Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government (Current): Guul kasoo hoyatay baaqii dowlada KMG ee soomaaliya
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

deeq1

Tuesday, February 06, 2001 - 12:24 am
wararka ka imaanayo gobolka gado ayaa waxa ay sheegayaan in ay cagaha waxka dayeen ciidamadii amxaarada ee ku sugnaa gobolka gado kadib markii la sheegay in ay usoo dirayaan qaramada midooday wafti gobolka gado. siloosoo xaqiijiyo in ay ciidamo amxaaro ah ku sugan yihiin goobtaas..

qaramada midoobay ayaa ka gudoontay baaq uu u diray wasiirku xigeenka W/arimaha gudaha Dr.cabdi cali xasan in wax laga qabto faragalinta ayku hayso dowlada itoobiya koonfurta soomaaliya.

dowlada itoobiya oo moowqufkeedu ahaa in ay dhabarjabin ku samayso dowlada KMG ah kana abuurto dagaalo cusub koonfurta soomaaliya
ayaa ku guuldaraysatay.

amxaarada oo ah cadawga koobaad ee soomaaliya ayaa waxa ay diyaar u tahay in ay gacan siiso cidwalba oo wada burburka soomaaliya.

lakiin kadib markii lagu soo jeediyay indhaha qaramada midoobay ayaa waxaa gashay cabsi ah in cunaqabateeyn si fudud loo saaro itoobiya.

itoobiya oo qaladaad badan gashay sanadadii lasoo dhaafay.
sida dagaalkii Eretarea ayaa waxaa u muuqatay in ay dunidu u arkayso dhibaatada ka taagan geeska afrika in ay ka danbayso dowlada itoobiya.

waxaan kala xisaab tami doonaa amxaarada wixii aynoo gaysteen markaan dowlad noqono.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

saadaq

Tuesday, February 06, 2001 - 03:06 am
deeq1 mala hubaa in ay amxaaradii ka guurtay gobolka gado. arintaas waxay guulwayn u hatay soomaali oo dhan dhabar jabin wayna waxay u tahay u adeega yaashii amxaarada..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

patriot

Tuesday, February 06, 2001 - 08:23 am
deeq iyo saadaq

ma soomaalidii baa amxaaro idinla noqotay, lol allow doqomada u gargaar, war dawlada aad sheegaysaan xagee ka taliyaan, waxaa hab mamul ah la dhahaa sida puntland ama somaliland, oo inta dhulkaa baaxaadaa leh waxay hoos yimaadaan maamulo loo yaqaan.

war ethiopia idinma haysatee waxa idin diiday oo qurunkiina sanka ka qabsaday waa shacabka soomaaliyeed ee nabada jecel.
united nation ayaa wax weyn idinla noqotay, miyaydaan ogayn inay tahay organization oo wixii dawladaha ka raali yihiin qabata, UN-ta ha idiin qabato dhamaan dhulalka soomaaliyeed dameero yahay. waxaa la yiri dameerka aan xasuusan xanuunkii shalay loo gaystay, mise waxaa tihiin umul durba ilaawi ogidaa dhibkii afweyne.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deeq

Tuesday, February 06, 2001 - 02:12 pm
ITOOBIYA waxey ciidankeddi kala noqotay B/XAWO iyo DOLOW kabib marki Wasiirka Arimaha Dibadda ee YAMAN uu ku guuleystay wanwanti uu labadda dal ka dhex waday.
SOOMAALIYA iyo ITOOBIYA waxey aqbaleen in ay isgu yimadaan TOBAN qodob oo uu soo jediyay Wasiirka YAMAN.

Waxaa qodobadaas ka mid ah:

IN MAAMULKA DALKA LAGA QAYB GALIYO XOOGAGA SIYAASADEED EE XAQOODII LA DUUDSIYAY.

SIDAASNA LOO TURXAAN BIXIYO HEESHIIS KU SHEEGA CARTE LAGU GAARAY.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hallow

Tuesday, February 06, 2001 - 04:36 pm
Xaa Ka macno ah hada ayay ku soo noqonoyaane
marka a wafdiga iska tago,wafdigase yaa sii
raaca dkm ah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

deeq1

Wednesday, February 07, 2001 - 12:41 am
to:patriot

war heedhee adiga iyo inta ku qarwo habeen iyo maalin puntland iyo somaliland yay waxwayn la tahay dowlad goboleed iyo xeracidla ah oo masaakiinta amxaaro lagu hor horaysto..

saxiib shacabka soomaaliyeedna meel walba ooy joogaan waxay u ooman yihiin dowlad iyo waxqabad dhinacwalba ah.

caafimaad, waxbarasho, nabad. calan iyo sharci iyo kaladanbayn iwm.

puntland somaliland qashinland iwm midna uma hayo shacabka intaas iyo wax udhow toona, shacabku waxay u baahan yihiin in loo abuuro shaqo iyo siday u noolaan lahaayeen
inta aad salalsan tahay adiga ma garan kartid lakiin markaad hurdada ka toosto yaad garankartaa ma igaratay heede mase dhagax aan waxba galayn yaanla hadlayaa lol warbal hurdada kakac.

waxaan kaloo intaas kuugu dari lahaa hadaad og tahay macnaha magaca patriot amxaaro iyo shisheeye uma aadan sacab tunteen..

bal maanta intaas hana kala gaarto..nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

somali

Friday, February 09, 2001 - 12:35 am
hadaan isku dayo inaan waxka taabto itobia ama waa maxay amxaaro maxaana naga dhexeeyo anaga iyo xabashida.

dad badan oo soomaali ah ayaan is waydiin itobia iyo meesha aan taariiq ahaan kala joogno ayaga oo fiirinaayo xaalada maanta..

amxaaro iyo anaga waxaa naga dhexeeyo dhul.
dhul ay leedahay somaliya yay haysataa dowlada itobia kaas oo dadka soomaaliyeed ooku nool aysan haysan daryeel ku filan.
dhan dhaqaale caafimaad iyo waxbarasho iyo shaqaba..

dhulkaas oo dhiig fara badan u daatay dartiis awoodii soomaaliya lahaydna hoos u dhigay markii aan u dagaalanay xorayntiisa.

itobia oo marwalba ayku taagan tahay arinta ah soomaaliya goormay dhulkeeda usoo laba kaclayn doontaa ayaa waxa ay isku dayaysaa in ay u qoto dheeraysato tabar darida soomaaliya.

dadbadan oo soomaaliyeed yaa waxa ay u sacaba tumayaan mowqifkaas itobia ayaga oon marna jaleecin danaha itobia iyo dadka gacan saarka laleh mowqifkooda..

itobia oo hadba shaqsi dangaar ah leh gacan saar lasamaysato hadhowna marka ay iska horyimaadaan inta dambi u samayso wanted ka dhigto marka uu ula soo laabto inuu u adeegana gacmo furan kusoo dhowayso..

waxaan ka naxaa hadba qof soomaaliyeed yaa si damiis xuma ah u guntado in loo adeeg sato dib u dhiga dalkiisa hooyo iyo burbur cusub oo laga abuuro somalia..