Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government (Current): Waa yaabee nin joonyado lacag ah la soo dagayo iyo kan suuqa ka xamaalanaya sidee loogu kala gar naqi?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wardheere

Thursday, February 08, 2001 - 03:45 pm
Dowlad ku meelgarka ah haba yaraato awoodeeda
waa loo garaabayaa daruufo badan oo jira owgeed
laakiin waxaa aad ulayaabaa dadka maalin walba
la leeyahay lacagbeey la soo degeen,meeshii la
doono ha laga keeno,qaasatan xamar oo dowladii
joogto,hadana laga soo saaray sharci sida aan
maqalnay,suuragal manoqonwayday in wax laga qabto
haba yaraatee?mise isku dayday dowladu arinkaas
wax ka qabashadiisa?
dowladuse qorshaha ma ugu jirtaa in ay sameeso
lacag aan aheen middan meelwalba laga soo samaysanayo?
cidii xogool aheey wax ka dheh
kii rayi ka dhiibanayaa qaabkaan waalida ah
bal talo nasii qaasatan dadka beecmustarka waxkala socdo ama dhaqaale yaqaan soomaaliya ah,
wax uun baa la sii dajinayaa wax saas u qaylinayaana lama arko,ma dadkaa raali isagawada noqday,mise baahi baa dadku u qabaan imaashaheeda
si wax u socdaan waan fahmi waayay.
waadmahadsantihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mayow

Friday, February 09, 2001 - 02:31 pm
nin joonyadda lacag ah soo xamaashay
dhibuu soo xamaashay mar waa xaqdaro
mar waa wadno go` marna waa aaqiro waa
aduunyooy imisaa la sii joogii,maro cad buu
ku leeyahay,joonyaddahaas,asaga iyo kan
xamaalka ah maalintaas baa loo garnaqay
midwalbaa go`cad iyo camilkiisa,yeenan kuu
muuqan tan maanta ah,cir iyo caafimaadna
waxaa laga yabaa xamaalka inuu ku fiicanyahay
farxadna ku noolyahay waa haduu ale ka cabsi
ku darsado--sooxamaal---bafto kala tag,,,.
caadilnimo alle...!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

fariid

Sunday, February 11, 2001 - 10:55 pm
to wardheere

sxb waytahay wax lagu wareere lacagahaan malin walba lasoo daabacanayo iyo waxyeeladooda,

lakiin hadana aniga layaabi maayo in somaliya dhiiga dadka lagu kala gato.

dhibaatooyinka ay leeyihiin lacagaha cusub ee lasoo daabacdo wax lasoo koobi karo ma ahan.

wadanka waqooyi iyo koonfurba waxyeelo way u gaysanayaan,
lakiin suaashu waa yaa wax ka qaban karo,

dhibaatooyinka noocaas ah waa wax yaabihii ay xalin jirtay dowlad,
shacabka soomaaliyeed dowlad nimo waydiideen dhibaatana inay ka fogaadaan way rabaan hade wax is qaadan kara ma ahan,

waxaad moodaa marna inaysan is waydiin shacabku waxtarka dowlad nimo iyo dhibaatada la aanteed,

lakiin waxaa xaqiiqa ah noloshu waa dowlad cadaalad ah iyo shacab sharciga ilaa liyo taas ayaa lagu heli karaa in tuugu quuso awoodna waayo,

lakiin inta aan iska daba wareegayno hebel iyo reer hebelna taageersan nahay waxaan la kulmaynaa dhibaatooyin fara badan oonaan xalin karin waxyeeladoodana qasaaro dhimasho iyo dhibaato leh ka imaanayaan..

mayow sxb way yaryihiin maanta inta ku xisaabtamayso in ay go cad kala tagayaan gurigan martina ayku yihiin waxay geysteena la waydiinayo.

lakiin waxaan rabi ka baryaynaa inuu dadka xaqa fahan tiiyo..