Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Soomaalinimo - Nationalism : Joke..... ila shan nin oo isu faanay
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gaalkacayo

Friday, February 16, 2001 - 11:17 am
Shan nin ayaa isu faanay. Markaas ayaa kii ugu horeeyey wuxu yiri.

1-Annagu mar hore ayaan adduunyadaas wax la qaybsan lahayn, oo British iyo Commonwealth noqon lahayn, ha dhowtana Soomaalidu markay dagaalanto usoo gurman lahayn, Soomaalidaas iyo qaad ayaan dantaydii na seejiyey. This is Waraabe from Hargeysa.

2-Annagu mar hore ayaan fakhriga ka bixi lahayn, oo wershadahayagii "Paris" ku oolaa, ee dagalkii labaad nalaka qaaday dib usoo ceshan lahayn, ee Soomaalida dhexdhexaadintoodii ayaa diyaaradihii nooga wada tageen. This is Xoor from Jabuuti.

3-Annagu mar hore ayaan Itoobiyaanka wax wada qaybsan lahayn, oo ay Itoobiya batrool noo soo saari lahayd, ee Soomaalidaas ayaa dagaal iskaga bilawday amxaarada 1977. This is Qawdhan from Godey.

4- Annaga mar hore hore intaan Soomaalidu xornimada qaadan ayaan Talyaaniga heshiis la saxiixanay, oo waxan rabney inaan Afrika waddamo ka mid ah gumaysano, oo annagu la wareegno,shirkada Fiat-na Garoowe ka dhisno, ee Soomaalidaas dibindaabyadeeda ayaa halkaas nagu reebtay. this is Haraadane from Gaalkacayo.

5-Annagu dad dhib badanba ma ahayn, oo annaga iyo Masayda ayaa rabney inaan beero caleenta shaaha iyo sonkorta laga beero ayaan wada samaysan lahayn, Ingiriiska iyo Daayeer Carab Ismoodeyba horumar iyo barwaaqo ayay noo balan qaadeen. Ee Soomaalidaas ayaa burcadnimo dagaal iskaga bilawday oo dantayadii na dhaafsiiyey. This is Suuxsane from Gaarisa.


Who is Somali then or not Somali?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Analyst

Saturday, February 17, 2001 - 09:47 am
Wasaas aad u sheegtaye adigu ma waxaad tahay:

1-Qaylowayne Waraabe?
2-Kristofar Xoor?
3-Barddacad Haraadane?
4-Eegga Qowdhan?
5-iyo Gaarris Suuxsane?

Bal warka soo daa saaxiib nin war hayaadba tahaye.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gaalkacayo

Sunday, February 18, 2001 - 04:18 am
dhinacee war ka rabtaa oo aan kaaga waramaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Analyst

Sunday, February 18, 2001 - 09:49 am
Saaxiiib bes mar horaadba ii warrantaye!.

Hadda ka horbaa nin waxuu waydiiyey nin kale Gobolkuu ku dhashay oo wuxuu yiri, "Adigu gobokee ku dhalatay)?. Kii kalana waxuu ku jawaabay "Anigaa? Soo aniga maaha" ku daalimaysid taa oo waa laguu yaqaan...". Kii wax waydiinayey baa yiri bes waan ku ku gartaye.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gaalkacayo

Monday, February 19, 2001 - 01:43 am
Wax kale ma ahee shantii uun baan kala qaybiyey. Haddii mid lixaad jirto waan ku dari lahaa. Laakiin xidigta calnka ka lulataa shantaas oo keliya ayay tilamaameysaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samaan

Sunday, April 15, 2001 - 08:00 am
Mr or Ms Gaalkacayo,

Waa runtaa shanta ninba Soomaali ma aha, waayo waxay ka candacoodeen sida ay Soomaalida uga horjoogsatay horumarka ay gaadhi lahaayeen. Sidaas darteed, wixii shantaas nin ka soo hadha ayaa Soomaali ah.