Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Puntland Politics: Puntland Politics (Current): Dowlada Hawiye : Dowlada ku meel Gaarka
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shirwac Cigale

Wednesday, February 14, 2001 - 06:35 am
Dowlad ku sheegta ka soo baxday Carta aad ayaan ugu faraxsanaa markii ay dhalatay. Sida ay jagooyin waaweyn iyo kuwo yar yarba ugu qaybisay soomaalidoo idil waxeyna u ekeed mid guul gaari karta, laakiin waxey isu badashay mid uu qabiilka Hawiye ku shaqeysto daarood iyo isaaq badana ay ku caawiyaan.

Ayakoo isticmaalaya siyaasadii uu Siyaad bare ku shaqeysan jiray ayeey isku dayeen in ay rabshado ka dhex bilaabaan beesha nabadoon PUNTLAND. Xoogna waa ay iskugu dayeen in ay Baydhabo iyo agagaarkeeda ku qabsadaan.

Alaha u naxariisto dadka ku geeriyooday Boosaaso.
Dadka mas'uulka ka ahaa geeridaasana inkastoo la sii daayay waxaa muhiim ah in la xasuusto in ay PUNTLAND dowlada ka taagani iyo ciidameedu --Daaroodoo idil ay naftooda iyo dhiigooda siiyeen si ay bulshadooda nabad ugu noolaadaan. Dadka doonaya in ay yax-yax ka bilaabaana si ay dowlada Hawiye gacanta PUNTLAND ku dhigtana waa in laga hor tagaa ama hadal ha noqoto ama si kalaba ha noqoto.

PUNTLAND waxaa ay Soomaliya ku biireysaa waaga ay Soomaliya ka dhisanto dowlad Soomaali oo idil u adeegta. Bulshada PUNLANDna waa waajib saaran in ay dadka beelahaas degan ka dhaahdiciyaan siyaasada ka danbeysa banaanbaxyada iyo borobagaandooyinka uu xaasidka iyo dadba dhilifkiisa sido.