Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government: ITOOBIYA IYO MOORIYAANTA IN AAN KALA DOORANO MA KU KHASBANAHAY
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deeq

Friday, February 02, 2001 - 03:11 pm
Waxaa la yaab leh sida mooriyaanta Cabdiqaasin hoogaamiyo ay ugu guuleysteen in ay Soomaaidda gabigeed ka dhigaan LAHEYSTAYAAL.

Shalay Xamar marki ay dadka ku laayeen waxey inti soo hartay ka dhigteen LAHEYSTAYAAL wixi la doono laga yeelo Rag iyo Dumarba ka dib marki lagu dul qabsaday AQALADOODI.

Waxaa halheys u aheyeed DALKA ANUGAA XOREYSANAY.

Manta waxaa qorshahoodu yahay in ay MENTALY Soomaalidda cagliga kaga qabsadaan oo ugu sheekeyaan ITOOBIYA yaa dalkayagga weerar ku ah ee annu dalka difaacano tas oo si aad iyo aad ah u sii xoojineysa xukunka Cabdiqasin Mooriyaan iyo Galaal. Oo hadda MARKAB HUB sida Xamar keenay.

Hubkaas oo lagu gaday lacag Liibiya Soomaalidda ugu deeqday waxaa maamuli doona Galal ood ogtihiin cidamaadda uu qortay in ay gabigood yihiin MOORIYAAN,CAYR u badan.

Objactifka kowaad ee Cabdiqaasin waxaa weye in uu yeesho xukun xoog leh ka dibna siduu dono in uu dalka u maamusho taas waxaa nooga daliil ah:

1. In uu buriyay qodobkii farayay in dowladda KMG ay si ku meel gaar ah BAYDHABA u dagto. Xamar yu ku qasbay in uu dejiyo si xubnaha dowladda ay u noqdaan LAHEYTAYAAL MOORIYAANU ilaaliso wuxuu rabana u fulisa.

2. Abaabulka cidamadda wuxuu u xil sarray Gacan ku dhigle Qabiili ah,GALAAL,oo anan ka amar qadan BAARLAMAANKA iyo Wasiirka Difaaca cid ogna aysan jirin lacagta uu wax ku dhisayo meesha ay ka timid iyo inta ay tiro la eg tahay.

3. Wuxuu dagaal cad ku qaaday oo uu rabaa inuu afka qabto WARGEYSYADDA xorta ah ee farta ku fiiqa DIKTATOORIYADDA QABIIL ee Cabdiqaasin.

ITOOBIYA iyana dan baa ugu jirta in ay ummadeedda ku sii jeediso cadow anan jirin si dhiibatooyinka: SIAASADEED,DHAQAALE,JINSIYADEED,iyo CORRUPTION ka ka jira ay dadkeeda u iloowsiiso.

Waxaa kaloo culeys ku hayaa ciidan fara badan oo hal milyan kor uu dhaafay ee loo abuuray dagaal dheer oo difaac ah ay la galaan ERITAREEYA. Mantana halis u ah in ay ku soo jeestaan xukunka ZENAAWI.


Waxaa meeshaas nooga cad in labadda xukun ee MINORATIGA ah XOOGANA XUKUNKA KU QABSADAY DAN AY UGU JIRTO IN TENTION, TUHUN,CABSI,NATIONALIISM BEEN DADKA LA DHEX DHIGO SII LOO DACIIFIYO CODKA IYO XUQUUQDDQ ADANAHA.

Ugu danbeynti waxaa kuu soo haray kuwa ITOOBIYA la jira ee Soomaalida ah, iyaguna meel shishe ma jiraan. Waxey is leeyihiin si Soomaaliya wax looga noqdo waa in aanu ceelka XABASHIDDA ka soo cabnaa una soo firsadda sidey tagi doontaa.

SOOMAALIYEY TAXADARA OO AASHIIN SOCDA