Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Puntland Politics: Puntland Politics (Current): Horta Yaa Taageera Abdullahi Yusuf?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kacaan-diid

Tuesday, February 06, 2001 - 11:30 am
Sida aynu la soconno madaxda jabhaduhu (faction leaders) wuxuu mid walba taageero ka helaa, jilib hoosaadkiisa.

Marka waxaan idin waydiin lahaa yaa taageera Abdullahi Yusuf, yaase kasoo horjeeda? Sidaynu la wada soconno waa 5 gobol, waxaana daga qabaa'il tiro badan, in kastoo ay isirka guud wadaagaan.

1) Ma qoyskiisa oo kaliya baa meesha ku haya, oo waxa askarta ah, iyo waxa dowladda ah oo dadka xirxirayaa waa reerkiisa?

2) Ma reer Mudug baa taageersan, reer Barina waa ka soo horjeedaa?

3) What about Sool iyo Sanaag ?

Bal qof walbow siday kula tahay adoo fasiraaad bixinaya noo sheeg walaal.

Aan hormarsadee, anigu waxaan qaba in Abdullahi 5-ta gobol oo Puntland-ba uu taageero badan ka haysto, dad mucaarad ahna uu ku leeyahay meel walba.

Ma u malaysaan in Abdullahi uu Puntland xoog kaga taliyo, isagoo reerkiisa u adeegsanaya "koofiyad guduud", sida dadka qaar naga dhaadhicinayaan. I don't think so. Ma u malaynaysaan inuu Puntland ka talin lahaa isagoo aan taageero ka haysan dhammaan qabaa'ilka oo dhan.

Maxay kula tahay adiga?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Badhan

Tuesday, February 06, 2001 - 12:47 pm
Anigu sidad sheegtay baan qabaa waana xaqiida waadaxa ah.

Abdillhi Yusuf Gobolkaan ka imi waxa uu ku leeyahay taageero ka badan laba goor ta ina Cigaalka Sakhraanland ku leeyhay sidoo kale waxuu leeyahay dad badan oon maqli karin .

Waxaase xaqiiqdu tahay magaca Puntiland iyo qadiyada guudi waa muqadis oo nin macaan raacay oo dee kolba isagu qabanaya meeshay ka curatao maahine dadku 100% waa laysku wada raacsan yahay.

This is based on my observation while I was there......

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Laas-caanoodi

Tuesday, February 06, 2001 - 05:07 pm
Badhan arintaa waa kugu raacsanahay. Waxaan filayaa in C/Laahi yuusuf taageero ka haysto dhammaan gobolada Puntland. Sababtoo ah dadku waxay rabaan in Puntland shaqayso. Sida muuqatana waa shaqaynaysaa haba la isku dayo in la maja xaabiyee. C/Laahi maaha nin fiican oo taageera iga haysta laakiin ma rabo in Puntland kala googo'do waana fursad wacan oo aan ku midaynayno dadkii gumaysigu kala qaybshay. Saad usheegtayba ma jiraan gobol aan dadka inta badani taageersanayn sidoo kale gobol walba dad baa kasoo horjeeda.
Viva Puntaland

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dr.Maxamed

Wednesday, February 07, 2001 - 03:04 am
War beenta iska dhaafa oo ilaah ka cabsada
Xaqiiqda ha iska indha tirina
Markaad wax Anaylys ku sameyneyso waa inaad
waa qac kusaleysaa ee ma aha sida aad adigu
jeceshahay hadii aan usoo laabto suaasha
yaa taageera C/llaahi YuSUF.
Mudahaaraadkii ka dhacay Boosaaso iyo
Dagaalkii Qardho labado waxay ka tarjumayaan mowqifka ay ka taagan yihiin C/llaahi Yusuf
Hadaba C/llaahi Yusuf Taageerada ugubadan waxuu
ka haystaa Gobolka Mudug oo ah
CumarMaxamuud stronghold Tusaale hadaan kusiiyo Nimankii
lagu xirxiray inay ka danbeeyeen Mudaharaadkii Boosaaso islamrkiiba waxaa lageeyey magaalada Galkacyo iskuhaleen owgeed ugudanbeyntii
C/llaahi yusuf waxaa meesha ku hayo Cumarmaxuud
tusaale ninka GaaGaab waa nin CIDUU DOONO CASILA
CIDLAHADSHAAN AYSIN JIRIN,
Waxaa kaloo C/llaahi Yusuf meesha ku haya dowlada
Ethiopia oo ka ilaalinaysa External Threat ama
Cadow dibada ah sida DKM AH
Cadowga Gudahana waxaa u xilsaaran Cumarmaxamuud
oo Gaagaab ugu horeeyo.Qofkii taasi shaki kaga jirtaana maalmaha soosocda ayaad ogaandoonta
Marka Xasan Abshir iyo KingKong Yimaadaan Boosaaso iyo Garoowe

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Badhan

Wednesday, February 07, 2001 - 05:21 am
Dr. Mohani,

Yaa Mooryaan ibnu mooryaan lover, if you're a real doctor why don't you do something about your people's missery.

We lost one girl in Bossaso,Allah u naxriisto, and that one girl was more valiable than the entire moryaanis of Hawlwadaag or Kaaraan, and this is why they die like flies and no one even cares to mention their names.

I don't think that you are a real doctor, coz the moryaans brain is little bit smaller than that of chickens, and it does't matter how many initials you put in front of your name, you're still going to be a sub-human trashy moryaan.

Like I said many times, President Yusuf's issue is non of mooryaanis busniness. He may not be the best leader, but the fact that he is your nightmare alone, qualifies him as the perisedent of Puntiland State of Somalia.

So, come caroling and beg us like you shamelessly do in welfare offices, then we will see what we can do to elevate your pain....

And yes Mr. Glaydh, Abshir, and King kong are there in Mogadisho for the interest of Puntlanders, believe it or not.

In other words they are there to create confusion among your already confused and lost creaturs.
So, get a life you filthy Mooryaanis........

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

farxaan

Wednesday, February 07, 2001 - 05:47 am
c/yuusuf taageeradiisii maweyna, caqligaabka iyo reerkiisa uunbaa taageersan. maxaa qoflagutaageeraa waxqabadkiisa, guul siyaasadeed iyo midciidan ahaan xitaa makeenin, dadka shacabka ah ayaa dhistay puntland
1)wuxuu sabab u ahaa qabsashadii boosaaso
2)wuxuu maamulkii uisticmaaley inuu kugaadho guulo siyaasadeed oo isaga gaar u ah, meeshii larabey inuunoqdo midumada uadeeeg
3)itoobiyuu lasaftey
4)Shirkii ceelbarde oo waxba kaqusayn puntland oo saxeexay
5)marabo inlala tartamo doorashada soosocata

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Farxaan

Wednesday, February 07, 2001 - 05:48 am
some correction
1)wuxuu sabab u ahaa qabsashadii kismaanyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kacaan-diid

Wednesday, February 07, 2001 - 06:14 am
Badhan, walaal Seefta Galka ku cesho wax yar. Bal marka hore aan isku dayno inaan dadka fikradahooda ogaanno, waxna ka waydiinno waxay qabaan. Markaynu wadahadal iyo wax iska dhaadhicis ka quusanno, seeftaada la soo bax markaas.

Dr. Mohammud,

Waxaad tiri "Cadawga Gudaha waxaa u xilsaaran Cumar Mahammud", waxaadna tusaale usoo qaadatay Gaagaab, oo xubin ka ah Paarlammaanka.

Ma rabo inaan duro aqoonta aad sheeganayso, waxaanse ka shakisanahay xog ogaalnimadaada Puntland. War heedhe marka hore Abdullahi, cadow kuma leh Puntland, haddii cid walba oo kale oo 5-ta gobol oo Puntland joogtaana ay cadow u ahaan lahayd, Cumar Mahammud waxba kama celiyeen. Tan Gaagaab oo aan xukuumadda member ka ahayn, aad usoo qaadatay, waxay ku tusinaysaa inaad wayday wax Cumar Mahammud ah oo magaciisa la maqlo oo la yiraahdo ninkaas baa dadka dhibaya, oo Abdullahi la reer ah. Caddaaladda ha ka tegin, oo ogow dadka meesha akhrisanayaa inay waxgarad iyo xog ogaal Puntland u badan yihiin.

Tan maxaabiista, wax ku jaban uma arko haddii magaalo ka mid ah Puntland la geeyo oo lagu xiro. Galkacyo kaliyana laguma hayee, Garowena qaar baa ku xiran, mase waxaad ka mid tahay inta rumaysatay reer Garowe waa diideen in lagu xirxiro dhulkooda.

Ilaa hadda waxaad sheegtay inuu Omar Mahmmud taageero badan ka haysto, waana kugu raacsanahay, waxaadanse noo sheegin cidda uusan taageero badan ka haysan oo Puntland joogta. Aynu markaas ka hadalnee, adoon qiiq isku qarin, walaal noo sheeg qolada Abdullahi looga baqayo, oo cadowga ugu ah Puntland.

Farxaan:

Jawaab kama aadan bixin su'aashii lagu waydiiyay, ee wixii aad adigu qabtay baad ka hadashay.

Waxaad tiri "Caqli gaabka iyo reerkiisa baa taageera". Waa yaabe dadkii aan horay u sheegay oo ay issimadu ugu horreeyaan, ma caqli gaabkaa, mase waa reerkiisa.

Dadka wixii aan Carta Group taageerin, oo dadka iyo dalka in lacag la siisto diida, Farxaan ma maan gaab baa?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shermarke

Wednesday, February 07, 2001 - 06:37 am
Badhan

Cudurka ku haya Allah ha ka boksiyo!!!

Puntland iyo siyasaad waxba kama taqanid eh meesha ka bax!!

Ninka raayi kaga ka duwan leh ma qasab ba inuu moryaan ahaado?????

Cabdullahi ma Illahay ba?? Shacabka ayaa Punland dhisteey eh sidaas la soco, jahiil ayaad tahaay, Puntland iyo dadkeeedana wa cebeynesa, fadlan si degdega meesha ka bax!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dr.Maxamed

Wednesday, February 07, 2001 - 07:35 am
To kacaan diid
walaal waad mahadsantahay sida sharafta leh
oo aad rayigaaga uga dhiibatay arintaan
walaal suaasha meesha taagan waxay tahay
Puntland masiday ku bilaabatay mase meesha ay arintu maanta marayso waa labo arimood oo kale duwan. Teeda kale arinta Puntland yey Quseysaa
Anigu waxaan aaminsanay arinta Puntland waxaa maanta meeshaa dhigay inuu yahay C/llaahi Yusuf
oo ka dhigtay sidii makhaayad uu iska leeyahay
dadkeedina dulleeyay oo kadhigay wax laxiro
oo layiraahdo Hawiyaa lacag soo siiyay iyo
Qaar rasaas ooda laga qaado hadaba maxay ku kale duwan yihiin C/laahi iyo Zenawi.
Puntland waxaa dhista dadka 5 Gobol oo daaroodka ah
waxayna udhistaan inay uga nabad galaan qalaasaha
ka taagan wadanka intiisa kale
Markii dowlada Soomaaliyeed dhalatana wax lala
Qabsado C/llaahi yusufna sidaas ayuu ku ogalaaday.
Marka arintu waxay tahay maanta dowlad soomaaliyeed oo Caalamkuu dhan ictiraafeen ayaa
dhalatay dadkii Shacabkii reer puntland waxay rabaan inay wax la qabsadaan walaalahood oo waa
ayaga ufaro baxasanaya oo raba inay wax la qabsadaan Hadaba maa loo yeelo sidii shacabku rabo hadii aan meesha agenda kale ku jirin, Arinta aan iri cadowga gudaha waxaan ula jeeda
Mucaaradka kasoo horjeeda oo siyaasada ah
taas macnaheedo ma aha inuu cadow hubeysan yahay
C/llaahi mamooga dhaqdhaqaayada kasocda
Gobolka sidaas daraadeed wuxuu rabaa inuu cadaadis saaro oo caburiyo,
arinta Gaabgaab waxaan usoo qaatay ma ahan inaan
waayay qof cumar maxamuud ah ee waanin ay dadbadan kayeebeen awood uleeyah dadka qaarkiisna
ay aaminsanyihiin inuu ka awood sareeyo C/llaahi
sababtoo sidee ku dhacday asagoo Xubin baarlamaan ah inuu ciduu doono casilo Yaa siiyay awoodaas,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BANDERBAYLA

Wednesday, February 07, 2001 - 08:11 am
AFUGUDUUD TAGYAY MADAXWEYNE CUSUB BAA LADOORAN DOONAA DOORSHADA SOO SOCOTA


PUNTLAND HANOOLAATO
AFGUDUUD HADHACO

PUNTLAND UMA BAAHNA DIKTATOORKALE SIYAAD BARE BAA NOO GUFILNAA

HADHACO ASKARIGAAN UMMADDA MAJAXAABIYEY

WAR PUNTLAND HALA BAD BAADSHO INATAY NOOSHAHAY

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Badhan

Wednesday, February 07, 2001 - 08:20 am
Kacaan-did mahadsanid, waxa halkan wax ku soo qoraya ma ay mutaysan jawaab wanaagsan oo dee markii nin rag ahi uu leeyahay karti uu ku sheegto waxa uu yahay uun baa jawaab la siin karaa. Qadhmuunka ma shaqaystayaasha oo kolkii caydhii ku filaan wayday magacyada waawayn soo xidhay oo rajeynaya bal in aabaha mooryaantu, waa ina boy e, uu golahan ku arko magacooda deedna looga yeedho If iyo aakhiro, waa X Xamar e, jawaab toodu waa, yaa dugaag yur,yur,yur,.

Waar dawlada Somaliyeed eed sheegin aniga waxay ii tahay Mooryaan kariminal ah oo bal in ay wax maamulaan ha joogtee u baahan in gabigoodba jeelka lageeyo ama tiidhka la taago.

Waar aniga Abdillaahi Harti uun baan wadaagnaa laakiin marnaba ma yeelayo dixri macaan jecel ahi in ay aniga, magacyga iyo qadiyada umadaydaba iibsadaan.

Waar Abdillahi baa Ethiopia galaydan iyo waxaad aad sheegaysaana iga walee ayadoo run ah baanu keeni haba lays-bartee.

Dictoornimadan iyo waxaan aad rabto inaad xaadhkaad qortay qaymaha ugu yeeshana, Sxb anagaa ayadoo run ah wadana hadii janadii lagu galayo aduunkana ay ay wax na tartaa oo welfare kaga kaaftoonay iyo in aan mooryaan futda ka dhunkano.

Sharmaarke, sxb anigu ma diidani rayiga duwan balse waxaan diiddan ahay dicayada rakhiska oo qadhmuun Somali oo dhan siisanaya caanateyn uu masraxa la yimi.

Hadayna naga xishoonayn oo wax grashadayada ixtiraamayn dee ana xaq baan u leeyhay in aan iraah waar naga aamu yaa ibnu sinaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kacaan-diid

Wednesday, February 07, 2001 - 08:45 am
DR. Mohammed,

Waxaad tiri shacabku dawladda dhalatay bay u fara baxsanayaan, ee maa loo yeelo. Walaal waxaad ka hadashay waa kooxo interets groups ah, oo aan wakiil ka ahayn shacabka.

1) Wali ma maqashay cid Parlammaan-ka ay 5-ta gobol soo wakiisheen ka baxday oo ina Salaad Boy iyo Arta raacda?

2) Immissa issim (Genuine Issims), baa taageeray Arta faction, oo leh ha la aado Muqdisho.

3) Immissa Wasiir oo Puntland ka tirsan baa Xamar aadday iyagoo dadkooda matalaya.

Waxaan intaas kore kuugu soo qaaday, waa dadkii dadka matalayey oo ay wakiisheen. Dhulkeenna sidaad la socotid poll lama qaado, lagu ogaanayo mowqifka shacabkoo dhan. Waxaase la eegaa, halka ay salaadiinta, odayaasha, Issimada, Siyaasiyiinta, iyo waxgaradka Guud oo beel walba raacsan yihiin.

Waxaa la dhihi karaa cid allaale ciddii mas'uul ah oo Puntland ahi, waxa Carta lagu soo dhisay waa kasoo horjeedaan, waxayna la mowqif yihiin xukuumadda iyo madaxweynaha. Marka sow khalad ma aha inaad tiraahdaan ha la raaco shakhsiyaad isugu jira siyaasiyiin ku kacsan Abdullahi Yusuf, iyo kuwo in wax loo tuuro raadinaya uun.

Armaad tiraahdaa Issimada iyo odayaashu Abdullahi way ka baqayaan inuu xirxiro, oo ma hadli karaan.

Walaalayaal isla yaaba, oo haka dhigina shakhsiyaadka gaarka ah oo Arta raacsan, oo qaarna Xamar fadhiyaan, qaarna la yiri Puntland qasa, inay dadka rabitaankooda ka tarjumayaan.
Dadka waxa ka tarjumay cidday wakiisheen, oo doorteen. Unfortunately for you, that happens to be Abdullahi Yusuf and his administration.
Ragga aad tiri Puntland bay aadayaan dhawaan, ma iswaydiisay ilaa waagii Arta laga soo kacay waxay la aadi waayeen Puntland oo ka horjooga. Haddii ay yihiin dad la soo wakiishay oo reer Puntland Arta u joogay, sow inay dadkii dirsaday ku war celiyaan oo dawladda ka gadaan ma ahayn. Runtu waxaa weeye nin walba reerkiisii baa ku leh, war ha noo imaan annagu kuma aannan dirsane, taasana ku khasabtay inay humilation la ag fadhiyaan ina Salad Boy.

Walaal, dadku xor buu u yahay inuu cidduu rabo taageero, oo adiga iyo intii kula fikrad ahiba waad raaci kartaan Arta Group, oo aan aqoonsanayn Puntland kana soo horjeedda jiritaankeeda. Laakiin waa inaad ogaataa in nabad galyada Puntland ay muqaddas tahay, ciddii isku dayda inay khalkhal galisana ay waajib ku tahay in maamulku tallabo ka qaado.

Arta faction has no place in Puntland. At least not yet. If one wants to support them, one must leave Puntland and join them in Mogadisho hotels.

Sababta Abdullahi uu Puntland uga taliyo waxay tahay oo kaliya, mar kasta wuxuu haystaa taageerada ugu badan oo nin siyaasi ahi ku leeyahay 5-ta gobol. Markasta wuxuu ka tarjumaa rabitaanka shacabka intooda badan (he always has enough grass roots support).

Marka walaal ma aha Gaagaab, mana aha Cumar Mahammud waxa meesha ku haya, ee xaqiiqda ka hadaloo ninku meesha wuxuu ku joogaa, rabitaanka 5-ta gobol ee Puntland, iyo nacaybka ay isaga u qabaan cadawga Puntland iyo wixii u adeega.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Keyse

Wednesday, February 07, 2001 - 09:07 am
Salaan kadib:
Akhyaarta meeshaan ku sheekaysanaysa waad salaamantihiin.
Hadaan idinkala qaybqaato doodiina, anigu ma arko C7laahi reer hebel ayuu taageero kahaystaa iyo kama haysto doodu inay noqoto hadii uu beel kamida beelaha keliya puntland taageero ka haysto meeshaba majoogeen.

Waxaan dhihi karaa badi shacabka reer Puntland C/laahi mar danbe xiiso um hayaan.
Wxaanse is waydiiyaa
Aduunkaan aan ku noolnahay laba xisbi haday tartamaan oo uu mid guulaysto midka dawlada soo dhisaayaa waxa uu dawlada ka soo qaybgeshaa xisbiga mucaaradka ah

C/laahi Maamul wanaag waa ka hoos baxay maalintii uu guusha helay intii ka ag sacabtumaysay unbuu soo dhawaysatay intii kalena afkuu u taagay, laakiin hadii uu oran lahaa kalaya dawlada ila dhisa igala soo qayb gala keligay wax manoqon karo maanta halkaa ma aanu yaaleen.


Dr: Maxamed walaal waqtiga ayaa isga kaa khaldan maanta shacabka waxbadan ayaa uga baxay Dawlada carta lagu dhisay waxaana filaayaa inaanay halkaas u ordayne ay u ordayaan maamul xalaala
horumara hagaagsan
Iyo hufnaan loo wada dhaqmo.
Nabadeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XAAFUUN

Wednesday, February 07, 2001 - 10:17 am
salaan
waa dood fiican hadii aan meesha cay la soo gelin
marka hore c/laahi yaa doortay? waxaa doortay reer p/l badidooda.
lays kuma hayo inuu leeyahay dhaliil, lakiin su'aasho waxay tahay ayaa lugu badili karaa?
Tan ma kursi doonbaa?
Jawaab waxaan ka heli karnaa, markii la waydiistay in uu carta tago oo loo diyaariay wasiirka koowaad waa tuu diiday,
ma lacag raadis baa?
oo sow kama heleen cartaba.
Hadaba ninkani waxaan laysku haysan in uu taageero fiican ka haysto 5 gobol, ee P/L
hadii uu san haysan ma hayn kareen xukunkan.
NABAD GELYO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

REAL,LAASCAANOOD

Wednesday, February 07, 2001 - 10:34 am
War nimanyahaow labaad isku khaldaysaan,waxaad isku khaldaysaan wixii puntland loo dhisay iyo c/laahi yuusuf.
War punland waxaa loo dhisay inaynu samaysano maamul ina haga oo wanaag inagu haga,c/laahi yuusuf iyadoo la wada ogaa inuu dhiigyacab yahay ayaa hadana loogu shubay sababtuna waxay ahayd waxaa lagu jiray wakhti colaadeed oo waxaa la isla lahaa bal Gaalkacyo ha difaaco,hadana waxaad moodaa wakhtigii colaadu waa gebagebo ,markaa wax baahiya oo manta loo hayaa nin askari ahi ma jiro,waxaa loo baahan yahay nin aqoon umada ku hogaamin kara,nin muslin ah,nin dadka dhegysta,meeshan dadka isu yimid waa dad isku faamili ah ,nina nin ma khasbi karo,kaman awood badna,hada waxaad moodaa in istexgelintii iyo kaladanbayntii ay dhamaatay oo c/llaahi yuusuf iyo inta taageertaa ay siday doonaan ka yeelayaan,suldaamadii,garaadadii,cuqaashii iyo wax garadkii umada,ninkii is yirahda wax saxba xabsibaa lagu tuurayaa. what is that???
Anigu waxaan u dhashay gobolka Sool,wax tageeri ah oo aan u haynaa Ina yuusuf YEEY haba yaraatee ma jirto,gobolkan garaadbaa xukuma la yiraahdo Cabdiqani Garaad Jaamc,isagiina amarbuu nagu siiyey in aan la taageerin ina yuusuf yeey.
Ina yuusuf yeey weligii cag ma soo dhigin Laascaanood ,Ceerigaabo iyo Buuhoodle toona markaa weligiisba wax rajo ah kama haynin dhulkayaga,hadana iskaba daa,oo uu dhiigii tolkii daadiyey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Badhan

Wednesday, February 07, 2001 - 11:25 am
Waar naag yahaw gobolka Sool afkiisa kuma hadli kartid kala bax macaan jeclida golahan. Anagii iminka ka nimi baad noola iman sheekada jaadku ku tusay.
Waar haday adiga kula tahay in colaadii dhamaatay taasi waa caqli nin caantey hagayoo oo kula yaabi mayo.
Qadhmunyahow ha kala gayn Hartiga wada dhashay dhuuni raac ah oon ma'da lahayn.

Waar anigu Iidoor iyo Amxaaro baan u gali intaan dixrig Caydh oo iimaanka la, daba gali lahaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

farxiya

Wednesday, February 07, 2001 - 04:59 pm
war nimanyahow soomalyeed wax iskula hadha war waxa la yidhi binuaadamkuwuxuu isufahmaa wada hadal xayaankuna urda, wadal hadalkii miyuu dhamaadey ma finishbaayoo somaali weyn waa lagu kala tagey oo sawtii aan moodayey daarood inaad intaa ka garaadbadantihiin, dowlad baanu dhisney iyo sheekadaasi socan mayso cid idin ictiraafeysaa majirto ee wadankeenii quruxda badnaa sidaan uwada dhisilaheyn halaga teliyo waxan idinkala soo hadlayaa xadka jabuuti lowyacade markaa walaalayaal hakala googeynina wadanka ee inoo dhisa hadii kale sidaa carabta oo tobondowladood ah yuhuudu ugu amarkutaagleyso ayeynu ku dambeyn wixii dhaceyna iska ilooba dadkeenii geeriyoodeyna ilaaheey hawnaxariisto wadkiina isu celiya oo ha googeynina hadaad idinku wadanka dhistaan soomaalland waa khasaba ineysoo noqoto...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Keyse

Wednesday, February 07, 2001 - 10:37 pm
Salaan kadib:
Kacaan-diid & Xaafuun Walaalyaal waxaad tiraahden c/laahi wuxuu kahaystaa taageero buuxda shanta gobol ee puntland anigu dood ayaan arinkaas ka iri igana hooya.

Marka kowaad qof haduu is soo sharaxo wuxuu helaayaa taageero iyo mucaarad diidanba labadaba guushiisuna waxay ku xiran tahay hadba taageeradiisu siday u badato.

Idinkuma diidani in Madaxweynaheenu uu helay teegeeradii u badnayad 1998 ee garoowe, hadaba taageeradaas uu helay ma lumiyay mise waa ka faa,iidaysat weeye su,aashu.

Inta badan mas,uuliyiinta aduunku waxay isku dayaan inay ka faaiidaystaan taageerada kowaad oo ay meesha ku yimaadeen.

Clinton waa uu ka faa,iidaysat waana sababta mar labaad loogu doortay.

Ehud Barak oo siwacan uga guulaysata Natanyaahu doraad ayaa Knockout lagu dhuftay, taasi waa tusaale,
Hadaba madaxweynuhu maaha Isim kaas oo hadii la doorto weligii taageerada iska haysta ilaa uu ka dhinto ama uu miytirbeelo.

Hadaba waxaa laga yaabaa inaad tiraahdaan oo hadii taagerada shacabku ka luntay muu meesha isga tago, taas waxaan uga jawaabayaa

Madaxweynuhu xaq ayuu u leeyahay inuu dhamaysto waqtigii loo qabtay taas shacabku way sugaayaan

Mida kale oo aan la hilmaamayn waxay tahay in aan ku noolnahay Africa.

Doorashada soosocota iyo waaga cusub
Waxay ila tahay in dastuurka hada lawadaa yahay
Anaa qalaya anaa qaybinaaya anigaana isdooran arinkaasna wuxuu uyaala siday u ansixiyaan Isimada ,Waxgaradka iyo wixii daacad u ah shacabka reer Puntland

Marka Kacaandiid(magacfiicanaah) tusaale aan fahmi karo lana taaban karo isii kaas oo sheegaya maanta in uu yahay Madaxweynhu ninka ugu taageero wanaagsan.

Dhinaca Sool & Sanaag kaalintii uu kulahaa waa gabay maamulku ilaa maalin dhawayd ka akhrinaayay
Warsidaha Puntland (reer Sanaag Bari markii ay booqdeen wafdi ka socda maamulka waxay yiraahdeen maamulku cagta hanagu badiyo!!)waa goorma sadexsano kadib ayaa loo wada hadlaayaa sidii dad aan is aqoon!!


Nabadeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil-Qardhood

Thursday, February 08, 2001 - 05:03 am
waad salaamantihiin!
To:Keyse
Walaale Keyse waxaad tiri Ina Yey kama faaiidaysan shacbiyaddii uu helay adigoo qiil ka dhigay in uusan dadkale ku soo darin dawladda tusaalena waxaad u soo qaadatay Ehud Barak.
Walaale sideedaba xisbi ama madaxweyne haddii uu helo aqlabiyadda kuma uu khasbana in uu cidkale dawladda ku darsado, marka Ina Yey kuma uu khasbana in dadkale oo aysan isfahmikarin uu dawladda ku darsado -inayse kujiraan dawladda yaa yaqaan ileen xisbiyo lagu kala garto majiraan e-, marka taas Ina Yey loogama dhigi karo cillad.
Tankale waxaa wanaagsan inlays waydiiyo in dadkii Ina Yey latartamayay markii hore ay diyaar u ahaayeen in ay dawllad Ina Yey ladhisaan oo ay wasiiro u noqdaan. kolba anigu waxaan ogahay in mid kamid ah nimankii latartamayay uusan ogolayn in uu kamid noqdo dawlad Ina Yey uu utaliyo. marka haddii aysan iyagu ogolayn i nay wax ladhisaan kuma uu eedaysna taas.

To: Reer Puntland(Keyse, Xaafuun, Sharmaarke, Badhan iyo Kacaandiid)
Ama Ina Yey 100% hahelo ama 51% kolay waa madaxweyniha Puntland isaga ayaana Puntland magaceeda siyaasadeed ku hadli kara ilaa inta aan midkale ka doorandoono! sidaas darteed waad ku mahadsantihiin sidda hiillo iyo hoobada leh ee aad isu garabtaagaysaan "ninwalba dadkiisa ayaa difaaca" ama mucaarad halagu ahaado ama muàyid haloo ahaado e, markasta xuquuq madaxweyne ayuu nagu wadda leeyahay .

To: Reer Carta (Dr Maxamed iyo Farxaan)
War Maxamed ninyohow baldib isugunoqo oo kafiirso waxa aad ku hadlaysid iyo cidda ay danta u yihiin,
"Ina Yey Cummar Maxamuud baa meesha ku haya" "maangaabka iyo laftiis ayaa meesha ku haya" haddalkaas waxaa mooddaa in uu afka Ina Salaad Boy ka soo baxay
Midda kale waxaad tiri Puntland waxaa loo dhisay in dawlad soomaaliyeed lagu gaaro oo kaliya.
Horta Puntland in dawlad soomaaliyeed lagu gaaro oo KALIYA looma dhisin ee Xattaa haddii ay DAWLAD somaaliyeed timaado waa ay jiri doontaa -waligeedna way jiridoontaa-.Laakiin waxaananba jirin Dawllad soomaaliyeed oo aan ku gaaray.
S/C

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Badhan

Thursday, February 08, 2001 - 05:56 am
Marka laga reebo labada shakhsi ee Kofurta ka yimi, waxaad halkan ka cadayseen dagananshihii looga bartay umada aan ka dhalnay kaas oo dee runtii ah waxa Somalida dugagowday naga duway ah na wax lagu faano.

Aniguna waan cadhooday oo in kastoo Somalidu tiraah nin cadhoday laga adkaa hadana damiirkaygu iima samaxayo in waxa yar yar ee qaaqawani dad inta isaga kaaya dhigaan deedna fidno nala soo dhexgalaan.

SXB yaal halkaas ka sii wada oo dee kii si macquul ah u hadlana tusa shucuurta dhabta ah shicibka ree Puntiland Illah idinkuu xikmadii idin siiyeyeye kii mashaakil iska dhiga oo caqligiisa injirta le'eg damca in uu wax nagaga dhaadhiciya aniga ha la ii daayo.

Puntilander now and Puntilander Somali forever.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yusuf Qardho

Thursday, February 08, 2001 - 06:11 am
Sababta Abdullahi uu Puntland uga taliyo waxay tahay oo kaliya, mar kasta wuxuu haystaa taageerada ugu badan oo nin siyaasi ahi ku leeyahay 5-ta gobol. Markasta wuxuu ka tarjumaa rabitaanka shacabka intooda badan (he always has enough grass roots support).

Xaqiiqda ka hadaloo ninku meesha wuxuu ku joogaa, rabitaanka 5-ta gobol ee Puntland, iyo nacaybka ay isaga u qabaan cadawga Puntland iyo wixii u adeega.
Dadka halakan wax kuwada qoraa horta ma hubtaa inay wada reer Puntland yihiin.Waxaan ogahay in ay jiraan mooryaan ka qaraabata dadkeena dhexdiisa oo isku dir iyo fidno la wareegaysa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kacaan-diid

Thursday, February 08, 2001 - 06:21 am
Dhammaan intiinna ka qayb qaadatay doodda, waa idin salamay walaalayaal, anigoo ah ninkii dooddan furay.

Intiinna badan isku fikrad baannu nahay, in yar oo Brother Kayse ka mid yahayna waxaannu ku kala duwannahay waxyaalo yar yar.

Walaal Kayse, Waxaad tiri maxaa Caddayn u ah in Abdullahi wali la raacsan yahay. Haddana su'aashaddii adaa isaga jawaabay baan qabaa, oo waxaa tiri Abdullahi 1998-kii majority buu haystay waase lumiyay. Haddaba walaal, anigu waxaan ku leeyahay Abdullahi taageeraduu haystay inay u siyaadday maahee wali ma lumin.

Anigu Tusaale horaan u sheegay, oo waxaan xusay inuu haysto qaybaha bulshada intii taladu ka go'day dadkana matalayey, adna ma beenin. Adigu maxaad ku cabbiraysaa inuu lumiyay taageeradii dadka.

Ma waxaad tirinaysaa shakhsiyaadka iskood u tegay Arta iyagoon la dirsan, haatanna dantu ag fadhiisisay ina Boy. Haddii dadkaad leedahay waa lumiyay ay yihiin dadkaas, hadde walaal qolyahaasi iyagaaba baadi ah oo in hotelada laga soo kaxeeyo u baahan, haddii dadku cafiyo.

Sool iyo Sanaag walaal sida ay dawladdu xafiisyo ugu leedahay Puntland-ta kale bay ugu leedahay. Waxaa jooga police, waxaa ka furan Banks. Gobol walba oo Puntland ahi wuxuu leeyahay wax nalooma qaban, waxaanse la iswaydiin awoodda dhaqaale ee dawlad goboleedkeenna. Meeshay kasoo bilaabeen 3 sano ka hor bal is waydiiya maanta. Wax kale haddaan credit lagu siin ina Yey, wuxuu ku helayaa inuu ka dhigay Puntland entity jira oo u adeega dadkeenna 5-ta gobol.

Tan kale, Kayse waxaa ka khaldan marka ay muhim tahay in leader-ku uu maamulkiisa kusoo daro mucaarad iyo dadkii la tartamay. Walaal, waa marka uu ku helo doorashada narrow margin, ama cod yar. Laakiin sidaad sheegtay ina Yey taageero badan buu helay 1998-kii, mar haddii qofku helo landslide support from the public, muhim ma aha inuu dawladda ku daro mucaarad. Armayse sidaasi noo roonayd, illeyn haddii maamulka lagu daro ama Cartay nagayn lahaayeen, ama waa la iskhilaafi lahaa oo maamul inooma dhisnaadeen.

Haddii difaaca Puntland ee Internet-ka, Billad lagu bixin lahaa, Wiil-Qardhood iyo Badhan baa xaq u lahaan lahaa. Keep up the good work, brothers.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Karin

Thursday, February 08, 2001 - 06:22 am
Waar iminka hadaad tiraah doorashadii waxaa ka hartay muda yar e ruuxaad rabtaan doorta, waxay ku oran:Waa lahubaa in ina Yusuf uu ku guulaysan doono,. Waar anagaa waxa aragnay oo dee maxaad rabtaan intiinaa yar ee minoritiga ah in aad shicibka oo dhan sanka ka wada galisaan danaha ya yar ee khaaska idinka idiin ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Keyse

Thursday, February 08, 2001 - 06:59 am
Salaan kadib:
Anigu hadaan qof taageersanahay meel kasta waa iga madoow dahay waana waxaa shakhsiga soomaaliga ahi uu hal il uleeyahay.

Ugu danbayntii C/laahi hadii uu haysto taagroo buuxda iyo hadii kaleba waynu arkaynaa, wixii loo gaaro waqtiga doorashada

wasalaamu calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dr.Maxamed

Thursday, February 08, 2001 - 07:18 am
Waad Salaamantihiin.
Anigu waxaan ilatahay in reer puntland ay dantoodo ku jirto in ay dadka wax la qabsadaan
ayagoo maamulkooda federaalka ah wata
sababta aan saas uleeyahay waxaa weeye
sida aan lasocono xaalada dhaqaale ee dhulkeena maanta aad ayey uliidataa markii loo eego caalamku hormaray meeshuu marayo, infrastarktaka ama ilaha dhaqaale oo wax ka soo galaan
kaliya Puntland maanta wax la taaban karo waxaa kamida Dekada Boosaaso
iyo Xoogaa yar oo dibada laga soo xawilo
sidaas owgeed
Puntland waxay ubaahantahay dhaqaale xoogleh
oo wax ka qabta baahida Gobolka ka taagan
sida caafimaadka,waxbarashada dhismooyinka wadooyinka iwm, taas waxaa lagu gaarikaraa in wax lala qabsado Maamulka dhexe
ee wadanka ka curtay lagana faaiideysto kheyraadka wadankeena yaal
sida aan lasocono dhulkeena puntland ilaahay wuxuu ku maneystay kheyraad farabadan bad iyo bari leh hadii noqon lahayd batrool,kalluun,dahab iyo dheeman hadaba sida kaliya ah oo kheyraadkaas looga faaideysan karo waa Qarinimo ee ma ahan reer ama Goboleysi
war yaaya mataqaaniin inta mashaariic oo wadankeena laga hergalin laha 10 sano oo lasoo dhaafay oo uxayirnaa kaliya Dowlad dhexe oo wadanka ka curata.
waqtigaan casrigaha waxaa lagu jiraa
casrigii technologiyada ayadoo la adeegsanayo
Information technology
Sidaas darteed dadka reer Puntland waa in ay gartaan danahooda strategiga ah oo aysan meeldhow
wax ka eegin.arinta C/llaahi Yusufna waxaa ka weyn maslaxada Reer Puntland.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kacaan-diid

Thursday, February 08, 2001 - 08:43 am
Dr. Mohammed,

Walaal dawladda qaran oo aad sheegaysaa, dadka reer Puntland intooda badan uma cura, mana oggala in Xamar loo iibgeeyo. Marka walaal, adoo raalli ah, mar haddii Puntland aysan aqbalin Arta faction, iyana aysan imaan karin Puntland, Sow ma habboona in qolooyinka taageersani aad aaddan meeshay dawladda ka sheeganayaan, idinkoo aan annagana na shiddeyn.

Waxaad tiri dawlad federal ah Puntland haka mid noqoto. Miyaadan waxan aad dawladda ugu yeeraysid inaysan xataa aqoonsanayn jiritaanka iyo magaca Puntland.

Abdullahi Yusuf ama ha noo fiicnaado ama ha noo xumaadee, noo daaya inaan ka doodno intayada Puntland jiritaankeeda iyo mustaqbalkeeda taageersan oo kaliya. Haddii doorashada looga adkaado, sidaas hadda loo mucaarado isaga baa qolo kale oo mucaarad ahi u iman doontaa, laakiin danta guudi waa uun mid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Caaqil

Thursday, February 08, 2001 - 10:01 pm
Waa idin salaamay dhamaantiin.

Waxay ilatay in C/laahi Yusuf aan doorashadaan aan laga qaadeen doorashadaan sooo socota, sababta oo ah waqtigaan xaalada soowaliya ayuu ka faaideensanayaa, qofka la tartamaya waa Ina cali sharmaake oo aan garaneen siyasad iyo cadowgiisa.

Mida kale aad leedihiin waxuu taageero kawataa Cumar Maxmuud khalad ayaa ku sheekteen waxa ka soo horjeeda waa cumar Mxamuud.

Doorashadaan waxay ilatahy in uu labesanaayo sababta oo ah tii hore way uga sahalsanaanaysaa waayo waxaa isa soo sharaxay Nin Cisamaan Maxmuud, yacayuu iska dhihi karaa waxaa darnaan laheed in uu ahaan lahaa Ciisa maxmuud.

Ma moodaaye waqtigaan ninka dhaama in aan haysano ee hala taageero.

cayta waa reeban tahay walaalayaal

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GANTAAL

Thursday, February 08, 2001 - 10:22 pm
To: Jaahil

Maxaad karabtaa CISMAAN MAXAMUUD JAAHILYAHOW meeshana qabiil la iskuma doortee waxaa la isku doortaa inin walba wuxuu layimaado, teeda kale ma waxaad naleedahay CISMAAN MAXAMUUD meel ugama banaana madaxtinimada PUNTLAND jaahil baad tahay waa laga tagay waxaad kahadleesid teedala baad CISMAAN MAXAMUUD afkaada balaq hakusiin sharaftiis iyo qiimihiisa waxaa yaqaan soomaali oodhan laakiinse waxaan umaleenayaa inay HAWIYE waxkuu galeen inleen weli CISMAAN MAXAMUUD baad uciilqabtaanee laakiin waxaa layaab leh inaad KING KONG maalin walba cagaha udhaqaysaan oo aad kabixi waydeen OROOY BOQORKIIYAA SOO NOQDAY warmeesha kaltag baan ku niri naacnaacda PUNTLAND kuma khusaysee.
INA YEY HADHACO
PUNTLAND HANOOLAATO
HA ISRAACDO
inta jirana CAAFIMAAD ALLE.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xasan xaafuun

Thursday, February 08, 2001 - 11:31 pm
Waxaan u malaynaya in ninkaan Cabdullaahi ahi uu haysto taageerda aqlibiyadeed ee 5gobol waxaan taa ku xaqiijinayaa maraan dhawaan dalkii tagay inta ka soo horjeedaa waxay ahaayeen kuwo xil laga qaaday u caraysan,kuwo Carta iyo xamar ku xiran aqlibiyada dadka waxay ku lee yihiin ninkaan wax dhaama ma leh ilaa hadda waxay lee yihiin kuwaan mucaaradayaa waa kuwo danaystayaal oo afarjeeblayaal ah.
Waxa ugu weyn ee dadku ku taageero waa laba:
1.Isagoo xagga dhaqaale uruursiga gaarka ah ka nabad qaba taasi oo uu kaga horeeyo siyaasiyiinta isaga la tartanta
.
2-Isagoo ah nin ku ad adag qadiyada iyo jiritaanka Puntland waxat dadku ku oranayaan lagama yaabo inuu dhaqaale ama jago ku gato dadkiisa sida ka dhacda siyaasiyiinta kale.
Kuli xaal ninkaani wuxuu iigu muuqday kan kolay xiligaan ugu taageerada badan haysta.
Waa xasan Xaafuun oo todobaadkii hore dalkii ka soo noqday.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samatar Bandarka

Thursday, February 08, 2001 - 11:34 pm
Xasan Xaafuunoow ku dar qodobkaan saddexaad.
3.Isagoo ah nin cadowga Puntland ku adadag.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil-Qardhood

Friday, February 09, 2001 - 12:00 am
To: Reer Carta(Dr Mohamed)

Maxamed waxaan kuleeyahay soomalidu waxay kumaahmaahdaa "waad baahantahay BAKHTI looma Cuno" marka Maxamed waa jirtaa in Puntland ay u baahantahay dawlad dhexe iyo kaalmo caalami ah iyo in kheyraadka lalasoo baxo laakiin waxaa soo dhan waxaa kahoreeya in lahelo dawlad soomaaliyeed oo XALAAL ah oo soomaali oo dhan mathasha oo kutimid qaab XALAAL ah oo soomaliya oodhan ku baahsan ee aan ku koobnayn Hotel Ramadan iyo Hotel Lafaweyne.

Marka Maxamed baahida Puntland haysaa maaha mid nagu kalifaysa in aan waxkasta oo BAHDILNIMO ah yeelno oo aan BAKHTIGA u cunno. Marka adigu haddii aad rabtid in aad waxkata iska dhamooqatid orod oo aad Hotel Ramadaan isagaa waxkasta laga cunnaa.

To: Reer Puntland(kacaandiid)

Walaal waad ku mahadsantahay biladda aad nasiisay
aniga lafitagyu waxaan aaminsanahay in cid kaaga xaqlahaanlahayd aysan jirin.
S/C

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Puntlander

Friday, February 09, 2001 - 03:55 am
C/yusuf reer puntland baa doortay ayagaana xor u ah inay marlabaad doortaan iyo inay mid cusub doortaan. Marka aan fiirino siyaada somaliya C/yusuf waxa uu ka mid yahay siyasiyiinta ugu firfircoon waxaana taa gaarsiiyey dadkiisa "REER PUNTLAND" marka waxay ila tahay aniga in reer puntland uu taageero fiican ka haysto uuna yahay ninnwaqtigaan la joogo puntland hogaaminkara.

waad mahadsantihiin in dhamaantiin aad si fiican u doodeen oo ay daan caytamin fikradaha kala duwana aad tixgeliseen,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Caaqil

Friday, February 09, 2001 - 04:03 am
Salaan dhamaantiin.

Waxaa cadaatay in ay Madaxwayn Cabdulaahi ay ka soo horjeedaan qos oo kali yah waana Cismaan maxmood walaalaheen.Waxaana loo arkaa in Cismaan maxmuud oo dhan ka soo horjeedaan, taasna waa wax ka jira aduunka mucaarad lama waayo.

To. Gantaal

walaal ma nabci Cismaan waxmuud waa walaalahay ee waxaan ka hadlayaa dadka ka soo horjeeda C/laahi iyo dadka taageeraysan.
Insha allah C/laahi wa aku guulaysanayaa waayo waxdhaama ma joogan.waayo shanta gabol ayuu taageero ba'an ka haystaa
waana aamin sanahay in uu ku guulaysan doona doorashadaan soo socota.

Hanoolaado Cabdulaahi
hanoolaato punland.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil-Qardhood

Friday, February 09, 2001 - 04:53 am
To: "Caaqil"
Ninyohow horta waxaad tiri Cismaan Maxamuud baa Cabdullahi Yussuf ka soo horjeeda. waxaad ogaataa in aysan jirin qabiil 100% taagersan ama ka soo horjeeda Ina Yey haáhaadeen Ilmo Maxamuud Saleeban ama majeerteenka kale ama Hartida kale anigu waxaan ahay kuwa aad leedahay way ka soo horjeedaan haddana maalinkasta waxaan arkaa kuwo ay Ina Yey ilma adeer yihiin oo waxbadan iga xiga haddii ay nasab noqoto oo hadana mucaarad ku ah. Waxaana khalad u arkaa in marka qofku uu kahadlaayo Siyaasaddda uu aragtidiisa uu ku saleeyo maxay reer kaygu kaqabaan ama reer hebel ka qabaan haddii taas ay timaado waligeed meel magaarayno.
midda kale ninyohow haddii Cismaan Maxamuud mucaarad ku yahay Ina Yey SIYAASADIISA iyagoo aan jiritaanka Puntland kasoo horjeedin taasi wax lala yaabo maaha ee ninyohow qabiilka meesha kasaar baan kugula talinayaa, inteenaan meeshan ku sheekaysa midba waa qabiil baa lagayaabaa laakiin danta Puntland baa meesha looga hadlaayaa ee reer hebel baa mucaarad ah ama muàyid ah loogahadlimaayo, waxaad meesha u soo galisayna khalad baan u arkaa iyo fitno kicis.
S/C

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Caaqil

Friday, February 09, 2001 - 05:23 am
To Wiil-Qardhood.

Sxb waa ka helay jawaantaada laakiin waxaa meesha taala waa wax cad, beenna kuma sheegin Ina Yey in ay ka soo horjeedaan Dadka oo ka dhashay oo aan ka mid ahay runtii aniga waan ka soo horjeeday waligay laakiin markaan arkay, in qabiil la faquuqay ayaan taageero bilaabay waana ogahay in uu waxna u tarin Puntland, laakiin hal ayuu ku dhaamaa siyaasiyyiinteena kale waayo mabda' ayuu leeyahay haduu rabo lacag ama jago mar hore ayu carta loo raaxilahaa xataa waxaa loodiyaariyay kursi aad u sareeya. Sxb kalasaar arinta waa cadahay indhaha iskama tirayno in Cismaan Maxmuud aan lawada tusin taasna waa wax aan ka qajilay, kuma dhihin 100% qabiil walba ayaa taageersan .
sxb arinta waa cadahay waa ku mahadsan tahay jawaabta. walaalkay Wiil-Qardhood.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Badhan

Friday, February 09, 2001 - 05:55 am
Waar ilmadeerayaalow ma naga dayn kartaan arintan cadawga Puntiland kolba dhan naga soo galinayo ee ah in ree hebel oo ka mid ah Puntiland ay Cabdillahi ka soo horjedan ama Carta ay raacsanyihiin amaba ay jiritaanka Puntiland diidanyihiin.

Waar anaa kol dhow oo iminka laga joogo bil Somaliya iyo gabi ahaan Gobolada Puntilandba ka imi4 biloodna ku sugnaa.

Waar xaqiiqdu waxay tahay in aad ku arkin reer kasta oo reer Puntiland ah sida aad iminka ku aragto golahan, qaar Cabdillahi ka soo horjeeda iyo kuwa raacsan oon waliba aan aaminsan ahay in kuwa raacsani aad uga fara badanyihiin ku diidan.

Khaasatan kolka laga hadlayo siyaasada dibada ee ku wajahan Somali weyn iyo Puntiland hablaha adhiga la jooga baa kuu sheegin in ina Yufuf ku sax san yahay 90%.

Dhibaatooyin waa jiraan ah dhanka maamulka Gobolka, dee runtuna waxay tahay dawladu dakhli sas u weyn ma leh. Waxa soo galana ama waa in lagu kala aamusiyaa odayaasha jifida kala duwan waxii soo harana dee waxay ku baxaan amniga wadanka oo dee hadaan amni xoogleh jirin bal dugaaga Konfurta daayoo waxaa dabada fadh kaa gelin reer abtiyaashay..Intaas waxaa dheer kuwa gudaha.

Ilaa iyo Crigaabo iyo Galkacyo kol qudh ah i shaydu ma qaban wax ku saabsan nidaam xumi dhanaka amniga ah.Maadamaa aniga dhulkaas ay iigu dabeysay mudo ka badan 16 sano aniga waxay ila ahayd in dadkaasi muujiyeen dadaal aan cadi ahayn, waxaana hubaa hadii iminka koboca dhaqaalaha goboladaas si sax ah loo cabiro in ay ka badantahay sanadkiiba 25% tobankii sano ee u danbeysay taasoo ah wax aan aduunka ka dhicin.

Intaas waxaa dheer in ay gobolkeenii ka jirto dimoqradiyad ugub ah oo loo baahan yahay in qof kasta oo ina ka mid ahi uu u guntado sidii ay ku qaan gaadhi lahayd.

Anigu iminka markaan maqlay eedaysanayashii shilkii dhawaan dhacay waxaa loo gudbiyey gobol kale runtii waan ku farxay oo dee waxaa aniga ii daran uun in nimankaas tusaale u noqdaan qaarka danbe waayo intaan anigu BOOSAASO joogay waxaa dhacday in gudoomihii maxkamada nin dhirbaxay deedna ninkii kolkii laxidhay inamo yar yar oo reerkiisa ahi ay kala baxeen xabsigii taasoo runtii i cadho galisay, dawladuna ay ka baqday in xasaasiyad ka dhex dhaliso beelaha...

Puntilander forever.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DUUFAAN

Friday, February 09, 2001 - 06:18 am
walaalyaal marka hore iska ilaaliya cayda iyo waxyaabaha xunxun oo lagu hadlayo kadayaana meesha Qabiilada iyo aflagaadada.
Waxaas waligay dhaqan maanan ulaheen ee isku xishooda oo kafiirsada waxaad ku hadlaysaan.

Mida labaad walaalayaal xaq baa loo wada leeyahay qofwalba inuu halkaan kadhiibto aragtidiisa iyo fikrada uu kaqabo maamulka Puntland, waxaan fiican inlaka saaro CABDULAHI YUSSUF iyo PUNTLAND. Markii Cabdullihi lasoo qaado yaan loomaleen in PUNTLAND wax loo dhimay.

PUNTLAND SHAQSI AMA QABIIL GAAR AH MAAHA.

Waxaan rabaa inaan waxa kataabto wax yaabihii uumaamuka qabtay iyo intii uusan qaban awoodana ulahaa inuu waxkaqabto laakiin kaseexday

waan soo gaagaabinaayaa

MUXUU MAAMULKA QABTAY????
1. Maamulka wuxuu qabtay waxaa ugu waynaa inuu amaanka Puntland sugay ciidan lasameeyay, kuwaas uu mushaharkooda aan kala joogsi leheen, ahna ciidamada maanta qaataa mushaharka ugu badan ee qaataan ciidamo dalka SOOMAALIYA.

2. Maamulka wuxuu kaloo ku guulaystay inuu CANSHUURTA kasoo aruuriyo SHICIBKA Puntland, ganacsatada, Dakadaha, Airportyada iwm.
Halkaas oo maamulka kasoo agsho lacag aad iyo aad ufarabadan.

3. Wuxuu maamulka bilaabay inuu sameeyo xafiisyo iyo Guryo aad ufarabada oo ay maamulka leeyihiin, waxaana kamid ah VILLA GAROWE, VILLA BOOSAASO oo walilawado hawsheedana lasoo wada 2 sano, Gaalkacyo kuwaas uu daganyahay MADAXWEYNaha, MADAXWEYNE ku xigeenka Puntland iyo saraakiil kale oo katirsan maamulka.

4. Maamulka wuxuu kaloo bilaabay inuu wax kaqabto suuqa GAALKACYO oo aad isigu dhexyaac sanaa, wuxuu kaloo jajabsay BUSHASHKII iyo waratooyinkii faraha badnaa ee magaalda BOOSAASO, loona sameeyay meelo ugaar ah.

5. Maamulka wuxuu bilaabay inuu hishiiyo lasaxiixdo shirkado shisheeye, oo ay kawada shaqeeyaan gacana kusiisa ilaalinta xeebaha PUNTLAND, arintaan waxay shaki wayn galisay dad aad ufarabadan haba ubadnaadaan dadka xeebaha daga oo urkay inay shirkadaa qashin iyo waxayaal aad uxunxun ay ku aasto xeebaha waxaan ilaa iyo hada lasheegay fuustooyin ku soo caaryay xeebaha CALUULA kuwaas oo lasheegay inay kujiraan SUN aad iyo aad uxun, waxa kale oo sidheer oo ilaa iyo hada ay sameeyeen ama lalama socdo, waxaana shakii sii dhalisay markii hore ay shirkada iyo maraakiibteeda ay raaci jireen badmereenyo reer Puntland ah oo hubin jiray shaqada iyo waxa ay qabtaan, hada waxaa dhacda inay maraakiibta ay caadi bada ugalaan ayaga oo wax ilaalo ah lasacon ama dad soomaali ah taas oo shakigii sii kordhisay, inkastoo ay maraakiibtii sharci la aanta aheed ay yaraadeen hadan waxaa soo batay maraakiibkale oo wada wata MAGA SHIRKA HARTIGROUP oo ah shirka hishiiska lagashay maamulka waxaan lasheegayaa inay ay shirkadaas ay SHIRKADO kale oo aynabi ah ay magaceeda ka iibiso si ay sharici ah uga kaluumeestaan!!!!!!!
Waxaa kaloo maamulka Puntland shirkadaas aykula hishiiyeen lacag aan ilaa iyo hada aan shaaca laga qaadin (laakiin lahubo inay kor udhaafayso $100.000.000.000. us dollar. lacagtaas oo aan ilaa iyo hada aan soogaarin ama waxana looga qaban arimaha bulshada taas oo aad loogu dhaliiceeyo, waxaana yaab leh ay mararka qaarkood uu lashiro shirka madaxweyne Cabdullahi Yussuf kaligiis ayada oo hishiisyadaas ayna xataa aynan joogin WASIIRKA KHAYRAADKA BADA, DHAQAALAHA iwm taas oo ay walwal kamuujiyeen ummadda reer Puntland. Shirkii ugu danbeeyay uu layeeshayna wuxuu kula yeeshay magaalda LONDON, UK markii ugu danbaysay uu yimid, halmarna lama shirin ummadda uu madaxweynaha uu u yahay ee kudhaqan UK ama London!!!!?? asagaa ku cudurdaartay xaga caafimaadka, laakiinse waxaa layaableh inuu wakhti iyo caafimaadba uu uhelay shirkii uu layeeshay HARTIGROUP isla wakhtigii uu halkaa joogay.

MAAMULKA MAXAA KALOO LAGU DHALIICEEYAA?
Waxa ugu wayn oo maamulka lagu dhaliiceeyo waa dhanka ARIMAHA BULSHADA, taas oo aan ilaa iyo hada wax galaqaban, waxaa ugu horeeya arimaha CAAFIMAADKA isbitaalda gobolada ayaa aad iyo aad uliitaan hadaan sooqaato kuwa kuyaal BOOSAASO, QARDHO, GAROWE, LAACAANO IYO KA GAALKACYO kuligood aad iyo aad bay uliitaan qaarkood sida kuwa Boosaaso iyo Qardho waxaaba saaran sariiraha DARMOH inay jooradiyaashii dhamaadeen, qofka jooga madgaalada CALUULA haduu jirada waa inuu RAAJADA usoo aado GAROWE AMA GAALKACYO sababtoo ah kuwa Bari ee Boosaso iyo Qardho midna mayaal wax Raajo ah kuwaad oo leh xataa meelaha wax lagu qalo laakiin lafdhiya dayactir alaan, ninka ISKUSHUBANJOOGA oo baaritaan ubaahan waa inuu TAXI usoo qataa magaalada GAALKACYO ee isbitaalka PRIVETka ee uu furay dakhtaro WADANIYAAL ah.
Waxaana yaableh xaataa ISLAANAHA caanaha gada ee fadhida CALUULA ilaa iyo BOOSAASO ilaa iyo BADHAN ilaa iyo LAASCAANO ilaa iyo XAAFUUN ilaa iyo EYL ilaa iyo GAALKACYO iyo GALDOGOB in kuligood laga qaado CANSHUUR laakiinsa ay heesan xaataa meel RAAJO lagusaaro, taas aad iyo aad ayay uga mulaara dilaaceen SHICIBAKA reer Puntland, waxayna iswaydiiyaan lacagaha maamulka soo gala meeshay mareen, maamulkana wuxuu ku andacoodaa waxaa mushahar ahaan usiiyaa CIIDANKA IYO POLICEka markii lawaydiiyana lacagaha kasoo gala BADAHA PUNTLAND wax JAWAAB ah lagama baxasho markaas baa waxaa labilaabaa in QAAC la isku qarsho, oo waxaan meesha ool dadka madaxa loo gashaa sida CARTA iyo Raga Xamar hurda, taas oo aan wax dan ah aysan ugu jirin ummadda reer Puntland. Maamulka wuxuu kaloo lacag FOOQULCAQLI ah ku baxshaa SIYAASADA kabaxsan Puntland, lacagtaas oo aad loogu baahan yahay in dadka xaqa uleh waxloogu qabto. Sidaas daraadeed waxay reer Puntland dadankood fahmeen in isbadal loo baahan yahay oo kuyimaad maamulka, waxayna inta badan dadku aaminsan yihiin uu yimaado Maamul dadka iyo Arimaha Bulshada wax weyn kaqabta, waxaana ay qabaan in Maamulka hada jooga uu intuu qabankaray qabtay oo aheed dhanka difaaca iyo ciidamada hadan loo baahan yahay in loo gudbo qaybtii ahay arimaha Bulshada, sidaas daraadeed bay ummadda reer Puntland ugu hanqaltaagaayeen DOORASHADA soo socota ee Puntland, waxaana uu maamulk bilaabay inuu wax kabadalo DASTUURKII uyaalay PUNTLAND taasna sharciyan maxuma laakiin CAHDIGA PUNTLAND uyaala ayaa wuxuu qoraayaa in hadii labadalo DASTUURKA dadka loo soo bandhigo AFTINA looga qaado SHICIBKA PUNTLAND, taas maamulka masameen waxuuna bilaabay gudigii loo saaray inuu si gooni gooni ah ula shiro WAXGARADKA PUNTLAND uuna ka ansixiyo DASKUURKA cusub si aanan loogu soo bandhigin SHICBKA taasna dhamaan WAXGARADKA reer Puntland is cad bay uga soo horjeesteen, halkaas waxaa ku fashilay Gudiga Ajendihii uu watay oo ahaa in aan DASTUURKA ummadda aan loo soo bandhigin laakiin waga ANSIXIYO waxgaradka reer Puntland hawodhna la yiraahdo waxaa ANSIXIYAY shicibka Puntland, waxaa ugu danbaysay maalintii Jimcaha ahaa ee 2 FEB aygoo kula shiray magaalada Boosaaso Dumarka iyo waxgardka reer Bari laakiin wuxuu ku dhamaaday shirkaas in GUDIGA kuraasta looga kacay lagana codsaday inay DASTUURKA ay hoosta ku haystaan ay usoo bandhigaan SHICIBKA, waxaana saa ookale ugu soo gacanseeray WAXGARADKA iyo Odayaasha G/Nugaal. Arintaan waxaa dadka u arkeen inay tahay mid uu maamulka isku dayaayo inuu kusiga kusii dheeraysto, taana waxay keentay MUDAHARAAD yada kadhacay BOOSAASO IYO QARDHO, waxaa kale oo maamulka lagu dhaleeceeyay inuu Dhaqaalihii waxkaqaban waayay laakiin Mudaharaad yadan waxaykeentay inay uu dhiig kudaato dadkalena xabsiyada loo taxaabo taasoo siidhalisay xiisado kale, tan waxay dhaawac wayn ku tahay aaminaadii la aaminsanaa maamulka Puntland oo hada sumcadiisii waa sii yaraatay.

Hada GUDIGA loo xilsaaray weli masoo bandhigin DASTUURKII cusbaa, taas oo ay qabaqayaan in SHICIBKA AFTIDOODA siinwaayaan, wakhtigana waa sii dhamaanahayaa, DORASHADANA waa bisha JULY, Dastuurka hadii aan afti laga qaadina DOORASHO madhici karto sharciyan, marka ummadda waxay layaaban tahay sababta loo gudiidaayo inay AFTIDODA kadhiibtaan DASTUURKAAN cusub.

Hada maamulka waxaa ubaanan dhoor siyaabood
1. inay Dastuurka usoo bandhigaan Shicika oo halka guuldaro Daraacdo, markii loo gudbana Doorashada ay guuldaro kale karaacdo (Midaan loomaleen maayo inay ku kacaan)
Maxaa kaloo ufuran hadaba oo ay uga baxaan xiisadaan??????

2. Inay Dastuurka ladaahaan oo Doorashada wakhtigeedii soo galo, Doorashadana socon waydo ileen Dastuurkii weli afti lagama qaadinee. Tani waa laga yaabaa inay sameeyaan sidaasbayna hada arinta ku socotaa.

3. In uu Madaxweynaha Puntland uu kusoo rogo Puntland xaalad deg-deg ah taas uu awood uleeyahay, hadii uu kudhawaaqona ISKA ILOW DOORASHADA.

4. In Dastuurka lasoo badhigin hadhowna layiraahdo waxaa ogolaaday SHICIBKA ayaga oo aanba lasocon?????

Hada waxa lasugaaya uun Jookada kale uu maamulka dagi doono!!!!!!!!!!!!!!!!

Sheeka waa socotaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Badhan

Friday, February 09, 2001 - 07:25 am
Duufaan;
Si wacan baad u hadashy waana wanaag santahay in wax lays waydaarsado.

Lakiin waxaan ku waydiin, maxaad ku dhaliilsanthay Tastuurka cusub?. Ma waxuu leeyahay madaxweyne ma noqonkaro nin aan ina Yusuf ahayn?. Ma waxuu leeyahay aan Somali inteeda kale ka go'no?.Ma waxuu leeyahay reer khaas ah ha la naas nuujiyo oo dee umadda inteeda kale ha la hilmaamo?.Cadee sababta tastuurka looga soo horjeedo, Dufaan.

Tan kale, arinta lacagta kaluunka iyo shirkada aad sheegtayba waan maqlay intaan Puntiland joogay hasa yeeshee anigu waxaa qudh ah oon maqlay lacag aad intaas uga yar aad adigu iminka sheegtay, oo maamulka lagu siin doono mudo aad u dheer, iminkana ay san maamulka wax badani soo gaadhin, Arintan waxaa ii sheegay nin aan isku reer nahay oo Warsangali ah oo isagu masuul Puntiland uga ah Shirkada Hartigroup.

Sidaan in badan sheegayba maamul xume waa jirtaa laakin anigu danbiga waxaan dhakada ka saarin shicibka reer Puntiland oo idil. Waayo dadka Cabdillahi la shaqeeya waxay u badan yihiin dad aad u liita taasna waxaa keenay in reer kasta markii la waydiiyo keensada nin meel masuul ka noqda waxay soo xulan kan ugu iimaanka la, oo dee aadan hilbaha sare wax ka siiseen.
Magacyo badana waan hayaa lakiin ma doonayo in aan halkaan kasheego.

Arinta kale ee xanibtay wax qabadkii dawladan waxay tahay iyadoon haba yaraatee wax fursad ah la siin oo mudada ay run ahaan u shaqaynaysay oo dhami ay ahayd 12 bilood. Taa waxaa keenay kolkii dawladu jirsatay sanad ayaa waxaa bilowday dabayshii Carta iyo kala qaybintii shicibka reer Puntiland ilaa iminkana dawlada Puntiland waxay ku jirtaa difaac ay qaranimadii umada ka difaacayso dugagaaga dhan kasta ka soo weeray oo dantooda oo qur ahi tahay in bal kolka hore la bur buriyo Puntiland deedna lagu bakhti yaa nasiibsado nabadaynta Hawiye oon dhacayn.

Kolkaa markaad eegto carqaldaha hor taagan ineer wax qabad la'aanta maamulka aniga iyo adiga baa u sabab ah baan anigu aaminsan ahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kacaan-diid

Friday, February 09, 2001 - 08:28 am
Duufaan,

Waxaan raacsanahay jawaabta uu Badhan ka bixiyey dhaliisha maamullka Puntland.

Cid leh maamulku waa perfect ma jirto, hase yeeshee ma mudna in la buunbuuniyo shortcomings-ka ama wixii aan qabsoomin, iyadoon aan la iswaydiin waxay u qabsoomi waayeen.

Horta hore bal niyadda ku hay, meeshay joognay 2 sano iyo bar ka hor. War nin yahow markii Abdullahi la dooranayey waxaynu ka hadlaynay tolow maamulkani ma hirgalayaa, iyadoo la ogaa in cid waliba ay kasoo horjeedday dhisidda Puntland. Waxyaalihii Abdullahi lagu doortay, maaheyn inuu Isbitallo dhisayo, iyo inuu kalluun dhoofiyo, ee waxaa ugu muhimsanaa inuu Puntland dhaafiyo marxaladda adag (transitional period).

Way fiicnaan lahayd inuu awood yeesho wax ka qabashad social services-ka, laakiin gar loo islaamee, ma laba sano iyo bar oo intaa majaxaabin iyo jallaafo gudaha iyo dibaddaba looga hayay baad sugaysay inuu Puntland maamulku kaamil ka dhigo. War intaas dad baa laga yuraynayaa inay xididada u saaraan Puntland, adna waxaad ka hadlaysaa isbitaal lama dhisin, iyo jid baa xumaaday.

Reer Puntland waxaa marka hore muhim (priority) u ahaa bal in Puntland jiritankeeda la ansaxiyo, taana waa lagu guulaystay. Adigoo aan cagahaba ku taagnayn, weerar iyo shiddo joogto ahna lagugu hayo, miyaad xusuusanaysaa maamul dhamaystiran.

Tan kale maxaad uga dhigaysaan in ina Yey maamul dhisan lagu wareejiyay, oo wixii loo dhiibay uu lumiyay. War nimanyahow ninku dad niyad u haya dhisitaanka Puntland wuu helay 1998-kii, laakiin state dhisan oo shaqaynaya cidina kuma wareejin. Isna maanta hadduu ka dego, kii beddelaa nidaam iyo dawlad buu la wareegayaa. Tan kale Somaliland miyaydnaan xusuusan intay ku caga dhigatay, oo nidaam ugu hagaagay.

Bal ii sheega waxa dadkeennu ku taageeray Puntland oo aan ahayn odayaasha iyo shacabka maamulka ku mintiyada aanse tabar hayn. Somaliland haddaad fiirisid intaas oo project oo Schools iyo Hospitals ah bay dadkoodu hirgaliyeen, oo shaqeeya, iyagoon ina Cigaal ka sugin. War niman yahow miyaydaan ogeyn tabarta dawlad goboleedka, maxaase inoo diiday inaan innagu iskaa wax u qabso u taageerno dalkeenna, oo dhisidda Isbitaalada iyo qalabayntooda, iyo iskuulada iyo wixii la mid ah oo dawladdu u tabar iyo taag waydey, aynu innagu gacan ka gaysanno sida reer Somaliland.

Haddii Abdullahi maamulkiisu, uu Puntland nabad galayadeeda sugay, kana yuraynayo cadawga dibadda iyo kuwa u adeegaya, alleylehe waxaa habboonayd inaynu ka qaybqaadanno dhisidda Putnland, intaynu hiif iyo haaraan isaga ku asqaysiin lahayn. Wixii khaldan in lawada toosiyo, iyadoon aan faraha la isku fiiqfiiqan lana buunbuunin baa habboonan lahayd.

Tolow waxaa iga yaabiyey, critics-ka Abdullahi mar kasta waa xusaan inaan Abdullahi xoolaha dadka looga shaki qabin, haddana waxay sheegaan shirkado isaga badda uga shaqeeya. Waxay taasi ku tusinaysaa mucaaradnimo caal waa ah oo aan xaqiiqda ku salaysnayn.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dr:Maxamed

Friday, February 09, 2001 - 09:47 am
To:Duufaan

Waan kugu raacsanahay Dhaliisha aad usoo jeedisay
maamulka Puntland kadhisan Maanta
waana xaqiiq jirta oo aan indhaha laga qarsin
Karin dhibaatada ka taagan gobolkeena
iyo sida markii ay ku fashilmeen dadkii Masuuliyada
loodhiibtay ay marmarsiyo laga dhigta DKM ah
oo carta lagu soo dhisay
iyo in labuunbuuniyo cadaw aan jirin.
Hadaba xaalada ay ku suganyihiin maanta dadka ku
nool Puntland iyo mida ay ku sugan yihiin
Muwaadiniinta reer Puntland oo kunool dibada
waxaa la oran karaa waxaa udhaxeeya farqi weyn
sababtoo ah
Dadkeena dibada kunool way nala fudud dahay
inaan niraahno Maxay dadku la dhawaaqayaan oo maamulka ugu soo horjeesteen sababtoo oo ah waa dad aan heysan noloshii aasaasigii aheyd oo ugu horeeyaan Caafimaadka,waxbarashada iyo wixii lamid ah oo bulsho la,aantood aysan jiri karin
Meesha dadka Reer Puntland oo dibada kunool
ay heli karaan ilmahoodu Waxbarashoiyo daryeel caafimaad oo heersare ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XALAAL XAAFUUN

Friday, February 09, 2001 - 10:01 am
Waar anigu saaxibayaaloow hawlo kalaan ku daalay waxaanse soo xusuustay hadalo horay ninkan Badhan la baxay uu qoray ayaan rag aan meel wada daganahay waydiiyay oo jawaabtaan ka helay ay noqotay tii halkaan Badhan ninka la yiraahdaa ku soo qoray oo maxay ahayd?waxay ahayd Markaad kuwa ugu mucaaradsan maamulka hadda jira la hadasho oo ay dhaliilaha maamulka kugu waalaan ee aad dhahdo waar haddee doorashaa soo soctee haddee wa idinkaas doorashada ninka yaan dib loo dooran waxay ku oranayaan ba' ma kuu dhabaa war walaan cid kala la dooranayn oo markii horoo la dooranayay maantuu geedku ka taageerayaal badan yahay.
Marka ragoow waxaan oran lahaa hadal badan wax idiin tari maayo Nin lagu seexdoow ha seexan baa layiriye intaad odagaan adeerkiina oo waan hubaayo isagu guryo idinka dhisan mayee aad ku jeedaan arka shaxda rag idiin ciyaarayo waliBA macaan jecelkeena arka oo fariisiya inta xeero fandhaal kala dhacayaan.
Horaa loo yiri sir iyo wacad ma qabe ALLAA biyo saab ugu cesha HORTA CABDIQAASIM IYO KOOXDIISU WAXAY IDIN LA RABTAY EE JIMCIHII KUWA LA GATAY AY BOOSAASO KA SAMEEYEEN ALLAA INAKA BADBAADSHAY OO SHIRQOOLKII KHIYAAMOOLAYAASHA MAANTA IYAGUU QOORTA U SURAN YAHAY OO SICIR BARARKAY DALKA SOO GALIYEEN SHICIBKEENANA LAGU KICIYAY JIMCIHII IYADOO SHAATI LAGU DHUUMANAYO LAGA DHIGANYO RABBI KA SHIFYOO DIBADUU SOO DHIGAY OO RAG CAYR AH BAA DALKA SICIR BARARKA UGU WACAN WAANA TAN MAANTA XAMAR QOORTA ISKULA JIRTO.
Maxamed Deylaaf BAA LIYIRAAHDAA NINKA LACAGAHA SOO GALIYAY WAA NINKII HORAY LACAGTII BEEN ABUURKA AHAYD DECEMBER DALKA U SOO GALIYAY TAASI OO LOO ADEEGSADAY DAGAALADII BALCAD,TIYEEGLOOW DEEROOW LOO SII DHIIBAY,GEDO AXMED SHIRE LOO SII DHIIBAY IYO QAYBO XASAN ABSHIR IYO KINKON SOO DIREEN INAGA MIDA LA SOO SIIYAY SI AY PUNTLAND UGU QASAAN QOORTANA LAYSU KEEN SURO LOOGU TALO GALAY SI SIYAASADA CABDIQAASIM LOOGAGA FULIYO DHULALKAAS RRA ISKU DIRTAY MAREEXAAN QOORTAY ISU SUREEN INANA SIGANAY ALLAA INA BADBAADSHAYE ABGAAL SIDOO KALE QOLA WALBA RAG LAGA ADEEGSADO OO LACAGTAAS FAALSADA AH LOO DHIIBAA LA SAMAYSTAY MARKA RAGOOW CIDLA YAYNAAN ISKU XAG XAGAN.
XAALKA MAANTA TAAGANA WAA KII LA YIRI NIN RAGAHINA WAA OG YAHAY DOQONA HAWSHEEGIN.
ADEERAYAAL HORTA REERKA NINKII U ROON OO DAACADAA U HARAYA RABBINA UGA BARYAYNAA CAALE QAATE INUUSAN TALO NOOGU DHIIBIN.
HUBAAL ALLAA IDIN WATOO IDIN BIXINAYA EE WAX MOOG BAA IDINKA BUUXA HADDII XAQIIQDA MARKHAATIYAALKA LEH LAYDIIN SHEEGANA QAATA LAYDINKAMA KARO.
HORAA LOO YIRI NIN DHAGA ADAG DHAYGAAN HOONA LAGAMA KARO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XAAFUUN

Friday, February 09, 2001 - 02:35 pm
TO: xasan xaafuun iyo xalaal xaafuun
Ilma adeerayaalow magaca xaafuun eedaya yaynaan fakradauhu isaga Keen khaldamina idinkoo mahadsan.

Tan kale haddii aynu si cilmi ku jiro uga hadalno maamulku muxuu qabtay in taynu iska deeyno sidaas baa la sheegayay,
Waxa la yiraahdo dowlad ama maamul waxaa waajib ah in uu dadkiisa ka daboole wax yaabaha ay ka mid yihiin
1 nabad gelyada
2 wax barashada
3 caafimaadka
iyo waxyaabo kale
hadaba nabad gelyada maamulka P/L waxaa hubaal ah in uu sugay 80% UUNA SHAQO GELIYAAY ILAA 14000 OO WIIL OO NABADSUGA, hadaba waa ugaaskee iyo suldaan kee 100 wiil masruufi kara ama keena ninka in taas oo ragga kaa hayn kara maalin kaliya.
xagga caafimaad iyo waxbarashada iwm wax yar buu ka qabtay ama maba taaban,
MARKA WAXAA IS WAYDIIN LEH XAGEE DOWLADI KA KEENTAA LACAGTA AY ARIMAHAAS KU FULISO?
Hadii aan ka jaahil bixiyo waxay ka heshaa dadkeeda waana innaga laakiin siday uga heshaa?
Dowladu waxay qaadaa canshuur kala duwan oo ah:
1 mida la yiraahdo TVA waa tan marka aad iibsato xabad yaanyo ah dulsaaran waana 60-70%(MIISAANIYADA SANADKA)
MAAMULKA P/L MA QAATAA WAA MAYA
2 mida laga qaado wixii ku soo gala oo ah 20-25%(MIISANIYADA SANADKA)(qof ama shirkad) p/l ma qadataa waa maya
3 wadama soo koraya waa laga caawiyaa P/L YAA CAAWIYA OO KALA QAYB GALA MIISAANIYADA SANADKA WAA CIDNA.MANA TUUGSATO SIDA REER CARTA OO DEMBIIL WAYN INTAA DIBADDA LAMA ORDAYSO
Marka maxaad ku eeedaynaysaa oo aad siisay p/L oo hadaynu nahay reer p/L WAA WAXBA
TUSAALE dawlada idin waalaysa ee reer jabuuti miisaniyadda sanadka 70% waxaa bixiya franca(tuugsi), hadana maxay qabatay , magaalada jabuuti waxay kari la'daha korontadii, waxaa ka jira wadanka oo dhan hal iskuul sarre,jaamacad maba laha hal dhaqtar,(ha tirsan dhaqtarka fransiiska ay ciidamadiisu leeyihiin)
tan p/L WAXAA KA JIRA ILAA 5 ISKUUL SARE IYO JAAMACAD, waana aragtaa sida ay korontada boosaaso u socoto,
HADABA NIMAN YAHAW ANIGU C/LAAHI MA JECLEEN MARKII LA DOORTAY LAAKIIN MARKAAN ARKAY IN DADKA BADIDIISU JECEL YIHIIN AYAAN JECLAADAY HADANA WAAD I NACSIIN RABTAAN!!! MASE IDINKA YEELAYAO OO WAXAANBA IS IRI WAXAA RUN AH ORAAH AY YIRAAHDAAN DADKA NECEB MAJEERTEENKA OO AH: majeerteen ninka ay neceb yihiin ka dil!!!! walee waxbaa ka jira saad shalay baad c/ RASHIID HAR CAD QALATEEN MAANTANA WAA C/LAAHI WAXA LAYDINKA DHICIN LA'YAHAY
inkaartii c/rashiid waa ogaydeen waxa inaga qabsaday ( siyaad barre) tan c/laahina (salaad boy)warhoy warhay reerka sida halaga daayo daayo daayo!!!!!!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DUUFAAN

Saturday, February 10, 2001 - 01:37 am
Marka ugu horaysa aad iyo aad ayey u mahadsan yihiin dhamaan dadkii kasoo jawaabay wixii aan halkaan kusoo qoray, waxaana isku dayaayaa inaan wax yar ugu jawaabo dhowrqof.

To: Badhan
Walaal aniga Dastuurka Cusub maba mucaaradi karo ilayn lamaba soo hordhigin ummadda reer Puntland, aniga waxaan diidanahay waa in Dastuurka la iskahaystaa ayada uu wakhtigii DOORASHADA soo dhawyahay, waana in DASTUURKA lasoo hordhigaa shicibka si ay AFTIDOODA udhiibtaan, waxa kaloo jira sidaan horay u sheegay in Gudiga Dastuurka loo xilsaaray inay Dastuurka soo dhameeyeen laakiinse aysan usoo bandhigin Ummadda, isla markaan ay u yeerteen dad ay ayaga soo xusheen si ay dadkaas uga Ansixiyaan Dastuurka taasna waa khalad, waan in dhamaan dadkoo dhan loosoo
bandhigaa sida uu CAHDIGA qoraayo, dadkii uu Gudigan uyeerteena waxay ubadnaayeen dadka aad looyaqaan iyo ganacsadayaasha, ururada haweenka iwm.
Ayaguna waa diideen in Dastuurka ay arkaan ama wax kadhahaan inta aanan dadka loo soo bandhigin.
Marka walaal aniga Dastuurka cusub madiidani waa sharci in Dastuurka labadali karo, laakiinse suu sharciga dhigaayo waa in AFTI looga qaadaa UMMADDA, wixii aan AFTI kaheesan SHICIBKANa mahirgali karo sida u sharciga dhigaayo, sidaas daraadeed aniga amtaageerimaayo wax aan ummadda AFTIDOODA kadhiiban.
walaal maxaad tiri waan kugu raacsanahay taas oo ah in Maamulka inta lashaqaysa ay ubadanyihiin dad LIITA, taasna eedeeda lama saarikaro Qabiilada sababtoo ah hada Puntland waa laga gudbay in Qabiil walba ay cidkeensadaan waxaa sitoos ah u magacaaba una sooxula Maamulka haba kusaleeye hab Qabiil, waxaana laga yaabaa hadii uu Qabiilka qofsoodooran lahaa inuu lamid noqon laheen midka maamulka uu wato, marka arintaa waa arin aad ugu baahan in wax laga qabto waxaad arkaysaa hada Puntland dad WAXBARSHADOODU ay aad iyo aad usarysa horayna usoo ahaan jiray Masuuliyiin oo hawlgab ah oo jidadka iska fadhiya, dadkaan maamulka wuu kafaa iidaysankaraa waxbadana dadka way uqaban lahaayeen, hada bal ufiirso SOMALILAND inta waxay soo aruursadeen intii waxtiqiin oo SOOMALIYANA wax uga soo aheed aduunkana lagayaqaan, markii aduunyada kalena aytagaan waa dad horay looyiqiin inay mas'uuliyiin ahaan jireen, halka maamulka Puntland lasoo aruurshay intii isku fikrad aheed (YES MEN) inkastoo ayku jiraan dad aad wax uyaqaan sida Madaxweyne kuxigeenka maamulka waanin mutacalim ah laakiin hoshiisa ayaaba yar oo hawsha inteeda badan waxay kusoo aruurtaa Madaxweynaha, waxaana la rabay inuu Madaxweyne kuxigeenka lahaado awood intaa kabadan oo wixii ADMINISTRATION ah ay asaga hoostimaado, taasna waxay hawsha kayareen laheed Madaxweynaha, iyo ina lasoo aruursho dhamaan waxgaradkeena kana faa'iidaysano, Midakale oo ah arintaan HISHIISYADA SHIRKADA HARTIGROUP waxaa dhaliisha keenatay waa qarsoonida iyo aruursanaanta uu maamulka kamuujiyay arintaa, hadiise ay waxa cadyihiin cid kashkisaa baa iska yaraan laheed, laakiinse MADOW baa kujira, laakiin maamulka arintaa dadka iyo SHICBKA reer Puntland masoo hordhigin wax cad oo lataaban karona dadkana waa kamugdisan yihiin waxa ay shirkada qabato taasna khasab waxay keenaysaa SHAKI shakigaasna sida kaliya oo looga bixikaraa waa in uu maamulka dadka iyo waxgardka dhaliicaynaya lasoo fariisto una falanqeeyo dhamaan howlaha iyo xisaabxirka si ay maamulka uga harto SHAKIGA lagaqabo iyo si ay dadka uqancaan, laakiin ilaa iyo hada arintaas madhicin khatarteedana bayleedahay.


To: Kacaandiid & Xaafuun

walaalayaal waarun maamulka wuxuu kabilaabay (TIME 0)
taasna waan sheegay inuu waxayaabo farabadan sooqabtay iyo inuu wax la dhihikaro maamul uu sameeyay lana dhisay ha ahaato dhan maamul ama dhan MAGACBA waana lasoconaa taas ciddiidan maleh, oo intii kahoray say 1998 yaayiqiinay PUNTLAND?????, hadana aduunka meelwalba baa lagayaqaan taasna waa guul usoohooyatay dhamaan dadkeen ku aftirsada Puntland.
Puntland waxay inoo noqotay dhulkii aanu kuriyoonjirnay kasoo bilow halgankii aanu kasoo dhilaabnay 1978-1979.
Marka taas waaruntaa oo mamulkaan hoos buu wax kasoo bilaabay, laakiin waxa lagu dhaliicaynaayo maaha wax uusan qabankarin ama uusan awood ulahayn laakiin waa wax uuqankaray laakiin uu seegay ama kaseexday, taas ayaa muhiim ah in lafahmo.
Waxaa tiri lacaguu qaadaa maamulka SU'AAL?? yuu kaqaadaa soomaaha reer Puntland, hadii ay wax xataa wadamo kale wax siiyaan maamulka soo maaha magaca REER PUNTLAND waxa lagu siiyay, sidaas daraadeed waxa maamulka soogala waa dhaqaalaha reer Puntland oo dhan.
Hadii dhaqalaahaas khalad uu kayimaado ummaddu xaqbay uleedahay inay khaladkaas wax katiraahdo maamulkana waa inuu dhageestaa khaladadiisana wax kabadalaa ileen maamulka laftisa SHICIBKA baa utaliyee. Marka waxa kaliya oo ay codsanayaan Ummadda waa khaladka haladayoo sisax ah wax haloowado si ay Puntland jiritaankeeda uwaarto meeshaana meel kafiican loogaaro, ee maaha taageero loohayo REER CARTA.

To: Xalaal Xaafuun
Waxaa tiri hadii aydaan rabin maamulkaan midkale doorta (waa saan u fahmay hadalkaada, hadiikalena iga raali naqo)
Walaal waxaad ogaataa in dadku ay xaq uleeyihiin AFTI inlooga qaado habka loo dooran doono ama Doorashada Madaxweynaha ay udhicidoonto taasna waa DASTUURKA.
Madaama uu qof walba uusan dhiiban codka doorshada laakiinse dadla soo xulay ay wax doortaan, sida kaliya oo ay dadka codkooda ku dhiiban karaan waa ayaga oo AFTI looga qaado DASTUURKA ama habka loo doorandoono MADAXWEYNAHA taas weeye quwada kaliya aykuyeelan karaan DOORASHA waana muhiim, marka hada waxaa la'isku haystaa in DASTUURKA dadka loo soo bandhigo SHICIBKA siday Aftidooda udhiibtaan (TAASI WAA SHARCIGA AMA SUU DHIGAAYO CAHDIGA) marka ilaa iyo hada GUDIGA Dastuurka cusub sameeyay wali shicibka Dastuurka uma keenin waana ogtahay wakhtigii DOORASHADU inaysan waxna kaharin oo waaba bisha JULY, hadii aan Afti laga qaadin SHICIBKANA Dastuur Doorasho jirimaayo, haduusan Dastuur Doorashana uusan jirina (YOU CAN KISS DOORASHO GOOD BYE) ileen Dastuur maba jiree.
Marka adaan su'aashaan kuwaydiinayaa hadii aysaan noqoto mukulatahay inaan dhihikarno Doorashadaan sifiican bay udhacday??????
Madhihikarana Qofkii doorashada noocaas ah kuraaya waa MADAXWEYNE si xaq ah loo doortay????
JAWAABTU waa MAYA, marka waxa kaliya ay dadka rabaan una qeelinahayaan waa in aan CAHDIGA IYO SHRCIYADA uyaala Puntland aan lagu tuman ee si xaq ah howsha loo qabto.
Hadii Dastuurka ummadda loo soo bandhigo oo ay codkooda dhiibtaan Doorshaduna aydhacdo oo uu raayo ninkamid ah inta isa soo sharaxday markaa waxaanu oronkarnaa Doorashada si xalaal ah ayay udhacday oo SHARCIYAN ah. Waana khasab inaad taas wada taageerno hadii xataa uu kuguulaysto nin aadan meesha larabi lahayn oo waa inaad raacdid meesha ay dadka ubataan, sidii ay shicibka uraaceen CABDULLAHI Yussuf 1998 markii uu doorasha ku guulaystay.
Marka arinta maaha yaa ladoortay yaa mucaaraday iyo CARTA iyo waxkale, waxaas oodhan muhiim maahaa waxaa muhiim ah in SHARCIGA laraaco CAHDIGA PUNTLAND uyaalana aan lagu tuma.
Taasna waxay muhiim utahay CAHDIGA waa waxa ay PUNTLAND ku taagan tahay hadii lagu tuntana ay PUNTLANDna ay jajabayso taasna dan nooma aha SOOMAALINA dan umma aha, waana inaa taageernaa sharciga ee maaha inaa taageerno shaqsiyaad cidaydoonto hanoqotee, ragaan aad sheegay saan
Cabdhullai Yussuf, KIng KONG, Xassan Abshir kuligood waxaa ka muhiimsan SHARCIGA oona kuligood kasareeya hadii aanu SHARCIGA taageerno midna nama jahwareerin karo.

To: Dr Maxamed
waad mahadsantahay walaal.

DOODA siiwada

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil-Qardhood

Saturday, February 10, 2001 - 02:00 am
To: reer Puntland (Duufaan iyo..... iyo...)

Walaale wax baa ka jira waxyaabaha aad sheegatay, laakiin waxaan kuweydiiyay ADIGU maxaad maamulka kasugaysay markii hore intaan ladooran?
Dadku markay madaxweyne ama xisbi dooranayaan waxay ku doortaan RAJO ah in uu arin/arimo heblaayo wax ka qabto.
Anigu runtii waxaan aaminsanahy maamulku inuusan waxba hagran iyadoo la tixgalinaayo sida uu xaalku ahaa ama yahay.
50 cadow
150 furin
1500qabiil
15000 kaabaqabiil
150000 siyaasi.
1500000 baahi bulsheed
15000000 dhaliil sheegayaal ah
iyo
-250000$
Intaas oo dhib ah baa jirtay ee walaale maahayn oo kaliya baahi bulsheed oo kaliya. intaas ayaa waxaa u dheeraa iyadoo dadkeena badnkiis uusan aqoon xilka saaran iyo kan uu dawlada ku leeyahay.
Maalin dhaweyd baan waxaan sheekaysanay nin aqoonyahan ah oo u dhashay Puntland oo layaqaan waxa uu maamulka ku dhaliilayay wax qabad laàan markaan waydiiyay Isagu waxa uu uqabtay anoo og in uu wax badan qaban karo waxa uu iigu jawaabay:
ASKARI BAA MEESHII KU GALGALANAYA.
Marka walaale haddii keenii mucaarad ah iyo keenii muàyid ahba aanaa Puntland wax ka dhisin waligeed sidaas bay adeegeeda bulshadu u danbaynayaa.
Walaale maamulku kaligiis wax maqabankaro haddii dadkii doortay aysan isla fahamsanay sida wax loo kala qabsankaro.
Puntland waxay ku jirtaa heer bilaw ah oo suaasha kaliya ee lays waydiinayo ay tahay Puntland mahanaqaadaysaa?. Annagoo kusiganay inaan Daadkii Carta raacno.

Walaale laba sababood awgood ayay muhiim tahay in amniga awoodda lasaaro

1-Haddii uusan maamulku dhinaca amniga xooga saarin walaal waahore ayaa Cigaal, Caydiid, Caato iyo Ina Salaad boy lugta na marinlahaayeen waayo rag xishoonaya maaha inay cabsadaan mooyee.

2- Walaal waxaan xusuusanaynaa dalka waqooyiga Yemen oo inta ku soo duullay koonfurta Yemen xoog ku qabsaday iyadoo loomalaynayay in aysan macquul ahyn. Taas waxaan kawadaa Reer Puntland maleh waddan shisheeye oo difaacaya Haddii dhinaca koonfurta ama woqoyigu nalaka soo weeraro KALIYA WAA in aan anagu is difaacno oo u sii tabaabushaysano. balkawaran haddii Dhoobdhoobka carta la aqoonsado oo ay magaca soomaaliyeed hub ku helaan meesha ay kabilaabayaan waa GAALKACYO taas wax shaki ah kuma jiraan

Ama kawaran haddii dawladaha Carbeed ee dabada kawada dhoobdhoobka Carta ay nagu soo hubeeyaan
markaan waa in aan haatan u tabaabushaysanaa.
SIDAAN OGSOONAHAYNA XAMMAR WAXAA DHAWAAN KA SOO DAGAYA HUB AAD U CULUS OO UKRAIN UGA YIMID REER CARTA.TAASNA WAA ARIN MAAMULKA IYO DADKA PUNTLAND U TAAL IN AY KA SII FAKARAAN.
Waxaase kale oo jira dad badan oo ku xaraysan xeryo xamar kuyaal kuwaasoo loo tababarayo in ay noqdaan "Ciidankii Xooga dalka ee soomaaliyeed" . Kuwaas oo ah MOORYAANTII xamar ee dhibka la ogyahay u gaystay RAYIDKA DAAROODKA.
Marka Duufaanow maxay kulatahay in dadkaas tirada badan loo xaraynaayo?

Walaal sideedaba labo arimood baa Insaanka looga nabadgalaa waana XISHOOD IYO CABSI.
Marka walaale soomaaliya Xishood mayaal ee Cabsi baataal in lagaa cabsanayo ayaad ku nabadgalaysaa
S/C

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DUUFAAN

Saturday, February 10, 2001 - 02:39 am
To: Wiil Qardhood

walaal waan kugu raacsanahay 2 arrimood oo kala ah :
marka hore waan kugu raacsanahay dadka Reer Puntland siiba dadka Qurbaha kunool inay kaseexdeen dhismaha dhulkooda, waa jiraan in uu shaqsi shaqsi uu kadhisto guryo waawayn laakiin waxaa ay waxbadan kaqaban kareen dhismaha dhulkeen siiba arimahaBulshada taas waan kugu raac sanahay oo waa CILADA uu dadkeeno qabo, laakiin meesha hakasaarin maamuka laftiisa khaladadiisa inuu leeyahay.
waana ku mahadsan tahay qodobkaas aad inoo sheegtay waxaana tusaale usooqaadan hayaa dadka ama reer Somaliland dadkooda dibadaha jira waa isxilqaameen oo dadkoodii wax badan baytareen meesha uu dadkeenii dibada jiray ay u kalabaxeen Group Group meelo kaladuwan taageersan taas oo aan dan inoogu jirin.
Marak labo CILAD oo waawayn baa ina heesta oo kala ah IN MAAMULKII HOWSHIISA uusan sifiican uga soo bixin iyo in DADKEENA dibada ama qurbaha dagan ay kaseexdeen sidii ay wax ugu qabanlahaayeen dhulkooda ayagana wax uga qabsan lahaayeen, waana fiicantahay intaan ku jirnta CARTO iyo qolaa halaaka martay iyo intaan DHUFAYSAKA ugu jirta qolada CARTO in la ilaaway danihii PUNTLAND, waa in dadka reer Puntland kuwa gudaha jooga iyo kuwadibada jiranba ay wada shaqeeyaanm, MAAMULKANA oo aad iyo aad umhiim ah inuu isnadiifiyo oo asuguna dhexdiisa sifiican isku nidaamiyo, shicibkana xiriirkiisa sii wanaa jiyaan.

Midakale waan kugu raac sanahay waxaa weeey in uu AMAANKA yahay wax aan laga kaaftoomi karin waanu arki karnaa walaalaheen Soomaalidii kale AMAANKA IYO MASKAXDA ka kaaftoomay dhibaatada ay hada kujiraan, waxaan farxad weyn anaga inoo ah in dadkeeno uu yahay dadnabada jecel waxaana taas keenay weli maysan ka KAAFTOOMIN CAQLIGA waana fakaraan waana iska ilaal shaan waxa khatarta kunoqon karta.

Walaal hadaan kaaga jawaabo Su'aasha aad isoo waydiisay oo ah maxaan aniga ka sugaayay Maamulka?
walaal aniga waxaan maamulka kasugaayay oo ugu wayn waa in SHARCIGA ilaalsho taasna wax badan buu ubaahan yahay inuu waxka qabto

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XAAFUUN

Saturday, February 10, 2001 - 12:52 pm
To: dhamaan
waad salaamantihiin, ka bacdi waxaan ad ugu faraxsanahay sida ay doodu u socoto,waxaana aan marnaba indhaha laga qarsan karin sida xilqaamka iyo sharafta leh ee laysu dhaafsanayo fikradaha, waxan u malaynayaa in uusan u doodin ugana hadlin sidaa aad uga hadlaysaan galaha shacabka p/l danaha reer p/l iskana dhaaf kan carta lugu sameeyay, waxaan idiin leeyahay horokac wanaagsan walaalayaal.
To: duufaan
WALAAL WAX BADAN WAXAAAD KA HADASHAY AFTI IYO DASTUURKA DADKA HA LOO SOO BANDHIGO?
haddii aan kaaga jawaabo walaal in kharash leg baa ku baxaya afti laga qaado dadka p/L dastuurkooda yaase bixinaya(warqadaha foodka oo kaliya soo ururinta iyo tirinta iskaba dhaaf warkooda)?
Tan kale faafintiisa iyadana intee baa ku baxaya?
ma leedahay dowladu hal TV ama hal raadiyow waa kaa gaalkacayo oo aan laga dhegaysan boosaaso, hal joornaal oo asbuuciiba mar soo baxa.
Marka walaal fidintiisa baaba dhib ka jirtaa adiguna waxaad ka hadlaysaa afti dadka looga qaado dastuurka, walaal how fakerin nin jooga wadamada reer galbeedka meeshu waa meel bilow ah.
Hadiisa khasab aad ka dhigtid waqti ma loo hayaa?
waa maya, Haddii dib loo dhigo doorashada si loo fuliyo aftida aad sheegtay ma qaadi kartaa garanti in aan la oran dibaa loo dhigay oo C/laahi baa ka masuul ah.
Tusaale:
yaa afti u qaaday dastuurka ku meel gaarka ah ee reer catra? kan somaliland?
Marka walaal togba taagtii buu rogmadaa ee aynu siino waqti ay ku istaagto p/l.
Tan ah maxay dadka banaanka joogaa qabteen waxa aan caawo ka shaqaynayno waa danaha P/L dadkuna waa innaga ee maaha cid kale ee aynu halkaa ka sii wadno oo aynu si toos ah u wada xiriirno,INOONA SOO DIYAARI HAB AAN KUWADA XIRIIRNO.
MAHADSANIDIIN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DUUFAAN

Sunday, February 11, 2001 - 04:28 am
XAAFUUN,

Walaal garan maayo inaad lasocotid habka aftida dadka looga qaado Puntland!!!!

Horta marka ugu horaysa aftida waxaa looga qaadaa ayada oo Degmo walba oo katirsan Puntland odyaashooda iyo wax garadkooda ay soo doortaan shicbka taas oo udhacdo siyaabo badan mid Qabiil iyo deegaanba ah, ragaas lasoo doortay ayaa aftida dadka ku dhawaaqa ragaana haku khaldin kuwa ku jira Baarlamaanka, waa rag lagu soo doortat Hab Qabiil iyo Deegaanba sidaas ayaan looga qaadaa AFTIDA shicibka, haku khaldin DOORSHOOYINKA kadhaca wadamada kale oo uu qofwalbo safsoogalo oo waraaq qaata oo codkiisa halkaas ku baxsho waxaa majiraan, arintaa waa mid waligeed soomaalida isticmaali jirtay dadkuna ay ku qanac san yihiin, sidaas ayaana AFTI looga qaaday markii la dhisaayay PUNTLAND, Qabiil walba oo daga Puntland waa laga qaaday marka garan maayo waxa aad hada sheegayso oo ah dhaqaalo la'aanta iyo WARAAQO la'aanta???????!!!!!!!

Ayada oo Puntland jirin baa AFTI laqaaday ma haday jirto dowlad dakhlina soo galo Canshuurna laqaado baa AFTI laqaadi waayay???

Tani walaal maaha marmarsiinyo dadka AFTI waxaa
looga qaadi karaa 6 bilood sidii horayba 1997-98
dhismihii Puntland, kharashkana maaha cilada loo qaadi waayay AFTIDA ee waa GO'AAN uu gaaray Maamulka taasna waxaa hada sheegay cadeeyayna afkoodana laga hayaa Gudiga Dastuurka oo diiday inuu soo bandhigo Dastuurka shicibka, marka walaal waxaad ka hadlaysid meesha mabayaalaan.

Teeda kale anaga hadaan reer Puntland nahay maxaa naga galay hadaan AFTI Laga qaadin SOMALILAND IYO REER CARTA, Puntland waxaa uyaal CAHDI ugaar ah taasna waakii lagu soo dhisay, AFTIDANA looga soo qaaday SHICIBKA Puntland.

DUUFAAN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kacaan-diid

Sunday, February 11, 2001 - 06:19 am
Duufaan,

Haddii ay AFTI-da aad codsanaysaa tahay mid marka hore lagala tashado degaanada iyo odayaasha ka wakiilka ah, dabadeedna la hordhigo Parlammaanka Puntland oo laga ansaxiyo, sow taas ma aha midda ay hadda ku mashquulsan yihiin guddiga Dastuurku.

Haddaynaan laba Puntland warka ka kala helin, anigu waxaan ogaa iyadoo gobolada oo dhan loo diray wufuud, oo ay dadka ka qaadayaan, input-kooda iyo wixii ay ka reebayaan Draft-ga ay soo diyaariyeen qoladii loo xilsaaray arrintaa.
Kaddibna marka lasoo gabagabeeyo wadatashiga shacabka degaan walba, waxaa loo gudbinayaa Parlammanka Puntland oo ansaxiniya.

Marka walaal, haddii odayaashii iyo waxgaradkii lagala tashanayay dastuurka la leeyahay waa ragga Abdullahi, haddii Parlammankii ansaxinayay oo final authorization-ka lahaa la leeyahay Abdullahi bay jeebka ugu jiraa, sow taasi caddayn mayso in majority-ga dadka Puntland Abdullahi lagu tuhun sanyahay.

Taasi waxay ka jawaabaysaa su'aashii aan topic-gan ku furay, oo ahayd "horta yaa taageera Abdullahi".

Waxaad mooddaa qoladii mucaaradku in " state of panic" ay isaga jiraan, oo cid ay aamminaanba aysan gobolka ku ogeyn, qof walbana ay uga shakisan yihiin inuu Abdullahi la safan yahay.

Duufaan, haddii la tashiga degaanada iyo beelahu uu soo dhammaado in time, dabadeedna loo gudbiyo Parlammanka Puntland, oo Parlammanku ka doodaan, dabadeedna ansaxiyo, walaal adigu ma ku qancaysaa markaas. Haddaadan ku qancaynde, xaggee wax u waddaa walaal.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DUUFAAN

Sunday, February 11, 2001 - 08:07 am
to: Kacaandiid

lol lol lol
war ninyahow mafiicna in been lagasheego waxa dhabta ah oo jira, waxaa tiri Gudiga dastuurka ayaa ku mashquulsan soo bandhigida dastuurka taasna waa run laakiin su'aasha meesha taal waxaa weeye dastuurka maloo bandhigay ummadda reer puntland????? Waruntaa inuu Gudiga mashquulsan yahay laakii wuxuu ku mashquulsan yahay maaha mid la xiriirta usoo bandhigida dastuurka shicnba waxay ku mashquulsan yihiin in dastuurka ay ka anisixi yaan dad ay ayaga gacantooda kussoo xulleen oo ah dad layaqaan oo wax garadah ilaa iyo hadana waa ku guulaysan waayeen inay ansixiyaa sababtoo ah dadkay uyeerteen waa ka diideen wuxuu Gudiga codsaday. Walaal waxaad akhrisaas kor waxaan hor ugu soo qoray waxaan umalaynayaa inaad sifiican aadan u akhrin,

walaal hadii aad sifiican ula socotid puntland oo waad ogaan laheed inuu gudiga Dastuuurka uu sicad udiiday inuu dastuurka soo hordhigo SHICIB waynaha reer Puntland taasna hadaadiiday aday ku jirtaa oo wax cad weeye ninkii dhulka laxiriira iyo inteena joogtaba waanu lasoconaa, laakiin wax aydaan ogeen la iskama sheego, GUdiga waa uu diray dad Gobalada Puntland laakiise ma ogtahay wax loodiray ????? ma fiicna adoon lasocon inaad wax iska dhaadhicisid, dadkaan waxaa loo diray inay si gaar gaar ah ula shiraan QEEBO kamid ah dadka Goboladaa dagan, waxay lashireen dad ay ayaga uyeerteen waxyna tuseen Dastuurka waxayna kacodsadeen dadkaas inay ku hadlaan magaca shicibka ansixiyaana Dastuurka cusub laakiin dadkaas waa diidayn ileen sharciga wuxuu dhigaayaa in Shibkoodhan ay arkaan Dastuurka.
Horta saa baa dadkaas loo diray halkaana waa yimaadeen maalintii 2 Feb ayana kula shireen Boosaso qeebo katirsan bulshada taasna waxay keentay in shirka looga boxo xubnihii Gudiga Dastuurka oo soo qaban qaabiyay shirkaas marka ma iswaydiisay maxay dadkaas loo yeeray oo waxgardka ahaa oo isgu jira Culumaa' udiin, ururada haweenka, ganacsatada, siyaasiyiinta reer Bari, ma iswaydiisay wixii shirkaas laga dhahay mase mamaqashay????? Hadiii aadan lasocn walaal waa kugu dnabi inaad iska difaacdid wax aadan lason xaqiiqadeeda. SHirkaas waxaa sicad looga codsaday Gudiga in Dastuuka uu keeno dadkana SHICIBKA latuso laakiin sicad bay waxay ky dhaheen "WAXAANU ISKU RAACNAY DURUUFA JIRA AWGOOD IN AAN DASTUURKA LOO SOO BANDHIGIN SHICIBKA, HADAAD TIHIINA WAXGARADKII REER BARI WAXAA HADA IDIINSOO BANDHIGAYNAA DASTUURKA SI AAD U AMSIXISAAN WIXII LAGA BADALI LAHAANA AAD NOO SHEEGTAAN"

dadkii meesha ku suganaa oo looyeerayna ayagoo yaaban bay waxay yiraahdeen waxaana "ANAGU WAXNA MA ANSIXINKARNO EE UMMADDA WAY IDIN SUGAYSAAYEEN DASTUURKA SOO BANDHIGA" waana laga diiday waxayna arinta mar gaartay in dadkii shirka ku jiray dhamaan ay kabaxaan shirka, marka walaal dadka dhulka jooga sifiican uwarayso aniga waxaan beenkagasheegayo baa iska yar, mana fiicna inaad wara aan dhab aheen inaad sheegto.

Tankale waxaa tiri Dastuurka waan inuu ansixiyo Barlamaanka, walaal horta mala socotaa sida Dastuurka loo ansixiyo, dadweynaha ayaa ansixiya waxayna ku ansixiyaan AFTI galaqaaday,
ha isku khaldin arrimaha, ee sidaa lasoco.
Markii uu mudada ay dhamaanto BARLAMAANKA IYO MAAMULKABA way dhacahayaan waxaan lagu soconahayaa inta lagasoo dooranaayo marlabaad sharciyada waafaqsan DASTUURKA.
DASTUURKA waa kasarayee MAAMULKA IYO BAARLAMAANKA, waxaan loo sameeyay inuu maamulka ku socdo sharciyada waafaqsan DASTUURKA sida uu CAHDIGA puntland qoraayo.
Sidaas daraadee waa SHICIBKA awooda dhabta ah oo jirta ansixinkartana DASTUURKA.
Ee maaha inuu nin kilkilada Dastuurka gashto oo hadba ulo tago labo qof oo meelmaraya oo yiraahda sidee idinlatahay asaga oo xataa nuqul kasiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XAAFUUN

Sunday, February 11, 2001 - 01:20 pm
To: duufaan
waad salaamantihiin dhamaantiin
Walaal waxaan u malaynayaa in wax iskaga khaldanyihiin ilaa iyo hadana si fiican kuuma fahmin.
Marka hore baarlamaanku waa xubinta sharci dejinta
dadka ku jirana waxaa soo doorta shacabka waxayna awood u leeyihiin in ay ku hadli karaan magaca shacabka, maxaa yeelay iyaga ayaa soo doortay; ok
maxay yihiin dadka kaleeto ee aad sheegayso oo habka qabiil ku dhisan oo ku hadlaya magaca shacabku?
Tan AFTIDA ee aad sheegayso ma ku fahmin sida iyo habka aad doonayso in dadka loo waydiiyo?
Waxaa tiri hadda ka hor waa la qaaday,goorma iyo sidee loo qaaday?
Annigu waxaan qabaa aftida in la waydiiyo dadka macnaatu CODKAYGA ANNIGA AYAA ISKA LEH EE KAABE QABIILKAYGU MA LAHA.
tan kale soo bandhigida dastuurka waxaa tiri waa in loo soo bandhigaa shacabka,maxaa looga baahan yahay shacabka hadiiba aan wax cod ah la waydiinayn oo waxgaradka iyo kaabo qabiilada aad sheegtay ee dadku ay soo doortaan oo ah kuwa aad tiri iyaga ayaa ansixinaya aftida dastuurka loo soo bandhigo , maxaa looga baahan yahay shacabka
Marka walaal bal siinka iyo saadka kala saar oo sax u sheeg sida aad wax u rabtid.
Annigu hadaan kuu macneeyo afti waa arin la waydiiyo dadka oo dhan oo nin walba oo qaan gaar ah uu codkiisa dhiibto( laakiin ma garanayo afti uu cokaaga ku hadlo kaabo qabiil iyo dastuur uu ansixiyo toona),
soo bandhigidna waa iyodoo loo soo bandhigo dadka u aftiyan doona wax loo soo bandhigayo waana shacabka;
Marka hadii aadan habkaa rabin ee aad rabtid habka kale ee aad sheegtay, hada soo luguuma samayn oo looma soo bandhigin dadkii aad sheegtay iyogiina maydiidin oo ma oron shacbiga ha loo soo bandhigo (waad sidaa sheegtaya)
Marka walaal bal wax na fahansii oo caddee
1 cidda aad la rabto in afti laga qaado?
2 cidaa aad la rabto in loo soo bandhigo?
3 iyo sida aad rabtid inloo soo bandhigo?
MAHADSANIDIIN WALAALKIIN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Badhan

Sunday, February 11, 2001 - 03:07 pm
Xaafun;

Ninkan Dufaan sgeegtay waa Iidoor ee qadhmuunkan ina wagaashe oo murqaanka ku jira wakhtigaga qaaliga ah ha iskaga dhumin....talo walaal

I hate faqashtii hor tan Ina Cigaal iyo ta qadhuunka caydhba
Puntilander forever.......

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DUUFAAN

Monday, February 12, 2001 - 02:02 am
To: Xaafuun

walaal waxna aniga iskuma khaldin ee waxaan u sheegay sida ay yihiin, walaal waan isku dayaayaa in hadan kuu micneeyo,

Walaal marka ugu horaysa waxaad kala saartaa SHARCIYA lasameeyo inta uu maamulka joogo iyo DASTUURKA lasameeyo markay doorshada soo dhowdahay. Sharciyada uu maamulka soo rogo intuu joogo waxaa aftida looga qaadaa Baarlamaanka.
Taa waad fahantay???

Dastuurka ladhiso Doorashada kahor waa kasareeyaa BAARLAMAANKA iyo Dowladaba oo waxaa aftida looga qaadaa SHICIBKA. taasna i hope inaad fahantid.

Midakale aad kuwareertay oo Qabiilka iyo Degmooynka waxay aheed tusaale ka mid ah sida ay shicibka AFTIDOODA udhiibtaan ee maaha mid khasab ah in laqaato waxayna u taal shicibka siday aftidooda u dhiiban lahaayeen, maadaama ay soomaaliya waxa lagu xisaabtamo ay tahay QABIIL waxaa lasameeyay 1997-98 markii AFTIDII hore laqaadaayay in QABIIL walba layiri aftida idinka iska soo qaada kadibna markay QABIILADA isku yimaadaan in QABIILWALBA qof ay soo xusheen uu ku dhawaaqo qabiilkaas intiisabada AFTIDII ay bixiyeen tan badata MAYA ama HAA ayaa laqaataa,
hadii uu qabiilkaas intiisabadan ay ku raacaan HAA taas ayaa soconaysa, kadib markaa baa la isku celceliyaa waxaana lafiirshaa dhamaan inta HAA tiri iyo inta MAYA codkoodu ahaa dhamaan QABIILADA kiibata ayaa laqaataa hadii ay isdhaafiwaayaan ama ay kala badanwaayaan waa lagu ceshaa AFTIDA.
Walaal tani waamid horay loo isticmaalay dadkuna ayku qanacsan yihiin, mida ay aaminsan yihiin inay ugu fududtahay. Laakiin kuma oron waa khasab in midaan laqaato taasina waxay u taalaa shicibka reer Puntland, waxay uun aheed tusaale!!!!

To: Badhan
walaal garan maayo waxaad la caytantay lakiinse waxaan u qaatay inaadan aqoon sida loo doodo aad uun taqaanid sida dadka loo caayo iyo aflagaado xun taasna ogow ciday wax udhimayso baa iska yar, aan adiga ahayn. Laakiinse waxaan ka walwal sanahay inay kuwo adigoo kala ah ay inagu dhexjiraa oo jahliga lafaha kagalay, daawona malaha cudurkoodo inay ILLAAHAY caafimaad ka baryaan mooyee.

CAAFIMAAD ALLE


Walaalyaal doodaydu intaa bay ku akeed intii sifiican u doodayna waa ku mahad sanyihiin.
Wadanbe baan soo laaban doona inasha ALLAH.

Wixii aan sugnaaba waa waxa kasoo baxa xiisada haan iyo Doorashada say u dhacdo, taasina waan wada arki doonaa, waxaana kacodsanyaa dadka difaaca isga jira iyo kuwa weerarka isaga jira inay MASKAXDOODA furfuraan dhexdhexaadna ahaadaan mafiicna inay caadifad aan waxtar lahay ina qaado waxaan waa middan DAN inoo wada ah ee cidgaar ah dan umma ah kana fiirsada waxa jajab Puntland u keeni kara iyo waxa Horumar iyo daganaansho keeni kara mararka qaarkood taasi waa isaga khaldantaa dhamaan soomaalida.

Aniga waxaan ahay 23 jir wadanka jooga magaalada Boosaso xaafada Biyo kulule waxaana lasocdaa wax yaabo badan oo aydaan lasoco, waxaan hada dhulkeena kadhacana inataysan idin soogaarin anigaa dareema, kasoo qaad maciisha hada kor u kacday, mushaharka oo hoos u dhacay lacagta lagu siiyona ay waxna tarayn aniga hada waxaan kashaqeeyaa xafiiska UNICEF ee Boosaaso ogaadan in tabadan oo da'adayda ah inay ubateen inay isqoraan CIIDAN ama jidadka iska taagnaadaan iyo makhaayadaha anaana ugu roon oo Passport ajnabi ah wat oo goortaan rabo ka dhaqaajinkara laakiin dadka halkaan jooga meelay aadan maleh meciishadiina cirkay isku shareertay markii ay mudaharaad yar ah sameeyana waxaa ladhahaa waa CARTA marka bal ii sheegay taas maxay keeni kartaa?????????? idinka madareemi kartaan halkaas baa QURBAHA ku raaxaysanaysaan SICIR BARARKA Puntland ka dhacana madareemi kartaan waxaana rabataan inaad ka hadashaan danta Puntland kana hormartaan dadka halkaan jooga oo halgaamaaya idinka oo aan lasoconba xaaqiiqda dhabta ah ee Puntland taasi waa wax laganaxo.

Meeshaan waxaan ku arkay dadkiina qorbaha jooga saad u fakartaan, ogaadana in wixii hada Puntland iska badala inay saameyn doonto anaga hadaanu nahay dhalinta Puntland ee maaha odyaasha oo mardhow kuligood iska wada tagi doona.
Hada dadka halkaan jooga waa sadex qolo
1- qolo taageersan Carta iyo wixii lagu soo dhisay.

2- Qolo sida Badhan oo kale ah oo ayagana taageera maamulka Puntland.

labadaan qolo ayaga oo aan kafiirsan bay si hagarbax ah u taageeraan qolooyinkaas.

3- waa dadka hada wadanka gudihiisa jooga say ubadan yihiin oo anigana aan kamid ahay oo aan raac sanayn CARTA, maamulka Puntland na raba inuu isbadal ku yimaado.
Laakiinse waxaa ii cadaatay in dadkiina qurbaha jooga ay ubadan yihiin qoloda nr 1 iyo 2.

Waxaana aniga shaqsiyan waxkhti badan iyo kharashba isaga lumiyay doodaan waxaana filaayay inaan bal arko siday dadkeen qurhaba jooga ay u fakaraan taasna waa ii cadaatay.

waa mahad santihiin, maantaana iigu danbaysa wax aan halkaan ku soo qoro.
(ninkii sii caytamaaya waa ufurntahay meesha)

SIDAA IYO NADABGELYO


Duufaan
Biyo kulule,
Boosaso
Puntaland state
email: umyp@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kacaan-diid

Monday, February 12, 2001 - 04:57 am
Duufaan, waxyaalo badan baa isaga khaldan, wuxuuna khalad ka fahmay waxa la yiraahdo Referundum (Afti).

Haddaan ogahay inuu akhrisanayo, waxaan u sheegi lahaa in ay parlammanku yihiin, legislative branch of the government, ayna iyagu ansixiyaan amandment kasta oo lagu sameeyo Dastuurka.

Waxaase aan la yaabay sida uu Duufaan uga maagay inuu ka jawaabo markii la waydiiyay cidda uu ka wado "Shacabka".

Duufaan haddaad soo noqoto, fadlan soo gaabi qoraalkaaga, oo nuxurka doodaada soo koob.

Waa mahadsantihiin,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KARKAAR

Monday, February 12, 2001 - 08:22 am
to: KACAANDIID

Kacaankee diidan tahay makii SIYAAD BARE mise kii USC ee Xamar mise midka hada lagu qaadi doono INA YEY ?????? balnoosoo kala sheeg!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dalkii ka yimaade

Saturday, February 17, 2001 - 01:52 am
Xariifkaan ina yey ah 5 gobol ayuu ka haystaa taageero badi dadka ku nool waxaanu ku lee yahay mucaarad isla 5ta gobol jawaabta halkaa ku ood oo nin dambe ha waydiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WIIL-QANDALA

Friday, February 23, 2001 - 11:54 am
waa yaab, ninkan la baxay Dr Maxamed ma group intrestigii carTuu mathalaa, ari boowe ma lacag bay kuu soo direen mise odaygii ku dhalay mise ilmo adeertaa baa waxay ku jiraan parlement ku sheegii carta.

hadaysu saa tahay danta majeerteen oo idil ma waxaad ka hormarinaysaa shilimaadkaas.

walee waa yaab, saas miyaad wax ku soo baratay.
what is the difference bitween your family interest(which is caalo qaadasho) and the interest of majeerteen???

markaad kasoo jawaabto taa ayaad mudan tahay in lagula hadlo.