Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Siyaasdada Guud - General Politics: QAYBTA HAASAAWAHA.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gacaltooyo

Wednesday, February 07, 2001 - 08:01 am
Halkan waxaan ugu talogalay inay kaftan aan turxaan lahayn isku dhaafsadaan hablaha iyo wiilashu, intii ay waqtigooda qaliga ah waxyaalaha maalaayacniga ah ee meesha lagu qoray ay qalbi camo ka qaadi lahaayeen. halkan halaysku weydaarsado hadalo qiima leh, iyo xujooyin ku kala wajahan ragga dumarka. taasi waxay keenaysaa in meesha ay ka dhex muuqdaan hablaha iyo inamada caqliga badani. waxaan rajeynayaa inuu noqon doono bog qiima leh, dhalinyarada intii wax garad ahina mahadin doonaan.

Kaftan baa jacayl dhala
kulankaa u xidida ah
murtidaana kicisa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samiira

Wednesday, February 07, 2001 - 06:38 pm
To: Gacaltooyo,
Hi dear how are u?

Umaleey jacayl
Weli jaar ma noqoteen?
Jid ma wada lugeyseen?
Ma la cuntay jidiin wali?
Jihaad ma isku aragteen?
Jiidhkaad ka dhalatiyo?
Ma kaa jaray dadkiinii?
Gooni socod makaa dhigay?

Peace and Love,
Samiira

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gacaltooyo

Friday, February 09, 2001 - 05:44 am
Dear Samira.
HI Honny I'm fine.
and you?


Samiiraay jacaylkaba
jaar waanu noqonoo
jidna waan la marayoo
jidiin waan la cunayee.
jiihaad waysku aragnoo
wayga jaray dadkaygii.
jir jir buuna ii dhigay?

samiiraay jabkii iyo
jalankii an soo maray
jabkii baad igu celisoo
jawibaad i gelisaye.
jidhiidhicaygu roortoo
jiraad igu abuurtaye
jeegaan sideedaan
kugu soo janjeedhsane
dhankee iga jirtaayoo
joogtaa macaaneey?

Peace and love baby.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muna

Friday, February 09, 2001 - 07:55 am
waaw! Gacaltooyo.

waxaasaa abwaana.

walaal xaggee joogtaa?

By Muna.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gacaltooyo

Saturday, February 10, 2001 - 07:54 am
Dear Muna.
Waad mahadsan tahay, laakinse waa inaad adiguna hasha nala listaa. (macnihii wax ku soo kordhisaa meydaanka)

Walaal macaaneey waxaan jooggaa agtaada.


**************************************************
Dear Samiira.

Ummalleey jacayl
weli jiif makugu helay?
hurdo maysku jiidheen?
jil jilada makaa galay?
hadba jaah makuu rogey?
jiidh durugsanaa iyo
qalbi meel fog kaa jira
niyaddii ma jaarteen?
jibaadka iyo taahii
jeelfaadh ma oydoo
ilmo jagac makaa tiri?

Peace and Love
Gacaltooyo.