Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Puntland Politics: Puntland Politics (Current): Cabdullaahi(Burburiye, bililiqayste)
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

khayr

Thursday, February 15, 2001 - 10:31 pm
Waxaan aad ugu farxay markii lugu dhawaaqay inladhisayo maamulka puntland ee gobolada bari iyo waqooyi bari.
Anigoo ah soomaali aan udhalan dhulkaa laakiin jecel wanaagga dhammaan umadda soomaliyeed waxay iilamuuqatay in maamulkan uu noqon tussale soomaliyoo dhan kudayato oon ulajeedo inuu noqon lahaa mid kaduwan budhcadnimada iyo dulmigii fooshaxumaa ee kataagnaa koonfurta soomaaliya iyo siyaasad xumada larabay in laga hirgaliyo Waqooyi galbeed oo ah in dalka soomaaliyeed oo xitaa gummaystihii xoogga kuhaystay kuguulaysan waayey inuu xudduud ukalayeelo ay rabaan inay kalxidhaan ama kalajaraan.
Waxaan aaminsanaa in puntland noqon doonto ta horseed unoqoto iyo tusaale soomaaliyoo dhan soona celiso kalsoonida ay qolo walba kuqabato degmada ay degto dhamaysana dushii la'iskasaarraa walina waan aaminsanahay arrintaa inkastood mooddo inay wakhti qaadan.
Waxaanse aad uga naxay ulana yaabay markaan maqlay in Cornayl Cabdullaahi yussuf ladoortay inuu hoggaamiyo Puntland una hoggaamiyo siyaasaddii latiigsanyey, rajadaan lahaana ay hoos udhacday. Haddana waan yara shakiyey oo is idhi war dadkaa ayagaa kaa og maslaxadooda yaqaannan meeshay umariyee armay kusaxsanyihiin ninka ay doorteen waloow uu yahay shakhsi aad uxun. Waxaa markaa igusoo dhacday in haddii ladoortay hadhoow hadduu wadada kaleexdo tartiib haddana xilka lagaqaadi karo oo loo dhiibi karo shakhsi uga habboon asaga.
Waxaa caddaatay in cabsidaydii dhaboowday oo ay noqotay "Kullu shay'in yarjic ilaa aslihii" waxwalba waxay unoqon asalkoodii. Cabdullaahi yuusuf wuxuu unoqday wuxuu ahaa (buburiye,bililiqayste).
Waxaan layaabay maalinba maalinta kadanbayso foolxumada soobaxayso ee uu ninkaa kukacay; musuqmaasuq, eex minjoxaabin madax adayg, inuu kaligii biliqaysto khayraadkii dadka kawada dhaxeeyey iyo danbiga ugu wayn ee soomaali galo oo ah inuu ushaqeeyo cadowga ugu daran ee dadka soomaaliyeed leeyihiin.
Hadda waxay taagnatahay, ilaahoow dadkaa kabadbaadi shartiisa geesna udhaafi iyadoon dhibwayn dhicin. Waana waxlahubo inuusan cabdullaahi sidhibyar kutagayn.
Nabadeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

amin

Thursday, February 15, 2001 - 10:49 pm
walahi waa run ilahow shartiisa naga du