Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government: Warbixin ku saabsan banaabixii shalay boosaaso ka dhacay
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wadani

Saturday, February 03, 2001 - 10:13 am
Safiyo Cabdi Axmed oo ka mid ahayn boqolaal qof oo isugu soo uruuray abaara 10:00 barqanimo saacadda Bosaaso (Feb 2, 2001) ayaa dhimatay kadib markii xabado ay kor u ridayeed Boolisku ay xabad ka soo noqotay darbi u dhaw taliska ciidanka Boliiska ee Buntilaan ay ku dhacday. Ciidanka booliska oo halkaas loo keenay si ay uga hor tagaan mudaharaadayaal markii danbe isu badalay weeraryahano oo soo beegsaday xarunta taliska booliska Boosaaso.


Mudaharaadkan oo subaxnimadii si nabadgelyo ah uga bilowdday bartamaha magaalada ayaa saacadba saacadba ka danbaysa sii xoogeysanayay, dadka ku soo biiraya daawashada ama ka qayb galka mudaharaadkuna uu soo badanayay, halka dhan kalana ciidanka Boolisku ay hareero socdeen wadada ay marayeen dadweynaha faraha badan ee halkaas isugu soo baxay.


11 ka mid ah dadkii mudaharaadkan abaabulay ayay xabsiga dhigeen ciidanka Boolisku qaar kalana waxa uu sheegay taliyaha ciidanka Booliska C/laahi Siciid in la baadi goobayo, mar uu maanta ka hadlayay kulan degdeg ah oo xubno ka tirsan golaha wasiiradda iyo masuuliyiinta sarsare ee Booliska iyo qaar ka mid ah qaraabada ragga xirxiran ay ku yeesheen taliska Bolliiska, iyadoo dadka la xirxiray ay u badan yihiin ka qayb galayaashii shirkii Carte iyo dad horay uga shaqayn jiray maamulka Buntilaan oo xilalkii laga qaaday.


Ma jiraan wax dhaawac ah oo rayid ah oo isbitaalka la dhigay, waxaase jira dad aan yarayn oo ay xagatimo iyo turunturooyin kala duwan soo gaareen markii ay is buurteen, waxaa kaloo jira ugu yaran 11 ka mid ah ciidanka Booliska oo dhaawacyo kala duwan qaba, kuwaas oo uu ku jiro ninka loo magacaabay kusimaha cusub ee qaybta, waxaase ugu daran dhanka dhaawaca nin xabadka dhagax kaga dhacay oo ku simuhu u sheegay sahan in askarigaasi dhiig mantagay.


Hogaanka guud ee hawlgalinta ciidanka oo aan waydiinay sababta dhimashada keentay ayaa yiri "dad been laga soo dhaadhiciyay iyo dad habawsan ayaa na jiiray waxayna isku dayeen in ay hubka ciidanka Boobaan, taasaana keentay in ciidanku is difaaco, waxaana amaro isdaba joog ah ciidanka ku siinaa in aysan shacabka xabad ku ridin"


Odayaasha aan horay usoo xusnay ayaa wasiiradda iyo taliska ka codsaday in wiilasha damaanad loogu sii daayo, hase ahaatee waxa ay wasiiradda iyo taliyaha Boliisku ku adkaysteen in aan marna la sii daynayn illaa ay caddaanayso in aysan danbi lahayn, Tifaftiraha Sahan oo shirkaas goob joog ka ahaa ayaa sheegay in uusan marna ogolaan doonin in dad la soo ijartay ay bakhtiiyaan nalka kaliya ee ka nool nalalkii Soomaaliya dawladnimadeedii iska lahayd, waxa kale oo uu taliyuhu sheegay in nimanka xirani horseed ka ahaayeen bililiqo dad masaakiin ah oo ka dhacday magaalada intii mudaharaadku socday oo gaari kartay haddii aan laga hor tagin waa sida uu hadalka u dhigaye heerkii Xamar iyo Gaalkacyo ka dhacday 1991kii.


Wasiirka Maaliyadda oo ka hadlay munaasibaddaas ayaa isna ku dheeraaday qiimaha amnigu ugu fadhiyo Buntilaan, wuxuu tusaale u soo qaatay dagaalada xamar ka taagan iyo dagaalkii Kismaanyo ka dhacay oo uu si murugo leh u muujiyay in ay kiciyeen kooxo yar oo danley ah oo aan dadka u naxayn kadib markii ay belo dhacdana lahayn awood ay wax kaga qabtaan.


Taliyihii qaybta Gobolka Bari Cabdi Farey ayaa isagana shaqadii laga fariisiyay iyadoo loo aanaynayo in uu gudan waayay xilkii ka saarnaa sugidda iyo ka hortagga nabadgelyo xumidda sida uu u sheegay sahan sarkaal ka tirsan Booliska oo codsaday in aan la magacaabin, waxaana xilkaas si ku meelgaar ah loogu wareejiyay taliyihii saldhigga Dekadda Bosaaso Cismaan Salaad.


Tifaftiraha ayaa loo diiday in uu eedaysanayaasha wax ka waydiiyo eeda loo qabtay, kuwaasoo dhamaantood ku xiran Xarunta taliska guud marka laga reebo nin si gaar ah danbi loogu haysto dhaawac uu geystay.


Cidanka Booliska ayaa heegan la galiyay waxaana loo qaybiyay ugu yaraan 200 oo qori oo cusub oo ka mid ah hub aan tiradiise sugnayn oo dhawaan dalka dibadiisa ay ka soo iibiyeen Ganacsato reer Buntilaan ah, oo qandaraas ka qaadatay dawladda.


Ujeedada mudaharaadkan loo abaabulay ayaa dhawr aragtiyood oo kala duwan isugu jiray sida ay u xaqiijiyeen wariye ka tirsan Wargeyska Sahan Axmed Maxamed.


Qabanqaabada inta badan mudaharaadkan lagu soo abaabulay ayaa waxa ay ahayd mid la xiriirtay sicir barar xoog leh oo oo beryahan saameeyay guud ahaan dalka Soomaaliya. Kaasoo dhanka Buntilaan lagu kala duwan yahay aragtiyaha laga kala qabo, dadka indheer garadka ah intiisa badan ayaa rumaysan in sicirir bararkani ka yimid lacag aad u tiro badan oo ganacsatada taabacsan Kooxda Carta ugu soo fataheen Dalka.


Dhanka kalena waxaa jira warar sheegay in mudaharaadkani ahaa qorshe ka yimid dhanka Mudisho oo la doonayo in lagaga hirgaliyo arimihii ka dhacay Gedo, Bakool, Kismaayo iyo Balcad, oo dhamaantood Kooxda Carta ku qaaday weeraro ay ku jabeen marka laga reebo Kismaayo oo ay wali gacanta ku hayaan.


Arin kale oo dheeraad ah oo ka soo baxaysa Mudaharaadkan ayaa ah in khilaaf ka dhex abuurmay abaabulayaasha laf ahaantooda oo kala qarsaday lacag sideed kun oo doolar ah oo laga soo diray Muqdisho, halka qaar kalana ay ka dhirfeen sababta calanka Jabuuti mudaharaadka maciishada loo soo dhex galiyay.


Sahan Information Center
Bosaaso Somaliya