Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Soomaalinimo - Nationalism : Soomaaliweyn: Eebbe Naxariistii Janno haka-Waraabiyo
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cabdillaahi Cawed Cige

Friday, February 09, 2001 - 02:39 am
Soomaaliweyn; Naxariistii Janno Eebbe Haka-waraabiyo

3rd February 2001

Maxamed Ibraahim Hadraawi ayaa mid ka mid ah maansooyinkiisii (Dibadyaal) uu kaga hadli jiray marxaladaha jaahwareersan ee Soomaalidu dhexyuururto wuxuu tuducyo ka mid ah ku yidhi:

Ninka Dalawadiisii; Duhur geed ka seexdee;
Dibjirtee habeenkii; Bahuluhu durduurteen;
Dildillaaca waaberi; Markuu daydaygeedii;
Ka dul-dhacay raqdeedii; Runta Magan is-diidsii;
Indhahana dib ula noqoy; Ruuxeeda doondoon;
Dad kaleeto weydii..

Waa xikmad qalbigii irridihiisu furanyihiin faa'iido badan ka korodhsankaraa. Waxa cad in siyaasadda Soomaaliweyn dadka maanta iyo intii muddo ahba duubka u siday aad mooddo inay ka guureen degellada xaqiiqda lagaga bogto oo ay dhammaantood ku noolyihiin meel sida ninkaas Hadraawi tusaalaha ku sheegay runta indhaha laga qarsado.

Intiinna nasiibka u yeelatay inay ka bogtaan shirkii ka dhacay magaalada Carta ee lagu doortay Cabdiqaasim S. Xasan iyo kooxdiisa waxa idiin cad oo laga yaabaa inaad aad uga bogateen mucsurnimada iyo qaawanaanta ka muuqatay ra'yiga midnimada Soomaaliweyn ee madasha dhexyaallay.

Sida dhaqanka Soomaalidu dhigayo waxa beel maslaxaddeed ku jirtaa sama-ka-talinta iyo xaqdhawrka jaarkeeda. Inkasta oo colaadaha iyo dagaalladu yihiin wax nolosha shacbiga Soomaaliyeed weligii ku dhextallaallaa, misna markasta oo tabaalo dhacdo waxa beelaha ay ka dhex aloosantaa isla fahmijireen in madaxqabashadeedu xal u tahay dhammaan. Waa halka maahmaahdu ka tidhi; Belaayo madax la-qabto ayay leedahay ee minjo la-qabto malaha......

Halkee astaamaha dhaqankan Soomaaliyeed ee guunka ahi kaga jiray shirkii Carta? Haddaan tusaale usoo qaadanno qaabka iyo wejiyada ay soo bandhigeen xubnaha isugu yimi shirkaas ee dhammaantood isu muujinayay inay dani ka hayso midnimo Soomaaliweyn, waxaad dareemikartaa in awrku gees ka rarnaa¡¦. Waxa shirka aad ugu badnayd ducada. Duco ah in wax hagaagaan. Duco ah in mar uun Soomaali Eebbe ka dulqaado rafaadka ay ku raagtay. Ducada qaybteedan xitaa inta lagu eedeeyo inay dhulka Soomaaliyeed kala goynayaan waxay raacinayeen aammiinta. Waxase jirtay duco kale oo shirku aad ugu dheeraaday. Ducadaas dulucdeedu waxay ahayd in "Illaahay dhulka ha la-gooyo kuwa maqan, kuwa dhulka Soomaaliyeed kala goynaya, kuwa ra'yiga Carta dhaliilsan!"

Maqalka ducadan oo dhammaan dadkii madasha joogay sacabbada kor aqbalkeeda ugu qaadeen waxay iga sarakicisay dermadii aan dingiigay. Waxa aad iisii yaab geliyay markaan u fiirsaday qaabka shirweynuhu dhegaha uga furaystay hal iyo laba hadalqaad oo ku aaddanaa dhacdooyinka qaarkood kellifeen kala go'a dalka.

Waxa igu soo dhacday "Malloo dhashaa waddani, mise waa layska dhigikaraa waddani?. Waxaan xusuustay in goobaha qaarkood sida Somaliland oo ka mid ahayd qolyaha shirku dhulka la goynayay yihiin goobihii ay kasoo baxeen halhaysyada ay ka mid yihiin "Dadkaa dhawaaqayee; Dhulkooda doonayaa¡¦Hadday u dhiidhiyeen; Allahayow u dhiib" Waxay noqotay kalamaan sida calanka xiddigta leh ee dhammaan ka-qaybgalayaasha shirku u arkaan ururiyaha Soomaaliyeed laysugu duubayay ee loo lahaa dalku waa dal-qudha, dadkuna waa dad qudha iyo sida dareenka shirweynuhu isu-beddelayay marmarka dhifka ahayd ee la-taabto tabaalooyinkii soo gaadhay goobo Hargeysi ka mid tahay..

Waxan moodayay ama maamuska dhaqanka Soomaaliyeed yahay; in beel ururinteed iyo bulsho walaalaynteed loo maro jid daacadnimo loona igmado xilka noocaas ah beeldaajiye isla-doona degmadiisa kala-maqan.

Waxase kasoo shaacbaxday banbaxaas ay isugu soo urureen inta lebbisatay dirayska midnimo Soomaaliyeed dareen muujinaya sida bulshada goobta isugu timi daacadnimo uga aradantahay, iyadoo ay aad u adkayd in laga dhexhelo goobtaas beeldaajiyihii aan hore u taabtay.

Arradka iyo qaawanaanta fikradda Soomaaliweyn maaha astaan cusub ee waa sumad ilaa muddo dheer soo ifaysay. Haddii midnimo tahay sida eraygu u taaganyahay oo ah in laba; dan, deeq, dibindaabyo iyo dareenba ka midnoqoto way caddahay inuu eraygaasi Soomaaliweyn dhexdeeda muddo dheer dool kaga maqnaa, maantana u muuqdo mid usii gudbay agagaarka "Nin La-gigay iyo Diillintii Guray".

Midnimadu maaha wax sidii tulud geel ah tolmo lagu socodsiinkaro, waa dareen ku yimaadda kalsooni, kalgacal iyo isu-xeebasho. Waa dareenka beerqaaday M. I. Hadraawi markuu lahaa:-"[Hadimada Garoowiyo; Hanaq go'a Nugaaleed; Halka aad tummaatiday; Waxa kaga habboonaa; Dar kaloo I hawlee; Huqdaad reebtay weynaa; Hibashiyo ladh kululaa; Colka Bari harraatiyay; Hubka Mudug ku talaxtegay; Allaylehe hubsiimiyo; Haki buu u baahnaa; Adigaa halyeygiyo; Hanadada ku dabar go'ay; Himilooy u baahnaa]"

Waa dareenka shirka Carta ka arradnaa, waa dareenka uu Professor Cabdi I. Samatar nafta kaga jaray maqaalkiisa uu ugu yeedhay"I.M Lewis's Retired Ideas and Somalia" isagoo bulshoweyn Soomaaliyeed oo danteedii u martay dariiqii iyaga la-toolmoonaa ku tilmaamay "Dhulal Belaayo".

Haddii aqoonyahanka midnimo-doonka Soomaaliyeed uu yahay kaas sooryadiisa isu-soo dhowaynta bulshadu tahay inuu intii ka ra'yi duwan belaayo huwiyo, haddii beeldaajiyihii hoggaanka inta fikraddan wadaagtaa dhexdooda kasoo heleen uu noqday ninka yidhi "Intaan I maqlayn cudud baan ku gaadhsiinayaa farriintayda", haddii bulshada rumaysan ra'yiga midnimadu yihiin intii aan shirka Carta ku milicsaday ee ducona "Illaahayow bulshada Soomaaliyeed badhkeed dhulka la goo isugu deystay", "Dulmi dhacayna xuskii dhegaha ka furaystay", miyaanay markaas bannaanayn in aynu dhammaanteen wiil iyo gabadh, waayeel iyo dhallaan sacabbada kor ugu taagno in Soomaaliweyn Eebbe Naxariistii Janno ka waraabiyo, wixii ehel iyo qaraabo ahna Samir iyo Iimaan ka siiyo.

Waxan gunaanad uga dhigayaa qoraalkayga halhayskii aan ku bilaabay" Ninka Dalawadiisii; Duhur geed ka seexdee; Dibjirtee habeenkii; Bahuluhu durduurteen; Dildillaaca waaberi; Markuu daydaygeedii; Ka dul-dhacay raqdeedii; Runta Magan is-diidsii; Indhahana dib ula noqoy; Ruuxeeda doondoon; Dad kaleeto weydii.. M. I. Hadraawi", waxay ila-tahay in midnimo doonku aqbalaan raqda hortaalla, niyaddana u dhiibaan runta ee aanay sida ninkaas tusaalaha ku qoran ruuxeedii cid kale weydiinin.



Cabdillaahi Cawed Cige, (Liverpool UK edleh@hotmail.com

Xus: Canaan, dhaliil, toosin iyo ra'yiba wixii ruux jeclaado inuu ka dhiibto qoraalkan waxa lagu soo dhowaynayaa niyad furan edleh@hotmail.com