We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!
.
.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, February 07, 2001 - 12:08 am Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka C/llaahi Yuusuf Garowe, Arbaco, Feb,07 2001 Taliyihii hoggaanka kormeerka iyo xiriirka bulshada Maxamed C/raxmaan Sugulle ayaa iska casilay xilkii uu ka hayey maamul goboleedka Puntland. Sababaha uu sarkaalkaas isku casilay ayaa ka dambaysay kaddib markii uu ka xumaaday sida maamulka C/llaahi Yuusuf ula dhaqmay dadkii bannaanbaxa ka dhigay magaalada Boosaaso. Maxamed C/raxmaan Sugulle ayaa C/llaahi Yuusuf ku tilmaamay nin diktaatoor ah oo uusan la shaqeyn karin. Iska hor imaad ka dhacay Qardho… Qardho, Arbaco, Feb,07 2001 Siduu noo soo sheegay weriyeheenna gobolka Bari C/fataax Jaamac magaalada Qardho iska hor imaad uu ku dhex maray ciidamo hubeysan oo deegaanka ah iyo maliishiyo daacad u ah C/llaahi Yuusuf oo ka tagtay magaalooyinka Garoowe iyo Burtinle, kuwaasoo doonayey inay xoojiyaan ciidamada maamul goboleedka Puntland ee ku sugan magaalada Qardho. Ciidammadaasi ayaa intii aysan gaarin magaalada Qardho waxay la kulmeen dhowr iska hor imaad waxaana la sheegay in ciidankaas ay markii dambe jiireen kooxihii is hor taagay, waxayna galeen magaalada Qardho. Waagu markuu baryey ayaa lagu warramay in dadweynihii deegaanka ay ciidammadaasi ku keceen, waxaana la sheegay in iska hor imaad uu dhex maray, waxaana iska hor imaadkaasi ku dhintay saddex qof, waxaana ku dhaawacmay dhowr kale. Ciidanka maamul goboleedka Puntland ayaa la sheegay inay ku xareeyeen xero ay horey u deggenaan jireen ciidanka Daraawiishta iyadoo odoyaal ka yimid Boosaaso ay ciidankaasi u jeediyeen in loo furo waddo ay maraan, hase yeeshee maliishiyadii deegaanka ayaa la sheegay inay arrintaasi diideen, waxaana la sheegay in ciidammadaasi haatan lagu hareereysan yahay. Bosaso 7 Feb, saaka waxaa halkaan Boosaaso nagu soo garaay dad kayimid magaalada Qardho oo lasheegay inuu habeenkii Isniinta 1:00am habeenimo dagaal kadhacay dagaalkaas wuxuu dhacay markii ay ciidamo kayimid Garowe oo ku hubaysan Teniko ama gawaarida dagaalka ay soo galeen magaalda islamarkaa baa waxaa ka hortagay ciidamo kale oo diiday inay ciidamadaas soo galaan gobalka Bari. Baxado ayaa la isdhaafsaday halkaa waxaa kudhintay nin kamid ah ciidamada DARAAWIISHTA ay goo kadib u cararay dhanka Xerada Policeka iyo DARAAWIISHTA halkaa ay ilaa iyo hada ku xareesan yihiin. Waxaa kaloo ayaamahan xiran jidka isku xira Boosaaso iyo Garowe halkaas oo meel layiraahdo ALLXAMDULILLAH ay fadhiyaan ciidan kale oo gooyay jidka oo sheegay in si dagdag ah loo soo siidaayo odayaashii loodhigay magaalada GAALKACYO waxaana aynoo sheegaan dad meeshaa soo maray in lasoo siidaynaayay gawaarida shicibka kaliya kuwad dowldana meeshaa diblooga soo celinaayay, waxaa kale oo ay sheegayaan inuu ciicdankale oo xoojin ah soo gaaray BOONDADA Allxamdulillah oo ay maleeshida qoryo ku xireen buuraha u dhaxeeya buudadasaa, waxaa kaloo shalay magaalada kusoo laabtay LACAGTII MUSHAHARKA MAAMULKA PUNTLAND markii loo diiday gawaaridii wada inay halkaa dhaafaan. Dhanka kale magaalada GAALKACYO ayaa waxaa odayaasha BEEDHA OMAR MAXAMUUD kacodsadeen maamulka PUNTLAND in sidag dag ah odayaasha BOOSAASO loogu cesho lana siidaayo. Codsigaas ayaa lagu gacan seeray waxaana la isla dhexmarayaa in odayaasha loo gudbindoono xabsi ku yaal ITOOBIYA halkaas uu kusugan yahay MADAXWEYNE C/ALLAHI YUSSUF taas bay waxay kacaraysiisay odayaasha MUDUG iyo ISMIMADA PUNTLAND. Waxaa maanta la filayaa inuu BOQOR Maxamuud uu la hadlo ciidamada isku aruursanaaya BARI iyo in dibloo furu jidka waxaana lasheegaya inay rag hogaaminaaya ciidamada BARI ay sheegayaan inay xiri doonaan jidka meesha lasgasoo galo Bari oo layiraahdo KALABAYR oo wax yar ujirta GAROWE, xaalada ayaa hada waxaa dhexgalay ISIMADA laakiin hada arintu waxay taagan tahay QIR IYO QIR halka uu maamulka ku adkeesanaayo ina ODAYAASHA laxiray lasii dayndoonin iyo dhanka kakale oo BEELAHA BARI ay codsanayaan in ODAYAASHOODA dib loo soo cesho. Boosaaso, 7 Feb. waxaa shalay magaalada Boosaso ka amba baxay Xaawo oo ah Xaaska Madaxweynaha Puntland State waxaana lasheegayaa inay arintaas keentay xiisado isasoo taraya oo udhaxeesa shicibka iyo Maamulka Puntland, Madaxweyne Cabdullahi Yussuf ayaa hada wuxuu ku sugan yahay wadan Talyaaniga asaga iyo qaarkamid ah wasiirada Puntland sida Wasiirka Howlaha guud ahna Madaxa GUDIGA AMINIGA G/BARI, dhanaka kale warar hada nasoo gararaya ayaa waxay sheegayaan in Odayaashii lagu xirxiray magaalada Boosaaso oo hada ku jira Xabsiga DHEXE ee magaalada GAALKACYO in aan lasiin daydoonin lana xukimo doono, taas oo laga baqayo inay arinta sii cakaris
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, February 07, 2001 - 12:11 am Boosaaso, 7 Feb. waxaa shalay magaalada Boosaso ka amba baxay Xaawo oo ah Xaaska Madaxweynaha Puntland State waxaana lasheegayaa inay arintaas keentay xiisado isasoo taraya oo udhaxeesa shicibka iyo Maamulka Puntland, Madaxweyne Cabdullahi Yussuf ayaa hada wuxuu ku sugan yahay wadan Talyaaniga asaga iyo qaarkamid ah wasiirada Puntland sida Wasiirka Howlaha guud ahna Madaxa GUDIGA AMINIGA G/BARI, dhanaka kale warar hada nasoo gararaya ayaa waxay sheegayaan in Odayaashii lagu xirxiray magaalada Boosaaso oo hada ku jira Xabsiga DHEXE ee magaalada GAALKACYO in aan lasiin daydoonin lana xukimo doono, taas oo laga baqayo inay arinta sii cakariso, maalmahaa oodhan ayaa waxaa isku dayay ODYAASHA Bari in nimankaas DAMIIN loogu sii daayo taas oo lagadiiday, sidoo kale markii maxaabiistaas lageeyay magaalda GAROWE ayaa waxaa diiday POLICEka Garowe in lago xiro xabsiga wayn ee Maamulka, kadib markaa ayaa waxaa Odayaasha loo sii gudbiyay dhanka magaalda Gaalkacyo oo ay ilaa iyo hada ay ku xiran yihiin, shalay ayaa odaaya G/MUDUG waxay kacodsadeen in odayaasha lasiidaayo laguna cesho Bari, arintaas waxaa ku gacan seeray SARAAKIISHA MAAMULKA, taas oo ay aad uga caray siisay ISIMADA, labo cisho kahor baa SULDAAN GARAASE wuxuu ku dhaleeceeyay in MADAXWEYNE C/Allhi Yussuf uu dhagaha kaxirtay cosiyadii ay odayaasha kaga codsadeen in Raga la xirxiray lasii daayo, Wuxuu SULDAANKA intaas ku sii daray in aan dadka lacadaadin xaqoodana lasiiyo, wuxuu Suldaanka yiri( PUNTLAND cahdi baa uyaal maaha in cahdigaas lagu tunto, hadii arintaa sidagdag ah loo xalin waayo waxay arinta dib ugu soo laaban doontaa ISIMADA ayagaan GOÁAMINDOONA). Warar aan laxaqiijin ayaa sheegaya in arintaas ay kaxanaajisay MADAXWEYNAHA. Boosaaso, 7 Feb. waxaa shalay magaalada Boosaso ka amba baxay Xaawo oo ah Xaaska Madaxweynaha Puntland State waxaana lasheegayaa inay arintaas keentay xiisado isasoo taraya oo udhaxeesa shicibka iyo Maamulka Puntland, Madaxweyne Cabdullahi Yussuf ayaa hada wuxuu ku sugan yahay wadan Talyaaniga asaga iyo qaarkamid ah wasiirada Puntland sida Wasiirka Howlaha guud CABDI CABDULLE SICIID (JINI BOQOR) ahna Madaxa GUDIGA AMINIGA G/BARI, dhanaka kale warar hada nasoo gararaya ayaa waxay sheegayaan in Odayaashii lagu xirxiray magaalada Boosaaso oo hada ku jira Xabsiga DHEXE ee magaalada GAALKACYO in aan lasiin daydoonin lana xukimo doono, taas oo laga baqayo inay arinta sii cakariso, maalmahaa oodhan ayaa waxaa isku dayay ODYAASHA Bari in nimankaas DAMIIN loogu sii daayo taas oo lagadiiday, sidoo kale markii maxaabiistaas lageeyay magaalda GAROWE ayaa waxaa diiday POLICEka Garowe in lago xiro xabsiga wayn ee Maamulka, kadib markaa ayaa waxaa Odayaasha loo sii gudbiyay dhanka magaalda Gaalkacyo oo ay ilaa iyo hada ay ku xiran yihiin, shalay ayaa odaaya G/MUDUG waxay kacodsadeen in odayaasha lasiidaayo laguna cesho Bari, arintaas waxaa ku gacan seeray SARAAKIISHA MAAMULKA, taas oo ay aad uga caray siisay ISIMADA, labo cisho kahor baa SULDAAN GARAASE wuxuu ku dhaleeceeyay in MADAXWEYNE C/Allhi Yussuf uu dhagaha kaxirtay cosiyadii ay odayaasha kaga codsadeen in Raga la xirxiray lasii daayo, Wuxuu SULDAANKA intaas ku sii daray in aan dadka lacadaadin xaqoodana lasiiyo, wuxuu Suldaanka yiri( PUNTLAND cahdi baa uyaal maaha in cahdigaas lagu tunto, hadii arintaa sidagdag ah loo xalin waayo waxay arinta dib ugu soo laaban doontaa ISIMADA ayagaan GOÁAMINDOONA). Warar aan laxaqiijin ayaa sheegaya in arintaas ay kaxanaajisay MADAXWEYNAHA. WIXII WAR AH OO SOO KORDHA WAAN IDINLA SOO SOCONSIINDOONAA.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, February 07, 2001 - 05:44 am Moryaan lover/false Wariye, You can write whatever trash you want, but the truth is the highest position that you will ever hold is going to be to clean Mr. Qasim's mama's behind with you tongue.....Isn't it nice treatment for a Mooryaan lover???. And since he(Qasim) already had enough of your sisters, why don't you give him your rear end as a reward. Faqash ibnu faqash waxaad malaha missgraysay shaqadii aad u qaban jirty mama Khadiija.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, February 07, 2001 - 06:14 am Waxaad ogaataan in qofkaan uusan ahayn wariye ee uuyahay qof dacaayad wadda kaas oo u adeegaya Ina Salaad Boy iyo saaxiibadiis kana shaqaynaaya burburka Puntland. Wariye waxaa layiraahaa qofka kasoowarama Xaqiiqda. Maadaama ninkaan "warye" labaxay uusan sheegayn xaqiiqo ayaan u arkaa in uu yahay qof dacaayad wada. Waayo Anigaa Saaka, Xallay iyo shalayba lahadlay Qardho iyo Boosaaso mana laiisheegin waxa ninkaan uu sheegayo ee beenta ah la iima sheegin. waxaan filaayaa in aad tahay nin aan aqaan oo yiraahda weriyaan ahay oo layiraaho Abdullaahi Black oo Cayr ah aana arkay isagoo sheeganaya in uu MJ yahay islamarkaana wargayska beenta badan ee Ayaamaha.com u sheqeeya oo wax ku qora. Marka "wariye" waxaan kugula talinlahaa in aad beentaada ku ekaysiisid Ayaamaha.com. in aad tiraahdid wariyaan ahay oo aad been ka seegtid Puntland waxaa kuu dhaanta adigoo qori soo qaata Pl soo aada inkastoo aan filaayo in aad samayn doontaan, goor hore ama goor danbe. Wiil-Qardhood
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, February 07, 2001 - 06:43 am Bosaaso, 7 Feb 19:36 warar hada naga soo gaaraaya magaalada Qardho ayaa waxay sheegayaan in wada hadaladii dhexmaraayay ODAYAASHA iyo CIIDANKA DARAAWIISHTA IYO Dhalinyarada QARDHO ayaa waxay sheegayaan in laga yaabo in guul laga gaaro, ilaa iyo maalintii Isniinta waxaa ku xanibnaa magaalada ciidamo ka yimid dhanka Garowe oo halkaa u yimid inay hubka kadhigaan wiilal u dhashay deegaanka Bari oo isku aruusaday meel BUUNDO ah oo ujirta magaalada QARDHO 70km dhanka BOSAASO oo la yiraahdo ALLXAMDULILAH ciidankaas ay waxaa dharbaaxsho uga dhacday markii ay dadkii galaada QARDHO ka horyimaadeen waxaana halkaa kadhacay dhimasho iyo dhaawacba ilaa iyo hadana waxaa socda wada hadal u dhaxeeya ODAYAASHA deegaanka iyo CIIDAMA iyo DADKA kasoo horjeeda. Xiisadaanu waxay bilaabatay maalintii JAMCAHA markii magaalooyinka QARDHO iyo BOOSAASO wax garad udhashay xabsiga loo taxaabay ayagoo lagu soo oogay dambi ARGAGAXIS ah taas oo ka caray siisay dhamaan ummadda dagta BARI. Ku: Wiil Qardhood nin yahow waxaad rabtid ku hadal adigoo kale waan aqaan kuwo kula mid ah baanu halkaan ku haynaa, garan maayo waxaad u diidantayhay in wararka lala socodsiiyo walaalaheen ku nool qurbaha?
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, February 07, 2001 - 08:09 am to weriye duqa siidaa baan ku iri warka waxba haka laba labeynin wan sugaayey iney puntiland gubandoonto oo uu ugu wacan yahey xayawaanka xayawaanku dhaley oo cabdulahi yuusuf isku shegAYA .CABDULAAHI YUUSUF PUNTILAND INUU GUBAYO ANIGU WAN OGAA LAAKIIN WEY SOO DAAHDEY .. MARKA WAXAN LEE YAHEY QOF WALBA OO REER PUNTILAND MEESHUU JOOGO HAKU OOYO .. OGAADA INAANAAN HAWIYE WAXBA DHAAMIN AYAGUBA WAXAY TALO KU GOOSTEY INEY DHIIGOODA XALAALEYSTAAN IYAGOO SHEEGANAYA INEY INTA KALE ISKA XIGAN MARKA CABDULAAHI YUUSUF OO 25 SANO QORI LA ORDAAYEY IDINKAA TALO UDHIIBTEE DHIIGA DHEGTA HA IDIIN DARO ANIGA KAMA WAL WALAYO SABABTOO AH WAAN SUGAAYEY WAXAAD SUGEYSIDNA KAMA NAXDID MARKA MAATADA IYO CARUURTA IYO DUMARKEENA AAN BAL FIIRSANO NINKA WAALANI SUU UGUMAADO .. ANIGU HADA KA HOR BOSAASO AYAAN JOOGEY WAXAAN AHAA GANACSADE WAA 1991 ILAA 1994.. MARKAAN ARKEY NINKAAS MEESHUU WAX KU WADO WAAN OGAA INEY WAX WALBA KASUURTOOBAAN MARKA WAXAN GAAREY INAAN GOBOLKAAN U DHASHEY AAMINI WAAYO SABABTOO AH NINKAAS OWGIIS .. WAXAAN OGAA WIILASHII U DHASHEY BARI SIDUU U XASUUQEY ASAGOO DADKA U SHEEGAYA INEY AKHWAAN YIHIIN .. ASAGOON DILKA CIDNA UGA HEYBEYSAN AYUU GOANKA MASKAXDIISA KA GAARAA WAANA DAWACO WAALAN DAWACO WAALAN RUUXII HILIB KU RARTANA ASAGEY DIB U CUNTAA . MARKA ADEERAYAAL REER PUNTLAND WAXBA HA CAROORININA QAASATAN DADKA QURBAHA.. JAAHILNIMADA DADKEENA LAGULA KA CAYO OGAADA INEY MAR UUN IDIN TABAN DOONTO INA YEY DHIIGA DADKIINA SIDUU UGU FARAXASHO AAN ARAGNO .. ADEER SIYAAD BARE AYA AABIHIIS AH TAARIIKHDA UU KA TEGEYNA WAAD ARAGTAAN ..IYO MEESHA UU KU DANBEEYEY KOLEY TAARIIKHDAA XUSI DOONTO .. MARKA PLAND DADKA KU NOOL HADAN LOO CADAALAD FALIN OO XUMAHA IYO SAMAANTA LAKALA SAARIN OO AAN QOF WALBA XAQUU KU LEEYAHEY PLAND AAN LASIIN OGAADA THERES A BLOOD BATH.. HADII JAAHILNIO WAX LAGU MAAMULANA DHIBKEEDEY LEEDAHEY IYADOO KII AQOONTA LAHAA JOOGO OO XAQA IYO XAARANTA KALA SAARI LAHAA .. MARKA KOLEY WAAN ARKI DOONAA MEESHEY KU DANBEYSO IYO SHACABKA SIDA LOO GUMAADO .. KUWASOO HADEER U BADAN MAATO KASOO BARO KACDEY KOONFURTA BAL AAN INDHAHA IGULA HAAYA .. MEESHEY KU DANBEYSO KOLEY WAATAN HADEER GUBANEYSEE..
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, February 07, 2001 - 09:17 am war INA YEY WUXUU KU XEEL DHEEREEYAA SIDA DADKA LOO KALA DIRO AAAAAAAAAAAAWAY AAAAAAAAWAY SSDF HARCAD AYUU KALADIRAY MAR UU ISAAQ SAARO MAR UU HAWIYE SAARO MAR UU DAARODKALE SAARO ILAA AY ISKU SOO HAREEN INTII ASAGA ISKU LAF AHAAYEEN, MANALA XISAABTAMID MEESHA UU GEEYAY 23 KUN OO WIILSHA MAJEERTEEN MARKAAS BAAN INTAAN ISKA QADANAY MADAXWEYNE KADHIGANAY WAR WAA IN AANU KA NADIIFINO PUNTLAND DADKEEDAN ISKU HAYNO MADAXWEYNE KALENA DOORANO INTUUSAN BOHOL NAGARIDIN.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, February 07, 2001 - 09:52 am Waar waxaan qadhmuunka ah dugsiyadii dadka waaweyn xitaa ma soo gaarin miyaa. Waar baatuuyahow sankadhuudhugu wadanka soo galiyey af Somaliga farta waaweyn nooga daa...Waxbaad doonaysaa in aad sheegto tii yoon wax ku afgaranyaaba jirin, bal intaadan na wacdiyin qadhmuunyahaw kabtu dhashy bal waxaad qortay dib u akhri inaad fahamto........Waar kac oo tag xarumaha lagu dhqanceliyo Mooryaanta ee ka furan minisoota iyo Canadaba.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, February 08, 2001 - 09:44 am War-Saxaafadeed uu Soosaaray Mohamed Abdirashid Mohamed Abdirashid Toronto, Canada Distributed: February 8, 2001 Ugu horrayn waxaan u tacsiyadaynayaa gabadha kugeeriyootey mudaharaadka kadhacay Boosaaso (Puntland), Waxaan Ilaahay uga baryaayaa in uu jannadii kasawaabiyo. Caa'iladeedana waan u tacsiyadeynayaa. Dadkii kale ee meeshaas ku dhaawacmayna Ilaah waxaan uga baryeynaa inuu caafimaad siiyo, oo ay kasoo kabtaan dhaawacaas. Mudaharaadkaani wuxuu ahaa mudaharaad xaq ah, mudaharaad xuquuqda insaanka ku dhisan, xuquuqda shaqsiga ku dhisan, dimoqraadiyo kudhisan, nabad kudhisan. Waxa laga mudaharaadaayana waxa weeye lacagta beenta ah, sicirka nolosha oo cirka kudhegtay noloshii dadkana ciriiri gelisay iyo dastuurka oo dawladdu ay rabto in ay khalkhal geliso. Dawladduna waxay isticmaashay xoog ayadoo uga dan leh in ay Puntland qas ka kiciso. Dawladda waxaa xaq ku ah inay dhegeysato baahida bulshada Puntland, inay dhegeysato dhawaaqa dadka mudaharaadayey, waxa ay dhibsanayaana ay wax ka qabato ayey ahayd. Ma ahayn in ay xabbad isticmaasho, waxay ahayd nabadda Puntland in la ilaaliyo. Waxa aan leeyahay dadkii shalay lahaa dawladdaan baan rabnaa in la dhiso nabadda puntland bey ilaalineysaa haku quustaan waxa dawladu ay ka samaysay magaalada Boosaaso, dhiigga ay ka daadisay in ay san ahayn dawlad nabad raadineysa ee ay tahay dawlad dhiig daadineysa . Waxaan ka codsanayaa Isimada Puntland oo dawladdaan rabey in ay dhalato, in arrinka maanta taagan ay wax kaqabtaan oo nabadda Puntland gacanta ku dhigaan maadaama ay dawladani ku tagri faleyso baahida bulshada Puntland. Dadka Puntland mudaharaadyada xaq baad u leedihiin waa in aad waddaan, waa in ay ahaadaan mudaharaad nabad ah, waa in ay ahaadaan mudaharaad cilmi ku dhisan, waa in ay ulajeedadoodu tahay in dalkan dimoqraadiya lagu abuuro, lagu xukumo, xukunkan caadil darrada nagu hayana nooga tago. Waxaan ka codsanayaa dadka Puntland in aan nabadooda khalkhal la gelin oo ay iska ilaaliyaan, kuna dadaalaan cadowga gudaha iyo dibadda siday isaga tiirin lahaayeen kuwaas oo qaskooda raba, nabadooda in ay dhunto raba. Laba cadow baa gacanta idinla soo galay, waxaan idin leeyahay nabadiina iyo midnimadiina ilaaliya. Shacbiga Gaalkacyo dega iyo isimada magaalada Gaalkacyo waa in ay ka shaqeeyaan sida loosoodeyn lahaa dadka halkaas lagu xiray. Gaalkacyo waa frontline, ehel isku xiran bay u baahantahay, ehel dab la isugu dhiibay uma ay baahna. Dawladani dab bey isugu dhiibeysaa. waa in aan anagu sidaan isugu xirnaanlahayn, saan nabadeena u ilaalin lahayn, saan dimoqraadiyadeena u dhalin lahayn, iyo saan xukun fiican ee baahida bulshada Puntland qabto buuxin lahaa loo helilaha kawada shaqaynaa. Waxaan idinka baryaayaa in jiritaankiina, ehelnimadiina, midnimadiina iyo nabadiina aad adkaysaan inkastoo cadow dibadda iyo gudaha ah ay dagaal xun idinku hayaan. Ilaah baan idiin baryayaa, waan idinla shaqaynayaa, hoggaankaan qabaneynaa, waana dadaaleynaa, nabad baan keenaynaa, dimoqraasiyaan keenaynaa, Ilaahayna hanagu garabgalo, kuwii tari-jirey, kuwii tari-lahaa, kuwii tari-doona Ilaah hanaga dhigo. Puntland hajirto, Soomaaliya hajirto. Mohamed Abdirsahid maarashid@yahoo.com Posted: February 8, 2001
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, February 08, 2001 - 10:18 am Boosaaso, Feb 8 Xaalada magaaloyinka G/Bari gaar ahaan Qardho iyo Boosaaso ayaa daganaa maanata iyo shalayba inkasta oo ay jiraan xiisado jira. Maanta mar aan soo maray suuqa weyn ee Boosaaso ayaa waxaa kamuu qatay xiisad dhanka ganacsiga ah oo ay saa meeysay isbadelada lacagaha iyo dhaqdhaqaaqyayda suuga magaalada Xamar ee Bakaaraha oo ay suuqa Boosaaso isku xiranyihiin, Bakhaarada waaweyn ee magaalada ayaa waxa laga baqaayay in ay sida kuwa Bakaraha Xamar ay maciishadooda ku iibiyaan lacagta Dollarka, hasayeshee waxaa xoog weyn iska saaray GANACSATADA magaalada taasna waa lagu guulaystay inaysan kadhicin Boosaaso, inkastoo ay jiraan Baakhaaro Dollarka maciisha Jumliga ah ay ku iibinaayeen. Dhanka magaalada Qardho oo ayaamahaan xiisado ay kajireen baa maanta aad iyo aad udaganeed saaka mar aan wax kawaydiiyay Taksiile kashaqeeyay Boosaaso iyo Qardho xaalada Magaalada wuxuu ii sheegay inay weli magaalada ku sugan yihiin ciidamdii lagu soo xoojiyay ciidanka Policeka laakiin se ay Xerada wayn ee Policeka ku jiraan, wuxuu kaloo iisheegay inay san jirin wax kale oo rabshada ah oo dhacay, wuxuuna yiri magaalada waxaa ku sugnaa BOQORKA asga oona lahadlay dhaliyaro kartirsan dadkii kahortagay ciidanka wuxuuna yiri inay dhaliyarada canaan dhanka BOQORKA ay uga timid magaalada ay caadi aheed. Mar aan wax kaweydiiyay dadkale oo aan sifiican isku naqaan oo qaarkoo ay soo mareen Qardho siduu Taksiile Xirsi iisheegay bay igu yiraahdeen, waxaa kaloo wax kawaydiiyay in ay jidxirkii yaalay meesha udhaxaysa KARIN IYO ALLAXAMDULILAH ay weli xirantahay waxay iisheegeen in aysan halkaa waxna ool lagana qaaday jidgooyadii baabuurtana ay caadi isga gooshaysay BOOSAASO ilaa iyo GAALKACYO. Maanta maraan lug kusoo maray bartamaha magaalada ilaa iyo xaafda BIYO KULULE waxaan ujeeday inay makhayadaha Boosaaso ay buuxeen dadkuna kuwad sheekeesanahayeen maraan waxyar ku hakaday makhaayad udhow MASAAJIDKA IBRAHIM kasoo horjeeka HOTEL HURUUSE waxaa dhagahayga ku dhacaayay hadalada la isla dhexmaraayay in ay mudaharaadyo kale soo socdaan oo lagu codsanaayo in lasoo siidaayo odayaashii kagu xiray magaalada Boosaaso maalintii Feb 2, waxaana lahadal wayay war saxaafdeed uu soo saaray musharax kamid ah raga isu soo taagay madaxninmada PUNTLAND kaasoo ah MAXAMED CABDIRASHIID CALI SHARMAKE, war saxaafadeekaas halkaan baan idiin soo gashay. WIXII WAR AH OO SOO KORDHA WAAN IDINLA SOO SOCODSIIN DOONAA
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, February 11, 2001 - 06:00 am Boosaso 11 Feb, Maanta waxaa magaala madaxda G/Bari, Boosaso kadhacy shir ay isgu yimaadeen ISIMADA PUNTLAND, BAARLAMAANKA IYO MAAMULKA PUNTLAND, Shirkaasi waxaa looga wada hadlay xiisadaha kataagan Puntland gaar ahaan G/Bari. Shirka waxaa doodo kulul ay dhexmartay Isimada iyo Baarlamaanka oo dhan kasoo wadajeeday iyo Maamulka oo asna dhankakale kasoo jeeday, maamulka waxaa loo soo jeediyay dhaliilo kul kulul, waxaana laga codsaday inuu si deg-deg ah usoo daayo Odayaashii la xirxiray, arintaas waxaa ka cagajiiday masuu'liyiintii kasocday maamulka, shirka ayaa aakhirkisii ku dhaamday is afgarad waxayna maas'uuliyiintaas sheegeen in Odayaasha lasoo siidayn doono, laakiinse waxaa la isla dhexmaraayaa in Odaysha laxukumay laguna xukumay bilo xarig ah ayga oo aan wax maxkamad ah la hortaagin. Waxaa ay Isimida kacodsadeen ciidanka fadhiya KARIN (BOOSAASO) IYO ALLXAMDULILAH ay ka qaadaan jidgooyooyinka halkaa ladhigay, laakiinse waxay sheegeen ciidankaas inaysan far nuuxin doonin ilaa lasoo siidaayo Odayaasha xirxiran, waxaa lakiin jidka sicaadi ah umara maalin walba gawaarida shicibka iyo kuwa xamuulka ee ganacsiga oo ay u ogolaadeen ciidankaas inay maraan jidadka laakiinse ay diidan yihiin gawaarida dowlada inaysan mari karin jidkaas. Xaalada magaaloyina G/Bari inkasta oo ay xiisado ka jiraan laakiinse wax dhibaato ah oo kadhacay majiraan dhowrkaan maalmood. Waxaa saaka khudbad ujeediyay shicibka Boosaaso shirkaas kabacdi SULDAAN GARAASE oo kacod saday in shicibka ay dulqaataan lagana fogaado wixii jajab iyo dhimasho keeni kara, wuxuuna sheegay in uu maamulka sheegay in lasoo siidayndoono ODAYAASHA BARI oo ku xiran Magaalada Gaalkacyo. Wuxuuna sheegay in Odayaashas lagu soo siidaayo 2 maalmood gudahood, hadiikale wuxuu yiri SULDAANKA " Haddii maamulku uu sii deyn waayo dadkaa u xir xiray intaan maro cad xirto ayaan maamulkaasi ka soo saari doonaa magaalada Garoowe". Gaalkacyo 11 Feb Waxaa maalintii khamiista aheed bayaan kasoo saaray magaalada Gaalkacyo qaar kamid ah ISIMADA PUNTLAND EE MUDUG waxayna sheegeen in si deg-deg ah loo soo siidaayo odayaasha ku xiran maagalada Gaalkacyo. Waxayna isimada sheegeen in la ilaaliyo midnimada iyo amaanka Puntland.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, February 11, 2001 - 08:31 am waruye mahadsanid lasoo socodsiinta aad ¨nala soo socodsiisey waxaa kadhacaya wadankeeni..
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, February 12, 2001 - 02:47 am Sahan Bosaaso, Feb 11 Odayaasha iyo waxgaradka Buntilaan ayaa maanta Galinkii danbe ku guulaystay in ay si nabadgelyo ah oo aan wax shuruud ahi ku xirnayn kaga dareeriyaan intii ugu danbaysay laba kooxood oo dabley ah oo tan iyo Sabtidii tagtay midina fadhiday midina dhawr goor ku noqnotay goobo ay isbaaro dhigteen oo ku kala yaal Tuulooyinka Qayaadsame iyo Karin oo labaduba ka tirsan Gobolka Barri. (sida ay u kala horeeyaan) Dableydan oo lahaa qaab beeleed ayaa waxa ay ka caroodeen kadib markii ciidanka Booliska Buntilaan Jimcihii Ina dhaafay xabsiga u taxaabeen ugu yaraan 12 ka mid ah dad lagu eedeeyay in ay ahaayeen abaabulayaashii mudaharaadka, waxayna haatan sagaal ka mid ahi ku xiran tahay Xabsiga Gaalakacyo halka saddex kalana ku xiran tahay xabsigga Garoowe. Kuwaasoo midkiiba lixbilood oo xarig degdega ah (Emergence) ay u jareen guddigga nabadgelyada, Siyaasadda, dhaqaalaha iyo maamulka Gobolka Bari. Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo Hormuud u ahaa cuqaasha waanwaanta nabadgelyo ku xalisay arintan isbaarada oo aan intii ay taalay cidna wax lagu yeelin ayaa waxa noo suuro gali wayday in aan ku xiriir la yeelanao, hawsha iyo daalka oo ka batay awgeed sida ay noo sheegeen Maamulka Hoteel Gufure ee Magaalada Qardho oo Haatan Suldaanku degan yahay, hase ahaatee Caaqil Siciid Aw Muuse oo ka mid ah Odayaasha loogu xurmada Badan yahay Gobolada Buntilaan iyo Gudoomiyaha Degmada Qardho Cabdi Cali Giir oo aan dhamaantood kula xiriirnay khadka taleefanka ee magaalada Qardho ayaa xaqiijiyay in ay Galabta (sabti) la soo afjaray isbaarooyinkii sharcidarada ahaa ee caradda ku yimid, intii ugu danbaysayna laga qaday dhalinyaradii jidka isbaaradda dhigatay kadib markii rag ay qaraabo iyo walaalo ahaayeen lagu xirxiray arimo la xiriira mudaharaadkii Bosaaso. Caaqil Siciid Aw-muuse oo aan waydiiyay meesha haatan wax marayaan ayaa waxa uu ku jawaabay "Dhalinyadrii anagu waa ka soo wada qaadnay jidkii ay fadhiyeen, jidkuna awalba dadweynaha kama xirnayn ee waxa uu ahaa mid ay askarta Buntilaan oo kaliya u fadhiyeen, anagana waxaa dadaalkayagu ahaa oo wax walba nagala muhiimsanaa in aan dagaal iyo dhib dhicin, haddii ciddi dhib wadana si degan dhibkeeda loo xaliyo, nabadgelyada iyo xasiloonidana khalkhal la galin, waxaan kaloo eegaynay in wadadu tahay dhuuntii dalkeena isku xiraysay, waxaan go’aan ku gaarnay in aan jidka wiilasha ka kaxayno ragga sharcidarada ku xiranna nabad ku raadino, anagoo odayaashayadu isku dhan, hadaan Bari nahay, hadaan Nugaal Nahay, iyo Hadaan mudug oo aan wada xirriirno nahayba" Caaqilku mar uu ka jawaabayay su’aal ku aadanayd in dableyda jid-fariisadkooda ay ku lug lahayd dawladda Carte, ayna iyadu ka danbaysay iyo in kale waxa ay kala socdaan waxa uu ku afceliyay "dadkayagu dhamaan waa reer Buntilaan, ciidanka meesha fariistayna waxay ka xumaadeen dadkoodii oo si sharciga ka baxsan loo xirxiray gobolo kala duwana loo kala dhoofiyay, ee marna ma ahayn wax Carte iyo cid kale ku lug lahayd" Caaqilka waxa aan wax ka waydiinay waxa ay ka wada hadleen markii ay aroornimadii isla maanta la kulmeen odayaashu wasiiradda Dawlad goboleedka Buntilaan iyo Taliyaha Ciidanka oo ay odayaashu saakay shir saacado qaatay kula yeesheen Bosaaso, kadib markii ay waahadalo kala duwan ku soo yeehseen Qardho iyo tuulooyinka isbaarooyinka la dhigay, isaga oo taas ka hadlayayna waxa uu yiri "anigu shirkaas waan ka maqnaa, Suldaan Siciid oo aan wax ka waydiiyay wixii ay is yiraahdeena waxa uu ii sheegay in ay balan qaadeen in haddii jidka la furo ay kala qayb qaadan doonaan sidii wadajir loogu baadi goobi lahaa sii daynta ragga xirxiran" Odayaashan iyo Isimadan ayaa sadexdii maalmood ee ugu danbeeyay waxa ay ku hawlanaayeen in aan goobahaas dableydu fadhiriisatay wax iska hor imaad hubaysan ahi ka imaan, waxayna magaalooyinka qardho iyo Bosaasaba ku hor istaageen ciidanka Buntilaan oo isu diyaariyay in ay xoog ku xaliyaan arinka wado fariisadka, kadib markii wax guul ah laga gaari waayay wadahadalo goosgoos ah oo magaalada Bosaaso maalmihii hore ee todobaadkan uga socday Masuuliyiin dawlad goboleedka iyo odayaasha Gobolka Bari qaarkood, iyadoo odayaasha u doodayay ragga xirxiran doonayeen in wax walba laga hor mariyo sii daynta ragga xirxiran, halka wakiilada dawladuna taas u arkayeen wado fawdo horseedaysa, ayna iyaguna dhankooda ku adkaysanayeen in ay wax walba mudnaanta laga siiyo in waddada la baneeyo dhalinyaradana laga qaado. Taliyaha Ciidanka Booliska BL C/laahi Siciid Samantar oo aan isagana arintan wax ka waydiinay ayaa sheegay in wax kasta ay Nabaddu ka muhiimsan tahay wado kasta oo lagu helayana loo marayo, taliyaha mar aan waydiinay in ay balanqaadeen in haddii wadada la furo ay soo daynayaan ragga xirxiran waxa uu yiri "odayaasha waa wada hadalnay waxaana u sheegnay in anagu wadada furideeda aanaan wax shuruud ah ku galayn, waxaanse ogolnahay in haddii jidka laga qaado wiilasha iyada oo aan dhib dhicin anaga iyo odayaashu aan isku meel uga soo wada jeesan karno baadi goobka wixii xal ah, waxaana cafis loo waydiin karaa masuuliyiinta sare" wuxuuna mahad balaaran u celiyay odayaasha masuuliyada isu xilqaamay. Gudoomiyaha degmada Qardho Cabdi Cali Giir oo aan isagana wax ka waydiinay sida ay wax u socdeen maalmahan aaga degmadiisa ayaa sheegay in koox dhalinyaro ah oo ka carooday walaalahood oo la xiray jidka fariisteen, odayaasha iyo dawladduna amniga awgiis ay nabad kaga kaxeeyeen dhalinyarii caraysnayd, dantooduna wax dhimaal ma ahayne waxa ay ahayd in ay muujiyaan sida ay uga xun yihiin xarigga walaalahood ayuu intaas sii raaciyay. Adigu maadaama aad ahayd gudoomiyihii degmadda ay ku taal qayaadsame marna ma tagtay mudada todobaadka ah ee waanwaantu socotay ayaan waydiiyay Gudoomiye Giir isaga oo taas ka jawabaayana waxa uu sheegay in aanu tagin balse abaabulka odayaasha iyo talaabooyinka isku xirkooda uu ka waday Qardho. Gudoomiyaha mar aan waydiinay in sababta uu u tagi waayay ay tahay mid cabsi la xiriirta ayuu yiri "aad baan uga xumahay in aad sidaas tiraahdo, maxaa yeelay 4 wiil oo jid fadhiya dawlad iskuma dhererin karaan lamana oran karo baqdin baad uga joogteen ee waxaan u arkaynay in ay yihiin walaalahayo oo qalooc galay una baahan in loo talo badsado oo odayaasha iyo waxgaradka lagu celceliyo intii dhib imaan lahaa haba yaraadee, illaah mahaddii taasna waan gaarnay hadda" Hawsha natiijadani ka dhalatay waxa guusheeda lahaa koox odayaal dhaqameed iyo wax garad ah oo uu hormuud u ahaa Suldaan Siciid Maxamed Garaase, ayna ka mid ahaayeen Nabadoon Caydiid Soo dhakhsade, Siciid Awnuur iyo Xaaji Yuusuf Canbacanbe, oo ka yimid Garoowe iyo odayaal iyo waxgarad kale oo badan oo ka kala raacay Qardho iyo Bosaaso. Kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Caaqil Siciid Aw-muuse, Maxamed Aadan, Axmed Dan la’aan, Cismaan Ismaaciil, Cali Guul Axmed, Xasan Ugaas Yaasiin, Cismaan Fatiig, Beeldaaje Cali Faarax Cali, iyo rag kale oo aad u fara badan oo aanaan halkan magacyadoda ku soo koobi Karin. Caaqil Siciid Aw-Muuse oo aan ugu danbayntii waydiiyay talaabada soo aadan ee tan ku xigta ee ay damacsan yihiin in ay qaadaan ayaa ii sheegay in hawsha hartay xilkeedu inta badan saaran yahay Suldaan Siciid iyo odayaasha la socda, isagoo taas ka hadlayana waxa uu yiri “ma hubo talaabada ay qaadi doonaan waxaanse filayaa in ay Garoowe aadayaan arinta dhimana waxa ka wada shaqayn doona iyaga iyo odayada Mudug oo ay Xiriir ka leeyihiin arrintan haddii ay Garoowe uga fududaatana waxaa dhici karta in ay ka maarmaan in ay Gaalkacyo u safraan. Arinta qaadista isbaarooyinku waxa ay soo afjartay walwal badan oo ay dad badani ka qabeen in ay keenaan xiisad iyo qalalaase burbur iyo dagaal sokeeye hor seedi kara, waxaase wali jira dhiilo ka muuqata dad fara badan oo ka xun xarigga ragga xirxiran oo la xukumay iyaga oo aan wax maxkamad ah la horgeyn isla mar ahaantaana loo diiday in dadku booqdo, iyadoo arintani tahay dhaqan ku cusub Xabsiyada Buntilaan. Dhanka kalana waxa ay arrintani ku soo beegantay xilli uu dalka ka maqan yahay Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo haatan ku sugan dalka Itoobiya, maqnaanshihiisa iyo xiisadana dadku u kala arkaan siyaabo kala duwan, dadka qaar ayaa waxa ay qabaan in haddii uu joogo aan wax dhib ahi dheceen waanwaantuna muddo dheer qaadan lahayd iayadoo ay taas sabab uga dhigayaan dadka arintan rumaysani in ay warar kala duwan u geyn lahaayeen dad kala socda oo lacag doon ah mid walibana leeyahay dadkii oo dhan gacantayuu ku jiraa waxbana aan qaban Karin, hase ahaatee qaar kale ayaa qaba in uu u qaadan lahaa xukunkii dalka oo lagala wareegay markabana uu weerar ku dhardhaari lahaa, marka aad labadan aragtiyood is barbardhigto waxa kuu muuqanaysa in ay jirto farqi weyn oo u dhexeeya dadka Buntilaand marka la eego aqoonta ay u leeyihiin C/laahi Yuusuf iyo waxa ka iman kara. Waxa kale oo ay arrintani ku soo beegantay xilli ay dadkii reer Buntilaan ee taageeradooda horay u siiyay dawladdii Carte lagu soo dhisay badankood dareemeen in Dawladda Carte u qaadatay sababtii loo dhisay mid ka duwan.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, February 12, 2001 - 07:24 am Qardho Feb 12 Magaalada Qardho waxaa isugu tagay maanta ISIMADA Puntland warka ka imaanaya magaalada Qardho ayaa waxay sheegayaan in ay qaarkamid ah Isimada Puntland ay shalay halkaas soo gaareen wafuudaas ayaa waxay katageen dhanka magaalda Boosaso waxaan kamid ahaa wafuudaas Suldaan Siciid Maxamed Garaase iyo wafdi balaaran oo uu kujiro Caaqil Siciid Aw-muuse oo ah odayaasha ugu d'ada way oo magacana kuleh Puntland, wafdigaan oo shalay ka qaaday ISBAARADII taalay meelo kamid ah G/Bari, magaalada Qardho waxaa kaloo soogaaray wafdi kayimid dhanka magaalada Garoowe, waxaan la sugayaa 3 wafdi oo ka kala imaandoonta Magaalooyinka Badhan, Laascaano iyo Gaalkacyo oo ay hogaaminaayaan Isimada, sida wararka ay sheegayaan waxaa magaalda Qardho lagu qabandoonaa shir Isimada uga wada hadli doona arrimaha Puntland iyo Doorashoyinka, odyaasha ku xirxiran Gaalkacyo, sicirbararka iwm. Isimada ayaa ah XUBNAHA ugu sareeya PUNTLAND quwadna u leh inay amaro deg-deg ah soo rogaan, laakiinse waxaa lafilaayaa inaysan waxna ku dhawaaqin inta uu kasoo laabanahayo MADAXWEYNE Cabdullahi Yussuf iyo Wafdiga hada ku sugan dalka Itoobiya. Sidciid Saalax Kaaha Bari Qardho
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, February 12, 2001 - 07:49 am to saciid saalax mahadasanid noolow forever. warka siidaa ayaan ku dhahey . mahadsanid. bye.amiin
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, February 13, 2001 - 01:05 am to.wariye. waad mahad santahey saad beenta utabineysid laakiinse wariye ayaad sheganeysaa wariyane waad kadheer tahey, sababtoo ah waxaad shegeysaa waxaan mesha kajirin beenlow ku oran mayo wariye.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, February 13, 2001 - 01:51 am Qardho 13 Feb, Waxaa saaka magaalada Qardho ka ambabaxy Suldaan Siciid Maxamed Garaase iyo wafdi uu hagaaminahayo oo u kicitimay dhanka magaalada Garowe si ay wada hadal u layeeshaan mas'uuliyiinta Maamulka iyo Madaxweyne ku xigeenka, socdaalkaan ayaa wuxuu yimid ayada uu shir magaalada Qardho ugu socday Isimada waxaana keentay socdaalkaa in uu maamulka ku gacan seeray inuu soo siidaayo Odayaashii lagu xiray maalada Boosaaso Taariikhdu markay aheed 2 Feb, maamulka ayaa horay u sheegay in raggaas lasoo siidayndoono marka laqaado Jidgooyinkii yaalay KARIN BOOSAASO IYO ALLXAMDULILAH, laakiinse hada ku gacanseeray in odayaasha lasii dayndoono, waxayna sheegeen in odayaasha la xukumay oo lix bilood ilaa iyo sadex bilood lagu xukumay, arintaan ayaa waxay keentay in maaleeshiyadii Daraad laga qaaday Jidgooyinkii ay fadhiyeen ku handadaan inay kulaaba doonaan meelihii ay fadhiyeen laakiinse waxaa saaka iska hortaagay Isimada meel u jirta magaalada Qardho 30 dhanka Bari ee magaalada, waxaa kaloo magaalada Qardho weli dul fadhiya ciidamo Daraawiishta ah oo maamulka halkaa soo dhigay tan iyo intii uu qalalaasuhu uu bilowday. Suldaan Garaase ayaan saaka markuu kasii baxaayay Qardho muu jiyay walaac uu kaqabo in is afgarad laga gaaro arintaan, waxaa ii suurtowday inaan waydiiyo su'aashan " Suldaan arrinta maxaa iska badalay soo maydaan maamulka ku wada hishiin in odayaasha la soo siidaayo makii laqaado Jidgooyada?" Suldaan Garaase " saas baanu filaynay, anugu hada intaanu cimaamado xirnay baanu kasoo kicinay wiilashii jidka fadhiyay, wayna nagu xushmeeyeen inay kakacaan meesha, islamrkaa waxaan filaynay in uu maamulkana tiisan kasoo baxo uu soo siidaayo odayaasha, laakiinse hada howshii hakad baa ku yimid laakiinse ka harimayno oo waanu sii wadaynaa sidii arintaan si nabad galyo ah loo xalin lahaa" Su'aal " saaka majirtaa inaad iska hortaag teen maleeshiyadii inay dib ugu noqdaan meelihii ay fadhiyeen?" Suldaan Garaase " haa waanu ku guulaysanay, waxay maqleen wararkaan kasoo baxaaya maamulka oo sheegaya inaan odayaasha la soo siidaynay" Su'aal" saad maxaad ku qanciseen inaysan wiilashaas dib aysan u fadhiisan jidgooyinkii ay horay u fadhiyeen?" Suldaan Garaase " waxaanu ku niri anagaa soo xalinaynee naga warsuga, waana ay ogolaadeen" markaan saaka dib u soomaray jidka isku xira Boosaaso iyo Qardho ayaa halkaas waxaana kamuuqan wax isbaaro ah oo yaalay waxaana ku hakaday tuulada Karin halkaasna uma jeedin wax qorya sita mar aan waxka waydiiyay oday tuulada dagan meesha ay aadeen ciidankii meesha fadhiyay wuxuu iigu jawaabay " Isimadii baa latagy oo waxaa lageeyay xero ku u jirta magaalada Qardho 30 km" wuxuuna ii siiraaciyay inaysan wax rabsha ah dhicintii ay meesha ciidamadaas fadhiyeen wuxuuna yiri " wiilasha waa lagu khasbay inay qoryo meesha lafariistaan sababtoo ah waxay ujeedeen adeeradood iyo walaalhood oo si khalad ah lagu xiray oo la iska wato" saaka markay aheed 11:30 ayaan ku soolaabtay magaalada Boosaaso, waxaana magaalda sicaadi ah u socday ganacsiga ayadoo ayaamahaan ay jireen xiisado dhanka ganacsiga ah oo ka yimid dhanka magaalada Mogdisho oo ay ku lug leedahay lacagaha ku soo qulqulaaya soomaaliya, waxaana dadku weli si xoog leg uga cabanayaa Maciishada oo cirka isku shareertay. Wariye Boosaaso Feb 13
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, February 13, 2001 - 02:18 am to. weriye ok mahadsanid tebintaada laakin suaal baan rabaa inan ku weydiiyo oo ah . cabdulaahi haduu yimaado asagu malaga yaabaa iney xiisadu qabowdo oo uu odeyaasha asagu gacantiisa ku siidaayo ?. suaasha labaad horta doorashada soo socota meeqa nin ayaa xukunka pland ku tartamaya cabdulaahise maku jiraa waxaan kawadaa inuu asagu dib doorashadaisugu sharaxo?. suaasha sadexaad maadaama doorasho larajeynaayo yaa laga yaabaa inuu ku guuleysto ?. suaalahaas kasoo jawaab weriye . waxaa kuu hayaa suaalo kale ee marka kuwaas iiga soo jawaab. jaaw iyo jawaab wacan.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, February 13, 2001 - 05:17 am To: Amiin hadaan kaaga jawaabo su'aalaha aad isoo waydiisay 1- haduu Madaxweyne Cabdullahi Yussuf soo laabto kolba waxaa la aaminsan yahay inay wax isbadalaayaan, laakiin waxaad lasocotaa in dadka qaarkiis ay aaminsan yihiin in uu Madaxweynaha yahay xooga hortaagan siidaynta odayaasha, dadkaasi waxay ku andacoonayaan maadaama uu Madaxweynaha yahay qofka ugu daraja sareeyay maamulka haduu rabo in odayaasha lasii daayo in mar hore lasii dayn lahaa laakiinse uu asag diiday, wararkaas wax cadaynaaya majiraan laakiinse waxaa hubaal ah in wax isbadalaan markuu yimaado. 2- raga ku tartamaaya oo ilaa iyo hada isa soo sharaxay waa -Maxamed C. C. Sharmake -Madaxweyne Cabdullahi Yussuf Ahmed -Cali Baadiyo -Osman Yussuf (oo dagan USA) Iyo rag kale oo gaaraaya 3 nin oo sheegay inay isa soo sharixidoonaan oo qaarkood isku diyaarinaaya waxaana kamid ah Safiirkii hore ee soomaliya ee UGANDA (Siciid). Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdullahi Yussuf Axmed sicad ayuu u sheegay inuu isku soo sharaxaayo Doorashada, wuxuuna ku sheegay shir uu layeeshay Isimada Puntland dhamaadkii bishii December 2000, Garowe. 3- Su'aashaada sadexaad waxay aheed yaa loo maleeyaa in uu ku raayo Doorashooyinka soo socda, hadaan runta kuu sheego weli lama yaqaan dadkuna weli sifiican iskuma diyaarin sababtoo ah weli lama soo bandhigin DASTUURKA cusub oo AFTIDII weli lama qaadin sidaas daraadeed dadka qaarkiis waxayba aaminsan yihiin inaysan doorasho dhicidoonin maadaama Dastuurka lala daahay ahaydna in SHICIBKA Afti looga qaado ugu yaraan 5 bilood kahor doorashada, laakiinse waxaa hada raga ugu carcar ay yihiin MADAXWEYNAHA IYO MAXAMED CABDIRASHIID CALI dadka badankood labadaa nin bay isha ku hayaan, waxaase jira in rag kale oo culculus rabaan inay isa soo sharaxaan laakiin taas lama hubo. Wariye Boosaso
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, February 13, 2001 - 10:39 am Boosaso Feb 13, 22:00 Waxaa Galabta laga siidaayay xabsiga Gaalkacyo Odaayshii lagu xir xiray magaalda Boosaaso taariikhdu markay ahayd 2 Feb, wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ayaa waxay sheegayaan in raggaas lasiidaayay galabnimadii, waxaa tani kadan baysay waan waan ay ayaamahaan ay wadeen Isimada Puntland ayaa uga hortagayeen in ay dhibaato kadhacdo xariga odayaasha, Isimada ayaa horay ugu guulaystay inay ka kaxeeyaan Maleeshiyo xirtay jidadka Bari qaarkamid ah. Wixii war ah oo soo kordha waa idinla soo socodsiin doonaa. WARIYE Boosaso
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, February 13, 2001 - 01:48 pm waxaan lasacod sinaayaa dadka aamin san cabdulaahi yuusuf inuu kataliyo bari waxbana kama aha waxaa kataliya bari isimada sida boqor maxamud suldaan saciid maxamed jama oo dadka looyaaqno suldaan garaase runtii waa uu ku guleystey inuu siidaayo odeyaashii sida foosha xun loladhaqmey waa mahad ilaahey in dhib uusan kadhicin sideyntii waxaa wax ka ah gobolka bari ismada sida suldaan saciid oo runtii dadaal weyn muujinaayo dhamaan reer garoowe aad iyo aad ayey uga xumaadeyn dhibkii yaraa oo kadhacey qardho
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, February 15, 2001 - 09:02 pm mahadasanid soo gudbintada to weriye
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, February 19, 2001 - 01:23 am Boosaaso 19 Feb Sidaad lasocotaan tan iyo intii ay ciidamada SNF IYO SNA ay gacanta ku dhigeen magaalada KISMAYO ay bilaabeen dhac, dil iyo kufsi, taas oo aan kala joogsi lahayn, waxaa ii suutrowday in aan lahad magaalada Kismayo waxaana lahadlay qof dumar ah oo kim ah LAHAYSTAYAASHA KIsmaayo, waxayna ii sheegtay maalmahaan inay xiisada magaalada ay aad u kacsana tahay oo ay socdaan XASUUQID xoogleh waxayna ii sheegtay in RAGGA magaalada maalin walbo lalaayo, waxay kaloo ii sheegtay inay ciidamada haysta magaalada ayaamahaan xooga saareen sidii ay dadka Laheestayaasha ah u xasuuqi lahaayeen waxayna ii sheegtay in gabdho badan lagu ku saday magaala tan iyo intii ay gacanta u gashay ISBAHAYSIGA SNA laakiinse ay maalmahaan danbe laga soo bilaabo dhamaadkii RAMADAANKA ilaa iyo maanta xasuuq aan kala joogsi lahayn uu socdo. waxayna sheegtay inay hayso magacyada qaarkamid ah gabdhaha la kufsaday maalmihii ugu danbaysay sidatan ayay kala yihiin. 1. Safiyo Jama Cigaal (Amartiwaq (Majeerteen) 2. Caasha Salaad Cawil ( Ciise Maxamoud Majeerteen) 3. Sacdiyo Cumar Naley ( Tunni ) 4. Saynab Mohamed (Indha-cade- Nuux Maxamoud (Majeerteen) 5. Shariifo Maxamoud Caddaw ( Nuux Maxamoud- Majeerteen) 6. Sahra Cusman Omar ( Majeerteen (Ciise Maxamoud) 7. Sahra Xasan Jama ( Majeereteen (Cumar Maxamoud) 8. Aamina Abdi Mohamoud ( - Ogaden (Makaahiil) 9. Dugsiyo Maxamad ( Ogadeen (Makaahiil) 10. Faadumo Kaatun Ciise (- Dir) 11. Qaali Xasan Kullaal (Ogaden (Bah Geri) 12. Awliyo Xasan Kullaal (Ogaden (Bah Geri) intaan waa inta ay taqaan magac yadooda waxaana jira intaan labo jibaarkeed oo aysan magacyadooda hayn. Gabadhaan lahaystaha ah waxay ii sheegtay in dadka magaalada ay layaaban yihiin sida aan waxna looga sheegin xasuuqaan foosha xun ee Kismaayo ka socday, waxay kacodsatahy dhaamaan dadka soomaalida oo nabada jecel inay arkaan dhibaatada kataagan Kismaayo Iyo Jubada Hoose.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, February 19, 2001 - 11:49 am TO.WARIYE waxaan kuu sheygayaa gabdhahaan lakufsadey amalafaraxumeeyey waxaa dambigooda iska leh boqolkiiba boqol [ABDILAAHI-YUUSUF]sababtoo ah asaga ayaa kadanbeeyey qabsashadii kismaayo asaga iyo dadka ayidsanba waxaan idiin sheegayaa in aaysan ubaah neeyn in dadkaas lacaa wiyo aad iyo aad ayaan uga xumahey runtii gabdhahaas loogafey ilaahey ayaa kaxaal marinaayo [ABDILAAHI-YUUSUF] WHY?uu udiidanyahey in kismaayo uu udiro cidanka uu kuheysto puntland ama uu siiyo hubka lasheegaayo in ethiopia ay siisay dadka kismaayo ilaahey ayaa umaqan waxaana dhibkaas geystey [CUMAR MAXAMUUD]IYO ODEYGOODA CABDILAAHI-YUUSUF]HADII AYKA XUN YAHIIN WAXEY U URUURIN LAHAAYEN QAARAAN IYAGA AYAA DIIDAY WAANA LA OGYAHEY DADKA OODHAN WAALA OGYAHEY WAXAAN LEENAHEY ILAAHEY BARYA REERKISMAAYOOW HADII ILAAHEY IDMO WAXAAN WAA LAGABAXAAYAA
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, February 22, 2001 - 07:25 am Boosaaso 22 Feb, Waxaa ayaamahaan soo kordhaya warar been abuur ah oo lagu tabiyay Jaraa´idka Xamar kasoobaxa iyo Website´s wararka ka qaata Xamar, wararkii ugu danbaysay oo waxay aheeyeen In magaalada Boosaaso maxkamad lagu saaray Labo qof oo dumar ah oo ISQABAY!!!!!. Wararkaan waxaan halkaan ka cadaynayaa inay yihiin warar been abuur ah oo ayaamahaan isasoo taraayay, saldhigooduna uu yahay BBC iyo Jaraaídka Xamar. Waxaa sicad weerar dhanka Dacaayada ah lagu hayaa PUNTLAND tan iyo intii la soo dhisay maamulka Carta. Waxaana hubaal ah in wararkaan ay ka danbeeyaan raga Jaraaídka iskaleh oo si aad ah ugu dhowdhow Madaxweynaha Kooxda Carta. Waxaa kaloo xirii kaas lamid ah laleh TAFAFTIRAHA laanta BBC ee afsoomaaliga oo kadhashay beesha ama lafta Cabdiqaasim salaad xasan. Tan iyo inta uu Tafaftiraha cusub yimid wuxuu waday weerar gudaha BBC iyo dibadaba, waxaana cadayna ah intuu yimid wuxuu holgashay 3 qof sadexdaa oo kuligood ay isku dhowyihiin Laftuu kadhasayna (CAYR) ay sadexdaba wax ugallaan. 1- midi waa GAALJECEL waxaa dhalaY HABAR GIDIR 2- midi waa ABGAAL waxaa sidoo kale dhalay HABAR GIDIR 3- midka sadexaadna TAFAFTIRAHA ayay isku laf yihiin. waxaa suáal ah dadkani ma kuwo lasoo xulaybaa mise waa kuwO u qalantama meesha. Arintu si walba ha ahaatee waxaa maanta ku shaqo la 11 WARFIDIYEENO oo horay uga soo shaqayn jiray BBC oo xirfad uleh kan ugu yarna uu kasoo shaqaynayay sanadoh!!!!!!!! Waxaa mudan in la iswaydiiyo maxaa dadkaan loo howl galin waayay mise waxaysan ka dhalan QABIILKA tafaftiraha!!!!!! Tani waa suáal ilaa iyo hada la iswaydiinaayo laakiinse waxaa cad oo uusan mugdi kujirin in TAFAFTIRAHA BBCda uu weerar culus ku hayo PUNTLAND. Ninkii lasod baa ogee waxaa jirta in cidaa cada FM Xamar uu abaabulkeeda kadan beeayay TAFAFTIRAHA BBCda waxaana cidaa cadahaas leh dad ay isku qabiil yihiin -(CAYR. Wax badan ayaa sheekadaan soo socotay halkaan Boosaaso iyo Puntland oo dhan si fiican baa loola socdaa, waxaase iswaydiin ma muddan tahay in dhacdooyinka Puntland ka dhaca laga waraysto Jaraaídka ka soo baxa Xamar, oo la ogyahay way qoraan inay 50% been abuur ah???!!!!!!
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, February 22, 2001 - 11:00 pm SOO DHAWEYN BALAARAN OO LOO SAMEEYAY MAXAABIISTII MUDAHARAADKII BOSAASO OO NOQOTAY TII UGU WAJIYADA BADNAYD EE KA DHACDA BUNTILAAN. Sahan Bosaaso. Feb. 18, Axad Ku dhawaad 20 Taksi (tax) oo laga ijaartay Magaalada Bosaaso in ka badan 10 baabuur oo kale oo ay lahaayeen eheladdii iyo saaxiibadii ragii loo xirxiray abaabulkii mudaharaadkii Bosaaso ayaa kaga hor tagey gawaari ay wateen ragga la soo daayay masaaso u dhaxaysa 60 ilaa 30 km, kuwaasoo ragga la soo daayay u soo galbiyay dhanka magaalada Bosaaso iyagoo lulayay caleemo qoyan iyo Calankii Jamhuuriyadda Soomaaliya oo baabuurta qaarkood ka muuqday. Ragga mudaharaadkii Bosaaso ka dhacay loo xirxiray oo qaarkood laga soo daayay magaalada Gaalkacyo qaar kalana laga soo daayay magaalada garoowe, kadib markii ay heleen cafis madaxweyne oo ay ka shqeeyeen isimo iyo odayaal Gobolka Nugaal u badan ayaa waxa ay ka helayeen meelo kala duwan martiqaadyo ay u fidinayeen odayaasha iyo waxgaradka degaamada BL ee ay hadba soo marayeen tan iyo markii la soo daayay todobaadkii hore dabayaaqadiisii, waxayna safarkoodan ugu danbeeyay ka soo ambabexeen magaalada Qardho oo ay badankoodu habeen iyo maalin joogeen, waxaana lagu nasiyay Hoteel la yiraahdo Panarama oo uu iska leeyahay nin lagu tiriyo in ay Cabdullaahi Yuusuf aad isugu dhaw yihiin oo la yiraahdo Khaliif Ciise Mudan, halkaas oo loogu sameeyay qado sharaf aad u heer saraysa oo ay ka qayb galeen dad gaaraya 200 oo ruux oo isugu jira dhamaan noocyada dadka, sida uu sheegay wariye Muxiyadiin Hiirad oo ka qayb galay munaasibaddaas. Dadka caleemaha ruxayay oo intooda badan saarnaa Tagaasida Mark II-ga loo yaqaan ayaa ku dhawaaqayay halkudhigyo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Guul, Guul, Guul. Cabdullaahi Cali Qood oo ka mid ahaa ka qayb galayaashii shirkii Carta ee loo xiray abaabulka mudaharaadkii Jimcaha ayaa hadal gaaban oo uu halkas ka jeediyay waxa uu ku muujiyay sida ay uga xun yihiin sidii ay ula dhaqmeen maamulka Buntilaan, isaga oo arintaas ka hadlayana waxa uu yiri “Gaari ari keenay oo dhiriqdii leh ayaa dushiisa nalagu sii qaaday” Cabdullaahi Cali waxa kale oo uu ka hadlay in warar uu sheegay in Buntilaan Faafisay oo ay ka mid yihiin in aan u adeegaynay shisheeye waa sida uu hadalka u dhigaye, wuxuuna intaas ku daray in ay ka Soo hor jeesteen kana dhiidhiyeen maamulka qaloocday ee BL kaliya, aysana jirin cid ka danbaysa. Beeldaaje Cali Faarax oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in ay ka xumaadeen xarigooda, wuxuuna ka soo qayb galayaashii xafladda ku booriyay in ay ilaalinta nabadgelyada BL wax walba ka hor mariyaan, taasoo uu ku tilmaamay mid daruuri ah. Sidaas si la mid ah ayaa Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo qado sharaf ugu sameeyay gurigga Garoowe looga yaqaan aqalka Carte ayaa u muujiyay ragga xarigga laga soo daayay sida looga xumaaday qulqulatadii ka dhalatay mudaharaadka iyo geeridii ku timid gabar aan waxba galabsan, wuxuuna ku booriyay in ay ka qayb qaataan xasiloonida iyo amaanka dalka oo ka qaalisan wax kasta. Dhibka ugu weyn ee dhacay intii u dhaxaysay maalintii Mudahaadku ka dhacay Bosaaso illaa iyo intii ka danbaysay ayaa waxa ay Tahay mid meelkadhac weyn ku ah xagga dhaqanka, taasoo ahayd kadib markii dableydii fadhiday tuulada Qayaadsame ay ka diideen Boqor Maxamuud Boqor Muuse oo ah Boqorka Daarood Dableydii jidka fadhiday in ay jidka ka kacaan. Soo dhaweyntan ayaa waxa lagu tilmaami karaa tii ugu wajiyada badnayd ee ka dhacda Gobolada Buntilaan inta la xasuusto, waxaana qaraabadda ka sokow soo dhaweyntan iyo casuumada makhaayadaba ka qayb galay dad aan yarayn oo leh ujeedooyin kala duwan, sida muuqatay qaar ka mid ah dadkaasi waxa ay ahaayeen kuwa lagu yaqaan taageerayaasha maamulka Carte lagu dhisay, qaar kalana waxa ay ahaayeen kuwa u ololeeya xuquuqda gobolka bari iyo dakhliga dekadda Bosaaso gaar uu u noqdo gobolka Bari, qaar kale ayaa jira oo ujeedkoodu la xiriiro sidii Caasimadda Garoowe loogu soo rari lahaa Bosaaso, iyaga oo qiil ka dhiganaya in Bosaaso tahay tan ugu weyn magaalooyinka Buntilaan, xubno kale waxa ay halkaas u tageeen in ay kor u soo qaadaan niyadda xubno ka mid ah abaabulayaasha oo qalbijab ku dhacay kadib markii arintii mudaharaadka iyo jidgooyaduba yeesheen waji beeleed, in ka badan 25 beelood oo reer bari ahina ay ka gaabsadeen, kuwo kale ayaa halkaas u tagey daawasho iyo in ay soo arkaan sida bal wajiyadooda iyo niyadoodu tahay ragii todobaadka u xirxirnaa mudaharaadkii Bosaaso ee 2-dii bishan, waxa jiray kuwo kale oo u tagey in ay saaxiibadood u muujiyaan in aysan ka harin ee ay wali barbar taagan yihiin, qaar kalana in ay soo hubiyaan in goobta soo dhaweyntu tahay mid ka mid ah ragii ugu dhadhawaa Madaweynaha Buntilaan, kuna lug leh soo daabicidda lacagaha been abuurka ah, kuwa doonaya in Cbdullaahi yuusuf ugu yeero jago ama lacag, wajiyadaas iyo wajiyo kale oo badan ayaa laysla dhex xulayaa in ay shalay ka qayb qaateen soo dhaweyntaas oo ahayd mid aad loo agaasimay, kharash fara badana ku baxay. Tagaasidda faraha badan ee la ijaaray ayaa waxa midkiiba la siiyay lacag u dhaxaysa 250 000/= ilaa 150 000/= oo shillin, qadada kaliyana waxaa lagu qiyaasay in ay ku baxday in ka badan 2000$, taasoo wax weyn ka tari lahayd haddii lagu kaalmeeyo, Isbitaalka Bosaaso, Masaajidda, dugsiyada quraanka oo u badan kuwo aan xataa shamiito lahayn ee boor ah, ama nadaafadda magaaladda.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, February 22, 2001 - 11:03 pm WARAYSI MID KA MID AH ODAYAASHII LOO XIRAY BANAANBIXII BOOSAASO. Sahan Bosaaso. Muxiyadiin hiirad. Waxaa u suuro gashay wariye muxiyadiin hiirad in uu Axaddii ina dhaaftaywaraysi kala yeesho Farax Muuse Cale oo loo yaqaan Faarax Baadi S: muxuu ku saabsanaa mudaharaadkii Bosaaso ee aad abaabulkiisa in aad qayb ka ahayd lagugu eedeeyay.? J: sadex qodob oo waaweyn oo shacabka BL caqabad ku noqday ayaa u sabab ahaa; waa marka ugu horeysee muduharaadku wuxuu ahaa mudaharaad nabadgelyo, oo aan wax waxyeelo ahi ku sugnayn, caqabadahaa aan sheegay, waxaa ka mid ah iyadoo kooxda xukunka haysa ay ku tunteen una gafeen ku dhaqankii xeerka lagu dhisay maamulka, iyagoo u adeegsaday xoog iyo qori caradiis, caburin amar ku taagleyn iyo hanjabaad, qodobka labaad; iyagoo maamulkii hogaaminta shacabka ku badashay ka ganacsi lacag been ah oo keentay sicir barar sababay in uu dabku ka seexdo kumanyaal qoys oo danyar ah, iyagoo la shurkay ganacsato dhiig miirad ah, oo ka fakara hab dhaqaale urursi oo kaliya. Kuwaasoo maamulkuna dilaal ka qaato. Iyo ugu danbayntii iyagoo si bareer ah ugu talaabsaday in si bareer ah in caasimaddii maamulka ee Garoowe caalamka looga aqoonsado xaruntii dagaal oogayaasha, iyagoo isla markaas dakhliga canshuurta Buntilaan (BL) in lagu maalgaliyo jabhado ka soo hor jeeda isla baadi goobka haraaga Soomaaliya ee ka badbaaday dagaalada sokeeye, kana talo qaata cadowga soo jireenka ah ee Soomaaliya. S: qabashadii lagu qabtay iyo hayntii laydin hayay iiga waran.? J: aniga iyo wiil aan dhalay oo 13 jir ah ayaa nala qabtay waxaana nalaga qabtay aqalkayga dhexdiisa anagoo quracanayna, waxaa nala geeyay taliska Booliska, halkaas oo ay ku xirnaayeen shan nin oo kale. S: sidii la idiinla dhaqmay intii aad xirnaydeen.? J: wax dhibaato ah nalooma gaysan ciidan walaalahayo ah ayaana gacanta nagu hayay, waxaana lanoo warejiyay garoonka diyaaradaha, 36 saacadood ayaana ku xirnayn Bosaaso. Waxaa naloo diiday in ay na soo booqdaan xaasaskayaga iyo ehelkayagu waxaaase naloo ogolaa in askartu noo soo gudbiso wixii ay naloo keeno. Bosaasona waxaa nalaga qaaday 10:00-kii fiidnimo, waxaana nalaku kaxeeyay in ka badan 8 baabuur oo inta badan qoryo ku xiran yihiin, 18km markii magaalada nalaga saarayna waxaa na raacay laba ka mid ah baabuurtii gaashaanayd, iyo ciidan dhan 20 nin oo si culus u hubaysan qiyaastay. Garoowe markii aan tagnayna waxaa nala geeyay qol sadex Mitir ah oo laga saaray 10 caruur ah oo kaadidii iyo saxaradii leh. Waxaa naloo diiday salaaddii iyo musqulihiiba. S: markaas ka dib ma waxaad ka mid noqotay ragii Gaalkacyo loo qaaday mise kuwii garoowe lagu reebay, waxaana ahayn intayada la qaaday sagaal nin. J: sidee la idiinla dhaqmay markii aad tagteen Gaalkacyo, waxaan ahayn Maxaabiis waxaana nala geeyay xabsiga dhexe ee Gaalkacyo, ciidanka Asluubta iyo dadweynaha magaalada Gaalkacyo waxaanu kala kulanay wax aanu ku ilownay afduubkii fulaynimada ku salaysnaa waxaana u celinaynaa mahad balaaran, marka laga reebo ninka ku amar ku taagleeya ciidanka Daraawiishta oo isku dayay in uu noo gudbiyo xaduuda Itoobiya, taasna waxaa diiday Ilaaha mahadda leh iyo waxgaradka magaalada Gaalkacyo. S: wiilkaagii yaraa ee aad sheegtay in lagula xiray ma ku raacay mise waa lagaa reebay.? J: Garoowe ayaa na iiga reebay, waxayna ahayd middii iigu darnayd, waxaana lagu reebay Garoowe. S: waxaa la idinku eedeeyay in dawladda ku meelgaarka ahi lacag u soo shubtay qaarkiin si aad khalkhal iyo deganaansho la’aan uga abuurtaan BL, taas maxaad ka leedahay.? J: waa war been ah oo aan sal iyo raad toona lahayn, anaga ayay nala noqotay in aanu ka hor tagno maamul xumadda, anagu khalkhal ma abuurno oo odayaal ayaan nahay, tan hadda jirtana anaga ayaa dhisnay, dalkayaga iyo dadkayagana ma gadan karno. S: sidee xabsiga la idiinku dhaadhiciyay, maxkamad miyaa la idin saaray.? J: Markii aan Gaalkacyo tagnay waxaa Fakis naloogu soo diray warqad ay ku taalo lix bilood oo emergence (degdeg) ah, ayna saxiixeen afar qof oo lagu sheegay guddiga nabadgelyada Gobolka Bari, anagoo ka war haynay in xubnaha wax saxiixay qaarkood xiraayeen marka xukunkaasi dhacay, qaar kalana Qardho ku sugnaayeen, xukumkaas oo aanay jirin meel uu ka waafaqsan yahay xeerka BL u degsan. Ugu danbayantiina waxa uu Faarax u tacsiyeeyay gabadhii ku geeriyootay mudaharaadkii 2-dii Bishan ka dhcay Bosaaso, wuxuuna Alle uga baryay in uu janadii ka waraabiyo. Faarax oo aan ku waraystay Xarntii farsamadda wasaaradda waxbarashada ee Gobolka bari oo haatan ah farad iyo meel alaabta guryaha iyo xafiisyada lagu sameeyo oo leeyahay, horayna uu uga ahaan jiray madax xilligii dawladda ayaa waxa Marka aan waraysanayay wajigiisa ka muuqday farxad iyo dabacsanaan, isaga oo dhoola cadayn ku darayay jawaab kasta marka uu bixinayo.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, February 22, 2001 - 11:05 pm MADAXWEYNAHA BUNTILAAN IYO WAFTIGIISU MAXAA CUSUB OO AY KALA SOO LAABTEEN ITOOBIYA. Sahan Garoowe. Feb. 18, Axad. Madaxweynaha Buntilaan Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo xubno ka mid ah dawladiisu oo ay ku jiraan wasiiradda hawlaha guud iyo arrimaha Bulshada Cabdi Cabdulle Siciid Jini Boqor iyo Faarax Warsame ayaa Febraayo 18 ka soo degay garoonka diyaaradaha ee konoko. Madaxweyne Cabdullaahi iyo waftigiisa oo muddo ku dhaw laba todobaad ku maqnaa dalka Itoobiya iyo Talyaaniga oo Madaxweynuhu safar gaar ah ku tagey lama oga waxa ay kala soo kulmeen, iyo war illaa iyo haatan ka soo baxay midna. Madaxweynaha Buntilaan muddo badan ayuu safaro aan dadka reer Buntilaan fahamsanayn ujeedada ka danbaysa iyo natiijada ay u soo hoyiso midna uu madaxweyne Cabdullaahi ku tagey dalka Itoobiya, waxaana jiray warar rajo galin ah oo uu marar badan goobo fagaarayaal ah dadka uga sheegay in uu ku soo guulaystay, kuwaasoo aan waxba ka soo naasacadaan ama ka soo dhiiqin. Dhanka kalana waxaa jiray warar maalmahan danbe ka soo baxayay dadka ku dhawdhaw oo sheegayay in uu maanta madaxweyne Cabdulaahi uu maanta Itoobiya col iyo nabad mid uun ka keeni doono, halka dadka odayga dhaliilaana ay ka leeyihiin “cabdullaahi ikhwaanka maxaan ka yeellaa iskuulay dhisayaane ayuu ula tagi jiray, iyadii buuna ula tagey, iyaguna waxay oran jireen bay oranayaan, nin haduu seexdo oo soo toosana waa un isla isagii, Itoobiyana waa Itoobiya” Hase ahaatee arrimahaasi waxa ay kala cadaan doonaan maalmahan soo socda iyadoo dadka siyaasadda Cabdullaahi sii odorosaa ay sheegayaan in dawladda Talyaanigu ogolaysiisay in uu RRA u yeelo wax Alle iyo waxa ay Rabto iyo in uu ogolaado in la isu keeno isaga iyo kooxaha Muqdisho oo Carte qayb ka tahay, si dabadeed loogu hawl galo in Soomaalilaan la soo dabaalo, taasoo haddii ay fusho noqon doonta guul daradii siyaasadeed ee ugu weynayd ee ay soo marta taariikhda reer Buntilaan marka laga reebo tii shirkii Carte oo dadkii ku fadhiyay magaca reer Buntilaan iyaga oo ka maqan madasha shirka la ansixiyay dastuurkii lagu maamuli lahaa aayahooda. Iswaydiinta taaganina waxa weeye muxuu safarka waftiga madaxweyne Cabdullaahi kaga duwanaan doonaa kuwii ka horeeyay, ee ku soo dhamaan jiray afka macaan iyo eberka.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, February 22, 2001 - 11:09 pm TALAABOOYINKII UGU DAMBEEYEY EE DACWAD BBC-DA IYO TIFAFTIRAHEEDA KU OOGAN. warar xog ogaal ah oo naga soo gaaraya ilo kala duwan oo dalka dibadiisa ah sida ay miijiyeen waxa dacwooyin laba dhinac ahi ku qulqulayaan madaxda idaacadda BBC-da ugu saraysa iyo Maxkamadda Shaqaalaha. Dhinac dacwadda ka mid ah oo horyaal maxkamad sharci ah waxaa wada dad toboneeyo ku dhaw oo horay shaqeeyo kala duwan uga hayay tartanna u galay kaalimo cusub oo banaanaaday oo ay BBC-du u baahatay, kuwaasoo tirsanaya in xaqdaro iyo eex lagu sameeyay xuquuqdoodana lagu xad gudbay, iyo dhanka kale oo ah shacbiweynaha Soomaaliyeed oo aan lahayn awood iyo talo ay qareeno caalami ah ku qabsadaan iyo dawlad xaquuqdooda ilaalisa toona kuwaasoo waxa kaliya ee ay qaban karaan ayntahay in u dacwoodaan laga dacwoodihii, taasoo ka dhigan “eelka kii dhigay u ergootooy” dadka shicibka ah ee dacwoonaya waxaa ugu badan shucuubta ku dhaqan gobolada, Somalilaan, bunrilaan iyo RRA, kuwaasoo dhamaantood rumaysan in madaxa Laanta BBC-da ee afka Soomaaliga iyo wakiilka Focus in africa labadaba ay ka xoog badisay caadifad qabiil oo aann kala har lahayn, hubsiimo la’aan iyo nacayb cuqdadeed oo ay qarsan waayeen oo ay u qabaan degaamada iyo dalka ee Soomaaalida ee nabadda iyo horumarku ka socdo. Dhanka sharciga Dacwadii industrial tribunal bay hada maraysaa oo dhawaan baa dhagaysi loo soo bandhigi doonaa . Hase yeeshee madaxda BBCda iyo qareemadooda ayaa codsaday in dib loogu dhigo si ay sameeyaan baaritaan dhexdooda ah "Internal Inquire". Kaas oo ay ka mid noqondoonan in ay dadkii la ruqseeyey iyo kuwa cusub ee shaqada la qoray ay mid mid u waraystaan si ay u ogaadaan sababaha uu qof waliba shaqada ku waayey ama ku mutaystay! Taasi markay dhamaato waxay u badan tahay inay dadkii xaquuqdooda lagu xad gudbay ama la ruqseeyey ay mag-dhaw (Compensation) siiyaan, arintana maxkamada dibbadeeda iyo is afgarasho hoose lagu dhameeyo, si aysan fadaeexadu u soo banaan bixin, ayagoo fiirinaya dhanka sumcada BBCda taas oo arinatni ay khalkhal iyo niyad jab wayn galisay guud ahaan laamaha BBC-da, Daaradda BBCdana loogaga sheekaysto!! Guddiga arinta baaraya waxaa horay madax looga dhigay u ah naagta ku xigta ninka BBCda oo dhan haysta. Waana naag aad loo qadariyo, loogana baqo, Hadase Director of Press Complaints Commission Hawshii baaritaankana waxaa la wareegay Mr Nigel Chapman oo ah the Deputy Director of the BBC World Services Hadday Garaad ay ku cadaato inuu ku xadgudbay sharciyada iyo nidaamka BBCda, Mrs Blackburn iyo Mr Langridge arintu si toos ah ama si dadban bay labadaba u saamaynaysaa, khaas ahaan Mrs Blackburn. Waxaana halkaas ka cadaanaysa inaysan xilkoodii mas'uulnimo ka soo bixin! Marka ayagoo aan Garaad u danaynaynin bay bay dantoodu ku jirtaa inay asaga difaacaan, Ragga Saleebaan Barkhad, Shamso Baybuuk, Saynab Maxamed, Maxamed Xaamud Sheekh, Maxamed Cumar haydara, Max’ed Xaamud Sheekh, Max’ud sheekh Dalmar, Maxamuud Cabdi ducaale, siciid Faarax Yare, Saleebaan Barkhad iyo idiris xaaji diiriye iyo qaar kaloo badan ayaa ka mid ah dadka khibradda iyo waaya aragnimada leh ee horay uga soo shaqeeyay BBC-da hadana Baagamuudada ku ah London, afarta qof ee xiisadda dhinaca Dhaqaalaha ah kicisay ayaa iyaguna waxa ka muuqatay in ay dhamaan yihiin isla Beesha Tifaftiraha dacwadu ku socoto, marka la eego xaaladda maanta ee Soomaaliya inkastoo afartuba yihiin dhalinyaro Soomaaliyeed oo xaq u leh in ay shaqo helaan. Raggii BBCda horay uga shaqayn jiray nin kamid ahi waxuu shaqii ku waayey markii interviewga laga qaadayey asagoo kala garan kariwaayey magacyada Radiyaasha Xamar ka jira!! Mid kalena waxuu ku waayey asagoo garan kari waayey taariikh nololeedkii farax weheliye Sendiko oo interviewga ku jiray!! Ogow, tartamayaasha mid ka mid ah, ahna kuwa shaqa la siiyey, waxaa adeer u ah Farax Sendiko, taasoo iyaduna ah arimaha tuhunka iyo fadeexadda kor u sii kiciyay. Sida ay qabaan dadka yaqaan dhaqanka BBC-du waxa ay sheegayaan in ay wax kasta ha ku qadatee maslixi doonto shaqaalaha dacwadda rasmiga ah u gudubsaday maxkamadda ee qareenadu hor kacayaan, iyo in ay dhagaha ka furaysan doonto cabashada dadka Soomaaliyeed ee dhagaysta, iyadoo halkii sano ee tageyna ay soo badanaysay sida looga sii aamin baxayo uuna u lumayo kalsoonidii lagu qabay BBC-da, khaasatan Laanteeda Afka Soomaaliga oo ay Soomaalidu aad u dhageysan jirtay.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, February 26, 2001 - 09:23 am 26 Feb. 2001 BOOSAASO - Duhurnimadii Axaddii shalay 25 Feb. ayaa koox ciidanka Boliiska Gobolka Bari oo aad u hubaysan hal baabuurna watay, isku wareejiyeen hoteel Bareeda la yiraahdo oo uu ku jiray Cabdishukuur Yuusuf Cali oo loo haysto in uu ahaa ninkii faafiyay war aan sal iyo raad toona lahayn oo ku saabsanaa laba naagood oo isku guursaday Magaalada Bosaaso, kadibna toogasho lagu xukumay. Waxaana uu haatan Cabdi shukuur ku xiran yahay saldhigga dhexe ee Bosaaso. Wariye ka tirsan wargeyska Sahan oo C/shukuur ku booqday halkaas ayaa waxa uu u sheegay in uusan wax lug ah ku lahayn warka la xiriira naagaha is guursaday ee loo haysto, wuxuuna intaas raaaciyay in uu rumaysan yahay in arrintani tahay shirqool loo dhigay isagana lagu xumaynayo. Hase ahaatee taliyaha qaybta Gobolka Barri Gaashaanle C/risaaq Maxamuud Yuusuf oo aan isaga la xiriirnay waxna ka waydiinay sababta uu u xiran yahay C/shukuur yuusuf ayaa sheegay in C/shukuur loo haysto eedo dhawr ah oo ay ugu horeeyaan; been waxyeelo ku ah dhamaan ummadda islaamka ah, ummadda Soomaaliyeed iyo gabi ahaan haweenka reer Buntilaan, sheegaysana in laba gabdhood isku guursadeen Soomaaliya khaas ahaan Bosaaso, isagoo arintaas ka hadlayana waxa uu taliyaha qaybtu yiri "waxa weeye arin ku xun islaamka, sharaf dhacna ku ah Buntilaan khaasatan Bari, iyo hawenka Muslimka ah ee ku nool oo ah been abuur, ciidanka Booliiska ayuu sidoo kale ku been abuurtay oo uu yiri waxay qabteen labadaas. Taliyaha qaybta oo wali hadalkiisii sii wata ayaa "arrintani waxay noqotay fajiciso iyo fadeexad aan sal lahayn oo fakatay, waxaanu anagu arrintan hor geyn doonaa maxkamadda wixii ku cadaada ayuuna kasban doonaa wixii lagu waayana ciddi saari mayso" Taliyaha oo aan waydiinay in ay hayaan wax cadayn ah oo eedooda xaqiijinaysa ayaa sahan u sheegay in ay hayaan xogo badan oo ay maxkamadda hor geyn doonaan" wuxuuna intaas ku daray in aysan ahayn markii ugu horeysay ee C/shukuur loo xiro warar been abuur oo uu Faafiyay. Garsooraha 1aad ee maxkamadda darajada 1aad ee magaalada Bosaaso Sh. Maxamed Cabdi Awaare ayaa beeniyay warbixin ku saabsan laba haween ah oo isku guursaday Bosaaso oo maxkamaddu ku xukuntay in la dilo. G/le C/risaaq ayaa waxa kale oo uu sheegay in ay jireen danbiyo kale oo iyagana lagu soo oogi doono kuwaasoo ay ka mid yihiin isaga oo la dagaalamay ciidanka Booliska laba xabadoodna uu ku riday, kadib markii saddex barri ciidanka Boolisku raacdadiisa ku jiray hadbana uu meel ku dhuumanayay; waa sida uu hadalka u dhigaye. C/shakuur Yuusuf oo wariyaha Sahan uu booqday isaga oo kursi ku fadhiya qol sariiri dhex taal oo sida muuqatay masuul ciidanka ahi degan yahay ayaa sheegay in dantu baday in uu hubkiisa isku difaaco, markii uu baxsan waayay. Mar uu C/shukuur ka jawaabayay su'aal ku aadanayd sida ay ciidanka Boolisku ula dhaqmeen markii ay qabteen ayaa sheegay in ay soo kaxeeyeen rag saaxiibadiis ah, si aad u wanaagsanna loola dhaqmay. C/shakuur mar la waydiiyay sida uu warkaan u maqlay, ayaa waxa uu sheegay in ay maqalkiisaba maanta ugu horeysay. Sidoo kale waxa uu C/shukuur iska fogeeyay in uu wax xiriir ahba la leeyahay Qaran isaga oo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yiri "20 maalmoodba aniga iyo qaran wax xiriir ah nama dhex marin" Warkaas aan salka lahayn ee loo haysto C/shukuur Yuusuf Cali markii ugu horeysay waxaa daabacay wargeyska Qaran ee Magaalada Muqdisho ka soo baxa, kadibna waxaa midiba mid ka sii qaatay hay'ado tiro badan oo kale oo ay ugu horeeyaan, BBC-qaybteeda Monitoring service-ka la yiraahdo, Hiiraan online, iyo kuwa kale, hase ahaatee nasiib wanaag Tifaftiraha wargeyska Qaran Qaasim C/lle (nerro) ayaa markii uu xaqiiqaday in ay arrintaasi ahayd been aan waxba ka jirin raali galin ka daabacay internetkana galiyay beeninta faafintii warkaas. Isla mar ahaantaana sheegay in uu warkaas ka helay C/shukuur Yuusuf, uusan dib danbe u qarin doonin. C/shakuur oo horay wargeyska Qaran dib ugu daabici jiray magaalada Bosaaso kahor intii aysan mamnuucin maamulka gobolka Bari ka soo saaridda wargeyskaas ee Gobolka, ayaa waxa uu maalmahan danbe Magaalada Bosaaso ka soo saari jiray wargeys cusub oo la yiraahdo War ogaal. Dadweynaha Islaamka, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed ee ku kala nool daafaha dunida iyo dalka ayaa arrintani waxa ay ku abuurtay yaxyax iyo xushmo daro ay qaadan waayeen, kahor intii aysan xaqiiqsan in warkaasi ahaa waxba kama jiraan la cayiliyay, taasoo ay dadku maalmahan oo dhan is waydiinayeen waxa loola jeeday. Bashiir Saalax oo ka mid ah dadka Qurbaha ee Daneeya arimaha dhaqanka iyo Diinta Islaamka ayaa isaga oo daba jooga dadka faafinaya wararka ku saabsan naago been ah oo is guursaday waxa uu leeyahay "yaan laga boodin dadkan xun ee aan ka sheekaynayno si ula kac ah ayey arinta beenta ah suuqa ugashadeen. Arintan ah in lagaa hadlo waa arin dhamaantood u caado ah inta aaney soo bixin, waxayna u dhigantaa iga war haya waa soo socdaaye. Waddamada reer galbeedka intii aan dadkan xumi ka soo ka bixin waxa ay ugu yeedhaan "closet-ka" waxay ku ogoleysiiyeen dadka hadal haynta maalin walba afka lagu hayo iyo filmo been ah oo laga dhigey "fiction movies" Marka annigu waxaan ku talin lahaa in laga yiraahdo oo qudha wixii Allah ka yidhi iyo waxa diintu ka qabto la dhaqankooda, culimada Soomaaliyeedna waa in ay isu diyaarisaa oo ayna ku noqon beri wax ay ku naxaan sababtu waxaa weeye dad badan gaar ahaan hayadaha ka shaqeeya dhinaca Waqooyi Bari iyo Waqooyi Galbeed oo howlo fiican oo arimahan iyo in dumarka laga saaro guryaha gudanayey tobankii sano ee la soo dhaafay ayaa jira.Saxaafadda waxaa arintan kala gudboon, arintan in aan la dhaafin intii Allaah ka yidhi. Shabakado badan oo lagu qoro waa sidii ay iyagu rabeen". Arrinta eedda la xirriirta warkaas beenta ahaa hadba waxa uu ku danbeeyo dib ayaan idinkala soo socodsiin doonaa, haddii alle ogolaado. Sahan Information Center Bosaaso-Buntilaan-Somaliya.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, March 10, 2001 - 03:25 am to weriye maxaa kugu dhacey adeer warka soo daa bosaso askar ba lagu laayaa layiri maxaa kajiravtaas
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, March 10, 2001 - 08:55 am Boosaaso, March 10 Shalay subanimadii ayaa waxaa magaalada Boosaaso lagu dilay labo nin oo lakala yiraahdo Col. C/risaaq Isxaaq Yuusuf (dhugad) iyo Bashiir Cabdi Madoobe waxaan xabbad ku furay ayagoo fadhiya meel maxaayad ah nin ay u xirneed SKI-MASK ama wajiga u qarsanaa wuxuuna dhowr Xabbad ku faray Col. C/risaaq Isxaaq Yuusuf (dhugad) xabbadihii ayaa waxay ugudbeen Bashiir Cabdi Madoobe oo markaa la fadhiyey Col. C/risaaq Isxaaq Islamarkaa ninkii dableyda ahaa intuu xabbado cirka u riday kadibna u baxsay dhanka Biyo kulule dhanka xeebta oo jidad luuq luuq ah ku yaalaan. Waxaa meesha isla markii ku dhintay Col. C/risaaq Isxaaq, Bashiir Cabdi Madoobena wuxuu ku dhintay Isbitaalka dhexe ee Boosaaso wax yar kadib markii lageeyay. Islamarkaas waxay Police ka Boosaaso bilaabeen ugaarsasho ay ugaarsanahayeen ninkii dableeda ahaa, waxay xireen jidadka waa ween iyo kuwas soo gala loogana Baxo magaalada isada jidka weyn oo aada Gaalkacyo, kan aada Laas Qorey iyo Qow iyo kan aada Qandala. Waxay kaloo xireen jidka aada Airpotka iyo Dakeda, ayadoo isla markaa ay Policeka ilaaliya Airporka iyo Dekeda lala socod siiyay in baadi goon nin dableey ah lagu jiro ayagoo isla markaa baarayey ama qab qabanaayay wixii lagu arko ama lagu tunho inuu hubeesan yahay xataa haduu wato qofka mindi ama Pistooland. Dhowr saacadood ka bacdi waxaa na loo soo sheegay in ninkii dableeda ahaa la soo qabtay laguna xiray Xabsiga Dhexe. Magaalada markaas ayey dib u dagtey jidadkiina dib loo furay, mar aan wax ka weediinay askari ka tirsan Policeka oo kamid ahaa raggii baadi goobka ku jiray, wuxuu noo sheegay in ninkaan uusan ba isku dayin inuu cararo waxaana soo sheegay meesha uu joogo dad arkay oo Policeka telefoon u soo diray islamarkiina Policeka ayaa halkaas yimid wax dhibaata ahna kama dhicin xiritaankiisa, waxaa kaloo ii cadeeyay in markii saldhiga Policeka ee Boosaaso lageeyay inuu qirtay inuu falkaas geestay. Ninka badleeda ahaa magaciisu waa Cabdi Siciid Yuusuf (qalbiroge) wuxuuna jiraa 18 iyo 9 bilood policeka na aad bey u yaqaanaan oo hada ka horbaa waxaa loo xiray falal danbi ah. Wararkaloo na soogaaray ayaa waxay sheegayaan in ninkaan ay horay isku dirireen Col. C/risaaq Isxaaq oo dharbaaxsho ku dhuftay markay is afdhaafeen oo arintaan aargoosi shaqsi uu ahaa. Weli hada wuxuu ku xiran yahay Xabsiga waxaana weli socda baaritaankii lagu wadday dilkaan fooshaxun, dadka magaaladana ayaa aad iyo aad uga xumaaday dilkaan, Boosaaso oo horey loogu yiqiin Nabada iyo degenaanshaha ayaa falalka noocaan oo kale ah laga aqoon. wixii warar ah oo nasoo garana waan soo sheegi doonaa. WARIYE BOOSASO
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, March 13, 2001 - 04:56 am ARI BOOWE NINKA CIDA DISHAY EE KA DANBAYSAY WAA LAYAQAAN WAXAYSE KA GURAAN BAYNU ARAGNAA: WIILKA XABSIGA LOO TAXAABAY WUXUU KA DHASHAY REER MAJO GAABGAAB (CISMAAN MAXAMUUD), WAXAANSE ILAA HADA LA HUBIN INUU YAHAY NIN CISMAAN MAXAMUUD SALEEBAAN DHAB AH IYO INUU YAHAY INA SANWAYNE CISMAAN MAXAMUUD OO KALIYA, OO AY DHASAY ISLAAN CISMAAN MAXAMUUDKA REER BOQORKOODA AH, ILEEN REER MAJO GAAB GAAB ADOONTOODII ISLAAMIHII AY FUULEN WIXII AY DHALEEN CISMAAN LIISKA AYAY KU DARSADEEN E. WAXAASE LA HUBAA IN FALKAAN FOOSHA XUN AY KA DANBEEYEEN RAG WAA WAYN OO WIILKAN YARI KALIGII FALKA KUMA UUSAN KICIN. WAXAANSE LA YAABANAHAY WAXAY REER MAJO GAABGAAB AY ARINKAN KA GURI DOONAAN. NABADAY.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, March 13, 2001 - 09:47 am Bosaso, March 13 Wararkaan la isla dhex maraayo oo aan sal iyo raad toona laheyn waxaa weeye warar ay tebiyeen dad doonaya dhibaatada Puntland iyo inay dad walaalo ah iska horkeenaan. Wiilka falkaan foosha xun geestay waxaa la ogyahay inay is afdhaafeen Col.C/risaaq Isxaaq Yuusuf (dhugad) waxaana lasheegay inuu labadooda dagaal dhexmaray, waxaana halkaas lagu garaacay ama looga adkaaday gacan ku dhiiglaha falkaan xun geestay, waxayna ahaayeen dad isyiqiin oo wax ka dhexeeyey, islamarkii dagaalkii looga adkaaday Gacan kudhiig laha wuxuu biday inuu qori soo qaato oo Col. C/risaaq Isxaaq Yuusuf (dhugad) oo fadhiya Makhaayad shaaha laga cabo xabbad kufuray, waxaa markaa Col. C/risaaq lafadhiyay nin la yiraahdo Bashiir Cabdi Madoobe oo markaa isku dayey inuu Bistoolad la soo baxo islamarkaa gacanku dhiiglaha ayaa arka oo kala hormaray xabada, arintaan waxay cadaatay kadib markii baaritaan iyo waraysi lalayeeshay dadkii meesha joogay. Waa jiraan dad war iska sameestay kana leh dano gaar ah. Weli baari taanka waa socdaa mana fiicna iyada oo aan waxna caday in warar la iska maseesto, ilaa iyo hada waxa kaliya oo cad inay arintaan aheed arin ay ka dhexeesay Allaha u naxariistee Col.C/risaaq iyo gacan ku dhiiglaha falkaan geestay. Weriye Bosaso, Puntland
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, March 13, 2001 - 10:49 pm from wiil reer mahad to wiil burtinle war waxaad ku hadleyso oo ceebta ku ah reer pland xayawaanyohow hadad naga mid tahey jooji waxaas hadii kale dadkaa ceebta aad qoreyso aqrisanaya ee ha aflagaadeyn walaalaheen ayaa dad noo xiga ma ogid miyaad iney reerka aad ceyneyso iney yihiin walaalkeen naga weyn mise anagaad iska kaaya dhigeysaa oo isku dir baad wadaa . adeer ceebta daa xishood . oo ha ceyn boqoradeena sharafta leh waxay ka mid tahey boqortooyadu waxyalaha pland ku maneystey oo eysan cid kale oo soomali ah laheyn . war iyo dhamantiis walaale ceydu waa ceeb falal noocaas oo kale ah wey dhacaan . hala yaabin hada ka hor qardho ayaa sidoo kale ninkii policeka saasoo kale loo diley marka wax walba waa in laxaliyaa . xalka hadii lahelo dhibaatada wey yaraaneysaa . hadeerna dhibaato majirto oo sharci baa jira qof walbaa waxa uu doono masameyn karo qofkii qalad sameeya sharcigaa qabanaya rule of low. marka hadaad ceyntanto .waa laga fiican yahey . aniga siyasada pland lama socdo laakiin waxaan ka xumadey waxaad meesha aad kusoo qortey oo cidwalbaa aqrineyso . marka walaae raali gali walalaheen sorry dheh ceyda . jaawna
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, March 25, 2001 - 08:54 am -------------------------------------------------------------------------------- LACAGTII LA DHACAY EE W.ARIMAHA BULSHADA OO SHEEGAY INAY ROOXAANI DHACDAY. sahan, Bosaso. Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka BL Cabdiraxman Saciid Gacamey (Dhegawayne) wareysi uu siiyey Shalay Radio Galkacyo waxaa uu ku sheegay in Lacagtii dhawaan looga dhacay Wasaaradda Arimaha Bulshada Meel ku dhaw Magaalada Qardho ay dhaceen koox la baxday Rooxaanta oo ka koobnaa 12 nin fadhigooduna yahay Degmada Qardho. Wuxuuna intaa ku daray in isaga iyo wafti weheliyaaba ay Booqasho ku tageen degmada qardho, halkaas oo uu uga sii horreeyey Suldaan Saciid Max’ed Garaase oo isku dayayey sidii lagu heli lahaa Lacagtaas iyo Raggii ka dambeeyey dhiciddeeda oo uu sheegay in ay awal u shaqeyn jireen Dawlada. Wuxuu agaasimuhu cambaareeyey ciidanka Daraawiishta oo saldhiggoodu Qardho yahay oo aan falkaas ka gaysan wax gacan ah, halka uu ammaan uga soo jeediyey Taliyaha qaybta boliska Gobolka Bari Col. Ina Afguduud iyo ciidankiisa.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, March 25, 2001 - 08:56 am SAHAN NEWS 23 Maarso,Bossaso, Sahan Press ISKA HORIMAAD SAAKA KA DHACAY DEGMADDA QARDHO. Saaka subaxnimadii ayaa Ciidanka Booliiska BL weerareen meesha la yiraahdo Geri hel oo ka tirsan Gobolka Bari Degmadda Qardho. weerarkaas oo Booliisku ku qabqabanayeeen Koox dablay ah oo dhawaan dhacay Lacag caddadkeedu dhamaa 350, 000,000. (sadex boqol iyo konton kun oo Malyan) ahaydna Mushaarkii shaqaalaha ee ay lahayd Wasaarada Arimaha Guddaha BL. qaar ka tirsan Saraakiisha Booliiska ee haatan ku sugan Degmada qardho waxay cadeeyeen in Weerarkaasu uu ka dhintay Nin, Nin kalena uu ka dhaawacmay Ciidanka Booliiska, halka Nimankii Dableyda ahaa uu ka dhintay Ninka la dhaho Cali Qooqane, uuna ku dhaawacmay Nin kale oo lagu magacaabo Jadhig, Ninkaas oo hadda lagu daweynaayo Cisbitaalka Degmadda Boosaaso iyada oo Booliisku haatan gacanta ku hayaan. waxay kaloo wararku sheegayaan in isla saaka subaxnimadii koox dad ah oo ka careysan Hawlgaladii Booliiska ay Tuuryeeyeen Saldhiga Booliiska ee Degmada Qardho. wararka ka imaanaya Degmadda Qardho ayaa sheegaya in Xaalada ay Haatan Deggan tahay kadib markii ay odayaasha deegaanku soo dhex galeen arrintii. qaar ka tirsan Saraakiisha Booliiska oo ku sugan Qardho ayaa ii sheegay in Xaaladdu haatan degan tahay buuqii iyo dhagaxtuurkiina uu dhamaaday, Booliskuna ay hadda ku hawlan yihiin sidii ay u qaban lahaayeen labadii Dableyda ahayd ee Saaka ka baxsaday Hawlgaladii Booliiska. sahan Press. Boosaaso. -------------------------------------------------------------------------------- UPDATE inta la ogyahay 2 qof ayaa ku dhimatay in ka badan 5-na waa ay ku dhaawacantay Maanta, kadib markii hawlgal ay sameenayeen Booliiska BL laguna baadi goobayeey Koox Rag ah oo dhawaan dhacay Lacag sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Booliiska. waxaana saaka oroornimadii ay weerar ku qaadeen Ciidanka Booliisku halka lagu magacaabo Geri hel oo ka tirsan Degmadda Qardho oo ay ku sugnaayeen 4 ka mid ah kooxdii lagu eedaynayeey in ay Lacagtii Wasaarada Arrimaha Guddaha dhaceen. Nin ka tirsan Booliiska BL ayaa halkaasi ku geeriyooday mid kalena waa uu ku dhaawacmay halka dhinaca kalena uu ku geeriyooday Nin ka mid ah Kooxddii Booliisku Baadigoobayeen oo lagu magacaabo Cali Qooqane, Nin kalena uu ku dhaawacmay oo magaciisa lanoogu sheegay (Jadhig) haatana ay Gacanta ku hayaan Booliisku lana keenay Magaalada Boosaaso isbitaal ku yaal si looga daweeyo dhaawacyadii soo gaaray. isla saaka subaxnimadii ayaa Koox dad ah oo ka careysan Hawlgaklii Booliiska ayaa waxaa ay tuuryeeyeen Saldhiga Booliiska ee Degmadda Qardho, hadaba mar aan Telefoon kula xariirnay 13:00 duhurnimo Mid ka mid ah Odayaasha Deegaanka oo lagu magacaabo (Xirsi Magan) waxuu noo sheegay in Ciidamada ay markaas is hayeen Haweenka iyo Caruurta ku nool Degmadda qardho, Saraakiisha Booliiska ee Degmada Qardho ayaa noo sheegay ay Caadi tahay, kadib markii ay odayaashu Deegaanku soo dhex galeen Arrintii, Booliiskuna ay ku raad joogaan sidii Gacanta loogu soo dhigi lahaa Labadii eedaysane ee saaka ka fakaday. sahan Press. Boosaaso.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, March 25, 2001 - 03:53 pm Wariye. Ma waxaad ku riyootaa waxaad soo qortay mise waxaad nagu habaartaan? Aloow yaa afka dado ku yiraahda!
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, March 28, 2001 - 07:26 am TO: wariye; Hawl fiican baad haysaa, war daalay baase ku galaan umalaynayaa. Galkacyo rag lugu dilay maxaad kahaysaa? Soo waran. thanks for the good job.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, March 31, 2001 - 02:01 am GALAKACYO ragga lagu dililay waxay ahaayeen rag magaalada laga yaqaan, waxaan dilkaan keenay dhul ku yaal magaalada Gaalkacyo dhanka warshadii Ciidanka Qalabka sida, halkaas oo ay isku qabsadeen 3 koox oo kala sheeganaysay dhulkaas oo ah dhul qaran, Dagaal gaaban oo dhawaan halkaas ka dhacay ayaa waxaa ku dhintay nin, dilkaan waxaa la ogsaan yahay in uu yahay aarsi ay aarsanayeen koox dii horay looga dilay ninkaas. Magaalda xaaladeedu sida naloo soo sheegaaya waa dagan tahay, waxaan arinta ku dhex jira Policeka iyo odayaasha magaalada. wax war ah oo cusub oo Magaalada naga soo gaareyna majiraan.
|