Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government (Current): Greed Destroyed Somalia.Can Greed Re-Unite Somalia Again?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Witness.No#3

Sunday, February 18, 2001 - 09:47 am
Tobankii sano ee dawlad la'aanta waxaa soo baxay shirkado madax banaan oo Somali ay maalgalisay.
Kuwaas qaar ka tirsan waxay ka gudbeen bilaa fiiso(visa) xuduudadii qabaa'ilka iyo goonigoosadyada.Waxay ka awood bateen maamula gobalada iyo kuwa diidan isdhexgalka Somaalida.
Shirkadahaas qaranka ah(national) waxey iskusoo dhaweeyeen walaaladii dagaalada sokeeye kal eryeen.Waxayna horumar ka geysteen dhibaatada ka timid dawlad la'aanta ,khaasatan koonfurta.
Barakaat iyo Dahabshiil waa kuwa maanta ugu waa weyn.Nasiib wanaagna waxay labadasi ku kala yaalaan oo xadun u kala ah labada magaalo ee dalkeena ugu waaweyn Xamar iyo Hargeysa.
Waxay ku bilaabmeen ,xawaalad maantana waa bangiyo ku jira maal galin xag kasta oo ilo dhaqaale iyo wax soo saar ah.
Si illaa xad xor ka ah maamulada ayay isku maamulaan.Waxayna Somalia oo dhan ku leeyihiin xafiisyo.
Ma dhici kartaaa haddii markii hore Somalia uu damac burburiyay in maantana damac kale oo ka gadisane isku keeno???
Capitalismku waxaa uu dhiiri galiyaa ganacsatada wadani ah.Ganacsatada waaweyn ee Somalia maanta ka jiraa waxay u baahan yihiin suuq balaadhan oo suuqa qabiilkooda kali ahi kuma filna.
Maantana waxaa xaqiijinaya Barakaad oo Boorame Telefoonkeeda kontirad ku qaadatay.Sidoo kale waxaan ognahay sida Dahabshiil dhaqaalaha ugu leedahay Xamar iyo koonforta oo dhan.Daalo iyo kuwo badan ayaa maanta multi-qabiil ah.
Waxaa dhici kara in suuqa Somalia markay ka weynaadaan ee shirkadahaasi Somaalidu kobcaan in aan u baahano suuqa dawladaha jaarka aan nahay sida Ethiopia iyo Kenya.
Damac iyo wax korodhso xuduud joojin karta ma jirto!!!!
Haddii maanta kuwa maamula gobalada iyo 'Somaliland' ay isku keeni waayaan Soomaalida ,waxaa isku keene kuwas shirkadaha waa weyn iska leh.Waxaana saacidaya waqtiga.Kolay Somali wey midoobidoontaaa!!!!!!!