    LOL | Thursday, February 15, 2001 - 08:10 am Wareeysigii Guddomiye ku xigeenka RRA Md.Sh.Aadan Maxamed (Madoobe) Arlaadi News-13ka Febraayo -Guddomiye ku xigeenka 1aad ee Ururka (RRA) Md.Sh.Aadan Maxamed (Madoobe) oo dhawaantan wareeysi la yeelatay Cidaacadda Ku hadasha Afka Maymaayga ah ee Soomaaliyeed ee magaalada Atlanta,Georgia ee dalka Mareeykanka Sheekh Aadan oo lagu wareeysanayey Luuqadda Maymaayga ah ee Soomaaliyeed gaar,ahaan lahajada Digil waxaana wareeysigii uu u dhacay sidan. S- Md. Sheekh.Aadan (Madoobe) waxaan rabnaa inaan ku weydiino maamul goboleedka la rabo in dhowaan la soo dhiso oo ka kooban lix gobol sida adiguba aad sheegtay ,waxaa meesha ka muuqda in Ururka RRA ay horfadhiido 4 Urur oo ah beesha Daarood gaar,ahaan SNF oo keliya ayaa 3 Urur u joogay halkaas arinkaas maxaad nooga bayaaminkarta ? J- Haa waan idin bayaaminkaraa shantan Urur aad sheegaysaan aadna ula socotaan een lixdan gobol 4 gobol ka mid ah sida Sh/ hoose waxaan u aqoonsanahay in beesha Biiymaal nala degto een Baay,Bakool & J/ dhexe, J/ dhexe ma jirto cid kale aan u aqoonsanahay in kasta oo degmooyin ka mid ah dad kale ka maqalnay oo sheeganaya 2dii sano ee ugu dambeeyay sedexadaan gobol waxaa dega oo keliya D/M Sh/ hoose waxaa nala dega Biiymaal oo ogol in uu wax la qeybsado D/M. waxaa jira Gedo & J/hoose ,Gedo la idinkama sheekeeynayo taariikhdeeda idinkuba waad la socotaan D/M waxaa uu aaminsanyahay degmooyinka uu ka koobanyahay haddii lagu daro Buurdhuubo waa todobo degmo haddii kale waa 6 degmo Garbahaarey & Buuloxaawo waxaa majority ku ah Mariixaan inta kale waxaan ku tirina in ay yihiin degmooyin D/ M marka J/ hoose 3 sedex degmo sida Xagar ,Afmadoow iyo Dhoobley waxaan u qirsanahay Ogaadeen inuun dego Kismaayo waa magaalo ka dhaxeeysa Soomaali oo dhan waxaana majoriy ku ah D/M Jammaame dadka dega waxaa kow ah Biiymaal labo waa Tuni oo D/M ah Jammaame waxaa ku xiga waa taqaanan waa dhuul D/M marka anaga dhuulkii ma kala saarikarno hadda magaca Daarood meel kale ayuu majotiy ku yahay halkaan waxaa uu ka yahay minority marka degaanka waa degaan D/M ah inta nala degtaana waxaan rabnaa inaan qancino, laakiin ciddii wadata dan kale ayagey jirta Illaha mahad leh manta waa laga soo gudbay waqtigii magac la isku cabsiin jiray oo taas waan ka dagaalamnay dawladdan waa dawlad D/M hormuud ka ah inta nala degtaana ma xakhirayno qofkastana waxaa uu dawladda ka soo galaya tuulada uu dego xitaa sida aad la socotaan J/ hoose oo kale waxaa dega Shiikhaal & Gaaljaceyl marka anaga uma aragno wax weeyn oo micino leh uu sameeynkaro magacaas. S- Sida ay sheegayaan wakaaladaha wararka qaarkood waxaa jirta in dawladda Talyaaniga ay wado dhex dhexaadin Soomaaliya ah idinku ka RRA D/M ahaan mawqifkiinu waa maxay ? J- Haa Marka hore anaga dawladda Talyaanigu waqtigii guumeysiga & haddaba waxaan u aqoonsanahay in uu ahaa baabi-iyaha Ummadaa D/M mantana safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya waxaa lagu magacaaba Shortiino, Shortiinona waa nin gacansaar la leh beesha Ceeyr gacana ku siyay baabi,inta D/ M welina raba inuu shirko kula noqdo Cery gobolka Sh/hoose Dawladda Talyaaniga wafdi ka socoda markii aan isku aragnay halkaan waan u sheegay inuusan na dhex marikarin wada hadal habayaraate inta uu wakiil Sooomaaliya uga yahay Shortiino tan kale anaga ma ka qeyb galeyno wax kasta oo Talyaanigu uu lug ku leeyahay madaama Talyaanigu dhibaato u geeystay D/M . S- Sida aan la wada socono waxaa jirta in kooxda Carta dhowaan la gashey heshiis shirkado Fransiis ah oo ka baara shidaal inta u dhaxeeysa G/Sh/ hoose & J/hoose ,waxaan iyana la socona in magaalada BAYDHABO laga sameeyay mudaharaad lagaga soo horjeedo heshiiskaas marka maxaa kale oo talaabo ah aad qaadeen ? J- Ha taas waxay ka mid tahay xuquuqda aan u dagaalamayno sida beeraha iyo guryaha xoogga lagu haysto oo kuwaas waxay degeen webiga marka qofkii kaa iibsaday biyaha webigaadi shidaalna inuu kala soo baxo waa haweeysankara laakiin anaga marnaba ma ogolaanayno ,taas waxay ka mid tahay sabaabta nagu kaliftay inaan qoriga qaadono koleeytaba waan ka mudaharaadnay caaalamkana waan gaarsinay dacawadeena kooxda Carta xitaa si fiican ayey ula socodaan inay ayagu ahayn dawlad awoodna u lahayn inay galaan heshiis noocaas ah balse arintu un tahay mid lagu buunbuuninayo Jabuuti maa daama Jabuuti Faransiiku ka taliyo iyo madaama koxdaana wadato magac magaalo ka mid ah Jabuuti waa carta waxaana rajeeynayna taas in waxaba ka jiriddoonin. S- Waxaa dhowaan soo shaac baxay khilaaf u dhaxeeya kooxda Carta gaar,ahaan C/deerw & C/qaasim sidee idinkula muuqata idinku arintaas madaama C/deerow uu yahay muwaadin u dhashey beesha D/M ? J-Haa marka hore anaga ma hubno iska horimaansha aad sheegtay inuu jiro& in kale anaga waxaan u haysana in ay la mid tahay labo qofood oo gaboyaal ah oo midba mid kale caaya oo saaxibo ah raba oo keliya in adiga kaa qaadatan lacag C/ deerow anaga meel fog ayaan kaga soo laabanay C/ deerow waxaa uu ahaa nin saaxibkey oo soo halgamay ma garanayno dadkaas waxaa ay ku sameeyeen anaga weli ma aaminayno C/deerow waayo ma hubno in uu khilaaf jiro iyo in kale . S- waxaa jirta inuu aad u gaabiyo xiriirka u dhaxeeya aqoonyahaanada D/M iyo hoggaanka Ururka RRA taas maxaa sababay bay kula tahay? J- Anaga waxaan nahay dad aad u mashquulsan oo hawlo badan ku jira balse waxaa la yaab leh wixii kalsoonida ka qaaday aqoonyahaanda D/M oo loo waayay markii uu bilaabmay halgankan ilaa iyo hadda arintaas habeen hore xitaa waan ka hadlay markii uu socoday Teleconference-gii dhuulkan waxaa xoreeyay xoolaley iyo beeraley markii hore dhibaatada jirtay waxaa la cunijiray geela maantana waxaa la cunaya beeraha dadk dhintayna waa beeraley iyo xoolo dhaqato marka waan la yaabanahay sababta ay halgankan ay ugu soo qeybqaadan la,iyhiin aqoonyahaanada D/M S-Md Sh.Aadan Jaaliyadda D/M ee degan Atlaanta ee dalkan Mareeykanka waxaa ay leeyihiin waxaan diyaar u nahay in aan hiil iyo hooba la garab istaagno halganka xaqa ah ee uu wado Ururka RRA balse aan kala garanweeynay meesha aan wax ka bilaabno oon ku hagaagno marka taas maxaad ka dhihilahayd ? J-Haa koleeytaba aniga waxaan ahay waad taqaana Guddoomiyaha Ururkana waad taqaana anga hadda waxaan dhisayna Dawlad micinaha Dawladna waxaa lagu jeedo wad garankarta oo waxaan u baahanahay aqoonyahano ka qeybqaata dhameeystirka halgankan oo maamulkiis sii wada marka waan idinku soo dhoweeynayna inaad aqoontiin ,maskaxdiin iyo maalkiina u hurtaan dhuulkiina hooyo. S- Dad ayaa waxaa ay rabaan in lakala jaro Digil & Mirifle taas Maxaad ka dhihilahayd? J- Oo yaa raba la yiri ma waxaa raba Mirifle ama hoggaanka sare Uruuka RRa mase Digil? Maya dad Digil ah ayaa sida yiri J- Horta aan kuu warame Digil & Mirifle maha dad (Alliance ) ama isku keentay siyaasad oo markay rabaan kala tagi kara markay doonaanana wada jiri kara waa dad walaala ah sida ula soco mana kala goi-karaan waa jira dad daba dhilif ah oo meelaha wareega waxay rabaana iska sheega balse D/M waxaa isku wafaqsanyahay walaatinimada iyo wada jirka . Dhammaad Waxaa noo soo diyaariyay M. Rashid |