Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government (Current): NIN WALBA OO QABIILKIISA KURSI DOWLADA KA WAAYOW AF LAGAADO IYO CANBAAREYN LA IMOW . WAA DHAQAN SOOMAALI LAGU YAAQAANE, OGAADA HAL KURSI LABO QOF KUMA WADA FARIISAN KARAANE. DOONA LABA NAAKHUUDE MA WADA WADI KARAANE.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CAAQIL

Friday, February 09, 2001 - 12:28 am
AS.CALAKUM

Waa dhaqan lagu yaqaan Soomaalida, in nin walba nin tolkiisa ah meeshuu ka waayo inuu meeshaas/howshaas iyo dadka wata uu canbareeyo. Dad badan ayaa dowlada canbaareeya, waayo ragg qabiilkooda ah ayaa dowlada kursi ka waayay! Cajiib Soomaaliyeey ma og tihiin hal kursi in hal qof loogu tala galay, hadii ay labo ku fariisatana kursigaas waa jajabayaa, dowladuna waa saas oo kale oo dhowr madaxweyne iyo boqol wasiir way ku burburaysaa. Hadaba dadkiina fowdada wadow sidee suurta gal u tahay in nin walba qabiilkiisa madax weyne ama wasiir laga dhigo?? Mise waxaa xal ah in Soomalida 8-malyan ah madaxweynayaal iyo wasiiro ay wada noqdaan???

Mide kale caqliga Alle idinka qaade miyayadan u jeedin qabqablayaashii shirkoodi ugu danbeeyay inay kusoo saareen wareegto oranaysa "Danteena ha laga hormariyo danta shacabka"
Hadalka waxba yaan ku dheeraan ee intii caqli laheey u caqli celiya inta caqliga yar oo ah caruurta C/laahi Yuusuf, ina Caydid, Caato Shaati-dhiig iyo tuugta kale.