Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government (Current): Dood Cadaalada dadka maqashii sharcigana dumi ka digtoonow cabdiqaasinow
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cabdala

Friday, February 09, 2001 - 03:28 am
waxan aad ula yaabay markii aan maqlay in lacag cusub oo been abuur ah la keenay xamar taasoo dhibaato weyn u keentay bulshadii awelba iska liidatay. hadaba sida aan ognahay lacagtan ugu danbeysay oo la sheegay in ay gaareyso 100bilyan oo sh so ah waxa xamar soo geliyey koox ganacsato isku sheeg ah oo uu hormuud u yahay Maxamed Deelaaf oo ay qaraabo dhow yihiin Cabdiqaasin .
si kastaba ha ahaatee Dowlada ku meel gaarka ah weli kama hadlin jabaqda keliya ee la maqlayna waxa ay ka soo yeertay Cabdala Deerow oo ah shaqsiga aan isleeyahay waa ugu damiirka fiican yahay intii iskugu tagtay Carta. hadaba aamusnaanta cabdiqaasin iyo boobka ay qaraabadiisu ku heyso dadka shacabka ah waxa ay marqaati cad u tahay in Ina salaad boy uu rabo inuu Soomaaliya gaar ahaan Koonfurta Soomaaliya ka dhigo sidii Kolombiya oo ah dal ay gacanta ku hayaan nimanka ka baayacmushtara daroogada .
dhamaadkii qoraalkeyga waxan leeyahay Cabdiqaasin iyo inta ku raacsan qabiilka. Soomaaliya way ka qiimo badan tahay lacag uu nin la soo dego ama naasnuujin loo sameeyo qoys waana dariiqii aan ku burburnay ee hanoo celinina .
hadii kale ha ogaadeen in aaqiro iyo aduunku uu kala badanyahay ilaaheyna uu qof walba xisaabin doono oo lacagtan been abuurka ahi aanay qabriga la geli doonin kuwa soo daabacday iyo kuwa uga raaliga ah ee cabdiqaasinow hadii aad qoraalkeyga aragto waxka qabo arintan kutubkii aad ku dhaarateyna ha iloobin. iyo hadalkii aad sheegtay markii lagu doortay oo ahaa inaadan noqon doonin madaxweyne uu qoys ku wareegsanyahay .
Somali wellwisher
dood cadaalada dadka maqashii sharcigana dumi ka digtoonow dab hulaaqay noqotee