Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government (Current): Jen. Galaal : Jabuuti meel uma dhaafin, intii aan maqnaa,,,,,,,
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Guhaad

Wednesday, February 07, 2001 - 01:10 pm
Jen. Maxamed Nuur Galaal …
Muqdisho, (Apress)- Arbaco, Feb,07 2001
Jen. Maxamed Nuur Galaal oo xubin ka ah guddiga nabadgelyada oo shalay ku soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa wargayska u suura gashay inuu xalay waraysi kala yeesho wargayska waxna ka weydiiyey safarkiisa ayaa wuxuu yiri "Jabuuti waxaan u tagay wax yaabo ay ka mid yihiin dhinaca caafimaadka iyo u kuur galidda 20 nin oo ciidan ah oo loo soo tababarayo nabadgelyada madaxtooyada, kuwaasoo haatan tababar uga socdo tuulada Carta oo lagu qabtay shirkii dib u heshiisiinta ee Soomaaliya".
"Warar ayaa sheegaya inaad aaday dalka Ruushka ee arrintaasi maxaa ka jira?" ayaa la weydiiyey Jen. Maxamed Nuur Galaal isagoo arrintaa ka jawaabayana wuxuu yiri "waxba kama jiraan Jabuuti meel uma dhaafin, Carta uun baan saddex jeer gaaray".
Jen. Galaal oo ka hadlayey fara gelinta Itoobiyaanka ee arrimaha Soomaaliya wuxuu sheegay inuu codkiisa ku biirinayo Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha iyo mas'uuliyiinta dowladda oo cambaareeyey fara gelnita dowladda Itoobiya, wuxuuna sheegay inuu u arko ka bixitaanka ciidammada Itoobiyaanka ee Garbahaarrey inaysan dhab ka ahayn oo laga yaabo in mar kale ciidammada Itoobiya ku soo laabtaan goobahaas.
Waxaa jira warar laysla dhex marayey oo sheegayey in adiga iyo Madaxweynaha uu khilaaf idiin dhexeeyo, isagoo arrintaasi ka hadlaya wuxuu yiri "Ruushkuu aaday ayay la mid tahay, ma jiraan wax khilaaf ah oo noo dhexeeya aniga iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Cabdiqaasim Salaad Xasan".
(Ayaamaha)