Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Puntland Politics: Puntland Politics: Idinka raaxaad ku jirtaan ee waxaan nahaysto arka
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Axmadeey

Saturday, February 03, 2001 - 03:13 pm
Aniga waxaan ahay wiil soomaaliyeed hadaan isukiin sii sheegona waxaan ahay reer Banaadir. Reerkeena waxaas ka koobnayn qoys 5 caruur ah iyo hooyadood aabahoodna ma horeeto uus xijaabtay aniga iyo laba ka mida shanta aan walaalaha nahay waxaan iminka ku noolnahay USA hooyaday iyo laba caruurteena ahna Xamaray joogaan waxaan Xamar ku lahayn guri Dabaq ah xaafada xamarweyne hantida aabahayo nooga tagay ayuu ahaay qaybta sare ee guriga waxaa bilowgii dagaalada xoog ku soo dagay dhalin yaro hubaysan kuwaasi oo markay soo dagaayeen reerkeena intiisa kaleeto ka saaray aqalkooda balse waan waan kadib waxay ogolaadeen in aan ka dagno guriga qaybta hoose haba noo ogolaadeene ma nooga harin waxay dhaheen waa inaad bixisaan lacag waardiye ah maadaamayto aan guriga kuwa bililiqaysan lahaa aan ka ilaalino aniga waxaan dalkii ka imid iyadoo sidaas xaal yahay markii oo maxkamada islaamiga ah la sameeyay ayaa hooyaday u tagtay maxkamada Xamarweyne nasiib xumo waxay maxkamadii tiri anaga xaalkan wax kama qaban karno oo beeshooda uga dacwooda beeshooduse waxay ahayd tii oo go'aanka horeeto anaga noogu danaysay say la hayd waayee sidaas ayaa hooyo kusoo noqotay guriga iyadoon maxkamadii u suuro galin inay ka joojiso baada kirada aqalkeeda ay ka bixiso ah.
Markii la dhahay dawladaa dhalatayna hooyo niyadaa gashay waxay telefoon igu dhahday maandhaheey rajaan qabnaa in oo xaqeena nanoo soo cesho ah waxay hooyo ii sheegtay in 200 ee Doolar ee aan u diro ay qiyaastii 70 dolar ku bixiso nimanka gurigeena kirada nooga qaata meeshaan anaka ka qaadi lahayn kirada.
Dhawaantan markii uu Cabdiqaasim u soo magacaabay gudoomiyooyinka dagmooyinka gobolka Banaadir ayaa hooyo mar kaleeto ugu tagtay xarunta dagmada Xamar Weyne ninka loo soo magacaabay dagmadaas oo nimanka gurigeena haysta ay isku beel yihiin walibayto nimankaan Cabdiqaasim laf tigiisa sidaas uma kala foga oo halbeel oo Habargidiray isla yihiinoo.
Hooyo hadday xaalkii arinkeeda u sheegtay ninkii oo la dhahay gudoomiyaha dagmada Xamar weyne waayo wuxuu ugu jawaabay eedo adiga wax dhiba ma qabtidee u kaadi xaalkaan intii ragii horay u galay ku dhameeyeen uu ku dhamysanyahee.
Nimankii guriga ku jiray arintii dacwada hooyaday ay gudoomiyaha dagmada gaarsiisay aa loo sheegay waxayna hooyaday u gaysteen hanjabaad aakhirkii lagu dhameeyay inay aamusto kiradana kordhiso 100 dolor ku dhawaad hadda laga dhigay inaan ka bixino gurigeena.
Arinkii odayaasha cidayada ah ayaa maray Cabdiqaasim la kulmaayeen u sheegay isagana jawaab na anfacdo ma naga soo gaarin wuxuuseytoo dhahayaa la yiri arintaan gudoomiyaha dagmada aas dhamyhaayo markii loo sheegayna in gudoomiyuhu wax ka qaban waayay wuxuu yiri dawlada wakiilkeeda isaga waaye ee isaga kala xaajaysta.
Aniga Xaajaystadaan Cabdiqaasim ma fahmin.
Soomaaliyeey idinka Amxaaro aad ka cabanaysaan ee waxaan idin waydiinaa reeraha Soomaaliyeed ee Biilka Adis-ababo aad ugu dirtaan miyaa Amxaaro labadii boqolba boqol uga qaadataa? Jawaabta waa maya oo waan la socdaa taas inayan jirin Kenyaa askarteedu soomaalida baadaa laakiin Amxaaradase baasaboorkoodaanba anigan Kenya ku soo galay intaanan ka soo bixin xeradii Banaadiriga ee Mombasa Kenya oo anaaba Adisababa ku noolaa kolka aniga waxaan idin waydiinaa aniga ma Amxaaraan cadaw ka dhigtaa mise Beesha Cabdiqaasim ee sidaan ii gashay fadlan ikhyaarta Boogaan soo gashay iga soo jawaaba su'aashaydatanto idinkoon qabiil idin khaadin ee dacadiina waramaaya.