Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government (Current): DHIIGYACABKII XUKUN DOONKA WAXAA BEDDELAY DHIIGYACAB LACAG-DOON AH
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdikarim hassan

Wednesday, February 14, 2001 - 01:22 am
Waxaa hore dalkan iyo dadkan masaakiinta ah u
burburiyey kuwo xukun doon ah, oon wax naxariis
ah la heyn iyagoo adeegsanaya magacyo qabiil la
soo dhoodhoobay.

haddaba saaxiibayaal waxaa ka sii daraaday xukun
doonkii dhiigyacabka ahaa kuwo lacag doon ah oo
u hamuumaya inay isa sii-raaciyaan shacabkan
masaakinta ah.


shacabkan masaakiinta ah ma heysto cid dan
u wada ilaa iyo maalintii xornimada la qaatay
haba ugu sii daraato dawladdii kacaanka oo laga
dhaxlay qabiil, musuqmaasuq, xaasidnimo iyo
xukun jeceel.

waxaa iska cad saaxiib in reer carta ay isugu
biyo-shubteen xukun doon, lacag doon iyo dhiig
doon.

abdiqaasin iyo mohamed deylaaf waxay ku heshiiyen
inay dabargooyaan shacabkan horeba u baaba,sanaa
wixii ka haray, iyagoo adeegsanaya arrimo kala
duwan, sida dhiig daadin iyo soo sameyn lacago
been ah maalin kasta.

ugu dambeyn saaxiib adiga ayey kuu taal sidii
aad naftaada, qoyskaaga iyo qaraabadaada aad
u badbaadin lahayd ka dibna aad wax ugu qaban
lahayd walaalahaaga soomaaliyeed ee dhibaataysan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

farriid

Wednesday, February 14, 2001 - 02:07 am
to abdikariim hasan

s/c

sxb wali ma D-kmg ah ayaad kalaalaadaa waxaan u malay nayay inaad xoogaa rayi ahaan ka tanaasushay waxyaabaha qaarkood.

hadii malinkii lasoo dhisay qolooyinka aad marwalba ugu yeerto kooxdii carta.
taageero buuxdo ayka heli lahaayeen shacabka soomaaliyeed waxaa markiiba soo laban lahaa kala danbayntii iyo sharcigii.

taas oo dad badan oo soomaaliyeed laga waayay kalsooni iyo taageerid toona.
markii waxdhacaana eeda dusha ka saarayo inay kulug leedahay D-kmg ah,

ma xumo in dowlad walba iyo cidwalba oo masuuliyad haysa ay leedahay mucaarad iyo dad eedeeya. hadana waxaa ka horeeya mucaaradka wixiina kugu ilaashanayo hadhowna kugu eedaynayo inuu marka hore kula toosiyaa hadhowna kula ilaaliyaa.
hadii kale wuxu eed iyo wanaag waydhaafayaan waxayna isugu biya shubanayaan necayb iyo cadaawad.

waxaan kadoodnay waqti badana ku luminay inaan isla meel dhigno inay wanaag keeni karaan hadaan wax u dhiibano kooxda carto.
arintaas wayku mari wayda adiga marna.
nimanka aad diiday adiga maadaama aysan ku xukumin kuna ilaalin karin waxaad samayso see eedooda loo saari karaa. arintaas makula quman tahay..

yaaka dhiidhiyay oon D-kmg ahayn dhiitada ay u keeni karto lacagtaan maatada soomaaliyeed.

hal su aal aan ugu danbaysiisto qoraalkayga ma waxaad u furatay mowduucan in aad ku cambaarayso kooxda carto mase waxaa kaa dhab ah in ay ku dhibayso dhibaatada shacabka soomaaliyeed soo wajahday????

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Duullane

Wednesday, February 14, 2001 - 02:29 am
C/Kariim, salaan kaddib, saaxiib waxaan ku weydiiyay siba si bay dhaantaaye markaan toban sano ku soo jirnay dhibka adigu aad og tahay ee dhammaan micnihii qarannimo, dowladnimo, soomaalinimo iyo dadnimo ay lahaayeen dalkeenna laga waayay, qowmiyadda Soomaaliyeedna qarka u saarantay inay map-ka dunida ka tiranto noqotana sida qowmiyadaha Kurdiga iyo Falastiin ee aan dal laheyn hase yeeshee adduunka laajiyiin/qaxooti ku ah aadna u tira badan, ma waxaa fiican inaan wax dowlad u eg yeelanno toban sano kaddib oo dagaallo sokeeya dalka ka jireen MISE inaan tobannaan sano oo kale ku sii jirro wixii aan soo marnay??! Dowladdu shan ama lix bilood bay jirtaa, siduu Ra'iisal Wasaare Gallaydh yirina "wiil xalay dhashay lagama sugo inuu berri dhaamiyo", waxaan jeclaan lahaa inaad fahamto qiimaha qarannimada inoo leedahay, waan ku dheeraan lahaa laakiin waqtiga ayaan ii saamaxayn, fursad dambe ha inoo ahaato, nabadey..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

reerxamar

Wednesday, February 14, 2001 - 02:48 am
to.duulane waan ku salaamay waxa aad dowlad leedahay dowlad maaha ee waa shahaada suuryo isu yimid oo raba in ay xaaraanta badsadaan, waayo waa wax lala yaabo dowlad dhahaysa anagaa sicir bararka keenay, anagaana ka qabaneyna. marka shacabku waa dhibaateysan yahay ee allaha u sahlo dowlad cadaalad ah oo muuminiin ah, kuwaan dowlada sheeganaaya ma'aqaan wax aan ku tilmaamo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Duullane

Wednesday, February 14, 2001 - 03:11 am
Reer Xamar, waan kaa qaaday salaanta, meesha ay ku yiraahdeen iyo cidda tiri ii sheeg sicir bararka annagaa keennay?! Dowlad caddaalad ah Ilaahay baan ka barinnay inuu nooga dhigo midda hadda jirta, mid cusub Ilaahay waxba lama aha inuu noo keeno laakiin Soomaali ahaan waa inagu adag tahay inaanu mar kale isu tagno wax walibana hagaagaan!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

fariid

Wednesday, February 14, 2001 - 03:32 am
to duullane

sxb dadka soomaalida ah waxaad moodaa inay ku raaxaysanayaan jabka iyo dhibka haysta walaalahooda dalkii ku dhaqan. kuwa qurbaha ku dhibaataysan. iyo kuwa jahligu fogeystay.
kuwa dhaqankii ka tagay iyo mustaqbal la aanta calankeena haysata..

way yar yihiin inta wax posativ ah ka qorayo dhulka amaba u eg inay wax wadani nima ah ka muuqato.

mowduuc walba ood aragtid qof qof ku maran iyo nin meeli u muuqato ma ahane qof wanaag wado wuuyar yahay inaad aragto.

proffosoro yaa uga yimid jaamacadihii ay dhigayeen si ay wax uga badalaal xaalada dhibaato oo daba dheeraatay.

dad ayaa naftoodii u huray inay ku laabtaan dhulkii oon nabad noqon walina dadkii dhiigii kala iibsanayo.

dadbaad waxaad moodaa inuu ilaahay u abuuray inay carqalad iyo meesha foosha xun oo kaliya ay waxka til maamaan.

lakiin waxaan rajaynaynaa inaan aragno malin maal maha ka mid ah dhulkeena oo si kale u eg iyo jawiga siyaasad nololeed oo aad isku badalay..


to.reer xamar.

duqa intee ku aragtay qofleh dowlada ayaan ka tirsanahay oo anaga ka danbaynay.
waxay ku sigatay in lagu kala tago qaar badan oo ka mid ahna ay is casilaan markii lacagta lasoo daabacay..

inta aanka warqabnana dadaal dheer ayeey u galeen say arintaan wax uga qaban lahaayeen qalooyinka dowlada, ayaga oo awoodoodu ay maanta talaabo ka qaadi karin cida arintaan ka danbayso.

lakiin kolay aragtida adiga meel unbaad kasoo qaadatay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

waxgarad

Wednesday, February 14, 2001 - 07:35 am
aniga lama yaabani cabdiqaasim iyo tuugadiisa ee u soo dhigtay inay ummada cunaha qabtaan, laakiin waxaa iga fajacisay ninka tuugadaas u durbaan tumaayo oo leh waa xalaal, omar faruuq iyo xertiisa,nin aan u jeedin ma lahan inay tuugo isbiirsatay yihiin oo waxay u soo xayteen inay dhiiga shacabka jiqaan.
kii u sacab tumana ogow in beri aakhiro hal meel la idinka soo wada saari doono.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

waxgarad

Wednesday, February 14, 2001 - 07:43 am
duulane iyyo fariid waa kanaa ka bogta xaqiiqda reer carta.


The recent unanticipated hyperinflation has done substantial harm to economic efficiency and equity. Whereas 11 000 shillings would buy a dollar on last Wednesday, 15 000 were needed on this Wednesday, the currency's all-time low. The inflation rose high horribly decreasing the value of Somali Shilling. Inflation is again rampant and the price of everyday goods has soared, leading to demands that this practice to be put to an end once and for all. Such a reckless exercise might renew violence if food prices increased sharply. It hurts millions of people while few individuals benefited.

While inflation is quite common to many economies but anticipated inflation creates fewer problems compared to unanticipated hyperinflation. Since 1991 there have been a number of attempts by factional leaders to print new banknotes, with which they could fund their rise in power and influence. Somali currency was printed, especially during UNOSOM’s presence, but traders were usually aware of its existence, and the amounts printed were never enough to cause major concern.

The latest banknote shipment printed in Indonesia marked the seventh time in four years that businessmen have imported Somali shillings and has caught people by surprise. Somalia may soon face similar situation of Germany, Poland and Hungary faced in the 1920s. To buy a handful of groceries, they needed a shopping cart of currency. If that happens the Somali currency may soon collapse.

Businessmen and "freelance" operators along with warlords have run the country, which does not have banks. Privatizing the national currency in this way can eventually have serious negative impacts on the economy, especially if it means dollarization. There was complete freedom of the foreign exchange market, the Somali shilling rules between Kenya and the Horn, with only a small part of the Northwest region using the SlSh. Therefore, apart from this area, there is a common market, and monetary union. If the Somali shilling is destroyed, there may be a delay before the dollar takes over.

The most affected are small traders and thousands of internally displaced people (IDPs) in Mogadishu. Majority of IDPs was dislocated from their farms and houses in Lower Shabelle and sought refuge in Mogadishu by making makeshift homes in abandoned government buildings. With the latest influx of fake currency they are in verge of starvation.

Without bargaining power as employee and lack of government to look after them, the IDPs are left to the mercy of ruthless businessmen. These people are systematically denied their right to lead a normal life by depriving the essential daily ration through inflated prices. This act constitutes gross human rights violation.

Assigning the Culprit

Four different local currencies circulate in Somalia, introduced by different political and regional groups. On several occasions since then new bank notes printed by various warlords have come into circulation.

In 1996, Mohamed Farah Aydiid struck a deal with a Canadian printing company and a Malaysian (Adorna) intermediary for a massive number (165 million) of new banknotes. He received the first consignment, and used this to maintain the strength of his alliance. More recently, his son, Hussein, tried to do the same.

In 1997, warlord Hussein Mohammed Aidid had millions of dollars worth of shillings minted in Canada and used them to pay for his gunmen and supporters to maintain his illegal occupation of fertile land of Bay region and Lower Shabelle.

The interim government is reported to receive a cut of the proceeds from such deals and it relies on this percentage to pay civil servants, and rent for its offices. But though the money may keep the interim government afloat, it has ruined the fragile economy that operates in Mogadishu and in other regional centers including Baidoa and Bossaso.

This is the second time that the interim government becomes involved with the importation of fake currency. Last October businessmen close to the TNG imported planeload of fake shillings. It was reported A/qasim Salat, the interim president, personally ordered the use of the money despite the protest from some of his cabinet member.

On Tuesday, some of Mogadishu dailies reported that the interim prime minister, Mr. Galaydh, struck a deal with the money dealers and agreed to transfer 60 billions shillings to the government. At the same time the TNG issued press release condemning this reckless practice. The hypocrisy of TNG is apparent from; first its claim of not being involved in this shameful exercise while controlling the airport used to money trafficking, secondly, it is reliance on businessmen who are responsible for the trade of illicit currency. TNG use of new shillings for its expenses has similar effect - it will not bring any productivity to the economy.

Malaysia, Indonesia and Canada are the popular countries that allowed the few Somali businessmen to profit from this unholy business in the expense of millions of poor families.

Indonesian company, Pt. Pura Baru Kudus, is involved in printing new Somali bank notes in Jawa of Indonesia. It is said that more than US $ 4 million worth of Somali bank notes is being printed under fake license and authority from non-existing Somali government. While Malaysian and Canadian companies also printed and facilitated the shipment of large quantity of illicit currency.

Notorious businessman Mohamed Abdulle Daylaaf and his infamous counterpart Hussein Goley are among several businessmen who are responsible for importation of fake shillings on several occasions.

Conclusion

Whether the Somali shillings is collapsed or has a chance to be rescued is depends on how people resist against the fake currency and what TNG will do with the money that is transferred to her. With Somalia's collapsed economy, almost 99% of unemployment rate with majority of the people have no assets, the circulation of newly printed fake money into the market will do irreversible damage to the economy and to the people specially the poor.

It's early days TNG reiterated that the government is for the poor. To date it has failed to live to its promise. Before six months 1USD was exchanged with less than 1000 shillings. Now the shillings lost 40% of its value. The new fake currency must not be allowed to enter the market (burning is the only option) and those responsible (businessmen and TNG officials) must be tried for crime against humanity.

On the other hand, a new currency may be introduced. Replacement of the national currency with dollars, or a new currency will, therefore, have a negative impact on business (by raising the cost of transactions), and on the poorest sections of the Somali population (due to inflation first, and the indivisibility of the US dollar in the country). There are also political costs to creating a new monetary union, which can hardly be afforded at this time.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdikarim

Thursday, February 15, 2001 - 01:22 am
TO FARID IYO DUULANE

S/C

Salaanta islaamka ka dib, saaxiibayaal yey
yihiin kuwa dhibka wadaa miyaanay ahayn kuwa
dawladda sheeganaya, ma waxaad tihiin kuwo
aan dareemayn dhibaatada lagu hayo shacabka
soomaaliyeed mise waxaad isku dhinac tihiin
kuwan dhinac kasta ka curyaamiyey shacabkan
horeba u dhibanaa.

fariid saaxiib aniga ilaa hadda iima muuqato
sabab aan ku tageero tuugo u heshiisay dhibka
shacabka soomaaliyeed.

haddii ay yihiin dad somali ah oo islaam ah
maxay wax ugu qaban waayeen dadka masaakiinta
ah ee gaajada, haraadka ugu dhimanaya hareeraha
magaalada muqdisho o keliya.

ilaa hadda ina salaad boy guruubkiisu ma jirto
wax ay u qabteen shacabka somaaliyeed dhib-mooyee
aan ka aheyn sicir barar, lacago been ah iyo
dhiig daadin.

fariid saaxiib aniga waad aragtaan in aannan
marna taageerayn tuugadaas ilaa aan arko cid
daacad u ah dalkan iyo dadkan hayga sugin in
aan taageero tuug iyo tuug caawiye.

fariid saaxiib haddaad jeceshay in aan taageero
reer carta maxanu ku taageeraa ooy qabteen aan
ka ahayn dhib.

fariid saaxiib waan jecelahay in aan arko
dawlad caddaalad ah oo ka dhalata dhulkeena
hooyo sida ugu dhaqsaha badan.

waa ii farxad in aynu markale ku kulano
somalinet, iyagana mahad ballaaran ayaan
u hayaa una celinayaa, adiguna mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

farriid

Thursday, February 15, 2001 - 04:15 am
S/C
abdikarim hasan sxb aniga hada ma arko dood aan waqti badan ku istic maalno sababta oo ah mowduucu inuu jidleeyahay yuuku fiican yahay.

waxaan u arkaa fowqifka aad u furatay doodan inuu yahay in aad ku dhaleecayso oo kaliya D-kmg ah ama sida aad ugu yeer taba kooxda carta.

wuxuna mar hadii aysan lahayn meel ayku biya shubtaan waalaga fiican yahay in aad kudaasho beer aan baxayn abuurkeeda.
taas waxaan ula jeedaa hadaadan waxaad qabto waxaan ahayn aanan qaadanayn marna mihiin uma ahan aniga iyo inta kale ee kaqayb qaadatayba rayi inay kugu darsadaan mar haday kula caynayn kooxda carte.

waxaa iga yaabiyo mowduucaaga magac adaygiisa iyo saad ugu diiran tahay canbaaraynta dadka dantoodii inta ka tagay u guntaday waxqabadka bulshada..

su aal aanku waydiiyay iigama aadan jawaabin.
fadlan isku day inaad marka danbe iiga jawaabto..

WAA MAXAY MOWQIFKA AAD U FURATAY MOWDUUCAN???

malin wanaagsan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

farriid

Thursday, February 15, 2001 - 04:15 am
S/C
abdikarim hasan sxb aniga hada ma arko dood aan waqti badan ku istic maalno sababta oo ah mowduucu inuu jidleeyahay yuuku fiican yahay.

waxaan u arkaa fowqifka aad u furatay doodan inuu yahay in aad ku dhaleecayso oo kaliya D-kmg ah ama sida aad ugu yeer taba kooxda carta.

wuxuna mar hadii aysan lahayn meel ayku biya shubtaan waalaga fiican yahay in aad kudaasho beer aan baxayn abuurkeeda.
taas waxaan ula jeedaa hadaadan waxaad qabto waxaan ahayn aanan qaadanayn marna mihiin uma ahan aniga iyo inta kale ee kaqayb qaadatayba rayi inay kugu darsadaan mar haday kula caynayn kooxda carte.

waxaa iga yaabiyo mowduucaaga magac adaygiisa iyo saad ugu diiran tahay canbaaraynta dadka dantoodii inta ka tagay u guntaday waxqabadka bulshada..

su aal aanku waydiiyay iigama aadan jawaabin.
fadlan isku day inaad marka danbe iiga jawaabto..

WAA MAXAY MOWQIFKA AAD U FURATAY MOWDUUCAN???

malin wanaagsan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, February 15, 2001 - 05:57 pm
Kooxda Carta marnaba lama dhihi karo waa dawlad maxaa wacay.
1-Nimanka horboodaayo nin ay rerkiisa amah gobolka uu ka dashay laga soo doortay ma jiro.
Waxay ku riyoonaayaan sidii M. S. Barre iney umadda Somaliyeed kulligeed ay Xamar ka xukumaan ayagoo adeeganaaya qoriga caaradiis. Waxii waddanka soo gala waxey doonaayaan iney afka iska mariyaan.
Haatanah waxey la yimaadeen sheeko cusub oo ah in lacag been la soo daawacdo bilkasta ayagoo og umadda somaliyeed waxii ka haray iney gaajo ku dilaayaan.
Ma umadda Somaliyeed baa maanta been loo sheegi kara lana dhihi karaa tageera tuugada Carta?
Uma maleenaayo iney jirto, hadii laga reebo mooryaanta uu ka dashay reer Abdiqasiim oo umaddi Somaliyeed iyo dhulkiiba laqday haatanah ku taaheesa dhulka ay xogga ku heestaan mooye inta ka hartay iney lacag been ah ay ku iibsadaan madaama ay dawlad isku sheegaayaan.
Sidaa kali ah ay dawlad xag ah ku dhismi kartaa waa ayagoo lagu kala celiyo tuugada Carta iyo mooryaanta hoos carareesa gobolladii ay ka yimaadeen lana dhaho "Intaad dawlad sheegan marka hore gobolkiina maamul ka dhista ka dibnah dadkiina ha idiin soo doorteen".

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Guuleed S

Thursday, February 15, 2001 - 05:57 pm
Waa idin wada salaamay,

"Qofeey meeli u cadahay, meeli ka madoow" waa maamaah awoowayaasheena Soomaaliyeed aan ka dhaxalnay. D-KMG, lix bilood ayeey dhisan tahay, 1991-2000 inta u dhaxeeysay lacag baa wadanka la keensanaayey oo been ah, saa dowlad dhex maba jirin. Lacagta maanta la keensanaayana horeyba wey u socotey.

Adinka iyo anigaba waa ognahay in D-KMG waxba ka qaban karin hadii arinka leysku xumeeyo, ciidan adag oo amaanka lacagtaas ilaaliyo iyo Bank dhexe midna wali dowlada KMG ma yeelan.

Wali waxaa dhinica Xamar degan jabhado awood adag haysta oo aan dowlada ku meel gaar ka ah, aan raacsaneeyn, ganasadayaal badan oo aan dowladda raacsaneeyn oo xamar jooga iyo agagaarkeeda, iima muuqato wax weyn oon ku eedeeyo dowlada KMG.

Qofeey meeli u cadahay, meeli ka madoow waxaan u leeyahay qof awalba diidanaa dowladaan KMG ah, hadeey wanaag sameeysana uma muuqaneeyso oo xumaan maahee meelka kale uma muuqaneeyso.

,,,,,Abuu-Jahal, ayaa la weydiiyey war maxaad ku diidantahay NABI-MOHAMED (ss)?
Jawabtiisii, waxeey noqotey in uu yiraahdo reer Haashimi oon Qoreeysh isla aheeyn waligood nagama fiicnaan nagamana sara-marin, laakiin maanteey noo sheegteen Nabi baa naga dhashay, anaganna hadaan reer Abdi-munaaf nahay ilaa nabi naga soo baxo sidoodoo kale yeeli beyno nabinimadiisa. Hadalka wuu sii watayoo wuxuu yiri waa Abu-Jahale, geesi baa ka soo baxay reer Haashimi annagana waa yeelanay; gabdho qurxooni bey noogu faaneeneen annagana waa la nimid; taajirnimo bey sheegteen annagana waa naga dhasheen; maantey bey waxeey noo keeneen NABI baa naga dhashay annagana hadaan nahay reer Abdi-munaaf taas diidnay.

Gabagabadii, dowalad KMG ah, ganacsatadda lacagta beenta ah keensatay, calaa aqala wey kala xaajootey in ey dhibka dadka haysta ka joojiyaan. Intaas xataa waa la ruuro aan la haysan muddo toban sanno ah. Dagaalka sokeeya dhibkiisa wali managa dhamaan wuuna socdaa, lacagtana, waxeey ka mid tahay dhibaatooyinka dagaalka sookeey ee na dhex-yaal.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

reerxamar

Friday, February 16, 2001 - 03:35 am
to.duulane iyo fariid, horta waan idin salaamay anigu waxaan deganahay yurub intii uu shirka carta socday iyo intii uu ka dhamaanayey waan la soconey oo weliba waxaan hormuud u ahaa dhaliyaro iskoo isu abbabushay oo rakibatay diish si ay ula socdaan shirkaas hadii uu dhamaadayna waxaan dhigna laba xafladood oo mid loo qabtay soomaalidii deganeyd magaalada tan kalena dadkii ajnabiga ahaa ee aan la deganeyn. sidii ayaana dowlada ugu haayey taageerada howlo kalena waan ku dhexjirnay taas in ay run iga tahayna waan kuu dhaaranayaa "salaad jimca ah ayaan soo dukaday ilaah igama aqbalo hadii aan been ku daray" ilaa iyo laga soo gaaro markii ay soo ifbaxday lacagtaan waxaan aaminsanaa "dowlad xumi dowlad la'aan ayey dhaantaa" wax walbana waxay iga hayd
mar uun hala helo kala danbeyn. laakiin markii aan maqlay lacag ayaa kasoo degtay balidoogle DKM iyadaa balidoogle maamusha,waan ka xumaaday waxaana indhahayga illin ka keenay markii aan maqlay nimankii lacagta soo sameeyahy mid ka mid ah gurgiisa waxaa hor taagan naag lix caruur ah wadata oo wax ay siiso weyday. anigu hada shaqsiyan waxaan aaminsanahay "dowlada xumi waa dariiqii loo marayey dowladnimo la'aanta"...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

farriid

Monday, February 19, 2001 - 03:25 am
to. reer xamar

sxb horta qiiro wadani nimo yaad igalisay. waxaan ku faraxsanahay in ay wali dunida kunool yihiin dad dhiigii wadaninimada gu danbeeyo.

taas waxaan ula jeedaa sida jirkaaga uu u diiday cadaalad darada iyo saad ugu danqatay dhibaatada soo foodsaartay danyarta somaliyeed iyo dhibaatada ay lacagta lasoo sameeyay keenayso..

sxb waxaa la xugmiyaa qofka afkiisa uurkii rabi cidaan ahayn ma ogaankarto.

inta aadan la laaban kalsoonidaada bal dib ufiiri in ay waxka jiraan iyo inkale waxa dhagahaaga kusoo dhacayo..

sxb D-kmg waxlug ah kuma lahan lacagta been abuurka waxayna sheegeen inay la dagaalama doonaan intii awoodooda ah.

waxna waanka aragnay inay kasameeyeen haba yaraadaan taasoo awoodoodu ay intaas ku egtahay.

waxay cadeeyeen in aysan la wareegin elaborka balidoogle wali gacantana ayku hayaan wali maleeshiyadii horay u haystay.

ayna ku dadaali doonaan inay la wareegaan balidoogle. inay abuuraan ciidamo dowladu leedahay oo u adeego qaranka. wixii sharciga aan waafaqsanayna qabta..

waxaad ka ogaan kartaa tilaabooyinka ay qaadaan iyo dadaalka ay ugu jiraan waxtarka dalka.
http://www.somaligov.com/ halkaas oo ayku soo saaraan dhamaan waxii ay lugku leeyihiin iyo waxaysan awood maanta u lahayn lakiin ay kadhiidhisan yihiin dhibaatada ay leedahay.

sxb waa run in ay dowladxun wanaag iyo horumar toona soohoynayn lakiin waxaan qabaa waxii lagu tilmaamo xumaan inaysan wanaagba lahayn..

aniga ma qabo in dowladeena noo dhalatay ay marna xumaan leedahay, wanaag mooyo rabina noo barakayn doono insha Alah..

guuleed s.
sxb waadku saxan tahay firadaada waana muhiin inuu qofka dareemi karo waxa horumarka leh iyo jahwareerka haysto umad badan oo soomaaliyeed.

maanta waxaan u baahanahay oo kaliya in aan dareeno saan u maali lahayn hasheena irmaan ee anaga rabi noo hadiyeeyay..

anonymous

sxb waxaan aniga aad u dareen sanahay in dadbadan oo somaliyeed maanta ayka shakisan yihiin in burcad aniy afka buuxsato rabto ay dalkii yimaadeen hadana magac dowladeed wato..

lakiin inta aanaan usha iskala boodin horta aan is waydiino waxa la boobayo intay yaalaan yaase haystoo laga boobayaa..

dhulkeena hooyo waa qani asaga ayaana u baahan in waxlaga soo saaro qofna asaga oon wax xadin yaa hadii la helo cidii tuubada galin lahayd dadka oo dhan ayaga ayaa si fudud ku dhargayo.

maanta ninka xamar oo ilaahay xaaladeeda meesha ay marayso uu arko u tagay jeebka buuxso meel qorax kasoo baxdo iyo iftiin meeluu ka jiro toona kuma dhalan yaan u malaynayaa.
saa waxyaalo oo rabi abuurtay oola qaato yaanba jirine..

waxaan u rajaynayaa dhamaan walaalahay soomaaliyeed in ilaahay xaqa fahan siiyo.
kuwii masuuliyad loo dhiibtana rabi ku xafido.

kuwii dadaal ku jirana rabi u fududeeyo.
wabilah towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ABDIKARIM HASSAN

Tuesday, February 20, 2001 - 09:12 am
TO FARID

S/C

SAAXIIB WAAD SALAAMAN TAHAY, SALAAN KA DIB
WAXAY ILA TAHAY IN AAN MEESHAN JIRIN WAX
DAWLAD LAGU SHEEGO, SABABTOO AH ILAA HADDA
MA ARAGNO WAX LOO QABTAY SHACABKA MASAKINTA
AH IN LAGU DEWERSADO MOOYEE, WAXAA JIRTA IN
LOOGU DEEQAY LACAGO FARA BADAN ILAA HADDANA
MA JIRTO HAL QOF OO KA MIDA DADKAAS MASAKINTA
AH OO LOOGU DEEQAY HAL KG OO CUNTO AH, WAXA
KELIYA EE AY KU HAWLAN TAHAY DKM WAXAA WEEYE
INAY KA ABUURTO XASILOONI DARRO DHUL BADAN
OO KA NABAD-GALAY DHIBAATOOYINKA AY KEENEEN
DAGAALADA SOKEEYEY TAN IYO INTII AY DHACDAY
DAWLADDII SHUUCIYADDU.

WAXAANA II CAD IN DEEQAHA LA SIIYO SHACABKA
SOOMAALIYEED IN AANAY DHAAFIN XUBNAHA DGM.
SIDII HOREBA U DHICI JIRTAY.

WAXAA JIRTAY WAQTIGII DAWLADDII SHUUCIYADDA
IN DEEQAHA LA SIIYO SHACABKA SOOMAALIYEED IN
AANAY DHAAFI JIRIN XUBNIHII DAWLADDII HORE
IYO QAAR KA MIDA MADAXDA DAWLADDAHA DEEQAHA
BIXIYEY.

KUWA MAANTA SHEEGANAYA HOGGAAMIYAYAASHA
SHACABKA SOOMAALIYEDNA WAA KUWII HORE U
SOO BURBURIYEY DALKA IYO DADKABA MANA
FILAYO INAY YIHIIN KUWA WADA WANAAG AMA
KA FEKERAYA INAY HORUMAR GAARSIIYAAN DALKOODA
IYO DADKOODA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jabriil

Tuesday, February 20, 2001 - 11:10 pm
waa salaaman tihiin asxaabta meesha isugu timid.

fariid wax badan oon figradaada arkay waa layaabay sida fiican eed marwalba u hadashid.

lakiin dad qabiil iyo cudur la dhutinaayo aad marwalba ku xabeebtaa.

abdikariim xasan adi dowladii hore iyo tii danbe iyo tii dhexe iyo tansoo socoto iyo tan aan imaan doonin kuli hadii aad diiday. kista cayrta ah ee yurub laga bixiyo maaka macaan dowlad nimadaba.

wixii lagu waydiiyo waligaa si is daba marsan aad uga jawaabtaa.
markii lagu waydiiyay maxaa mowduuca u furatay.maxaad uga jawaabi wayday waa adiga shuuci iyo beesaa laxadi jiray aadaye.

ani waa kula yaabay. dad badana waa kula yaabi doonaan..

fariid keep the good work bro.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Duullane

Wednesday, February 21, 2001 - 04:35 am
Waxaan aad ula dhacsanahay walaalkay Fariid sida waddaniyadda leh iyo afkaarta aragtida fog ee ku saleysan akhlaaqda, islaannimada, maskaxda caafimaadka qabta iyo qalbiga furan nadiifkana ah ee uu goor walba uga qeyb qaato doodda, Fariid wallaahi waan jeclahay hadalladaada Ilaahay ha ku jeclaado, keep the good work bro, runtii mar walba waan kaala qeyb qaadan lahaa doodda laakiin waqtiga ayaa aad iigu gaaban...mahadsanid..

Cabdikariim, ma og tahay dowladda aad dhalleeceyneyso inaad adigu leedahay, dalka aad adigu leedahay, dadku dadkaaga yihiin, runtii muddada aad bay u gaaban tahay dowladdu jirtay haddii aad waxqabad ka sugeysay aad u ballaaran hase yeeshee waxaan tuhunsanahay inaad si kale uun uga soo horjeeddo amaad dad gaar ah qoonsatay, runtii dhibkii la soo maray ee Soomaalida ku habsaday si looga soo kaabto waxaa loo baahan yahay tobannaan sano oo hadda ka dib ah, ilama aha in lix bilood iyo sanad iyo saddex sano midna wax waliba ku hagaagayaan, laakiin DMK si xikmad leh bay ku socotaa waanan u rajeyneynaa inay ku guuleysato xilka weyn ee dusha loo saaray mana sahlana, Ilaahay ha ku garansiiyo faa'iidada inoogu jirta dowladnimada, mahadsanid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ABDIKARIM HASSAN

Wednesday, February 21, 2001 - 08:32 am
TO JABRIL/DUULANE

S/C

SALAANTA ISLAAMKA EE KOR KU XUSAN KA DIB,
SAAXIIBAYAAL IDINKA OO MAHADSANAN HORTA
LABADIINU WAX MA KA TAQAANIINIIN MACNAHA
DAWLADNIMO MISE MASKAXDIINA UUN WAXAA KU
JIRTA DAWLADNIMO.


INTAAS KA DIB ANIGU CIDNA SHAKHSI AHAAN UGAMA
HORJEEDO, DADKAN MEESHA ISA SOO DHOOBAY ILAA
IYO MAALINTAAN ARKAYEY MADAXNIMO AYEY U
ORDAYEEN ILAA HADDANA WAX AY U QABTEEN DALKA
IYO DADKA ANIGU MA ARKIN INTOODA BADANI WAXAY
KU LUGLAHAAYEEN DHIBAATADA SOMALIA KU HABSATAY
WELINA DHIBKII AYEY SII WADAAN.

HADDAAN SU,AAL IDIN WAYDIIYO MAXAAD SAMEYSAAN
HADDII XANUUN IDIN QABTO.

JABRIIL ANIGU CIDNA CEYR KAMA QAATO WAA HADDAAD
RUN DOONEYSO WAAN JECELAHAY DADKAYGA IYO
DALKAYGA WAXAAN KA SOO HORJEEDAA NIMANKAN ILAA
IYO INTAAN GARAADKA YEESHAY XUKUNKA U KALA
ORDAYEY ILAA HADDANA WAX AY QABTEEN AANAY JIRIN
DHIB MOOYEE.


SOMMALIA WAXAA KA DHACAY DHIBAATO AANAY JIRIN
MEEL AY KA DHACDAY ADDUUNKAN AAN KU NOOLAHAY
WAXAANA XUKUNKA U KALA ORDAYAA WAA KUWII DHIBKA
ABUURAY MAANTA INA HEYSTA.

MA WAXAAD RAALI KA TIHIIN RAGGII DHIBKAN ABUUREY
INAY XUKUNKA DALKA HOGGAANKA U QABTAAN.


HADDII JAWAABTIINU TAHAY HAA, MA FILAYSAA
INAY DALKAN IYO DADKAN KA SAARI KARAAN
DHIBAATADA HEYSATA, NIMANKANI WAA XUKUN DOON,
LACAG DOON IYO DHIIG DOON.


SU,AAL KALE MAXAA UGU WACAN MADAXDA AFRICA
INAY XUKUNKA ISKU DHEJISAAN, SAMEEYAAN
MUSUQMAASUQ, BURBURIN DALKOODA, DADKOODA
XASUUQAAAN, MUCAAWINOOYINKA LOOGU DEEQO
DALKANA AY KELIGOOD U QAATAAN.


SOOMAALI AHAAN HADDII AYNU ISLAAM NAHAY
MAXAYNU U SAMEYNAY DIL, DHAC, KUFSI INTAAS
WAA KA XAARAAN DIINTEENA, MASE FILAYSAAN
DALKA WAXAAS OO CUQUBO AH AY KA DHACEEN WELINA
LA SII WADO DHIBKII IN AYNU HELAYNO NAXARIIS
EEBBE.


SAAXIIBAYAAL MASAAKIINTA DHULKOODII IYO
HANTIDOODII LA DHACAY, AGOONTA XOOLAHEEDA
LA DHACAY MA GARANAYO IN EEBBE CAFIS LAGA
HELAYO IYO IN KALE.

AAKHIRO UUNBAA XISAABI TAAL.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Duullane

Wednesday, February 21, 2001 - 11:00 pm
Cabdikariim, salaanta waan kaa qaaday, waad ku mahadsan tahay.

Walaal, waxaad qirtay in wixii dalkeenna ka dhacay ee dhib ahaa adduunka meel ay ka dhacday ayan jirin, marka waxaad og tahay waxa dhacay wax sahlan ma aheyn, su'aasha waxa weeye sidee dhibkaas iyo masiibada dhacday looga baxaa?! maxaase xal deg deg ah ugu yaraan noqon kara oo ummaddan iyo shacabkan gebi ahaan heerka nolosha basharka adduunka maanta ku nool heerka ugu hooseeya maraya dhinac kasta: nabadgelyo, aqoon, caafimaad, bulsho, dhaqan, dhaqaale, horumar, akhlaaq, nidaam dowladnimo, xeer sharci iyo kala dambeyn. Laakiin adiga midda aad ku doodeyso waxay tahay "sidee laysu xisaabinayaa".

Waxay ila tahay suuraggal inayan aheyn maanta in qofna la xisaabiyo, sababtoo ah waxba maanta lama xisaabin karo waa markaan runta ka hadalno oo xaaladda dhabta ah ee dalkeennu marayo aannan iska indha tirin.

Guddoomiye Cabdalla Deeroow waxaa la weydiiyay sidee dadka dembiyada Qaranka ka galay loo xisaabinayaa maxkamadna loo soo taagi karaa, wuxuu ku jawaabay: Annagu xisaabin ma annan gaarin howshayadu waxa weeye Dhiig Joojin buu ku jawaabay, markaan Dhiig Joojinta (qof dhiiggu ka socdo) ku guuleysanno kaddib xisaabin way iman kartaa ayuu yiri. Maanta nin waliba hubna wuu heystaa qabiilkiisana salka ayuu kula jiraa oo wuxuu u yahay malaa'ig aan ceeb laheyn dambiguu doonaba dalka iyo dadkaba ha ka galee

Tan kale ee aan doonayo inaan ku weydiiyo waxay tahay Cabdikariim adiga haddii aad dalkaaga iyo dadkaaga jeceshahay sow mas'uuliyad kuma saarna iyo waajib inaad ka qeyb qaadato wixii wanaag u ah dalka iyo dadka iskuna soo dhoweyn kara ma kula tahay in oraahdaada iyo doodda aad meeshan ka furtay ka qeyb qaadaneyso dib isugu soo celinta dadkaaga. Waxay ila tahay in mas'uuliyad wada jir ah dadka oo dhan saaran tahay oo ah sidii nasiib darradan looga soo kaban lahaa in laga shaqeeyo oraah fiican ee an wax burburineyn balse wax dhiseysa looga qeyb qaato dhismaha mujtamaceenna burburay..Mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

fariid

Thursday, February 22, 2001 - 03:29 am
S/C

waad salaaman tihiin dhamaan dhalin yarada qiimaha badan ee mowduuca ka qaybqaatay. inkastoo mowduucu aad u magac foolxun yahay.

jabriil mahadsanid walaal.

duulane sxb waxaa xaqiiqa ah in umada aanka dhalanay ay u ooman yihiin dowladnimo iyo kaladanbayn ceelkii laga waraabin lahaana inla qodo dad diidan yihiin dana gaar ah owgood.

sxbkay abdikariim xasan waxaan waqti badan ku wada qaadanay dood magacfoolxumayd sida tan waqti badana nooga lumay inaan wax isla meel dhigno.

abdikariim waxaa uu qabaa in dhibaatada somaliya taal ayka soo jeedo dowladnimo,
hadaysan dowladi jirina aysan dhibaato jiran.
sababta oo ah dadka xukunka loodhiibay ama loo dhiibi doono waa kuwii tii hore.

marna uma qalmaan in ay qabtaan mas uuliyad iyo hogaan toona.

waxaan wax badan isku dayay inaan ka qaato wax figrad ah, si aan u ogaado inay noo dhalan doonaan dadkii bulshadu hogaanka u dhiiban lahayd..

taas wax figrad ah oon dhinacna u qaado waanka waayay.
waxaan sawirtay marka inuu saxiibkay aminsan yahay.
waxaan soo xasuustaa 91mar aan kismayo kusoo qaxnay yaa waxaa hooyooyinka u yimid nin wadaad ah oo islaamuhu aaminsan yihiin markii la fariisiyay yuu wuxuu yiri waxaa soomaaliya xukumi doona nin dharcad cad qaba oo bada kasoo bixi doona inta taariiq sheegayna yiri waqti hebelna imaanaya.

hadii sxb kay quraafaadkaas aminsan yahay waa aragti kale.

hadii aan leenahayna cidii wanaaga wado marwalba aan cayno. kan xumaanta wadana aan u sacaba tuno waa aragti kale oo soomaalida caanku tahay ayadana..

lakiin waxaa xaqiiqa ah duulanow dhibku markuu mudo badan hayay dadka soomaaliyeed, wuu saameeyay dhamaan bulshada u dalatay soomaaliya dalka iyo dibada meel walba oyku dhaqan yihiin.

mis si dhaqaale uu dhibku u saameeyay. mid simidab uu dhibku u saameeyay iyo mid siyaaba kale uu u saameeyayna.

arintaas waxay dhalisay in umad badan oo soomaaliyeed ay u guntatay siday dhibka wax uga qaban lahayd dadaal dheerna u galay inay ka tilaabiyaan arintan..

nasiib wanaag waxaa lagu guulaystay in dowlad 10sano kadib la dhiso ayada oo darfaha lagu dhagan yahayna quryar socod u hana qaado.

ayada oo mucaarad fara badan leh yey si guuleh ugu guulaysatay inay dhiiqada ka tilaab taso mudo gaaban kadibna waan arki doonaa meesha ayku danbayso.

sxb waxaan marwalba u rajaynaa umadeena iyo dalkee horumar iyo guul.

somaliya hanoolaato.
cadaygeedana hadhoco.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

patriot

Thursday, February 22, 2001 - 07:58 am
waxaan halkaan ka sii wadayaa raggii dawladii afweyne ku hana qaaday oo marna diidi karayn xukun sidiisa oo kale ah.

general dhiin (mareexaan oo horay u ahaan jiray spotere)
general dhuudhi( oo ilaa hadda aan la aqoon siduu ku gaaray darajada general-nimo)
general shareeco(oo ku mutaystay darajadaas soo saarida heesaha afweyne lagu faaniyo)
general caana geel( spotere police afweyne ka hor)
amxaar* (mareexaan)maareeyihii engi oo ahaa afweyne ka hor dilaal
safiirka(mareexaan) yemen u fadhiyi jiray soomaalia oo afweyne ka hor ahaa postaale post delivery man
safiirka syria(mareexaan) oo horay u ahaan jiray clerk waa ninka ugu macquulsanaa xagga aqoon xafiisnimo ilayn wuxuu ahaan jiraye clerk.
col caana geel( oo la aqoon goortii uu soo galay ciidankii police-ka)
col nuur bidaar( oo ahaan jiray afweyne ka hor spotore police)
iyo waliba kuwa kale oo badan mar kale ayaan idiin soo qori doonaa.
su'aashu waxay tahay abdikariim iyo inta nadiifka ah mareexaan oo wali maskaxdooda ka yeeraysa sahalkii lagu gaari jiray darajada dawladnimo ma diidi karaan tuug kasta oo u balan qaada inuu meeshoodii hore ku celiyo? walow aysan maanta suura gal ahayn oo awooda ay ku jirto gacanta shacabka soomaaliyeed badankeed.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jabriil

Thursday, February 22, 2001 - 09:55 pm
to.petriot

waxaan ka xumahay nin dhalinyara ah oo da daada le eg oo xanuunka qabiilka iyo nacay uu u qabo qabiilkale intaas ka gaarsiisan yahay.

waxaan qoraalo badan oo adiga leedahay aanku soo arkay pundland majeerteen adiga oo difaacayo.

hawiye adigoo caynayaan hadana meel kale kugu arkay.hada waxaykaa maraysaa mareexaan caydi.

taas waa adiga dhibaato ku haysato kismaanyo in daawo lagaaga helo yaankuu rajaynayaa.
reer fadhi ku dirir daawadooda kismaanyay gashay yaala yiri.

lakiin hada inta aad sheegtay inay ceeb tahay aniga uma arko nin dalkiisa hooyo shaqa ka helay wax ka wanaagsan inay jiraan aniga uma arko.

aniga waraaqaha postada inaan tuura xataa waala ii diiday mustaqbalkana waxaan rajaynayaa in aan gudoomiyaha puntland noqdo hade dowladii iga dhigi lahayd inaan taageero soo xaq uma lihi.

war kuwa kale ood taqaanid noosoosheeg sida ugu dhaqsaha badan waan jeclaan lahayn inaan halyeeyadii somaliyeed oodhan barano.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

patriot

Thursday, February 22, 2001 - 10:10 pm
jabriil
anigu cidna ma caayin, shareeco inuu ku gaaray generaalnimo afweyne amaantiis nin walba ayaa og taasna caay ma ahan, in dhiin afweyne ka hor ahaan jiray spotore yaa diidan taasna caay ma ahan, in safiiradii mareexaan wada ahaan jireen darawalo ama post delivery man ama clerk yaa diidan.
adigu yaad u hadlaysaa yaase ka hadlaysaa, imisa meel ayaad isku qaaday.

jabriil ma xasuusataa ninkii markii danbe laga dhigay maareeyihii mashruucii mugabe ee beeraha, ma taqaan taariikhdiisa, wuxuu ahaan jiray 3 alifle afweyne daba carara oo ilaaladiisa ka mid ahaa, waxaa uu ku gaaray magac reerkiisa (mareexaan) darajadii ugu sareeysay ee maamul dawladeed, taas ma caayaa mise waxaad diidan tahay in taariikhda laga hadlo.

afweyne iyo haraagiisa waa ay tageen ogoow inaysan chances soomaaliya uga banaaneen.

somalia viva
puntland viva
somalia-ethiopia relationship viva.
intii been been ku noolaato doonaysa ilaahay ha idiin gargaaro, soomaaliya mar kale ma soo marayso sweeper deputy minister noqda ama 3 alifle maareeye noqda that era is over.

jabriil haddii halyeeyadaa ay kuwaa yihiin kolay wax kale kuma dhihi karo ilaah ha kuu gargaaro

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ABDIKARIM HASSAN

Friday, February 23, 2001 - 05:20 am
TO DUULANE

S/C

SALAANTA ISLAAMKA EE KOR KU XUSAN KA DIB
SAAXIIBAW MARKA HORE MA ISWAYDIISAY DHIBKA
INA HEYSTA MEESHA UU KA YIMID, YAA ABUUREY.

ANIGU WAXAAN QABAA INAY DHIBKA ABUUREEN KUWA
XUKUNKA SOMALIA KU LOOLAMAYA.
SIDAAS DARTEED SAAXIIBAW ANIGA KII SHALAY
DADKII IYO DALKIIBA BAABI,IYEY AMA DAWLAD
HA SHEEGTO AMA JABHAD AAN MAR KALE XUKUNKA
GACANTA U GELINO MASKAXDAYDA GELI-MAYSO
WAAYO KAMA FILAYO WANAAG, HORUMAR IYO NAXARIIS
UU U HAYO DALKIISA IYO DADKIISA WAA HADDAAD
RUN DOONEYSO, MARKII XUKUNKA DALKA LOO DHIIBO
XUBNO KU HOGGAAMIYA CADDAALAD WAAN TAAGEERI
HADDII ILAAHAY IDMO.


INTA AY DALKA KU LOOLAMAYAAN DHIIG DOON,
QABIIL DOON IYO LACAG DOON SAAXIIB IIMA
MUUQATO SABAB AAN TAAGEERO KU SIIYO,
YAA BURBURIYEY DALKEENII YAA XASUUQAY DADKEENII.


SAAXIIB SHACABKA SOOMAALIYEED 95% WAA SHACAB
NADIIFA, WAXAA DALKA IYO DADKABA BAABI,IYEY
WAA INTA XUKUNKA KU LOOLAMEYSA IYO IN YAR
OO DHUUNI QAATAYAAL AH OY ADEEGSADAAN.

INA SALAAD BOY IYO WUXUU DABADA KU WATAA
KA YAABIN IN AY HORUMAR INA GAARSIIYAAN
SHACABKA SOOMAALIYEED LAGAMA WAAYIN DAD
NADIIF AH OO INA HOGGAAMIYA, WAA MAXAY
SABABTA AAN MUNAAFAQ U DOORANEYNAA AMA
AAN U TAAGEERAYNAA INA-GOO HELI KARA
XUBNO DAACAD AH DALKANA IYO DADKANA
DHIBKA KA SAARA ILAAHAYNA YAQAAN.

SXB MAXAYNU HORUMAR KU GAAREYNAA WADADEEDIIBA
MA HAYNEE.


XISAABTA AAD SHEEGAYSAA GOORMA AYEY IMANAYSAA
HADDII KII DAMBIGA INAGA GALAY AAD XUKUNKA U
DHIIBTO SIDEE BAAD BERITO AAD U XISAABI.

WANAAG, SHARAF IYO HORUMAR HADDAAD DOONEYSO
AYNU ISKA DHEXSAARO MUNAAFAQIINTAAS KA DIBNA
AAN DHISNO DAWLAD SHACABKA SOOMAALIYEED OO DHAN
RAALI KA YAHAY.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Duullane

Saturday, February 24, 2001 - 09:54 pm
Cabdikariim, salaanta waan kaa qaaday, salaanta Islaamka ayaan kugu salaamaya.

Dowlad shacabka Soomaaliyeed oo dhan raalli ka yahay aan dhisno ayaad hadalka ku soo gabagabeysay walaal. Waan kula qabaa aan dhisannee Ilaahay baan kugu dhaariyee sidaas maanta ma sahlan tahay in la helo raalli ahaanshaha dhammaan shacabka soomaaliyeed dowlad kulligood ku wada qanacsan yihiin in si sahlan loo dhiso, muddo intee la eg bayse qaadan kartaa arrintaas haddaan ku weydiiyo adiga?! Intee dhaqaale ku baxaysa, haddaad qiyaasto dadka isu keenistooda iyo shirarkooda?! Immisaa naga mid ah oo soomaali ah oo maanta diyaar u ah inay howshaas qabtaan daacadna ka ah?! Boqolkiiba intee la eg tahay rajada laga qabo in lagu guuleysto in la dhiso dowlad dhammaan Shacabku raalli ka yahay?! Intee qabiil baan ka kooban nahay soomaali haddaan nahay, qabiilladuse isku ra'yi iyo isku si wax ma u arkaan? Bulshada Soomaalida ma ka gudubtay qabyaaladda iyo nintooxsiga oo miyay u bisishahay inay kurtood isku raacaan dowlad ay u dhan yihiin, raallina ka wada yihiin?! Waxaan aad u jeclaan lahaa inaad su'aalahaas iiga soo jawaabto, ma mudan yihiin arrimahaas in tixgelin la siiyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Sunday, February 25, 2001 - 01:59 am
abdikarim hassan + Wiil-Qardhood+ patriot=1

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil-Qardhood

Sunday, February 25, 2001 - 10:45 pm
Wiil-Qardhood waa Wiil-Qardhood oo marna magaca mabadasho ismana qariyo sidaadoo kale.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

farriid

Tuesday, February 27, 2001 - 12:09 am
to. duulane sxb dadkan waa dad ay meelu u cadahay waxba waqti badan yuusan kaaga dhumin.

aragtida wadaninimo iyo enerjiga kaaga qasaarayo midna dad ay u muuqan karto ma ahan waa fadhiku dirir war aan ku dhagaystee dhinaceen aadnaa xataa dad ayka imaan karto ma ahan.

jabriil duqa afkaaga caano lagu qabay. alif lihii haduu maareeye mashruuc noqday haduuba waaya aragnimo shaqa leeyahaye muxuu xukun ku diidaa..

petriot iyo wiil qardhood

horta hadaad magaca soo badalataan iyo hadaad siibadalataanta ma is waydiiseen muhiimada aad uga qaybqaadataan mowduuyada socda iyo waxa idiinka kordha.

petriot hadii aad la dhacsan tahay in aad waxka sheegtid nimankii mareexaan ee askarta iyo darawaliinta ahaa inay mas uuliyad badan ka qabteen dowladii kacaanka, ma is waydiisay maxaa ka danbeeyay bur burkii kacaanka maxaa ka qabsaday reer qardho markuu kacaankii bur buray.

dabcan aniga ma qabo inay dani ugu jirtay jabkii kacaanka reer qardho halaag iyo xanuun aysan ilaawi karin waxaan ahayna ayka heleen..

su aashu waxay tahay dowlad la aan qardho ma lagu qaboobayaa nabad la aan kismaanyo ma soo dagi doontaan.

aniga arigtidayda dowladu faaiidadeeda waxaa ka mid ah. nabad iyo inla wada dago,
inaad dagaxa qardho kasoo tagto oo dheemanka kismaanyo inta aanla dhamaysan aad waxka gurato lol.

intaas waa iga kaftan maadaama baryahaan dheemankii kismaanyo la guranayay dadbadan oo soomaaliyeed ooka faaiidaysan lahaana uu dagaalaka sukeeye ka hortaagan yahay.


talo to abdikariim hasan.

inta aadku lumin lahayd waqti badan netka inaad ku dacaayadayso dowlada soomaaliyeed.
waxaad qortaa buug aad uga hadlayso dadka aad u aragto inay hanti dhaceen iyo burburka meesha aad marwalba ku tilmaanto waxaa laga yaabaa 50qof oo kugu aragti ah inay buugaaga gataan adigana shaqadii waqtigaaga uukuusoo laabto.

hadii aad hayso figrad dadka iyo dalka dan u ahna soo bandhig aan kula aragnee.

kulan danbe iyo salaamo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil-Qardhood

Tuesday, February 27, 2001 - 12:48 am
To: fariid
Asalaamu Caleykum
walaale horta anigu marabin in aan doodaan soo galo laakiin adigaa isoo galiyay oo marna ii sarbeebay magacbadalsho marna Qardho ayaad soo galisay sheekada.

Walaal horta waxaa aad u wanaagsan sida aad u doodid marka loo eego dad badan oo taageera Ina Salaad Boy kooxdiisa oo waxyar markaad wada hadashaan bay caroodaan qar iska tuuraan oo hadba meel aan loo joogin madaxa saaraan, laakiin waxaad mooddaa in aad kayara duwantahya.

Horta ninyohow marna mabadalan magacayga waana sida Alle igu ogyahay.
Tankale walaale Qardho dawlad way kajirtaa laakiin waa runtaa oo waxay tabaysaa dawlad dhexe taasna soomali oo dhan baan laqabnaa waxaadse ogaataa in aan waxbadan uga dhawnahay badankeed soomaaliya maadama ay waxyaabihii aasasiga ahaa oo dhan ay ka jiraan.

Waxaadse Walaale ogaataa inta aad Ina Salaad Boy daba ordaysaan oo aad ku sheegaysaan "madaxweyne in aanaa dawlad dhexe oo xalaal ah lagaarayn taas oo ah dhib wayn oo soomaalida haysta ee walaale energiga aad Ina Salaad Boy ku bixinaysid in aad soomaalinimo xalaal ah ku raadisid baan kugula talinayaa, Intii toban sano oo danbe aan dawlad dhexe làan ahaan lahayn
S/C

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

farriid

Tuesday, February 27, 2001 - 01:04 am
to wiil-qardhood

sxb adiga iyo petriot aniga meesha ayaan ugu imid doodiina waxaana isku dayay inaan sida aad wax u aragtaan idiin tuso.

taas macneheeda ma ahan inaan idin fogaynayay lakiin qoraalkiinii ayaa waxa uuku salaysnaa askari laga dhigay safiir iyo waxlamid ah.

taas waxaan usoo qaatay safiirka qof unbaa noqon lahaa muwaadin xilkii gudankaro hadii loo helayna alaha u calfo inaan dhahno yaa nagu haboon.

anaga oon qabiil ku diidin sida dad badan c/qasin waxaan qabiil ahayn aysan ku diidanayn ayaga oo meesha tagana ay dowladi ku duldhismi doonto.

nabaduna waad ogtahay dad badan oo maanta u ooman degaan ayku faraxsan yihiin lakiin nabad la aanta ay u diiday.

sida kismaanyo maanta qardho iyo bari toona maadan siisateen hadii nabadi timaadana adoon cidna kaa wakiil ahayn yaad nabad ugu noolaan lahayd.

dowlad nimada waxay fura u tahay isku soo dhowaynta umada soomaaliyeed iyo abuuridii daris wanaagii shacabka.

aniga marna ma qabo inaan ku laaban doono dowladgoboleedyada amxaaradu xaarxaartay iyo dagaalka sukeeye.

lakiin hadii dowladi dhalato cidoo doonta ha xukuntee waxay noo horseedi lahayd ulaabashadii dalkeena hooye iyo inaan horumar u guntano..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil-Qardhood

Tuesday, February 27, 2001 - 01:53 am
To:Fariid
Walaale horta waxaad tiri "waxaad KABIXIWAYDEEN askari safiir laga dhigay...." runtii markii hore waa fahmi waayay waxa aad ka wadid laakiin markaan fiirshay Patriot waxyaabihii uu qoray ayaan waxaan ogaaday in ay ahayd hadal idinka idii socday marka walaale waa khalad inaad isku kaaya dartid oo aad tirahdid "waxaad KABIXIWAYDEEN" waxaa fiicnay inaad tiraadid waxaad KABIXIWAYDAY oo aad isaga ku tirahid ileen anigu isaga maahi e, warna uma aanan hayn sheekadiinee.

Midda kale walaal waxaad tiri "maamulgoboleedyo u adeega Amxaaro" Mawaxaad leedahay markii reer puntland ay 1998 Garawe isugutageen oo ay dawlad goboleedka dhisnayeen ayna dantooda katashanayeen Amxaaro ayay u adeegayeen miyaad leedahay?.

Midda kale walaale ma in dawlad goboleedyo ladhisto ayaa amxaaro u adeg ah misse kuwa haatan dhisan baa amxaarada u adeegaya?

Waxaanse ku waydiinayaa keebaad u aragtaa in lagu adeegsankaro dawlad aan aasaas lahayn oo inta dhawr nin ay isu tagaan wax dhistaan oo kadibna hotel dagaan, misse waxaa kula sahlan in lagu adeegsankaro dawlad aasaas leh oo dadkii lahaa soo dhistay kagana tashaden aayahooda si ay dadweynuhu awooda wax ugu yeeshaan.

Walaale waxaan anigu qabaa marka dadweynuhu uu yeesho awood goboleedyaddaa ay sahlantahay in wax laga qabto midda dawladda dhexe, oo in dawladda dhexe ay ku dhisantahay dawlad goboleedyo ayaa inoo wanagsan haddii aan dadwayne nahay.

Midda kale walaale kooxda Carto ayaaba la hubaa in dawlado shisheeye (sida Arabta iyo Djabouti)ay soo dhisteen ama lacagtii lagu dhisay ha bixiyeen ama markii ladhisay ha taakuleeyeen e. Marka walaale waxaa wanaagsan marka aad danta soomaalida ka hadlaysid in aad si cadaalad ah uga hadashid ee aadan eedayn dadweynaha iyo maamuladooda.
S/C

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

farriid

Tuesday, February 27, 2001 - 08:22 am
to. wiil qardhood
horta muhiimka hadalkayga iyo sida aan ula jeeday iyo figrada aad tagan tahay isku meel ayay u dhacayaan lakiin laba si oo kala gadisan ayaan u kala niri,

dowlad goboleedyada waqtigii loo baahnaa waala soo dhaafay soomaaliyana uma baahno inaykala qaybsanaato mana kala maaranto.

waxaan kuligeen marqaati ka nahay in ay dowlad goboleedyada hogaamiya yaashoodu iyo dagaal ooga yaashu ay hoostagan yihiin malin walba amxaarada amarka ayku shaqeeyaana uuka soo yeero xabashida,


dagaal ooga yaasha danaysta yaasha gaarka ah maamulada dowlad goboleedyada iyo dhamaan dib usocodka oo dhan waxay isku bahaystaan latashiga amxaarada iyo burburinta hadba horumarkii yimaado.


waxaan arkaa inaad la dhacsan tahay siyaasada dagaal ooga yaasha iyo qabqablayaasha soomaalinimada diidan, taas oo wax badan kaa indha xirtay lakiin adaa ka tanaa suli doono figradaha qaarkood markii waqtigu ka tilaabsado..

lakiin waxaad ogaataa waxa naga wada maqan inaanay suurta gal marna noqon doonin inta soomaalinimo imaanayso calan iyo dowladna aan helayno,,

ninkii dhagax dushiis daarka dhisto iyo kii kulayldagaba wuxuu u baahan yahay meeshuu kulaylkaas uga qabowsan lahaa iyo meeshuu dhagaxaas dhooday uga caragadisan lahaa..

dad badan oo soomaaliyeed ya waxay iska dhaadhiciyaan sida dhulka reer galbeedka yaa qolo walba gobolkeeda daganaan kartaa,,

duqa anaga baraf manoo dhoco dhulkuna isku biya si uma helo,
gobolkaanyar ee xeebta ku yaal ninba meesha uuka jeclaado haduusan ka dagin horumar ka fog,
figrada localkana dib u harid ma ahane horumar marna ma keento..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

patriot

Tuesday, February 27, 2001 - 09:10 am
waryaa mareeexaan yahaw qurmuunka badan, goormee xiniinyahaas yeelatay ma ceyr baa wax kaa siiyay?carta buunbuuninteeda kuuma soo celinayso wixii aad ku heli jirtay xukunkii afweyne, adna waad og tahay in chanceska mar uun ahaa, haddii ay ku dhaaftay raganimo yeelo ee isku diyaari inaad xamaali ceyr noqoto.

war afweyne waa tagay, ee dad iska dhig dawladii hore ha ku jirine, waqtiga haatan taagan ku tasho.
ama orodoo quulahaagii isaga noqo.

patriot 's back

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil-Qardhood

Tuesday, February 27, 2001 - 10:20 am
To: fariid
walaal horta waad iga qoslisay markaan maqlay ereyga "dib-usocod" oo waa horaa iigu danbaysay maqalkiisa.

Walaal horta maanta haddii dagaalooge jiro waa Ina Salaad Boy waayo isagaa ugu danbeeyay wax dagaal qaada Balcad iyo Bakool bay ahaayeen meelihii ugu danbeeyay uu ay isku dayay in uu xoog ku qabsado.

Walaale waxaan aniga iyo adigu ku kala duwanahay waa laba arimood
1- Waxaad aaminsantahy in maamulgoboleedku uu yahay mid meel uun lagu gaaro kadibna lagatago.
Taas anigu maqabo oo waxaan aaminsanahay in maamul goboleedyadu ay yihiin wax lagama maarmaan u ah shacabka soomaaliyeed waayo walaal waxaa jira qaacido oranaysa "xukunku intuu kuujiro ayaa wax kaqabadkiisuna kuu jiraa" marka anigoo Qardho ka imid ama adigoo Caabudwaaq kayimid way nagu adagtahay in aan wax ka qabano musuqmaas iyo xukun xumada ka dhacda hotelada Xamar haddii aanaaba lahayn dawlad goboleed aan marka hore soo saxno.

2-Tankale walaale waxaan ku kala duwanahay anigu waxaan qabaa in dawlado goboleedyadu ay dhisaan Dawladda dhexe si dadweynyhu ay u yeeshaan awooda.

Marka walaale anigu waxaan qabaa in waxa Carta lagu soo dhoobdhoobay aysan ku imaan qaab Islaami ah iyo mid Dimuqraadi ah toona sidaas darteed aysanba ahayn wax dawlad ah.
S/C

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

farriid

Wednesday, February 28, 2001 - 11:19 pm
to petriot.

horta duqa adi magaca kuuma qalmo lakiin waan kugu tilmaamaynaa inta aad qoranayso.

aniga ma jecli inaan rayi la wadaago inta kula figrada ah lakiin bal waxaan isku dayayaa inaan kaga jawaabo qoraaladaada inta aan wax kugu fahansiin karo.


hadaan isku dayo qabiilka aad cayday inaan waxkaa dhoho horta waa gunimo adiga oo petriot sheeganaayo inaad qabaa il dhan halkaan ku cayso.

lakiin waxaa xaqiiqo ah soomaalida oo dhana wada ogyihiin inuu mareexaan waligii rag ahaa inta qurunle ahna ka tilaabsan jiray.

waligiis asaga ayaa gacanta ku haayay markii aad isqabateena waa asaga ku laaday oo eelay iyo amxaaro kuhoos fariisiyay.

soobax kaa wakiil noqdee kismaanyo dag kuleelka pundland iyo dagaxii aan wada ogayn kuma noolaan kartide.

mida kale dowlada aad malin walba afkiina ka qaadi la dihiin oo siyaadbaa haleeyay aad leedihiin soo adinka dalka iyo dadkaba naguma dirin qurinka iyo qaska jirana ma abuurin, qasaarihii aan wada ogayna rabi idinkama raacin,

saad wali soomaalinimo diidan tihiin.
maskax daada ka shaqaysii inta aadan qorin,

dhafoorqiiq iyo SSDF yey ahaayeen waxa bulshada soomaaliyeed qasay hadana nasoo xigsaday.

aniga wali soomaali xalaal ah yaan ahay cayr iyo gayr wixii yimaado wadani nimo yaan isku raacaynaa anoon xamaalin yaan xisaabi xidigtana bilad la iisiin.

xumaan iyo xaraga daro xabishihoosteed adaa ku dhiman.
dib usocod.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

fariid

Wednesday, February 28, 2001 - 11:37 pm
to wiil qardhood.

horta sxb wax been ah iyo xalaal inaanan isku sheegin waa caab.
somali inay dowlad fadaral ah isugu imaato ma ahane sikale wax kuma wadaagi karto.
taas waa arinta xaqiiqada ah.

dhulkaas wayn ee dadka yardagan yihiin waala isku wada qabsan markii gobol iyo deegaan wax haloo qaybsado la yiraahdo.

aniga hadii adiga reer qardho aad tahay ma ihi reer gobol. kuma dhalan kuma korin wax kuma baran.

meeshii markii nalasoo cayrsaday aanku soo qaxnay oo aakaha aan isku haysanay rabina nala ogaa makula tahay inaan qabanayo.

geeluba marka la dhoco dhulkuu ku dhaqmay yuu u soo baxsadaa lol.

duqa aniga tuula walba reer hebel ha ooto xuduudna hanaloo sameeyo dunida meesha aan uga hari lahayn inay tahay yaan aamin sanahay mana qaadan karo.

dowlad goboleed marka lasoo dhisayo seen ugu heshiinaa dhismaheeda adiga kismaanyo waxmaku leedahay yaanoo garqaadayo.

RRE yaa maanta ayka maraysaa inay jubaland sheegato ma kula tahay in soomaali gobolada lawada dagan yahay qayb ugu heshiinayso aniga ma qabo nin walba dangadiisa yuusoo jabsanayaa markii qaby xukun timaado..

warheedhee rabi hanaga saaro mugdigan aanku jirno colaadan nacaybka iyo foolxumada dalkeenii taal.

hadaad xasuusato dagaalka sukeeye hawiye iyo daarood yuuku bilowday halkuu gaaray maantana marayaa yaa walaala ahaa markii uu bilaabanayay maantana jifadee isku calool fiyow.

mase inta daboolno waxaan ogayn yaa ninwalba kankale god uqodaa anagaa isxignee hebel aan riixnana dhahnaa..

saxiib waxsahlan iyo arin fudud ma ahan waxa dalka yaal dad badan yaa ishu u haysaa hadba ninkii kursiga ku fariisto lakiin howshu intaas ka badan..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

patriot

Thursday, March 01, 2001 - 09:16 pm
fariid waa lagu yaqaan waxa kaa qeyli siinaya wax kale ma ahan, ma waxaad is leedahay garaadihii afweyne bixin jiray baad cabdi qasab ka heli doontaa, mareexaan waxaad xukun iska ag fadhideen 21 sano maantana futadiina qurmuun wax aad ku dadataan ma haysataan oo meel walba gaajadiina ayaad la wareegaysaan, ilaahaygii sidiina oo kale iga dhigin ayaan ku shugrinayaa.
bal sheeg waxaad ka heshay 21 sano ee uu afweyne xukunka idiin haayay ee aanan ka ahayn askar garaado lagu tolay iyo landcruisers markii danbana aad xamar uga cararteen , ma busaaradii baa diinta idinku soo celisay?.
maanta waxaad tihiin soomaaliya reerka ugu aaya tiin daran oo xitaa aanan lahayn hogaan loo yaqaan oo waxaad noqoteen kuwa u dhexeeya hadba meeshii naq ka da'o doraad abdulaahi yusuf, shalay xussain caydiid, maanta cabdi qasab, beri you never know may be anigaan kula hadlaaya ayaa ku gadan doona.always suuqa ayaad waran tahay oo ninkii hooyaadaa guursadaa waa adeerkaa.
anigana waxaan ahay nin mar walba u diyaar ah in la hoos yimaada and you see the difference.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

farriid

Thursday, March 01, 2001 - 11:15 pm
petroit dabaal adiga.

horta garaadaha waa wax sharaf iyo magac ka leh qaarada africa inta aan isla ognahayna waa general marka la dhoho dadka oo dhan yaa u kacaayo si aan perfessorka loogu kican.

marka hadaan garaado ka dharagnay qasaaro ma ahan.

xukunka iyo siyaadasa aadsheegayso dhulkii qaboobaa qurxoonaa qaniga ahaa soo aniga mayeelan.
dhagixii kululaa iyo meeshee ilaah ogaa soo dowlad goboleed rafaad kuma joogtid,

aniga maadaama koonfurta soomaaliya oodhan aan u sareeyo cidwalba inaan lagorgortamo waa ii gaartay.

garaadihii waad arkaysay in cabdiqasin kuligood masuuliyad u wada dhiibtay. dhuudhi. cabdicasiis cali bare. buraalle. siciid farax gooje.

ceelbarde waatii lagu kala diray baaradaad soo qooshtay markii libaaxii idinsoo dhex fariistay xuuux lol.

warheedhee miyaadan isku xishoonayn marka aad netka la imaanaysid guulbaan joogaa adoo homelos ah, mahbarnimadiina kuu dheer tahay intaas. qarandiidnimo qabo.

kismanyo peace and love

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil-Qardhood

Friday, March 02, 2001 - 05:14 am
To: Fariid

Horta ileen ninyohow waxaad tahay nin Xamar tabay, war waxay ahayd in aad mar hore noo sheegtid oo aadan naharaadin(kaftan)

Walaal horta runtii aniga laftigaygu noloshayda intii badnayd Xamar baan daganaa, Laakiin markasta reer Qardho ayaan ahay oo waa meeshaan ka i mid kadibna aan uqaxay!

Walaal markii ay Ina Siyaad Bare iyo Ina Salaad Boy ay wadanka ka talinayeen oo ay cadaalad darida iyo dhibka ku hayeen dadka soomaalida ayaa Qabiilkasta waxa ay isku dayeen in ay xil isa saaraan oo ay kadhiidhiyaan waxa dawlad kusheetii markaas ay wadday laakiin dhib bay kunoqotay waayo walaal Dawladdu waxay ku ekayd Xamar dadka xamar dagan kaliya ayay u adeegaysay oo dawlad u ahay ee wadanka intiisa kale askar baa u joogtay. marka walaal taas waxay ku tusaysaa dhibka ay leedahay dawladda dhexe marka aysan ka imaan dawlad goboleedyo ay dadweynuhu leeyihiin.

Tusaale: Dawladdii Afweyne ayaa marba qabiil isku dayay in ay wax ka qabtaan oo ay xukunka ka tuuraan , mar majeerteen mar Isaaq wayna u suuroobo wayday, Markii danbe Hawiye ayay u suurowday waayo iyaga ayaa meeshii Dawladu fadhiday daganaa.

Sidaas darteed walaal anigu waxaan arkaa in dadweynuhu ay maamulo samaystaan kadibna maamuladaas Dawlad dhexe sameeyaan sidaas baa inoo wanaagsan!

To: Patroit

Walaale Afweyne Cidna uma danaynjirin Xattaa Mareexaan, bal fiiri dhulka mareexaanku dago sida uusan wax uga qaban.
Dad yar oo qabiilkasta ah oo mareexaan u badan baa u shaqayn jiray. Mareexaanka intiisa kale waxay u ahaayeen askar oo qori aake ah baa ka soo gaaray ee wax kale kama aysan helin marka walaale ha wada eedaynin Mareexaan, Waa qabiil uu ina Siyaad ku danystay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Duullane

Friday, March 02, 2001 - 12:56 pm
Fariid, bro, adiga iyo aniga waan garaneynaa hadafka aan dooddan u soo galnay: in Cabdikariin lagala doodo waxyaabihii uu sheegay wixii aan ka dhihi karnay waan ka niri. Si aysan dooddu qabiil lagu faano u aadin sida walaalaheen qaarkood doonayaan waxaan kuu soo jeedinayaa inaad ka harto. Haddii aad dooneyso inaad la sii waddo doodda, waxaad ku caawisaa dood labadiinnaba faa'iido idiin leh (in a constructive way, far from tribal and clan praising). Mahadsanid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

patriot

Saturday, March 03, 2001 - 06:41 pm
fariid dhib ma lahan kolay waan u jeedaa miis ayaad waran tahay oo waxaad tahay for sell bal ii sheeg imisa ayuu kaa bixiyay cabdi qaasim, bal ana aan isku dayee inaan ka badsho inta uu gaaray!
kolay meel cidla ah kama qaylinayside waxaad tahay nin la iibsaday, auction-ka waxaan rajeynayaa inaan ku guulaysto.
marka xiga fariid ii soo qor price-ka aad maanta suuqa bakaaraha ka joogtid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

warsame

Saturday, March 03, 2001 - 07:12 pm
MALIISHYO BEELEED NIN KU DISHAY DEGMEDA BARAAWE

Maliishiyo beeleed ku abtirsata beesha Cayr ayaa toogasho ku dishay nin magaciisa lagu sheegay Shiino oo ka soo jeeda beesha Tunni bartamaha Magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose maalintii arbacada oo taariikhdu ahayd 28-2-2001. Dilka ninka oo ay aad uga xumaadeen dadka deegaankaas ayaa keenay inay sii saa'iddo cabsida iyo welwelka la soo gudboonaanaya dadka Masaakiinta ah ee weligood ku noolaa halkaas, iyadoo muddooyinkan dambe ay halkaas ka jirtay dhibaatooyin fara badan oo Maliishiyooyinkaas ku hayeen dadka, sida canshuur xad-dhaaf ah oo lagu soo rogey in laga bixiyo gaadiidka,doomaha kalluumeysiga iyo meelo kale.

Maxkamado Islaam oo taageere ka haysata beesha cayr ay leeyihiin beelo ayaa muddooyinkan dambe gacanta ku hayey degmada Baraawe oo ay asal ahaan deggan yihiin dadka loo cad cad ee loo yaqaan reer Baraawaha, Tunni, Biyamaal iyo beelo kale. Wafdi ka socda kooxda carta oo uu hoggaaminaayo Xuseen Maxamed Sheekh Xuseen, uuna ka mid yahay Maxamed Cali Kalaay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

farriid

Monday, March 05, 2001 - 04:32 am
CIID WANAAGSAN DHAMAANTIIN.

KULICAAM WA ANTUM BIQAYR.

Duulane sxb waadku mahadsan tahay figradaada qiimaha badan, xaqiiqdiina waa wax cad sida aad wax u aragto waa aragtida caafimaadka qabte ee marwalba kasoo yeerto bulshada caafimaadka qabta.

sxb waxaan kuu rajaynayaa ciid wanaagsan iyo guul kufarxad galiso.sxb waanba isaga yarahay netka hadana waqtiyada qaar marka aanla kulmo mowduuc aan sal lahayn waxaan ku isticmaalaa waqti inta hurdada ka kici karto wax loogu sheegi karo.

waad isoo mail kartaa. farriidyarre@hotmail.com.

to. wiilqardhood.

warheedhee xamar kaliya ma tabin wadankii hooyo oodhan yaan tabay,
aniga local newska iyo waxa maqaayadaha qaas ka ah looga sheekaystana ma i dhacaan runtii hadaan aragtidayda inaan cabiro isku dayo meesha ay waxyaalaan inaan taabto yaan jeclahay..

adiga markaan figradahaaga arkay dacwad dheer ayeey qardho kuu haysataa,

waxaad u abuurtay bulsho aad u fara badan oo laga yaabo inaysan aqoon qardho amaba waxba u qabin markay oraahdaada aqriyaan inay meel adag ka istaagayaan qardho iyo inta ku abtirsato...

marka marno yeeysan kula ekaanin in dhagixii qardhood iyo kulaylkii aan ogaa in aad babaaygii aadku kortay u cayso awoowgay baa dagi jiray lol.

petroit cool man..

sxb hadaad ka qaybgali karto tartanka auctionka kismanyo kamaadan guurteen. marka bal isku day inaad meeshii lagu qaban lahaa tartanka auctionka inaad fiisadii aadku soo gali lahayd soo qaadato lol.

have niceday all you
ciid mubaarag..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil-Qardhood

Monday, March 05, 2001 - 09:13 am
To:Farriid

Walaale horta marna macaayin Xamar, maaqaan meel aad ka akhriday masse caydaanaa iskusi u aqoon. waxa kaliya ee aan u doodo waa in Hobyo, Caabudwaaq, Qardho iyo Xammar dadka joogaa ay isku fursad u jeeshaan haddii ay noqoto waxka qabadka marka lahelo dawlad dhexe oo soomaaliyeed oo XALAAL ah.

Midda kale ee ah dacwada ay Qardho ii haysato walaale horta dacwad waxay timaadaa markii qofku uu danbi galo, anigu wax danbi ah magalin oo kama galin dadka soomaaliyeed ee aan Qardho ka imaan. Masse Haddii aan ku iraahdo FARIIDOW! ANIGU ADIGA MAAHI baa danbi ah. Kolba anigu wax khalad ah uma arkeen haddii aad dhihi lahayd, Wiil-Qardhoodow! anigu adiga maahi!.

Dhibka jiraa waxa uu yahay qofkii ka hadla problem in laleeyahy adigaaba problemka keenay oo problemkuba waa adiga.

Middakale dadka qaarbaan afsoomaaliga aqoon oo erayo aan khalad ahayn baaba dad badani waxay u arkaan in ay khalad yihiin. Masse?
Hadaba anigu halkaan baan kaga haray doodaan ee walaalow saaxiibadaa reer Carta waxaad kula talisaa in ay Afsoomaaliga soo bartaan si ay u kala saaraan wixii cay ama quursi ah iyo wixii kale iyo in ay argument ama qiil ama daliil u yeelaan waxa ay rabaan in ay dadka ka dhaadhiciyaan!
asalaamu calaykum
wiilqardhood@yahoo.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cabud-waaq

Monday, March 05, 2001 - 03:56 pm
Asalaamu calaykum waraxmatullahi.
Ciid mubarak.
Salaantaas qiimaha leh kadib, waxaan aad ula yabaa dadka ka soo horjeeda DKM ee Carta lagu soo dhisay oo ku eedaynaya in ay ka mid yihiin dadkii wadanka soo burburiyey ama hada wax burburinaya dhinac dhaqaale iyo naf oo ay yihiin dambiilayaal,
su,aasha ay is weydiiyo waxay tahay waayo qofka jooga oo la yaqaan oo aan wax ku lahayn dambiyada dalka laga galey,dadku soo maha mid xabad ku dagaalamey iyo mid dhaqaale dibedaha ka direy iyo mid baas oo isku magaacabay hogaamiye kuna halaagey boqolal soomali magaca qabiilkooda,markii dambena qabiilkiisu ku kala dilay waa jilibkaas iska cesha, aniga waxay ila tahay ummadini waa isku dambaabtey ee ilaahey ha loo noqdo hana la is cafiyo,kuwa hada xilka lagu magaacabeyna hala turxaanbixiyo,meeshii laga oranjirey Ilaahow kuwaan naga qabo ha lagu bedelo Ilaahow kuwaan noo toosi hana la ogaado Xadiiska nebiga(CSW)oo KULU BANII,ADAM KHADAA,IIN,WA KHEYRU KHADAA,IN ALTAWAABIN,oo macnihiisu yahay dadkoo idil waa dambaabaan,waxaase u fiican kuwa ilaahey u noqdo. Mida kale qabiil wada fiican ama wada xun ma jirto oo waaba sunnada ilaahey in dadku isku dhexjiro,marka walaalka aflagaadada ku soo qoray oo si gaarah wax ugu sheegaya Mareexaan,walaal anaa ah cidaas,wadankana ka soo shaqeeyey mudo iskumana ogi xumaan aan ka qeyb qaatey oo ilaahey baa wax xisaabin doona,balse waxaa jirta in dalka dambi laga galey,balse shacabku ay inta badan ka qeybqaatey oo qofkii aan dalka wax ka boobin loogu yeeray doqon,axmaqa xoolihii ummada dajiyeyna loogu yeeray nin rage,waxaa kaloo lagu faaney intaas baan kaa dilay,kadibna waxaaba timid wax aan ugu yeeri karo AAfo marisay oo madoobeysay dad iyo duunyaba.hada iyo dan war waxaas ma kabkabanaa?mise sidaas baan isaga daba wareegnaa?talo iskuma raacdooy,goormaad soo baraarugi? Nabadgelyo,walilaahi bi towfiiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

farriid

Monday, March 05, 2001 - 10:05 pm
ciid wanaagsan dhamaantiin.

w/s

cabud-waaq waalagaa qaday salaanta sxb dadkan ku qarwo habeen iyo malin dowladii hare kacaankii mareexaan iyo wixii la mid ah.

waa dadkii iyagu danuubta lahaa oo meel ay ku daadiyaan la raadinayo qofwalba wuxuu galay iyo wixii lagu ogaa waala og yahay markay xisaabu timaado oo waqtigeeda la gaarana waa la xisaabi.

mida dowlada walaal qofwalba oo mu waadin ah meel kasta haka soo jeedee wuu dareensan yahay waxa dowladu haday dhalato u qaban karto iyo dowlad la aanta dhibaatadeeda.

dadka aad arkayso ee goobaha lagu kulmo dacaayada raqiiska la taagan waa dadka taageero dagaal ooga yaasha diiga shacabka iyo hantidii dalka lagu ogaa marna aan nabad ogolayn.
iyo burburka dalka asalkiisii dadkii bilaabay ilaa iyo magaca somalina uu baabo`ona aan marka ka fariisan doonin qaybinta, ladagaalanka, iyo burburka dalka sida kuwa dowlad goboleedyada hogaamiyo.

marka sxb umada soomaaliyeed wayka toostay mugdigii lagu afduubayay iyo jaha habaabiskii danaystayaasha gaar ayku hayeen dowladna way u dhalatay marka wax walba ayagaa qunyar socod u hagaagi.


to. wiil-qardhood

sxb horta aniga intaanku arkayay mowduuc qaloocan iyo reera islaameed yaaka laalaaday.
qardhana waa magaalo soomaaliyeed dad badan yaa waxay ugu filan tahay maadaama magicii magaalada aad tunka u ridatay figradaadiina ay meeshaan ogahay ku salowday in qardho iyo dadkeedaba adiga sawir lagaaga qaato.

taasna waxaan qabaa hadii dadkii dhagixii qardhood daganaa ayku maqli lahaayeen inay wax un kaa dhihi lahaayeen saad magaca ugu tumatay.

mida kale dowlada iyo qolooyinka carta miyaan kaaxigaa maadla xiriirtid adigaba. mida kale waa adiga pundlandba u ol oleeyee maxaad ku diiday inaad somalinimada sidoo kale aad u yeesho.

waan qalday mailkayga waa fariidyarre@hotmail.com.

to. petriot

duqa waxaan kuusoo helay qofkaa damiinto in kismanyo lagu geeyo si aad usoo aragto magaalada aadku riyootid.

inta uusan faraska tagin si dhaqsa ah iila soo xiriir si luguusoo tuso magaaladaad ku riyoon jirtay lol...

ciid wanaagsan dhalinyaro

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil-Qardhood

Tuesday, March 06, 2001 - 05:20 am
To: caabudwaaq
Walaale waxa aad sheegaty waa wax sax ah, waa marka aad leedahay dawladdii Ina Siyaad Bare iyo Ina Salaad Boy danbi bay gashay oo dadkoo dhan baa la wadaagay danbiga oo Mareexaan kaliya maahayn.
Waa run oo dawladdii Ina Siyaad iyo Ina salaad waxaa kabuuxay soomaali oo dhan Majeerteen, habargidir, Isaaq, hawiye, Digil iyo Mirif iyo... iyo... marka waa khalad in Mareexaan oo kaliya dusha laga saaro, Laakiin walaale Mareexaan si dheeraad ah bay dawladda daacad ugu ahaayeen ee iska dul qaata, waana taas sababta laydiin maagaayo.

To: farriid
Walaale horta anigu marra qabiil macaayin waxa kaliya ee aan "kalaalado" waa sidad utiriye waa kuwa qabiilooyinka soomaaliyeed horbooda sida Joornaaliistaayaasha, madaxda "xisbiyada" ama ururada siyaasada, iyaga laftigooda macaayo ee waan dhaliilaa waana kala labo Cay iyo Dhaliil.
Waxaad tiri maxaad soomalinimo ugu ololayn wayday sida aad Puntland ugu ololaysid, walaale horta Puntland waa qayb soomaaliya kamid ah ee maaha dal soomaaliyaka baxsan.
Tankale walaale haddii ay jirilahaayeen dawlad goboleedyo waan u ololayn lahaa ee hadda Puntland kaliya baa dawlad ka jirtaa, ogowna in aan puntland u ololeeyo maaha wax burinaya soomaalinimo jacaylkayga waxaana hubaa in aan ahaan lahaa qofka ugu faraxa badan haddii Hiiraan ama banaadir ama jubooyinka ay iyaguna samaysan lahaayeen maamulkooda gaarka ah waayo waxaa soo dhawaan lahaa in aan yeelano dawlad dhexe taas oo aan aad ugu baahanaan lahayn. waxaana intaas u doodaayo waa in soomaaliya ay yeelataa dawlad federal ah oo ay dadweynuhu soo dhisteen, waxaanna ka soo horjeedaa waa in wax dhowr qof ay soo dhisteen iyo dad aan cidna masuul ka ahayn isla markaana aanba soomaaliya badankeed tagi karin ama aan war u ahyn.
midda kale walaale haddii sida aad Qardho iyo dhagaxeeda u bohola duminaysid adoo kadhigay meel aan lagu noolaankarin haddii aan meelkale sida Xamar ama Ceelbuur ama caabudwaaq aan u bohola duminlahaa waxaan hubaa in dadka qaarkiis qaylo afka qabsan lahaa. Laakiin anigu wax dhib ah uma arko iyo wax muujinaya in aad reer qardho necebtahay waayo waxaan ogahay in nacaybka , cayda iyo dhaliishu ay kala duwanyihiin.

Anigu markaan urur ama hogaamiyayaal siyaasadeed dhaliilo waxaa layiraahdaa reer hebelbaad cayday.
S/C

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

patriot

Tuesday, March 06, 2001 - 07:25 am
intaan rabay waan kaa helay, marba haddii aad qirsan tahay inaad miis waran tahay, awalba mareexaan baad ahayd, waa kuu nasiib xumo ninkii dhulkaagii kaa soo saaray inuu maantayna ku gatay, aaway dhuusa mareeb galinsoor,ceel gaab iyo kuwa kale mida kale kismaayadaad ku digrinaysid maxaad ku haysataa, gaajo ayaa kugu dishay saadkaagana waxaa laga soo diraa xamar, sidii naag meher ku dhacay, war markaad afkaada iyo awoodaada ku hadlaysid ayaa ragga lala hadlaa, laakiin sidii inta meherka cayr ku haayo waa iga xaaraan inaan kula hadlo.
tahnks sidaad ugu qanacsan tahay gacantaydii oo aad ka baxday oo aad gashay gacan hawiye.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deeq

Tuesday, March 06, 2001 - 01:23 pm
Ku:Wiilasha Majeerteen

Qorista iyo hadlka waa kala duwan yihiin sida loo hadlana wax looma qoro. Waxaa jira shuruuc ama qaacidooyin loo cuskaddo wax qorista si runta iyo beenta,murtidda iyo tanagadda,xaqiiqdda iyo idha- sarcaadka loo kala sooco.

Waxaa mararka qarkood dhacdda in aflagaado,been,ama tanaago si wacan loo qoray lagaga qanci ogyahay run ama murti miiran.

Waxaa sidaas awgeed iga codsi ah in aad isku taxalujisaan sida aad u cuskan laheydeen qacidooyinkaas marka aad iga soo jawaabeysiin su'alaha soo socdda hadad kari kartaan PLEASE:

1. Ma ii sheegi kartaan wanaagga Majeerteen ka geystay taariikhdda Soomaaliya oo uu manta ku faani karo gaar ahaan dhanka WADANINIMADDA?

2. Ma ii sheegi kartaan guusha qabiil ahaan Majeerteen manta ku faani karo oo rag la soo horfariisan karo?

Saamaaliddu waxey ka sameysan tahay beelo ama qabiilo kala duwan waxa isku hayana waa wadanka iyo qadiyadda WADANINIMO. Labadaas qodob-Qabiilka iyo Wadaninimadda- yaana daku ku kala duwan yahay ama mudnaanta ku kala leeyahay.

Waxaana haboon in mar walba la is xuususiyo si reer walba uu u ogaado ratigga meesha uu kaga yaal.

Mahadsanidiin
Jawaab suge:Deeq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cabud-waaq

Tuesday, March 06, 2001 - 03:05 pm
To:wiilqardhood iyo so call patriot.
Asalaamu calayukum waraxmatullahi,Wiilqardhood inkastoo si macquul ah aad isku dayeyso in loo doodo hadana hadalkayga fasir ka duwan sidaan ula jeeddo ha ka sameyn oo aniga maxamed siyaad iyo
cabdiqasim Salaad gaar uma tilmaamin balse waxaan sheegay in wadanka lagu wada xadgudbey oo dadku u batey nasiibdaro tuug iyo tuug kalkaal, inta maangaabka ah loogu sheego xumaanta in qabiilada kale ay tahay,qabiilkiisu wada sharfan yahay,halkaas oo naceyb aan xaq ahayn u guntado reer soomalyeed oo aan kalasooc lahayn,waxaana kaloo jirta in dad iska dhaadhiciyey in ay wax xukumaan inta kalena la xukumo,anigu waxaan ku shaqeeyaa qaacida sidan oo laga soo wariyey Sayidinaa cali bin abudaalib waxayna tiraahdaa (dad gaar ah ha u aqoonsan xaqlayaal ama run sheegayaal balse baro xaqa markaas ayaad sheegi wixii xaq ku taagan)waxaan u dulqadan karaa aragti ka duwan midaan qabo, taas oo keeni karta in si degan oo ka hufan dacaayad raqiis ah iyo dad naceyb foolxun wax la iigu sheegi karo.Patriot: Adiga sxb waan ka xumahay fikrad aragti iyo dood midna maadan soo bandhigin waxaad meesha ku soo qorteyna uma baahna jawaab waayo waa wax laga xishoodo ,mana filayo in aad kala ogtahay gabar dhoocil ah inaad la caytamayso iyo in aad rag fikrad isdhaafsi u socdo aad la hadleyso,marka waxaan ku leeyahay hadalkaagu aniga agtayda ka soo qaad ma leh, qabiil soomaaliyed si guud uma cayo,kumana dayanayo inta dhaqankaas caadada ka dhigatey oo ah mid ka hor soo horjeeda diinta Islaamka iyo caqliga suuban.
Fariid iyo Deeq, walaalayaal, waa loo baahan yahay dad ka damqada dhibaatada haysa ummadii soomaaliyeed oo taageera soo celinta qaranimadii iyo dowladnimadii,waana badan yihiin dadka fikrada idin la wadaaga,inshallah idinka iyo inta kale ee jecel wanaaga ummadana way guulaysan doontaa jaribaad kadib, una dulqaata aflagaada dadka maangaabta ah ee buka oo cudurkoodu yahay mid daawadiisu tahay geerida iyo jabka dad walaalahood ah oo waxba ka galabsan . ugu dambeyn waad mahadsantihiin.(Keep up the good work).

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil-Qardhood

Wednesday, March 07, 2001 - 02:52 am
To: Deeq

Walaale Deeq dhawr arimood awgood ayaanan kaaga jawaabikarin suàashad na weydiisay.

- Waa marka hore walaal meeshaan maaha meel majeerteen oo kaliya looga hadlaayo ee waxaa looga hadlaayaa danta guud ee inaka dhexaysa marka sidaas darteed walaale anigu arinta qabiil uleexinmaayo
- Waa midda kale ee anigu maahi qof raadiya waxa ay Majeerteen ama mareexaan ama Hawiye oo kaliya galaan iyo waxa ay gudaan , marka haddii ay dhab kaa tahay oo aad rabtid in aad qabiil kamid ah qabiilooyinka soomaaliyeed baratid oo daraasaad ku samaysid waxa ay wadanka u galeel, walaale waxaad ka raadisaa buugaagta taariikhda adoo dhexdhexaad ah oo aan been beentii "aabe" Siyaad iyo "jaale" Boy dhag u dhigayn. Haddiise aad rabtid dad kuu faana ka raadi meelkale oo forumka ka mid ah waxaanna hubaa in aad kahelaysid qaar badan.

- Midda kale walaale Majeerteen iigama baahna in aan difaaco waayo maaha qabiil xumaan caan ku ah, oo danbi laga tirsanaayo, mana aha qabiil laquursado oo ubaahan in aan difaaco.
waayo ninkii danbi lagu hayaa qareen ubaahan.

Marka walaale waxaan adiga kugula talinaayaa in aad wixii laga doodayay aad wax ku darsatid oo aadan dooda qaloocin haddii kale aad akhriste ka noqotid

To: C/waaq
Walaale waa runtaa oo wadanka waa lagu wada xadgudbay laakiin wadanku wuxuu lahaa masùuliyiin wax kasta oo dhacana ciiddii masúulka ka ahayd baa dusha laga saaraa danbiga lagalayna cidbaa masuul ka ahayd sida Ina Salaad Boy iyo Ina Siyaad Bare iyo Morgan iyo Gabiyow iyo wixii dawladdii Afweyne ku jiray oo Masuuliyiinta waa wayn ka ahaa waayo iyagay ahayd in ay ilaaliyaan dadka iyo dalka soomaaliya oo ay ka ilaaliyaan Musuqmaasuq iyo in la dhoco xoolaha qaranka iyo wixii lamid ah. Marka walaale maxaa kujaban haddii aan laba kamid ah dawladdii wadanka dumisay aan tusaale u soo qaato?

Midda kale DADKIINAN Mareexaanow marna dusha ha u dhiganina wixii Ina Siyaad Iyo Ina Salaad ay ku sameeyeen dadka soomaalida ah.
Afweyne soomaalidoo dhan buu Madaxweyne u ahaa ee mareexaan kaliya madaxweyne uma ahayn walow uu qabiil ahaan kadhashay, taasna ogaada. Qofkii idin eedeeyana waxba ha u dan galina waa qof aan xaqiiqda lasocone.
S/C

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

farriid

Wednesday, March 07, 2001 - 03:14 am
s/c

cabudwaaq waadku mahadsan tahay sxb wanaaga iyo daganaanta kaa muuqate eed wax nooga dhaadhicisay.

waan dareen sanahay in dad badan oo soomaaliyeed ay jacayl u qabaan dhulkooda hooyo dareensan yihiina waxtarka uu leeyahay wadaninimada iyo horumarka bulshada.

asaga oo qofka fiirinayo waxtarka kasoo gali karo iyo faa iidada ay u leedahay asaga aaqiri iyo aduunba.
sxb dadka figradaha ku kulmo wax walba yeey leeyihiin waxaana u badan dadka lala kulmo in aad dood la wadaagto sida ninka mowduucan furay iyo wiil qardhood oo kale oo aaminsan figrada c/yusuf afkiisa ka yeerto ayaga oon marna dib u fiirin macnaha ku jira..

to wiil qardhood

horta marna haka cararin qardho dagax iyo kulaybay leedahay hadaan dhoho sababta oo ah adaa magicii soo xambaartay, taas waxay sahli kartaa magaalada barasho inay nooga kororto cimiladeeda hadaan tilmaamno marka inay waxku jiraan marna ma qabo aniga.

mida kale sxb hadaan dowlad goboleed dhisan karno 10sano isma aanaan dagaalneen.
dagaalka sokeeye waxa uu u istaagi la yahay waa dadka soomaaliyeed oo dhulka wada dagan.

marna aan qaybsax ah ku heshiin karin ilaa la dagaalo qolona ay isaga tagto meesha qolana u harto sida waligeed caadada ka ahayd deegaanka.

haday colaada dhamaatana dadku waxay ku wada dagi karaan nabad iyo coono ayaga oon marna laga wada hadlin dhulkan yaaleh ee qofwalba dowlada booskay u cabirtay uu xaq uleeyahay adiga iyo reer qardhana qabiil aadan beertaada iyo booskaaga shirka ugu ahayn.
taas waa arinta xaqiiqada ah.

in dowladgoboleedyo la dhiso waa figradii c/yusuf iyo inta la aragtida ah.

hadaan is waydiino meeqa gobol oo soomaaliyeed yaala wada dagan yahay see loogu heshiin karayaa makula tahay in jubaland hadii la dhiso adiga reer qardhoodka ah aad qaybku yeelan karto.

madaama aaysan marna macquul ahayn in dadku saas u heshiiyo riya been ah miyaysan ahayn aniga iyo adiga oo mindi barkinta hoosteeda isugu haysano inaan niraahno waysahlan tahay inaan hoos kasoo bilowno.

taas waxaan uga tilaabsan karnaa inaan ilowno dowladii hore reer hebel bay ahay tana waa reer hebel ana reer kalaan ahay inaysan macno u lahayn dadka danyarta ah ee dhulka kunool iyo shaqsi walba oo soomaali ah.

dadku iyo dalkaba waxay u baahan yihiin nabad iyo hogaan kan maanta ugu dhowna waa kan aadku haysaan xasan abshir xamar buu qashinka ka xaaqayay.
iyo waala hayste. markaad qoraal bilowdana aadku bilowdid ina siyaad iyo ina salaad dowladoodii.

miyaysan ahayn inaad runta ka fogtahay maadaama aadan marna afkaaga ka maqal dowlada ina salaadboy iyo xasan abshir maadaama uu abdiqasina tiihore la shaqeeyay aad soohormariso.

miyaysan figrada c/yusuf ahayn adigana aadan codlahay marka waxa adiga kuudan ah aadka tilaabsato dowlad goboleed iyo meelaadan ku korin oqoonin aadan laqabsan karin laga yaabo in boorka iyo kulaylka aad u dhimato hadaad joogto aad u doodo. nabadii iyo soomaalinimadiina aad siisato.

aniga ma jecli c/yusuf iyo inta lamidka ah oo burburkii dalkeenana bilaabay ilaa hadana u guntan dagaal cusub abuuridiisa iyo dhiiga dadka.

markaan dhashay c/yusuf wuxuu ahaa mucaarad wuxuu raadinayay xukun iyo burburinta soomaaliya maanta oo aniga hadii la iidhiibo xukunkana aan simunaasab ah uga soo bixi karo wali wuxuu tagan yahay mahbarnimadiisa burburinta dalka.

makula quman tahay adiga oo waxyar oo wadani nima ah kugu jirto inaad taageero u qabto dadka la mid ah noocaas sida dagaal oogyada aanan magacooda sookoobikarin hogaamiya goboleedyada iyo cidwalba oo burburka iyo mustaqbal xumada dhulkeena gacanta ka gaysatay.

aniga iyo inta damiirka leh koley maqabno.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deeq

Wednesday, March 07, 2001 - 06:09 am
Ku:Cidda ay quseyso

Hadalku marka uu baato wuxuu u bahaa sida biyaha waana adagtahay sida biya baahay loo soo afgooyo.

Waa sababta igu kaliftay in aan ku xuususiyo shuruucdda u yaal wax qorista. Taas oo ah marka hore in la soo koobo SUBJECT laga doodayo oo ah SIYAASADDA dib u dhisidda QARANKA Soomaaliyeed.

Siyaasadda marka laga doodayo waxaa khasab ah in qofku ku hadlo magac WADANINIMO ama ku QABIIL ama labadaba haduu qofkaas ka soo jeedo reer labada dhinac ka amanan sida MAREEXAAN.

Waa sababta aan ku warsaday su'aasha ah: Maxaad la soo shirtagtay ood Soomaali la hor imaan kartaa dhankey doontaba ha noqotee WADANINIMO ama QABIIL?

Welina su'aasha waa ii tagan tahay. oo arini waxey jogtaa Xiniya riix.

Tan ku saabsan barashadda MAJEERTEEN waxaan kaa iri:

Waxaan u aqaan DABATO DUKAANLEY AH OO MACAWISYO SIDATA OOMA-SOORANA DAGTA WAXA SOO RACANA WAA C/MAX IYO CIDIYA MADOW la GUUMEYSTO.

Ma buuxin kartaan shuruudaha lagaga qayb qaato TAARIIKHDDA.

Xagee jirtay sabanki geeska Africa loo kala baxay muslin iyo gaalo?
Xagee jirtay sabanki Sayid Maxamed galaadda la jihaadayay?
Xagee jirtay sabanki SYL?
Xagee kuu danbeysay sabanki dagaalki Ogaadanya?

Intaba ninki u taagnaa oo ah Mareexaan yaa maatana dhisay D-KMG la'aantiisna Cayer wax ma noqdeen. Koonfurta Xamarna dowlad iyo dal la aqoonsado ma noqdeen hadaan shicibka is heysta Kismaayo ilaa Gedo ayidin madama dalkuba yahay koonfur iyo waxaanan micna laheyn.

Dukaanlese ma fahmi karo waxa anigoo 9 Xildhibaan iyo hal wasiir leh igu kalifay in aan dowladda ayido.

WAR ANAA LEH OO WAXAAN GUDANAYAA KALIIN TAARIIKHI AH EEBANA DUSHA IGA SAARAY.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil-Qardhood

Wednesday, March 07, 2001 - 10:09 am
To: Farriid
Horta anigu haddaanan qardho ku qanacsanay magaceeda maqaateen ee sidaadoo kale yaan xamar iyo babaaygeedii ku celcelinlahaa.

Farriidow runtii waxaan layaabaa markaan arko qof Ina Siyaad ugu doodaaya wadanibuu ahaa. Waxaan hubaa runtii in aadan waligaa arag ama aadan lakulmin qof u soo halgamay xornimada ay soomalidu haysato maanta. Waayo qofkasta oo lasocda halgankii xornimo doonka wuu og yahay meesha uu Ina Siyaad kaga jiro iyo sumcadxumida uu ku leeyahay dadka soomaalinimada u soo halgamay. Ina Siyaad wuxuu ahaa ninka Talyaanigu ugu kalsoonida badnaa oo loo dirijiray in uu ka hortago wixii mudaaharaad ah ama xornima doona ah.

Taas kaba soo gudub intii uu Ina Siyaad xukunka hayay waxaa uu ku sameeyay dadka soomaalida ah waxkasta oo xumaan ah oo shacabka loo gayso, xattaa waxyaabo aysan walli dad shisheeye ku samayn dadka soomaalida ah.

Waxaan hubaa in aadan waxba kala socon wixii dhib ahaa oo Ina Siyaad ku sameeyay dadka soomaalida ah. Waayo waxay ubadantahay in aad sharkiisa uga magangashay maadaama qabiilkaagu uu daacad u ahaa "Aabe" Siyaad taasna waxaa daliil u ah sida wax garasho xumida ah ee aad u difaacaysid Codawga Soomaalida #1 Ina Siyaad Bare. Marka Sidaas darteed baad mooday in soomaalidoo dhan ay kuwada socdeen 4WD, iyo miirashada dhiiga dadka kale ee masaakiinta ah.

Waxaa Yaableh dadkii uu Afweyne wadankoodii hooye kacayrshay inaad tiraahid Amxaaro ayay u shaqaynayeen, wax lala yaabo maaha waayo "aabe" Siyaad iyo habrihii oryateeshinada iyo Green doggs baa sidaas kaa soo dhaadhiciyay.
Taasna waxaa daliil u ah in aad dadkii Ina Siyaad mucaradka ku ahaa aad ugu yeeraysid in ay amxaaro u shaqaynayeen waayo adiga wax dimuqraadiyad ah baadan ogolayn.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dhabad

Wednesday, March 07, 2001 - 12:23 pm
To:Wiil-qardhood.
waxaan ku weydiinayaa adiga iyo cidii kale oo kula wadaagtaba in aad iiga soo jawaabto arimaha soo soda oo ii fududeen kara in aan ku fahmo,miyaad qabtaa? cudur ku dhaca badanaa qeyb ka mid ah Majeerteenka oo leh toban(10) sifo oo lagu garto markuu qof hayo calaamadahan, bal ii soo sheeg, waxaan isku dayayaa in aan ku tilmaamo daawo loo soo saarey, waana sida socota ,waxyabahan qeyb ka mid hadaad isku aragtey fadlan degdeg iila soo xariir:
1)Xukun jacayl(Power Hunger) lagu garto cayda joogtada ah ee Maxamed Siyaad,madaama uu ahaa ninkii dadka barey waxay yihiin.
2)Dacaayad raqiis oo meel walba lala istaago(baseles and unfounded information).
3. wadaniyad xumo(Lack of love of one,s country).
4.shisheeye kalkaal(Assisting aliens).
5.Islaweyni iyo qab ayan quruumuhu la qabin.
6.Daandaansi iyo isdhiib degdeg ah(Aggresion and surrender with no resistance).
7.Karaamada oo la iska qaado haddii wax lagu helayo(to do shamful acts to achieve something by any means).
8. Labo wajiilanimo, kule jire kaa jire(Double Standard) munaafiqnimo.
9.dad isku dir caado laga dhigto(Planting seeds of disagreement among fellow brothers).
10. eex inhdhala,a(one sided view).
Hadaba hadii aad isku aragtey wax ka mid ah calamahan ila soo xariir.
If you or anyone else have this symptoms, kindly contact me asap. Maalin wanaagsan.(have nice day)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deeq

Wednesday, March 07, 2001 - 01:44 pm
ku:Wiilasha Majeerteen

La iskla soo bax ANIGA ADIGA iyo tanaago. Oradoo ula tag Hawiye. Iyagaa midhaa sheeka yaqaan dockayeeradda.

Hadii kalana soo ban dhig wax raad la raaco leh oo rag ka xajoon karo lagana doodi karo kana jawaab su'aalaha aan kor ku warsaday ee ha cayn Siyaad Barre intuu nolaa yuu ku ciilay adigga iyo abayashaa.

Ciil kama baxe ma waxaad noloshadda ku dhameysan waa la i gumaaday iyo waa la idilay goormaad is difaaci dontaa?

Adigaa is baday ee dirir oo dagaal madaxana ciida ka cesho.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

farriid

Wednesday, March 07, 2001 - 10:58 pm
to. wiil qardhood

horta aniga adiga iyo ninka mowduuca furay figradiina meesha ay joogto marwalba way ii cabirnay.

qofka marka uu goobaha la isugu yimaado mowduuc la imaanayo waxaa muhiim ah in wax dadka laga dhex sheegi karo uu soo bandhigo.

aniga ina siyaad meesha uu maskax diina uga jiro waawax aan marwalba dareensanaa lakiin.
siyaadtag alaha u naxariistee waxti dheer yuu maanta mootan yahay.

wax badan yaaka danbeeyay, waxaa muhiim ah mala jaan qaadi kartaa shacabka maanta kalintee uga jirtaa maanta nolosha.

wali meeshii shalay aad taagnay. xisaab yaridii dhul la aanta iyo dheef la aanta ku dhigay..

waxaa haboon maadaama aad aragtid in ay kugu adag tahay inaadan jiidi karin culayska kusoo wajoho inaad dadkaaga dhinac ka raacdo.

marka aad taariiq iyo wax tagay u laabato dadku waxbuu ka wada og yahay waxaa imaanayo suaalo hade hadaadan ka dabaalan karin ama horay aadan wanaag lasheego ku hayn inaad taabato yaa qalad kuu ahayd..

waxaan u malaynayaa adiga iyo dad badan su aalo wadnaha xanuujiyay yaa meesha ka arkay.
hadaad wadani ahaan lahay oo qardho iyo qabiil ka caafimaad qabi lahayd waxba kuulama aysan muuqateen.

wali waqtiga ma fogo isku day inaad ku qubaysato biyo nadiif ah.

ka tilaabso qardho iyo waxa laga aaminsan yahay waadyartahay wali, wadankaas babaayga ka boxo inaad waxku leedahay isku day.

aniga intaan ku dhihi lahaa waa intaas.
hadaad dood macquul ah oo laga dhoho hayso waxaa yimid dad xiisaynayo inay wax kaaga sheegaan waqtigii tagay isku day inaad waxka dhahdo oraahda ay qabaan.

deeq iyo dhabad waad salaaman tihiin aqayaarta. waxaan u malaynayaa wiil qardhood iyo inta la figrada ah meel xanuun badan yaaka taabateen bal u yara tartiibiya yuusan wadnuhu istaagine..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil-Qardhood

Thursday, March 08, 2001 - 01:11 am
To:Fariid
Waxaa wax lala yaabo inaad adigu leedahay mowduuc keen iyadoo ayba adagtahay in la fahmo ula jeedadaaada waayo hadba meel baad isku aqlaalaysay, Maxamed Siyaad baa wadani ahaa, Ina Hebeel iyo ina hebel maxaad isu raacin wayday, qardho dhagax bay leedahay, babaaygii xamar, iyo nacnac lamid ah, Haddana waxaad leedahay maad heb iyo heb lahadasho!!! Marka adigaana meeshan iiga horeeyay adigaana miicmiic leh ee farriid see alle kuu galay BOOWE.

Farriid waxa aan rabo dhowr jeer baan kuu sheegay waxayna tahay in shacabka soomaaliyeed ay maamul goboleedyo dhistaan maamuladaasna ay dawlad dhexe dhisaan sidaasaana noo wanaagasan, oo dadweynaha soomaaliyeed meelkasta ha joogeene ay awooda wax ku yeelana yaan. Halka adigu aad wixii Ina Siyaad iyo Ina Salaadba ka soo horjeedaba aad Amxaaro ugu yeeraysid iska dhaaf inay xukunka wax ku yeeshaane. Hadalkaygu intaasuu ku saabasnaa, In Shacabku helo awooda dawladda dhexe ee aysan xadin dhowr tuug oo Afweyne lasoo shaqaysan jirtay

To: Wiilasha "Mareexaan"

Nimanyohow waxaad iisheegtaan sababta aan majeerteen iyo waxay galeen iyo waxay gudeen uga faaloonaayo, waayo sidaan horay u sheegayba Majeerteen cidna danbi kama galin mana ahan dad laga badanyahay ama layaso oo iiga baahan inaan difaaco. Laakiin idinku waad ka faaloon kartaan qabiilooyinka aad kadhalateen waayo sabab ayaad mindhaa uhaystaan. laakiin kolay majeerteen taas ilaahay waa uga raayay.

Arinta ah inuu Afweyne soomaalida cadaw u tusay Majeerteenka, taas nimanyohow inidkaaba Adeerkiin danbiga u siibadinaaya waayo waxaad ku cadayseen inuu soomaalida isku diri jiray oo sidii gumaystihii uu u shaqayn jiray uu qaarkood qaarka kale cadaw u tusi jiray.

Sababta ugu wayne ee Maxamed Siyaad uu Majeertenka sida gaarka ugu necbaa waxay ahayd
-Afweynoo waa gumytaha ahaa dabadhilif talyaaniga usheqeeya
-Majeertenka oo ubadnaa SYL iyo dadaalka xornima doonka oo Afweyne ka soo hor jeeday
-Majerteenkoo ah dad aad uga xadaarad iyo tacliin dheer qabiilkuu kadhashay ee Mareexaan oo markaas uu isaga kaliya magaalo kajoogay (wax layqaanay ama magac lahaa)
-Majeerteenkoo ahaa dadka ugu aqoonta badan soomaalidii markaas joogtay ayna xilal waaweyn ka hayeen dawladdii soomaaliyeed ee kadib dhalatay , ayaa Afweyne cabsi badan ka qabay inay qabiil ahaan meesha uga qaadaan.Taas ayayna ahayd sabata ugu wayn ee Afweyne Majeerteenka u gardaraysan jiray.
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa "mas madaxaa laga dilaa" marka maadama Afweyne uu ahaa Cadawga soomaaliyeed #1 ayaa uu ku khasbanaa inuu Majeerteen kabilaabo kadibna Isaaq, Kadibna Hawiye. Laakiin majirin sabab uu marexexaan ula dagaalo waayo aqoon iyo taariikh ay dib u raacaan midna mareexan malahayn, wuxuuna goàan saday inuu markaas wax kadhigo sidii ilmo yar oo wax kasta laga dhigi karo.
marka Majeerteen uma baahna in aan difaaco ee mareexaan baa ubaahan baan filaayaa.
S/C

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dhabad

Thursday, March 08, 2001 - 11:28 am
TO:Wiil-qardhood.
Waxaan ka xumahay in aad ka been sheegtay taariikhda aadna ku socoto sida aan ku bartey Majeerteenka qaarkood oo aan ku timaami karo in ay ka liitaan naag maseertey,had iyo jeer waxaad u hadal haysaan Maxamed Siyaad(Allah u naxariistee)waa sida uu ummada u tusay in aad tihiin Munaafiqiin ku dhaqma labo wajiilanimo,waxaad isticmashaan wax kasta oo aad is leedihiin wax baad ku haleysaan qalad iyo saxba. waxyaalaha aad iloobi la,dihiin ee cadowtinimada idiinku wacan waxaa ka mid ah:
markii aad damacdeen in aad ku qabsataan xukunka wadanka Majeerteen soocan oo aad iskugu sheekayseen wax na horistaagi kara ma jirto, ee sidaad mudneydeen idiin galey oo aad Amxaaro maciin moodeen aadna noqoteen Soodaf ,lana ogaadey daciif nimadiina,waxaana meeshaas ku burburay qabkii iyo beentii aad muddo dadka u sheegteen oo ahayd Majeerteen iyo intii madaxmadow baa siman oo runtii noqotay oo loo bedelay Majeerteen iyo midgaha siman.
markii dagaalka sokeeye dhacay oo dowladii la riday waxaad damacdeen in aad Hawiye kaga heshaan naxariis in aad isku dan tihiin oo la idin wada dulmay, haseyeeshee nasiib wanaag hawiye dadka idin bartey buu ka mid ahaa wuxuuna si foolxun idiinku darey dhagta dhiiga,markaas ayaa hadana aad soo kaalmeysteen yaa Daaroodeey? Mareexaan dhulkiisii gedo iyo Jubbada Hoose waa asagii idin ku soo dhaweeyey idinkana difaacey gumaadkii Hawiye, haseyeeshee sidii cadadiin ahayd waa idinkii munaafaqnimo aad ugu magac darteen Harti looga saarey Mareexaan magaaladii
Kismaayo, waana tii la yiri Sir ma qabe allah u sahan eh, waxaa Mareexaan mar kale idin tusay in guushu raacdo qofka daacada ah ,hadana sidaas ogsoon tahay waxaa magaaladii aad ku qarweysaan u taliya ilaah mahadleh Mareexaan,mana aad imaan doontaan ilaa aad fagaare cad ku saxiixdaan in aadan mar kale sheegan karin lahaanshaha magaladaas(Never to claim ownership of that city).
Hadaad xoog ka raadiso RRa(Raxanweyn) iyo Amxaaro waa kuu furantahay balse ku tasho tariikhda Soomaalida weli lamo hayo meel aad ku guulaysatey dhagarta aad had iyo jeer maleegto.Ugu dambeyn waxaa dhibta badankeed idiinku wacan waa siday aniga ila tahaye waxaad isku daydaan in aad qarisaan ujeedooyinkiina gaaban oo xukun jaceylka ku salaysan balse dadkii baa idin bartey(Too bad their is no place to hide anymore).
Hadaba maangaab Majeerteenow maad meelaha uusan Mareexaan joogin ceebtaada ku asturtid, waayo annagu toosh baan indhaha idin kaga qabaneynaa si ummadu idiin aragto. Nabadgelyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deeq

Thursday, March 08, 2001 - 03:33 pm
Ku:Cidda ay quseyso

Gabalkaa dhac bey ila tahay. Horaanse kugu sheegay in aysan arin joogin ANIGA-ADIGA. Ee bal tana ila arag:

1. Tan ku saabsan maamul goboleedka.

Dastuurka ku meel gaarka ah ee lagu ansaxiyay Carta yaa faraya oo in Soomaaliya lagu maamulo nidaam madax banaani buuxdda u kafala qaadaya Goboladda dalka ka kooban yahay.
Taasu barya ma aha ee xaqiiqdda Soomaaliya manta ka jirta yaa sidaas ah. Beel walba iyadaa u madax banaan dhulkeedda iyagu hadey donaan ha is xukun marooqsadaan ama ha is gumeystaan sida Majeerteen oo dhamantiis hoos yimaadda C/Max.

Waxaan qabaa in D-KMG ay kaa xoreyn karto huwanta ku dul saaran sidaasna aad ku heli karto MAAMUL GOBOLEED ugana badbadi karto in ISIMADAADA IYO CUQAASHADDA SIDI DHOOCILO DHAQAN CELIN LOO GEEYO GAALKACYO.

2. Tan Qabiilka waxaan kaa iri:

Maxamed Siyaad Barre,wuxuu ku mariyay ciqaabta uu mudan yahay nin walboo dalkiisa khayaana waana talaabo caadi ah oo dowlad walba qaado si loo badbadiyo danta guud iyo xasiloonidda.

Siyaad Barre kugma dirin Soomaali ee idinkaa kala hari waayay oo kuligiin daba dhilif u noqday AMAXAARO.

Ummaddu, dhago ay wax ku maqasho iyo indha ay wax ku argto yey laheyd xususo RADIO KULMIS isagaa Soomaalidda kugu diray ADIGAANA KA SOO HADLI JIRAY.

Tan tacliinta iyo qaoonta ood laba jeer ku celcelisay waxey la mid tahay INTA MADAX MADOW IYO MAJEERTEEN yaa badan lagana sal gaar.

War hadaad tacliin dadaka dheer tahay ood maamulka dalka kaga jirtay meela sar-sare maxaa ku dhigay meesha aad maanta jogto iyo halki aad tiilay marki MAXAMED SIYAAD xukunka barqa cad kaa qabsaday. AQOONTA MA AHA VIRTUAL SIDA RIYADDA WAA FACTS.

Tan SYL dhamaan wax garadka Majeerteen BOQOR,SULDAAN,ISIN IWM waxey ahaayeen PRO-TALYAANI. Mushaarna waa ka qaadan jireen.

Waxaa ARKIIFIYADDA TALYAANIGA laga heli karaa dokumeentis leh:
Cuqaasha iyo shicibka Majeerteen oo waligood dacad u ahaa Mustacmarka Talyaanigga kalin libaaxna ka qaatay jabki Sayid Maxamed ha loo diyaariyo in xukunka lagu wareejiyo.

WAA WAX QORAN OON WALIGAA KAA HARI DOONIN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cadaado

Saturday, March 10, 2001 - 01:06 am
Daarood la shaandhee MARREEXAAN baa ka soo baxay. Bal dadow fiiriya waxa wiilasha Sade iyo Majeerteen dhex maraya. War Marreexaan war nimanku waa tol e sida u dhaama, war waa sidee waydinka bohol iyo doh ka laadlaadshay e, war carrada hayska joogeen iyo meelaha internetka ha ku ciil baxeene xoogaa xarigga ka dabciya. Waa ognahay oo nijaasadoodu waa daran tahay hase yeeshee kolleyba dad nadiif ah kama dhammaan karaan baan u maleyne oo wax uun iyo soomaalinnimo bal inay u soo laabtaan.

Waxaan taariikhda ka akhriyay Sayid Maxamed Cabdille Xasan arrimo dhowr ah oo hagardaamo meeshii ugu dambeysay ah oo ay Sayidka u geysteen markuu gumeystaha gaalada jihaadka kula jiray:

1) Inay yiraahdeen war annagaa Daarood kula ah garabna kuu noqoneyna ee Bari iyo Bad imow iyo Buur cadawga gaalka ah laga galo ballanqaad iyo axdi adagna siiyeen hadduu soo guuro inay gacan siinayaan; markuu soo guuray oo meeshay joogeen u soo dhowaaday bay wax Allaale wixii ay awood lahaayeen iyo gaashaanbuur (Warsangeli) ciidaan iyo dagaal ka horkeeneen Sayid iyo daraawiishtii oo muddo dheer safar soo ahaa o diiftii safarku ku taallo, inkastoo Sayidku u jilibdhigay duullaankay soo kacsheen illaa nimanku ma dagaallamaane haddana dhib waa u geysteen. Waatuu gabaygiisii Jiinleey ka tiriyay:
Jawaawida Majeerteen hadday jalawdu ii yeedhay
Inaan joro ku sii dhaho hadday igaga jeebnaatay
....
Jisadeyda Eebbaan ka heli talaba waa jeere
(fiiri Diiwaanka Sayidka)

2) Ayagoo gaashaanbuur la ahaa Talyaaniga, calanka Talyaaniguna ka taagnaa Bosaso, Qardho, ninkii Talyaaniga ka soo horjeesta ama wax ka sheegana yiri Talyaaniga ha la siiyoo oo dhulkiisii iyo meeshuu doono ha la aado. Waa tay nin wadaad ah oo la oran jiray Cali Faahiye Geeddi siiyeen talyaaniga oo uu markabkiisii saartay oo la tagay, kaddibna Sayid Maxamed baa ka warhelay oo yiri Talyaanigii markabka watay isu kaaya keena aan wada xaajoonnee, markay u yimaadeen buu yiri haddeydaan soo dejin Cali Faahiye waa idin laynayaa hadde wadnaa diidoo ninkii la soo deji waatuu lahaa Sayid Maxamed markii ninkii la horkeenay:

Ninka Gaalka la siiyay
Markab guudki la saaray
Talyan loo garba duubay
Gacal sow ma laheyn??!!! Maya xaggee gacal ka lahaa gacalkii waa kuwa gaalka u garbaduubay e!!

Waxa gaalada siiyay
Garacdii Bahdir weeyoo
Gadhkiisoo la jaraa
Ma gooyaan dhammidood!!!

Geeridu xaq weeyee
Waxaanan ka gam'aynin
Cali Faahiye Geeddi
Waa siday u galeeney!!! Gabaygu waa dheeraa intaasaan ka xusuustaa.
Wixii uu Sayidku ku dhigay oo ay ka galabsadeen iyo wuxuu gabaygiisa iyaga ku caayay iyo siduu u sheegay xumaantooda haddii aan meeshaan ku soo qoro waxaan ka baqayaa in Soomaalidu Majeerteenkoo dhan wada nacdo taasna waxaan u malayn inay khalad tahay maxaa yeelay sidaan sheegay dad wanaagsan baa ka buuxa.

Maanta oo dalka in nalaka qaato aan qarka u saaran nahay oo amxaaro (the historic enemy of Somalia) hadba dalka meel ka soo galeyso waxay doontana ku disho waxay doontana dhacdo, ayagu waxay u arkaan inay amxaaro xabiibka Soomaalida tahay danteennana waddo annaga dhexdeennana amxaaro na heshiisiineyso. Waryaa Majeerteen xishooda oo isdaba qabta oo Soomaalida maanta dib u heshiisiintu ka dhab tahay dhinaciinna ka soo raaca haddii kale hadde Sayidkaa hore u yiri:

Waxaan kaa xishoon iyo ximaar xeewal Bari baa leh

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Caaliya

Saturday, March 10, 2001 - 10:34 am
waryaaya maxaad taarikhddiina uga sheekayn waydeen waa idinka taayada oo kaliya intaas qalqaloocinayee, masse idinku taariikh malihidin oo tan majeerteen oo kaliya masse dadka kale taariikh maleh oo laqoro oo laqalqaloociyo ama aan laqalqaloocin.

wiilqardhood

aboowe dadkaan sifiican baad wax ugu sheegtay,laakiin siyaad bare baa sidaad sheegtayba soo tarbiyaystay oo way adagtay in wax kale madaxooda galaan, ha is ku wareerin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dhabad

Saturday, March 10, 2001 - 01:02 pm
TO:CADAADO
Afkaaga caano lagu qabey,waxaad si cad uga soo taariikhasey sida walaalaheen Majeerteen had iyo goor looga la,yahay in ay dadkooda dhinac ka raacaan kana hormariyaan dantooda gaaban danta guud,walina waxay ku taamayaan in ay xukumaan Soomaali oo ayagu gaar u mudan yihiin arintaas,
Annaguse Maareexaan hadaan nahay diyaar baan u nahay in aan ogolaanno lana shaqeyno qofkii Soomaali u garato in uu wadanka hogaamiyo qabiilkuu ahaadaba,waana arintaas sababta badanaa aan u taageerayno dowlada ku meel gaar ah iyo in wadanka laga saaro Amxaaro oo cadow qoto dheer oo soo jiraal ah ee ummada soomaliyeed leedahay,hadana ka faa,iidaystey burburkii qaranka gaarey,mana diidanin in lala heshiiyo Amxaaro hadey balan qaado in aysan nagu soo xadgudbin,waxna ka qabato dhibaatada ay ku hayso shacabka Soomali galbeed ee ay gumaysato.
Waxaan leeyahay war wixii tagey tage eh,hada ha la istixgeliyo,hana loo wada jaanqaado soo celinta sharaftii iyo haybadii Soomaaliyeed, hana laga gudbo naceybka wax sii kala fogeeya.
(Let bygone be bygone)Let us together move forward as one nation with shared faith and value. All the best to all of you
Your fellow Merahan .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HIRAAB

Saturday, March 10, 2001 - 02:05 pm
To Wiil Qardhood

Intey kugu heleen niman ku yaqaan alaah iska dayee Mariixaan waxaana la yaabanahay sida nimankaas iyo Majerteen ay Darood u wadda noqon karaan.aad iyo aad bey idiinka fican yihiin soomalinimada agtooda micne ka leedahay daroodnimada ayagaa difaca dagaal markey noqoto nabadana yaqaan. Caydiid iyo Hawiye oon kala jabin waa hore yey soomaaliya qabsan lahayen hadaan mariixan hor joogin,gaalkacyo laba goor bey kugu difaceen oo habargidir kaa celiyeen. hadaan hawiye nahay waxaan oganay in laantood wax soconaya jirin lakinse ay soomaali ficaan oo wax gasha yihiin.
Ma u maleynayo in aad ku farxeysid amanta walalaha mariixan lakin ogow ayaga hooskooda harsata.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil-Qardhood

Tuesday, March 13, 2001 - 06:37 am
To: Taariikhlaawayaasha

Horta aniga iyo idinka waddan uun baa naga dhexeeya ee wax xadaarad ama taariikh kale oo naga dhexaysa majiraan. Taasna waxaa cadayn u ah ninkii wadanka soomaaliya madaxweynaha ka ahaa ayaad waxaad ku amaanteen inuu qabiil kamid ah qabiilooyinka soomaaliya uu caddaalad daro kula dhaqmay, taas oo kale maaha wax qof xadaarad ku abtirsadaa uu ku faano ama ku faaniyo Madaxweynihii wadanka, Laakiin Anigu idinka maahi oo taas oo kale waxaan u arkaa in ay tahay wax fool xun.

Tan ah Isimada majeerteen ee Deeq carabaabay, Horta niyohow waxaad tahay dadka taariikhda beenbeenta ah Afweyne u abuuray marka way adagtahay in wax kale lagu fahamsiiyo.

Waa aan aad u xiisayn jiray taariikhdii hore ee soomaaliya(talyaaniga kahor iyo intuu joogayba) waxa kaliya ee buug kasta iyo joornaal kastaba ku qoraa isim harti ama Majeerteen ah sida Boqor Cismaan ama Suldaan Keenadiid ama Islaan Faarax ama Suldaan Cali Yuusuf iyo Ugaaska (Alle ha u wada naxariistee) oo intaas gumaysigii talyaaniga la harjadaaya. Mar aan akhriyay joornaal Talyaani ah oo soobaxay bilawgii qarnigaan ayaa waxaa ku wada doodaayay laba nin oo siyaasiyiin oo ka hadlaayay arinta dhulkii talyaanigu markaas joogay (Liibiya iyo Eritrea iyo Soomalia) Marka nin kamid ah nimankii markaas xagjiray baa wuxuu yiri " waxaa khalad ah in la yiraahdo soomalia baan xukunaa iyadoo wadanka barkiis "madaxbanaanyahay", isagoo ula jeeda Majertenia iyo Mudug oo markaas haystay xoriyad aad u badan oo aan kajirin meelkale oo Africada talyaanigu gumaysto, nin ah kuwii xukunka hayay ayaa waxa uu ugu jawaabay " dadka Goboladaas daga waa dad aad uga xadaarad dheer oo waxay horay u lahaayeen maamulkooda oo waxaa ka jira laba Boqortooyooyin Mida Mudug ama Hobyo ee reer keenadiid iyo midda Majertenia ee Boqorkii Daarood Boqor Cismaan , waligoodna way nidaamsanaayeen oo wax aan ku siyaadino mijiraan, haddii laysku dayo in aan xukuno waxaan kala kulmaynaa dhib aad u badan oo wiilal Talyaani ah baa ku nafwaayaya, waayo wadamo shisheeye ayay xiriir ganacsi hubeed laleeyihiin Sida Turkida". Taas waa dood dhacday boqol sano ka hor.

Waxaa jiray markii uu wadaad xume Ina Cabdille Xassan bilaabay xasuuqa iyo dilka dadka aan danbiga lahayn ee soomaaliyeed ayaa waxaa dhacday in ganacsigii dibadda ee Saldanadda Hobyo iyo Midda Majertenia uu xumaaday oo ay adkaatay in hublaga soo gato Turkia, wadamaddii Carabtana waxaa qabsaday reer yurub. markaas ayay labada boqortooyo bilaabeen in ay hub ka gataan Talyaaniga si ay isaga difaacaan wadaad xume Ina C/lle Xassan Haddii aysan saas samayna haddaa anigu maba jireen, Marka mindhaa taasbaa Afweyne si kale idiinka dhaadhiciyay.
Midda kale Deeqow waxaa jirtay markii reer Yurub ay dhulbalaarsiga ku jireen in aysan dadka isku si ula dhaqmin wixii xadaarad lahaa sigooni ah bay ula dhaqmeen wixii kalena si kale. Tusaale ahaan reer Aala Sacuud ee wadanka Sacuudi carabiya waxaa ay xaq u lahaayeen waxyaabo badan oo aysan xaq ulahayn dadka kale, marka sidaas oo kale ayaa reerayowgii haysatay maamulka soomaaliya ayaa talyaanigu xaq u qoray ee deeq soo baro taariikhda inta adan hor imaan dadka.

wiilqardhood@yahoo.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil-Qardhood

Tuesday, March 13, 2001 - 06:42 am
To caaliya
Abaayo waad mahadsantahay,
dadka halkaan ku nacnac leh oo majeerteen ilaahay daba dhigay maleh wax ay ka sheekaystaan marka ha layabin,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

qoslaaye

Wednesday, March 14, 2001 - 03:06 am
waxaa nasiib daro ugu filan wiil qardhood sheeka marqaankii inuu la yimid netla meesha buugtii iyo wixii laga daabacay taariiqdaba si fudud looga helayay..
dad badan yaa qosol la dhacayo marka ay aqriyaan sheekada wiilka yar madaxa looga qabsaday asaga oon ka fiirsana netka kula soo dhex dhacay..

sayid muxamad markuu inuu dhulka isla dhacaya arkay yuu waxka qor is yiri asaga ayaa dib u xishooday..

maantaad meeshii ugu xumeyd ka dhacqay wiil qurdhoodow mindhaa wixii kaa raaco taqiiqda meesha aad uga dhacday meldambe hadal lamasoo fariisatid....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Osman

Wednesday, March 14, 2001 - 03:22 am
sifiican baad ugu jawaabtay wilqardho nimanka Hawiye iyo mareexaan, ee sheeka nacasta waday.

qoslaaye,
Siyidku awliyo maahayn ee wuxuu ahaa khaain alle iyo islaamba ka furtay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deeq

Wednesday, March 14, 2001 - 04:14 am
Soomaaliyey bal ila arka

Waxaad kib u aqrisaan qoralka WIILQARDHOOD ee uu ugu magac daray Tariikhlawayaal.

Waxey ila tahay fikradi Soomaali Majerteen ka qabatay in uu si cad u qirtay oo weliba noo sheegay kha'inimadda Majerteen in ay cado dheer oo soo jirtay tahay.
Mahad ha gartee Wiilqardhood intaas kuma ekane wuxuu noo shegay magacyadi Isimadda Suldanadda,Boqoradda,IslanaddaIWM ee MUSHARKA ka qadan jiray Mustacmarka Talyanigga.

Wuxuu aflagadeyay Sayid Maxamad C/Lle Xasan.

Ku:Wiilqardhood

Waxaa tuhin iiga jiraa in aad tahay ninki magacaas istcmaali jiray sababtoo ah:

Waxaad ku qirtay Majerteen DANBI TAARIKHEED oo Soomaalidda badankeed aysan si wacan ula socon marka aad tiri:
Boqorka,Suldaanka,Islaanka waxey ahayeen CADAQATAYAAL GUMEYSIGGA TALYANIGGA SANDARERTO KA QATA.
Lacag galadda iskama bixiso waliba waagi Gumeysigga kuma sii jirin. Waxaa jiray Boqoro Afrikaan ah oo dadkoodda siisan jiray MURAYADDO iyo SIGAAR.
Bal marka noo sheeg wixi Cuqaasha Majerteen ay ku muteysteen MUSHARKA.

Waa dhab oo waxaa la hayaa qoralo Arkifiyadda Talyaniga ku jira, iyo buug badan oo arintaas laga qoray.
Waxase weli tuhin iiga jiraa inaad ninki tahay. Marka bal shakigga iga saar oo Please ii soo cadee in aad ninki tahay. Hadii kale waxaan ka soo qaadi in qoralkaas uu soo qoray ruux kale oo magacada ku adeganaya.
Mahdsanid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deeq

Wednesday, March 14, 2001 - 04:16 am
Soomaaliyey bal ila arka

Waxaad kib u aqrisaan qoralka WIILQARDHOOD ee uu ugu magac daray Tariikhlawayaal.

Waxey ila tahay fikradi Soomaali Majerteen ka qabatay in uu si cad u qirtay oo weliba noo sheegay kha'inimadda Majerteen in ay cado dheer oo soo jirtay tahay.
Mahad ha gartee Wiilqardhood intaas kuma ekane wuxuu noo shegay magacyadi Isimadda Suldanadda,Boqoradda,IslanaddaIWM ee MUSHARKA ka qadan jiray Mustacmarka Talyanigga.

Wuxuu aflagadeyay Sayid Maxamad C/Lle Xasan.

Ku:Wiilqardhood

Waxaa tuhin iiga jiraa in aad tahay ninki magacaas istcmaali jiray sababtoo ah:

Waxaad ku qirtay Majerteen DANBI TAARIKHEED oo Soomaalidda badankeed aysan si wacan ula socon marka aad tiri:
Boqorka,Suldaanka,Islaanka waxey ahayeen CADAQATAYAAL GUMEYSIGGA TALYANIGGA SANDARERTO KA QATA.
Lacag galadda iskama bixiso waliba waagi Gumeysigga kuma sii jirin. Waxaa jiray Boqoro Afrikaan ah oo dadkoodda siisan jiray MURAYADDO iyo SIGAAR.
Bal marka noo sheeg wixi Cuqaasha Majerteen ay ku muteysteen MUSHARKA.

Waa dhab oo waxaa la hayaa qoralo Arkifiyadda Talyaniga ku jira, iyo buug badan oo arintaas laga qoray.
Waxase weli tuhin iiga jiraa inaad ninki tahay. Marka bal shakigga iga saar oo Please ii soo cadee in aad ninki tahay. Hadii kale waxaan ka soo qaadi in qoralkaas uu soo qoray ruux kale oo magacada ku adeganaya.
Mahdsanid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil-Qardhood

Wednesday, March 14, 2001 - 06:36 am
To:Deeq
Deeqow adigaa waxaad isimada majeerteen ku eedaysay in ay caadaqaateyaal ahaayena markaas ayaan waxaan uqaatay in aad tahay nin lasocda diiwaanka talyaaniga MARKA ANIGU WAXAAN KUTUSAAYAY OO KALYA IN SHARCIGA TALYAANIGU dhigaayay in isimadu ay mushahar xaq u lahaayeen ee anigu marra ma dhihin Mushahar bay qaateen. Mida kale Cali Yusuf markii uu yimid xamar wuxuu kamid ahaa dadkii soomaaliyeed ee markaas joogay kuwa ugu dhaqaalaha badnaa, arintaas oo ay lawadaageen badankood isimada majeerteen. Mana jirin wax ku kalifayay in ay qaataan xoogaa lacag ah oo Talyaani.
Kalana baro Wixii jira iyo wixii lasameeyo.
Cali Yusuf iyo Islan Farah iyo Boqor Cismaan midna laga helimaayo diiwanka talyaaniga in wax lasiiyay ee deeqow waa dad ilaahay uu hodan ka dhigay.
waxaad kale oo buugaagta talyaanigas ka raadisaa siduu u dhacay wada hadaladii dhex maray Suldaan cali Yusuf iyo Talyaaniga, Markaas baad ogaanaysaa in ismada majeerteen ay iskala waynaayeen sunuuda Talyaaniga.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

qoslaaye

Monday, March 19, 2001 - 04:15 am
nin durwaa lagdoodow adigaa wareeraya..

wiil qardhood godkii uu galay meel uu ugu dabaasho yuu la yahay.

aniga horay ayaan u ogaa sheeka marqaanka iyo maalaayacniga ceebta iyo wasaqda bulshada ka dhex ah ee local yada qaarkood looga sheekaysto in dad badan ceeb iyo fadeexad ka raacayso markay goobaha waxgaradka iyo aqoonyaha nada iyo bulsha wayntu ku kulanto lasoo istaagaan hadhowna ceeb iyo xishood uda guurguurtaan goobta iyagoo leh ilaahow maxaa ii gaystay..


wiil qardhood asaga oo caruur tiisa iskala chada oo aan meesha tilaabada marayso ka war qabin yaa qolo u sacaba tuntay godkay ku rideen alow yaa iga saaro yey maanta ka maraysaa..

walee rag indhaha kaa tuuro inaad hoos imaanayso waan arkay..

deeq. yarka wax u reeb aabahay yaana gatay gumaystahana u adeegi jiray inaad ka saxiixdo miyaad rabtaa..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cisman

Monday, March 19, 2001 - 04:58 am
TO. qoslaaye

Wiilqardhood wuxuu idiinla hadlay sidii dadwaxgarad oo diiwaanaddii talyaaniga soo akhristay oo kala og wixii sharci ahaa iyo wixii kale iyo wixii sida afweyne hoosahaan wax loogu qarin jiray.
waxa kale oo uu idiin sheegay in aysan isimada majeerteen waxba ka qaadan talyaaniga, wuxuu kale oo idin waydiistay in aad bal dib ugu noqotaan meeshaad hadalka kabilowdeen oo ahayd DIIWAANKA oo bal aad ka heshaan isim majeerteen ah oo talyaniga mushahar ka qaatay. markaad wax soo akhridid baa dadka loo yimaadaa ee ninkaa markii horena indikaa daardaarsaday markii danbana waxaad ugu dhaqaadeen cay iyo inaad tiraahaan waa ciyaal iyo waa marqaansanyahay ama afeef hore lahaada ama adkaysin danbe.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cigale

Tuesday, March 20, 2001 - 08:05 am
wiil-qardhood iyo inta ah reer puntland, war maxaad kala hadlaysaan qoomkaan tashan waayay oo ay kaga dhegtay puntland , war ilaahay haddii uu idinka dhigi waayay, maxaan idiin sameeynaa, waa loo dhashaa ee la iskama dhigo
VIVA PUNTLAND

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

qoslaaye

Thursday, March 22, 2001 - 11:31 pm
horta waxaa ilaahay mahadiis ah in dadka oo dhan netka wax ku qori karaan hadana aysan isla yaabin waxa ay qoraan..

wiil qardhood inta ilaahay abuuray qofka ugu maanka gaaban waaye intaas waxaa u dheer meel walba oo xun buu is dhigaa..

aniga halkaan kama dheheen laaluush baan qadan jirnay iyo gumaystihii baan dadkeena ka gadanay..
saas oy tahay jileeca majeerteen iyo dadnima xumidooda waala wada yaqaan wax sheegid u baahan ma ahan..

lakiin waxaa aniga la yaabanahay cusman iyo cigal daad u aqbasheen adinka arintaas mase afsomaliga yiinaan aqrin aqoon,
oo waxaad aragteen in uu pundland uu u hadlay oraahdiisa oodhan waxba kama iinaan fahmin..

wiil qardhood in ay ka taagan tahay alaw yaa hadal kayga iisoo celiyo waan wada aragnaa hadii uu awoodo qolooyinkii arintaas ku qayilayay oo uu ka dhagaystay way is layn lahaayeen saa wax bulshada ceeb ka ah yey ku wada hadleen asna wuu iska soo qatay..

ragii hore waxay dhihi jireen inta waxa xun qariyaan arintaas waa sir.. doqonina netka yayla timid..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cisman

Friday, March 23, 2001 - 12:29 am
To: qoslaaye
waan wada akhriyay waxa uu wiil qardho qoray kumana arag wax xun ama aan beenayn karo. Waxaase hubaa in aad ka gubanaysid sida qeexan ee uu idiinku sheegay in uusan idinla xaddarad ahayn waayo madaxweynihii wadanka baad waxaad ku amaanteen inuu yahay nin dhiig yacab ah. Waxana uu idinka codsaday in aad sheegtaan meesha uu leeyahay mushahar baan qaadaanay. wuuna idiin kala qeexay wixii jiray iyo meeshii ay isimada majerten ka istaageen iyo siday qani u ahaayeen iyo siday ee aysan ugu baahnayn sunuud talyaani wuxuuna idinka codsaday in aad fiirisaan wadahadalkii Talyaaniga iyo Suldaan Cali Yuusuf. wuxuuna kale oo idinka codsaday in aad bal dib ugu laabataan diiwaanadii talyaaniga.
Lakiin waad iska caayaysan wiilka. idinkaana soo qaaday diiwanada talyaaniga, markuu idiin jawaabay oo uu idiin kala dhig dhigayna Caybaad ugu dhaqaaqdeen. Ama afeef hore lahaada ama adkaysin danbe.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Patriot

Friday, March 23, 2001 - 08:21 am
waxaan beryahaan danbe soo badanaya, qolooyin aad iyo aad ugu ooman in ay dib u helaan dawlad la mid ah sida tii dhiigya cabka ahayd ee afweyne, waxaa se la yaab leh ummadaan garaadka gaaban miyaysan ogayn in shacabka soomaaliyeed ay maanta horay u dhaqaaqeen, oo aana soo noqod lahayn sida dawlad goboleedyada wadanka ka dhashay oo reflection u ah awooda shacabka.

waryaada waad huradaane smell the cofee afweyne iyo qurunkiisa waa laga soo tagay, doofaaradii uu ka tagayna waa isla doofaaradii shalay maanta iyo beri.