Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Puntland Politics: Puntland Politics (Current): BBC laanta Afsoomaaliga wixii janaraal caydiid xabad ku waayay Nina af kuma heli doono"
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Boosaaso

Monday, February 05, 2001 - 09:09 am
Sahan Press
Shir muhiim ah oo shalay barqanimadii lagaga wada hadlayay xarunta maamulka gobolka bari siminaar gaaban oo ay xubin ka socoday BBC-da laanteeda tababaradda iyo nin tababare ah oo Soomaali ah oo wehliyay ayaa gudoomiyaha iyo ku xigeenka Gobolka Bari Cali Ciise iyo Ibraahin Carte oo Xaaji Bakiin loo yaqaanaa ku eedeeyeen in BBC-du noqotay afhayeenka Beel ka Mid ah beelaha ku loolamaya siyaasadda Soomaaliya ayna lumisay kaalintii dhexdhexaadnimo ee laga filayay.
Gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa oo arintan uga waramay wargeyska sahan ayaa sheegay in aan tababarka BBC-du u muuqdo mid ay doonayaan in ay ku wacyigashadaan dad u adeega danahooda, wuxuuna gudoomiyuhu intaas ku daray in ay ururka midowga yurub aydiisan doonaan in la siiyo qaybtii ay ku lahaayeen lacagta nidawga Yurub ugu talo galay in lagu horumariyo saxaafadda soomaaliya oo ah lacag ka badan hal milyan oo doolar.
Halka dhanka kalana kulankii Axadda ay Haweenayda BBC-du soo dirsatay ka sheegtay in aysan iyadu wax awood ah ku lahayn waxka badalka mashruucan oo sida muuqata maalgalintiisu 90% ay ku baxayso Muqdisho iyo safaradeeda.
Masuuliyiinta Gobolka Bari ayaa waxa ay ku adkaysteen in aysan aqbali doonin haddii aan mashruucan looga qorshayn qayb u dhiganta inta ay ka heleen qaybaha kale ee Soomaaliya, iyadoo arinta ugu muhiimsan ee ahmiyadda mashruucan looga gol lahaa dhanka siyaasadda EU-du ahaa in kor loo qaado tayada saxaafadda Soomaaliya lana abuuro urur ka dhexeeya saxaafadda Soomaaliya oo leh qalab iyo xarun ku xiriirisa caalamka saxaafadda ee kale ayaa waxa haatan qorshaha BBC-ku ku soo ururay in la alabeeyo laba xarumood oo ku kala yaal Muqdisho iyo hargeysa, kuwaasoo la geyn doono laba madbacadood ee casri ah iyo ugu yaraan middiiba 6 kumbiyuutar sida ay xaqiijinayaan warar xog ogaal ah.
Mushruucan oo BBC-du qandaraas ku qaadatay in ay ku soo gabagabayn doonto muddo sideed bilood ah ayaa waxa haatan ka haray muddo ka yar sideed bilood oo qura iyadoo ay Muqdisho ka hirgaliyeen ugu yaraan afar tababar oo qaarkood yihiin in ka badan saddex todobaad halka Buntilaan illaa iyo hadda lagu qabtay oo kaliya tababar dufantiryo ah oo lix casho ah.
Dooda la xiriirta tababarkan ayaa ah mid masuuliyadeedu isku tuurtuur ku jirto, haweenay u qaabilsanayd dhanka midawga Yurub arimaha saxaafadda ayaa u sheegtay sahan bartamihii sanadkii hore in aysan midawga Yurub wax masuuliyad ah ku lahayn sida Mashruucan loo maamulayo waxayna qeexday in EU xilka mashruucan ku wareejisay BBC-da sida ay u maamushana dib laga eegi doono, sidoo kale wakiilka midawga yurub ee Buntilaan ayaa ku celceliya in amar lagu soo siiyo in uusan fara gashan hawlaha mashruuca ee BBC-du wado, halka dhanka kalana waaxda tababarka ee BBC-du ay masuuliyadda ku riixdo laanta afka Soomaaliga, oo laga qaato talada ugu danbaysa ee arimaha midawga yurub ee la xiriira Soomaaliya, gaar ahaan dhanka wararka iyo wareer galinta.
Haweenayda Jarmalka ah ee laanta Tababarada BBC-da ee qaybta Soomaaligu usoo xilsaaratay Arimaha Soomaaliya ayaa waxa ay Sabtidii u timid magaalada Bosaaso in ay Buntilaan ka fuliso laba qorshe oo midka muhiimka ahi qarsoodi yahay, kan kalana yahay tababar nuxurkiisu yahay waxa ay Soomaalidu u taqaan "Dawacoy af ku dufanleey"
Danta kale ee dahsoon ee muhiimka ah ee la tuhunsan yahay in ay qorshahan ku qarsoon tahay ayaa ah in la helo, shaqsiyaad si gaar ah loogu adeegto oo u hiiliya qadiyadda caydiid ka dhintay, isagana biilkiisa loo qoro., warar kale oo runta u dhawna waxa ay sheegayaan in qaar ka mid ah masuuliyiinta Buntlaan loo soo dhiibay xoogaa sooryo ah si ay u meel mariyaan mashruucan oo haddii uu Buntilaan ka fashilo BBC-du ku waayayso kalsooni fara badan oo ay wadamada deeqda bixiya kaga heli lahayd mashaariic kale oo kuwan oo kale ah oo la ay ka faa'iidayso Boqolaal kun oo Doolar.
Waayadan danbe inta badan ee dalka aad ayaa loo dhaliilsan yahay habka caadifadda qabiil ka dhex muuqato ee ay BBC-du uga faalooto ama uga waranto arrimaha Soomaaliya. mid ka mid ah dhageystayaasha BBC-da oo galab galbaha ka mid ah ka carooday laba war oo ku saabsanaa Buntilaan iyo Kismaayo ayaa yiri "Wixii janaraal caydiid xabad ku waayay Nina af kuma heli doono""
kulankii Goobolka Bari ee Axadda 4tii bishan ayaa haweenaydu kaga dooday in la kala qaado war baahinta BBC-da iyo tababarkan ay wado waxayna intaas raacisay in aan tababarkani wax lug ah ku lahayn hawlaha laanta af Soomaaligu baahiso. Hase ahaatee sida ku cad waraysi ay haweenaydani siisay wargeys ka soo baxa muqdisho oo ka faalooda arimaha qoyska oo waraysi lala yeeshay waxa ay u sheegtay in shaqada hadda ay hayso uu Yuusuf garaad ugu yeeray iyada oo UNDP u shaqaysa, waxa kale oo ay isla waraysigaas oo uu la yeeshay nin dhalinyaro ah oo aad u firfircoon oo la yiraahdo Ingiriis haatana u warama shabakadda internetka ee Hiiraan ay aad ugu amaantay Yuusuf Garaad in uu yahay nin suxufiyiinta kale baro dheer. Waxa kale oo intaas dheer in idaacaddu noqotay meel lagu colaadiyo ciddii runta sheegta ama tiraahda cadaalad ayaa loo baahan yahay.
Qormooyin danbe ayaa kaga hadli doonaa xogga badan oo la xiriira hannaanka shaqo ee BB-da haddii aan wa iska badalin, waxayse tahay mida ugu danbeysa ee aan jeclahay in aan iraahdo sadexda dhinac ee ay arintani khusayso ayaa ah; ugu horayn Ummadda Soomaaliyeed ayaan oranayaa Idaacadda BBC-da ma laha Soomaalidu, mana laha cid Soomaalida jecel, ee waxaa leh dalka Ingiriiska oo ugu talo galay in uu ku ilaashado danihiisa waxtarka u leh dadkiisa, in dano qabiil oo heerar hoose ah ay inta markaas ka shaqaysaa ku kala fushadaana waxa ay keenaysaa in ay kala fogeyso dhinacyada Soomaalidu cuqdadaha u kala qabto, iyadoo dhinac farxad ka helayo war eex loogu sameeyay oo dhinac kalana ka gubanayo, taasoo laga yaabo in ay tahay danta hab gumaysiga cusub.
Midawga Yurub waxa la gudboon in aysan lacagtooda ku bixinin wax cadaawad aan dhamaan mustaqbalka dhex dhiga Soomaalida iyo dadka cadcad oo reer Yurubku ugu horeeyaan.
Ugu danbayntiina waxa aan reer Buntilaan leeyahay waxaa idinla gudboon in aad qaadataan xigmadda ah "xaabo aan ninka soo guray aqaan ninka sida waxba igama galin si aan cudur iyo nacayb fog na idiin kala dhex dhigin idinka iyo walaalihiina kale ee Soomaaliyeed.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, February 05, 2001 - 09:44 am
Ufeeyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyy
ufeyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyy
ufeyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyy
warmataga meesha kala taga.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gaalkacyoos

Monday, February 05, 2001 - 10:58 am
waaxaan bilaabayaa waayahan is aan Sahanpress warkooda dhagta u raariciyo, marba haddii aan waa hore ku bartay wargays xag jira oo waliba Xamar ku xiran, Haatan waxaa ii soo ifbaxaya warar iyo maqaalada cusub oo wargaysku qoro in ay xambaarsan yihiin war run ah iyo xikmad badan oo runtii sidaan sheegaybe aanan uga baran Sahan, waxaan leeyahay Puntland wargaysyadoodii waa qaan gaareen, taasina waa guul Puntland iyo Somalia u soo dhalatay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Badhan

Monday, February 05, 2001 - 11:55 am
Sida SXB Galkacyo sheegay aniga qudhaydu saas baan dareensanaa laakin iminka waxay u egtahay in wargeskani macquul yahay oo dicaayadaha rakhiiska uu ka hufan yahay.... Balse waanu arkin.

Haday saan ku sii wadaan waxaan noqon ninka ugu horeeya oo ka qayb qaato iibinta loo ibinayo madbacad casriya waa haday ku talo jiraan.

Barigii aan tagay Bosaaso waxaan ku arkay wargeysyo yar yar oo ay ka mid yihiin Yool,Sahan, Kaaha bari. Hasayeeshee waxay u ekaayeen wax aan haba yaratee qiirad wadaninimo ku dheehnayo oo kuligood mooryaan xubigeedu qalbiga ka madoobeeyey shicibkuna saas buu dareensanaaa oo wax iibsadaa majirin.
Halkaas ka wad Mr.Boosasow ogowna waxa umada aan kaga duwan nahay waa: waan is qabanaa kolkii midkaayo khaldanyhay, halka mooryaantu u sacabiyaan ninkii welfeer xada ama naag kufsada ama hantida dadweynha cuna

Dixriga magaciisa qariyeyna waxaan odhan lahaa is qadhi sidaa baad ku waagsantahaye..Qadhmuun in la qarsho buu ku wacan yahay yaa mooryaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

badhan wase

Tuesday, February 06, 2001 - 11:40 am
war dhuusada meesha kala taga juhalayahay.
wasakh & usgag laysku keenay ayaad tihiin.
Qurmoonka la yiraahdo"Badhan"wuxuu ka mid ahaa kuwii lagu dhalay weedha caanka ahayd"MAHBAROW AAMUS HOOYADAA KACAAN BAA LAGU BEERAYAA".So hadda ayaa nacnac leedahay yaa usgag waaxid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JubaPuntlander

Wednesday, February 07, 2001 - 03:25 am
Aad baan ugu faraxsanahay in maanta uu soo baxay wargeys reer Puntland ah oo Runta ka sheega Ololaha guracan ee Laanta afsomaliga BBCdu ugu talo gashay in Lagu burburiyo Puntland. Waa in aan idaacadan iyo maamulkeeda cusub aan kaga hortagnaa af iyo adinba. Dadka reer Puntland laga dhaadhiciyo in ay BBCdu tahay mid doonaysa inay fuliso qadiyadii uu caydiid ka geeriyooday. Waa suaale wixii caydiid qori ku waayay Af malagu heli karaa?
VIVE LA Puntland

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BAYDHABOPRESS

Wednesday, February 07, 2001 - 04:12 am
Dacwad Loo Heysto Madaxa Barnaamijyada Laanta Af-Soomaliga ee BBCda Yusuf Garaad Cumar

Arlaadi News Janaayo London,31,2001- Wararka ka imaanaya magaalada London,ee dalka Ingriiska waxaa ay sheegayaan in ay soo shaac baxday dacwad loo heystay Yusuf Garaad Cumar oo ah madaxa barnaamijyada laanta Af-Soomaliga ee BBCda,waxaana dacwadaas ku soo oogay qaar ka mid ah shaqaalaha uu madaxda u yahay ee BBCda, waxeyna ku dacweeyeen Wilson Company oo ah Qareeno shisheeye, isla markaasna ah hey'ad u dooda xuquuqda Soomalida oo fadhigeedu yahay London, qaar ka mid ah qareenadaas Wilson Company waxey ka qeeb galeen Shirkii Jabuuti.

Yusuf Garaad waxaa lagu heystaa inuu awooda uu leeyay si qaldan uu u isticmaalay, waxyabaha uu sameeyay waxaa ka mid ah inuu qaar kamid ah shaqaalaha uu shaqada ka fadhiisiyay,qaar kale ka wareejiyay barnaamijyadii ay wadeen, qaar kale ka dhigay shaqadood mid aan joogto aheyn. Part-time ama temporary. Warar lagu kalsoon yahay waxey sheegayaa in Yusuf Garaad uu caburiyo dadka la shaqeeya qaarkood ee uu u arko ineysan isku aragti aheyn, qaarkalena wuxuu siiyay fursado si ay horay ugu socdaan, dacwadahaas iyo qaar kale ayey hordhigeen Wilson Company.

Markii loo gudbiyay eedeyntaas ayuu wuxuu yiri waxba ka ma jiraan, markuu arkay in arinta ay gaartay xag sharci iyo waxyaabihii lagu heystay oo cad iyuu isagana qabsaday qareen difaaca.

Run ahaantii arintaas ma aha tii ugu horeysay ee uu sameeyo, dad ay isugu jiraan aqoonyahano iyo indheergarad ayaa horey ugu digay sida xun ee uu u isticmaalo idaacada BBCda, aqoonyahanada iyo indheergaradyada waxey horey u arkeen inuu u xagliyo dhinaca Dowlada KMG, waxeyna ka codsadeen inuu dhexdhexaad ahaado, isla markaasna fursad siiyo Soomaalida oo dhan , isagoo isku kalsoon ayuu afbuuxa ku yiri mucaaradka boos ugama banaano BBCda, taas oo ay u arkeen inuu BBCda u isticmaalay warbaahin u shaqeysa isaga siduu raba ka yeeli karo.

Yusuf waxaa ay qaraabo dhaw yihiin Md.C/qaasim waa nin dhalinyaro ah aad u shaqo badan.Wararku waxaa ay sheegayaan inuu ka shaqaaleeyay halkaas dad isaga qaraabo yihiin oo tiradooda gaaraya ilaa iyo 6 ruux kuwa kale oo ay qaraabo yihiina waxaa u diray magaalda xamar si ay laantan ugu soo gudbiyaan warar xadidan oo u janjeera meesha uu sida aadka ah uu u taageero.

Yuusuf marna ma ogola inuu u diro wariye ka soo warama Gobollada Soomaliya qaarkood gaar,ahaan Bay iyo Bakool ama guud-ahaan dhulka Digil& Mrifle, xamarna waxaa uu ka sameeyay Cidaacad isaga iska leh oo lagu magaacaabo Radio Banadir oo waliba hadda ku tala jiro inuu u sameeyo hirarka gaagaaban, taas oo hadda ku shaqeeysa FM.ka

Yuusuf waxaa uu aad u taageera Jaraa,idka ka soo baxa xamar sida Qaran. Ayaamaha, Xoog-ogogaal kuwaas oo wax ka qora waxaa uu isaga rabo isla markaana had iyo jeer ka been abuura wararka Soomaalida kale sida Dhulka Digil & Mirifle.

Dhammaanteen waxaan wada dhowriddoona wixii ku soo kordha arintan xiisaha leh ,waxaan ku dadaaleynaa inaan idin soo gudbino xaqiiqda iyo sida ay ku dhamaato arintaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Badhan

Wednesday, February 07, 2001 - 05:59 am
My friend everything you said is true.
Also, I want to tell those filthy Moryaan lovers you Havant seen anything yet. Mooryaan, especially, the ugly face Cayrs are like termite, and the day they get the chance of controlling Somalia, you will not even be able to get your old job of cleaning a...........

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Adke

Wednesday, February 07, 2001 - 06:09 am
Xaashaalillahi,war Somaalaay ila'arka dadkaan buka cantowtowda ka yeeraya war iskuxishooda una dhaafa suxufiga magaciisa.Waxyahow meel laga abuuray aan lagaranayn.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Farah

Thursday, February 08, 2001 - 06:58 am
Mooryaankagan Qadhmuunow ma qaraar baa kaa haya marhadii dibindaabyadiinii runta laga sheeagay. Adoo kale Puntland page keeda loogama baahnee ku laabo meelihii mooryaanta.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BBC Somali Section No Longer Reliable News

Friday, February 09, 2001 - 02:56 am
BBC: No Longer a Source of Reliable News!!
MediaWatch
Boston, MA

Friday, February 9, 2001

The BBC Somali Section was lately rife with missteps and misinformation concerning recent events in the region. Given the abundance of Internet information and alternate views, it raises some troubling questions about the integrity of such reporting. Is the British Taxpayer subsidy of this hallowed institution worth the price? and is the Somali language programming, one of the BBC World Service 43 languages, heed today's journalistic ethics and standards, especially when their reporting is out of step with the events about which they report?

Ultimately the BBC and the British Taxpayers will decide. But history, the Somali audience and the free markets will be the final arbiter. In the meantime, it is worth noting that the Somali people on every corner of the globe had great respect for the BBC. They depended on it as a source of news, and they were proud of it. When someone said: "I heard it from the BBC", it was certain, then, that the BBC went great lengths to confirm the sources.

Confirmation, it seems, is no longer the modus operandi of the BBC. Worse yet, as far as the Somali issue is concerned, the BBC Somali Section motto is: do not confirm sources and never add balance. The only perspective offered and validated is that of Yusuf-Garaad Omar, the head of the BBC Somali Section and a very close cousin of the Arta Faction President. A splinter faction that savors the division of the Somali Nation and a great appetite for the shedding of Somali blood and cash donations from Libya, Sudan and Yemen. As an excellent news organization, it is hard to imagine that one man has been allowed to dictate coverage of Somali issues. May be our hopes were tragically misplaced!

Meanwhile, thank goodness for the speed of the Internet and the Somali TRUTH SQUADS. In this medium, the Somali people at least have a chance to provide accurate and instant information about events as they unfold.

We hope the BBC Somali Section quickly finds its lost bearings in these troubled waters. We hope that our former pride in the news service can be restored. We also hope the BBC is again a source of pride for Her Majesty. We hope it doesn't take the road taken by the UN's IRIN News Organization. An organization intended for the coordination of humanitarian affairs and to bridging the information gap, but has sadly recently profited from the sufferings of the Somali people; profiting by fueling the flames of the Somali civil war. We hope that they too will refocus their energies to humanitarian affairs and not to fabricated lies and constant parade of pro Arta faction witnesses that never surface. Witnesses referred to by IRIN as "confirmed reliable inside Government sources". A Government that doesn't even govern and in a prison of its own making!

SHASNA MEMBERS*

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

•••• ht e BBc

Monday, February 12, 2001 - 04:35 am
Somaliland Democracy Watch Organisation
To Promote Democracy in Somaliland


BAYAAN
BBC du Waxay Noqotay Reedyoow Muqdisho

Sida aaynu wada maqalnay, dhowaan ayay BBC da iyo dowlada Somaliland ku kala sexeexdeen heshiis BBC du ku balaadhinayso baahinteeda kana furaysao mowjada FM ta oo laga dhegaysan karo Hargeysa. Heshiskan aay hada BBCdu la gashay dowlada Somaliland oo ah mid aay ahayd in uu mudo horeba laga hirgeliyo Somaliland sida looga hirgeliyay Magaalooyinka Muqdisho iyo Jabuuti. Waxa uu ahaa mid aay hirgelintiisa uu hortaagnaa Tafatiraha BBC da ee Yuusuf Garaad taasi oo aay ugu wacnaayd ujeedo siyaasadeed oo uu aaminsan yahay.

Haddaba Laanta afsoomaaliga ee BBC da oo ahaayd mid sanadahii danbe caadaaysatay iska dhega tirida in aay ka waranto horumarka dhaqaale iyo siyaasadeed ee aay Somaliland ku talaabsatay kana faafiso warar kutiri ku teen ha oo aan sal iyo raad toona lahayn, taasi oo aay dhamaanba umada reer Somaliland ka wada war qabto guda iyo dibadaba gaadhsiisayna ilaa heer in la abaabulo mudaharaadyo kala gedisan oo isugu jira kuwo lala hortago xafiisyada BBBC da iyo qaar luugu soo gudbiyay qoraalo iyadoo la adeegsanayo qalabka is gaadhsiinta sida internetka , fagas iyo boostaba. Jaliyada Somaliland ee ku nool wadankan ingiriiska aay mudaharaadyo ka hordhigay daarta weeyn ee BBC du ku taal ee la yidhaah bush house kuna muujinayeen sida aay uga xun yahiin in BBC dii aay noqotay hayad u adeegta Abdi qaasin oo keliya iskana idha tirto waxyaabaha kale ee ka dhacaya Somaliland iyo dhamaan Somaliyada kalaba, tani oo qoraalo kala gedisana luugu gudbiyay hogaanka sare ee BBC da.

Waxyaabah kuu sii cadayn kara waxa ka mid ah in labadii jeer ee sanadkii in soo dhaafay ee jaaliyad Somaliland ee ingiriisku soo abaabuleen banaanbaxyo aay ku taageerayeen gooni isu taaga Somaliland, in BBC da si toos ah loo soo casuumay loona sheegay in bananabaxyadani aay dhacayaan aayna ka soo qaayb galaan indhahoogana ku arkaan si aay uga qortaan wixii warbixin ah ee ay uga baahan yihiin banana baxyadaas iyo ujeedooyinkii ka danbaysayba.

Laakiin nasiib daro waxay noqotay in aany labadii goor aanay marnaba iman, ama diideen in aay xitaa aqbalaan in banaanbaxani dhacay, markii aay warka ka sheegayeena aay yidhaahdeen warar naga soo gaadhay booliska ingiriiska ayaa noo sheegay in banaabax ka dhacay magaalada London. Tani oo marka la barbar dhigo mudahraad yar oo aay taageerayaasha cabdiqaasin ka dhigeen London oo dhamaaa ilaa iyo 75 qof aay markiiba warka ka sheegeen aadna u buunbuuniyeen, Halka kuwii Somaliland oo aay ka soo qaayb galeen dad ku dhow kun qof aay iska indho iyo dhego tireen.

Waxyaabahan oo dhamina waxa aay kuu cadaynaysaa sida uu Yusuf Garaad u cadaystay in uu BBC da ugu adeego ninkaa aay aadka isugu dhowyihiin ee Cabdi Qaasin uuna had iyo jeer buunbuuniyo warar aan sal iyo raad toona lahayn oo uu ku taageersan yahay Cabdi Qasin.

Somaliland waxa qudha oo uu jecel yahay in inteeda xun uu raadiyo oo haddii uu maqlo mudaharaad yar baa meel ka tiran Somaliland ka dhacay uu markiiba warka qodobka koowaad ka dhigo. Waxa uu bilaabay xataa in uu waraysiyo aay BBC du la yeelato taageerayaasha Somaliland uu diiday ama uu aad u xakameeyo.

Anagu waxaan aaminsanahay BBC du in aanay cidna waxba u dhimi Karin cidna aanay wax u kordhin Karin, sidaas darteed waxa aanu ku talinaynaa in marka hore BBC da la iska ilaabo oo aan loona baahnayn in aaynu u tagno oo aaynu nidhaahno na waraysta mar haddii aay iyadii ina soo doonan weeyday, waa laga qurux badan yahay in aay yidhaahdan qof baa manta nuugu yimid xafiiskayaga oo aanu wax ka weeydiinaynaa wax uu rabo in uu sheego ee uu naga soo doonay, ama uu talefoonka uu nuugu soo diray. Afkan oo ah mid aad u qalafsan kuna jihaysanayn habka saxaafadaha ito dimoqraadiyadaba.

Sababaha kuu cadaynay in aanu Yusuf Garaad daacad ka ahayn mowjadan FM ta waxaa ka mid ah

1.Hargeysi waxay mudanyd haddii uu Yusuf Garaad daacad ka yahay FM tan uu hadda wado in ay noqoto meeshii koowaad ee laga hirgelin lahaa kana mudnayd xamar iyo jabuutiba dhan wal oo la dayaba, laakiin waa mid aay ku keliftay culays iyo cadaadis weyn oo kaga yimid umada reer Somaliland iyo maamulka sare ee BBC da.. Tanina waxa ay ku tusaysaa sida uu u jecelyahay in uu arimahii BBC daba uu uga wareejiyo Somaliland oo aahyd halkii aay ka soo bilaabantay aasaaska BBC du.

2.Wax kale oo uu ku muujiyay hadaladiisii uu kaga hadlay BBC da iyo Raadyoow Hargeysa in aay laahyeen xidhiidh dheer oo soo jireena, isla markaasna uu xusay in qofkii ugu horeeyay ee BBC da ka hadlaa uu ka yimid Raadyoow Hargeysa, Hadaba maxaa keenay in iyadii oo Hargeysi sidaas ugu horeeysay BBC da aay noqoto tii ugu danbaysay ee aay mowjada FM tu soo gaadho, ma maanta aayuu se ogaaday Yusuf garaad xidhiidhkaas qotoda dheeraa, waa mid aad odhan karto waa qiiq isku qarin i yo is yeelyeel.

Hadaba waxa aan BBC da u sheegaynaa in shacbiga Somaliland aanay ku kalsoonayn in mojada FM ta ee uu hada Yusuf Garaad la orordayo oo ah Saanbuuse laga eedmay, aanay ka duwanaan doonin BBC dii cadiga ahayd, Somaliland idaacadeeda ayaa ku fulin, shacabkuna kaga kalsoon yahay warka aay BBC du sheegto, iyo weriyaasheeda aad mooda in aay afsomaligaba ku mergenayaan kicintiisuna ku adagtahay.

Sidaas darteed maadama oo aay laantii afsoomaliga ee BBC du noqotay laan u shaqaysa shaqsiyaad gaara kana weecatay nidaamkii u sinaanta umada afsoomaaliga ku hadasha, waxaan dhamaan xilwadeenada laamaha kala duwan ee dowlada Somaliland, ururada gaarka ah iyo dhamaanba shacbiga Somaliland iyo dhamaanba umadaha afsoomaaliga ku hadla ee dareensan dhan u janjeedhkan aan geedna luugu soo gaban ugu baaqaynaa in aany wax xidhiidh ah la yeelan BBC da isla markaasna wax waraysi ahna aanay siin haba yaraatee inta aay ka waantoobayso nidaamka kala sooca.


Guled Cabdi Sheekhaash Mukhtar Axmed Sh. Adan (Teysa) Axmed Maxamed Yuusuf


Gudoomiye Gudoomiye ku xigeen Afhayeen