Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government (Current): Dowlada Waa Midii (Masaakiinta,)(Maatadda) Shacabka Soomaaliyeed
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MDEEQ

Wednesday, February 07, 2001 - 06:09 am
Saxiib
Dowlada waa dowlad shacab waxay ka timid rabitaanka shacabka, shacabka toban sanno ay dhibaato gaajo,burbur ku jireen maanta uma dulqaadan doonaan dhibaato kale,dhamaan ninkii
wanaag rabo waa lagu soo dhaweynayaa in uuu ka qeyb qaato dhismaha nolosha shacabka samafalka
dadka tabaaleysan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SUUBAN

Thursday, February 08, 2001 - 02:59 pm
MDaaq Saaxib

Aankuu waramee horta haddalkaagu waa waxkuyaal, xusna waa mudan yahay, Allahna haka yeelo taas.

Anigu qof ahaan waxa aan rumaysanahay DKMG in mabda eedu uu taas ahaa. Laakiin taladu ayka xumaatay markii ay aqoonsanaan waayeen cadowga kaliya ee maanta maatada soomaaliyeed leedahay ee isku magac aabay Warlords ka. Nimanka calooshooda u shaqaysta yaasha ah ee kala qaybiyay wadanka iyo magaalooyinka si iyagu dan u gaar ah ay u gaadhaan waxa ay ahayd DKMG in ay xaliyaan dhibtooda dabeedna ay dhisaan dawlad xaq ah oo ku salaysan xaqiiq ee ka maqan yihiin gacan ku dhiiglayaal (Gaani oo kale).

C/qaasim waxa aan anigu rumaysnahay in uu yahay ninka kaliya ee maanta soomaali matali kara isagoo uu Cali Khaliif garab socdo, bulshadana horumarinkaraan labadooda illaah haddii uu garab galo. Laakiin maanta talo waxa ay joogtaa, dawladu waxa ay ahaan lahaydba sidee dhiigya cabyada calooshooda u shaqaysta yaasha ah ay uga tashankaraan? mase kula talinkaraa DKMG in ay ladagaal galaan dadka ka soo horjeeda horumarka Soomaalinimo iyo duli iska tuurkaba.

Xal adag ayaa yaala meesha bulshadana u yaal haddii ay doonayaan in ay duliga iska qaadaan oo ay horumar gaadhaan doowlad layku raacsan yahayna ay dhistaan. DKMG waxa ay aniga ila tahay in ayka soo dagaan meesha ay joogaan oo ay xalkale layimaadaan hadii ayna diyaar u ahan in ay dagaal galiyaad bulshada oo ay waxka badalaan sida ay u socaan oo waliba ay isu keenaan dadka isku dagaanka ah ee Muqdisho isku haysta si nabad loo dhaliyo. Taas haddii ay dhici waydo, oo ay dagaal galaan iyaguna, markaa sheekadu waa isma dhaanto iyo dhasheed oo waxa ay lamid noqon doonaan nimanka u haysta bulshada soomaaliyeed ransomka.

Allah ha na gargaaro dhamaanteen.