    Axmadeey | Saturday, February 03, 2001 - 02:58 pm Aniga waxaan ahay wiil soomaaliyeed hadaan isukiin sii sheegona waxaan ahay reer Banaadir. Reerkeena waxaas ka koobnayn qoys 5 caruur ah iyo hooyadood aabahoodna ma horeeto uus xijaabtay aniga iyo laba ka mida shanta aan walaalaha nahay waxaan iminka ku noolnahay USA hooyaday iyo laba caruurteena ahna Xamaray joogaan waxaan Xamar ku lahayn guri Dabaq ah xaafada xamarweyne hantida aabahayo nooga tagay ayuu ahaay qaybta sare ee guriga waxaa bilowgii dagaalada xoog ku soo dagay dhalin yaro hubaysan kuwaasi oo markay soo dagaayeen reerkeena intiisa kaleeto ka saaray aqalkooda balse waan waan kadib waxay ogolaadeen in aan ka dagno guriga qaybta hoose haba noo ogolaadeene ma nooga harin waxay dhaheen waa inaad bixisaan lacag waardiye ah maadaamayto aan guriga kuwa bililiqaysan lahaa aan ka ilaalino aniga waxaan dalkii ka imid iyadoo sidaas xaal yahay markii oo maxkamada islaamiga ah la sameeyay ayaa hooyaday u tagtay maxkamada Xamarweyne nasiib xumo waxay maxkamadii tiri anaga xaalkan wax kama qaban karno oo beeshooda uga dacwooda beeshooduse waxay ahayd tii oo go'aanka horeeto anaga noogu danaysay say la hayd waayee sidaas ayaa hooyo kusoo noqotay guriga iyadoon maxkamadii u suuro galin inay ka joojiso baada kirada aqalkeeda ay ka bixiso ah. Markii la dhahay dawladaa dhalatayna hooyo niyadaa gashay waxay telefoon igu dhahday maandhaheey rajaan qabnaa in oo xaqeena nanoo soo cesho ah waxay hooyo ii sheegtay in 200 ee Doolar ee aan u diro ay qiyaastii 70 dolar ku bixiso nimanka gurigeena kirada nooga qaata meeshaan anaka ka qaadi lahayn kirada. Dhawaantan markii uu Cabdiqaasim u soo magacaabay gudoomiyooyinka dagmooyinka gobolka Banaadir ayaa hooyo mar kaleeto ugu tagtay xarunta dagmada Xamar Weyne ninka loo soo magacaabay dagmadaas oo nimanka gurigeena haysta ay isku beel yihiin walibayto nimankaan Cabdiqaasim laf tigiisa sidaas uma kala foga oo halbeel oo Habargidiray isla yihiinoo. Hooyo hadday xaalkii arinkeeda u sheegtay ninkii oo la dhahay gudoomiyaha dagmada Xamar weyne waayo wuxuu ugu jawaabay eedo adiga wax dhiba ma qabtidee u kaadi xaalkaan intii ragii horay u galay ku dhameeyeen uu ku dhamysanyahee. Nimankii guriga ku jiray arintii dacwada hooyaday ay gudoomiyaha dagmada gaarsiisay aa loo sheegay waxayna hooyaday u gaysteen hanjabaad aakhirkii lagu dhameeyay inay aamusto kiradana kordhiso 100 dolor ku dhawaad hadda laga dhigay inaan ka bixino gurigeena. Arinkii odayaasha cidayada ah ayaa maray Cabdiqaasim la kulmaayeen u sheegay isagana jawaab na anfacdo ma naga soo gaarin wuxuuseytoo dhahayaa la yiri arintaan gudoomiyaha dagmada aas dhamyhaayo markii loo sheegayna in gudoomiyuhu wax ka qaban waayay wuxuu yiri dawlada wakiilkeeda isaga waaye ee isaga kala xaajaysta. Aniga Xaajaystadaan Cabdiqaasim ma fahmin. Soomaaliyeey idinka Amxaaro aad ka cabanaysaan ee waxaan idin waydiinaa reeraha Soomaaliyeed ee Biilka Adis-ababo aad ugu dirtaan miyaa Amxaaro labadii boqolba boqol uga qaadataa? Jawaabta waa maya oo waan la socdaa taas inayan jirin Kenyaa askarteedu soomaalida baadaa laakiin Amxaaradase baasaboorkoodaanba anigan Kenya ku soo galay intaanan ka soo bixin xeradii Banaadiriga ee Mombasa Kenya oo anaaba Adisababa ku noolaa kolka aniga waxaan idin waydiinaa aniga ma Amxaaraan cadaw ka dhigtaa mise Beesha Cabdiqaasim ee sidaan ii gashay fadlan ikhyaarta Boogaan Hiiraan soo gashay iga soo jawaaba su'aashaydatanto idinkoon qabiil idin khaadin ee dacadiina waramaaya. |
    Anonymous | Saturday, February 03, 2001 - 03:21 pm Waryaa waxaad tahay taagerayaasha mr Cabdulaahi Yeey talo yar haddii aan ku siiyo waxaad aadaa qeeybta Buntland meeshaas waqtiga firaaqada aad haysatid ku dhumi waxa aad soo qortayna waxba kama jiro duliyahow. |
    Axmadeey | Saturday, February 03, 2001 - 03:31 pm soomaali dhibta haysataa tanoo kale lee waaye dhibkoo cidaheena ku dhacay aan ka waramay waa kanaa kana wuxuu i dhahayaa reerkaasaa tahay ar adi waxaad qoraysid hubi yaan u garsheegahaa haddii saan lawada yahay. |
    Anonymous | Saturday, February 03, 2001 - 03:54 pm Waryaa duliyahow dadka ha ku been abuuranin xoolahaad tahay wase, bal fiiri eygaan luqada uu meeshaan ku furay iyo tan danbe sida ay u kala duwan yihiin,orod waxbaro ama shaqeeyso intaad waqtiga ku dhumin lahayd wax aan dani kuugu jirin maan gaab yahow. |
    Axmadeey | Saturday, February 03, 2001 - 04:05 pm Nin yahoow adiga Intaad aniga i waanihayso adi is waanih Runtu hadday ku gubaysoh Beenta AyaamahaPress ardooh ku saa raxaysoh. Adiga Bililiqo aad dibada ku soo gashaan u malaynaa. |
    concerned | Saturday, February 03, 2001 - 04:06 pm axmadeey dadkani waa eeyo..dugaag maad jawaab wanaagsan iyo xaq ka sugeysaa...waa caqli lixsaac.. you know what i mean..... |
    geelle | Sunday, February 04, 2001 - 12:06 am s uaashu waxey tahay reer xamarweyne axmaddey mala baxaan, erayada afka reer boosaaso ee meesha kabuuxase goormaa ayey reer xamarweyne barteen, doqonka meesha waxkusoo qoray figraddaada sicad usheego daciifyohow cid kale hakula meereysanin,qurunka kaa buuxa, reer xamarwyne sidey uhadlaan waa layaqaannaa,wxaan hubaa inaadan weligaa gaalkacyo koofur usoo dhaafin, kunoqo oo fiiri waxa aad qortay, reer marweyne xaggee kubarteen,mise garoowe ayaa magacii laga bedelay oo xamarweyne loo bixiyey, |
    calooley isaaq | Sunday, February 04, 2001 - 01:00 am Waa run waxaana mudan in lagu banaan baxo ceyr iyo doqonta habargidir u waalan sida liibiya iyo yementa xun sidaas darteed one day the hisr=tory wil emerge |
    calooley isaaq | Sunday, February 04, 2001 - 01:00 am Waa run waxaana mudan in lagu banaan baxo ceyr iyo doqonta habargidir u waalan sida liibiya iyo yementa xun sidaas darteed one day the hisr=tory wil emerge |
    Deeq | Sunday, February 04, 2001 - 05:50 am Axmadey annu ka soo qadano in uusan aheyen REER XAMAR oo uu yahba pro Cabdullahi Yusuf. Wax nagga quseya ma jiraan: 1.Ma cadeynkarno cidda uu yahay. 2.Wax dana ah oo ku jira banan jirin. Waxaa na quseya warka uu yiri, ma waxbaa ka jira mise waa been abuur. Dood kale oo meeshan soo gali karta ma jirto ee taas ka jawaaba hadaad tihiin kuwa danbiyadaas geystay waxaan ula jeedaa H/Gidir. Waxaan kale oo kula talinayaa beelaha Soomaaliyeed ee racsan MOORIYAANTA in ay ka haraan oo aysan iloobin wixi loo geystay. WAA GEESINMO IN AAD DAKANADDA LAA GALAY AAD MEEL WALBA KA SHEEGTO. WAXAA LA AAMUSA FULAY IN NIN OG IN UUSAN CAD GOOSAN KARIN. LA OGAA REER XAMAR AMA GIBIL CAD DADKA UMA FULEYSANA. KUWA LOO HEYSTAY IN DAKANAADDA LAGA GALO LA EEDO YAA MANTA AAMUSAN EE MAXAA HELAY. |
    Saalax Yare | Sunday, February 04, 2001 - 09:24 am Runtii sidaas deeq u yiri ayaasn arinka u arkaa kanse magaciisa qariyayoow saaxiib waa caadi adoo kale oo dhagar qaba ahi haddii runta la baahiyo inuu caroonayo oo meesha ka caytamayo. |
    Cali | Sunday, February 04, 2001 - 11:13 am salaan, Horta ninku wuxu yahay inta faraha laga qaado , maad runta sheegtaan, hadu aw yahay Majeerteen ama Darood ama Xamarweyn ama Sheeqaal waa wax aan loo baahnayn. Yaaba ka hadalay qabiil. Markaas baan soomaalidaba nacaa, qof sheeko dhab ah idiin sheegay ayaad leedihiin Gaalkacyo ayaad ka timi. oo hee dhe Gaalkacyo hadii aw ka ymi ma xaqabaa in gurigiisa la baliiliiqsado oo waliba loo hanjabo oo kirana laga qaado islaan miskiinad ah oo awood lahayn????? aniga waxay ila tahay Salaad Boy inaanu wababa ha yaraatee dhaamin ragaas. waa kab iyo xaarkeed. ee ka samir sxb. To : ninkan la baxay Caloolay Isaaq adeer doqoniimada la dhaaf dadka, Isaaq hadaad rabtid meel kaste wey joogaane maxaad is leeday dadka ku dir.. waxaas oo miidhan baa dunida iska nool bye |