Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Puntland Politics: Puntland Politics (Current): Dulqaad!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

W-Q

Tuesday, February 13, 2001 - 01:58 am
Markii Garawe ay ku shiraayeen odayaasha Daarood ayaa qofba wax ka sugayay maamulka aan dooranaynay. Dadka badankiis waxay ku riyoonayeen barwaaqo iyo baraare iyo wanaag tiro badan laakiin in yar baa isweydiisay sidii lagu gaari lahaa wanaagas. Sideedabana dheef aan dhib loomarin lama helo.
Inyar ayaa qiyaasaysay sida xaalku noqonayo marka shanta gobol ee siyaasad ahaan soomaaliya ugu muhiimsan ay dhistaan maamulgoboleed.
Inyar baa qiyaasaysay tirabadnaanta hawsha taalay markaas ee dadka ama cida la doorandoono qabsandoonta.
Inmaamul aan jirin la aasaaso waa wax aad iyo aad u dhib badan haddii lafiirsho heerka aqooneed ee dadkeenana waa loosii garaabi lahaa dadka larabo in ay bilaabaan maamulka Puntland!
Aqoonyaridaas ayaa hadana waxaa dheer:-
-Dadkeenoo kala ah jifiyo badan
-5taas gobol oo leh siyaasiyiin tirobadan oo qaarkood la soo sheqeeyay Afweyne qaarkood Manifesto soo ahaa qaarna SSDF soo ahaa.
intaas ayaa waxaa noo dheeraa baahi bulsheed oo aad u balaaran.
Marka waxaa la doortay askari SSDF soo ahaa.

Runtii anigu(waa siduu alle igu ogyahaye) aad baan uga soo horjeeday Ina Yey in Dusha laga saaro Xilkaas tiroda badan oo dhibkaas an soo sheegay ku lifaaqantahay, oo waxaan islahaa askarigaas meel fog magaarsiin doono oo kama soo bixi doono adeegga guud ee bulshadu ay ka sugaysay.
Laakiin runtii markaan fiirshay dhibku inta uu leègkaa iyo dhibaatooyinkii lalamaaganaa Puntland sida aan uga baxnay iyo wakhtiga ayaan arkaa in aan tabar badanba loohayn adeegga guud ee bulshada.
Tusaale:
Iyadoo Somaliland lays haysto ayaa waaxaa yimid reer Carta kuwaas oo yiri soomali oodhan baan wakiil kanahay iyagoo aan waxba naga weydiin (gashaanti aamuskaa lagu meheriyaa ayuu yiri Garaase markii uu joogay Carta isagoo ula jeeda sida aan waxba looga weydiinin reer Puntland)
Waxaana ceeb iyo meelka dhacba ku ah shacabka iyo maamulka Puntland in aan wax talo ah laga weydiinin arimaha soomaaliya ee Djabouti ay tiri waa kawadnay Magaalada Carta. Laakiin maamulaka dadka hayaa sifiican bayna yeeleen oo dhag jalaq uma siin taas oo aan anigu u arkay arin aad iyo aad u wanaagsan. Laakiin Carta dhibkeeddadkii intaas kuma harin ee dadkii ayay qaar duufsatay waxaa ay waliba duufsatay kuwa aan aqoonta iyo garashada badnayn. Iyadoo Carto abuurtay dhibaatooyin dhaqaale oo badan oo ay kamidyihiin sicirbarar iyo shilinkii oo qiimihiisii yaraaday. Taas oo iyana keenaysa in dadka qaarkiis ay dusha ka saaraan maamulka taas oo aan arko in ay tahay eeday ninkeedii lagala baqay!

Waxaa Xaqiiqo ah in Ina Yey uu tagi doono oo ama la dooran doono midkale waxaana Puntland u hari doona dadkeeda ha ayideen ama ha mucaaradeen Ina Yey kolla mireheeda waxaa cunidoona dadka yaryar marka waxaa muhiim ah in aan ka shaqayno in mireheeda lacuno!
Waxaanna aaminsanahay in aan mireheeda annaguba wax ka helay oo maanta hadii Puntlan Carta lagu baabi`in lahaa aanaa meesha maanta ku sheekaysaneen taas ayaanba anigu Miro dhal u arkaa.

Haddii aan dulqaadano Sifiican bay u miro dhalaysaa.
S/C

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

amiin

Tuesday, February 13, 2001 - 02:28 am
walahi fikradaada ma xuma inkastoon aanan aad u fahmin sheekadaada oo dheer awgeed.
laakiin fikradeyda ku siin doonaa halqof kadib.
marabo inaan asbaxnoqdo.
jaaw isma dhaafno.
si edebleh inaan u hadashaan qabaa.
mange tak oo farvel.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GANTAAL

Tuesday, February 13, 2001 - 05:28 am
TO: W-Q

sifiican baad arinta uga hadashay waana kugu raac sanahay, dadka qaakiis maba fahmaan waxa muhiimka ah waana ku farxasanahay inay weli jiraa dadka adoo kale ah oo aan maskaxgaabta lamid ahayn.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

W-Q

Tuesday, February 13, 2001 - 06:39 am
To:amiin
horta walaale mahadsanid,
maxaa qiimo ah oo ku dhisan haddii aad noqotid kan koowaad ama kan labaad.

Du kan också skriva på norska, danska eller svenska det är helt ok.

To: Gantaal
Walaal wey jiraan dad badan oo aad u kala garanaya muhiimadda ay noo leedahay Puntland
S/C

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

eebow

Tuesday, February 13, 2001 - 11:11 pm
adinkoo ordaayiinaa imaanaysaane.dulqaadna wax maidintaraao.soomaali waa isubaahantahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SAYRUUKH

Tuesday, February 13, 2001 - 11:41 pm
To: hurdaaye ebow

lol hahahah hehehehehe hahahah heheheh
gax gax gax walee MORYAAN baanan u baahneen muxuu yiri soomaali baa isku baahan hahahha mawaalatay mise hadaad dhalatay??????, soo ma ogid in la kala tagay oo nin walba dhulkiisii aaday dib danbe inaanan la isku aaminayn, teeda labaad soo maahayn idinka HAWIYE dadkiinii lahaa DAAROOD hanaga tago kuna faanaayay xasuuqa maatada ???!!! hadan waxaa leedahay waan idiin baahannahay hahahahah waa waalatay baan u maleenahay ama waa lagugu soo jiraa amma waa waa huruday oo hadaad soo kacday!!!!!!!!

INA ADEEROW INAKALADAA SAAS BAA NABADU KUJIRTAAYEE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Osman

Thursday, February 15, 2001 - 11:55 pm
si wanaagsan baad uga hadashay walaal waana wax lagu farxo in ay jiraan dad badan oo sidaas ufakaraya sidaad sheegtay mase badnaan qabaa.
mahadsanid ayaan kuleeeyahay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Caaqil

Friday, February 16, 2001 - 06:09 am
To W-Q

sxb waa kugu raacsanahay waxa xaqiiqda ah aad ka hadashay sababta oo ah hadda ma joogan wax u qalma in uu qabto jagadaan aadka u adag 100% waa kugu raacsanahay hadaladdaada murtida leh. in kastoo mucaarado yar yar ay qasayaa bulshada intooda badan.
walaalayaa cayda waa reeban tahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdirizak

Friday, February 16, 2001 - 06:28 pm
TO:W.Q.Walaal aad iyo aad ayaad u mahadsantahay,waxaana aan kuugu mahad celinayaa,waxaa iiga kaa muuqda wadaninimo,wadaninimadu waa in aad jeceshahay dadkaaga iyo dalkaaga ee ma aha in aad jeceshahay shaqsi waa sida aan hadalkaaga u fahmay hadaanan khaldanayn,waxaase fiicnaan lahayd in ay halkaan ku sheekaystaan inta sidaada oo kale u fakaraysa oo qabin aragtida qabiil ee qaba aragtida wadaninimo,tan kale waxaad ku hadashay af iswiidhish ee magaaladee ayaad ku nooshahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil-Qardhood

Saturday, February 17, 2001 - 10:36 am
To: A/kariim, Caaqil , amiin, osman, Gantaal
Dhamaantiin waad wada mahadsantihiin,
Waxaanna wanaagsan in aan Maamulkaas koley annagaa iska leh oo haddii uu Ina Yey ama Maxmed A/Rashiid A, Sharmaarke ama... ama.... ninkasta loo doorto dadka yaryar unmbaa dhaxlaya, Mustaqbalkana waxaa sameeya dadka markaas jooga.

To: Abdirizak
Walaal waxaan daganahay Nordvästra Götaland ee adiguna xaggee dagantahay Sverige eller?
S/C

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdirizak

Saturday, February 17, 2001 - 08:23 pm
TO:W.Q. Salaan kadib waa sida aad u sheegtay oo puntland waa degaan gaar u ah daarood si kastaba ha ugu kala badnaado, dhamaan daarood intooda wax garadka ahi way amaanaan deegaankaas waxayna ku tilmaamaan maamulka puntland mid magac iyo sumcadba u soo jiiday daarood waana deegaanka iyo gobolada ugu badan soomaaliya ee daarood si toosa u dagaan una leeyihiin,siiba markii aad fiiriso biriga oo isku xira ilaa iyo riseef eereya(waa dhulka loo yaqaan ceelcad)dhinaca bada waad ogtahay baaxadeeda, dhinaca xuduuda ee carabaha ama xadaarada waad ogtahay marka waa sidii aad sheegtay oo muhiim maha cidkasta oo qabata xukunka ee waxaa muhiim ah horumarinta dalka iyo tacabka dadka iyo sugida nabada. waad mahadsantahay.
waxaan daganahay
Dalka finland.helsinki.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

W-Q

Tuesday, February 20, 2001 - 12:17 am
Waxaan marmar isweydiiyaa dadkeenu ma ubisilyahay dawladnimo.
-waa markaan arko dad inta liista soo qoraya dhahaya anagoo reer hebel ah waxaas iyo waxaas baan uga hornimid dawladda, iyagoo dawlada ku eedaynaaya waxayaabo aanan kolay anigu kasugayn dhawrka sano ee hore.

-Waa markaan arko heshiis kasta oo dawladu lagasho shirkado ganacsi ama ururo siyaasadeed oo siqaabdaran loo fasiranaayo. Ayadoo heshiisyada noocaas ah ay dawladda oo kaliya xaq uleedahay in ay saxiixdo iyadayna utaalaa sidii looga wada faaiidaysanlahaa
Tusaale: Haddii Macdan qaali ah laga helo Gobolka Mudug oo ay dawladdu heshiis lagasho shirkade shisheeye dawladda ayay hawsheeda tahay sidii ay reer Puntland oo dhan ugawada faaiidaysan lahaayeen, laakiin maahaa in ay reer Mudug ay kadaba qaataan dawladda oo ay yiraahaan waa in faaiidada laga helo sidaas iyo sidaas looga takri falaa. waayo arinkaas dawladda ayay utaal.
Waxaase marmar badan arkaa iyadoo laleeyahay Ina Yey (madaxweynaha Puntland) baa heshiis lagalay shirakad heblaayo waxaase suaashu ay tahay soo Ina Yey maaha madaxweynaha Dawladgoboleedka Puntland oo soo dawladda kaliyahi arimahaas xaq uma leh!

-Waxaan kale yaabaa markaan arko talaabo kasta oo poolisku ku qaado dad danbiilayaal ah oo odayaal kaaboqabiilo ah soo dhexgalaayaan iyadoo aan pooliska usamaysanay in ay danbiilayaasha tilaabo kaqaadaan. Waxaanse isweydiiyay mawaysan kaaba qabiiladu fahamsanayn shaqada boolisku waxa ay tahay mawaysanse mudnayn in ay dadka tusaan in poolisku leeyahay hawshaas si kalsoonida dadku pooliska ku qabo ay usii adkaato.

markaan arko arimahaas ayaan waxaan isweydiiyaa dadkeenu ma ubisilyahay dawladnimo misse Xammar bay rabaan in looga taliyo? balmaxay idin latahay?
S/C

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GANTAAL

Tuesday, February 20, 2001 - 09:34 am
To: W-Q

Waxa baa nin yahow isku khaldaysaa dadka kama soo horjeedaan maxaa maamulka uu hishiis ula galay shirkadaha ee waxay uga soo horjeedaa sida qarsoodida ah uu hishiiskaas u dhacay iyo in aan xataa Barlamaanka la soo hordhigin, waxaa kaloo jira in aan la bixin wax xisaab xir ah oo ummada tu saya lacagaha shikadahaas baxshaan meeshay ku baxdo, waxaa kaloo la arkay in shirkadahaan ay yihiin kuwa dhulkeena iyo badaheena qashin iyo balaayo ku quba aana waxtar u ahayn ummada Puntland sidaas ayay dadka uga soo horjeedaan ee maaha maxaa maamulka uu hishiis ula saxiixday!!!! Maamulka waa lagali karaa hishiis shirkado laakiin taasi waa in lasoo hordhigaa Baarlamaankana ansixiyaana, waana in maamulka uu keenaa hishiiskaas iyo waxa lagu heshiiyay dadka u soo bandhigaa, ee maaha anaa cidaan rabo la heshiinaaya wixii aan rabo baa soconaaya adeer dhulkii iyo badaheenii baa la wasakheeyay adna waxaad ka hadlaysaa maxaa Maamulka loo dhaliiceeyay war maamulka dadka ayaa dhistay xaq bayna u leeyihiin inay dhaliiceeyaan kana tuuraan meesha haduu musuqmaasuq la yimaado, marka aniga garan maayo waxaad u taqaanid BISLAANTA DOWLADNIMO ????!! ma waxaad ¨Bislaan Dowladanimo¨ u taqaan in khalad walba uu maamulka ku kaco lagu taageero, ma waxaad u taqaan inay san dadka ka hadli karin xaqooda iyo waxa saameenaya deegaanka iyo caafimaadkoodaba!!!!???

walee waa yaaba hadaa taas BISAYL DOWLADNIMO u taqaanid waxaan ku dhihi lahaa ILLAAHAY indhaha ha kuu furo.

GANTAAL

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kacaan-diid

Tuesday, February 20, 2001 - 12:07 pm
W-Q,

Aad baan kuugu raacsanahay waxyaalaha aad ka hadashay, waana wax xaqiiqda Puntland ka tarjumaysa. Waxaan mararka qaarkood is waydiiyaa, marka uu ina Yey meesha ka baxo, tolow ninka beddeli doonaa ma u dhabar adaygi doonaa, dhaliisha aan macnaha lahayn, iyo nin jeclaysiga joogtada ah oo looga horiman doono qof kastoo ina hoggaamiya.

Meeshii la rabay in wixii dhaliil ah oo loo jeedinayo maamulka uu Parlammanku hormuud u noqdo, waxaad arkaysaa reer list soo qoraya oo maamulka toos ula hadlaya, iyadoo ay habboonan lahayd in mudanaha qoyskaas, ama degaankaas ugu jira Parlammanka ay u wakiishaan waxay tabanayaan.

Haddii reerkii warqad qoraba uu ina Yey dhegaysto, imisa warqadood baa la qori doonaa oo midba mid ka horjeeddo. Kuwo waxay dhexboodayaan, shirkii Carta, haddii lala hadlona reer hebel bay noqonayaan, kuwo dalkii bay qasayaan, haddii Police-ku xirona nabaddoonadaa u ergoonaya, kuwona heshiisyadii dawladdu shirkadaha, iyo dawladdo dibadeed la gashay bay rabaan inay iyagoo reer hebel ah ansixiyaan.

Waxaan shaki ku jirin in wax badani isaga khaldan yihiin dadkeenna, ogoobeyse wax ina dhaama ma jiraan, oo innagaaba xaggeenna la soo fiirinayaa.
Haddaynu iska tukubno, danta guud iyo midnimada Puntland-lanna inteenna badani ka shaqayso, wixii lagu biirin karo Puntland-nna lagu biirsho, waa hubaal inaynu horumar fiican gaari doonno.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil-Qardhood

Tuesday, February 20, 2001 - 10:16 pm
To: Gantaal
Walaale horta maamulku kuma khasbana in waxkasta oo uu sameeyo ama heshiis kasta oo uu galo inuu Parlamanka hordhigo in barlamaanku dalbado mooyaane, waxaa kaliya oo loo baahanyahay in maamulku kawarbixiyaan waxqabadkooda taasna in maamulku sameeyay baan filaayaa!

Siduu Kacaan-diid sheegayba waxaa wanaagsan ama ay dawladnimo kujirtaaa in markii gobol ama qabiil ay wax tabanayaan in dadka Parlamanka ugujira ay uga doodaan arimahooda ee anigu waxaan ulajeeday waa khalad isbarbaryaacu iyo in qolo walba ay danteeda gooni ula oroddo iyadoo odayaal ay horboodayaan -anigoo ixtiraam u haya odayaasheena-.
S/C

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XAAFUUN

Wednesday, February 21, 2001 - 11:07 am
TO: w.Q iyo kacaan diid
Marka hore ma ogtihiin in uu shacabku sheegen karo waxa ay u baahan yihiin iyaga oo mudaahiraadaya si nabad ah kalena tashanayn mid baaralamaan ku jira iyo mid dowlad ku jiraba mana ah in la af qabteeyo shacabka taasna idinkuma raacsani.
Tan kale meesha ma jiraan xisbiyo kala duwan oo kala fekrad ah waa maamul iyo baarlamaan kuli xisbi kaliya ka socda, marka taasna dhibteeda bayleedahay.
Tan kale hadii aan raacno habka maamulka caalamiga ah dowladu waa klhasab in ay soo hor fariisato baarlamaanka oo la weydiiyo wax ala wixii uu u baahan yahay baarlamaanku oo ah siyaasad ama heshiis weliba heshiisyada qaar kood baarlamaanka laga an sixiyo.
Marka haysku khaldinina xoriya hadalka ay shacabku xaq u leeyihiin iyo ninka baaralamaanka ugu jira,tan kalena waa in ay ogolaanaa mucaaradnimada sida aad u ogoshihiin muxaafadnimada iyo kala duwaanaanshaha fikradaha
hana u malaynina ninkasta oo ka soo horjeeda maamulka in uu ka soo harjeedo P/L.
KALANA SAARA MAAMULKA OO MUDANE C/LAAHI YUSUF OO MADAXDA KA YAHAY IYO P/L.
Dadkuna sida ay rabaan bay u sheegan karaan dhibtooda iyaga oo tixgalina xaqdhowrayana nidaamka meesha ka jira, haday noqote hab qabiil iyo gobolba.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kacaan-diid

Wednesday, February 21, 2001 - 01:00 pm
Xaafuun,

Ma ahi constitutional scholar, or governmental study expert. But I know this. Haddii shacabku ay qabaan concerns ah in dawladdu ay tallaabo khaldan qaadatay, ama ay wax kale tabanayaan, waxay sida caadada ah la xiriiraan qofka matalaya constituency-ga ay deggan yihiin, oo dawladda ay u wakiisheen, ama dawlad hoose ha noqoto ama dawlad dhexe ha noqotee. Sidoo kale waxay dadku xaq u leeyihiin inay fikirkooda soo bandhigaan mar kasta iyo meel walba, waana muddaaharaadi karaan.

Laakiin, waxaa khalad ah in qabiil list dheer isku qoro iyagoo la hadlaya xukuumadda. Taasina waxay diciifinaysaa awoodda dawladda iyo nidaamkaba. Ma maqashay meel lagu leeyahay reer California baa warqad u qoray Dawladda dhexe. Wixii ay ka qabaan, ama ka rabaan dawladda reer California, waxay u gudbiyaan( oo ay lobby uga sameeyaan) mudanayaasha ugu jira dawladda dhexe, illeyn iyagaa uga wakiil ah dawladda gobolkaasi. Innagu wali heerkaas ma joogno, waase dhaami karnaa sidaan nahay.

Midnimada Puntland baa ku jirta inaan la kala saarsaarin qabaa'ilka badan ee dhulka wada dega.

Abdullahi iyo Puntland waxaa u baahan in loo kala saaro, kuwo iyagoo Abdullahi diiddan fara baxsiga u ah inay Arta ku biiraan, Puntland-na lagu kala tago. Haddii iyaga talada loo dhiibase malaha aan waxba ka qabeen inay dhulkooda joogaan inta ay iyagu talinayaan. Walaal kuwaas talo sii, aniga Wiil-Qardhood waa roonnahaye.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil-Qardhood

Wednesday, February 21, 2001 - 10:05 pm
To: Xaafuun
Walaale waa sax oo dadku inay mudaaharaadaan bay xaq u leeyihiin taasna maba ahayn hadalku ee wuxuu ahaa qaabka dawladda loogu gudbinayo dhaliisha.laakiin waxaa khalad ah sida K-D sheegayba In qabiilkasta odayaashiisu ay list dheer soo qoraan ayaan anigu u arkaa in laga wanaagsan yahay oo aysan dawladnimo u ekeyn. Waana arin cawaaqib xun keenikarta.

Middakale walaal anigu shakhsiyan uma arko in Puntland ay haatan kuhaboontahay in la ogolaado xisbiyo kalduwan xaaladda dhaqameed ee reer puntland iyo tan guud ee soomaaliya awgeed. Laakiin markii lagaaro wakhtigeeda ayaa waxay noqondoontaa lagamamaarmaan- waxaan rajaynaayaa in doorashada danbe ay xisbiyo badan ka qaybqaataan.
taladaana waan kaa qaatay waana kumahadsantahay

S/C

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

iska hadal

Thursday, February 22, 2001 - 02:43 am
adeerayaal meesha maqaayad baad ka dhigteen aad si xun uga hadashaan ee dowlada carta isga soo biira taasaa laga yaabaa inuu mj mar labaad xukumo wadanka soomaliyae mideeda kale cabdulaahi danihiisu waa wax xukun kii kugu soo jeestana qoorta u dheeree waa fikrad uu ka xaday maxamed siyaad barre alaha u naxariistee oo janada alaha ka waraabiye qofka dhintey in loo duceeyo xaq buu uleeyahey. adiga markaad dhimato oo kale kasoo qaad.
kasoo tag mj tiro badnidooda waxba macno sameeyn meyso hadii ey siyaasada mj fur furanto waa farxad weyn oo guusha waxba uma jirto oo waxaa laga yaabaa iney xukunka soomaliya mar labaad qabtaan oo uu gacanta u galo .
laakiin hadii xoogaaga yar ee pland yaala uu cabdulaahi oo diktatoor yiraahdo anaa xukumaya waxoodana kaligey baa cunaaya .
mid kalena dhaho sidoo kale .
thats no good.
marka siyasada hala balaariyo xukunka soomaliya halaga qeyb galo hadii kale kan yar eed pland k uheysaan ku heshiin meysaan oo waan idin ogahey oo intaan cidkale irsaaqad raadin baaba maxamuud saleebaan ku isku leynayaa marka siyaasada furfura si soomalinimo ku jirto cabdulaahina xukun jeceykiisa iyo askarinimadiisa yuusan luuq idinla galin oo kadibna idin ceejin ama xabada uu ithopiya kasoo baryey isugu kiin dhiibin .
marka siyasada door culus hala cayaaro yaan mid ciyaal ah la cayaarin .
my be next somali prisedent will be puntlander.
marka 700 km dhexdooda yaan leysku xag xagan ee siyaasadiina fiicneed ee la yaqaaney sii wada oo isku daya inaad muqdisho iyo marsada kismaayo ka talisaan ee soomaliya ku balaarataan.
jaawwwwwwwwwwwwwwwwwwwwwwwwwwwwww
iska hadle

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XAAFUUN

Thursday, February 22, 2001 - 02:44 am
To:W.Q iyo k/D
salaan ka bacdi walalayaal horta anigu waxaan ahay nin qabiilka ka soo hojeeda,arinta ugu wayn ee an uga soo hor jeestay reer carta waa qabiil wax ha loo qaybsado, marka ma ogolaankaro P/L ha lugu dhaqo.
Walaalayaal wax badan waxaad ka hadashaan kuwo carto taageer san baa sidaa doonaya, waxa demoqraadiyada ah waxay ogoshahay in qofna fekradiisa aan loo diidi karinluguna xiri karin haysan dhib u keenayn xeerka meesha ka jira, tan kale dimoraadiyadu waa tan mucaarad leh
tusaale hadaan soo qaato wadanka ingiriiska dowlada waxaa khasab ku ah in ay bixiso mushaharka ninka mucaaradka ku ah, maxaa yeelay hadii aadan mucaarad lahayn demoqraadiyada dhab ah ma tihid, marka waa in la dhowraa xuquuqda iyo xoriyada hadalka iyo fekirkaba oo loo daayaa qofka fikraduu wato haday reer carta ahaan lahay iyo hadii kaleba,
Tan kale ma fiicna in wax wayn laga dhigo reer carta oo la xiro loo diido shirar, maxaa yeelay waa dad xor ah oo raaci kara fekraday rabaan;
Tan aad tiraadeen waa maxay qabailka warqada qorayaa , runtii p/l waxaa lugu dhisay hab qabiil
marka waxaana dhisay qabaail isu yimid hadana qabiilkii waaya danahiisa waa sheegan karaa, hadii ay ahayd markii horeba xero qabiil,
tan qofka u doodi kara gobalka aduunka waxaa jira sendikaayo u dooda xubin kasta oo bulshada ka mid ah oo raadsha xuquuqdeeda fiiri meesha aad ka shaqayso ama jaamacada aad dhigato, waxaaka jira ururo raadsha xuquuqdaada oo dowlada la hadla qoraal iyo ficilba,hadaba innagu weli magaarin oo intaas aan soo sheegayba waxaa haysta qabiilka oo sii yay qofka garantii nabad galyadiisa iyo dhaqaalihiisaba marka maxaa ugu diidantahay in uu u hadlo dadka iyodoon xumaan ku jirin.
marka walaalayaal hala dhowro xuriyatul qowlka bulshada iyo qofkaba hana la ogolaado fikradaha kala duwan sidaas baa lugu gaari karaa dimoqraadiyad dhab ah
walaalkiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XAAFUUN

Thursday, February 22, 2001 - 03:26 am
TO: DHAMAN
Waxaa la yiri gaal dil gartiisana sii
hadaba dad badan oo C/laaahi wax ka sheega oo yiraahda waa xukun jecel yahay waa been waxaana kuu cadaynaya;
MARKII LA YIRI KAALAY CARTA OO QAADO RA'IIS AL WASAARAHA WAA TUU DIIDAY OO AY WELIBA RAGGA BADAN OO UU KA MID YAHAY XASAN ABSHIR AY WAAYEEN QAARKA WASIIRADA KA AH MAANTANA SIDA KING KONG HADII LA SIIN LAHAA WAY QAADAN LAHAAYEEN MARKA WAXA KUU CAD IN C/LAHI UUSAN XUKUN JECLEEN.
C/laahi maha nin lacag jecel jeebkana ku shubta lacaga agoonta iyo rajada HADUU TAA DOONAYO CARTUU TEGI LAHAA.
Laakiin waa nin jecel in uu kaligii taliyo waxaana kuu cadaynaya
WUXUU TEGAY CEEL BERDA
WUXUU AADAY TALYAANIGA
WUXUU KU SOO SHERAY ITOOBIYA
marka aaway ragii kale ee shaqada la wadaagay ma isaga ayaa meel kasta taagan ha ogolaada in shaqada lala wadago oo wasiirada shaqadooda ha siiyo sida cigaalba sameeyo hadii uu san ku kalsoonayn rag uu ku kalsoon yahay oo ay isku fekrad yihiin ha qorto.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kacaan-diid

Thursday, February 22, 2001 - 05:15 am
Correction, XAAFUUN,

Waxaa habboon itaadan eedaynta soo jeedin, inaad xog ogaal u tahay xaqiiqda. Haddaadan la socon, waxa madaxweynaha safarkiisa CeelBerde-Ethopia-Italy-Ethopia-Puntland, ku weheshay madax kale oo isugu jira wasiirro iyo qaar kale. Inta aan ka xusuusto waxaa ka mid ah, Wasiir la yiraahdo Faarah Hebel, oo aan filayo inuu hayo Wasaaradda Arrimaha Bulshada, iyo Taliye Xiggeenka Daraawiishta oo la yiraahdo Col. Abdi Ali Shire.

Marka Odaga xoogaa kali socodnimo ah haddii lagu xaman jiray, waxaad mooddaa inuu kasoo roonaaday.

Mar haddaad hroumarka Puntland ka hadlayso, XAAFUUN aniga iyo adigu meel ma kala jirno. Sidoo kale inta kale oo Abdullahi kaliya diiddan asii Puntland ku mintidaysa, iyana meel ma kala jirno.

Belaayose, waa kuwo kooxda Carta u jidbaysan, oo shiddo joogta ah inaku haya. Bal nin laga hayo inuu gurigiisa dumiyo, si uu danbaskiisa mid kale gurigiis ugu dhiso, sidee loola heshiinayaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil-Qardhood

Thursday, February 22, 2001 - 11:45 pm
To: Xaafuun
Walaale waa runtaa oo Puntland qabiil baa lagu dhisay Qabiil bayna(Daarood) udhisantahay, oo taas waa runtaa, laakiin walaale waxaan mooday in markii SSDF iyo ururadii kale ee siyaasadeed la burburiyay oo aan parlamanka samaysanay si aan arimaheena siyaasadeed uga tashano ayaan waxaa koley aniga ila qurxoon in wixii cabasho ama dhaliil siyaasadeed ah in iyaga loo gudbiyo kadibna ay iyagu dawladda u jeediyaa. marka taas lasameeyo kadib waa lamudaharaadikaraa baan anigu qabaa, laakiin in iyadoo aan intaas midna lasamayn in inta list dheer laqoro oo dawladdii ladhinac rooro oo cadawgeedii lala soo safto ayaan aamin sanahay in aysan wanaagsanyn. Midda kale walaal waxkata anigu ma aamin sani in laga mudaaharaado sida In loo mudaaharaado in laburburriyo Puntland taas koley anigu dagaal hortii baan u arkaa. In anoo Qardho jooga aan u mudaaharaado Ina Salaad Boy oo aan xattaa jiritaanka Puntland ogolayn ayaan anigu waxaan u arkaa in ay burburinayso dimuqraadiyadda yar ee aan haysano. Poliska iyo dadka maamulka hayana waxaan qabaa in ay shaqadoodu tahay in ay ilaaliyaan jiritanka Puntland.

Calaa aya xaal qofkii ogol jiritaanka puntland xaqbuu uleeyahay inuu mudaaharaado oo wuxuu rabo kamudaaharaado. Waxaanba Carta uga soo horjeedo waa in Qardho mudaaharaadkii kadhaca Garawe uu war wayn kayhay iyadoo Xamarna uusan waxba ka ahayn.

Midda ah in Ina Yey uu kaligii safro walaal marna kaligii ma safrin oo markasta labo ama sadex waziir baa lasocotay ,koley anigu safarkii Ceelbarde iyo Itaaliya ayaan ogaaye.

S/C

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QABQABTE

Friday, February 23, 2001 - 07:01 am
TO: WIIL QARDHOOD

Barlamaanka aad shaygayso malaha MIISAANIYAD u gaar ah oo waxaa musha harkiisa laga siiyaa MADAXTOOYADA marka ragga meesha fadhiya ragga uu INA YEY masruufo marka sidee baad uga sugaysaa inay dadka ulala tagaan waxay qabaan [Barlamaan) aan wax quwad ah aanan lahay???!!!!

Waligiin iska idhatira waxaad rabtaana ku hadla HAL NIN BAA MEESHA KAABE ka ah kaasina waa INA YEY wuxuu rabana kasameeya asagoo xataa Barlamaanka waxna horkeenin ileen waaba dad uu asaga masruufee.

marka nin yahow bal horta soo baar siday wax ukala socdaan Puntland kadib hadal, laakiin anagadaa DIFOOSE nimadaan INDHAHA LA.

INA YEY waa socdaa wakhtigiisii waadhamaaday ee isku diyaariya THE NEW PUNTLAND.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kacaan-diid

Friday, February 23, 2001 - 09:12 am
Qabqabte,

Haddii ina yey Barlammanka masruufo, Issimadana yaa masruufa?

Cid walba haddii inay Yey baa masruufa oo ma hadli karaan aad tiraahdid, hadde haddii uu dhowrka milyan oo qof oo Puntland joogta aad tiraahdan mid walba isaga masruufa iyo isagaa laaluusha, maxaaba haray.

Qolada Carta raacsan haddii la masruufo qaylada ma deynayaan iyagu?


War meel ha uga dhicin, golaha shacabka Puntland, oo haddii ay mushahar qaataanna, uu mushaharkoodu ka yimaado tax payers-ka Puntland. Ka fiirso waxaad rabtid inaad u sheegtid dad Puntland kaaga xog ogaalsan.

Su'aal. Magacaaga sida ka muuqata waxaad rabtaa inaad dadka qabqabatid. Haddaad qabqabatid xaggee gaynaysaa. Waxaad yeeshidba ina Salaad Boy ha noo geeyn.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XAAFUUN

Friday, February 23, 2001 - 02:11 pm
TO: W.Q IYO K/D
Walayaal khalad baa iga fahanteen harta anigu dadka xanta dhegaysta maahi tan kale waxaan wax ku xukmiyaa waa fekradayda maha ku tiri ku teen iyo saas baa la sheegayay;
tan keligii baa baxa C/laahi maaha in aan qof la socon oo xataa turjbaan iyo waardiye iyo sekra taariyo buu kaxaysan karaa, ee waxaan u jeedaa away wasiiradii shaqada dibada qaabilsanaa aaway siyaasiyiintii kale maxaa isaga had iyo jeer meel walba u hormariyay, sow rag kale oo hawsha qaban karaa ma jiraan sida uu cigaalba ugu diray itaalia
fagare wasiirkiisa arrimaha dibada.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QABQABTE

Friday, February 23, 2001 - 10:57 pm
tO Kacaandiid

Isimada wax masruufa maleh waxaan hada kahor loo qorilahaa Mushahar taasna ayagaa diiday waa hadaa lasocotid Puntland waxa kadhaca, teeda labaada aniga markaan Puntland ka hadlo maxaad iila aadaa Ragga Xamar fadhiya mise waa qaac isku qaris labartay si looga warwareego xaalada dhabta ah ee Puntland kajirta war mustaqbalkeena baanu kahadleenaa ee nagada Ina Salaad Boyga aad naga dabo wado, wixii carta ah Xamar bay aadeen anguna Puntland baa naliyaarhdaa ee nin yahow kala saar waxaad isku xirxiraysid.

Midakale BarlaMaanka sharciyan maaha in mushaharka ay ka qaataan Madaxtooyada ee waa inuu leeyahay MIisaaniyad gaar ah, taas mi igu diidan tahay????? Madiidan tahayse in Baarlamaanka mushaharka laga siiyo Madaxtooyada?????????

Mida kale ma iswaydiisay waxay u diideen ISIMADA in mushahar loo qoro?????? wayna ogyihiin hadii mushar loo qoro inay sharafdaro u tahay

Ninkii maskaxdiisa isticmaalaaya oo aan caadifad qaadayn arimahaan wuu arki karaa laakiin adiga iyo dadka kula midka ah caadifad baa intay iniqaaday aad katilaabsateen wixii danta u ahaa ummadda Puntland 24 saac halkaan lasoo taagan tihiin Difaac Cabdullahi Yussuf, war iska daaya muunaafaq nimada oo ka hadla danta Puntland idinkoo CARTA iyo waxaan meesha joogin faraha lagalin.

taasi dhicimayso oo la idinkama rajo qabo inaad waxa runta ah kahadashaan ileen waxaad tihiin MUNAAFIQIIN aan rabin inya kafakaraan danta UMMADDA PUNTLAND.

Wixii carta aadayaa ha aadeen anugu waxaan nahay Puntland waxaana rabnaa Puntland inay yeelato Maamul waanagsan oo wax tar leh.

Idinkase waligiin halkaan ka naac naac dhaha Ina Yey wakhtigiisii waa dhamaaday markuu tagana idinkana waad la tagi doontaan waxaana isku soo haridoona inta danta Ummadda rabat inay kahadasho sida XAAFUUN IYO GANTAAL.

Intiina difaaca ugu jirta Ina yey waxaa la idin yiraahaa REER AFGUDUUD waxayna kala yihiin sidatana;
1- Wiil Qardhood
2-Kacaandiid
3- W-Q
4- Caaqil

iyo wixii soo raaca oo danaysa ARIMA INA YEY
ileen waa idiin fiirsaday wax kasta waxaad ka hor marisaan Ina Yey, wixii arimaha Bulshadana waligiin kama hadashaan hadaad kahadashaana Been baad quraaftaan iyo CARTA iyo waxaan loo joogin.
Hadii ladhaho BADII BAA LA WASAKHEEYAY waxaad dhahaysaan waxana kama jiraan, hadii ladhaho sicir barar baa dadkii ku dhacay waxada dhahaysaan intuu Ina Yey yiri marka sidaa daraadeed maadaama aad danay saan INA YEY title kaas baad qadateen.

inta Reer Puntland ah waa sidatan
1- Gantaal
2-Xafuun
3-QabQabte

iyo dhamaan inta danaysa arima BULSHADA PUNTLAND
oo waxa dhabta ah ka hadla dhib iyo dheefba oo aan munaafaqnimo dadka umla imaan laakiii ka hadla waxa dhabta ah oo jira

BUR IYO BIYO baa loo kala bahaya.


Viva La PUNTLAND

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil-Qardhood

Saturday, February 24, 2001 - 07:05 am
To:Qabqabte
horta W-Q = Wiil-Qardhood

Walaal horta waxaad pl ku sheegtay meel hal nin uu suudoono kayeelo hadalkaasna kuma hadlo qof puntland jiritaankeeda raba. puntlandna maaha meel halnin uu suudoono kayeelo ee waa meel nidaam iyo dawladnimo kajirto, marka walaal meel baad pl uga dhacday maadaama aad ku sheegtay meel halnin u hogaansan.

Midda kale walaal anigu maamulka waxaan qabaa in ay hortaalay hawl aad iyo aad u weyn mana arko in ay ku guuldaraysteen inkastoo aan qabo in waxyaabo badan labadalikaray, marna ma oran Ina Yey iyo saaxiibadiis khalad làaan bay ahaayeen.

Walaal waxaan aaminsanahay in maamulka pl uu ubaahanyahay waxkasta oo dhiirigalin ah hana kayaabin in aan ka hagrado taas adigu sidaad rabtid u fasiro, lagamana yaabo in aan meeshan ku qoro wax aan isleeyahay dadka reer puntland bay niyad jabinayaan.
Midda kale waxaad ogaataa in dadka jecel jabka iyo burburka puntland ay marka hore kabilaabaan weerakooda Madaxweynaha (qofkuu rabo ha ahaadee) iyo maamulka, markaas kadibna waxaa xiga waa dadka (aniga, adiga Kacaandiid, xaafuun iyo... iyo..). Marka walaale yaan waxba qiiqlaysugu kaa qarin. Ina Yey Haddii uu ahaan lahaa oday reer PL oo odayaashiisa kamid ah Cidna wax kama sheegteen ee waxaa loo cayrsanaayo waa madaxweynaha Puntland -madaxweynaheena- waa haddii aad reer puntland tahay.
Arinta Carta ee aad soo qaaday walaal waxaad ogaataa in ay Carto ay ahayd dabin naloo dhigay waxaana nalooku soo gabaday dad pl ku abtirsada sida adiga iyo aniga ugu abtirsano, intooda badana Ina Yey baan mucaarad kunahay bay hadal kabilaabaan sidaadoo kale

To: Xaafuun
Walaal insaanimaday kamid tahay in qofku uu khaladaad leeyahay marka anigu uma arko in ay khalad weyn tahay arimaha aad sheegtay.
Intaasna wasiiro badan baa Puntland ka taga oo booqashooyin siyaasadeed aduunka kumara, Laakiin idaacduhu intabadan masheegaan.
S/C

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kacaan-diid

Saturday, February 24, 2001 - 08:46 am
Xaafuun,

Puntland ma leh wasiir arrima dibadeed, waxaa jira wasiirka iskaashiga dibadda oo dhawaan la sameeyey. Haddaba ma aqaan inuu safarro u baxo iyo in kale, waxaanse hubaa in madaxweyne ku xigeenku muddo aan fogeyn uu Asia safar ugu baxay, isaga iyo wasiirro kale.

Saasoo ay tahay haddaad walaal leedahay madaxwaynuhu muxuu inta badan kaligiis u baxaa, muu cid wakiisho, walaal waxaan qabaa waa arrin in talo laga siiyo maamulka u baahan, hase yeeshee priority inooma noqon karto, marka meeshiiba la isku haysto, oo la rabo in dhidibada loo saaro.

Si kastaba ha ahaatee, waa dhaliil macquul ah, lagalana hadli karo dawladda iyo ciddii raacsanba.

Qabqabte, jawaab ma mudna, waana ka xumahay in saaxiibkay Wiil-Qardhood iskaga lumiyo waqti. I have nothing to say to him.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdirizak

Saturday, February 24, 2001 - 08:21 pm
Dadku waxay isku khaldaan wadaninimada iyo mucaarad nimada,waxaan qabaa in qofku marka ugu horaysa dadkiisa iyo dalkiisa ku fakaraa sidii uu u horu mari lahaa,waana in uu ogaadaa in dalku uu u baahanyahay madaxweyne iyo maamul dastuuri ah,qofkasta oo madax ahna eed looma waayo ,hadaba saaxiibayaalow waxaa loo baahan yahay in aynu afkaarteenna isku darno kana qaadano inta ugu fiican oo ujeedadeedu tahay horu marka dadkeenna iyo dalkeenna kuna guubaabinno in ay wada jir iyo isku duubni wax u wada qabsadaan kana tana sulaan arimaha kala faqooqaya oo ku saabsan dadka ehelka ah oo sidii dad shisheeye ah laysu tusayo qabiilnimada,markii aanu intaas garano ayaan ka adkaan karnaa wax kasta oo aan u aragno waxyeelo qaranimadeena qofkastaana u shaqaynayaa si wadaninimo ku jirto.

sxb kuligiin nabad caafimaad qabta iyo horumar.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Soomaali

Sunday, February 25, 2001 - 01:38 pm
Waa Ok wax waliba

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LaasQorey

Sunday, February 25, 2001 - 02:01 pm
Dhaliilo badan baa jira, oo ku wajahan Maamulka iyo Madaxwaynaha Puntland. Mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed marnba ma tagin gobolada Sool iyo Sanaag oo ka mid ah Maamulka uu madaxda u yahay.

Hadana waxaan qabaa in aynu ilaalino mar walba jiritaankeena iyo amnigeena guud maadama ay yihiin shey muqadas ah oo naga dhaxeysa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, February 26, 2001 - 03:40 am
qabqabte waad kusugtay
waiilqardhood kacandid caaqil waa reer afguduud inta kalena waa soomaali

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, February 26, 2001 - 03:49 am
namankaan afguduud iska dabasocda oo ah kacaandiid iyo wiil qardhood armayba iskumid yihiin xxafuuna kama foga waa uun shuraako afguduud wax siiyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QABQABTE

Monday, February 26, 2001 - 04:50 am
Bal u fiirsada markay hadlaan REER AFGUDUUD (wiil-qardhood, kacaandiid IWM) waxay uun difaacayaan CABDULAAHI YUSSUF mana soo qaadaan waxa danata u ah reer Puntland iyo dhibaatooyinka haysta reer Puntland iyo wax qabad laáanta iyo musuqmaasuqa xukuumada uu madax u yahay Cabdullahi waxa kaliya oo ay halkaan ku hayaan in wixii lagu dhaliiceeyo ama laga sheego maamulka inay difaacaan ayaga oo isku qarinaaya magaca PUNTLAND, mana iswaydiiyaan MAXAA DAN U AH UMMADDA PUNTLAND? IYO HORMARKA LOO BAAHAN YAHAY.

waxa kaliya ee mashaan lafadhiyaan waa CABDULLAHI waa halyey aanan marnaba khaldamin, khalad walaba uu maamulka sameeyana waxay dusha kasaaraan UMMADDA REER PUNTLAND ama RUWAAYADA INDHA SARCAADKA EE CARTA (taas oo loo isticmaalo in dadka la isaga sii jeedso) Una fiirsada marwalba ay raggaan WIIL QARDHOOD, KACAANDIID iwm, ay hadlaan waxay tafaha surtaan CARTA iyo wax aan loo joogin ayaga oo iska indha tiraya arimmaha muhiimka ah oo haysta reer PUNTLAND!!!!

marka waxaan dhihilahaa MEESHAAS KASIIWADA REER AFGUDUUD dacaayada Cabdullahi yussuf kolba meel ku gaarimaysanee, wakhtigiinii waa dhamaaday REER AFGUDUUD IYO REER CARTA labaduba DARIISHADA bay kabaxayaan Reer Puntland dadka xalaasha ah baan lawareegi doona arrimaha khuseeya Puntland.

Bal ufiirso labdaan REER>>>>
1.Reer Afguduud
2.Reer Carta
labaduba waxay isu isticmaalaan marwalba ay khalad kagalaan Ummada reer Puntland inay farta ku fiiqaan midba midka kale dhexdoodana ku jabaan masaakiinta Reer Puntland.

Bal u fiirsada labadaan reer labaduba waxay tafaha ku sitaan ragga cadowgayna ah
Cabdullahi yussuF mar uu Jaahiliinta dhiigyacabka ah oo dadkeenii laayay hadana weli ku laynaya Kismayo kuwaas oo ah INa CAYDIID IYO CAATO oo labaduba aad ogsoontihiin waxay dadka ku dhigiin
inuu Cabdullahi yussuf ku casumo Puntland kuna raaxaysataan GAROOWE ayadoo Mooryaantooda gabdhaheena kismaayo ku kufsanayaan.

Reer Carta ayaguna waxay Xamar u fadhiyaan inay danahooda kagaaraan waxayna shaaha maalin walba lacabaan dadkii nagumaaday hadan weli nagumaadaya, wax DAMIIR ah oo labadaan reer lagu arko majiraan wax dan ah ay u hayaan reer Puntland majirto WAA MUNAAFIQIIN

HADHACAAN REER CARTA IYO REER AFGUDUUD MUNAAFIQIINTA, CALOOSHOOD U SHAQAYSTA YAASHA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xaafuun

Monday, February 26, 2001 - 04:58 am
To: W-Q IYO K/D
walaalayaal maxaad ii fahmi la'dihiin kama hadlayo bixitaan iyo wasiir arimo dibadeed, haddii aan hadalka idiin qalo waxaan u jeedaa odaygu waa kaligii tashade ee aan niraahno talada wax nagasii siiba tan siyaasada ku wajahan
maxaa yeelay maaha in markasta siyaasad gudaha iyo tan dibadaba isagu na hor ordo ee waa in aynu ka wada tashanaa mucarad iyo muxaafidba maxaa yeelay madaxwaynuhu waa madaxa P/L oo dhan waxana kuu cadaynaya bal hadda shirka ka dhacaya garoowe ee ay isugu imaanayaan dhamaan inta carta ka soo horjeedda
to:k/d
walaal maxaad sidaa ugla hadlaysaa qabqabte hadii aad rabto haw jawaabin lakiin ilma qumana in aad meesha ku soo qorto hadlada qoorsigu ku jiro oo ah inaan kuu jawaabo maaha iyo wixii lamid ah , waa nin walaalkaa ah oo raba jecelna jiritaanka p/llakiin kaa fekrad duwan marka soo dhawey waxaana qabaa in aan raali galino
to: abdirisaaq
aad baad u mahadsantahay waa sax waxaa aad nagu waanisay.
TO: wQ
Walaal hadaysan muhiim ahayn in laga hadlo kalitashadnimadu maxaa muhiim ah?
soomaali ama reerP/L way ka soo daaleen erayada HAYE AABBE HAYE oo hay noogu filnaanto tii siyaad barre

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kacaan-diid

Monday, February 26, 2001 - 06:59 am
XAAFUUN,

Marka hore waan ku fahansannahay 100%. Haddaad jawaabtaydii akhrisayna waan kuu xusay in odaga lagu eedayn karo "Goonni Socod", if you know what I mean. Haddana war odagu dadka lama tashado oo kaligiis baa wax walba go'aaminaya, ee muu dadka la tashado, sidaan horeyba u sheegay waxba kuma jabna in la is dhaho. Adigu ruuxaaguna ha kasii badbadin, waxba iskuma diidanine.

Waxaanse ka xumahay sidaad khalad iigu saartay ka aamuska aan ka aamusay, the so-called QABQABTE.
Bal u fiirso qaar ka mid ah, qoraalkii aan ka gaabsaday ee QABQABTE, waana kan siduu u hadlay:

"taasi dhicimayso oo la idinkama rajo qabo inaad waxa runta ah kahadashaan ileen waxaad tihiin MUNAAFIQIIN aan rabin inya kafakaraan danta UMMADDA PUNTLAND".

"Idinkase waligiin halkaan ka naac naac dhaha Ina Yey wakhtigiisii waa dhamaaday markuu tagana idinkana waad la tagi doontaan waxaana isku soo haridoona inta danta Ummadda rabat inay kahadasho sida XAAFUUN IYO GANTAAL. "

XAAFUUN, Haddaan doorbiday inaan ka gaabsado ninka sidaan u caytamaya, ma waxbaan halleeyey, maxaadse igu tiri raalli gali. Ma waxaad rabtay inaan la caytamo. Xaashaa e, caynkaas ma ahi, mana caytami karo.

Waxa yaaba sida aamuskaygiina uu khalad u noqday, hadalada korena ay caadi kuula noqdeen.

No wonder, we can't understand each other!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WARIYE

Monday, February 26, 2001 - 09:29 am
Madaxda Buntland waa shan nooc,
1: lacag doon.
2: awood doon.
3: horumardoon.
4: Bello doon. Iyo
5: xuquuq doon.

Mucaaradka Buntilaan waa shan nooc:
1: lacag doon.
2: jago doon,
3: burbur doon,
4: haboowdoon,
5: hagaag doon.

Taageerayaasha Buntilaan waa shan nooc:
1: hugun raac,
2: hammi raac,
3: qabiil raac,
4: qof raac,
5: hilib raac.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WARIYE

Monday, February 26, 2001 - 09:32 am
Xisaabta ku baro siyaasadda:

Mudaharaad X jidgooyo + dhexdhexaadin - xabsi / soo dhaweyn abaabulan = ari is muuji.


Canbaarayta carte ee lacagta cusub X la wareejid + xaaladda xamar – maxaan cunnaa / haraagii siyaad = dheg hunguri dhega la’

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil-Qardhood

Monday, February 26, 2001 - 09:37 am
To: Xaafuun

Walaal waa kala duwan yihiin "Kaligiitilisnimo" iyo in Ina Yey uu kaligiis safro. Anigu kaligii talisnimo in laga hadlo madiidin. Haddii Ina Yey uu kaligiistaliyo waa wax sax ah in aan ka wada hadalo oo aan ka doodno waayo pl anagaa iska leh, laakiin walaale waa kala laba erey "kaligisafre" ee aad markii hore kusheegtay iyo "kaligiitashade" ee aad markii danbe kusheegtay.
Aniguna midda aanaan wax wayn u arkin waa kaligiisafridda oo yeelankarta sababo badan inkasta oo aanan arag ama maqal madaxweynaha Puntland oo kaligiis safray markastana wafdi baa lasocday, laakiin waa xaqeena in aan ka doodno taaslaftigeeda mana diidin in laga hadlo ee wax wayn baanan u arag.
Laakiin kaligiitaliyenimo waa wax weyn oo loobaahanyahay in laga hadlo.

To:Qq

Walaal isdaji! dadkii oo dhan waxaad tiri waa reer hebel iyo reer hebel, aniguba waan kugu sheegikaraa reer hebel oo aadan ahayn, waxaana fiican in marka aad doodaysid aad qiilkeentid cayduna way ka reebantahay dooda iyo in qof lagu sheego wax uusan ahyn.

Walaal anigu waan aaminsanahy in ay jiraan dad kaga aqoon badan cilmoga aduunka ee ay soomaalidu tiraahdo "aqoonyahano" laakiin walaale xaalka soomaaliya ku sugantahy ayaa keenay in ninkaas odaga ah oo jiran in aan u arko inuu yahay kan ugu haboon e maanta Puntland hogaaminkara.

Tusaale:
Haddii qofku uu jirado waxa uu qaataa daawo si uu u caafimaado. sidaanu ogsoonahayna daawo kasta waxay leedahay dhibkeeda gaarka ah ama side effects hadba sidaad u taqaanid.

Marka walaal anigu waxay ila tahay in Dadka maamulka hayaa ay siwanaasan u daaweeyeen dhibaatooyinkii soo maray Puntland waana ogahay in ay side effects leeyihiin ama cillado. xaalka ayaana nabaday ee anagu isma aanaa doonan
S/C