Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Puntland Politics: Puntland Politics (Current): Annaga iyo Saleebaan-nadii waa na sidataaye
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suldaan Dirie

Friday, February 09, 2001 - 08:40 am
War majeerteen warrama. War moorasaante maxaa la shegay. Ari Moora-case mee.

Waa gabaygii Axmed Ismail Dirie (QAASIM) tirshey 1974kii....

1. Eeylo iyo Siwaaqroonta xumi ha i suryeeyeene
2. Seetada ha ii gaabiyeen sabab la'aaneede
3. Seeddiyo boqnaha hay jareen sab iyo laangaabe


4. Sanqadhyari ha ii dilo Tumaal siiqya looshadaye
5. Sanka hayga mudo inangumeed loo sarrayn jiraye
6. Sawaab iyo Midgaan Guulwadii ha i sudhnaadeene


7. Hadba hay saloosheen sidii geedka saarka ahe
8. Ilaahbaa sidaa noo gartee ha i sadqeeyeene
9. Anagiyo Saleebaanadii waa na sidataaye


10. Seeftii Abgaal bay agtaal saawirta ahayde
11. Habar Gidir sinsaarada ku timi sigay Ugaaskiiye
12. Sixilluu kacaankani u galay Saca raggiisiiye


13. Warsangeli Suldaan iyo ma jiro Boqor la sooraaye
14. Saamee dhammaantii Isaaq salaw colaadeede
15. Soomaalidii waxa ka nool saaka madaxgaabe


16. Wax Siyaasaddii loo egmadey silic ku nooshiiye
17. Markii talada habar saarleh iyo sebiyo lo doortay
18. Ayay sayn-caddaa iyo waxgarad sibiq dhaqaaqeene


19. Dhulkan Suuradii lagu beddelay socodna dhaameelay
20. Waa wada socdaaleen raggii soocanka ahaaye
21. Saadada cadhootee midgaha laga sarraysiiyey


22. Waa sixirradii Bucurbacayr sananka muuqdaaye
23. Inta ay sidaa tahay nin gobi soomman ka ahaaye
24. Qaansaleydu haw sacbbiyeen Siigga qalataaye


25. Naagaha surwaalkali mashxarad ha u safnaadeene
26. Single iyo waxaan dhalad ahayn siidhi haw tumoe
27. Sabaalada ha moodeen in loo sahanshey meel roone


28. Saadaaladaa lagu gartaa sebenka caal waa'e
29. Waa waxa abaar nagu salliday soof ma reebta ahe
30. Saddexguuro waa waxa na baday sadhiyo daacuune


31. Samadii daruur laguma arag Seermaweydadae
32. So'dii ceelka waa waxa biyuhu uga sal guureene
33. Adduunyadu sidaa kuma gudhoo subaxba waa cayne


34. Nin kastoo sallaan dheer u baxa siibashaa xigiye
35. Suuldaaro waw halis ninkay rag isa seegeene
36. Sirqabahana taariikhdu way sahamindoontaaye


37. Maantana Siciidow waqtigu saamaxaad malehe
38. Moorada salkeediyo xalaan sugay malluugtiiye
39. Sufurtaa madow ee dayaxa saaran baan garanne


40. Dhiig buu sidaa waqalkan aad sagalka mooddaaye
41. Siigada dhacaysaa ragbay sabibi doontaaye
42. Ilaahay sidaan ka arki jirey way ku socotaaye


43. Duulkii sedkoodii dhammaa saancadka lahaaye
44. Sanbabada gantaalaha ka mudi saadanbay garane
45. Waa nayla kala soocayaa subax an dheerayne
46. Ninki cadho la sooyaamayow sabirka maad dhowrtid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, February 20, 2001 - 07:19 am
Suldaan dirie waa la fiican yahay, wali halgankii waa socdaa, mana foga markay Soamlida u curun la hayd, gabaygaaas waxaa ka muuqda qabyaalad badan oo maanta laga il baxay, balse gabayga dulucdiisu wali waa saxan yahay.