We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!
.
.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, February 13, 2001 - 07:10 am BAARITAAN IYO QIIMAYN QOTO-DHEER KADDIB TOLKA C/SALEEBAAN WUXUU KU TALINAYAA IN XAL-HAGAAGSAN LOO HELO MAJARO-HABOWGA UU LA YIMID HOGGAANKA MGPL C/rizaq Salad qandala2qandala@hotmail.com UK Febraayo 9, 2001 Sidaan la wada socono, markii aan 8 sano ku jirnay burbur iyo qaran la’aan sababtay dagaalo sokeeye kuwii ugu xumaa, kana sii daraya , aayatiinka soomaaaliya ku ururay booraan dheer oo mugdi ah, dalkiina u kala jajabay qaybo aan isdhexmar iyo isbadbaadin lahayn , dunidiina ka huleeshay kana samirtay xal u helida soomaaliya, Waxaa Isimada,Guurtida,Waxgaradka, Aqoonyahanka, Haweenka iyo Shacabka isir wadaaga ah ee Puntland 1998dii go’aansadeen shir wayne lagu suuro galiyo nidaam dowli ah oo heer gobol ah, si looga baxo Fowdada,looga gaashaanto xaaladaha qalafsan ee jira, bulshadana hantidooda loogu horseedo daryeel iyo horumar la taaban karo, maadaama nabad iyo barwaaqo ka jireen gayiga puntland. Riyadaas qaaliga ahayd waa rumawday, waxaana eber laga alifay maamul goboleedka magaciisu hada jiro, kaas oo loo xilsaaray in uu siyaasad hufan iyo la tashi ku hogaamiyo qaybtan (zone) sabatabaxa ah, una howlgalo dibu heshiisiin soomaaliyeed si dib loogu umaamado qaran loo dhan yahay, kuna dhaqma hanaanka federaalka, iskana ilaaliya wax kasta oo shaki iyo shuhubo abuuri kara gudaha iyo dibadaba. Hase yeeshee, waxaa nasiibdarro ah in hogaanka MGPL oo loo mudeeyay 3sano,hadana waqtigii 6 bilood uga harsan tahay, uu noqday mid lagu hungoobay markuu hanan waayey ammaanadii,himiladii shacabkana duleediyey. Hadaba, shirar mudo bil ah u soconayey beelaha tolka C/S, ayna ka qayb galeen Guurtida, Waxgaradka,Aqoonyahanka,Culima’udiinka iyo ganacsatada , waxaa lagu lafaguray, lagu qiimeeyay talona laga gaaray xaaladaha guud ee jira, iyo gaar ahaan sidii mustaqbalka looga gaashaaman lahaa musuqmaasuqa iyo marin habaabinta hogaanka maamulka PL. · Tolku isagoo hore adkaysi wayn ugu yeeshay, hoosna aan u eegin qiimayndaro, qadarinla’aan,, ilhaano iyo dhibaatooyin isdabajoog ah horena aan loo filihayn uu kala kulmay hogaanka maamulka PL, balse xeerinaya, aadna u xaqdhawraya xasiloonida iyo xiriirka wacan ee uu tolku la leeyahay tolalka kale ee dhib iyo dheef wadaagba yihiin, isagoo danihiisa gaarka ka hormarinaya mida guud , ayidsan maamul xalaal ahi inuu ka jiro geyiga PL, wuxuu talo ku gaaray qodobada hoos ku qoran: · Markuu arkay in hogaanka MGPL ku sifoobay danaysi xad-daaf ah, amar kutaaglayn,kelitaalisnimo, gobolaysi, adeegsi qabyaaladeed, qaraabokiil, qarandiidnimo, caburin , curyaamin bulsho iyo waxqabad la’aan. · Markuu odarosay in aan dib dame loo aamini karin hogaanka MGPL ,dadkana dulqaadkii ka dhamaaday · Markuu arkay in khayraadkii badaha cadow dool ku yimid loo fasaxay, iyadoo la dhaafsaday SANDAREERTO ( SANDAREERTADA SACU SOOR MOOD WAASE LUGU SABAY), saboolkii meraroodu bada ahaydna ay indhowaale quus la fadhiyeen. · Markuu ogaaday in hogaanka MGPL aad ugu dhego nuglaaday yeerisyada nacabka soomaaliyeed waxay doonaana k fushadeen kuwaas oo horeuguhungoobay codsiyo ay u soo bandhigeen madaxdii hore ee Qaranka. · Markuu ka yaxyaxay sida loo curyaamiyey cagtana loo saaray MashruuciiSharjah Airport ee Boosaaso ku yeelan lahayd Goroon diyaaradeed oo caalami ah. · Markuu ka damqaday Mashruucii balaarinta Daayctirka iyo Qalabaynta Dekada Boosaaso oo loo quuriwaayey lana horjoogsaday loona fasaxay Gobolkale oo ah (Berbera) · Markuu ka anfariiray Mashruucii Danida ku balaarin lahayd kuna dayactiri lahayd wershada Xooga Koranta ee Boosaaso iyo Qardho, islamarkaana laga goostay shidaalkii yaraa ee lagu kabi jiray loona fasaxay (Hargeysa). · Markuu ogaaday in hogaanka MGPL diiday fulinta Mashruucii Dariiqa Boosaaso iyo Qandala iku xira, kaas oo daraasadiisu dhamaatay lacagtiisana uu diyaariyey Midowga Reer yurub (EU). · Markuu ka yaabay aragtida xun ee lagu horjoogsaday mashruucii weynaa ee Biyo helida iyo Beero tabcashada ahaa ee CARMO PROJECT, fayska kowaadna lagu bixin lahaa $1,000,000(hal malyan doolar). · Markuu qiimyey in Kismaayo Gacanta ka baxday intii hogaanka MGPL uu jiray lana aaminsan yahay inuu lugsiyaasadeed ku lahaa, sidaana raali kanoqday iyadoo lagu xumaynayo shaqsi qur ah hogaanka MGPL necebyahay isna barbar dhigay Jubba- land iyo Qof. · Markuu istusay kaalintii qalafsanayd ee hogaanka MGPL iska taagay shirwaynihii Carta ee dalka jabuuti, halkaana cadburo ah iyo saami wayn kaga baaqday gayiga PL, markii uu xoriyadda ka qaaday dadkii shirkaa uga qeybgali lahaa, · Markuu arkay sicir bararka cayraynta iyo dhaca ah ee ay sababtay Lacagta been abuurka ah ee uu soo daabacday hogaanka MGPL, laguna bedeshey hantidii umadda, · Markuu arkay in hantida xooga leh ee laga qaado shacabka PL ay kordhisay qayilaad iyo qashin, kolkay dad aan waxba qaban, qabana Karin intooda badani jeebka u gashay, waxna looga qoondeyn arimaha Bulshada ee xasaasiga ah sida caafimaadka dad iyo xoolo wax-barashada biyaha IWM, faraqana loogu shubay wufuud dibadeed oo lacag doon ah,halka dhabarka loo duwey ama laga seexday siyaasi halgamaa ah, una dhashay PL, · Markuu xaqiiqsaday in aan hogaanka MGPL ehel u ahayn ayaaha dalkan xilkiina la kufay, horena loogu qaldamey, iminkana uu cadaystay in uu weli danaynayo inuu sii ahaado hogaanka MGPL,farina ka qodnayn hadafkiisa, · Markuu xaqiiqsaday in aan hogaanka MGPL soo weynayn,aqbalayn, kana soo horjeedo in aqoonyahanada Puntland wax horumar ah ka sameeyaan geyigan, aan ahayn kuwa uu isagu rabo, · Markey cadaatay in hogaanka MGPL diyaar u ahayn in uu arimaha xasaasiga ah ee dalka kala tashado Isimadii,Waxgaradkii, Aqoonyahankii iyo Bulshowayntii xilka u dhiibatey, · Markuu arkay in hogaanka MGPL u arkay geyiga PL dal la helay oo aan ehel lahayn, · Markuu arkay in hogaanka MGPL kasban waayey hay’adaha caalamiga ah ee ku sugan PL, gaar ahaana kuwa Boosaaso ku amray inay garoowe degaan, lana arko inuu magaalo kale u sii rari doono, dabkana ka seexiyey boqolaal qoys, · Markuu arkay in hadana hogaanka MGPL amar ku bixiyey in NGOyada lokalka ah ee gobolka Bari la baabi’iyo, lana abuuro kuwa hor leh oo ka howlgala gobolo kale,ayna ugu muuqato in aan gobolka bari u baahnayn wax hour mar ah, · Markuu arkay inay nasiibdaro tahay in aan hogaanka MGPL ka warqabin in waqti dhow aan wax gaadiid badeed ahi ku soo xiran doonin dekeda Boosaaso bacaad iyo qashin qariyey darteed. · Markuu arkay sunta halista ah ee ka soo butaacaysa xeebaha Puntland iyo cabashada shacabka, iyo sida Hogaanka MGPL dhegaha uga qabsaday inuu ka hadlo,sidaana raali uga yahay, · Markuu arkay fidmada xun ee uu ka dhex abuuray culima u diinka iyo kala jeclaysiga uu kula dhaqmo, ayna tusaale u tahay shilkii xumaa ee ka dhacay Buurtinle, kaasoo lagu laayey laguna dhaawacay dad culimo ah, · Markuu arkay sida hogaanka MGPL isaga horkeenay bulsho weynta Puntland, isagoo uga faa’iidaysanaya doorashada soo socota, Sidaas darteed, Baaritaan iyo qiimayn qoto-dheer kaddib Tolka C/saleebaan wuxuu ku talinayaa in Isimada Waxgaradka, Aqoonyahanka iyo Dhamaan Bulsho weynta isir wadaaga ah ee Gobolada iyo Degmooyinka Geyiga Punland ay u midoobaan sidii xal hagaagsan loogu heli lahaa majaro habowga uu la yimid hogaanka MGPL. Waxa bayaaankaan saxiixay Nabadoonada , waxgaradkam aqoonyahanka , dhalinyarada Beekaha C/saleemaan ee magacyadadoodu hoos ku qoran yihiin NABADOONADA 1. Shire Yuusuf Max’ed 2. Saciid Bile Cabdalle 3. cabdi Salaad Muumin 4. Abshir Cismaan xirsi 5. saalax C/salaan Axmed 6. Cabdalle aw yuusuf 7. Mire Xaaji Saciid 8. Xasan Dhufub 9. Mahad Qaalid Cali 10. Max’ud Jaamac 11. Hayaan Saalax Ismaaciil 12. Max’ed Yuusuf X. Cali 13. Raage Bille 14. Yuusuf Axmed 15. C/kariim Saciid C/samad 16. Siyaad Maxamed Bilcil 17. Max’ed Ismaciil Dawaarig 18. Qaxiye Ciise Max’ud CAAQILO 19. C/qaadir Max’ud 20. Salaad Ciise Rooble 21. Salaad Cali Max’ed 22. Gurxan Daad Cali 23. Xuseemn Cali Dheere 24. Hiirad Maxamed Samantar 25. Max;ud Max;ed Firin 26. Saciid Cumar Jamac 27. Saciid Ciise Faarax 28. Maxamud Bootan 29. Cismaan Max;ed Cabdale 30. Aadan C/maan 31. Axme Yuusuf Max’ed 32. Ciise Cumar Deer 33. Ismaaciil Gurigube 34. Jaamac Saciid Xuseen\ 35. Axmed Cartan ?Max;ed 36. Qooqaani 37. Cumar Ibraahin bilcil 38. Xasan Xaaji Faarax 39. Cisman Dubbe Roaoble 40. Max’ed Axmed Xaaji Saciid 41. Salaad Guul Cabdale 42. C umar Geesdiir 43. Axshir Idiris Cali 44. Faarax Xasan Cadoosh 45. Yuusuf Max’;ed 46. Max’ed C/kariim 47. Sheebe Sh. Max;ud 48. Max’ed Xirsi 49. C/laahi Axmed Yuusuf 50. Fariid Xussemn Calui 51. Xasan Afdhaal 52. Ciise Xolod 53. Salaad Xaaji Max’ed 54. Faarax Kuwait 55. Faarax Saciid Cali 56. Cali Max;ed Ismaacill 57. Axmed Xaaji Yusuf 58. Saciid MAx’ud Shire 59. Guul Ismaaciil abdale 60. Max’ud Cabdulaahi saa;lax AQOONYAHANADA 61. Dr/ Siyaar Dable 62. Dr. Xasan Mahdi Xasan 63. Dr. Faarax X. Saciid 64. Dr. Yusur 65. Dr. Ismaciil Ciise Rooble 66. Eng. Cali ismaaciil 67. Cap. C/shakur Mire Aadan 68. Cap . Ciise Xaaji faarax 69. Dr. Maxamed Mire Saciid 70. Dr. Muuse Xaaji Abees 71. Dr. Muse Maxamed Yuusuf 72. Eng. Sacid Macalin 73. Dr. Ashir Saciid Faarax CULIMAA;U DIIN 74. Sh. Max;ed Ismaaciil 75. Sh. Saciid Yuusuf Saciid 76. Sh. Axmed C/lahi Saciid 77. Sh. Yuusuf Cismaan Ismaacil 78. Sh. Liibaan Maxamed Saleemaan 79. Sh. Bashiir Sh. Max;ud 80. Sh. Cabdale Xasan Cabdale Qoraalkaan kala xiriir C/rizaq Salad qandala2qandala@hotmail.com
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, February 13, 2001 - 09:07 am walee INA YEY la islawada arag, waanu kuraacsanahay walaalaheen CALI SALEEBAAN go'aanka ay soo jeediyeen, waana wax dhab ah oo kajira dhulka loona baahanyahay in wax laga qabto si loo ilaalsho danaha Puntland. Wax kor ku qorona waa kuli wax dhacay aana indhaha laga qarsan karin, dadku intuu duqaadan karay waa dulqaatay laakiin waxaa loo baahan yahay arinta in halkaan laga qabto intaan dhibaato kale dhicin.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, February 14, 2001 - 01:50 am Awaye kuwii Ina Yey iyo tuugadiisa difaaci jiray?! walaalaheen Cali Saleebaan ee dalka gudihiisa jooga Allaylehe waxay ka hadleen waa dhab hal shay oo aan run aheyn kuma jiro car waa ninkee waa been yiraahda!
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, February 14, 2001 - 07:58 am Boowayaal walee waa run arrimahan kor ku xussan waa arimmo wada jira oo dhacay.. ee waxaan ku talin lahaa in si nabadgelyo ah wax looga qabto.. iyadoo muhiimadda koowaad la siinayo nabadgelyada iyo Jiritaanka Puntland.. Waana ku raacsanahay waxa ay Tolkey meesha ku wada xuseen... Puntland for ever..
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, February 15, 2001 - 04:16 am qurun dhuuso-weynayaal uf waxaad ku hadleysaan kala baxa meesha
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, February 16, 2001 - 05:55 am To qardho sxb mucaaradnimadaada sidaan ma moodeen ma maanta yaa tiri Cali Saleebaan ayaan taageero ka rabnaa waa kula yaab sanahay markuu boqoradada ay dilayeen aad dhahaysay yaa Maxmuud saleebaan ah ee iga qabta, mucaaradnimada ay Cismaan maxmuud meeshan ay kawadaan waa mid aan la soconay mudo sanado ah, mida 1. waxaa waaye maxuu Cumar maxmuud dagaalka noola galiwaayay markii aan Calisaleeban aan isdirinaynay. 2. Ciisa maxmuud marbuu lehay gursiga majeerteen , cumar maxmuudna waa heleen maxaa doorkeena u heli waynay, taas ayay Cismaan maxmuud Cumarmaxmuud loo tusi la'yahay runtii waa xaqiiqi waxaan soo qoray mana ka soo horjeedo walaalaheen Cismaan maxmuud. walaalaheen Cali saleebaan, haday walaalaheen ka soo horjeedaan waa caadi laakiin Cismaan maxmuud isku dayda aad wadaan daaya tii hore dabloowaayay
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, February 16, 2001 - 06:36 am Caaqil.. Bal eeg sidaa u fikireyso.. war ninyohow adigoo u fekeraaya si nin macquul ah waadigan Caaqil isku sheegayee.. Miyaanay jirin arrimahan meesha ku qoran?, Mise indhaha ayaa is qabanaysaa oo waxaad leedahay Puntland inta Cumar Maxamuud meesha haysto wixii raba haka dhacaan ee Kursiga uun ii ilaali.. Oo hadii meesha lagu kala tago yaa kursiga ugu fadhiisanee, waa su'aale? Weli ma tagtay Bosaso.. ma soo aragtay garoonkeeda diyaaradaha siduu u egyahay? mise tagtay Cisbitaalka weyn iyo dekkeda Boosaaso? Cali saleebaan waxba ha ka biqin oo kaama soo horjeedo ee wuxuu ku leeyahay wax hagaaji uun.. Hadaadse leedahay talo layskuma laha oo sidaan rabo ayaan yeelayaa, dee ninkasta meeshuu dego waa yaqaan oo haku noqdo adiguna cidaa u talin lahayd raadso oo u tali.. Annagu waxaan ka hadalnay waxa jira oo waxaan leenahay wax ha laga qabto.. marka waxaan ku leeyahay adigoon si qabiil u eegayn xaalada meesha ka jirta bal adigu fikrad keen sidii wax looga qaban lahaa arimahan.. Joojina ummadan walaaha ah ee aad qoorta isu gelenineyso.. Cismaan Maxmuud waa walaalaheen... oo ma kala maarano.. waana rag aan is fahmi karno.. adigu hawiyahaa isku dabeecad iyo dhaqan tihiin..
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, February 16, 2001 - 06:57 am To feisal bosaso sxb waa ku mahad san tahay sida sharafta leh aad jawaabt aii siisay. sxb In uu Ina Yey waxqalday qofna iskuma hasto laakiin waxuu qalday wax wayn ma aha waayo nin hogaamiye ah waa iska dhibaato badan yihiin sxb boosaaso waan tagay boosaaso lama aqoon qaxii ka hor magaalada waxaa dhisay dadkii xamar kasoo qaxay iyo kuwii Galcagyo ka soo qaxay taasna iguma diidi kartid hadaa leedahay maxuu Airporka u dhisiwaayay ama dagada taas waa wax quseesa umada oo dhan wax asaga quseeya ma aha dhulna waxaa dhista dadkeeda taasna ogoow. Mida kale aad leedahay sxb Hawiya ayaa isdabeecad taqaanaan taas waa ku qaldamtay waayo Hawoye Buuraha boosaaso ayuu kuugu imaan lahaa taasn awaxaa cadanaysa in dagaalkii Galkacyo markuu bilowday oo la idin yiri ciidan keena aad reer bari oo dhan keenteen 90 qof walaahi waa iga run ee hawiya ayaa Cumar/Ciisa Maxmuud darbi kaaga dhigay. Waan kula yaabanahay ina adeer waayo dhul waxaa dhista dadkeeda runtii Galkacyo tag fiiri waxa kala soconaya guryaha tlfka wayleeyihiin hadana waa magaalada kaliya oo somaliya Mobilka gacanta leh taasna waa xaqiiqi hadaa rabto in aad ogaato, walaalayaa ma jecli in aan kala saar saaro majeerteen laakiin meeshaan markaan imaado waxaan arkaa dad cuqdad dishay daacad hadaan u hadlo C/laahi ma taagayrsani, laakiin maanta waxnoodhaama lagama helayo majeerteen qofwalbana oo ah Puntland xaq ayuu u leeyahay in uu qabsado kursiga Puntland. Cayda waa reeban tahay walaalayaal.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, February 16, 2001 - 04:44 pm waaaaaaaaaw Faisal Bosaso waar Faisal Qandala ama Dhaadar isu bixi oo magacaan Bosaso iska daa shuqul kuma lihide yaa saallaaje Barruuje, "Dukur jaafiya boowe baan dabay ka keenaye wax ii dhaqqajiya ma garanaysaa".. ila soco muxsin cabdiraxmaan shire Bacaad.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, February 17, 2001 - 02:58 am To: Caaqil walaahi aniga saa kaama filanayn inaad uqaadatid reer tolkaa (Cismaan Maxamuud)anay cadaawad kuu hayaan, aniga qabiil kama hadlin afkaygana maqabto ilmo adeeraday Cumar Maxamuud sababtoo ah waaba khalad inaan wax ka sheego waligayna cadowtinimo masuurtowdo inaan u qaado, laakiin aniga sidaan hadalkaada kadhandhan saday waxaa u malaysay in Cismaan Maxamuud iyo Cumar Maxamuud is haystaan, walaal meel baad kadhacday bal marka hore SHAYDAANKA iska NAAR. Walaal Cismaan Maxamuud waxa kaliya uu kasoo horjeedo waa musuqmaasuqa sidaas buunaga uga soo horjeesan lahaa xataa hadii uu CABDULLAHI YUSSUF Cismaan Maxamuud ahaan lahaa ogowna maamulka waxaa ka buuxa Cismaan Maxamuud ninii ragga xirxiraayayna wuxuu ahaa nin Cismaan Maxamuud udhaxay kaasina waa CABDULLAHI SICIID SAMATAR taliyaha Policeka Puntland ee Cismaan Maxamuud Afguduud kaliya kama soo horjeedo ee SYSTEEMKA Iyo maamulkiisa oo dhan ayuu kasoo horjeedaa ficil xumadooda, walaal waalaga tagay waxaad kahadlaysid qabiil qabiil haysta majiro waxaad soo qaaday dagaalkii Cali Saleebaan iyo Cismaan Maxamuud taasna waa wax horay u dhacay Cismaan Maxamuud adeerkiis Cali Saleebaan waa hishiiyeen cadaawad u dhaxaysaana majirto waana dad isku degaan ah, maxaa keenay inaad cadaawadooda sii quf quftid???? Walaal xaq maaha in aad Cumar Maxamuud ahaan ku taageertid Ina Yussuf, sababtoo ah meesha wuxuu u hayaa reer Puntland oo dhan ee Cumar Maxamuud kaliya uma hayo, wixii khalad uu sameeyana waa in loo sheegaa Cumar Maxamuud kaliyana mataabanayso ee reer Puntland ayay taabanaysaa wixii uu ku kaco, ee maaheen inaad walaalahaa Cismaan Maxamuud ugu xanaaqdo maxay wax uga sheegeen ama uga soo horjeesteen AFGUDUUD, taasi waa khalad. Waxaa kaloo tir reer Bari dagaalkii Gaalkacyo waxay keeneen 90 qof walaal beentaas maxaad ku fashay???????!!!!!! garan maayo waxaad ulajeedo!! Bari oo dhan waa tii la isga yimid ilaa iyo Laas Qorey ilaa iyo Caluula iyo boosaaso iyo Qardho baa laga soo baxay sidii loo xoray lahaa Gaalkacyo waana lagu guulaystay mamudantahay inaad tiraahdid reer Bari uma soo gurman Gaalkacyo walaal beentaas maxaad ku fashay???? nacaybka mameeshaas buu ku gaarsiisay???? waxaanse u qaatay inaad hadalo iska qaadatay oo been ah, hadii aad dhulka joogi lahayd waxaas maadan ku hadasheen oo runta baad ogaan laheed, hadii aan wax yar kaaga soo qaado dagaalkii Gaalkacyo SU'AAL baa kaa waydiin lahaa waa hadaa lasocotidee '" yay ahaayeen ama intee bay ka yimaadeen cidamadii Gaalkacyo wax ka xoreeyay ee QAYBAT MADAAFIICDA soo maheen dadka aad halakaan ku caynaysid ee Cismaan Maxamuud???? Oo weliba hada kujira Xerooyinka ciidan ee Gaalkacyo!!! Yay ahaayeen dadkii waligood marwalaba ayagoo aan waxna iswaydiin ku garab istaagi jiray mar walba iyo dagaalwaba oo uu Cumar Maxamuud galo, inaan waxaan oo dhankuusheegano maaheen oo adigaa lagaa rabay inaad ogaatid, inaad hada Cismaan Maxamuud ku caysid maxay uga soo horjeesteen Afguduud waa khalad walaal ILLAAHAYNA haku soo hanuunsho. Ninkaan aad difaacysid walee inuusan adigoo Cumar Maxamuud ah uusan waxna kuu hayn, hadii aad taqaanidna waxaad ku cimriqaadan lahay markii SSDF oo uu Cumar Maxamuud dhexdiisa kala saar saaray harcadna kala diray soo maaha ninkaan AFGUDUUD ah ninkii """"ISLAAN CABDULLEna Allaha u naxariistee ku jiri markuu usheegay inuu daayo ficiladiisa xunxun soo uguma jawaabin """ISLAANKow waxaad ka hadli kartid majirto ee meel fadhiiso siyaasada Islaankow waxna kama taqaanidee"""" maninkaas baad waxaad walaalahaa Cismaan Maxamuud uggu caynaysaa maxay u raaci waayeen??????? walee waa yaab Taas kasoo tag waxa hada dhabta ah oo jira oo ay Cismaan Maxamuud ku diidan yihiin iyo ummada kaleba bal iskuday inaad fahanto intaysan caadifad xun aysan ku qaadin soomaalida horay waxay u tiri "HUBSASHO HALBAA LA SIISTAA" Marka walaal ogow inaan Cumar Maxamuud aan cadaawad loo hayn iskana daa wararkaan xun xun oo aad tabinayso. Mana fiicna waxa dhexdeena ah inaad halkaan kusoo qortid, taana kaama filanayn. Waxaa fiican inaad u dhaqantid sida uu u dhaqmo qofka Magacaadoo kale sita. Wabillahi Towfiiq
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, February 17, 2001 - 03:08 am To: Caaqil walaal waxaa tiri AFGUDUUD wax dhaamo majeerteen ama harti kuma jiro, walaal ma og tahay hadaad saas tiraahdid inaad majeerteen meel uga dhacaysid oo aad ka dhigaysid dad aan waxna maamulikarin AFGUDUUD la aantiis!!!!!! Ma ogtahay Majeerteen iyo Harti inay meel meeshan ka saraysa joogi jireen asagoo AFGUDUUD waxna ahyan mana iloowday inay yihiin dadka ugu caaqil iyo siyaasiyiin badan Somaaliya???? Hadaan kuu soo qaado inta madax soo ahaan jirtay oo joogta dhaantana AFUGUDUUD halkaan kuma soo koobi karo, waxaan kabilowi lahaa SIYAASIYIIN teena waa wayn sida CABDIRISAAQ XAAJI XUSSAYN iyo in kale oo halkaa lagu soo koobi karin. Maaha inaad Majeerteen ka dhigtid dad aan lagu arag SIYAASIyiin kasakow AFGUDUUD, adoo isleh taageer AFGUDUUD ayaad dadkaada cay kaladaashay.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, February 17, 2001 - 12:24 pm To:"Caaqil" Walaal marmar baad sifiican u siibattaa oo aad waxyaabo iga yaabiya meesha ku qortaa ee bal kafiirso, Cismaan iyo Cumar iyo Cali Saleebaan in aad halkaan ku kala faalaysid waa arin doqonimo kugu ah hadda kahorna waan kaala hadlay- adoo Cismaan Maxamuud eedaynaya-, ee boowe kawaantow arimaha qabiilka siduu Qardhoba kuu sheegay. To: Qardho Ninyohow sidaad "Caaqil" ulahadashay way fiicnayd, Laakiin Madaxwynaha puntland baad meel xun uga dhacday oo si aad iyo aad ah baad ugu been abuuratay ogowna mucaaradnimo iyo beenabuur waa kalalabo:- Mucaaradnimo waa markaad kasoo horjeedid qaabka waxqabadka maamulka taasna xaqbaan uleenahay in aan mucaarad ku noqono maamulka puntland. Laakiin walaal waxaa ceeb ah in dhacdooyinkii SSDF sifoolxun lagaaga soo dhaadhiciyay aad meeshan latimaadid. waxaana wanaagsan in aan qofdhintay sida Islaan Cabdille been laga sheegin, adoo qofbiniaadan ah ku xumee isleh. tankale walaal markaad SSDF kahadlaysid waxaan kugula talinayaa in aad dhinackasta kafiirisid ee aadan la iman sheekaddii 1982 ay ku sheekaynjireen dadka Afweyne jeebabka u soo buuxiyo ee hadda kuxeraysan Hotelda Xamar. runtii markaan arkay beenabuurkaagana waxaan soo xusuutay 80aadkii iyo odayaashii iyagoo Afweyne ukala dhuumanaaya dacaayadaha noocaas ah ku sheekayn jiray! iyagoo ku raadinaya xoogaa shilimaad ah! marka Ina Adeer ama baaritaan gooni ah samayso ama haldhinac waxba hakadhagaysan ama iska aamus. waa runtaa oo isagoo aan Ina Yey joogin baa Hartiyi heerkaan mid kawanaagsan joogtay. Laakiin walaale waxaad ogaataa in aan sidoo kalena gaarray meel aad uga liidata meesha aanu joogno maanta oo Ina yey uu madax inooyahay. Heerkaas liita oo ay nagaarsiiyeen kuwa sheekadaan raqiiska ah kaa soo dhaadhiciyay ee hadda Ina Salaad Boy ugu Xaraysan Hotelada Xamar. Mudane Cabdullaahi Axmed Yuusuf waa madaxweynaha Puntland Sida madaxweynayaasha kale ayuu dhaliilo leeyahay xaqbaadna uleedahay haddii aad reer Puntland tahay in aad mucaarad ku noqotid. Haddii Ina Yey uu u xumaanlahaa sida aad sheegaysid ceeb ayay nagu ahaan lahayd in nin sidaas ah uu madaxweyne u noqdo Puntland. S/C
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, February 17, 2001 - 11:07 pm To Ina Muxsin Bacaaad sxb Boosaaso waa magaalo ka dhexeysa reer puntland oo dhan.. inkasta oo ay aniga magaaladaydii tahay aan ku dhashay kuna barbaaray..adigu hadaa sheegato kuuma diidayo.. magaalooyinka kale eed i leedahay sheego weligey maanan tegin.. Boosaaso waxaa iigu diideysaa miyaa yacni qabiil ahaan? Cali Saleebaan Magaalada dadka dega ayuu ugu badan yahay, hanti badanna wuu ku leeyahay.. hadaa leedahay cali saleebaan ma sheegan karo waa qaldan tahay.. Mideeda kale waaxay waxa aad meesha ku soo qortay? wax la fahmi karo soo qor.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, February 17, 2001 - 11:50 pm Faisal Xaysimo waryaahee maxaad tiri,Bosaso dadka ayey ka dhaxaysaa,annaguna dadka dega ayaan ugu badanahay. allaylehe in aan ku arkayo bay ahayd maanta. magacaygii baan kuu soo qoray markaasaad khal;ad u qortay si nin aan garanayn. waryaa sallaaje iyo barruuje sow magacyadiinaii markaa idinkoo macwiso xun xun aad qandala ka ytimaaddaan idinkoo xamaal doon ah. haddaba kiinii dubai taganana markuu xoogaa xammaalo intuu iska rogo soo iibsado oran jirey ari booye aa dukur jaafiya. ilaah baan kugu dhaarshaye miyaadan garanayn. bosaso saxiib waad ogtahay in ay magaaladaydii tahay aniguba dhulkaaga kuguma haystee maxaa kayga ku daba dhigay. waa runtaa oo waad ku dhakatay oo waa tii aabbahaa Cabdullaahi saalax Dukaanka u iibin jirey,laakiin waan ku dhashay hadal maaha ee waa magaalada in tolkaa leeyahay. Nimankaan Cumar maxamuud oo baryahaan ku sid sidaa yaanay bohol kaa ridin,berri bay noqonayaane. saaxiib hawshaadii qabso, oo aayar,haddii kale mar dhow baa cashii iyo qandala lagugu celin. Faysal waa is garanaynaaye magacayga mar dambe si kale ha u qorin.magaaladaad deggan thayna waan garanayaa.. ila Soco Muxsin Cabiraxmaan shire.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, February 18, 2001 - 03:07 am To: Wiil-Qardhood war nin yahow adiga waa kula yaabay wixii aadan lasocon ama aadan war u hayn waxaad tiraahaa waa been war ninyohow sida isku dhaan, aniga cidna waxana iima sheegin ee anaa SSDF soo taagnaa oo kamid ahaa ragii cagaha uga soo go'a go'ay ee waxaadan lasocon faraha lalama galo. Aniga waxaan ahayn nin Cismaan Maxamuud ah laakiin ay dhaleen Reer Mahad waana waaridkay Cumar Maxamuud. Islaan Cabdullena wuxuu ahaa Isinkeenii markii lajoogay Kulmis ninkii joogay uun baa lasocdee, arinkaa aan kuu sheegay aniga Cabdullahi Yussuf kama samayn lakiin asagaa afkiisa ku samaystay nin walaba oo KUlmisoojoogayna waa lasocdaa. Taasna waxaa ka caroodeen dhamaan dadkii Majeerteenka ahaa oo meesha joogay, marka nin yahow ha i aflagaadeen adoo isleh Cabdullaahi taageer hana dhihin waxaan beenka sheegay Awoowgey Islaan Cabdulle, hadaan lasocon arintaa faraha kalabax. Intaana waaba yartahay inkabadan oo aanan halkaan ku soo qufayn buu sameeyay Afguduud, anaana kaa badsha intaas oo sanaa baan lasoo halgamaynay. Cabdullahi Yussuf waa nin geesi ah oo dagaalyahan ah taas cid isku haysaa majirto anagaana markhaati ka ah, laakiin Cabdullahi Yussuf maaha nin jecel inuu amarada ka qaato Isimada Boqoljeer bayna Islaan Cabdullhe Allaha unaxariistee isku jiireen intii lajoogay Kulmis. Ninkii Yaqaan baa lasocdee Afguduud waa Askari sida Askartuuna u dhaqmaa waana run oo qofwalbaa lasocda ina adeerow aniga Cabdullahi laftiisa waaridbuu ii yahayee mana rabo inaan ka been abuuro laakiin waxaan ogahayn inaadan Cabdullahi saan u aqaan aadan u aqoon. Boowe waan ku arkay adoo asaga dhoorjeer difaacaaya taasna xaqbaad u leedahay laakiin wixii dhacay waa dhaceen aniga iyo adigana been kama sheegi karno ee taas lasoco. Aniga wixii aan halkaan ku sooqoray kuli waxay ahaayeen waxaan indhahayga kusoo arkay oo aan la iiga sheekaynay ee adiga ma isku hubtaa waxaad ku difaacaysid adeerkeen Cadbullahi Yussuf???. Aniga waxaad igu sheegtay inaad mucaarid ku ahay Cabdullahi Yussuf taas waabeen mucaaradnimo iga maahee waxaa fiican in runta lasheego, anigaba waa difaacaa Cabdullahi Yussuf markii hortayda lagu caayo, taasi waa khalad cayda mabanaana, laakiin waxaa jira wax run ah oo aan been laga sheegi karin. waxaan kaa docsanaayaa inaad arintaa inaga xirtid wixii dhacay waa dhaceen ninwalba suu u qaadanaayo ha u qaato ee laakiin isku day inaad ka kaaftoontaan beenta iyo aflagaadada halkaan lagu hayo ogaadana kaligiin matihiin oo waa la idin ku dhexjiraa. ANA ARINKAAN WAA KA BAXAY NINKII XANAAQAY RAALI HA IGA AHAADO. WABILLAHI TOOWFIIQ.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, February 18, 2001 - 07:46 am TO:Saaxiibayaal dadkan aad kala qaad qaadaysaan mataqaaniin waxa ay isu yihiin? waan ogahay oo intiina badan waad taqaaniin laakiin waydaan dib u eegayn.Cumar maxamuud iyo cismaan maxamuud waxaa adeer u ah cali saleebaan, Waxayna u kala baxaan sidaan: Cali saleebaan, maxamuud saleebaan, cabdiraxiin saleebaan, aadan saleebaan, ismaaciil saleebaan, ugaar saleebaan , qaasin saleebaan, hadaba markii kor loo wado waa ilma saleebaan maxamed ibraahim jibraahiil qofkii u baahan oo la ogyahay in uu ka dhashay intaas waxaa la siinayaa ilaa daarood ismaaciil,amase aan iraahdo shiikh cabdirihmaan jabarti ismaaciil.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, February 19, 2001 - 12:02 am To: Qardho Ina habreed anigu kulmis matagin laakiin war tiro badan iiguma harin, Islaan Cabdulle Islaan Faarax iyo wiilkiisa Islaan Bashiirna waan lakulmay oo wali waan laxiriiraa mana arag buuqsiyaasadeed oo kadhexjira. Dad badan baana ku andacooda in ay Isimadu Ina Yey meesha kuhayaan. Marka boowe haddii Ina Yey uusan Isimadda Ixtiraam uhayn meesha cidkale baa madaxwewyne unoqon lahayd! sheekadaana intaas baan uga baxay
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, February 19, 2001 - 02:31 am To: Muxsin Bacaad wiilow waxaan ku leeyahay, kafiirso odayada iyo dadka aad caayayso, iilama aha inaad raganimadeeda leedahay e, hadaad cali-saleebaan wada caysay, bal aan ku maqalee reerkee baad u dhalatay. anigu kuma aqaan, laakiin waxaan wiilow kuu sheegayaa inaad ogaato inay jiraan dad ninka aad halkan ku caayayso yaqaan magaciisa oo isticmaali kara, anigu waan maqlay odayga aad magaciisa halkan kaga dhawaajisay, haduu dukaan lahaan jiray iyo hadii kaleba ceeb maaha ayaan qabaa, boosaaso isku qabsashadeedana waxan ku oran lahaa orodoo xabad qaado ama quraan isa saar. ilayn cali saleebaan caano kama maalayside. waxaan kaloo la yaabanahay hadii aad ceeb ka dhigtay ganacsiga dubai iyo somalia oo aad ku caysay cali saleebaan, waxaan layaabanahay reerkaad u dhalatay waxay qabtaan, lama yaabayo inay xamaaliyaasha dekada boosaaso yihiin oo ay alaabta u soo dejiyaan odayga iyo reerka (calisaleebaan) aad meesha aflagaadad sidii dumarkii ula soo fadhiisatay, ilayn raganimo aad nin calisaleebaan ah intaasoo aflagaado ah ku hor tiraahdo ma qabtide. wiilow ina bacaadoow ka fiirso waxaad qorayso, iyo ragaad caayayso, waxay anigu ila tahay 1- ninka faisal boosaaso labaxay inay dhici karto inuu u dhashay reerka uu mathalayo laakiin uusan ahayn ninka uu mathalayo 2-inaad iska dayso cayda qabiilka calisaleebaan. 3-inaad hadii aad taqaan ninka si personal ah aad telefoon kula hadasho ama aad aragto face to face, mise raganimadeeda ma lihid, oo waxaad tahay wiilasha aflagaadada iyo cayda halkan ku qora sidii dumarkii. hadii aad aflagaadada reer cali-saleebaan sii wado waxaa ii cadaanaysa inaad tahay qoladii futada rogan jirtay markii ay arkaan kulaylka xabada reer warlabo. ina Libaax San-kataabte
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, February 19, 2001 - 02:43 am TO: faisal boosaaso wiilow waxaad marka hore ka waantoodaa kala saarsaarida aad kala saarsaarayso cali saleebaan, tan labaad hadii aad xitaa kala saarsaarto waxaad iska daysaa ninka aad magaciisa iyo ina ayihiisa isticmaalayso, anigu waan ku aqaan mana doonayo inaan kuu sheego ninka aad tahay iyo reerka aad ka tahay calisaleebaan ba, laakiin waxaan qabaa inaad ku qaldan tahay inaad sheegato nimaadan ahayn. ogow faisaloow anigu waan aqaan ninka aad magaciisa isticmaalayso iyo ninkaad tahayba, ma iga suurowdaa anigoo ina ayahaaga isticmaalaya inaan halkan wax ku soo qoro. boowow calisaleebaan sidaa laguma aqoone bal dib iskugu noqo. INA LIBAAX SAN KATAABTE (Canada)
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, February 19, 2001 - 03:35 am TO MUXSIN BACAAD ERAY AANAN HORAY U AKHRIN AYAAN HADA ARKAY OO AAN TAN UGU JAWAABAYAA. HADALKAAGII GABOGABADIISII AYAAD WAXAAD TIRI INA BACAADOW INAAD CALI SALEEBAAN BOOSAASO KA RARI DOONTO OO AAD QANDALA ISKUGU GAYN DOONTO. WAAN KU SUGI LA AHAY INAAD II SHEEGTO REERKAAD U DHALATAY OO CASHII IYO QANDALA CALI SALEEBAAN KU CELINAYA OO BOOSAASO KAWADA RARAYA, NINKII REER XAMARKA AHAA WUXUU YIRI: CIMRIGAA DHEERAADO GEEL DHALAYA A ARKEE!!! HADA WAXAAN LA YAABANAHAY OO AAN KU GARANAYAA IN CIMRIGAYGII DHEERAADAY WIIL LA BAXAY INA BACAAD AYAA ANIGOO CALI SALEEBAAN AH I YIRI QANDALA YAAN KUU CELINAYAA. BOOWOOW BAL II SOO SHEEG REERKAAD U DHALATAY MARKAAS AYAAN KUU JAWAABI KARAA E! INA LIBAAX SAN-KATAABTE (CANADA)
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, February 19, 2001 - 07:52 am Ina Baac .. bal marka hore sheeg waxaa tahay markaas ayaan kula hadlayaa... magacan aad sanka naga galineysana ma naqaan ee ha nagu qasbin.. Magaalada Tolkey baa lahaa hakaa saarto.. hadda annagaa kaaga xoogbadan ee bal si ka dheh.. duhur cad ayaan dacas la'aan ku diraayaa adiga iyo odagan aad sheegayso.. oo Tuulooyinkii boosaaso agteeda ahaa oo kudaafadaha u ekaa kuu direynaa..adigu reer karin inaa tahay waa ku gartay .. iyagaa boosaaso isku dhedhejiya.. Adeer Boosaaso hadda ummada reer Puntland ayey ka dhexeysaa.. ama ka nax ama ha ka nixin.. haddaa muranka badisana qoortaa lagaa qaban oo waa lagu soo taqaantaqin.. To ina Jiir Sankataabte war ninyohow amaa igu qaldantaa.. aniga ima taqaan .. nin kalena magaciisa ma wato.. ee sidee wax u wadaa.. mideeda kale xagee anigu dadka ku kala saaray? oo ii leedahay dadka ha kala saarin.. ninyohow wax aanan arkey ayaad aqrineysaa baan u malaynayaa.. ee bal ka fiirso hadaladda aad meesha ku soo qoreyso.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, February 19, 2001 - 08:06 am To Abdirizak.. sxb waad mahadsan tahay sidaa u kala dhigtay.. waxaan aad ugu baahnahay inaan kala barto siduu majeerteen u kala baxo marka hadaad hayso meel uu ku qoran yahay ama adigu ii soo qorikarto iigu soo qor meeshan.. mahadsanid
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, February 19, 2001 - 09:02 pm to cali saleebaan adeer cali saleebaan mar ey wax ahaayeen majirto marka hadaad rabtaa inaad maxamuud saleebaanka isku dirto si aad uga faaideysato markey iska isku baaba,aan ayaad leedahey meesha cali saleebaan ha xukumo adeer yux kuu leh . inaad cali saleebaanow wax noqotaan waa habeenkii xaley ahaa oo tegey taagerada af guduudna ha moodin wanaag adaa ku sirayaa oo rabaa inuu jar kaa rido dee doqon yohow wax isku fal oo mar danbe hasoo qorin af gaduud ama cabdulaahi yusuf baa fiican. war meesha nagu kala wad yaa teneg cali saleebaanka aad sheegeyso ma naqaane yaa xayaawaan.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, February 19, 2001 - 10:48 pm Ragga halkaan isku ceyrsanaaya waxaan idin oran lahaa dhamaantiin waxaad tihiin rag nin walbaa uu difaacaayo ujeedo qabiil kaliya gaar u ah ,haddaladiina waxuu qof walba oo waxgarad ah ka dhadhansanayaa ragga qaar iney u hadlayaan sidii horabba looga bartay oo ah nin jecleysi cadaan ah waana xaqiiqa dhab ah oo dhammaan inta badan 90% reerka la yiraahdo cumar maxamuud u caadda ah ,iyaddana sidoo kale mucaaradnimo aan wax lagu saxeeyn ee nin nebceysi ah oo ay cabdullahi yuusuf naceen 90% reerka cismaan maxamuud ah iyagoo ku gambanaaya reer bari ayaan nahay . waxaad haddaba walaalayaal kulligiin ogaataan haddii aydinaan danaha Puntland wax kala qaban walaalihiin oo aad idinka uun isfiirsataan waxaad ku talla gashaan in iska hor imaad xun dhici doono taasoo qofna aaney dan ugu jirin. cidda ka faa'iideysana ay tahay cadowgeena oo ah hawiye iyo inta la shaqeysa. tallo waxaa iga ah cabdullahi iyo maamulkiisaba waxey qabteen iyo waxey lunsadeen oo hanti iyo siyaasad xummo ahba ha lagulla xisaabtamo goorta la gaaro doorashadda hadduu diido cabdullahi inuu´ka dago xukunka noo daaya anaggaa naqaan sida loola dhaqmi doono(ciise maxamuud)laakiin inta aan la gaarin doorashadda ha loo hogaansanaado maamulka aanu dhisanay inagoo dhan. waad mahadsantihiin. sharmarke(garoowe)
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, February 20, 2001 - 01:10 am TO:Dooradoora,Fadlan qola kastaba ahow ee waxaan kuu sheegayaa in adiga iyo ninka cali saleebaan oo aad eedaynaysid aad adigu u dhawdahay caadifad qabiil,waxaad cadaysay in uu ka hadlay cabdulaahi yuus adna waxaad ka hadashay qabiil,mase ogtahay cali saleebaan iyo maxamuud saleebaan waxa ay isu yihiin,mase la socotaa kaalinta cali saleebaan kaga jiro majeerteen,mase haysaa cali saleebaan taariikhda ay ku leeyihiin saleebaan maxamed amase aan iraahdi deegaanka puntland,kaaga sheekayn maayo taariikhda cali saleebaan waayo adiga ayaanan aqoon qolo aad tahay,saaxiib ha u qaadan in aan cali saleebaan ahay wallaanan ahayn laakiin waxaan ahay majeerteen,cali saleebaanna waxaan hayaa taariikhda ay ku leeyihiin majeerteen dhexdiisa,hadii ay xukumaan puntland maxaa diidaya mise waxaad tahay kuwa aaminsan majeerteen waa maxamuud saleebaan.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, February 20, 2001 - 01:19 am TO:faisal boosaaso: sxb.way fududahay in aan kuu soo qoro laakiin waxaan ka xumahay halkaan kuma soo qori karo waayo waa meel bablig ah oo arimahaas firka dheer ah kuma soo qori karo,tankale hadii aad doonto waxaan ku siin karaa ilaa daarood balse waxaa muhiim ah in aan adiga ruuxaaga ogaado in aad tahay nin majeerteen ah oo aan ku garto,markaas kadib ayaad ii soo qoraysaa iimaylkaaga si aan kuugu soo diro,anigu waxaan ku noolahay dalka finland,helsinki.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, February 20, 2001 - 05:53 am To: Abdirizaak walaale maxay dhib ah oo leedahay in abtirsiinyo lagu soo qoro meeshan, waxaan mooday in abtirsiinyuhu uu yahay oo kaliya magacadii dadkii hore, taasna wax sir ah uma arko bal way fiicnaan lahayd ayaan qabaa si dad badan uga faaiidaysto.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, February 20, 2001 - 08:10 am TO:W.Q.sxb.salaan kadib waa runtaa hadii isku si loo arko,balse waxaad ogtahay in hadii meelahaan laysku caayo lagu qoro abtirsiga dhalad nimadaada ay dad badan ka samaynayaan ujeedooyin badan oo aflagaado leh marka nooma suurtowdo in aan u qorno cidkasta,hadhow waxaa soo baxaysa dad oranaya kuwaasi nasaba ma aha.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, February 22, 2001 - 02:27 pm Faisal Cimraan baa i dhacay waana ceeb waana caariyo e colna lama qarsado kan ay ku tahay Cali saleebaane marka hore waxaan magacayga kuugu soo qoray in aadan i oran waad is qarinaysaa,laakiin adigu geesinimo malihid aad magacaaga ku sheegtid sow ma aha allaylehe reer haya haya waad ku bannaan tahay. ismana aan lahayn hadal buu kugu soo celinayaa,oo haddii uu reer bosaso yahay magacayga ma garan waayayo. saxxiib haddaynusi si saraaxa ah u wada hadallo waxaad tiri Bosaso dadkoo dhan bay ka dhaxaysaa,war nin yohow caqliga ma geli kartaa taasi,adigu qndla adaa iska leh taydiina dadka ayay ka dhaxaysaa,oo hadda waxaad i leedahay Cali baaba kaa ga awood badan oo duhur jeegada kaa qabanaya. waa wareeeey. horta ma dhici kartaa. waar ninyohow in Cali saleebaan magaaalad deggan yihiin anigu ma diidani laakiin waxaan ka hadlayaa weynuognahay oo dhulka reerba meel buuleeyahay ee tani waa taydii. horta adigu weligaa bosaso maad arag.waayo magacyadaa aankuu bixiyey oo tiri maganayo waad gana lahayd haddii aad bari ku noolayd. bal haddii ragnimo kugu jirto meeshaad deggan thay soo sheeg. anigu Stockholm ayaan joogaa.magacyguna waa kaas. waar yanan hadalkugu daaline Cali baa sidaa maanta u hadlaya isma aanan lahane xaggee wax ka khaldan yihiin.talo aan ku siiyee ninyohow ninmakaan Cumar ahi berri bay naga tigi ee maad aayar socotid illeen waa la is yaqaanaaye. Qandalana kunoqda oo shaqadiinnii qabsada.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, February 23, 2001 - 07:35 am TO:FAISAL BOOSAASO. FAISAL BOOSAASOW, WIILKAAN WIIL HOOGA ISKA DHIGAY EE CALISALEEBAAN AFKA SOO AADIYAY, I TUS FUTADIISA MISE ANAA U JAWAABA BOOWE. ANIGU KUUMA QUURE MAGACAAD IIGU YEERTAY E, FAISALOOW WIILKA ISKA QABO, SI PERSONAL AH AYUU KU ATAAGAY E. TO: INA BACAAD. WIILOW MAAD ISA SHEEGTID REERKAAD U DHALATAY EE CALISALEEBAAN BOOSAASO KULA DAGAALAYA, MISE WAXAAD TAHAY MIDGIHII REER BARI EE MAGACYADA LA BIXI JIRAY.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, February 24, 2001 - 02:15 am to . abdirizak walahio adiga siyaasi fiican ma tihid waaba habbaarameysaa sidii habar qumayo ah . ama ayeeyo koris. war ninytohow sida isu dhaan. jaawna meesha nagu kala wad. bye.dooradoora
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, February 24, 2001 - 10:17 pm TO:doora doora sxb.Hadii aad khalad u qaadatay hadaladayda iga raali ahow,sababta hadalada adag iga keentayna waa:waxaan ka soo horjeedaa cidkasta oo isku dayda in ay xasaasiyad qabiil ku abuuraan amaba ka dhaliyaan gobolada buntland,marka ha u qaadan in aan adiga si gaara kugu xumeynayo hadalka ee u arag sida aan hada kuu sheegay igana raalli ahow hadii aad ka xumaatay.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, February 26, 2001 - 03:46 am soomaali weyn aan dhinac karaacno haddikale anaga ayaa iskala qayb qaybinaya
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, February 26, 2001 - 10:47 pm to abdirizak ok waa yahey rali waa noqdey hadeer waxii ka dan beeya reerkeygaan dhaqanayaa marka saas hanoo ahaato marqaankana daji . hana kuu macaanaato. qore dooradoora
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, February 27, 2001 - 06:40 am War niman yahoow ma waxaad illaawdeen wixii uu Hawiye idin marshay, mase illaawdeen dhibkii iyo qixii la soo maray, mase illaawdeen in maanta Majeerteen uu cadawgiisu badan yahay...Majeerteen wallee haddii ay caqli qabaan maanta cadaw badan buu leeyahay, ee inta iska dhaaftaan nac-nacda dadkiina wax u qabsada....wallee barri waad ka shalayn doontaan marka laydin qabsado markaasaad qaarkii qaarka kale eedeen doonaa!!!!! War intay goori goor tahay iska dhaafa hadalada aan qiimaha lahayn, hal meel ka soo wada jeesta ....wallee dad badan ayaa idiin tashanaya... Horta waa ALLE mahaddii in aynaan isku qaadan qori, balse aan afka ka wada hadalno, laakiin af ka hadal aalaaba wuxuu sababaa qori ka hadal... War anigu waxaan ku talin lahaa inaan ogaano cadawgeena....bal Internetka aqriya bogaga discusionka .... bal fiiriya sida majeerteen loo neceb yahay...idinkuna meeshan baa nac-nac-nac ku haysaan...iyo anaa leh Boosaaso!!!!! Ka waantooba waxaas oo dhan...you have to know your enemies!!!!!!! C. Shakuur
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, February 27, 2001 - 09:53 am Woow; Ileen shoow reer barigu ayagaaba isku mashquulsan. Balmarka heshiiya yaan kala xaajoodnaa Boosaaso. Odaygii Cumar Maxamud ahaa Boosaaso qarkeeda ayuu ku aasanyahay, yaa naga xiga?
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, March 03, 2001 - 09:21 am to siyaasi cidna kaama xigto ee sharaf ugu noolow iyo si raaxo leh . walaahaagana dhinac karaac adoo ku faraxsan
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, March 08, 2001 - 10:41 am boowayaal, waa iga suaale horta yaa badan cali saleebaan iyo reer mahad amd cismaan maxamuud iyo reer mahad. waan ogahay in ciise maxamuud wax yar reer mahad ka badan yahay E'. mahadsanidin yusuf kaalgacyo
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, March 10, 2001 - 05:42 am Boowe Bal marka Hore Waamaxay reer Mahad.. xageese ka soo jeedaan?
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, March 10, 2001 - 07:10 am To Reer Mahad . ina adeer meesha indha adeega kala tag reer galkacyood.. Calisaleebaan Maxamuud Saleebaan Buuba ka badan yahay adna waxad sheegaysaa Cusman, cumar iyo ciise oo kala qaad qaaday.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, March 10, 2001 - 07:24 am Hurgumo Khaliif Sh Maxmuud Abshirow micnaha gabay haddaad mid iga weydiisey wiilyohow madluunbaan ahaa maalin iyo leyle intaas waan mugleeyahay sidii gorayadii muune Mas la diley sidiisaan madaxa meerinahayaaye Sideydana waxaan maaganahay waa wax kaa maqane Magliga daabo maahane si kale hay maleynina Adduunyadan maraabeysay oo murugtey ee xiintay Ee uu Mareexaan u kacay waa masala weyne Gardarradaas mutuxan waa dagaal waxaan ka miisaaye Maruuryoodayeey xalay miyaan miray caloosheyda Muskii layga soo galay miyaa dhaxani mowleysay Goortaan wax milicsaday miyaan cadho madoobaadey Midigta iyo bidixdii miyaa midiba meel aaddey Markabkaan ku tiirsaday miyaa meeshii laga qaaday Maxamuud Saleebaan miyaa marada loo taagey Mililkiyo hurgumadii miyaa uurka igu miirmay Sidii aar mudi ahaa miyaan micida soofeystay Ma inaan colaad maamulay dani i moodsiisey Majeerteen Ilaah wuxuu ka dhigay malab sidiisiiye Sidii miraha Doocaan ka baxa muudsey aadmiguye Nin waliba wuxuu mihindisaa inuu magawshaaye Agoon maalki laga qaadayoo meel kastaba jooga Mareykaanka naagaha xidhee madaxa loo saaray Oo mudanayaashii jeclaa mawdka laga yeelay Dadku mowdka waa iska ogyohoo maalikbaw qoraye Meydka iyo raqdoodii miyaa laga dul maansooday Sidii waxaan muslin aheyn miyaa muxubbo loo laayey Madficii iyo rasaastii miyaa meel kastaba gaadhey Kulli midhaha Daarood miyaa keen isugu miirmay Ma kuwii aan hartiga moodayaa soo mashxaradaayey Maangaab Dhulbahanta ah miyaa nagu malaabeeyey Mergi-kuusyadii hore miyaa muruqa noo tuujey Mahanniga Ugaadeen miyaw mabay xumaanteenna Warsangeliga maahee dadkii mayna wada meershey Inkastoy bahnimo muujiyeen sooma mayl bixine Malkadaan ka sugayiyo may iman mooshin kaan rabaye Haddey ficil maqiiqaan warmuhu nama muquunsheene Macaan iyo xareed bay idaha kaga macaashaane Macna ineeyan noo tarin miyaa meesha ka caddaatay Iidoor marduuf qaada helay waa majnuun falane Hilib maraq leh iyo roodhigey miisanahayaan Macnaha dowladnimo leedahayba uma muraadaane Caynaanshe meeshii la dhigay haadku malafleeye Mudafkiisu waa kii dugaag maalin weyn cunaye Maskaxdiisii waa tii tukaha looga dhigay miile Nabadbay macaansanahayaan wawse maan li'iye Wallee ama magaalada Berbera dhiiggu mulacyeeye Ama sida mawaashiga ratiga mayr lagu saarye Hawiye meel uu joogaba dagaal weyska maanacaye Maankaba ka jare raganimaan meel ka soo geliye Maaraha Siyaad baa ka dhigay maata caanalehe Abgaal oo mihiigaan ka badan jaraha loo miiqye Mudanihii Gabayruu ka diley oo mar soo baxa'e Waxay talo ku goosteen inay moxogga diidhaane Habargidirta mudugjoota ee maashu wada soocday Ee layska maamulanahayoo deyrka lagu meershey Ee sida halah maydabta ah layska maalaayo Iyaba mahadhada waa qabaan ceeb muggooda ahe Murursade iyo Cayr iyo haddii Sacad la miireystay Marna iney maya oran kareyn kama maleeneynin Hadalka hayga moodina inaannu maaran waa nahaye Sidaan maanta nahay yaan la oran laga milroonaaye Maruunbaannu mowjada xirmiyo maayad soo kicine Nabsigaan mugdiga gudahayaa maruun heleynaaye Caruuraha maryaadaya iyo Dumarka mowleeyey Maruunbaa marwada Maxamed qabo noqon masaalkoode Maruunbaa mid lagu meel maro iyo maahir noo kiciye Maruunbaa rag wada miiggan miiddi soo bixiye Maruunbaa madhada Caabudwaaq miig ku soo degine Ninkii tiisa maamulan karaa kuu muraad falahe Magaalooyiyo lama martiyo lebiyo meygaage Bal inaad idinku naga maarataan wax is moodsiiya Afartaas intaan miin ka deyey meel ma qabadsiiyey Ragbaa gabayga meermeeriyee marindhac maw diidey Macna kale waa hadal yar aan meesha kala yeele Maraweyntii reer Cumar ahayd meher xalaaleeye Midguhuba ma yeeleen waxay madaxa saareene Aw Muuse gabayguu marshaa meesha soo galaye Waxba yaan micna la'aan xarago suuqa lay marine Waxba yaan matoobi iyo shaal lay mardaadine Waxba yaan dad mudan baannu nahay lay maqmaqashiine Haddaad geel mulki ah leedohoo xero u maageerto Mareerkiyo galoolkiyo haddey magacley daaqeyso Oo kuraygu muraha u sidoo maraq u dheesaayo Ninkii maagistaada iyo fidmada muhashadeed haysta Haddii uu martabbadaadi hore sax u maleyn waayo? Marka hore midbuu kaa qalaa muunad loo dhaline Murre haddey dhadhami weydo iyo dacar la soo miiray Oo uu raggii maali jiray soo mur bixi waayo Muluf iyo haddey wada mohollibiin tuunsan Doqontii maldahan hawga biqin maayal dirireede Mar labaad rogaal weereraa lagu mayiiraa Oo muqalladoodii rag kale garabka meershaa'e Cabdulqaadir bay maraqsadeen maalin duhukiiye Mishingaanku goortuu dardaray mahad ma moogeyne Macaan dhereg la'yahay ceebtu waa meheraddiiniiye Nimankii middida saaray baa meel la hurudeene Ood waliba maamuus salaan ugu mihiibteene Inaad diini magantiis tihiin idinma moodeyne Dabadeedna muurmuursigii lagugu meydhaanye Toban iyo toddoba madax ah oo uuskii laga maaxshey Is maxamuudintiinaas xun baa loo makaabsadaye Mahwigii xalwiyo laga tuur malawgi dheeraaye Cirro inuusan meel roon ka dhalan waw makshuuf qabaye Magac ba'aye Ciisaan lahaa way mitidayaane Cismaankii is maahuurin jirey malihi beenowye Haddii muran dhexmaro reer tolkood ways mutuxiyaane Goortey shisheeyaha mutaan reer marti xumooyin Raggi shaaribbada miiqi jirey waa makaan dumaye Waa taad majeerteen yaryare nagu magacowdeene Murti haddaad la haydeen wax tara lagu muquuneeye Ibraahiinno milanbay qabaan mur iyo deeqaabe Moortaayihii shalay ku dhacay lagu mahlaakeeye Ulud dheer middii lagu dhiftay doc ula miiqmeene Mottarkii shirshooruhu markuu kor u muquufaayey Allaaba waa gargaar meel maraa ugu miciintaane Goortii la mariyaa kalgacal wada maqsuudeene Ninba maalinbaa loogu iman maxastadiisiiye Qoladay markaas haysataa kaga maqnaateene Xasidnimada maarowdey waydiin macaantahaye Mahwiga Cali saleebaan haddaan mirar ka faaleeyo Waa niman mallay inay gurtaan maanka kaga taalle Waa niman aan ficil muujin karin maalin lays galaye Iyagoo malyuun iyo malyuun mira saruu dhaafay Waa niman masaakiin yaryara lagu masaalaa Waa niman micnaha ay wataan lala mashquulaa Waa niman mucaarad iyo toos aan midna ahayne Waa niman aan meelna uga jirin miis rag leeyahaye Malagii walaalkii nin jecel murugo waw kowe Ragga lagu malkhadayaa waa mahurtadiinniiye Maruun inaad is deydaan way kaa madowdahaye Mataraariyaha lagu furaa keligood moodeene Goorti mir iyo mayrac iyo malabsi loo laysto Inaad adigu marax keyda tahay wayska moogtahaye Muusiyo Ismaaciil bahdood kama masuugaane Mar haddey makaabbada jebshaan maara laga waaye Magli kugu dhegayey sidiis wax u maroorshaane Marse haddan kor u qayliyoo mirar u yeeryeero Moxorkii jeceeleed haddii firimbi mawleeyo Haddii aan magaalada qandala oohin ku ag meero Madaxyada walwaaleed haddii belo muluufaanto Ceelkii mareegsane haddii qiiqu mulufleeyo Marsabadiyo xeebaha haddii laysu mariwaayo Maskantii haweenkiyo haddaan marashi dheer qaato Madal laysu soo baxay haddaan muusanaw kiciyo Waxaan maanka ku hayaa inuu maata doox dhicine Annagoo makiinada laliyo moodhar ku ordeyna Oo caradu naga muuqataa mowqifkii imane Eebbow waxaan maagganahay yaa maslixidoonna AQYAARTA GABAYADII KHALIIF HADAA HAYSAAN SOO QORA
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, March 12, 2001 - 09:23 am HAYAAAAY CALI YAROOW, AFKAAGA CAANO LAGU QABAY, OO KAALAY WIILOW CALISALEEBAANKA MA CALI YARAA LA YIRAAHDAA!!!!. WALAALOW WAAD KU MAHADSAN TAHAY GABAYGA QURUXDA BADAN INKASTOO AAN JAWAABTAYDII MAQAL. WAXAASE YAAB LEH IN LABO NIN LAGU DILAY BOOSAASO: TALOW MA WAXAA DILAY KUWII UU KHALIIF SHEEGAY: Cismaankii is maahuurin jirey malihi beenowye Haddii muran dhexmaro reer tolkood ways mutuxiyaane Goortey shisheeyaha mutaan reer marti xumooyin CISMAANOW BAL AANU ARAGNO WAXAAD KA GURTAAN,HADAAD KEENTEEN INAAD DISHAAN NINKEENA, WAXAAN OGAA IDINKOO CALISALEEBAANKA NINKOODA DILA, LAAKIIN WAXAAN CISMAAN YARE KA QUUSTAY GOORTAY DILEEN NINKII WADADA U DHISAYAY 'ENGINEER CIISE'. HADA MA WAXAY TAAGAN TAHAY ANAGA IYO IDINKA.BAL AANU ARAGNO WAXAAD KA GURTAAN REER MIJIYO GAABGAAB.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, March 14, 2001 - 10:02 pm to;reer dhamaantiin marka hore dhamaan waan idin salaamay. marka xigta waxaan ahay nin cumar maxamuud ah oo reer xirsi ah waxaan halkaan ka oran lahaa in marka hore aan qabiil laga hadlin ileen meeshani waxaa loo furay beesha pl aad kaba hadashaanee mo ogtahay qofkaad lahadlayso ma HAWIYAA, MA ISAAQBA MA DAAROOD KA KALAA?. Ma isaga jawaabaysaa sida adigoo qofkii hortaagan Waxaa jira dad badan oo isticmaala magac qabiil asagoo ugala jeeda sii uu isugu gooyo walaalaha isla dhashay asagoo marba magac wato haduu uu yahay qof u dhashay qabiilk=daas waa qof aan inaba hayaraatee wax caqli ama dhiig walaal nimo ku jirin sabobtoo ah war saxaafadeed meeshan lama yimaadeen internetkana kama sheegeen walaaladii qaladkooda asagoo laga yaabee inuu xalinkaro asagoon hadalka u qarsoon yahay.marlabaad Aniga ahaan waxaa qabaa dadkaas magaca qabiilka xambaarsan inayna ahayn dad u dhashay ama haday udhasheen inaysan lasocon heerka soo maaliya taagantahay ama dad yar yar oon siyaasadii qalad kafahansan ee waxaan idin oronlahaa aniga intaad iska daysaan maxamuud saleebaan&cali saleebaan waa dad wada dhashee ordaya camal yeesha ama ku fikira sidaad horay u socod ugu yeeli leheedeen maamul goboleedkiina mida kale miyiidaan ogoyn in in OWRTABLE,LEElKASE,DHULBAHANTE,WARSANGALI, MAAMULKA PUNTLAND IdinLA WADAAGO WAA IDINKA DHAHAYEE ANAGOO MAJEERTEEN IYO ANAGOO MAJEERTEEN C/LAHINA UU UDHEXEEYO DADKAAS DEEGAANKA WADA AH HADUU QALDANYAHAY IYO HADII KALEB, MAJEERTEENA DADKAAS AYUU LASIMANYAHAY WAR MIYAAN KU QALDAMAY ARINKAAS HADAAN QALDAHAYNA WAA LI QABANKARAA OO DADKu way is QABTAAN WAAD KU MAHADSANTIHIIN AQOON ISWAYDAARSIGAN AAD MEESHA KEENTEEN WAA WAX LOO BAHANYAHAY??????????????? BY;HUSSEIN
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, March 20, 2001 - 07:00 am To: Hussein Duqa Runta ayaa ka hadashay meeshan Cid walba ayaa waxay rabto iska sheegata. waxaa laga yaabaa in hal qof uu toban magac oo kala duwan wax ku qoro isaga oo uga dan leh inuu ummadda walaalaha ah qoorta isu geliyo. Laakin waxaan rajeynayaa in haddii aynu nahay reer Puntland aynaan diradiradaasi dheg u dhigin. Puntland forever and ever...........!!
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, March 25, 2001 - 01:02 am War raggu muxuu sheegay? Boowayaal arligii wax war ah??
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, March 25, 2001 - 02:15 am Mar 22 (HOL) - Koox dabley ah oo hubeysan oo sida la sheegay daacad u ah xildhibaan Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa saakay subax rasaas la beegsaday hoteelka ay dowladdu deggan tahay ee Ramadaan ee magaalada Muqdisho. Hal qof ayaa ku dhintay rasaastaas oo lagu liishaamay dabaqa sare ee hoteelka. Hadal rasmi ah kama soo saarin dowladda KMG ah arrintani, hase ahaatee xubno ka tirsan dowladdu waxa ay ku warrameen in weerarkan uu ahaa mid kama' ah oo aan ku tala gal ahayn, halka dhinaca Maxamed Dheerena uu sheegay inuu isagu lahaa gaarigii tiknikada ahaa ee rasaasta ku furay hoteelka oo uu saarnaa qori noociisu yahay kuwa lidka diyaaradaha. Qaar ka mid ah ciidammada u xareysan Dowladda KMG ah iyo kuwo boolis ah ayaa goobjoog ka ahaa barxadda hoteelka markii uu gaarigaasi tiknikada ah rasaasta furay saakay barqadii. Ma jirin wax iska hor imaad ah oo goobta ka dhacay, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ahaa. Ciidanka boolisku, waxa ay hadda isku dayayaan inay ammaanka adkeeyaan, mana ahan dhacdadani tii ugu horreysay ee lagu weeraro hoteel dowladdu deggen tahay. Waxaa bishii Oktoobar ee dhoweyd weerar lagu qaaday hoteelka Kaah oo ay deggenaayeen xildhibaanno ka tirsan Golaha Baarlamaanka, weerarkaas oo ay geysteen maliishiyo doonayey inay ka mid noqdaan kuwa loo xareeyey dowladda.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, March 25, 2001 - 02:20 am Washington Dc Somalia is without a government since they ousted the former military regime of Siad Barre in 1991. Since then the country has been in chaos, civil war, and the home of looters, warlords, and international terrorists. More than one hundred fifty thousand Somalis have lost their lives and at least Two million Somalis are misplaced and left the country. After the Somali State and dignity was traded to a mad land, 13 conferences variously hosted or convened by US, UN, Ethiopia, Djibouti, Egypt, failed to make any progress. In 1999, the Djibouti president Mr. Geele took a burden that seemed so easy at the time when he told the UN assembly that he would convene and host a Djibouti peace process. Mr. Geele wanted to start the process from bottom-up, and emphasize the need of federal system as a governmental form for the re-integration of the Somali people, but things were diverted from it's original direction when he put in charge of the process to the warlords, collaborators of the warlords and criminals of the former ministers and generals who caused all of this. The Djibouti peace talks, lasting from May to August 2000 and attended by over 2000 delegates appointed a 250- seat transitional assembly, which by name elected Abdulqasim Salat Hassan as interim president. According to the peace talk participants, the peace plan became power struggle and pick and choose plan. There was considerable optimism that the new president would be able to re-establish a central government in Somalia and end the chaos and violence with which the country has become synonymous. The Djibouti initiative, however, has been criticized for not achieving its original aims. None of the principal warlords, who oppose the initiative, were present at the conference and their absence diminishes the chances of a successful reconciliation - which could easily be derailed by their armed militias. Nor were there any representatives from the self-ruling areas of Puntland and Somaliland. Some believe that the new initiative is merely an attempt by Guleed to secure a pro-Djibouti government and profit from international praise. That believes was backed by reliable sources that indicate that the Djibouti Tycoon Mr. Borre played a big role on the election of Mr. Qaasim, by spending Five million dollars on bribes and some of the participants received Money and gifts. The timing is right when President Ismael Omar Geelle appears to be strengthening his power by constraining the opposition through detention without trial and curbing the media's freedom. Djibouti is crippling with poverty and 40 per cent unemployment threatens social stability. Djibouti's main import is Qat, the narcotic of the region, which is grown in southeastern Ethiopia. The average family in Djibouti spends 20 per cent of its income on Qat. That is according to Jane's Information Group. According to a parliament member, Mr. Mohamed Omar Habeb (Mohamed Dheere) who has declared his opposition to the transitional government and left to vacate his position in the Transitional National Government (TNG) because of what he called miss appropriation of funds, mismanagement of some of the members, and corruption in the assembly. Mr. Mohamed Dheere denounced his support of the TNG and accused Mr. Qaasim for playing the clan card, which he favors, his clan's men. On his radio interview Mr. Mohamed Dheere stated that there are 45 parliament members, which is an accounted to no one and doesn't represent any group, he said their only job is to pass the vote for the favor of Mr. Qasim. He also accused the TNG for not keeping their promise and their charters. According to the SDC and SSC sources in Mogadishu " Serious difference have emerged between Mr. Abdi qaasin Salat Hassan and his Minster of interior Mr. Dahir Mohamed Shiekh (Dayah). A number of the TNG members defected including Col. Omar Haji Masala and Bashir Farah Kaahiye and more TNG members are also planing to defect. SDC, SSC, and the rest of international communities are predicting the rise and fall of the shadowy government of Mr. Qasim, when the new authorities work from Hotels and hire gunmen for protection and loosing their grip of the power of the city they inhabit (Mogadishu). Not to mention the threat they have from the leaders of over eight Somali factions who are meeting in Awasa (Ethiopia) to find out how they could put aside their differences and create a joint forum and establish an administration in Somalia. Reports say this is the first time that Somali factions have come together to oppose the TNG which was formed in Djibouti last year, and they resolved their difference report added. The TNG with grasp of its last breath started poisoning and working to draw the conflict the peaceful Puntald State by organizing anti Puntland propaganda and programs that undermine the stability of the region. Somali Support Committee as the rest of the good conscious Somali people are displeased by the government made in Djibouti of Mr. Qasim. SSC will support, work closely and welcomes all those who sincerely are working to get back their lost dignity and state as the rest of the Somali's inside and outside the country. SDC and SSC are closely monitoring the outcome of the faction leaders meeting in Ethiopia and hopes will have fruitful conclusion by advocating the regional autonomy and federalism. Finally, we call upon the international communities and the UN not to fall victim to the tricky mishaps of the corrupted so called leaders of Mr. Qasim and his followers, thus rewarding the peaceful self ruling States like Puntland and Somaliland. Mohamed Abdullahi Founder and Chairman of Somali Support Committee and the Somali Development Council Non Governmental Organizations created to help examine the long- term political solutions and economic initiatives in Somalia Contact: ssc-sdc@hotmail.com
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, April 09, 2001 - 04:31 am ARI MEEYE CALI-SALEEBAANKII MEESHAAN KA HADLI JIRAY, MA XIJI GURASHAY AADEEN, MISE DOON RARASHO. IYUNA!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!. HAHAHA HAHHAHHAA HAHHA HAHAHAH LOL LOL LOL
|