Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government (Current): Guul: Dowladda KMG ah iyo Qanyare oo wada hishiiyey
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Guuleed S

Friday, February 16, 2001 - 12:03 pm
Waa guul u soo hoyatay inta nabadda jecel, 6 bilood ayey jirtaa dowlada kmg laba hogaamiyana waa la hishiiyeen. Waxaan u rajeeyneynaa marka saddexda sanno ay dhameeystaana in ey dhameeystiri doonto haraaga diidan geedi socodka nabadda ee shacabka Soomaaliyeed muddo badan u oomanaa.
-----------------------

SomaliNet) Maanta ayaa heshiis ay wada saxiixeen madaxweynaha dowlada KGM Cabdiqaamis S. Xasan, wasiirka koowaad Dr. Cali K. Galayr, iyo hogaamiye kooxeed Maxamed Qanyare Afrax, waxaa la isku afgartay in hogaamiye Qanyare iyo taageerayaashiisuna aqoonsadaan jiritaanka dowladda KGM. Munaasabadan waxaa goob joog ka haaa hogaamiyaha baarlamaanka dowladda KGM Cabdalla Deerow.
Ayadoo ay beri war saxaafadeed wada jir u soo saari doonaan labada dhinac ayaa heshiiska waxaa kamida in Maxamed Qanyare iyo ciidankiisu ay haystaan hubkooda iyo intay ka tilayaan ayna dowlada kala shaqeeyaan sidii magaalada Xamar loogu soo celin lahaa nabadii ka jirtay intaan dagaalka sokeeye bilowmin.

Sida la ogyahay dowladda KGM iyo hogaamiye kooxeedyada waxaa u wada socda wada hadalo noocyo badan oo aan badanaa u soo shaac bixin saxaafada.

Sakariye.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, February 16, 2001 - 12:58 pm
AWALBA QANYARE WAXBA MA AHEYN. MARKII XAAJI MUSE SUUDI OO AH LIBAAXA BANADIR DHINICIISA SOO AADO BAL DOWLADA KMG WAX HA KA CELISO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Caaqil

Friday, February 16, 2001 - 06:41 pm
QANYARE=KASYARE

HADBA NINKUU IS LEEYAHAY SHILLIMAAD BUU HAYSTAA AYUU DHINICIISA YAHAY.
WAAGII HORE ALI MAHDI
KA DIB GEN MOHAMED FAARAH CEYDIID
KA DIB WIILKIISII
MAANTANA CABDIQAASIM, KASYARE WAX KALE MA RABO WAA MAFIA LACAGTII CUSBAYD AYUU IS LEEYAHAY WAX KA HEL.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, February 16, 2001 - 09:05 pm
QANYARE WAA TUUGA UGU WEYN EE REER SOOMAALIYA SIDOO KALE SHAATI GADUUD IYO INA CEYDIID,CUSMAN CATO CABDULE YUUSUF IYO CIGAAL ISKA ILAALI NIMANKAN WAA MURDERS.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kadie

Saturday, February 17, 2001 - 12:32 am
Qanyare waa nin u dhaxeeya ceyr, sacad, abgaal waana nin waxna kaheyn siyaasada soomaliyeed meel uu kataliyana malahan within ten yesr how many move did he made waa qashin oo aan waxba ka aheyn arnita gobolka.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Guuleed S

Saturday, February 17, 2001 - 06:51 am
Qanyare, wax ahaanshihiisa ama ha fiicnaado ama ha xumaado - dan kama lihi. Ujeedadeeyda halkaan, waa in ey dowlada KMG ah, horey u talaabsato xagga dhinaca nabadda iyo kala yareenta warlords-ka wadanka ka jira. D-KMG dhinaceeda waa u guul mida kalena midkastoo warlords sii haray uu ku sharaf jabo, markii mid walba u siib siibto.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Caaqil

Saturday, February 17, 2001 - 12:27 pm
CABDI-QAASIM INUU WARLORD KA SII LIITO MIYAADAN OGAYN, AFWEYNE KABA QAADKIISII AYUU AHAA.
SOOMAALIYA HORAY AYAA LOOGA DIIDAY WARLORDS IYO RUFIYAAN AFWEYNE.
KULIGOOD WAA TUUGO, WAXNA UMA SUURA GALAYSO ILAA AY QAADAAN WADADA SAXDA AH EE SOOMAALIYA DIB LOOGU HELI KARO. TAASNA WAA IYADOO NIN WALBA UU KA SOO BILAABAA HALKA REERKIISA DEGAN YIHIIN.
CABDIQAASIM KU NOQO MATABAAN IYO DHUUSA MAREEB,ALI KHALIIF GALAYDH KU NOQO LAASCAANOOD.KINGKONG ADNA KU NOQO QARDHO, HASSAN ABSHIR KU NOQO GAROOWE, BUUBAA IYO CISMAAN KALUUN KU NOQDA BURCO IYO HARGAISA, DEEROOW "WAR MEESHA HA KU DHIMANINE WALAALAHAA ISAGA NOQO TIYEEGLOOW IYO BAIDHABO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Guuleed S

Saturday, February 17, 2001 - 07:58 pm
Ayaamahapress.com oo qortey maqaalkaan:

Muqdisho, (Apress)- Axad, Feb 18, 2001
Maalintii shalay waxaa heshiis ku dhex maray Guriga Jen.Maxamed Cusmaan ee Magaalada Muqdisho Dowladda KMG iyo Ururka USC, garabka Maxamed Qanyare Afrax.
Heshiiskaas oo ka koobnaa 3-qodob oo kala ah:-
-In la dhameeyay khilaafkii u dhexeeyay Ururka USC garabka Qanyare & Dowladda KMG, -In Ururka USC ee Qanyare uu ku biiro Dowladda KMG kana qeyb qaato dhismaha Dowladda & -In Dowladda KMG gacan ku siiso Ururka USC ee Qany-are kaalinta kaga aadan dib u dhiska dalka.
Waxaa Heshiiskaa dhinaca Dowladda u saxiixay Madaxweyne C/Qaasim & Ra'isal Wasaare Cali Khaliif dhinaca USC-na Maxamed Qanyaye, waxaana goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka C/lla Deerow
Heshiiskan oo ka dambeeyay wadahadalo muddo badan u socday Labada dhinac ayaa ilo xogogaal ahi waxay sheegayaan in Ururka USC ee Qanyare ay Dowladda ka helayaan Xubno iyadoo Qanyare qudhiisa laga dhigayo Wasiirka Kalluumeysiga & Qeyraadka Badda, Wasiirkii Jagadaas hayayna loo bedelayo Wasiirka Caafimaadka, halka Wasiirka ku magacaaban haa-tan Wasaaradda Caafimaadka uu noqonayo Lataliyaha Madaxweynaha. Warku wuxuu intaa ku darayaa in garabka Qanyare ee Ururka USC ay sidoo kale Xubno ka heli doonaan G/Banaadir iyo Ciidamada oo Jagooyin muhim ah loo-ga magacaabi doono.
Maalinta Berri ah ayaa lagu wadaa in Labada dhinac ay Kulan kale isugu yimaadaan, waxayna Warsaxaafadeed ka soo saarayaan waxyaabaha ay ku heshiiyeen oo faahfaahsan.
(Ayaamaha)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Duullane

Sunday, February 18, 2001 - 01:25 am
Guuleed waa ku mahadsan tahay taageeridda DKM, micnaha dowladnimada iyo qarannimada hayna garansiiyo Ilaahay, waxaad moddaa in Soomaali badan ka madow yahay micnahaas, maanta wax inoo dhaama dowladdan KMG ma jiraan haddaynu Soomaali nahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ina Qanyare Afrax

Sunday, February 18, 2001 - 06:18 am
Guuleed S
Saaxiib aad ayaad u mahadsan tahay, QANYARE waa hogaamiye awood buuxda ku leh xamar.
Muuse Suudina Waa ilma adeero waxba yaanan la munaafaqayn, HAWIYE la iskuma diri karo maanta.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Guuleed S

Monday, February 19, 2001 - 11:56 am
Duulane, Ina Qanyare,,,

waa ku mahadsantihiin in aan meel wax ka wada aragno.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Real Hawiye

Tuesday, February 20, 2001 - 05:38 am
TO : KUWA ISKA CAYTAMAYA

HAWIYE WAA HISHIIYEY WAANA HISHIIN DOONAA INTA DHIMAN AMA DIID AMA YEEL ADEE KU DHIBEE SOOMAALIYANA ANAGAA KA TALIN DOONA ILAA & YOOMOL AAKHIRA

GUUL HAWIYE ,GUUL QANYARE,CAYDIID,C/QAASIM ,CAATO,ALI MAHDI,SUUDI ,& INTA USOO HALGANTAY URURKA ""USC""

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

galgaduud

Tuesday, February 20, 2001 - 09:43 am
waryaa real hawiye,goormaad iska bedeshey dhalashadii?,oo hada ma waxaad tahay real hawiye u malayn maayo in nin hawiye ah uu sidaadaas qaloocan u fekerayo,ee waxaad ku rayn lahayd in aad sheegato qabiilka runta ah ee aad tahay.ma jiro mana la helayo nin hawiye oo wax weeyn u maleeya in hal qabiil xukunka haysto o uu ummadda inteeda kale ku tunto sidi qabilada kale looga arkay.anigu waxaan aaminsanahay fikirka wanaagsan ee Prime ministerka soomaaliya mr galaydh oo oranaya " that girl and that boy are somalians","gabadhaas iyo wilkaasi waa soomaali" hadii aad adigu jeclaato in aad ogaato qabiilkoda aniga hay weeydin" full stop"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Guuleed S

Tuesday, February 20, 2001 - 02:48 pm
To Real Hawiyi ninka isku sheegoo, maxaa kugu dhacay waa isku dheeshay, sida aad u hadleeysidna ma fahmin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, February 20, 2001 - 06:38 pm
That 's the real picture of hawiye mentality iyo dameero hawiyo(members belong to arta faction but not from hawiye clan).


good work! real-hawiye keep to show your real indentity to others.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Run

Wednesday, February 21, 2001 - 06:19 am
Ninka real Hawiye isku sheegay waa beentiis.Wuxuu arkaa oo ujeedaa soomaali oo heshiisay markaasuu is leeyahay kala cayri.
Annaga Hawiye haddaan nahay sida saxda ah oon is muquunin lahaynbaa dantu noogu jirtaa!
Hal marbaan qabyaalad tijaabinnay fal celinbayna ahayd markiina faa,iido kama aannan dheelmin.
Haddii Hawiye qabyaalayste yahay Xamar caasimad ma noqdeen,soomaaliyana dawladu uma dhisanteen!
Dad yar oo marin habawsan mar kasta way jirayaan laakiin majooriga Hawiyuhu maanta af lafahmi karo ayuu ku ku hadlayaa!
Soomaalida kalena iyagaa qanci doona markay arkaan inaannan wax gooniya wadan.
Wada jirka iyo wanaaggaa dantayadu ku jirtaa!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil-Qardhood

Thursday, February 22, 2001 - 01:52 am
Maxaa qanyare uga tagay isbaarooyinkiisii!??

-Qanyar markuu arkay in waxa carta lagu soo dhoobdhoobay aysan ahayn wax cadaalad ku dhisan.Ileen nin cadaalad raba maahane.

-Markuu arkay in meesha dadka isugu tagay ay yihiin kuwii wadanka soo burburshay oo hadana raba in ay marlabaad buburiyaa. Ayuu isyiri fursadaan dahabiga ah yaysan ku dhaafin.

-Markuu arkay isbaarooyinkii uu ku joogay magac kooxeed uu ku badalnkaro magac dawladeed. oo waliba ka dhaqaale badantahay.

-Markuu arkay in xoolihii uu isbaarooyinka udhigtay oo Magac dawladeed lagula wareegay. Oo waliba lacag loo soo daabacaaayo.

-Markuu arkay KOOXDA Carto in ay dhiigmiiranayso shacabka soomaaliyeed iyadoo dowladnimo sheeganaysa. Oo ay dadkii dadkii masaakiinta ahaa doolarkoodii kaga XOOGAYSo waraaqo u eg shilin Soomaali oo loo soo daabacay, kuwii u shaqaynaayayna ay waraaqahaas lacata lagusheegay ay siinayso oo "mushaar" uga dhigayso.

Inataas oo qiil ah iyo in kabadan oo aan halkaan lagusoo koobikarin markuu helay Qanyare. Ileen Qanyare dawladnimo Xalaal ah marabee oo kooxaysi ayuu waligiis u ololayn jiray ayuu Goàansaday inuu reer Carta kubiiro.
Kubiiridda uu Qanyare kubiirayna waa tusaale wayne oo kutusaya inaysan reer carto waxba kaxishoon, iyo inaytahay meel nin xumoo dhan isugu tagay,

Waxaanna lays wadiinayaa kooxaha kale ee xamar jooga kee kuxigi doonta ileen hadda cidna kama qarsoona wixii Carta lagu soo dhoobdhoobay inaysan Dawlad soomaaliyeed ahayn.
S/C

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wadani

Thursday, February 22, 2001 - 03:17 am
Walee ninka xun dan buu u soo baxayaa waxaan la yaabsanahay qashaabiirtii internetka shaqada ka dhigtay ee dawlada ku meel gaarka ka soo hor jeeday siday nabada xamar lagu gaaray ay u dhibtay waxaanse ka shalaayay waqtigii aan ku dhumin jiray u jawaabidooda anigoo is lahaa bal qanci waa mucaarade ileen wuxu ciyaal suuq bay ahaayeen mar danbe haddii aan idiin jawaabo daanyeero adinkoo kale ayaan ahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

patriot

Thursday, February 22, 2001 - 07:01 pm
hawiye anigu adiga maahi!
maxaad facaa u baryaysaa, ilaah banii'aadam ayuu kaa dhigay, maskaxda iyo xooga weyn uu ku siiyay alle maad dadkaaga wax ugu qabatid, war wax qurunkaaga iyo dadnimo xumadaada raba ma jiraan ee tasho, tareenku qabso soomaalidii dhaqaaqdee!

ha noolaato soomaaliya
ha noolaato puntland
ha noolaato xiriirka soomaaliya iyo ethiopia

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, February 22, 2001 - 09:45 pm
markaan war-aanjirin kadhahay Qanyare waan cabsanaa go'aankiisana waa fiicanyahay waxuu raacay dadkiisa meeshey ubateen waana uxal wadankiisa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil-Qardhood

Friday, February 23, 2001 - 12:08 am
To: "wadani"

Walaal wax jawaab ah oo aan reer Carto ka sugayay baanba jirin, Waayo waxaan ogohay in aydinaa hay wax Qiil ah oo aad dadka Hotelada Xamar daggan kudifaacdaan.
Waxaase yaableh in qof aadan aqoon aad ciyaal kusheegtid, laakiin anigu ciyaal baad tahay kumalihi oo nin xun baad tahay kuma lihi waayo waxaan kaliya oo ogahay in aad talo ubaahantihiin marka kolay inta aan firaaqada hayo waan idinla talinayaa, soomaalidaa waxay taaraahaa "ileen talo isuma kaa sheegto" marka anaa idiin sheegaaya
S/C

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Warshiiq

Friday, February 23, 2001 - 01:32 am
To: patriot


sxb itopianka dabada u dhiibo ha ku wasaane,,,,,,sidii belguimkaba idiin wasay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anon

Friday, February 23, 2001 - 04:15 pm
Tuugii Qanyare, waxaaa abaalmariin looga dhiigay Wasiirnimoo.Caqli moryaan uun bay sidaa ka suurtoodaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qoslaaye

Sunday, March 18, 2001 - 10:22 pm
Maxaa Qanyare dambi laga fududeeyey Saaxiibbayaal wada xanta iyo nuxnuxleynta bal inaad wax ka macaashtaan iyo inkale.