalay, waxyabaha uu sameeyay waxaa ka mid ah inuu qaarkamid ah shaqaalaha uu shaqada ka fadhiisiyay,qaarkale ka wareejiyay barnaamijyadii ay wadeen, qaarkale ka dhigay shaqadood mid aan joogto aheyn.

Warar lagu kalsoon yahay waxey sheegayaa in Yusuf Garaad uu caburiyo dadka la shaqeeyo qaarkood ee uu u arko ineysan isku aragti aheyn, qaarkalena wuxuu siiyay fursado si ay horay ugu socdaan, dacwadahaas iyo qaar kale ayey hordhigeen Wilson Company.

Markii loo gudbiyay eedeyntaas ayuu wuxuu yiri waxba ka ma jiraan, markuu arkay in arinta ay gaarta xag sharci iyo waxyaabihii lagu heystay oo cad iyuu isagana qabsaday qareen difaaco.

Run ahaantii arintaas ma aha tii ugu horeysay ee uu sameeyo, dad ay isugu jiraan aqoonyahano iyo indheergarad ayaa horey ugu digay sida xun ee uu u isticmaalo idaacada BBCda, aqoonyahanada iyo indheergaradyada waxey horey u arkeen inuu u xagliyo dhinaca Dowlada KMG, waxeyna ka codsadeen inuu dhexdhexaad ahaado, isla markaasna fursad siiyo mucaaradka, isagoo isku kalsoon ayuu afbuuxa ku yiri mucaaradka boos ugama banaano BBCda, taas oo ay u arkeen inuu BBCda u isticmaalay warbaahin u shaqeyso isaga siduu raba ka yeeli karo.

Waxaan ku dadaaleynaa inaan idin soo gudbino xaqiiqda iyo sida ay ku dhamaato arintaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

H/gidir

Friday, February 02, 2001 - 06:08 pm
TO DHAARAAR

Walaal waad ku mahadsan tahay sida sharafta leh ee aad warbixintan inoogu soo gudbisey. Wargeyskaaga waa mid cusub baan filayaa balse waa very informative. Well done.Keep up the good work and thanks again.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

adiib

Saturday, February 03, 2001 - 12:09 am
waxaan weydiin lahaa qoraaga maskaxda iyo qalbigaba kaqufulan waa ninka waraaqaha boosaaso kasooqoray, BBC ma somalibaa iska leh mise ingiriis? mafigrad somaliyeed bey tebisaa mise gigrad ingiriis? ma meel weriyayaashu figradohooda kadhiibtaanbaa? sow maogid iney tahay idaacad kushaqeysa siyasadda amuuraha dibadda ee ingiriiska laguna bixiyo malaayiin pound sanad walba siay danaha ingiriiska ufulisso, sow maogid in yussuf-garaad iyo hebelladaan aad sheegeysid midna aanuu waxba kabedeli karin BBC,sowse maogid in yusuf-garaad waxaan BBc madaxdeedu karaali aheyn sameyn karin,maxeyse BBC utartaa dowladdan aad sheegeyso iney uxaglisso, adaa xanuunsane BBc xamar iyo boosaaso iyo dadka deggan kalama jecla kuwa sidaas uheystana xanuun aan dawo laheynbaa haya, markaadse ugu careysantahay BBC oo gaala ingiriisihi leedahay ineyey dhexdhexaad noqoto maad waraaqaha aad soo dublicate gareyso dhexdhexaad kadhigtid,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shamso by book

Sunday, February 04, 2001 - 01:24 am
waan arkey mana layaabayo oo waanin idaacadi qabiil kadhigey balse waxaa ku faraaxsanahey in maanta habargidir ey bbcda xitaa qabsatey dhulka soomaliyeed iska daaye hadase waa lawada arkaa waxey sameyneyaan waa loo jeedaa sidaas darteed wey soo dhawdahey in la dhameeyo waxaana nasiib daro ah dadka qaar iney waxba faaidi doonin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sugulle

Monday, February 05, 2001 - 12:12 am
To: Shamso By book, ma filayo inaad Shamsadii aan aqaanay aad tahay ee caanka ahayd ee BBC-da u shaqayn jirtey, haddaad tahay laakiin hadalladaasi kuuma ekayn waayo waxaa jira waxyaabo laga dhowrsado, irsaaqaddana ilaahbaa qorey oo waxba waayi maysid haddaad ilaahay isku xidho. Habar-gidir walaal waa qabiil wayn oo wax walba leh, haddii shakhsi ka mid ahi ku xumeeyey maahayn inaad kulligood wada cambaarayso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ali

Monday, February 05, 2001 - 04:12 am
to shamso,dharaar,iyo midnimo.
horta anigu yuusuf garaad isku qabiil ma nihin oo ilaah ayaa iiga sareeya inaan been ku sheegeyn, mana difaacayo laakiin waxaa sheegayaa inta aan ka xasuusto oo aan aqoon u leeyahay. wuxuu ka baxay dugsiga hoose shexe ee maxamuud xarbi iyo dugsiga sare ee janan daauud guud ahaan labadaas dugsi xiligii uu dhigaanaayey waxaan dhihi karaa no.1 ayuu ahaa xaga wax barashada cid kasta oo eeriyadaas degana wey taqiin asalkiisiina maba ahayn nin qahiil u xagliya. marka eedeymahaan aad sheegeysaan waxaan u maleynayaa ninkaan si kale ayaad ku haysataan oo intreskiinii ayuu ka horyimid.marka kala saara arimaha idiin gaarka ah howsha loo baahan yahay in si sax ah loo qabto

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

geele

Monday, February 05, 2001 - 04:24 am
to mucaaradka. waxaan idin leeyahay ma dhegeysataan idaacadaha mase fiirsataan telefishanada caalamiga ah ee aduunka, marka ay weriyayaashu hadlayaa waxay dhahaan wadankeena taasi ma waxaa lagu macneynayaa in ay kuwa aan dowlada ka tirsaneyn ay lidi ku yihiin,? taasi waa maya. mucaaradka aad sheegeysaanse ma waxaa waaye in wadanku uu weligii dowlad la'aado? mucaaradku ma haayaan wax ka weyn waxa ay hayaan DMG?. waxaa idin dhihi lahaa waxaaa jira buug laga barto mucaaradnimada, iyo shuruudeheeda gata oo aqrista kadib noqda mucaarad.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

guulle

Monday, February 12, 2001 - 03:52 pm
war soomaaliyey wax maqla anigu ma ahi nin wax isku galayn yusuf garaad aqoonna uma lahi balse koley soomali hadaad u taliso balaayo waad kala kulmaysaa waxaana waa idaacad koley haduu dhinac xigsado waa bani aadam balse ninku shaqadiisa ma ka adag yahay haddiise dadka la kala shaandheeyo ma dhibaa oo dad cusub fursad la siiyo. kasoo ku gudub BBC-da wax wayn baa iska badalay waqtigaana koley u masaamaxay marka anigu shaqsiyan uma arko inuu qaldan yahay ninbuu cayriyey ninbuu shaqo siiyey adigaas hadalaya sidoo kale ayaad samayn lahayd waxaana lagu arki lahaa sidoo kale aad hadda yeegayso. marka hadal iyo dhamaan koley cudurkii naga bixi maayo waan is garanaynaa ...
Waxaan kuu sheegaya inta aadan qof eedayn ama garsoor arin ka noqon adigu daacad ma ka tahay arimaha soomaliya haddii wax laguu dhiibo imisaad dhibaato filaysaa inay kaa hor timaado ........
dacwada ay sheegeen ha socoto ha dhamaato mid cusub iyo eedayn cusub ama tii oo dad cusub la cayriyo .....ilaah baa garan haddi kale soomaliyeey ninkiii qalad galaba wadda koley daynmaysaane sheega qabiilkiisa .sidaas iyo nabad galyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

arday

Tuesday, February 13, 2001 - 12:14 am
yuusuf garad waxaa lagu haystaa maxaad u sheegi weyday hadalka cigaal oo aduunkii oo dhan ay diideen. koley anigu waxaan u arkaa rag qayilsan, ila iyo waqtigii la aasaasay bbc ayey ka sheegayeen hadal isaaq oo kaliya, hadey cabaadayaan tuug tuugu dhashay ordaha marfashka aada netkana kala baxa wasaqda.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BBC

Wednesday, February 14, 2001 - 04:23 am
BBC WAXAA LAANTA AFKA SOMALIGA AH WAXAA SOO MARAY TAFOTIRAYAAL BADAN OO ILLAA IMINKA KA SHAQEEYA WARIYE YAALNA KA AH ,

MAXAA YUSUF WAALAY OO HADALKIISA MEEL KASTA DHIGAY LAMA OGAY BARYIHII HORE CID MAAMUSHA IN AY TAHAY SOMALI IYO IN AY TAHY INGIRIS CID U DHUUN DALOOSHA MOOYAANE .

YUSUF ARIMO BADAN BUU KU DEGDEG AY WAXAANU JECLAHAYSTA IN UU SOO KICIYO WARIAYAYAAL BADAN OO REER KONFUR AH HALKA AY MARKII HORE UGA BADNAAN JIRE REER WAQOOYI TAASIN WAXAY KU TIMI XIDHIDHI BBC OO AH SOMALIDII INGIRISKU GUMAYSANJIRAY OO KALIYA , YUSUF MA UU FAHMIN IN ARINKU SIDAA AH EE WAXA UU U QAATAY QABIILO DIID IN LOO SAMAEEYAY TAA , MARKII UU KU SOO BIIRAY BBC OO UU KU SOO GALAY , DARDAR DHALIYARO NIMOILAAHAYNA WAXA UU KU GUULAYAY IN UU NOQDO MAAMUULAHA LAANTA AF SOMALIGA EE BBC ,

HADAB MARKII UU AWOODA HELEY WUU DEGDEGAY ISAGA OO AAN BAADHIN WAX JIR WAXAA UU MARKIBA DOONAY IN AY KA HADAL BBC DAD KU HADAL LLAHJADDA XAMAR WUXUU JECLEYSTAY IN UU CIDA UU KU NIYAD SAN YAHAY SOO DHAWYSTO MA SIMO FIGRADAHA KA GAARKA AH EE SOMALIDA .
CABDILAAHI XAAJI WAXAA UU AH MAREEXAN MARKUU HAYSTAY BBC QABIILO LOOMA NISBAYN JIR SIYAADNA DHINAC MA SARI JIRIN , DAD KUNA WAY U SINAYEEN HAWSHUNA WAXAY U SOCTAY SI XOWLI LEH .

IMINKA CABDILAAHI XAAJI IYO BARNAAMIJKII CAANKA AH EE TODONBAADKIYO AFRICA WAA LA JOOJIYAY .

YUSUF WAXAAN KULA TALIN LAHAA IN UU ODAYADII KA HOREEYAY LA TASHADO , DEGDEGDA AYAA KEENAY QALADDD BADAN OO DADKU DAREEMO .

YUSUF WAXAA TAHAY NIN DHALIN YARO AH OO MUSTAQBAL SUGAY EE YAAN LAGU SAWIR NIN QABIIL .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shiikhaal

Thursday, March 22, 2001 - 06:00 am
Laakin yusuf waa nin rag ah oo aqoon leh tolkiinna ka soo buuxiyay bbc dii laakinn dacwad xun ayaa ku socota oo lagga yaabo in uu shaqadiisa ku seeggo. waa sidda la filayee. laakiin rag baddan oo reer waqooyi ah ayaa u niikiya Sidda Cabdisalaam iyo Saciid cali oo marmar u fataala oo raali ka ah shaqadiisa unna haysta walli soo daahiray!!!