Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government (Current): Mooryaanta dadka halaga qabto Maxamed Daylaaf been abuuraha lacagta taageeraha dhaqaalaha Cabdi qaasim.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Warshiikh

Friday, February 09, 2001 - 08:00 am
Maahan markii ugu horaysay oo uu dalka lacagbeen abuura uu ku soo fataho ninka lacagta ka taageera cabdiqaasim.
Lacagtii hore waxaa loo adeegsaday weeraradii Balcad,Tiyeegloow,Gedo iyo fawdadii laysaga dayay in laga kiciyo Puntland.
Tanise waa tii iyaga gubi lahayd in sha ALLAAH.
Deeroowga wax dhaleecaynayaa sow ma ahayn kii sii qaaday shixnadii tan ka horaysay ee kooxda Cabdiqaasim soo daabacatay si dadka digiliyo miriflaha loogu qaso amaankooda.
Xasan Abshir sow maaha kii diray lacagtii Boosaaso lagu qasay.
Maxamed daylaaf taageeraha lacagta ee Cabdi qaasim ayna isku beesha Cayr isla yihiin dadka halaga qabto oo Abgaaloow waa idinka kuwa mooryaantu maatadooda cunaha ku dhagan tahay intii xabada ka soo hartayee istaaga oo iska qabta kuwa gobolada kale ka yimidna baaqii xaajiga muuse ah ha lagu fuliyo oo guryahooda isaga dira.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dulmi-diid

Sunday, February 11, 2001 - 03:01 pm
aniga tuugada lama yaabi, laakiin waxaa iga fajiciya raga marna shaar diimeed soo xirta marna yiraahda waxaan raacsanahay tuugadaan ummada cunaha qabatay. ninka sheikh omar faruuq isku magacaabay ummada ha ogaato inuu 2 wajiile yahay, oo waa tuug kalkaal.
kuwaas oo kale waa kuwa aduunka ugu dulisan aakhirana ugu ciqaab xun, ninka diintiisa ku iibdsaday kursi aan jirin iyo lacago fake ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohamed

Sunday, February 18, 2001 - 12:45 am
Maxamuud

Marka ugu horeysa ma is weydiiseen ninkii ugu horeeyay ee Soomaliya lacag faalsa ah keena, Jawaabtu waa Cabdiqaasin Salaad Xasan isku sheegaha madaxweynaha dowlada ku meel gaar ah. Waa nin kii ugu hoteeyay ee 96 dii soomaaliya keena lacag dibada lagu soo sameeyay, taasna wuxuu u qeybiyay ragii ay dowladii dhiig miiratada aheyd ee Siyaad Barre ay iskulu jiren, lacagtii intii u dambeesayna waxaa lagu qarash gareeyay teendhadii CARTA, hada warku wuxuu ka taagan yahay sidii lagu socon siin lahaa wixii lasoo dhoodhoobay, iyo sidii sadexda sano ee soo socota markii ay dhamaato lagu dooran lahaa cabdiqaasim, war yuu idin sirin ninkaan, waayo soomaalida wexey ku maahmaahdaa nin hadii aad rabto inaad barato waxaa marka hore la bartaa saaxiibkiis, Cabdiqaasin saaxiibkiis koowaad waa Cali Khaliif galeyr, nin walba waa yaqaan taarikhda Cali Khaliif waa ninkii ugu horeeyay Somaaliya lacag dowlad leedahay kala fakada, maanta oo aysan jirin wax nidaam iyo sharci wax qabanaaya, yaa Cali iyo Cabdiqaasim ka celinaaya hantida umada sooomaliyeed, balse wexey maalin walba na leeyihiin waxaan la wareeganay lacag faalso ah oo ganacsato soo sameysay, war iyagaa soo sameystay ee ganacsato waxba kuma laha lacagtaan, waa tuuganimo lagu soo heshiiyay, hadii dowladu ay tahay dowlad daacad ah waa iney gubtaa wax alaale wixii faalso ah iyo muqaadaraag sida daroogada, laakiin dowlad dhaheysa hadii maanta dalka lagu qabto daroogo dhowr tan, anagaa la wareegeyna, dowlad ma ah ee dadweynaha soomaliyeedow danihiina ka tashta oo iska qabta tuugada isku biirtay.