Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government: Baaq uu kasoo saaray Wasiirku xigeenka W/arimaha gudaha itobia
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

deeq

Thursday, February 01, 2001 - 11:56 pm
Baaq uu kasoo saaray wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha gudaha weerarada ay itobiya ku hayso koonfurta somalia.

Dr. abdi ali hasan ayaa waxa uu ugu baaqay beesha caalamka,Qaramada Midoob-ay, IGAD & J/carabta in wax laga qabto fara-gelinta qaawan ee ay dowlada itobiya ku hayso gobolka koonfureed.

Dr abdi ali oo intaas ku daray dowlada itoobiya oo ku xadgudubtay xushmadii darisnimo.
kana faa iidaysatay burburka soomaaliya.
ayaa qalalaaso ka wado koonfurta soomaaliya.

Dr.abdi ali ayaa sheegay in ay waxba ku noqon shirqoolkii ay u oogtay amxaarada waftigii ay dowlada kumeelgaarka ku marayeen magaalada garbahaaray ee xarunta gobolka gado.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cali

Monday, February 05, 2001 - 11:35 pm
to deeq.

deeq sxb wax wayn ayaa laga faa iiday baaqii
Dr. cabdi cali xasan amxaaradii ayaa la sheegay inay shalay ka guurtay magaalada baladxaawo iyo luuq kadib markii la sheegay inay qaramada midoobay usoo dirayso wafti soo booqdo gobolka gado.

si loosoo xaqiijiyo in ay ciidamo amxaaro ah dagan yihiin gobolkaas..
wararka ugu danbeeyay ee ka imaanayo gobolka gado ayaa waxa ay sheegayaan in ay isu yimaadeen ciidankii amxaarada oo gobolka daganaa oo dhan geeska magaalada doolow.
buundada iyo isteeshinka booliska ee magaalada doolow ayay ku sugan yihiin gudaafadii ugu danbaysay ciidankii amxaarada.