Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Puntland Politics: Puntland Politics (Current): Nimaan kuu furi doonin yuusan kuu rarin
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil-Qardhood

Wednesday, February 07, 2001 - 05:17 am
Waxaa wax laga naxo arinkii kadhacay Boosaaso kaas oo aan u arkay dad dano gaar ah leh ama waxmagarato ah in ay kadan beeyeen.

Sidaan maqlay markii hore dadka waxaa loogu sheekeeyay waxaan ka mudaharaadaynaa "sicirbararka" taas ayaa keentay in dhawrkii nin ee Cudurka "Carto" layiraahdo qaba ay helaan dad mudaaharaada.

Laakiin nimankii wax ololaynayay waxay lahaayeen ulajeedo kale oo u qarsoonayd taasoo ahayd in meesha dhib kadhoco oo Idaacadda Carta ama BBC-da -qofba suu uyaqaan- laga sheego waana dhacday oo idaacaha ayaa lagasheegay taasoo ay ula jeedaan in dadka reer Puntland iyo soomaalidda aaminsan nidaamka fadreyshinka ay niyadjabiyaan.

Marka waxaan isweydiiyay maxaa keenikara in magaalo ay hal qabiil(Harti) wada dagaan uu dhibkaani kadhaco

Dhawr arimood ayaa macquul ah:

- In ay jiraan dad lacaq qaata oo xoogaa lacag ah kahelay dhoobdhoobka Carta.
Waayo waxaa jira dawlado carbeed oo lacag ku fatahay reer Carta iyagoo kaleh dan iyaga ugaar u ah.
Sidaan ogsoonahay Masar iyo Ithobia waxaa ka dhexeeya khilaaf dhinaca biyaha ah oo ku saabsan webiga NIIL kaas oo keenay in Masaaridu ay isku daydo in ay Itobia hadba Cadaw u samayso mar Eritrea mar AL-ITIXAAD marna Suudaan haddana ay isku dayayso in ay soomaalida ku danaysato iyadoo adeegsanaysa wixii kaharay dawladdii Ina Siyaad Bare iyo Jabuuti iyo dhaqaalaha dawladaha Carabta kaas oo aan natiijadiisa ka aragno Bosaaso (Lacagta Carabta+dhoobdhoobka Carta= Sicirbarar & 2 dhimatay iyo dhawr dhaawac ah Bosaaso = burburka Puntland).

-Sidaan ogsoonahay Marka Cudur meel kadilaaco waxaa uu Marka hore kudhacaa kuwa ugu tabarta yar oo aan katalaalay ama aan awoodda ulahayn in ay iska difaacaan marka Sidaas Darteed ayaan aaminsanahay in dadka reer Carta ay marka hore raadsadaan dadka kuwa ugu maangaaban oo aan aqoon waxa danta u ah. Waxayna kadhaadhiciyeen Amxaaraa soomaaliya qabsanaysa oo aan ka difaacaynaa.
Waxaase ay dadkii ololaynayay Mudaaharaadka ay ilowsanaayeen in Ina Salaad Boy iyo Saaxiibadiis ay Soomaalida ugaysteen dhib aysan Itobia ugaysan.

S/C

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

boqorka

Wednesday, February 07, 2001 - 06:26 am
WALAAL MAADOO QARDHO KAYIMID BAAD AFGUDUUD KADABA NAAGAYNAYSAA MAASEE MAJEERTEEN YARYARE REER QARDHO AH BAAD TAHAY
NINKII DHOOF KUYIMID BOOSAASO BAY GEERIDU DHIMAYSAA
CABDULLAAHI ITHIOBIA BUU UGUURAYAA WAANA U DHAMAATAY

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Keyse

Wednesday, February 07, 2001 - 07:32 am
Salaan kadib:
Runtii waan kaxumahay wixii ka dhacay Boosaaso ama weli ka socda goobo kamida Puntland.

Waxaanse dhihi karaa sida aan ka arkay mawduuc meeshaan kafuran in la rabay in maamulku cayaaro siyaasad sare haday doonayaan in ay nabada sugaan.

Waxaa khalad ahayd in Maxaabiista laga kaxeeyo magaaladii laga qabtay bal fiiri

isla habeenkii waxaa laga qaaday Boosaaso, Qardho waa la dhaafiyay, Garoowe waydiiday Booliska Gaalkacyo ayaa laga dul dejiyay, waxaan u arkaa inay maamulxumo tahay oo midka jirani uu ka faa,iidaysto

Waana waxa weli dhibku u dami waayay.
wadamadan aan ku noolnahay hadii aad tuulo aad uga fog magaaladaada aad denbi ku gasho meeshaad denbiga ku gashay ayaana lagugu xiri maxkamadna lagugu saari.

Waxay ahayd in lagu xiro boosaaso kadibna maxkamad la sootaago hadii denbi lagu helana meeshii lagu qabtay lagu xiro.

Wasalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil-Qardhood

Wednesday, February 07, 2001 - 07:44 am
to:Keyse
aniga laftigaygu taas ayaan qabaa. laakiin xaalku suu ahaa war uma hayo 100%, sababta keentay in Gaalkacyo qaarkood lageeyo waa in ay ahaatta mid weyn.laakiin waxaan alle ka rajaynayaa in ilaah dajiyo arinka.

to: doqonka
Adigoo kale markaan arko yaan Internetka oodhan nacaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GANTAAL

Wednesday, February 07, 2001 - 08:03 am
WAXA ODAYAASHA LOOGA KAXEEYAY MAGAALDA WAXAY AHEED IN DADKOODA IYO SHICIBKAY KADHASHEEN LAGA FOGEEYO, WAANA DHACDAY SHIBKII INTUU KU MASHQUULSANAA DADKII KADHAAWACMAY IYO MARXUUMADII SAFIYA AHEED OO 18 JIRKA AHEED, AYAA ODAYAASHII LALA CARARAY WAXAANA TAAS AMAR KU SOO BIXIYAY AFGUDUUD WUXUUNA HAD KU XUKUMAY RAGAAS MIN 6 BILOOD TAASNA AYAGA WAX KAM DHIMI DOONTO LAAKII AFGUDUUD INUUB BAAN MARDANBE BARI DIB USOO GALI DOONIN ASAGOONAN SOO SIIDAY RAGAAS HADAN XAASKIISA SAY U CARARTAY BAA LOO WADA CARARI DOONAA HADII AAN SI DAG DAG AH LOO SOO SIIDEEN WAX GARDKA REER BARI EE GALKACYO LAGU HEESTO, DADKA MUDUG DAGA IYO ODAYAASHA WAXAY SICAD UMUU JIYEEN SIDA AY UGA XUN YIHIIN DHIBAATDA ODAYAASHA LOO GEESTAY WAXAYNA CODSADEEN IN SI DAG DAG AH LOO SIIDAAYO LAAKIIN DHAG JALAQ LOOMA SIIN, MARKA HADA NIN WALBA DHULKIISA MASOCONAYSA IN LAGU CADAADIYO WALEE AFGUDUUD DIB UMA SOO GALO BARI INTAY RAGAAS XIRAN YIHIIN. INTUU SII DHAAFAY BUUBA DAMCAY INUU XOOG DADKA KU MAQUUN JIYO SIDA QARDHO, WIXII KARCAAYANA WAA UJEEDAA HADUU ISLEEYAHAY REER BARI BAA SIDAA KU FADHIYAAYA WAA KHALDAN YAHAY (ari boowe aalatahay) WAXAAS ANGA WAX BADAN BAAN USOO DULQAADANAYNAY INTEE MARBAA REER BOOSAASO XABAD LAGALA DAALAY MAALIN WALBA MAAGALOOYINKA KALE MUDAHARAAD BAA KADHACA CAR MAQAL MEEL BAA QOFKUDHINTAY AAN KA AHEEN BOOSAASO, OO WALIBA XAATAA RAALI GALIN AAN LAGA SAMEEN TAN HADA DHACDAY IYO TII HOREBA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GANTAAL

Wednesday, February 07, 2001 - 08:05 am
WARYAA NINKAAN MAGACEENA ISKA WATA WAR NOO DAA BAANU KUNIRI MAGACEENA QARDHO WAXNA KAM TAQAANIDEE DULI YAHOW DABA DHILIFKA AH,
DUF KUBAX

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Keyse

Wednesday, February 07, 2001 - 08:47 am
Salaan kadib:Ku Gantaal
Marka kowaad sida gunimo u hadalka ah reer Qardho laguma yaqaan.
igana raali noqo hadii hadalkaygu ku gubay, maxaayeelay waxaan ka xanaaqay eraygaaga ah siday Ooridiisi u carartay ayuu u carari maxaa gabadha adeerkaa qabo ama dumaashidaaya afkaaga u geeyey goormaan gabdhaha ku hadal qabsan jirnay

Tani waa siyaasad waana wax aad u wasakhaysan ee haku gacal waayin.

Forumkaan waa ku yaryahay sida aan Madaxweyne C/laahi maamulkiisa ugu mucaaradsanahay waxaana u jeedaa waa maamul xumada ee maahan dhinac kale, hadana waxaan leeyahay wixii ka dhacay Boosaaso iyo jidka, iyo weliba tii Qardho waan kaxumahay alfa marah waxaana rajaynayaa in Boqor Maxamuud Iyo Siciid Awmuuse iyo raga lamida ay xaliyaan arimahaan.

Wasalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMIIN

Wednesday, February 07, 2001 - 08:54 am
ADEER WARKII JIRABA CAKAARUU IMAN ADEER SABABTA KEENTEY INEY REER PLAND ISKU DHACAAN WAA WAXAA KA MASUUL AH IN AEY DOOFAAR ..
HADEER DIB YUU UGU NOQON PLAND DIBADA UU JOOGO HA ISKU CASILO MIDEEDA KALEETO XAALADA BUNTILAND WAA IN XASILOONI LAGU SOO CELIYAA INTAA WIILJAAHILKA AH OO MADAXA DANBASKU U MARSAN YAHEY UUSAN KA FAIDEYSAN OO DHIIG QUBISTA DADKA WADA DHASHEY LAGU FOGAAN ..
TALO DADKA DIBADA JOOGA WAXA ANIGA ILA TALO IN ARINTA INTEY GOORI GOOR TAHEY LA DAJIYO HADII KALE HALA OGAADO INUU NIN WALBA EY TAHEY HALAGIISA
ARINTA DAGAALKA SOKEEYA EE KA HOLCAYA PLAND WAA MID CAD ..
OO HUBAN TIINO WAA SHAKI LA AAN EE HARUUB DAATEY CAANAHA DABADAA LAQABAN JIREY .
EE INTA GOORI GOORI TAHEY HADAAN ARINTA WAX LAGA QABAN OGAADA KULIGEEN WAXAN TAGEERI DOONAA WAJI XUMADA P LAND..
ALOOW GUULI KUU DHAWEYDAA ..

TAAGEER

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xaafuun

Wednesday, February 07, 2001 - 09:43 am
dhamaantiin waad salaamantihiin
aad baan uga xumahay wixii dhacay lakiin waxaa fiican in aynu si fiican uga doodno ayaa ka dembeeyay, loona hadlo si aan caadifadi ku jirin
runtii dadaku wuu mudaahiraadi karaa laakiin in si nabadi ku jirto loo mudaahiraado weeye , maxaynu c/laahi khaladka loo wada saaraya maad aragtaan ragga lacagta ka soo qaadanaya reer carta(8000$) kuna gubaya guryahooda, iygu waa xalay dhalay, ina booye waxaa laga hayaa( wax badan baa hawiye lugu qoslay ee hadaan wax badan daarood lugu qoslin ) maxaa kuu cad oo kuu baxay shalay mareexaan baa 4000$ isku laayay maanta waa boosaaso, hadaba hadaan gaarnay in aan nabadan yar iska gubno waa innaga iyo garaad keen, ragga ku bootaynaya c/LAAHI BARRI MA IMAAN KARO WAA CAQLI XUMMO MAADASE KA XIGGE TAN DUMARKA WAA CEEB LAMANA SOO HADAL QAADI KARO.
to:KAYSE
ma aqaan meesha aad joogtid laakiin dalal badan baa ka qado dadka dembiga gala meesha ay joogaan ama ay u dhasheen si loo sugo amaanka wax wayna uma arko hadii lagu hayo boosaaso iyo hadii laga qaado;
maxaa keenay sicir bararka?
HADAYNU SI CILMIYAYSAN UGA DOODNA WAXA KEENAY SICIR BARARKA WAA IS KA CADAHAY OO WAA:
1 xoolihii la joojiyay(dhoofinta xoolaha )
2 mawjadii lacagta ahayd ee dadka qaxootiga ah ay diri jireen oo maalinba maalinta ka dembaysa sii yaraanaysa (adiguba iska xisaabi )
3 lacagaha la soo samaystay waliba tan ay reer carta soo samaysteen maalmahaan dembe ee loo isticmaalayo in dadka lays ku gubo.
HADABA BOOSAASO WAXAA GUBI KARA QARDHO AYADAANA NOOLAYN KARTA!!! hadaadse garteen aan gubno oo niman calooshiisa u shaqasta ah ha gubo waa wixii laga maalaa, ADOO NABAD U BELOYW KAALAY LAMA YIRAAHDO HADAY KUU TIMAADANA LAMA BOOYO BOOWOW!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Badhan

Wednesday, February 07, 2001 - 10:23 am
Ninkii wax macquul ah sheega sida ninkaas Xaafuun la baxay oo dee waxii uu shegayo sabab u yeeli waa lala sheekayskaraa, balse maxaad kula hadli nacas robot ah oo shilimaad laga soo siiyey Xamar oo loo soo diray in uu soo gubo aqalkii hooyadi.

Waar anigu ma afgaran karo wax dhuunta wax ka maqla gacantana wax ka arka oo dee aanba lahayn wax ma'da haba yaraatee.

Waar bal wax garadow eega, maxaa ka khariban haday Puntiland tidhi ilma adeerayaal Hawiye kac oo idinku isa soo af garta bal marka hore dedna aan danta guud ka wada hadalno.

Waar shicibka reer Puntiland mino baar ma noqonayo.Ee mooryaan iyo macaan jecelow idinku bal isa soo arka marka hore in tay daan dabka noo keenin.

Ku talagala ama reer-reer magacaaba ama ina Yusuf baa xun nagula dhexmeeraysta, walee in aanan Caydh isu dhiibayn ee kafantiina ha soo hilmaaminina.

Waar iminka hadaad tiraah doorashadii waxaa ka hartay muda yar e ruuxaad rabtaan doorta, waxay ku oran:Waa lahubaa in ina Yusuf uu ku guulaysan doono,. Waar anagaa waxa aragnay oo dee maxaad rabtaan intiinaa yar ee minoritiga ah in aad shicibka oo dhan sanka ka wada galisaan danaha ya yar ee khaaska idinka idiin ah.

Waxaan rajayn in arintan caqli lagu dhameeyo hadayse noqon waydo saas dee futada mindiyo inoogu xidha ninkay goyso hala arkee.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Oday

Thursday, February 08, 2001 - 06:20 am
Waar iminka hadaad tiraah doorashadii waxaa ka hartay muda yar e ruuxaad rabtaan doorta, waxay ku oran:Waa lahubaa in ina Yusuf uu ku guulaysan doono,. Waar anagaa waxa aragnay oo dee maxaad rabtaan intiinaa yar ee minoritiga ah in aad shicibka oo dhan sanka ka wada galisaan danaha ya yar ee khaaska idinka idiin ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kacaan-diid

Thursday, February 08, 2001 - 09:05 am
Kayse,

For your information, Garowe iyo Galkacyoba waa ku xiran yihiin, dadkii Bossaso fidmada ka sameyey. Wax ku jaban ma leh in Bossaso laga soo kaxeyo oo magaalo kale oo Puntland ah la geeyo.

Dadka qaar baa ku fasiray in lacagtii ay Xamar ka soo qaateen, ay rabeen inay ku laaluushan police-ka Bossaso jooga, oo halkaasna fidmo kale kasii abuuraan. Si ay noqotaba, nimankaasi haddii Bossaso laga soo kaxeeyey fidmaa laga soo kaxeeyey, Galkacyo iyo Garowena wanaag ku siyaadin mayaan ee shartoodaa dadka loogaga hayaa.

Haddii uu maamulku ka qaban waayo Puntland dhowr wiil oo shilimaad lagu soo siiyay inay qas ka dhex abuuraan shacabka walaalaha ah, hadde waxaa fiican inay is casilaan.

I am 100% behind the decision to detain the trouble makers.

God bless the innocent young lady who lost her life.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GANTAAL

Thursday, February 08, 2001 - 09:40 am
To: Kacaandiid

kadaa afalagaadada kadaa odayaashayna najisyahow foosha xun, waryaa waxaa Boosaaso looga soo kaxeeyay waxaa weeye waa ogyihiin inaan Boosaaso lagu hayan karin dad la iska soo xirxiray dadka iyo shicibkana ay dadkooda furan lahaayeen.
Hadiise meelkale loo wado maxay udiideen POLICKA GAROWE oo uyiraahdeen ragaan anaga ma XIRAYNO meesha aad kala timaadeen kucesha, markaas baa waxaa loola siicararay GAALKACYO hadana ummadii reer GAALKACYO waatan ay leehyihiin odayaasha hala siidaayo odayaasha xaqdaro baa lagu soo xiray, mardhiwna waad maqli doontaa odayaashii waxaa loo kaxeeyay ITOOPIYA taas oo ay horay ugu handadeen MAAMULKA taasna wax kasoconaaya majiraan haday isleeyihiin odayaashaas saas baa lagu ilaawaayaa waa khaldan yihiin ODAYAASHA HALA SOO SIIDAAYO HADII KALE WALEE GAALKACYO BAAN UGU IMAAN. EE INTAY GOORI GOORTAYHAY ODAYAASHA XABISKA HALAGA SOO SIIDAAYO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Badhan

Thursday, February 08, 2001 - 11:20 am
Xaar/Gantaal ufufuufufufufufufufufufufu,
Puntiland iyo Muqdisho waxa u dhexeeyaa waxaa weeye: Puntilaan waa la xidhaa xaduqii adoo kale ah oo iimanka Illaah geed sare ka saaray, halka walaalahaga Muqdisho ay u sacab tumaan ninkii hooyadiis fuula bal wax kale daaye...

Yaa mooryan lover, hadaad dooni in aan ku dhacno godka aad ku dhacaday ha u fadhiyin taa...shakhsiga reer Puntiland credit cardka qudh ah ee uu haysto waa walaalkisa kale ee Puntilanderka, halka adigu nacasyahow xaadhku ka buuxo aad isku halaynaysid shilimaadka caydhu ku siiso iyo waxii Caydhka uraya ee Muqdisho uu kuu soo tuuro...Nimanka la xidhayna walaalkayna ha ku jiro haduu doono ee waa in ay baxshaan dabigay galeen....

Hadii shicibka reer Puntiland ay aysan isku dhan uga soo jeensan dambilayaasha, dee ana yayna waxba igu eedin kolkaan inta soo kaxaysto afar mooryaan oo qoodh iyo xerolaawe yaal ah sidaada oo kale deedna aan wadada dheer rawd blook dhigto......

Sharcigu, ineer iyo odayaal midna ma yaqaan yaa ibnu sinaa, nina kaagama futo qadhmuuna hadii la jabiyo oon la ixtiraamin ee saas ula soco.

Puntilander aad u neceb faqashtii hore ee Afweyne iyo tan qadhmuunka leh ee iminka Caydhku wato....
isla markaana ilaah ka koriyey in uu bini aadam gacanta u hoorsado oo had goor ka hadla caqligiisa xorta ah...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XAAFUUN

Thursday, February 08, 2001 - 12:05 pm
salaan dhamaantiin
marka hore meesha cayda ha laga daayo, oo yaan lays xagxagan,
Qofku wuxuu doodi karaa marka uu isagu horte xor soo noqdo!!! waxaan u jeedaa marka aad ka soo xorowdo qabiilka oo aad yeelata ama ku doodo fikir adiga kaa yimid ee aan ahayn qabiilkayga baa sidaa lugu sameeyay ama suldaankayaga baa sidaa yiri.
Nin walba reer kooda wuu jecel yahay laakin in uu wanaag ku jeclaado weeye.
meesha doodu waxay tahay sidee nabad gelyada P/L loo ilaalin lahaa, hadaba maaha wax c/laahi yusuf ku xiran waa wax innaga oo dhan ku xiran.
ODAYAAASHA LA XIRXIRAY HADAY NABAD KA SOO HORJEEDAAN IYO HADII KHALAD LUGU XIRXIRAY BOOLIISKA AYNU INNAGU SAMAYSANAY MAYNU U DAYNO?
HADII AYNU KU KALSOONAYN BOOLIISKIINNA MAXAYNU MARKII HOREBA LOO SAMEEYAY? MISE IN YUSUF BAA SAMAYSTAY P/L IYO BOOLIISKEEDABA?
waxaan u jeedaa yaan laysku khaldin nabad gelyada P/L iyo maamulka hadda ka jira.
Waxana ila fiican in aynu dhamaanteen ka shaqayno sidii loo soo dayn lahaa odayaasha haddii iyo haddii aysan dembi gelin, hadii kalena oo ay dembi galeen ama qaarkood galeen waa in ay dadka ku shaqada leh aynu u daynaa; nin walba meherad buu lee yahay waa in ay nu xaq dhawrnaa qof walbana boos kiisa oo ku ekaadaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

RUNLOOW

Thursday, February 08, 2001 - 12:15 pm
TO : WIIL QARDHOOD

YOU ARE NOT REER QARDHOOD MISTER. WHY DON'T YOU CALL YOUR SELF WIIL GAALKACYO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

METHOD MAN

Thursday, February 08, 2001 - 12:20 pm
ODAYKA BEERKA AYGA LOO KALIYAY OO ETOOBIYAANKA CAABUDO HALA QABTO HE IS A CRIMINAL.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil-Qardhood

Thursday, February 08, 2001 - 11:25 pm
waad salaamantihiin!
waqtigaa igu yaraaday ee raali halaiga noqdo.

To: Reer Puntland (Keyse, Kacaandiid, Badhan iyo Xaafuun iyo....)

Inkasta oo aanan QOFAHAAN ku raacsanayn in lageeyo odayaasha Gaalkacyo ayaa haddana dadka ka sheqeeya amaanka ee maamulka Puntland waxay ii sheegeen in uu jiro goàan ay mar hore gaareen oo ahaa in qofkii gala danbi siyaasadeed lageeyo meel kafog meesha uu kayimid oo qabiilkiisu daganyahay, Tusaale: haddii uu kayimid Gaalkacyo waxaalageynaayaa Garawe ama meel kale oo Puntland kamid ah sababtoo ah waxaa laga yaabaa in ay dhacaan mudaaharaadyo iyo qalalaase ay sameeyaan ehelkiis taas oo keeni karta dhibkale . Waayo waxaa hadda ka hor dhacaday markii uu socday shirkii Carte in dad ay qalalaase kasameeyeen magaalo kutaal Puntland kadib markii laxirxiray dadkii qalalaasaha sameeyay oo lagu xirxiray meeshii ay daganaayeen taas oo keentay in xabsigii lasoo jabsado oo lala baxo nimankii iyagoo aan maxkamad lasoo taagin. markaas ayay dadka maamulka haya gaareen goàanka ah in qofkii danbi siyaasadeed gala lageeyo meel ehelkiisa kafog. Waxaana ay noqonkartaa nooc ciqaab ah maadaama Poliska Puntland uusan jirdil kusmayn dadka danbiyada siyaasadeed gala- sida meelo badan oo dunida sadexaad ah.
Laakiin anigu taas kuma raacsani maamulka - inastoo aan tixgaliyay maadaama ay iyagu masuul kayihiin amniga Puntland aanna iyaga u wakiilanay illaa doorashada 2001-.
sababta aan uga soo horjeedana waa anigoo qaba in qofna aan laga kaxayn ilmihiisa iyo waalidkiis ama xaaskiisa waayo ilmakasta oo reer Puntland ah waxay xaq uleeyihiin in ay waalidkood arkaan markasta shuruud laan. Waayo waxaan Xusuusta sidii markaan yaraa ay dawladdii Ina Siyaad iyo Ina Salaad u galijirtay qaar kamid ah dadkeeda inkastoo Goàankoodu uu khuseeyay dad gaar ah laakiin kan maamulka Puntland uu khuseeyo dadkoo dhan ee uusan qolo gaar ah qaban. Calaa aya xaal waxaan qabaa in arinta booliska loo daayo iyagaa ku shuqul leh e.

To: Runlow ama Beenlow ama libaax ama Shabba Ranks ama Methodman ama R kelly ama Boqor...

Ninyohow in aan Wiil-Qardhood ahay adiga iyo aabahaa iyo awowgaa midna kama baryaayo aan ee taas ogow.

S/C

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gidiroos

Thursday, February 08, 2001 - 11:55 pm
c/laahi waa ceeboobey hadeer ee majeerteenka ha isku laayo qasatan maxamuud salaeebaanka
cismaan maxamuud uyo cumat macamuud ..
dhiiga waa inaan si dhaqso ah u arkaa waa qore walaahi sacad siciid ..
habar gidir

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kacaan-diid

Friday, February 09, 2001 - 08:48 am
Haddii lagu eedaynayo Police-ka Puntland maxay shaqadooda u qabsadeen, dhinaca kalena lagu eedaynayo maamulka Puntland wax ma qaban, waa hal laba midegleh dheelmay dhinacna uma fiyooba.

Waxaynu BBC-da, oo aynu ognahay siday Putnland been uga faafiso, Arta faction-na u buunbuuniso, aynu ka dhegaysannay maalintii muddaharaadka, in Police-ku ay si caadi ah u hareer socdeen dadka muddaharaadaya, kaddibna markii dadkii ay kusoo biireen koox violent ah oo Police-kii dhagax tuur iyo dagaal ku sameeyey, ayey xabbadda bilaabeen Police-ku.

Markii kooxda Arta raggeedii ay meesha soo galeen, oo inay nabadda magaalada ugu weyn Puntland qasaan bilaabeen, waxa khasab noqotay in Police-ku dhinacna iska difaacaan, dhinacna nabadgalyada iyo xasiloonida magaalada sugaan.

Taking the situation under control, and restoring law and order first, then ask questions and make arrests, is the normal police procedure all over the world. They did nothing wrong.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GANTAAL

Sunday, February 11, 2001 - 04:53 am
to : Badhan
waxaad tahay dugaag wuxuu taageeraayo wuxuu mucaaradaayo aan kala aqoon,
WARYAA NAJIS YAHOW ANAA WAXAAD IIGU YEERTAY MOORYAAN LOVER, wasakhbaad tahay, waryaa aniga INA YEY waan ku kac sanahay laakiin adiga waxaa iskaga kaa khaldamay PUNTLAND iyo INA YEY, sababtoo ah waxaad tahay nacalad aan aqoon QIIMAHA PUNTLAND an inoogu fadhido hadii aadba PUNTLAND oo dhan aad kadhigtay DHIIGYACABKA Ina YEY, waryaa kafiiso dadkaad ugu yeraysid MOORYAAN wasakhbaad tahay aan kala aqoon dadkee waryaa PUNTLAND yaad kaxigtaa, yaase kugu yiri difaaca INA YEY iyo falalkiisa xunxun ayaa kaadhigaaya PUNTLANDER war socobaan ku iri oo MAANOKOOMIYO aad.

Ninmakiinaa ummadda ree Puntland meel uga dhacaayay maalintii DHIIGYACABKA INA YEY gumaadona ugu yeeraaya CARTA IYO MOORYAAN, walee waala kala guuri hadii saas lagu socdo, waan ogahay kuligiin inta ina yey difaacaysa inaad tihii dabolidhilifyo ku raacaayay INA YEY jajabka iyo BURBURKA Puntland, ku raacaaya QABIIL walba uu laayo ama ragooda xirxiro, ku raacaaya wax kastoo uu kharibo illeen dhibaatadeeda ayaanan idin taaban laakii anagay nataabatay xakbaan dhulkeena ileenahay INA YEYNA haduusan joojin RABSHADa walee ninwalba GOBOLKIISA buu ulaaban.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XAAFUUN

Sunday, February 11, 2001 - 01:46 pm
TO: gantaal
walaal see kaa noqotay waa maxay caydu meesha dood baa loo yimid iyo wax is dhaafsi ee looma imaan cay iyo afla gaado,walal raali noqo haddii aad kululaatay iskana saar cuqdada qabiilka, meesha ragga isugu yimid waa rag ka soo xoroobay qabiil rabana in ay dhisaan p/l horumarta,
walaal hadii aad doonayso run anniga kula hadlaya in adeerkay laxmiya ayaa ku jira ragga la xiray, lakiin waxaan qabaa haddii ay ku cadaaato in uu khatar ku yahay nabad gelyada p/L in la mariyo waajibaadkiisa aniga oo ka xun xarigiisa hadan waa muqadis nabad gelyada p/l.
Tan aad ku bootaynayso nin walba dhulkiisa ha aado
xaagaan aadnaa reer barri baanu u dhalanay, marka xaggee noo soo heshay hadda adiguna naga harimaysid oo hadii aad bari naga rarto waad na raacin.
Marka walaal ka soo xorow qabiilka iyo nin aan isku qabiil nahay baa la xiray anna waxaan lee yahay maxaa loo xiray, taas marka hore ka soo kor waxaan ku leeyahay kur oo waynaan maandhow.
mahadsanidiin walaalkiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Badhan

Sunday, February 11, 2001 - 03:54 pm
Xaafunn mahadsanid;
Gantaal;

Waxaad tiri nin walba gobolkiisii buu u laaban.
Waa runtaaye, anagu gobolkayagii waan joognaaye waana ku faraxsanahay waana anagaa dhisnay oo meelkaste iminka camirnaye, bal car adigu ina Caydhow ku soo noqo dhusomareeb iyo meeshaad ka timi.

Aminka waa digaa naga dhaacin in aad Baraawe iyo Kismaanyo leedahay, iga walee hadad adigu ku soo noqon lahayd meeshaad ka timi inaysan dhibiba ka jirteen Somalia ina caydh carfoonow ilayn waa siddii raga reer Puntiland i weydiiyeene waa in aan cayda iyo cadhadaba iska yareeyaaye.

bye Gantaal iana Cydh udgoone.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Garoowe

Sunday, February 11, 2001 - 07:07 pm
To all Puntlanders.

Waxaa ii muuqata kala saar iyo kala sooc badan. Waa arin aad looga xumaado in C/laahi maanta loo nisbeeyo Cumar Max'ud, Bosaasona laga sheegto. arrinkan waa arrin DKM ay aad u rabto. Ogaada markaan magaalooyinka kala sheegano in Puntland u dhaamatay, hartina uu hoogoodu galay. taa Kismayo ayaa tusaale inoogu filan. Waa qaybi oo xukun, haddii aad wax garad tihiin. Tan kale raga la xirxiray haddii qalad laga galay waa la soo deyn doonaa waana laga xaal marin kuwii ku gardaroodayna mudankoodaa la marin, taa Odayaasheenu waa midey ku caan baxeyn. Raga iyagu naga dhashay ee ku sifoobay nacaynka maamulka inoo dhisan ee Carta iyo tuugada ceyr inoo wada idinka yeelimeyno, Soomalinimadan madaxa la idinka galiyey iska iloowa. Walee Puntland ayaan sharaf ku lee nahay inta nala sharfaa waa inta Puntland dhisan tahay, mar alaale iyo markaan iska gubno, ayaa arkeysaan Odayaasheenii oo lagu oranaayo
"Aryaa dawladnimo idinmaheynee raaciyad ma rabtaan". In short, this people are nothing but a punch of tugs who want to finish off the rest of Somalia. And the rest of Somalia is us and Somaliland. Mida kale Somaliland toodii way xajisteenee teenii maxaan u xajisan la nahay oo aan intaa ugu heynaa niman dashiishle ah iyo Osman Max'ud ah ayaa la xirxiray, misa walaalayaalow dhiiga wiilasheenu waa kala macaan yahay. war hooy Harti yaan lakala saarsaarin, war hooy yaan lakala bixbixn, walee Bosaaso waxay nabad lee dahay inta Gaalkacyo ay nabad lee dahay, inta Garoowe dawlad noo joogto, inta Laas Caano ay badeecaduhu tagaan inta reer Puntland ay mid yihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kacaan-diid

Monday, February 12, 2001 - 05:09 am
Garoowe, mahadsanid walaal,

Si fiican baad wax noo tusaalaysay. I hope inay wax ku qaataan, dadka nacaybka ka dhex wada walaalaha, iyagoo belo ku shaqsanayso.

many thanks to you, and your likes walaal.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAARAX QANDALA

Monday, February 12, 2001 - 06:45 am
TO: GAROOWE
ari boowe wiilasheena reer puntland u sheeg ha kala saareen puntland iyo ina yusuf, wax ala waxaad tiri aa kugu raacay boowow.

boowow magaaladeenii kismaayo meeday, yaanu suaalaa? anigu waxay ila tahay ina yusuf. adigu maxay kula tahay?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, February 26, 2001 - 03:42 am
nimaan kuu furu doonin yuusan noo rarin = afguduud yuunan noo rarin ileen waa nin beerka ka jirane