Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Puntland Politics: Puntland Politics: MUDAAHARAADKII BOOSAASO IYO FAALADII (KEYSE)
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Keyse

Monday, February 05, 2001 - 04:42 am
Salaan kadib:
Waxay ila tahay arinkaani maaha mid ku cusub reer boosaaso, waana wax marar badan dhacay. waxaan soo jeedin lahaa talooyinkaan:

Reer puntland wa inay dantooda gartaan haday mudaaharaadayaana ka mudaaharaad wax dantooda ah
Nin baa wuxuu yiri (Adoo nabad u balawaaray belooy kalay lama yiraahdo haday timaadana boowe lama baroorto)
Taa waxaan uga jeeda Ethopia ayaan ka mudaaharadaynaa oo kujirta gobolo soomaaliyeed danteen maaha haday yihiin dadkaasi kuwii iyagu u yeerat maxaa inooka shan iyo tobona reer gedo haday iyagu yihiin kuwa Soomaali ugu ayaan daran ee gumaysi u yeeratay
Shalay Cumar xaaji buu ahaa waa isrogay cartuu tegay....
Buraaluu haa haduu leeyahay waxbaan ogaaday......

Hada biixi weeye.......
waxaan filayaa wax dad inoo ka dhinto ma sitaahilo.


Shacabku waa awooda wadan iska leeyahay Axdiga Puntland wuxuu qorayaa in nidaamku ku salaysanyahay wada tashi iyo dimoqraadiyad, maamulku waa inuu xasuustaa in shacabku yahay kii dhisay oo yaanay eed ka gelin.

Runtii Booliska Puntland wanaag badan ayay qabteen laakiin mushkilo ayaa ku dhexjirta, ragii isbaarooyinku u olaan jireen wadad dheer oo dadka baadi jiray meeshii larabay in maamulku xabsi ku abaal mariyo ayaa garaado la siiyay oo boolis lagu abaal mariyay waxaan dhihi lahaa iyagana, Shacabkiina hoos u fiiriya muxuu yahay farqiga diiin dhexeya idnka iyo askarta Israaiil ee sida axandarada ah xabada hoos ugu fura caruurta ree falastiin markay mudaahraadayaan.

In badan oo ah ciidanka birmadka iyo booliska caadiga waa dadkii raacatadaa ahaa kuwaas oo aanba aqoon nidaam boolis aana ahayn kuwo wax qori kara waxna akhrin kara dadkaas oo ay adag tahay si la siu fahmo, eedeedana maamulkaa leh isgaa loo baahnaa inuu qorto dad wax garada hufana.


Shacabka ree r puntland waxaa wanaagsan inay nabadgelyadooda xejistaan oo wixii fadqalo iyo fawdo abuuraya ka hortagaan hadii mudaahraadku yahay mid fidno iyo gacan hoose ku adeeganayso waa inay ka hortagaan iskana qabtaan.

Hadii aynu dhibsanay maamulxumada iyo sicir bararka jira maaha in aan ku ciyaarno nabadeeni.


Ugu danbayntii aad ayaan uga xumahay wixii dhacay waxaan kaloo ilaahay uga baryayaa inuu Saafiyo u naxariisto

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Badhan

Monday, February 05, 2001 - 07:02 am
Keyse;

Arimaha ad ka hadashay waan kugu raacsanahay hase yeeshee aan ku daro, dadkii wax ku gaareen dhacdadii nasiib darada hayd ee Bosaaso waxaa ugu badnaa cidanka Poliska. In ka badan 20 askari baa ku dhaawacantay oo waliba aan iminka filayo in qaar dhintay.

Taas waxaa keentay poliska oo in kasta oo ay haysteen hub, hadana aan haysan gaashaan iyo waxyaabaha loogu tala galay in lagaga hortago qul qulada shicibka.

Intaas waxaa sii dheeraa in la ambushay ciidanka poliska oo siday isaga feer socdeen dadweyne si nabad ah uga cabanaya waxyaabo jira oo ay xaq u leeyihiin in ay cabtaan baa kol qor ah waxaa dhagax ciidanka ooda kaga qaaday waxa aan ku magacaabo Mooryaan lovers iyo Macaanjecl muqshisho laga soo diray oo lagu soo yiri orod oo halkaad eedin ololi reerkiina.

Waa saad u sheegtaye, shicib ahaan anigu waxaan qabaa let us take care of ourselves first.

Cisha dhaweyd oon tagay gobolada Puntiland oo dhan waxaan aad ugu kuur galay bal in ay wax ka jiraan arinta Amxaarda ee ee iminka kuwii aqaladayadii naga soo saaray nagu beerlaxawsanyaan.

Waxaan ogaaday in dhulkii barigii hore amxaaradu fadhiyijireen oo ahayd xadka aan lawadaagno Ethiopia in iminka aan lagu arag hal Amxaar oo dee hadad xususatid barigii hore kolkaad wadada dheer maraysid waad arki jirtay halka Amxaarka gaadhkoodu fadhiyo sida meesha loo yaqaan Dulku qooq oo Garawe u muuqata.

Waxaas oo dhami waxay ku tusin in iminka anaga mooryaani rabto in ay qiirad nagu galiso Xabashi baa Somali qabsanaysa iyo wax yaabo shiikhoodii dhintay.

Waar xabshi anagu daris baan nahay aqaladayadiina nagama soo saarin hablahayagii yar yaraana ma kufsan.

Waxaan kaloo kaa hilmamay magaalada Bosaaso gawaarida ka baxdaa waxay tagaan meel u muuqata Adis ababa. Taasi waxay ku tusin in ganacsi ahaan xitaa ay nooga wacantahay in aan Adis ababa la xirirno in taan inta mar labaad Muqdisho aqal cad ka dhisto lay odhan lahaa 'Aryaa hee ciida dameerkaa is ka leh'

Waar waa saad tiriye aan danteena garano.

Arinta Ina Yusufna dee anigu waxaan taagnahay ma shicibku si cad u dooray mise la dooran waa, Hadii aan mar kale la dooran waa khayr oo kan danbe allaha nagu khayro aanuna la shaqayno.

Hadii isaga mar labaad la doorto dee waxay ila tahay in aanay jirin wado kale oo noo furan in aan la shaqayno mahine intii ama uu dhacayo ama tii alla u imanayso.

Laakin haday inta ka soo horjeeda ay damacdo in ay xoog ku muquuniso kadib markii la doortay runtu waxay tahay kuwa raacsanina in ay kolkooda dhagaxtuur bilaabin tas oo na dhigi doonta meeha ay nala rabaan qadhmuunka cadawga noo ah.

Waar waa in laga hormariyaa nidaamka umada dagsatay wax kaste hadaan rabno in aan badhaadhe gaarno nabadey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xaafuun

Monday, February 05, 2001 - 09:59 am
waad salaamantihiin laba diinuba
salaan ka bacdi
aad baan uga xumahay wax ka dhacay boosaaso alle how naxariisto gabadha inga dhimatay
dadku xaqbay u leeyihiin in mudaahiradan laakin wixii violence ah waa mabnuuc aduunka oo dhan.
Tan ka dhacday boosaaso waa arin laga soo shaqayay oo lugu qasayo amaanka magaalada lana adeegsanayo caruur iyo haween dhaqan uma lihin in aynu adeegsana maatada ee ninka wax rabaa toos buu u samayn jiray dhaqan ahaan laakiin tani waa wixii laga isticmaali jiray muqdisho oo lugula dagalamami jiray UN marka ragaa ka dembeeyay waa in sitoos ah loola xisaabtamo
MR kayse
ma'ogtahay in ay nu ku noolnahay wadan(soomaaliya) ay 80%aysan wax qorin marka 100 wiil oo booliis ah 20 baa wax ka qorta!!! taas ku xisaabtan.
Tan kale habka loo qorey booliiska puntlant waa hab fiican maxaa yeelay waxaa la dhaqan celiyay wiilasha aad af ku dhufatay oo loo yeelay shaqo waana sida keliya oo maleesiyada hubka looga dhigi karo, HADDII AAD HAYSID SOO DAA PARNAAMIJKAGA hadii akle habar fadhida lagdini wax uga fudud boowo; hana isku masaalin askarta israa'iil iyo booliiskaP/L maxaa yeelay waxaad kala fogaynaysaa dadka iyo booliiskooda waa dad wadada dhashay;
ugu dambayn waxaa jira ragga loo soo diray in ay qasaan boosaaso iyo P/L oo ay kiciyaan shacabka gaar ahaan caruurta iyo haweenka iyo qaadlayaasha iyo inta la nool aad iyo aadna u yaqaan shaqadaas oo ka soo shaqayn jiray oryateeshinada siyaad barre ahna caloolshii u shaqaysta aan dan ka leheen nabad iyo barwaaqada taal p/l ayna soo dirsadeen BAHDA REER CARTA